Qeybta 39aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 39aad. Ikhwaanii iga raalli ahaada waxaan in yar dib ugu noqonaynaa qormo aan ka tagnay ama naga dhuumatay. Qormadaasi waxay ka warramaysay dhacdo muhiim ah. Dhacdadu waxay ahayd ama ku saabsanayd dagaalkii Hillaacwayne ee mujaahidiinta iyo gaalada ku dhex maray magaalada Doolow. Qormo gaar ah ayaan ka qoray Dagaalkii Hillaacweyne balse nasiibdarro qormadii oo dhan way iga luntay sidaas daraaddeed ayey lagama maarmaan noqotay in aan dib ugu noqonno.

Akhristayaalow markii ay gaaladu soo weerareen magaalada Buuloxaawo oo ay qabsadeen dadkiina ay laayeen ayay magaaladii ka bexeen. Waxay isugu tageen Doolow oo ahayd dhufayska looga soo duulo ama laga burburiyay imaaradii Islaamiga ahayd. Gaalada waxaa horay u raacay markii horana la socday ciidamadii gaalada u shaqaynayay oo Soomaalida ahaa. Ciidankaasi waxay ka tirsanaayeen ama ka amarqaadanayeen hoggaanka sare ee ciidammada Tigreega.

Waxay fuliyaan ujeeddada ama danaha gaaladu leedahay. Ayaga lama yaqaan ujeeddada ay u dagaallamayaan mana gaaraan dano ay leeyihiin. Ayagu ma garanayaan dantooda. Waxaa danahooda garanaya gaalada oo ku tiraahda hawsha sidaas ah qabta taasna iska daaya idiinma wanaagsanee. Waxay gaaladu uga warrantaa xalaasha iyo xaaraanta. Waxay yiraahdaan arrintaan diintiinnu ma qabto waana xaaraam.

Gaaladu waxay tababbartaa oo casharro diini ah siisaa ciidammada Soomaalida oo ayaga shaqaalaha u ah. Waxay u sheegaan ama ku wacdiyaan dagaalka ay ku jiraan inuu yahay jihaad ay Ilaahay ku raalligalinayaan. Waxay uga digaan kooxaha kale (Shabaab) ee sheeganaya Islaamka ama dagaalka ayaga kalasoo horjeedaa inay yihiin Khawaarij ama kuwo diin khaldan faafinaya. Isu hadal ekaa ayaga iyo Ictisaam!

Gaaladu waxay darbi ka dhigatay oo xabbadda iska xijisaa Soomaalida ciidanka u ah. Ayagaa jaasuus u ah oo soo sheega waxyaabaha qarsoon oo aan gaaladu ogaan karin. Soomaalida ayaa biisha ciidammada Tigreega. Ayagaa arradbixiya oo waxay ku labistaan dharka yaalla bacadlayaasha. Intay soo galaan dukaammada ayay ka qaataan waxay rabaan. Looma diido xaafadaha markay hawlo khaas ah ka leeyihiin. Waxay sameeyaan xumaan iyo dullinnimo midda ugu liidata oo loo gaysto qof Islaam ah. Cidna kuma inkirto xumaanta.

Soomaalidii waxaa la isugu geeyay Doolow Soomaali. Waxaa la yiri waardiye naga haya intaan khamriga iyo doofaarka isla dhacayno. Awalba dan kale lagama lahayn oo waxay ahaayeen darbiga Tigreega ka xigsanaya xabbadda mujaahidiinta. Gaaladii waxay gashay damaashaad iyo dabaaldag, maxaa yeelay waxay ka guulaysteen cadawgoodii koowaad.

Soomaalidu kama qaybqaadan damaashaadkaas lagamana qayb galin. Waxaa loo diray oo kaliya inay waardiye ka hayaan ciidammadaan guulaystay oo damaashaadka ku jira. Ma yaqaannaan waxay u dagaallamayaan. Ma yaqaannaan goorta ay guul gaari doonaan. Ma yaqaannaan cidday ka guulaysanayaan! Waxay isku maaweeliyaan cunitaanka qaadka iyo cabbitaanka khamriga. Waxay ku noolyihiin nolol aad u hoosaysa.

Wadaaddadii waxay galeen diyaargaroow. Waxaa u yimid gurmadyo aad u fara badan. Kismaanyo waxaa ka yimid ciidan gurmad ah oo watay ugu yaraan saddex gaari. Waxaa hoggaaminayay ciidankaas Shiikh Awkax. Xamar waxaa ka yimid ciidan xoog leh. Waxay wateen gaadiid aan yarayn oo gaaraya illaa iyo siddeed gaari. Waxaa laga yimid dibad iyo daakhilba. Gurmadku kala joogsi ma lahayn.

Raggii dibadda ka yimid waxaa kamid ahaa Shiikh Fu’aad Maxamed Khalaf. Waxaa la diyaariyay duullaan lagu qaado isbahaysatada fadhigeedu yahay labada Doolow. Kan Tigreegu fadhiyaan iyo kan Tuuji Amxaaro waardiyaha ka hayso. Waxaa la gaaray waqtigii duullaanka lagu qaadi lahaa gaalada nagusoo gardarrootay iyo murtaddiinta ay ku adeeganayso sidii eygii.

Galab casarkii ayaa lagu ballamay in laga faraxasho balaayadaan lasoo uruuriyay. Waa la isqaybiyay oo qolo walba waxaa la siiyay aag ayaga u gooni ah. Waxaa la isku dhaarsaday guul ama shahaado. Weerarkii baa la qaaday. Alla ma-liibaanooyinkii lagu liibaanay ama gaaladu ku liibaantay waxay u fadhiyaan qaad iyo qurunkii ay Ilaahay daacaddiisii uga bexeen. Isma ay lahayn Al-Itixaad baa dagaal dambe soo qaadaya oo waxay la ahayd inay soo dabargooyeen.

Laakiin say moodayeen arrintu ma ahayn oo waxaa harsanaa rag Ilaahay gacmahoodii ku cadaabay gaaladii iyo murtaddiintii isasoo bahaystay. Doolow ayaa meel kasta lagasoo galay. Waxaa markiiba soo dhex jiiray gaari uu saaran yahay qoriga Seko’u la yiraahdo. Wuxuu ka gudbay buundada ama korkeeduu istaagay. Wuxuu baabbah ka dhigay Amxaaro gaddiga kale ku cambuulaysanaysa ama daafidii ku cunaysa.

Ciidanka weerarka soo qaaday oo Muslimiinta ah nin walbaa yool buu leeyahay. Rag ayaan dan ka lahayn dagaalka wajigiisa hore oo waxaa la siiyay amar ah inay gaalada dhabarjabiyaan. Waxay ka gudbeen wabigii oo waxay u tallaabeen Doolow. Rag baa yoolkoodu yahay inay safka hore dhex jiiraan oo taliska u tagaan si ay madaxda u laayaan ama ay nolol ugu qabtaan.

Rag baa yoolkoodu yahay xaabada safka hore ku jirta inay markiiba ku luqluqdaan oo ka gudbaan si ay u qabsadaan magaalada. Waxaa markiiba dhulka lala simay mooryaantii darbiga u ahayd gaalada. Waxaa laga daadsaday hubkii gaaladu ku amaanaysatay. Waxaa ka dhacday miinanlay cuntaye madaxa u ballaari. Waxaa safka hore ku jiray ciidamo laga keenay gobollada dhexe sida Caabudwaaq oo kale. Birtaa laga aslay oo waxaa loo laayay sidii reer Caad iyo Thamuud. Way galabsadeen, maxaa gaal soo raacshay?

Waxay ku calaacaleen “War Mareexaan reer Mudug ayaan ahay ee ha i dilina,” lagamase dhagaysan calaacalkoodii oo waxaa laga waraabiyay baaruud kulul. Waxaa kamid ahaa ragga maalinkaas calaacalay ee la abaalmariyay Maxamed Carab Falaxfalax. Ninkaasi wuxuu ahaa xubin sare oo ka tirsan taliska Tigreega. Wuxuu ahaa Afhayeenka Tuuji Amxaaro. Reer tolkii waxay dheheen markay maqleen geeridiisii, “Wuxuu ahaa nin wadaad ah oo asagoo masaajid kasoo baxay ayaa la dilay!” Muxuu yahay masaajidka furinta ku yaalla oo Jeneraal Tuke iimaamka ka yahay?

Gabalkii baa dhacay. Waxay wadaaddadu difaac ka galeen buundada agteeda. Waxaa la damcay in buundada la gooyo oo waxaa lagu xiray walxaha qarxa. Ma go’in waxbaase gaaray. Waxaa shaqadoodii qabsaday raggii la yiri dhabarjabin sameeya. Waxaa hoggaaminaya raggaas Shiikh Cumar Aw-Faarax. Waxay gacmaha ula tageen gaaladii Doolow Amxaaro dagganayd. Markiiba waxay ka dhigeen waxay laayaan iyo wax kala cararay. Waxay qabsadeen saldhiggoodii ugu waynaa ee Doolow.

Waxay gubeen wax alla wixii hanti taallay: raashinka, shidaalka, hub iyo hanti farabadan oo aan la qiyaasi karin. Waxaa usoo hiiliyay ama gurmad uga yimid ciidamo dagganaa meel lagu magacaabo Buur Aaminow. Ayagiina bisinkaa loo qabtay oo habeenkii oo dhan ayaa gawda lagu hayay. Waqtigu waa habayn mugdi ah, waa saqdhexe, laakiin waxaad mooddaa maalin cad oo kale, maxaa yeelay waxaa gubanaya shidaalkii, raashinkii, guryihii iyo hantidii magaalada taallay oo gaalada laga gubay.

Waxaa intaas dheer hubka la is waydaarsanayo oo nooc walba leh iftiinkiisa. Madaafiicdu markay dhacayso ama fuusto batrool ah ay qaraxdo ayaad arkaysaa hillaac sidii roobkii oo kale ah. Habeenkii oo dhan ayaa hillaacaasi walacda hayey. Waa meeshuu ka yimid magaca Hillaacwayne ama sababta ay ku baxday. Waxaa laga aargoostay gaaladii oo sidii loo laynayay ayaa gacmihii daaleen mujaahidiintii.

Waxaa soo dhawaaday salaaddii Subax. Wadaaddadu waxay rabeen inay ka aargoostaan gaaladaan isasoo bahaysatay. Waxay rabeen inay daciifiyaan xooggooda milatari. Waxay qorshaysteen markay dhulka la simaan inay ka insixaabaan ama xeel dagaal uga baxan magaalada. Rag baa jiray aysan qorshaha ugu jirin inay dib ugurasho sameeyaan ama sii noolaadaan. Nin magaciisa lagusoo gaabiyay Cabdalla oo Misri ahaa ayaa go’aansaday inuu gaaladana ciidan badan ka laayo asaguna Ilaahay la kulmo.

Waagii markuu baryey ayuu guri meesha ku yaallay galay. Geesi Cabdalle wuxuu wataa qoryaha boobaha ah. Wuxuu sugay gaalo farabadan oo isla socota. Wuxuu helay koox uu is yiri kuwaanaa ugu habboon inaad iska hormariso ama layso. Cabdalla wuxuu hubaa in uusan sii noolaan doonin. Wuxuu rabaa inuu Ilaahay la hortago gacmihiisa oo ka qoyan dhiig uu gaalo kusoo gumaaday. Wuxuu yaqiinsanyahay hadduu sidaan ku geeriyoodo inay waxtar u tahay asaga iyo ehelkiisaba inshaa Allaahu.

Bannaankuu usoo baxay asagoo qorigiisii jeeni qaarsan. Wuxuu ku billaabay xabbaddii gaaladii oo sidii lo’dii u qoodaynaysa. Wuxuu laayay cadad Ilaahay u xisaabsan asaguse uusan u ciilqabin. Muddo hadduu dagaallamayayna waxaa u timid geeri uu kula kulmay Allihii naftiisa lahaa oo uu shaqaalaha u ahaa. Waa shahiiday inshaa Allaahu tacaalaa, taqabbalahu-llaahu, aamiin, aamiin.

Sheeko gaaban oo dhexmartay gaalkii ciidanka watay iyo murtad meesha taagnaa: Gaalkii ciidanka watay ayaa la yaabay ficilka uu sameeyay Shiikh Cabdalla Al-Masri. Wuxuu yiri, “Ninkaan Carbeed maxaa naga dhexeeya oo uu annagana noo laynayaa asaguna naftiisa u halaagayaa?” Murtadkii baa yiri, “Nimanku waxay soo raadsadeen Janno oo waxay aaminsanyihiin hadday gaal dilaan inay Janno galayaan. Haddii gaalku dilana ay Janno galayaan mar walba.” Gaalkii wuxuu yiri, “Haa, waa runtaa oo Al-Itixaad waxay ka runsheegeen jihaadkooda oo waxay ku dagaallamayaan xaq, annaguna waxaan u dagaallamaynaa mabda’ayaga ama Dimuqraaddiyadeenna oo waan ka runsheegnay dagaalkayaga. Adinku waxaad u dagaallamaysaan hunguri oo waxaad ka runsheegteen hungurigiinna.” Gaalkaas ayaa gartay waxay u dagaallamayaan oo wuxuu ogyahay inaysan mabda’ lahayn.

Ikhwaanii dagaalkii Hillaacwayne ma ahan wax waraaq lagusoo koobi karo. Waxaanse hubaa inay mujaahidiintu guul wayn ka gaareen gaaladiina ay gaarsiiyeen dhibaato aysan kasoo kaban karin. Mujaahidiintu waxay dareemeen caafimaad dhan walba ah markay soo burburiyeen dhammaan gaalada ciidammadii iyo dhaqaalaheedii intaba. Ilaahay wuxuu laabqabowsi uga dhigay geeri fara badan oo gaartay isbahaysatadii macatab-ku-dirirka ahayd.

Waxaa shuhadadii kamid ahaa dhammaan walaalihii muhaajiriinta ahaa. Dhanka Soomaalida waxaa kamid ahaa Cumar Aw-Faarax, Cabdullahi Nuur Colujoog iyo rag kale. Waxaa galabnimadii shahiiday nin kamid ahaa walaalihii kasoo gurmaday Xamar. Waxaa magiciisa la dhihi jiray Badal (Habargidir Sacad).

Xalaqadaan waxaan ugu talagalay inaan u gaaryeelo dagaalkii kala-baxa ahaa ee Hillaacweyne, inshaa Allaah qormadeennii taxanaha ahayd waxay noogasii socon doontaa halkeedii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *