Darwiish la oron jirey Xirsi Diihaal Halanje, ayaa gabaygan ka mariyay shirqoolkii la magac baxay Canjeel beryuhuu dhacay. Gabaygan oo uu Sayidka ku leeyahay Sayiddii nimankaas xarunta iyo diinta ku caasiyoobey diinta ha la cisaaro oo ha la ciqaabo, wuxuuna yiri:
(DH)
Sayiddii cod gabay waanigaan, caarif ku ahayne
 Adigaa caddeeyaye kan kale, waa calaanbarade
 Nimankii Canjeelkii ku faqay, cirdhib ha beeleene
 Oo gaalo inay caawimaan, rabay calooshooda
 Oo cuurna tegey cuurna tegi, caawa iyo maanta
 Aabbow cadaawaha baxsaday, caro ha loo laayo!
Sayidku markuu gabayga maqlay buu wuxuu ka baqay in lagu digniin qaato, dabadeedna colaadday qabaan la ogaado oo taladoodu caan baxdo. Markaa isagoo canaan waayeel Xirsi u jeedinaya, ayuu mariyay gabaygan, oo wuxuu yiri:
Xirsiyow1 cod gabay waadigii, caarif ku ahaaye
 Nin cibaara badan lagu shuboo, caalimaad tahaye
 Caqligu kaama suulee wadaad, caaddilaad tahaye
Cimrigiisu raagyow adaan, caashaq kuu ahaye
 Cindigaa waxaa igaga jira, adiya caynkaaye
 Waxaad igu ciseysaan abtow, waa cashiirada e
Cawo iyo ayaan baan ku helay, cuurka aad tahaye
 Cafi iyo caafimaad Eebbahay, idinku cuukeeye
 Ilaah ha idin caawimo, ducaan kuu cawilaayaaye
Ka cifada ciyoontaba wuxuu, ferenji kaa cayrshay
 Camal suubban iyo ceeb la’aan, cawro ku la’aada
 Caydh iyo cadaabkii Allow, cidaha haw keenin
Afartaa intaan kala cayimay, calanka maw taagay
 Cunsurtiisa lama seejiyee, cayn ma ka higaadshay
 Cuntub kalana waa ninka ay, caradu kaa hayso
Amba ciilka waa kula qabaa, caadda kaa maraye
 Cadaawuhu wuxuu ina ku falay, waa cir soo dumaye
 Waxba haw calaacalin rag waa, kii calool adage
Wiilyahow catowgaagu waa, camal haweeneede
 Haddaad cuurar reeb tahay dagaal, cawga kuu yimi e
 Maandhow ciyoon lama ordee, ceerida ha jeexin
Maandhow ha ceelqodin markaad, nala cawaynayso
 Cadanyadana yaan lagugu garan, caabuq baa jira e
 Sidii nimaan colaad qaadanayn, ciira hays gelinnin
Gorayada callaa loo dhigay, caw ku noqotaaye
 Ninkii caaciyoo baafiyaan, cago ku gaarayne
 Isagoo careefluu ka hadhi, caallihii wadaye
Ugaadhaba wax lagu caabbiyaa, waa carcoorriga e
 Cadceedda iyo kobaha waa laga, cillaataaye
 Casharaari bay geli haddaan, laga ceshiimayne
Yeeristaba cabbaar bay Midguhu, u ciddi laabaane
 Mar bay caamilaad ugu ridaan, meel ciriiriyahe
 Markay caasha keentay mariid, kaga soo cufsiiyaane
Cawshiyo biciidkaba cidlaa, caadadood tahaye
 Cid islaama goortay arkaan, waa ka cararaane
 Ninkii cimil u gala yaa falladh, cuuraduu dhiga e
Coomaadi samadaa wuxuu, cirarka meeraaba
 Casaan dhiig leb goortuu arkuu, ciiro soo kicine
 Carshiguu ku soo degi intuu, coofka soo lula e
Aarkuba wuxuu caynta iyo, calaha meeraaba
 Maruun buu carraabo ugu iman, reero cidhif yaale
 Habeenkaa wuxuu cunana waa, kaga cabaadshaaye
Maroodiga cadhoolaa rag baa, caymiyo rara e
 Cududdahana waa laga xiraa, lagu cayaaraaye
 Maandhow haddaan la carbiyin, waa cawraqabihiye
Anna ciidda waxaan jiifsadoo, car igu duulaaba
 Cirridda iyo suudiga waxaan, calal hagoogtaaba
 Cayn nimanka joogaa waxay, igu caraadaanba
Calool xumo daraaddeed waxaan, cagaha jiidaaba
 Maruun baa cusaybkii adduun, caalin i dagane
 Oo Eebbahay ii cad goyn, culuqya waaweyne
Maandhow cishiyo leyl Rabbaan, calaf ka doonaye
 Maandhow ciyoon aarso waa, talo carruureede
 Maandhow cirroolaan ahaye, igu ciraab qaado
Maruun baa caseeyaha la heli, caaradhuubyada e
 Cuqle miduu ku laabudan yahay oo, caaridaa heliye
 Jeeruu curraafkaagu baxo, dirir ka caadeysan.
Waxaan ka qoray Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon, sannadkii 1957kii.
1.Xirsi Diihal Halanje.