Category: Raaxada Guurka

  • Baabka Tobnaad

    WAA MAXAY SEEGADU? Qofka seegaysanayaa ma rabo inuu qof kale rabitaankiisa kaga dhergo, balse isaga laftiisa ayaa iska dhergaya (isku biyabbaxaya). Caadada seegaysiga rag iyo dumarba waa lagu arkaa, kumana koobna ragga oo qura sida ay dad badani u haystaan. QAABABKA SEEGADA Seegada maskaxda: Waa qofka oo biyabbaxa isagoon isticmaalin wax uu ku kacsado. Dadka […]

  • Baabka Sagaalaad: Gudniinka

    WAA MAXAY GUDNIIN? Ereryga gudniin waxa loola jeedaa goyn, waana ta birta geedaha lagu gooyo lagu magacaabo gudin. Haddaba marka laga eego xagga Sharciga Islaamka, gudniinka inanku waxa weeye in laga gooyo qolofta oo iyadu ah maqaarka ku dahaaran dhalfada oo ah madaxa xubinta taranka. Gudniinka inantu waxa weeye in gabal laga jaro qolofta ku […]

  • Baabka Siddeedaad: Barbaarinta Ubadka

    “Waxaan qoraynaa waxay hormarsadeen iyo raadkooda.” Suuradda Yaasiin 10. Ilaahay qofka uma qoro oo qura camalka uu la yimaado inta uu nool yahay, balse waxa kale oo uu u qoraa raadka uu ka tago kolka uu geeriyoodo hadduu kheyr ahaa iyo hadduu shar ahaa intaba. Haddaba, maadaama ay carruurtu yihiin raad bani’aadmigu ka tago ka […]

  • Baabka Toddobaad: Uuraysiga iyo Madhalaysnimada

    MACLUUMAAD GUUD Mowduuca uuraysiga iyo madhalaysnimadu waa mowduuc aannu is leennahay aad iyo aad buu ahmiyad ugu leeyahay cid kasta oo Soomaali ah oo doonaysa inay guri degto ubadna daadihiso, maxaa yeelay waxaa ku jira macluumaad hadduu qofku fahmo uu kaga maarmi karo dhakhtar raadin iyo dhibaatooyinka dhaqaale ee daba jiitamaya, kol hadday ummaddu isaga […]

  • Baabka Lixaad: Ciniinnimada Ninka

    WAA MAXAY CINIINNIMADU? Guurku si uu aragga dabool ugu noqdo ibtana gaashaan, waa in labada isqaba mid waliba rabitaankiisa kan kale kaga haqabbeelaa, isna ka haqabtiraa. Haddiise midkood howshiisii gudan waayo, taasi oo ku imaan karta aqoon-darri ama awood-darri (ciniinnimo) amaba iimaan-darri, qoysku waxa uu markaasi qarka u saaran yahay inuu burburo. Ciniinnimadu waxa weeye […]

  • Baabka Shanaad: Turxaan-Bixinta Nolosha Qoyska

    WAAJIBAADKA NINKA Sida uu Imaam Abuu Xaamid Al-Qasaali (Eebbe ha u naxariistee) ku qoray kitaabkiisii (إحياء علوم الدين), ninku kolka uu guursanayo, waxaa waajib ku ah inuu fiiro u yeesho, ushana dhexda u qabto laba iyo toban arrimood oo muhiim ah, kalana ah: Waliimada (sabta, Alla-bariga) la sameeyo habeenka aqalgalku waxa weeye sunno, waxaanad ka […]

  • Baabka Afraad: Caafimaadka Galmada

    ILA TALIYA OO INTEE JEER BAAN U TAGAA? Waxaa mar kasta dhakhaatiirta u yimaada dad doonaya inay kala tashadaan inta jeer ee ay isu galmoon karaan iyadoon wax dhibaato ahi ku imaan caafimaadkooda. Ha yeeshee, lama helayo jawaab ku wada habboon dadka oo dhan, sababta oo ah bani’aadmigu waxa uu ugu kala duwan yahay rabitaanka […]

  • Baabka Saddexaad: Galmada

    GOGOLXAAR GUUD Dad badan baa aaminsan in sida ay ragga iyo dumarkoodu isugu galmoodaan oo laga sheekeeyaa tahay wax ceeb ah oo ay habboon tahay in laga aamuso, waxaana weeye, waa siday ku andacoonayaane, wax Eebbe dadka ku abuuray oo qofku iyadoon looga sheekeyn uu keligii baranayo, fahamka caynkaas ahise waa mid runta ka fog. […]

  • Baabka Labaad: Aqalgalka

    GABADHA UDHISA GACALKEEDA Gabadha intaan gacalkeeda loo guri geyn, waxaa loo baahan yahay in loo dhiso, loona naashnaasho. Saciid bin al-Musayyib wuxuu Ibnu Cabbaas ka weriyey inu yiri: Rasuulku kolkuu gabadhiisa Faadumo u guurinayey Cali, wuxuu haweenkii ku yiri, “Gabadheyda Faadumo waxan u guurinayaa ina-adeerkay Cali. Waanad ogsoon tihiin halkay iiga taallo, waxaanan doonayaa inaan […]

  • Baabka Koowaad: Gogoldhigga Guurka

    GUURKA IYO MOWQIFKA DIINTA Guurku diinta waa u gargaar, shaydaanka waa u gablan iyo hoog, waana gaashaan adag oo cadowga Eebbe laga galo, waxaana ku badata ummadda Islaamka si ay ula tartanto ummadaha kale. Eebbe waxa uu aayaddiisa Qur’aanka ah ku leeyahay: “U guuriya xaaslaawayaasha idinkamidka ah iyo addoomadiinna kuwooda wanwanaagsan, rag iyo dumarba. Hadday […]