Heshiiskii Ilig lagu kala qortay ka dib ayaa Ingiriisku wuxuu isku dayay inuu Daraawiish qalaanqal iyo xumaan ka dhex abuuro si ay u kala firdhaan. Xirribtii iyo xeeladdii waxay tustay inuu xagga diinta ka galo, sidaa daraadeed buu ururiyay niman wadaaddo ku-sheeg ah oo isaga raacsanaa, afkana wuxuu u geshay inay Shiikh Maxamad Saalax oo Sayidka shiikhiisa ahaa, ka gowriyaan ama ku dacweeyaan, wadaaddadiina taa way oggolaadeen.
(Fiiro gaar ah u lahow gabayga: Mahade haw sheego).
Ingiriisku markab ayuu ku qaaday oo wuxuu geeyay Maka iyagoo ku marmarsiyoonayay inay xajkii gudanayaan. Dabadeed Shiikh Maxamad Saalax bay u tageen oo waxay u sheegeen waxaan jirin iyagoo Sayid Maxamad cambaaraynaya. Shiikh Maxamad Saalax taa run uma qaadan. Dhowr toddobaad haddii xaajadii laga doodayey waxay oggoleysiiyeen inuu Sayidka xaashi aan ceeb lahayn oo waano ah u diro. Hase yeeshee, karraanigiisii ayey xeelad iyo xirrib u yeesheen si uu u qoro xaashi Sayid Maxamad cambaaraynaysa, wuxuu ku kacayana ceebeynaysa. Inkastoo ay adduun badan bixiyeen taasi way u ahaatay oo waa u meel mertay wadaaddadii.
Xaashidii markii Ingiriiska loo keenayna wuu badiyay, ceebta Daraawiisheedna wuu faafiyay, xaashidaa nuqul ka mid ah ayaa xaruntii Daraawiisheed soo gaadhay, lama qarin ee dad oo dhan baa loo akhriyay, waana loo sheegay. Dabadeedna, hadalkaa beenta ah niman baa run mooday iyagoo moog in qooladdaan iyo xeeladdaan Ingiriis maammulay. Niman dhowr boqol ah ayaa faqay oo waxay ku tashadeen xarunta inay af-gembi ka tuuraan, hase ahaatee uma hir gelin.
Markii la ogaaday sirtay damacsanaayeen, wixii ku habboonaana la qabtay, wax la dilay iyo wax la dayriyey iyo wax duubkii Daraawiishnimo laga qaaday ayaa laga dhigay. Sayidkuna gabaygan ayuu tiriyay. Taasna waxaa loo yaqaan “Canjeel-tala-waa”. Gabaygii Sayidku mariyey wuxuu ahaa:
War Suudoow1 sedkaa waa jannee, samac kalaankeyga
 Salaama Alla yeelyow adaan, saakin kuu ahaye
 Sowdkaan ku leeyahayna yuu, salabka kaa raacin
Sonkor iyo sarreen malable iyo, sixin ku iidaaman
 Xeeryaha sanuunadan barnida, lagu sibbaakhaayo
 Sulux caana geel Sogob la qalay, sarara geedeysan
Sareedada raggii aan u waday, saadka iyo quudka
 Saqda dhexe habeenkii raggaan, saha u geynaayay
 Kuwii aan sabbaaraay ay baa, saatan ii galaye
Salaaddiinta nimankaan qoree, sare u qaadaayay
 Raggii sidigta geela hayayoo, suuska beeganayay
 Nimankaan siday doonayaan, sahal u yeelaayay
Nimakaan sariira u dhisee, soohdinta u jeexay
 Surradda iyo dadabtii raggaan, saari ugu gooday
 Gabdho wada saruurada raggaan, sowjad uga yeelay
Nimankaan salaaxanahayee, saxar ka eegaayay
 Nimankaan siraayada col iyo, saha ka dhowraayay
 Nimankaan saqiir iyo kabiir, sama u miiraayay
Sidka boqola soof badan raggaan, wari uga yeelay
 Soogaan darmaan iyo raggaan, salabaduu dhiibay
 Nimankaan sangootida fardaa, siiya oronaayay
Raggaan sumaca maawdhiina iyo, saannadda u buuxshay
 Nimankaan salaaddiyo u dhigay, subacyadii diinta
 Sallallaahu Nebigii raggaan, saamax uga doonay
Nimankaan sokeeyaha bidiyo, siiro iyo aammin
 Sarsarkooda nimankaan degiyo, suuqa gurigooda
 Saxariiraday igu faleen, waa sahwiyayaaye
Nimanyahow si daran baa, qalbigu ii saddamayaaye
 Sokeeyiyo xigaalaanan sugin, saaca maantaaye
 Soomaaliyoo idili way, sun iyo daybaaqe
Sullankood la naar gun iyo, saaruqyay helaye
 Sinjidhaannaddii bay khatalay, saanjiga ahaaye
 Oo waa seeddiyaashay wexeer, saatan ii galaye
Saro nama dhex ool Faaraxii2, seerigii xulaye
 Iblays baa sallaan kala degoo, saaxilkuu diraye
 Sucdi haddii uu leeyahay, kufrigu uma sujuudeene
Sakal lagu rid reer Samatar Khalaf, seega taladiiye
 Subeerray noqdeen wiilashaan, saakullayn jiraye
 Kolkaan anigu saafi u noqday, sir ila dooneene
Sankuneefle oo idil, way i saa’ilahayaaye
 Nin kaleba salaaf ha ila galo, sarada ceebeede
 Sugi maynin Qoriyow3 inuu, suuqyo ii tumane
Sakaar waxaan ugooyiyo waxaan, uma u daadshaaba
 Axmed-Fiqi4 jawaab kagama helin, sadaqadaydiiye
 Sannahaabadiisaanan abid, kari hayne
Saniciisa baas iyo hadduu, saxalku ii keenay
 Subaac qooqan baa iigu yimid, sabada ciideede
 Inuu ferenji ii soo sawiray, waw su’aal qabaye
 Subbeehigu wuxuu igu khatalay, saahid baan ahaye
 Safiihnimadu waatuu dorraad, gaal u saacidaye
 Soddon jeer ka badan ceeb intuu, saancaddu falaye
Markaan sebi ahaa iyo haddaan, suurad oday yeeshay
 Saamaa Ilaah iiga dhigay, saaxir ii colahe
 Saaxiibkii aan yeeshaaba, waa saymo lagu reebye
Mar haddaanuu sabankeer nafluhu, saafi noqonaynin
 Waxba yaanan sida saar nin qaba, salalin goorteere
 Ilaahow adaan kuu samree, suubi taladayda.
Gabaygan waxaan ka qoray Xaaji Axmad Aaden Surgo, sannadkii
1956kii.
1.Suudi: Xaaji Suudo Shabeelle, wuxuu ka mid ahaa qusuusidda Shabeelle. wuxuu kaloona ahaa afhayeenka Sayidka. Waxaa lagu dilay Bixin iyo Waw, (Garoowe) 1919kii. Waxaa dilay ciidamada Ingiriiska.
2.Faarax: Faarax Maxmuud Sugulle, wuxuu ahaa ninka Dariiqada ugu xoolaha badnaa, Sayidka walaashii ayuu qabay, wuxuu madax ka ahaa shirqoolkii iyo afgambigii Canjeel. Daraawiish ayaa Laasadaar ku dishay ka dib markuu baxsaday.
3.Qoriyow: Shiikh Cabdullaahi Shiikh Yuusuf Cumar, wuxuu ahaa garsoorihii xarunta Daraawiishta, waxaa la dilay maalintii diyaaradda 1919kii.
4.Axmed-Fiqi: Axmed Faarax Maxamad, wuxuu ahaa nin caalin ah, oo Daraawiish madaxdeeda ka mid ahaa, wuxuu ku dhintay Hilaqajaabur oo Qallaafe iyo Beledweyne u dhexaysa I950kii.