Monthly Archives: February 2014

Coley

Burhaan Cali

Waan xasuustaa markii iigu horreysay ee aan muuqeeda arko xilahayga aan ula baxay ‘Coley’ laakiin waalidkeed ugu wanqaleen ‘Saafi’. Waxay ahayd galab dhiillo colaadeed taagnayd oo iyada iyo dhawr dumar ah oo caraysani ay ragga dhagxinayeen iyagoo islamarkaana ku dhawaaqaya, ” Kacoo dagaalka aadda, raggii go’ye ama noo bixiya saraawiisha, oo gashada diraca iyo googoradahayaga”. Waxaan ka mid ahaa raggii maalintaa qiiradu qaadday. Waxaan dusha kaga booday gaari tikniko ah, waxaanan anoo dhoolla caddaynaya isla markaana sii taqsiimaya ku iri Saafi oo gaadhiga dheeggiisa taagan, ” Illin dambe ma qubi doontid ee nagu kalsoonow nagana war sug”!.

Dagaalkaa aan u qalab qaatay ma ahayn mid aan ku difaacayay Qaran ee wuxuu ahaa mid aan isku gumaadaynay walaalahay Soomaaliyeed balse aannu kala hayb nahay. Aniga iyo Saafiba waxaan ka qaybgalnay dagaal xawaalad ah. Waa dagaal naloo soo waariday, annaguna aannu sii xawili doonno. Waa dagaal boqollaal sano soo socday inta la hubo, cid og sabab uu ku bilawdayna ma jirto. Dagaalkii noocaa ahaa ayaa markan shaar siyaasadeed loo geliyey, wixii la ogaa baana ka dhacay!

Guul ayaan ka soo hooyney dagaalkii, warkayguna anoon magaalada soo gaarin buu iga soo horreeyey. Wiil hoog goobta uu galo wacdaro ka dhiga, ayaa la igu maamuusay, billad-sharaf qoys oo maalmo magaceedu jirana waa la iigu ladhay! Dadkii nagu soo xoomay markii aannu guusha la soo hoyanay ayay ku jirtey Saafi. Iyadoon iska warqabin oo farxad la tiicaysa ayay isku kay duubtay. Dareenkayagii caashaq halkaas ayuu ka bilowmay, muddo dheerna kama soo wareegan aqalgalkayagii. Dersin carruur ah oo lab iyo dheddig ahna alle waa noogu deeqay inta aqalkayagu jiray.

Xirfaddaydii dagaalka waxaan ku sii darsaday anoo awood iyo khibrad u yeeshay abaabulka colaadaha iyo qiira gelinta qoyska hadba wixii gadmayana la jaanqaada. Marna kama nasto hawsha reerka. Marka aanan gacanta ka dirirayn afka ayaan ka diriraa oo beesha magaceeda goob aan fadhiyo laguma bahdili karo. Waxaan berya sidaa ahaadaba colaadihii baa saldhigan waayay oo qoys qoys ayaa la isu baabi’iyey. Hal cashar baanse ka bartay ” Shisheeye ma dhammaadee qofkaada ha waayin”.

Saddex sano markaan isqabnay, ayaa Saafi walaalaheed oo Yurub joogaa isxambaar ku geeyeen Yurub, waxayna degtay London. Saddex sano ka dibna aniga iyo labo mataanno ah oo ay naga soo tagtay ayaa ku soo biiray. Saddexdii sano een ismoogayn, ayaa isbaddal weyn oo dhan walba ahi ku yimid. Horta wadaad weyn bay noqotay oo taas dhib badan uma marin. Judhiiba darbaal bay isku ridday, qiiro diineed oon cilmi caqli lala kaashaday ku imanna way la soo baxday, dhul gaalo nacaybkiisna waa ku kordhay, tacab iyo tacliinna aan tanaadinna way u jeesatay. Anigiina cagta bay cagta ii saartay. ” Balwad noocay doontaba ha ahaato, qabiil, salaad la’aan iyo shaqo la’aan ma arki karo” ayay igu tiri. Masaajid dhawr ah iyo culimo gaar ah oo ay aad ula dhacsanaydna fartay iigu fiiqday oo i tiri toddobaad walba dhammaadkiisa (Weekend) halkaa iska xaadiri! Ayaamihii hore ayaan nin rag ah iska dhigay oo dhawr jeer guriga la imid waxoogaa Qaad, haseyeeshee maxaa iga qabsaday! Bacda ayaa bannaanka la ii dhigay. Arkay inaan xoog shaqaynayn waxaanan ku qasbanaaday inaan u hogaamsamo awaamiirta Coley!

Dunidu sida ay hadda u waalatay ma ahayn berigaa. Internet, Facebook.. iwm ma jirin, teleefoonaduna qaali bay ahaayeen, oo wararka dhulkii BBC ku tallaalan satelayt baa laga dhagaysan jirey. Balwadihii kale oo dhan waan joojiyey aan ka ahayn fadhi ku dirirka. Waxaan war u soo doontaa makhaayad tolku leeyahay oo ugu yaraan 10km ii jirta. Wixii aan BBC ka dhageystay iyo in aan kala soo dhexbaxay fadhi ku dirirka ayaan guriga kula soo laabtaa. Qof war i weydiiya Coley, wadaadii aakhiro u jeedka ahayd ayaa ugu horreysa. Anna wax run iyo been loo kala garan wayey baan ku daldalaa, mararka qaarna waa ku canjiiriyaa. Illeen wax loo gaajoodo war baa ugu darane guluf bay igu qaaddaa!. Waxaase iigu yaab badan marka ay warka iga dhammaysato ayay wacdi iigu dhaqaaqdaa iyo in aanay qabyaaladdu fiicnayn, waxyar ka dibna koox dumar ah oo teleefoon ka sugayey ayay intii aan u sheegay oo ay weliba sii baraxday oo sii xawaashaysay u sheegtaa!

Intaan qurbaha joognay laba goor, ayaa reerkayagu qarka ugu sigtay inuu qabyaalad darteed ku burburo. Mar sagaashameeyada aakhirkeedii, ayaa waxaa isku qaad qaaday labada qoys oon ka kala dhalanay. Labadayada qoys wada dhalashada dalladda guud ka sokow waxay ahaayeen isku xulufo wada duula, markanse iyagay ka tafatay. Labadayaduba qaaraankii habarwacadka, ayaa qofba qoyskiisa u dirsaday. Nasiib darro qoyskeedii, ayaa laga adkaaday oo rag badan laga laayay. Colaaddaas, ayaa loogu soo dhuuntay oo lagu yiri, ” naa abriska guriga kuu jiifa ayaa noogu darane yuusan ku naagaysan”!

Balaayose waxay dhacday markii qoyskeedu maalgashadeen kooxdii cimaamadley. Coley waxaa isugu darsamay culimadii ay caashaqsanayd oo calankii dal iyo diin lagu difaacayey kor u qaaday, barbaartii ilma adeeradeed ahaa oo shaashadaha caalamiga ah ka muuqda iyo qoyskeedii oo dibad iyo gudo aan u kala harin. Waxay gashay baan dhihi karaa malaha maalmihii nolosheeda ugu farxadda badnaa. Waxay hormuud ka noqotay koox dumar ah oo iskood isu xilqaamay. Qiiradii ay berigay dhallinyarada ahayd wadi jirtey oo markan janno loogu yaboohay ayay waddaa. Anigu aqoon diineed ma lihi laakiin waxaan ka baxay jaamacadda fadhi ku dirirka oo qibrad in ka badan labaatan sano oo falanqaynta siyaasadda qabyaaladaysan, ayaan leeyahay. Dhanka diinta, kii cimaamad iyo khamiis gashan, dadkana wacdiya waa ii culumo, kaliya waxaan ku kala xushaa sida ay u kala aftahansan yihiin raganimana uga muuqato. Kuwaa wacdigooda hurdo igu soo degtaa, kuwana dagaal iyo xaajo rag bay i dhexgeeyaan. Waxaan u kala hiilliyaa niman Bashtu ah. Midkay jecelyihiin waxay iigu suntaan inuu yahay muslim wanaagsan oo gargaarkeenna u baahan, kan kalana habaarkeenna! Iyaduse magacyo sidii qabiilka oo kale ah ayay ugu kala yeeryeertaa wadaadada. Maalintii iigu darrayd waxay ahayd markaan soo qaatay cajalad wadaad qunyar socod weeye la igu yiri. Intay cajaladdii tuurtay ayay igu tiri, “war kan iyo noociisa diin lagama dhagaysto maxaa yeelay sunnada iyo jihaadkaba way fududaystaan, waa koox heblaayo!”

Oday adeerkay ah oo weligiis iska daba socday magaca dawlad, ayaa taageeray kooxdii Mbagathi. Illeen jirkiis la haye jadiin kama qoslee, waxaan fadhi ku dirirkii ka taageeray Mbagathi. Maxaa iga raacay! Coley ayaa bacdii bannaanka iigu tuurtay, weliba waxaa la iigu daray lacnad iyo inaan gaal ahay! Anoo iska dhigaya sidii nin loo waxyooday ayaan iri ” warkaas war baan ku sugi. Cimaamadley iyadoo is cunaysana waa la arki doonaa haddaynaan dhiman e maxaad igu geli?” Waqti dheerba kama soo wareegan markii sheekadiiba calow galay oo la kala garan waayey mid diin iyo dal difaacaya iyo mid jaajuus ah oo shisheeye u adeega. Qarax ismiidaamin iyo gawrac iyo culimadii ay taageersanayd oo qabiil qabiil iyo koox koox isu cunay baa xigay.

Illeen qabiil ma xisaabtamo qabyaaladna ma dhammaatee, sidaan u joognay ayaa hal mar waxaa London wada qabsaday soo dhaweynta madaxweynayaal qabiil. Waa hawlahaygii. Aniga iyo intii daacad u ahayd fadhi ku dirirka ee maqaaxiyaha ku habsaamay ayaa suuq helay. Waxaanu u qaybsannay in horkacda soo dhaweynta iyo in madaxweyneyaal isu caleemo saartay . Waxase waxaba isku fuuqsaday markaan fadhi ku dirirkii keennay TV-yadii oo weliba ay noqdeen mawduucyada loogu xiisaha badan yahay. Coley berigii hore aniga, ayaa fadhi ku dirirka uga sheekayn jirey, haddase waxay TV-yada ka quudataa isagoo daray ah. Waxa shaashadaha ka soo muuqda rag aan lafahoodoo cad cad aqaan. Waa rag ku dhaca imtixaanka juquraafiga ilmaha Dugsiga Hoose dhigtaa uusan gafayn, misana habeen walba falanqeeya siyaasadda cakiran. Coley, bahdii cimaamadley iyo in badan oo suudh xirata waxay igu caayaan fadhi ku dirir anna waxaan ugu jawaabaa ” cimaamad xiratayaa ama suudh xiratayaa dhiiggiinu waa qabiil laakiinse idinkoo qori ismaris ah iska walaaqda waxa aad diin iyo wadaniyad ku sheegtaan aniga iyo xertayda fadhi ku dirirka ayaa magaca qabiil idiin wadnee”!

Allaylehe miyaanan haddaba gacaladay Coley ka qabiilisanayn!