Qeybta 41aad

Ikhwaanii waxaan kala tagnay ayadoo maxkamadihii Islaamiga ahaa loo tashaday oo inta dawlad Karazaay ah lagusoo dhisay Carta ciidammadii iyo madaxdoodiiba la yiri waxaad tihiin dawlad. Dawladdaas waxaa madax ka ahaa Cabdi Qaasim Salaad Xasan. Waxaa loo soo sameeyey oo kaliya in lagu burburiyo Maxaakimtii Muqdisho ka hanaqaadday oo gaartay heer caalami ah ama awood muuqata yeelatay.

Ducaaddii iyo ciidamadii Maxaakimta ayagoo aan kala harin ayaa waxaa shab lagu dhexsiiyay maamulkii ay sameeyeen Maraykanka, Jabuuti iyo Itoobiya ee Carta. Markii Cabdi Qaasim la wareegay ciidammadii Maxaakimta ayaa waxaa meesha ka baxay mujaahidiintii Maxkamadaha.

Haddaad xasuusataan Maxkamadaha waxay ku labbisnaayeen tuute ay kor uga qoran tahay magac qabiil, hoostana ay uga qoran tahay Kalimatu Tawxiid. Maxkamadihii intay ducaadda gacanta ugu jireen waxay yeesheen akhlaaq diineed, waxay yeesheen tababbar ciidan, waxay yeesheen faham diineed. Waxaa la isku daray rag culumo ah iyo raggii mooryaanta soo ahaan jiray markaasay ku daydeen culumadii iyo dhaqankii fiicnaa ee ay culumada ka arkeen. Ninkii shalay mooryaanka ahaa maantay waa mujaahid.

Culumadii waxay wacdiyeen oo wax bareen dadkii diin-yaridu haysay. Waxaa muddo kadib soo baxay ciidan bidhaan Islaam leh oo kala amarqaadanaya. Waxaa soo baxay ciidamo dagaalyahan ah oo muddo mooryaan soo ahaa haddana looga faa’iidaystay ciidan ahaan inay shareecada Islaamka ximaayo u noqdaan ama ilaaliyaan.

Cabdi Qaasim dharkii buu ka baddalay Maxaakimtii. Wuxuu u galiyay dhar loosoo dhiibay oo ay ku qoran tahay Ciidammada Dawladda Cabdi Qaasim Salaad Xasan. Wuxuu ka baddalay akhlaaqdii iyo Islaam ku-dhaqankii. Wuxuu dhagta ugu sheegay inay jiraan wax badan oo soo socda oo is baddal ah. Wuxuu duufsaday ama ku kadsoomay culumo waawayn oo miisaan ku lahayd bulshada dhexdeeda oo run u maleeyay wuxuu sheegayo Ina Qaasim. Waxay u maleeyeen Carabigii uu daldalayay inuu yahay nin wadaad ah.

Cabdi Qaasim markii la ogaaday in maxkamadihii lagu burburiyay dawladdiisii ayaa asagiina la eryay illayn dan kale lagama lahayne. Wuxuu ahaa kaar la isticmaalay markii laga dhammaystayna la tuuray. Gaalo waxay diyaarsatay raggii hoggaamin lahaa ciidammadaan sida sahlan ay ugasoo dhacsatay Cabdi Qaasim iyo ducaaddii uu duufsaday ama qabiilka ku raacday Cabdi Qaasim.

Cabdi Qaasim waxa uu Taliyaha Booliiska u magacaabay Cabdi Qaybdiid halka Taliyaha Mileterigana uu u magacaabay Galaal. Labadaan nin ayaa gacanta ku hayey askartii xilli mujaahidiinta Maxaakimta ahaan jirtay meeshaanna ay keeneen sidaan soo sheegnay culimadii Itixaadka oo markaan wata magaca Ictisaam.

Ciidammadaan waxaa loo xiray shaar cusub, midkii uu Tawxiidku hoosta kaga qornaa waa laga bixiyey, waxaa loosoo diyaariyay tuute cusub ama dhar cusub. Waxaa shaarka korkiisii lagusoo qoray saddex magac: Ciidammada Dawladda ku-meel-gaarka ah, Ciidammada Maxaakimul Islaamiya, Ciidamada Ummadda Soomaaliyeed. Waxaa la rabaa ciidammadaan in lagula dagaallamo wadaaddada ku tababbarta Xamar dhexdeeda oo lasoo heli waayay saldhiggoodii iyo sirtoodii intaba.

Raggaan gaaladu raadinayso waa ragga ay ka go’an tahay raadinta dawlad Islaami ah, waa rag naftooda u huraya si loo xaqiijiyo hadafkaas, meel ay joogaan lama yaqaanno sababtuna waxay tahay Maxaakimtii Islaamiga ahayd ayey ku dhexmilnaayeen. Maxkamadihii waa laga takhallusay oo waxaa loo adeegsaday culumo iyo Karazaay Cabdi Qaasim. Waxaa hadda si toos ah loo muwaajahayn doonaa dhalinyaradii oo baalihii laga rifay ama darbigii ay ku dhuumanayeen laga dumiyay.

Waxaa xusid mudan markii lasoo gaaray 2006dii maleeshiyaadkii ay wateen hoggaamiye-kooxeedyadu oo ay kula dagaallamayeen Midowgii Maxaakimta inay ahaayeen mujaahidiintii Maxkamadihii lagu baabbi’iyey maamulkii Carta.

Maleeshiyaadkii sida kulul ula dagaallamay Midowgii Maxaakimta ee Muqdisho ee uu hoggaaminayey Cabdi Qaybdiid waxay ahaayeen mujaahidiintii hore ee Maxkamadaha ee uu u noqday taliyahooda maadaama uu ahaa Taliyaha Booliiska. Raggaas la laayey ayaga oo difaacaya Cabdi Qaybdiid kana soo horjeeday Midowgii Maxaakimta yaa heerkaas gaarsiiyey? Yaa sabab u noqday inay dhintaan ayaga oo difaacaya hoggaamiye-kooxeed? Yaa manhajkoodii baddalay? Jawaabtu waa Ictisaam iyo dhammaan culimadii ka shaqaysay in mujaahidiintii Maxkamadaha la hoos geeyo Cabdi Qaasim.

Dadka shacabka ah iyo wadaadxume oo dhan waxay u qabaan waxa socdaa inuu yahay maamul ay leedahay koonfurta Soomaaliya ama beelaha Hawiye. Waxaa dhagta loogu sheegay iska celiya nimanka waddammadoodii soo gubay oo lagu yiri Hawiye soo barakiciya! Waxaa xoogow shilimo ah la siiyay iimaanlaawe oo dhan oo waxaa la yiri qayli oo waxaad dhahdaan annaga reer hebel ah waxaan rabnaa in magaaladayada nalooga baxo, dagaal ma rabno, shisheeye ma rabno iyo wixi la mida.

Wadaaddadii casabiyadu beerka u fariisatay iyo kuwii jawaasiista ahaana waxay dadka ama bulshada ku qanciyaan “Arrintaanu waa bannaantahay oo waa masaalixu-dacwa. Nebigu (sallallaahu calayhi wasallam) wuxuu sameeyay dacwo la yiraahdo yaa qawmi, marka waa noo bannaantahay inaan annagoo qabiil ah gees ubaxno oo dadkeenna jahliga ka saarno. Waxaa kaloo xaaraam ah in qof Muslim ah oo ashahaadanaya la dilo, hadduu rabo asagu haku dilo. Qiyaame asagaa laga rabaa jawaab sababtuu kuu dilay. Adigu shahiid baad tahay! Marka walaalayaal iska dhiga hubka waxaa lagu jiraa waqti fitno. Nebigu wuxuu yiri waxaa la gaari doonaa waqti fitno. Waqtigaas asaga ah ninkii gaaraa gurigiisa ha galo. Haddii lasoo weeraro yuu gacan taagin ama iska celin qofka dilaya. Haddii naagtiisa lagu hor kufsado yuu far taagin. Hadday rabaan adiga haku kufsadeen. Isbir, isbir, isbir!”

Naagi xaggee joogtaa adaaba lagu dilay oo lagu yiri ha is difaacin! Fatwooyinkaas aad mooddo in nin waalani fatwooday oo u adeegaya gaalada oo ay buufinayeen jawaasiistii wadaaddada u ekaa oo gaalada la shaqaynayay ayaa dadkii lagu jaahwareeriyay ama shubho laga galiyay diintoodii iyo difaaca naftoodi iyo ehelkoodii intaba.

Waxay dadkii ku dul akhriyeen axaadiith aan booskeedii oollin laakiin diinta kamid ah. Waxaa lagu yiri bulshadii Muslimiinta ahayd oo u diyaargarowday inay gaalada iska dhiciso, “Amxaaradu waa dawlad, dawladna lalama dagaallami karo, Maraykanna warkiis iskaba daaya.” Waxaa lagu yiri sagaalka nin oo gaaladu ciidanka ka dhigatay oo dadka gumaadayay, waa Muslimiin walaalihiin ah ninkii xabbad ku ridaana waa takfiir, waa ehlu-Naar hadduu dhinto iyo wax la mida.

Ummadda Soomaaliyeed waa ummad aan dagaal loogu faanin oo dagaalyahan ah haddana waa ummad Muslimiin ah oo markii loo sheego wax diintooda dhaawacaya way ka istaagaan. Mushkiladda ummadda haysata oo looga faa’iidaystay waxay tahay ayagoo aan diintoodii si sax ah u baran ama fiqi-yari xagga jihaadka ka haysatay culumo iyo caamaba. Culumadu baabul jihaad waa akhriyaan laakiin qorshaha kuma ay darsan inay dhiig daadiyaan ama laga daadiyo waligood!

Shacabku waligi ma arag diin loo dagaallamayo oo naf iyo maalba lagu bixinayo. Waligood uma xanaaqin Alle dartiis iyo in diintii wax laga sheegay. Waligood masoo marin wadaad oranaya ina keena aan reer hebel ku duulno maxaa yeelay waxay diideen ku-dhaqankii shareecada Islaamka. Indhaha ma aysan saarin xuduud Islaam oo la fulinayo. Gacan la gooyo, lug la gooyo, dhagax la isku dilo, midna ma aysan arag umana qabaan inay diinta kamid tahay. Laakiin waa jirtaaye waa laga qariyay. Markaasay qariibsadeen qoladaan tuugga gacanta goynaysa. Waxay qariibsadeen kuwa dhillaysta oo meherka soo maray in dhagax lagu dilo.

Waxay yaqaanneen bulshad Soomaaliyeed dagaal sokeeye oo ay ogaayeen inuu xaaraam yahay. Waxaa la safnaa oo ku garabtaagnaa dagaalkaas sokeeyaha oo xaaraamta ah culumadoodii diinta soo bartay. Waxay dhihi jireen culumadu markay rabaan in reer hebel lagu duulo, “Waxaa idiin bannaan dhiigga reer hebel maxaa yeelay way idin dulmiyeen dulmiguna ma bannaana. Dagaalkaas ninkii ku dhintaa wuxuu ku dhintay jihaad oo wuxuu difaacayay naftiisa iyo cirdigiisa. Wuxuu difacayay maalkiisa!”

Cajaa’ib. Tigree ma bannaana in la iska dhiciyaa oo waa dawlad, dagaalkooduna waa fitno! Kaaba mooryaanka ma bannaana in la iska dhiciyaa oo waa Muslim waana fitno in lala dagaallamaa! Hawiye, Daarood, Dir iyo Adaris waa bannaan tahay in la iska dhiciyo oo waa lagu jihaadi karaa! Ka warrama fiqigaas? Saas waxa qaba nimanka ama culumada la baxday Ehlu Sunna wal Jamaaca iyo Ictisaam intooda xun oo gaalada jawaasiista u ah.

Akhristayaalow waxaa billawday mashruucii fayskiisii labaad oo gaaladu ugu talagashay in lagu ciribtiro mujaahidiinta intay curdanka yihiin. Waxaa la ugaarsaday afraaddii waxtarka ahayd, waxaa nolol lagu dhiibaa maalin kasta culumo si qarsoodi ah loo qabqabto. Waxaa toogasho lagu dilaa ninkii ama wadaadkii nolol lagu qaban waayo. Waad xasuusataan inta Shiikh Xasan Daahir la dhaawacay.

Waxaa la dilay ducaad qaali ahayd. Waxaa kamid ahaa Shiikh Cabdullaahi Sahal taqabbalahullaahu. Waxaa la dhoofiyay sidii arigii raggii ama ducaaddii Xamar joogtay ama gobollada joogay oo aan hubaysnayn. Waxaa xabsiyada laga buuxiyay mu’miniintii Ilaahay naftooda ka iibsaday. Waxaa lasoo weeraray oo hanjabaad loogu daray kooxdii hubaysnayd. Waxaa lagu wargaliyay inay isdhiibaan ama ka baxaan carro Hawiye ama gobollada koonfureed oo Hawiye ka taliyo.

Dhalinyaradii markii godkoodii biyo ugu soo galeen ayay la tashadeen culumadoodii. Waxay dheheen tala keena waxaad arkaysaan ayaa dhacaya. Waxaa la idiinka baahan yahay laba arrimood:

  1. Inaad nimankaan murtaddiinta ah oo ducaaddii iibsanaya fatwo kasoo saartaan lagula dagaallamo.
  2. Inaad dagaalka nala gashaan arrintaan ma dhawran karnee.

Al-Ictisaam labadii arrimood maya iyo haa midna ma dhihin. Way ku kala aragti duwanaayeen la dagaallanka hoggaamiye-kooxeedyada. Rag waxay qabeen in lala dagaali karo ragna waxay qabeen inaan far la saari karin oo ay tolkood yihiin ama Muslimiin. Mar haddii fatwo laga waayay waxaan laga sugayn ciidan inay keenaan. Aamus ayey ku jawaabeen al-Ictisaam. Dhalinyaradii go’aan bay gaareen. Ilaahay bay talasaarteen. Waxay galeen diyaargarow.

Waxaa dhacay weerarradii lagu qaaday Maraykanka 11kii Sibtembar. Magaalada Muqdisho waxaa ka billawday dagaal hoose oo u dhexeeyey dhalinyaradii shareeco-doonka ahayd iyo hoggaamiye-kooxeedyadii Muqdisho, waxaa si cad usoo muuqday dawrka ay dagaalladaas ku lahaayeen sirdoonka Tigreega iyo midka Maraykanka iyo guud ahaanba midka reer Galbeedka, waxaa magaalada Muqdisho ka billawday iqtiyaalaad iyo is-ugaarsi, Dagaalkaasi wuxuu ahaa wadaamaysi, mar mar dhalinyarada mujaahidiinta ah wax baa laga dili jiray mar marna ayaga ayaa cadawga ka il heli jiray.

Dawladdii Cabdi Qaasim waa la baddalay, waxaa madaxweyne loosoo doortay Cabdillaahi Yuusuf. Dagaal hoosaadkii Xamar waa sii kululaaday. Cabdillaahi Yuusuf inuu Xamar tago wuu diiday. Waxaa billawday khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyey xubnihii dawladdii Cabdillaahi Yuusuf. Hoggaamiye-kooxeedkii dagaalka hoose kula jiray dhalinyarada waxay isku baddaleen wasiirro kamid ah dawladdii Cabdillaahi Yuusuf.

Waxaa mar labaad dib usoo bidhaamay Maxaakimtii Islaamiga ahayd, Maxaakimtana waxay ku salaysan yihiin qabiil, qabiil walbaana waxa uu samaystay Maxkamad Islaami ah oo u istaagta danaha qabiilka, oday-dhaqameedyadii hoggaaminaysay qabiilka waxay ogaadeen in hoggaamiye-kooxeedkoodu uusan qabiilka wax aan dhib ahayn u keenayn, sidaas daraaddeed wiilashoodii waxay ku biiriyeen Maxaakimtii si shareecada Islaamka loogu kala baxo.

Maxaakimtii waxay ku fideen magaalada Muqdisho, xaafad walbaana waxaa laga hirgaliyey Maxkamad Islaami ah oo wadata magaca qabiilka, Dhalinyaradii shareeca-doonka ahaa waxay ku biireen Maxaakimtaas Islaamiga ah ee huwan magaca qabiilka, waxay dawr weyn ku lahaayeen habdhiska ciidan ee Maxkamadahaas, waxay fulinayeen hawlaha aan ciidanaka looga maarmin ee ay Maxkamaddu u baahan tahay.

Waxaa cirka iksu shareeray cabdisii ay reer Galbeedku ka qabeen Maxkamadaha Islaamiga ah oo ay hoosta uga naban yihiin dhalinyarada shareeco-doonka ah, Maxkamadihiina dhankooda waxay billaabeen inay isnidaamiyaan.

Markii uu sii kululaaday ugaarsigii ka dhexeeyey dhalinyaradii mujaahidiinta ahaa iyo sirdoonka Tigreega iyo reer Galbeedka oo ay wakiil u yihiin hoggaamiye-kooxeedyadu ayey ururkii Ictisaamku waxay si cad bari uga noqdeen dhalinyaradii, shirar ayey iskugu yimaadeen waxayna soo saareen baaqyo ay ku sheegayaan inaysan dhalinyaradu ayaga ka amarqaadan hoosna imaan.

Ictisaam wuxuu uga gol lahaa arrinkaas inuu iska fogeeyo dagaal hoosaadka Muqdisho ka socda, iyo in reer Galbeedku aysan usoo raacan Ictisaam wixii dhib ah ee loo geysto.

2005tii waxaa midoobay Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee ku salaysnaa qabiilka. Waxaa loo bixiyey Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee Muqdisho, waxaa madax looga dhigay Shariif Shiikh Axmed, waxaana ay yeesheeen hoggaan mid ah oo dhammaantood mideeya.

Waxay billaabeen Maxkamaduhu inay magaalada Muqdisho inta ay ka awoodaan ka sifeeyaan munkaraadka iyo waxyaalaha xun xun, waxay dadkii fareen wanaagga iyo kheyrka in loo tartamo, xumaantana ay ka fogaadaan. Waxaa mararka qaarkood dhici jiray isku dhacyo kooban oo dhex mara Maxaakimta iyo hoggaamiye-kooxeedyada, halka dhanka kalena uu taagnaa khilaaf weyn oo u dhexeeya hoggaamiye-kooxeedyadaan wasiirrada noqday iyo madaxweynahooda Cabdillaahi Yuusuf, khilaafkaas oo sababay inay laba qaybood ukala jabaan oo qaybina Xamar saldhig ka dhigato qaybna Jawhar ay dagaan.

Dagaal hoosaadkii ayaa sii kululaaday, waxaana bannaanka usoo baxday khatarta ka imaan karta Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah ee doonaya inay shacabka Soomaaliyeed ka saaraan dhibka iyo mashaakillada haystay shacabkaan muddada dheer.

Illaa laga soo gaaray 18kii Febraayo 2006dii maxaa dhacay? Maxaa isbaddalay? Maxaa soo cusboonaaday?

Waxayna uga hadli doonnaa inshaa Allaahu qormada dambe.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *