GUURKA IYO MOWQIFKA DIINTA
Guurku diinta waa u gargaar, shaydaanka waa u gablan iyo hoog, waana gaashaan adag oo cadowga Eebbe laga galo, waxaana ku badata ummadda Islaamka si ay ula tartanto ummadaha kale.
Eebbe waxa uu aayaddiisa Qur’aanka ah ku leeyahay:
“U guuriya xaaslaawayaasha idinkamidka ah iyo addoomadiinna kuwooda wanwanaagsan, rag iyo dumarba. Hadday sabool yihiin Eebbe asagaa deeqdiisa ku hodminaya, Eebbana waa kii deeqdiisu dadka ku wada aaddo, cid walbana duruufteeda ka warqaba.”
Rasuulka waxaa laga weriyey inuu yiri: “Isguursada oo tarma ummadaha ayaan idinkugu faanayaa maalinta Qiyaamaha ee.”
Cumar waxa uu dhihi jiray: “Waxaan u guursadaa saan wiil u helo.”
Ibnu Mascuudna waxa uu oran jiray: “Hadday cimrigeyga toban beri oo keliyihi ka harsan tahay waxaan jeclaan lahaa inaan guursado, si aanan Eebbe uga hortegin anigoo doob ah.”
Saxaabigii Mucaad Ibnu Jabal daacuun baa ku dhacay, laba xaas oo uu qabayna ka dilay, markaasuu yiri: “War ii guuriya, ma jecli inaan Eebbe la kulmo anoo doob ahe.”
Qofkaan haddaba guursan karin sabab kastaa ha kalliftee, waxaa habboon inuu is ilaaliyo intuu faraj khayr qabaa uga furmayo. Eebbe waxa uu leeyahay:
“Ha dhowrsadeen kuwaan awood guur heli karaynin intuu Alle deeqdiisa kaga hodminayo.”
Ibnu Mascuud waxa uu Rasuulka ka weriyey inuu yiri: “Ninkii awoodi karaa ha guursado maxaa yeelay guurku aragga waa u dabool ibtana waa u gaashaan. Ninkaan awoodi karinse ha soomo, soonkaa kacsiga ka bi’inayee.”
FAA’IIDOOYINKA GUURKA
Guurku waxa uu leeyahay shan faa’iido oo kala ah:
1. Ubad kaa hara: Faa’iidooyinka guurka tan ugu horreysaa waa sidii lagu heli halaa ubad, si aanay tafiirta dadku u dabar go’in. Ubad dhalistu waa inay yeelataa afar ulajeeddo oo kala ah:
– Inaad ku doontid raallinimada Eebbe, maadaama aad gacan ka geysanaysid siday tafiirta dadku kusii socon lahayd.
– Inaad ku doontid raallinimada Rasuulka kol haddaad ku kaalmeyneysid siduu ummadaha kale tirada ummaddiisa ugu faani lahaa.
– In Eebbe ku siiyo ubad khayr qaba oo kuu soo duceeya kolka aad dhimatid.
– Inaad ku doontid shafeeco kolka ilmo yari kuu saqiiro.
2. Dhufays aad ka gashid Shaydaanka: Guurku waxa uu kaa oodaa meeluhuu shaydaanku kaasoo gelayey, mar hadday wuxuu xaaraan ku raadi ku lahaa rugtaada kuu yaallaan iyagoo xalaal ah. Qofku hadduusan Eebbe ka cabsi iyo iimaan ku hubaysnayn, rabitaankiisa kacsi ayaa hor kaca, haddii markaasi aanu helin guur xalaal ah, siduu dembi isaga ilaaliyaa way adag tahay.
3. Qalbigoo kuu dega iyo laabtoo kuu qabowda: Shaqo tay naftu u jeceshahay haddaan loo helin waqti nasasho, waa lagu daalayaa dabeetana la iska deynayaa. Haddaba maxaad ka oran lahayd hadday shaqadaasi tahay taqwada Eebbe ooy iyada iyo naftuba isdiidayaan? Saacadaha uu ninku ku hawlan yahay cibaadada Alle iyo camalka adduunyo, waxaa habboon inuu dhexgashado waqti uu xaaskiisa kula baashaalo, si qalbigu ugu dego, laabtu ugu qabowdo, firfircoonaanna uga qaado.
4. Hawshii guriga oo hoggaankeedii kaa wareego: Ninka oo ka xorooba maamulka guriga sida hagaajintiisa, xaaqistiisa, goglistiisa, cunto karinta iyo diyaarinta, alaab dhaqista, suuq kasoo adeegga, iyo wixi la mida. Waxay siisaa waqti dheeraad ah oo uu ku shaqaysto, wax ku barto, Eebbena ku caabudo. Rasuulkeenna suubban waxa uu xadiis uu soo saaray Tirmidi ku leeyahay: “Midkiin ha yeesho qalbi Eebbe ku mahadin og, carrab Eebbe xusid badan iyo haweeney mu’minad suubban ahoo Aakhiradiisa ku kaalmeysa.” Haddaba dumarka looma guursado oo qura in adduunyada lagu raaxaysto, carruurna laga daadiyo, balse yoolka ugu muhiimsani waxa weeye inay kuu abuuraan waqti iyo jawi aad Eebbe ku caabuddid.
5. Nafta ood kula dagaallantid daryeelka qoyska: Nafta ood ku jara-bartid qaadista mas’uuliyadda reerka, daryeelkiisa, gudashada waajibka kaa saaran xaaskaaga, dabeecaddeeda ood ugu samirtid, dhib wixii kaaga yimaada ood u dulqaadatid, hanuuninteeda ood u hawlgashid, dadaal aad u gashid sidaad marasho iyo masruuf xalaal ah ugu keeni lahayd, carruurta ood ku tarbiyeysid waddada toosan, iyo wixi la mida. Waxaas oo dhami waxay ka mid yihiin faa’iidooyinka guurka, tiiyoo weliba ajar iyo xasanaad Eebbe kaa siinayo. Nabigeennu waxa uu xadiis ku leeyahay: “War hooya gebigiin waxaad tihiin qawsaarro, qawsaar walibana waxa uu mas’uul ka yahay wixii la raaciyey.” Waxaa la sheegay in raggii hore ee suusuubbanaa mid kamid ahi uu niman walaalihii ah ooy jihaad ku wada jireen weydiiyey, “Ma garanaysaan shaqada aynu hadda hayno mid inooga ajar badan?” Markaas bay yiraahdeen, “Ma garanayno.” Suu yiri, “Anaa garanaya.” Markey weydiiyeenna waxa uu ugu jawaabay, “Nin sabool ahoo ciyaal leh, ha yeeshee aan cidna wax weydiisan, oo intuu cawa-barkii toosay oo reerka indha-indheeyey arkay carruurtiisii oo hurudda cawradooduna bannaan tahay, dabeetana ku huwiyey go’ii uu keligii dhar ka lahaa, kaas baa naga camal wanaagsan.”
CAQABADAHA GUURKA
Waxaa jira caqabado (dhibaatooyin) ama is hortaaga guurka amaba laf ahaantiisa ka dhasha, waxaana ugu muhiimsan saddexdaan:
1. Awood-darri dhaqaale: Dhaqaale xumadu waa aafada ugu weyn ee ka hortaagan rag badan inay guri xalaal ah degaan, gaar ahaan sicir bararka iyo awood iibsasho yaraanta xilligaan jirta dartood.
2. Mas’uuliyadda qoyska ood qaadi weydo: Rag badan baan xamili karin gudashada xaqa ay dumarkoodu ku leeyihiin, iyaga oo ugu sabri waaya dabeecad xumadooda, uguna dulqaadan waaya dibindaabyaday la yimaadaan. Rasuulka suubban waxa uu leeyahay: “Qofka waxaa dembi ugu filan inuu dayaco kuwii loo xilsaaray daryeelkooda.” Waxaa la weriyey in ninka ka cararaa ciyaalkiisu uu la mid yahay nin Eebbe ka cararay, lagamana aqbalo Salaad iyo Soon toona. Eebbe waxa uu aayaddiisa ku leeyahay: “Ka dhawra naftiinna iyo ehelkiinna Naar shidaalkeedu yahay dad iyo dhagxaan.” Sidaas buuna inoogu amrayaa in aan xaaska uga ilaalinno Naar isla sida aan nafteenna uga ilaalinayno, waxaadna halkaasi ka garan kartaa in ninku kolkuu guursado ay labanlaabmayso mas’uuliyaddii saarrayd, ayna xakamayn ka rabaan laba nafood, kiiyoo awalba kari la’aa hal naf xakamaynteed. Waana taasi ta kalliftay rag badan oo saalixiin ahi inaanay guursan, iyaga oo kabiqi jiray aayadda oranaysa: “Waxay wanaag ku leeyihiin inta iyaga lagu leeyahay oo kale.” Micnaha aayaddu waxa weeye: “Haweenkiinnu masruuf bay idinku leeyihiin, marashay idinku leeyihiin, meel ay degaanna way idinku leeyihiin, iyo weliba inaad ugu raaxaysaan sida aad jeceshihiin inay idiinku raaxeeyaan.”
3. Cibaadada oo uu kaa carqaladeeyo: Dhibaatooyinka ka dhasha guurka waxaa ka mid ah isagoo kugu dhaliya ka feker adduunyo, iyo inaad meherad ka dhigatid ubad iyo maal aruurin. Waxaa la hubiyey in nin lug haween bartay ay ku adagtahay inuu waqti u helo cibaado Eebbe. Ha yeeshee taa micneheedu ma aha in labada mid la tuuro, balse waa in guntiga dhiisha la isaga dhigo sidii labada daarood la isugu keeni lahaa. Gaar ahaan waxa uu guurku waajib ku yahay qofkaan naftiisa liijaan ku qaban karin oon xaaraan iska ilaalin karin.
Haddaba cidda keliya oon isleennahay guur la’aanta ayaa u roon waxa weeye ninkaan saddexdaasi aafo ka badbaadi karin, kana baqaya mas’uuliyad dheeri ah oo uu Naar ku mutaysto, ha yeeshee naftiisa xakamayn kara oo ka dhawri kara xaaraan kaga timaadda araggiisa iyo ibtiisa. Ninka caynkaasi ah waxa u wanaagsan inaanu guursan, si aanu Aakhiradiisa ugu doorsan adduunyo.
GACAL DOORASHADA
Diinteenna Islaamku waxay ina baraysaa in haweeney afar waxyaabood lagu guursado, kuwaasi oo kala ah: qurux, qoys sharaf leh ooy ka dhalatay, maal iyo diin. Haddaba haddaynu mid mid u kala qaadno:
1. Qurux: Quruxdu inkastoo ay tahay shabagga ugu horreeya ee ay dumarku ragga u daadiyaan, misana diin iyo akhlaaq haddaanay dugsanayn, intay halleyso ayaa ka badan waxay hagaajiso, waxana weeye wax da’ ku xiranoo qofka aan ku daahin. Waxaa la yiri quruxda keligeed ahi waa sida bal cagaaran oo intaad u bogto aad xoolaha ku deysatid, kolkeyse daaqaan ay ku banaan (shubmaan) oo bushi uun ka qaadaan.
2. Qoys sharaf leh: Waa wax loo baahan yahay in dad la garanayo oo magac iyo maamuus leh laga guursado, waana kii uu Rasuulku yiri: “U doorta xawadiinna, cirqigu waa uu dusaaye.” Xadiiska oo uu soo saaray Ibnu Maajah, micnihiisu waxa weeye dadnimo wanaagga waa la iska dhaxlaaye, hubiya qofka aad guursaneysaan amaba u guurineysaan inuu qoys wanaagsan ka dhashay. Ha yeeshee, illayn qoyska dhan guursan maysidoo qof baad ka guursanaysaaye, sideed ku dammaanad qaadaysaa inay qoftaasi noqon doonto tii lagu nastoo lagu nagaado, haddaanad akhlaaq iyo diin ka eegin?
3. Maal: Ninkii gabar maalkeed oo qura u guursadaa, ma uu doonayo gabadhee maalkeeduu doonayaa, ayada lafteeduna waxay u aragtaa nin ay iibsatay. Waxaa hore loo yiri: Ninka waxa wanaagsan inuu gabadha uu guursanayo saddex dheer yahay: da’ iyo nasab iyo duunyo, si aysan u yasin. Gabadhana waxa wanaagsan ninka ay guursanayso inay saddex dheer tahay: samir iyo edeb iyo suurad wanaag, si uusan u yasin.
4. Diin: Rasuulku waxa uu xadiis saxiix ah ku yiri: “Naag waxa loo guursadaa maalkeeda, quruxdeeda, sharafteeda iyo diinteeda, ee ta diinta leh gaar gacmaha ciid gashee.” Gabadha diinta lihi waa tan garanaysa siday u gudan lahayd xaqa uu ninkeedu ku leeyahay, siday u dhawri lahayd asraarta gurigeeda iyo nafteeda, siday isaga ilaalin lahayd masayr, carruurtana ugu barbaarin lahayd tubta toosan.
Haddaba, maadaama ay adagtahay sidii lagu heli lahaa haweeney afarta sifo ee aannu soo sheegnay isku darsatay, waxaa habboon in xoogga la saaro qof diin leh, hadday markaasi qurux iyo qoys wanaag ku darsato waa Alxamdu lil-Laahi, hadday maalkeeda sidatana waa Rabbil-Caalamiin.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, waxaad mooddaa in dabeecadda raggu dalkay doonaanba ha u dhasheene tahay inay gabadha bilicsanaanteeda iyo muuqaalka bedenkeeda ku daba galaan, intaanay u daadegin diin iyo dabeecad kale. Hadday markaasi diin iyo dabeecadi u dheer yihiin, ninka daa’in ka baqayaa waa tuu doonayey, kii kalee damackatiir ahe xoolo daneeyaase quruxda wuxuu ku daraa inay dad magac iyo deeq leh ka dhalatay.
SOOMAALIDA IYO QURUXDA
Soomaalidu waxay tiraahdaa: Hadday naagi siddeed iyo labaatan sifo oo dumar lagu raaco leedahay, asay gabar tahay, guurkeeda sina looma daayo. Sifooyinka ay tilmaamaanna waa sidatan:
– Afar ay u dheer tahay: labada gacmood, timaha iyo qoorta.
– Labay u dhuuban tahay: qoorta iyo dhexda.
– Afar ay dhumuc u leedahay: labada kub iyo labada cududdood.
– Afar ay u caddahay: labada indhood iyo ilkaha labadooda lakab.
– Afar ay u madowdahay: labada indhood wiilkooda iyo labada sunniyood.
– Afar ay deeb u leedahay: labada dibnood (bushimood) iyo labada mudane (naasaha caaraddooda).
– Labay u shuban tahay: labada dhaban.
– Hal ay u buuxdo: shafka oo ah meesha dumarku quruxda ka sitaan, ishuna ku nasato.
– Hal ay u qoran tahay: waa sanka.
Lix iyo labaatankaas sifo araggay ugu qurux badan tahay, labana maqalkooda ayay dheguhu ku raaxaystaan, waana qosolkeeda iyo codkeeda macaan.
CARABTA IYO QURUXDA
Soomaalida oo keliya ma aha, ee Carabta lafteedu waxay tiraahdaa: Naag wanaaggeed ma dhammaystirna haddaanay afar u caddayn, afar u casayn, afar ciriiri u ahayn, afar u carfayn, afar u madoobayn, afar u weynayn, afar u koobaabnayn, afar u ballaarrayn, afar u jilicsanayn, afarna u yarayn. Afarreydiina waa sidatan:
– Afar ay u caddahay: indhaha, ilkaha, ciddiyaha iyo midabka.
– Afar ay u castahay: carrabka, ciridka, dhabannada iyo dibnaha.
– Afar ay ciriiri u tahay: sanka, dhegaha, xuddunta iyo cambarka.
– Afar ay u carfayso: sanka, afka, kilkilaha iyo cambarka.
– Afar ay u madowdahay: sunniyaha, timaha, indhaha wiilkooda iyo baararkooda.
– Afar ay u weyn tahay: joogga, garbaha, feeraha iyo barida.
– Afar ay u wareegsan tahay: madaxa, indhaha, cududdada iyo kubabka.
– Afar ay u ballaaran tahay: foolka, indhaha, shafka iyo cajarrada.
– Afar ay u yar tahay: dhegaha, cagaha, afka iyo calaacullada.
– Afar ay u jilcan tahay: sunniyada, sanka, dibnaha iyo dhexda.
INANTAADA U AWR DAYO
Waxaa loo baahan yahay inantaada iyo walaashaa inaad u doortid nin diin iyo akhlaaq leh oo ku dhaqmaya waxyaabaha ay diintu farayso, kana fogaanaya waxyaabaha ay ka reebeyso.
Waxaa la yiri nin baa nin kale weydiiyey, “War heedhe inan baa ii joogtee yaan u guuriyaa?” Saa kii kalaa ugu jawaabay, “Nin daa’inkii ka biqi og u guuri, maxaa yeelay hadday deeqdana asagaa daryeeli og hadday ka daadegi weydana ugu yaraan ma uu dulmin doono.”
Waxa kaloo la yiri: Nin dadkii hore ee suusuubbanaa kamid ah baa doonay inuu inantiisa u guuriyo, markaas buu la tashi ugu tegey nin ay deris ahaayeen oo Majuusi ah (dabka caabuda). Majuusigii oo yaabban baa yiri, “Dadoo dhami adayba adduun iyo aakhiro kaa wareystaane maxaad aniga iweydiinaysaa oon kugu war dhaamaa?” Markaas buu ninkii Muslinka ahaa yiri, “Iska daaye, ila taliyoo yaan inantayda siiyaa?” Majuusigii baa markaa yiri, “Madaxweyneheennii Kisra xooluu dooran jiray, madaxweynihii Ruum Qaysarna qurux buu dooran jiray, Carabina nasab iyo qabiil bay dooran jirtay, madaxweynihiinnii Maxamedna diin buu dooran jiraye, bal adigu go’aan ka gaar ciddaad ku dayan lahayd.”
QISADII SACIID BINUL MUSAYIB
Saciid waxa uu ahaa mid kamida culimadii diinta ugu caansanayd xilligii Banii Umayah dowladda Islaamka u talinayeen. Saciid ardadiisa waxaa kamid ahaa nin la oran jiray Cabdullaahi bin Abii Widaacah. Cabdullaahi dhawr maalmood buu dersiga ka maqnaaday, sheekhuna ardada ka dhex tebay. Maalintii dambe kolkii loo sheegay in sheekhu doondoonayey buu u yimid. Markuu salaamay buu sheekhu weydiiyey halkuu maalmahan ku maqnaa. “Xaaska ayaa iga jiranayd oo aan la joogay, haddase way dhimatay oo waaban soo duugay,” buu Cabdullaahi ugu jawaabay. “Maxaad jirradeeda noogu soo sheegi weyday aan booqannee, amaba geerideeda aan wax ka duugnee?” intuu ku yiri oo u tacsiyeeyay, xaaskii geeriyootayna u duceeyay, buu dabeeto ku yiri: “Cabdullaahiyow guurso, Eebbena ha hortegin adoo doob ah.” “Yaa sheekhow gabar isiinaya? Wallaahi baan ku dhaartaye afar dirham baa xoolo iga dhaca.” Sheekhii baa markaa yiri, “Subxaanallaah, miyaanu Muslimku afar dirham ku dhowrsan karin?” una raaciyey, “Anaa inan kuu guurinaya hadaad raali ka tahay.”
Cabdullaahi bin Abii Widaacah oo isaga laftiisu sheekada ka sheekeynayaa waxa uu leeyahay, “Markaas baan xishood iyo darajayn dartood uga aamusay.” “Maxaad u aamustay? Ma inantaydaan kuu cuntamayn?” “Eebbe hakuu naxariistee maxaad saa u leedahay haddaad doonto gabadhaada kumanaan dirham baad ku guurin kartaaye?” baan ku iri. Markaas buu sheekhii yiri, “Waa runtaa, balse iska daayoo shuhuud u yeero.” Shuhuud baan markaa u yeertay, waxaana gabadhii la igula mehriyey afartii dirham, halkaana lagu kala faataxaystay.
Kolkaan salaaddii Cishaha tukannay baan anigu gurigeygii iska aaday, waana tanoo nin baa iridkii aqalkeyga garaacaya. “Waa kuma?” Qofkii iridka garaacayey baa yiri, “Waa Saciid.” Ilaah baan ku dhaartaye waxaan Saciidyo magaalada ku aqoon jiray waan soo wada xusuustay aan ka ahayn Saciid binul Musayib, maxaa yeelay weligey maanan arag asagoo gurigiisa ka baxaya, inuu salaad masjidka ugu socdo ama meyd wax kasoo aasayo maaha ee. Markaas baan iri, “Waa Saciidkee?” “Saciid binul Musayib.” Jirkayga oo dhan baa halmar jareeyey, waxanan is iri, “Armuu sheekhu ka shallaayey inantuu ku siiyey oo kuu cudur daaran rabaa.” Markaas baan anoo cagajiid ah iridkii furay, saa waa gabar dadaboolan, faras alaabi ku raran tahay iyo adeegto cad. Sheekhii intuu isalaamay buu yiri, “Cabdullaahiyow waatan naagtaadii.” Markaas baan si yare xishood ku jiro u iri, “Alle hakuu naxariistee, maxaad ayaamo ugu kaadin weydey.” Suu yiri, “Sabab?” kuna daray, “Sow ima oran afar dirham baan haystaa? Mise waxaad dooneysaa in Eebbe i yiraahdo maxaad ninka habeenkaa doobnimo ugu dhaaftay adoo xaaskiisii haya. Waa taa naagtaadii waana taa alaabadiinnii, waana taa gabar idiin adeegta iyo kun dirham ood masruufataan. Cabdullaahiyow amaanada Eebbe iga guddoon. Waxan dhaar kuugu marayaa inaad iga guddoomaysid gabar soon iyo salaad badan, Kitaabka Eebbe iyo Sunnada Rasuulkiisana aqoon badan u leh, ee Alle kaga cabso, aniga darteeyna ha uga xishoon ee haddaad wax aadan jeclaysan ku aragto intaad edbiso gacanteyda kusoo sin.” Waanu sii dhaqaaqay.
Cabdullaahi waxa uu leeyahay, “Wallaahi baan ku dhaartaye weligey ma arag naag ka aqrin og Kitaabka Alle, kagana aqoon badan Sunnada Rasuulka, kagana cabsi badan Allihii abuurtay, waxanay ahayd mas’alada culimada wareerisa ta jawaabteeda la weydiiyo. Mar kasta oon Saciid is aragno waxa uu iweydiin jiray, “Qoftii say tahay?” Markaas baan dhihi jiray, “Waa nabaddeeda.”
Kedib markay gabadhii wiil ii dhashay baan maalin anigoo suuqa u baxay waxaan soo laabtay islaan aanan weligey arag oo aqalka dhex fadhida. Ka noqo markaan islahaa bay xaaskaygii tiri, “Soo gal Cabdullaahiyow, waa qof araggeeda Eebbe kuu banneeyaye.” Markaas baan weydiiyey, “Tumaad ahayd, Alle hakuu naxariistee?” “Cabdullaahiyow gabadhaan hooyadeed baan ahaye maxaad kala kulantay?” “Khayr Alle haydinka siiyo, si fiican baad u tababarteen una edbiseen.” “Cabdullaahiyow annaga ha noogu danayne haddaad xumaan ku aragtid edbi, waxaan nafteeda ka ahaynna adaa leh, dhoola caddayntana haka badin yaanay ku dhayalsane. Eebbe haydiin barakeeyo dhallaanka cusub, ha ka dhowro Shaydaan, hana ka dhigo mid Alle ka cabsi badan sidii awoowihii. Wallaahi baan ku dhaartaye afartan sanadood oon isqabnay ma aanan arag maalinna asagoo Allihiis ku caasinaya, lacagtaana asagaa idiinsoo dhiibaye qaata.”
Cabdullaahi waxa uu leeyahay, “Waan ka qaatay lacagtii, waxayna ahayd shan diinaar, siday islaantii markaas nooga baxdayna siddeed iyo toban sanadood wejigeeda dib uma aanan arag ilaa geeriyi na kala geysay.”
Dhammaad qisadii Saciid binul Musayib.
ISKA EEG INANTA INTAANAD GUURSAN
Ninku kolka uu xulanayo tii nolol la wadaagi lahayd, diintu waa ay u oggoshahay inuu iska eego, ha yeeshee su’aasha meesha ku jirtaa waxa weeye, intee in la’eg buu ka eegi karayaa jirkeeda?
Waxaa la yiri: Cumar binu Khaddaab ayaa weydiistay Cali bin Abii Daalib inuu siiyo gabadhiisa Ummu Kaltuum markaas buu Cali ku yiri, “Cumarow gabadhu way yar tahay, balse waan kuu soo dirayaaye aragoo haddaad raalli ka noqoto waa naagtaada.” Markaas buu gabadhii intuu maro usoo dhiibay ku yiri Amiirul Mu’miniinka ugee, oo ku dheh aabbe wuxuu ku yiri, “Waa tii aan kuu sheegayey.” Intay Cumar u tagtay bay maradii u dhiibtay, ereyadiina u sheegtay. Cumar baa markaa ku yiri, “Usheeg aabbahaa raali baan ka nahaye.” Markay bax is tiri oo sii jeesatay buu Cumar kubabkeeda marada ka qaaday. “Yaa, haddaadan Amiirul Mu’miniin ahaan lahayn ishaan kaa dharbaaxi lahaa,” bay ayadoo xanaaqsan intay tiri kasii dhaqaaqday. Kolkay aabbeheed ku noqotayna waxay ku tiri, “Waxaad ii dirtay odoy xun oo saa iyo saa igu sameeyay.” “Maandhay waa ninkaagii,” buu Cali hadal kusoo gooyay.
Culimada diinta intoodii badnayd waxay isku raaceen inuu ninku gabadha uu guurkeeda doonayo ka eegi karayo jirka qaybihiisa haween lagu raaco sida wejiga, gacmaha, kubabka lugaha, iyo wixi la mida, qaarbaase intaa kasii fogaaday oo gaarsiiyey ilaa iyo jirka oo dhan waxaan ka ahayn labada dalool (cambarka iyo dabada).
SIFOOYINKII SHEEKH AN-NAFSAAWI
Shaykh an-Nafsaawi oo ahaa caalim Islaam ah, noolaana qarniyadii dhexe waxa uu buuggiisii Ar-Rowdul-Caadir fii Nus-hatil-Khaadir ku qoray sifooyin uu sheegay in gabadha leh aan sinnaba loo daayin guursigeeda. Haddaba sifooyinkii uu sheekh an-Nafsaawi tilmaamay iyo qaar kaloon tixraacyo kale ka helnay haddaynu nuxurkoodii soo koobno, waxay ahaayeen sidatan:
Gabadha guursigeeda la doonaa waa tan uu jirkeedu buuxo oo joogga iyo hilibka leh, foolka ballaaran leh, timaha dhaadheer ee madow leh, indhaha sidii ilays la shiday oo kalaa leh, dhabannada shushuban leh, sanqaroorka qoran leh, sunniyaha dhaadheer ee madmadow leh, afka yar iyo ciridka madow leh, ilkaha sidii aleel la qoray ah leh, dibnaha, dhabannada iyo carrabka cas leh, sanka iyo afka carfaya leh, qoorta dheer iyo cabbaaryaha leh, garbaha waaweyn leh, gacmaha buurbuuran iyo garaaraha leh, shafka ballaaran leh, naasaha toobinka ah ee dharka dul saaran dhibsanaya doonayana inay kasoo dhex baxaan leh, xabadka iyo naaska buuxa leh, dhexda yar leh, sinaha waaweyn leh, caloosha godan leh amaba xulus yaroo salaaxista ku habboon leh, xuddunta ballaaran ee biya-degeenkaa leh, cambar dusha iyo daafyaha ka cayilan dhexdana ka ciriirigaa leh, cajarrada waaweyn leh, qaarka dambe iyo doolasha waaweyn leh, kubabka buuxa, cagaha yaryar iyo cirbaha jilicsan leh.
Gabadha socodkeedu yahay siduu abwaanku u sawiray, “Culays kuma dhaqaaqdo mana cararto, cagta socodka kuma dhererto ciiddee way ciribsataa,” kolkay soconayso laafyoota, kor iyo hoosna ka lulata, soo socodkeeda aad macaansatid, sii socodkeedana la miyir beeshid, bashaashadda aan hadalka iyo qosolka badnayn, codka iyo carrabka gaaban balse ereyga kasoo baxa bukaankii maqlaa macaantiida ku bogsoodo, bixitaanka iyo soo gelitaanka yar gurigana aan dhaafin, deriska aan dan lama huraan ah mooyee hadal u doonan, dibadda markay dan ka yeelato ninkeeda oggolaansho ka dalbata, duunyo duqeeda mooyee dad kale aan weydiisan, iimaanka badanoo wax yari deeqaan, degganaanta iyo dulqaadka badan, ninkeeda daacadda u ah oo hadduu gogosha ugu yeero degdeg uga yeesha, hadduu damco ayadu doonata, hadduu iska daayana isdadabta, kolkay galmadu dhacayso dhabannadu casaadaan, indhuhu caddaadaan, dibnuhuna cayaaraan, kalkay ninkeeda la joogto farax iyo qosol badan, markay dad kale arkeysana afgaaban oo edeb badan, eer-sheegad yar, abtiyaal iyo adeeryaal akhyaar ahna leh.
RAG MAXAA LAGU RAACAA?
Ragga iyo dumarku way ku kala duwan yihiin marka laga eego sifooyinka la isku doorto xilliga guurka. Rasuulkeennu waa kii yiri: “Naag waxa loo guursadaa maalkeeda, quruxdeeda, sharafteeda iyo diinteeda,” taasi oo ina tusaysa in maalka iyo quruxdu ay boqolkiiba-50 ka yihiin sababaha dumarka loo guursado, ha yeeshee kolkay arrintu joogto ninka isagu doonaya inuu guursado, qiimeyntiisu taa ka duwan.
Diinteenna Islaamku waxa ay xaddidday laba shardi oo haddii ninka laga helo ay tahay in markaa inanta uu soo doontay loo guuriyo, labadaasi shardi oo kala ah; Diin iyo Dabeecad. Rasuulka suubbani waxa uu xadiis ku leeyahay: “Hadduu idiin yimaado nimaad diintiisa iyo dabeecaddiisa u bogtaan u guuriya, haddii kale xumaan iyo dhibaato weyn baa dhulka ka dhacaysa.” Xadiiska waxaad ka garan kartaa in dabeecadda qofku aanay ku xirnayn diintiisa, maxaa yeelay si kasta oo qofku uu diinta u yaqaan, haddana dabeecad wanaagga, degganaanta iyo qabowga iyo waa loo kala dhashaa dabeecad xumida, xanaaq dhowaanta iyo kulaylka joogtada ah.
Rasuulku kuma aanu soo hadal qaadin xadiiskiisa qurux iyo maal looga baahan yahay ragga guurdoonka ah toona. Haddaba sababtu waxa weeyaan, aynu ku horreeyno quruxda ee, ninka ragga ah waxaa qurux ugu filan ragannimadiisa, oo kol hadduu waxgarad yahay, geesi yahay, caqli iyo kartina leeyahay, waxay ila tahay qurux ay dumar ku raacaan oo u harsani ma jirto. Dhanka kale, marka diinta Islaamka laga hadlayo, maalku kamid ma aha shuruudaha guurdoonka lagu xiray. Ninkii diin (aqoon iyo ku dhaqan) iyo dabeecad wanaag isku darsada, Eebbe asagaa xagga maalka ka kafaalad qaaday. Waxana taasi marqaati ka ah aayadda oranaysa: “Hadday sabool yihiin Eebbe asagaa deeqdiisa ku hodminaya.”
GAYAANKAA GUURSO
Arrimaha loo baahan yahay in ahmiyad la siiyo kolka la dooranayo lammaanaha nolosha waxa ugu horreeya diinta iyo dabeecadda sidaynu horeba usoo sheegnay, waxase aan la inkiri karin inay jiraan umuuro kale oo iyaga laftoodu ahmiyaddooda leh, waxaana kamid ah farqiga u dhexeeya da’da ninka iyo da’da inanta uu guurkeeda doonayo.
Abuubakar iyo Cumar ayaa mid waliba goonidiisa usoo doontay Faadumo binti Rasuul, markaas buu Rasuulku mid waliba goonidiisa ugu sheegay inay gabadhu yar tahay. Ha yeeshee kolkuu Cali soo doontay, waa uu siiyay, waxanay culimada qaar taa ku micneeyeen in Rasuulku doonayey inuu gabadhiisa u guuriyo nin ay isku da’ dhow yihiin, waxana markaasi Faadumo ay jirtay shan iyo toban sano iyo shan bilood, halka uu Cali ka jiray koow iyo labaatan sano iyo afar bilood.
Waxaa laga yaabaa inuu maskaxdaada ku soo dhoco guurkii Rasuulkeenna iyo Caa’ishah oo iyadu aad uga da’ yarayd Rasuulka, ha yeeshee qoraaga kitaabka Tuxfatul-Caruus Maxamuud al-Istambuuli waxa uu ku doodayaa in umuurtaasi aanay ahayn mid lagu dayan karo sababahaan soo socda awgood:
– Dadnimada Rasuulka oo dadnimo qof lala simaahi jirin, taasi oo keentay inay Caa’ishah farxad kula noolayd, isagana ka door bidday nin kasta oo dhallinyaro ahaa oo soo doontay.
– Ulajeeddada siyaasadeed ee ka dambeysay arooskaasi oo loola jeeday in dhidibbada loo aaso xiriir dhexmara Rasuulka iyo Abuu-Bakar as-Siddiiq oo saaxiibtinnimada soojireenka ah ee ka dhexeeysay asaga iyo Rasuulka ka sokow, kamid ahaa hoggaamiyeyaasha Carabta, loona fududeeyo maslaxadda ka dhaxaysay labadooda, maadaama uu Abuu-Bakar mar waliba tegi jiray guriga Rasuulka si dardarsiimo loo geliyo Dacwada Islaamka.
– Caa’ishah oo ahayd qof aad u diin badan, marnabana aan cabsi looga qabin inay gef ka geysato guurkaasi.
– Rasuulka oo la siiyay awood ragannimo u dhiganta afartan ragga Saxaabadiisa ah awooddood sida ku soo aroortay Xadiiska Saxiixa ah.
Dhammaad faalladii al-Istambuuli.
Gabar baa gabar weydiisay, “Naa rag kee baad ugu jeceshahay?”. Markaas bay tiri, “Waxaan ugu jeclahay ger caddaale, guunyo badane, gaajo gooye, kuu garaabe, ku garab taagne, gef ka dheere, garoor ma daadshe, gaawe carafle, gaari farasle, gaarka haaye, deris gargaare, ee adiguna?” Markaas bay ugu jawaabtay, “Anna gar madoobe, geed walwaale, garruun weyne, gujo kulule, gunta ku geeye, kuna gufeeye, gidaarra jeexe, gurxan badane, gebagebeeye, gacan sarreeye, gam’i waaye, kaas baan u jeclahay ee aniga iyo adiga teennee caqli badan?”
Sida ninkuba u jecel yahay inuu guursado gabar da’ yar, qurux badan, caqli badan, dhawrsan, asagana jecel oo dhaqaalaysa, ayay gabadhuna u jeceshahay in loo guuriyo wiil da’ yar ama aan wax badan ka durugsanayn, qurux badan, caqli iyo ragannimo badan, dhawrsan oo iyada uun ku kooban, deeqsina ah.
Waxaa la yiri: Nin gaaban oo fool xun baa wuxuu qabay gabar qurux badan. Maalin buu usoo galay ayadoo si fiican isu qurxisay. Markaas buu isha la raacay awoodina waayay inuu ka jeesto. Markay aragtay siduu u eegayo bay tiri, “Maxaa kugu dhacay?” “Wallaahi aad baad u qurxoonaatay.” Markaas bay tiri, “Ku bishaareyso inaan aniga iyo adiguba Janno geleyno.” Suu weydiiyey, “Oo xageed ka ogaatay?” “Anoo kalaa lagu siiyey markaas baad shukriday, adoo kalena waa la i siiyey markaas baan sabray, qofka shukriya iyo ka sabraana waa ehlu janno,” bay hadal ugusoo jartay.
Waxaa la yiri: Nin baa asagoo faras fuushan waxaa ka hor timid naag uusan quruxdeeda ayadoo kale hore u arag. Markaas buu ku yiri, “Hadduu nin ku qabo Eebbe hakuu barakeeyo, haddii kalese ii sheeg.” Markaas bay ku tiri, “Maad iska kay dhaaftid wax aanad jeclayn baa igu yaalle.” “Maxaa kugu yaal?” “Madaxayga cirraa ku taal.” Intaa markuu maqlay buu faraskii saynta u rogay si uu u dhaqaaqo, waase ay joojisay, oo intay timeheedii hagoogta ka qaadday tustay, mise waaba timo madowgooda wax lagu mitaalo aan la arag. Waxayna ku tiri, “Wallaahi inaanan weli labaatan jir gaarin, ha yeeshee waxa madaxaaga iiga muuqatay cirro, waxana aan rabay inaan ku tuso in annaguba aan idinku nacayno waxa aad nagu nacaysaan.”
Ugu dambayntii, waxaa lagama maarmaan ah inuu jacayl jiro amaba israbitaan ka dhexeeya labada ruux ee guurka u sharraxan, ha yeeshee jacaylka laf ahaantiisa ma aha in laga dhigto yool, balse waa inuu ahaadaa waddo xaaran oo loo maro hadaf ka weyn oo ay labada qof hiigsanayaan. Gabadha aad guursigeeda dooneysaa ma tahay haddaad guri gashaan (waa siday kuula muuqato ee) mid ay naagnimadeedu ku qancin doonto? Ma tahay mid loo daayey agaasin guri, garaneysana rag waxa u roon iyo waxa ka reebban?
DARDAARAN AAN DIIN LOO EEGIN
Waxa la arkaa waqtiyadaan dambe in dad badan oo isdooranayaa ay isku doortaan muuqaallada dibadda sida: muuqaalka iyo midabka jirka, timaha, eegmada, iyo wixi la mida, iyaga oon ka eegin qofka ay dooranayaan dhanka sifooyinka nafsiyeed iyo dabeecadeed oo iyagu ah kuwa nolosha qoys u horseeda farxad, raynrayn, raaxo iyo murugo la’aan.
Haddaba waa in rag iyo dumarba aan la isku dooran muuqaalka kore oo qura, balse lagu doortaa qofka shakhsiyaddiisa, sababta oo ah muuqaalku waa mid ku xiran da’da qofka oo baaba’aya. Tusaale ahaan, gabar ku fekeri jirtay inay hesho wiil dheer, jirkiisu dhisan yahay, lebbis qurxoon, taajir ah iyo wixi la mida, haddii ay hesho wiilkii ay ku riyoon jirtay una haysatay inuu noqon doono wehelkeeda adduunyada (isna uu ku doortay sifooyinkii ay ku dooratay kuwa la mid ah), kolka ay aqalgalaan oo dabeeto inta ay ka dheregto sifooyinkiisa dibadda, u baahato dadnimadiisa gudaha ayna markaasi ka weydo, waxay billowdaa inay dareento dhibaatooyin aanay hore ugu xisaabtamin iyo inaysan raalli ahayn. Haddaba kolka aad dooranaysid kan kula wadaagaya nolosha, waa in aad ka eegto oo qiimaysid gudihiisa iyo dibaddiisa labadaba oo uusan kugu noqon afka malab uur minshaar.
Gabadhu inta aysan isku indha tirin jacayl, waxa loo baahan yahay inay ogaato ruuxa ay laabteeda u furaysaa inuu noqon doono kan ay isla billaabi doonaan socdaal nololeed jiraya ilaa ay geeriyi kala geyso. Waa inay maskaxda ku haysaa in doorashadeedaasi ay tahay imtixaan ay geleyso inta ay nooshahay kan ugu adag, sidaasi daraadeedna ay isugu geyso wax allaale waxay xeel iyo khibrad leedahay siday u darsi lahayd dabeecadda iyo shakhsiyadda gudaha ee qofka ay dooranayso.
Waxaa laga yaabaa in qofku aragtida guud ka caafimaad qabo, balse uu hoosta ku wato cudurro xunxun sida jabtada amaba cudurrada kale ee waqtiyadaan dambe ku caan baxay dunida kuna qarsoon xubnaha taranka, kuwaasi oo ay khatartoodu badan tahay gaar ahaan kolka ay hayaan haweenka. Waxa laga yaabaa in jabtada kolka la iska daaweeyo ay dusha ka bogsooto, balse ku qarsoon tahay jirka hoose ilaa ay maalin maalmaha kamid ah u gudubto maskaxda keentana cudurro Eebbe kaa haayo, iyada oo weliba u gudbaysa qofka aad isqabtaan iyo carruurta intaba. Cudurka qaaxadu isna waxa uu leeyahay natiijooyin kuwaasi la mid ah, waxaana waajib ah in arrimahaasi oo dhan maskaxda lagu haayo marka la dooranayo lammaanaha nolosha.
KHIDBADA
Khidbada haddaynu ka eegno dhanka diinta Islaamka iyo dadkii hore, waxa ahayd sidatan: wiilku dumar buu dirsan jiray uga warkeena inanta akhlaaqdeeda iyo gaarinimadeeda. Hadduu la dhaco wanaagga laga soo sheego iyo warbixinta laga keenana, duqay buu kaxaysan jiray amaba keligii bixi jiray oo intuu aabbeheed u tago guurkeeda weydiisan jiray. Kolkaana aabbuhu hadduu ku qanco wiilka diintiisa iyo edebtiisa, wuxuu la tashan jiray inanta iyo hooyadeed, hadduu oggolaansho ka helana halkaa ayuuba ku bixin jiray. Gabadha markaa inta la mehriyo ayaa ninkeeda la daba dhigi jiray, waxayse ahayd hadduu sidaa dalbado. Haddii kale intuu halkuu kasoo doonay u noqdo ayuu kolkuu guri diyaarsado soo doonan jiray laguna dari jiray.
Maanta khidbadu waxa weeye xaflad faraxeed duunyo badani ku baxdo dad badanina isugu yimaado, dabeetana wiilka iyo gabadha oo si fiican loogu soo lebbisay gacmahana is-haystaa intay ku soo baxaan dadka xafladda kasoo qaybgalay, hortooda isku weydaarsada farraanti ka dhigan heshiis dhexmara labadooda oo ah inay isguursan doonaan, waxayna dhab ahaantii u egtahay heshiis ganacsi labada dhinac mid loogu xajinayo kan kale, waana arrin aan diin wax sal ah ku lahayn.
Hablaha qaar khidbadu waxabay u tahay dareen iska sara marin ay iska sare marinayaan kuwa kale ee aanay weli duruuftu u oggolaan in dadku isugu yimaado uguna alalaaso xafladda khidbadooda. Waxa iyana jirta in khidbado badani ku dhacaan si degdeg ah, si waddada looga xiro loogana boos qabsado kuwa tartanka kula jira gabadha ama wiilka. Dhallinyaro badan baa hablaha ugu ballan qaada guur, si ay uga haqab tiraan rabitaankooda jinsiyeed dabeetana ka baxa ballantii ay ku galeen afar indhood hortood. Kol haddayse khidbadu ku dhacayso dadka oo dhan hortooda, ceeb bay ku noqonaysaa iyo sharaf dhac haddii intuu gabadhaasi ku ciyaaro dabeeto is-yiraahdo fasakh (ka bax) khidbadaasi sabab la’aan.
Tijaabooyinku waxay caddeeyeen in khidbada ay ku xigsato galmadu iyada oon la gaarin meher iyo aqalgal, ay inta badan ku dhammaato kala tag. Khidbadaha qaar baa ku dhaca xaalad qooq iyo kacsi iyo dhaar inayan weligood kala harin, iyada oon wax hordhac iyo ka fiirsi ahi ka horreeyn, sidaasina intay u hoggaansamaan kacsi iyo rabitaan aan xad lahayn, daqiiqad kadib ka shallaayaan wixii ay daqiiqad kahor ku dhaqaaqeen. Gabdhaha qaar baa kolka ay hoosta ka galaan wiilka ay jecel yihiin uu soo weeraraa dareen kacsi aan xad lahayni, dabeetana awoodi waaya inay maya yiraahdaan iyaga oo miyir iyo dhimirba beela, sidaasina ay ku dhacaan heshiisyo aan weligood dhaboobayn iyada oo weliba aan la joogin meel laga noqdo.
Gabadhii khidbadeeda fasakhda mujtamacaadka reer barigu waxay ku eegaan il liidiseed, taasi oo ah dulmi la jideeyey waqti fog. Fasakhidda khidbadu amaba haddaynu si kale u niraahno ka bixitaanka ballantii ahayd in la is guursan doono waxay xumeysaa sumcadda gabadha. Waxa intaa dheer in mujtamaca iyo cid kasta oo doonta inay gabadhaasi dib u doonato labaduba u arkaan inay tahay garoob, si kastaba gabadhaasi ha u jeclaato khadiibkeeda cusub, daacad iyo raaliyana ha ugu ahaato ee.
Dalalka aan diinta Islaamka ku dhaqmin qaarkood waxay khidbadu uga dhigan tahay xarig sharci ah, khadiibadduna waxay leedahay xuquuq u dhiganta tan ay leedahay haweeneyda la qabo iyo weliba xuquuqda uurjiifka caloosheeda ku jira haddii ay u oggolaato khadiibkeeda inuu u galmoodo intaanay aqalgelin. Waxa caadi ah inaad dalalka caynkaasi ah ku aragtid nin iyo haweeney isu dhalay laba iyo saddex carruur ah oo la leeyahay caawa ayuu dhacayaa nikaaxii iyo aqalgalkoodii. Waxa taasi ka yaab badan in dalalka qaar aanayba labada qof isguursanaynin ilaa iyo inta ay ka hubsanayaan inay carruur isu dhali karayaan, iyaga oo isla noolaanaya ilaa iyo intay dhawr carruur ah isu dhalayaan, markaa dabadeedna aqalgal iyo xaflad yaab leh loo dhigayo.