Haad-Haad Maxaa Kaa Dhigay? – Cali Xaashi

Bacadle iyo Cali Xaashi ayaa laba gabay is dhaafsaday. Cali Xaashi ayaa gabaygan soo socda kaga afceliyey gabayadii Abshir qaar ka mid, waxa uuna gabaygiisii u dhigay sidatan:

Abshirow warkaan kaa helniyo hadalladaad sheegtay
Hammigeena kuma jirin inaad noola hawooneysid
Taariikhda wuu kaa hallayn hadalka qaarkiise
Hilibkeeni baad goysayood halacsanaysaaye
Gacalkaaga lama hiifo maysidoo wa habeen tagey
Heyb kalane helimaysidoo waan habeen tagaye
Ayagaa kuu dhannoo kuu tol ahoo lama huraankiiya
Nin hunguri hor kuugu ma aqoon haatanse an moogi
Halgankayagii Yunisoom adaa noo horeyn jiraye
Dib inaad u haakowsataa kuuma habooneyne
Dadku waxay ku haasaawayeen sooma aan hubine
Habaar owliyo wuxuu qabaa ha iyo wow reeb ah
Hantidaad laheyd meeday sow hadalku dow maaha
Haad haad maxaa kaa dhigoo la hirgisaysaa!

Hawo Been Ah – Abshir Bacadle
Gabaygan waa jawaabtii Abshir Nuur Faarax Bacadle ugu afcelinayey Cali Xaashi (eeg gabaygiisa kor ku xusan), waxayna u dhacdey sidatan:

Cali Xaashiyow hadalku waa kaa habeensadaye
Anigu hiil Rabbigey baan ahay waana la hubaaye
Waxaa hoogayoo ba’ay wixii gaal u howl galaye
Iyo kuwii u hiilinahayoo heyb ku daba joogay
Hogga maalintii lagu riday khabar helaayaane
Adduunyadana ku hungoobe waxay ku haminaayeene
Ka heyruube meeshey khalqiga ku handadaayeene
Haad geed waayey sow lagama dhigin hadura gaabgaabti
Himbiriirsi iyo waan la rabay hogasha ceebeede
Ka huleelo Xamar aakhirana howl kalaa sugiye
Hagooga xun hadey magangaleen hoos Allow celiye
Haddaabay falkiyo haykalkii ka harqinaayaane
Oo mayd u heybinahayaan hanasho guuleede
Iyagaa hantool iyo ku ridi god iyo hadaane.
Oo hilib ka cuni waa waxay ku hamminaayeene.
Halkaasuu ku sugi goor dhawoo hiihah loo tumiye
Halgankeeni Yunisoom kufri baan wada halgaadeynay
Adinkaa haloosigii ka lumay nagu haboonaaye
Nin walibana hadafkuu lahaa aakhiruu heliye
Habaar waxaa ahoo lagu hubaa mayd gacmo u hoorsi
Hana igu hadadin owliyee qaadirka u hiili
Hawo been ah waa wixii tolkey hodaye sow moogid!

Qaybta Labaad

GABAYO AF-CELIN AH
Jawaabo Ku Socda Abshir Bacadle

HORDHAC
Inkastoo buuggani loogu magac darey diiwaanka gabayadii iyo maansooyinkii uu curiyey Abshir Nuur Faarax Abshir Bacadle, haddana waxaa marka hore tilmaan mudan ineynu halakan ku soo bandhigi doono maansooyin iyo gabayo uunan lahayn ama uusan tirin abwaanka, sababtuna waxay tahay gabayadaa iyo maansooyinkaa kale xiriir gooni ah ayay la leeyihiin gabayada iyo suugaanta qaarkeed uu Bacadle mariyo oo badankood waxaaba la dhihi karaa waxay jawaab u yihiin gabayo uu horey u tiriyay Bacadle, laakiin gabayadaa waxay dadka qaarkood ku reebtey xanuun gooni ah sida abwaanno kale oo Soomaaliyeed, ujeeddooyin badan awgeed haba ugu badnaatee ineysan ku raacsaneyn abwaan Bacadle arrimaha uu taabtey, ha ahaadeen arrimo siyaasadeed, diimeed iyo mid bulshadeedba, sidaa darteed waxaa inala habboonaatey oo ay amaanaduna ku jirtaa in howshii aan galney aan si hufan ama faa’iido u leh dadka Soomaaliyeed ee xiiseeya suugaanta Soomaaliyeed u dhammeys tirno fikrado kala duwan aanu buugga ku soo aroorinno, akhristuhuna uu garsoore noqdo ama uu doorto hadba fikradda la fiican ama dooda la haboon, taana ma aha mid aynu annaga ugu horreeno ee qorayaal Soomaaliyeed ayaa hadda ka hor ku guuleystey iney soo bandhigaan aragtiyo kala duwan iyo doodo iska soo horjeeda oo ku yimid hab suugaaneed. Sida maansooyinkii Silsiladdii la magac baxay Guba oo taxanaha ahaa iyo maansooyinkii Silsiladdii Siinley iyo Deeley. Waxaa xusid mudan ineynu caddeynno in qoraaga weyn ee Soomaaliyeed Yaasiin Cusmaan Keenadiid uu ahaa axadkii ugu horreeyey ee sameeyey habka aanu soo sheegney, isagoo buuggiisii ku qornaa afka Talyaaniga ee uu ka qorey Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo suugaantiisa uu ku soo arooriyey gabayo looga soo horjeedo Sayidka iyo afar gabay uu Sayidku lahaa oo laga reebey diiwaanka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee uu qorey qoraaga weyn ee Aw Jaamac Cumar Ciise, buugga Yaasiin waxaa la oran jirey Ina Cabdille Xasan e la sua attivita letterararia, 1984, Nables, Instituto Universitario Orientale.
Gabayada halkaan aanu ku soo xigan doono badankoodu waa kuwo liddi ku ah Bacadle marka laga reebo gabay kaliya oo raad raacay Bacadle kuna raacsan abwaanka hannaanka iyo jawaabaha uu siiyey Soomaalilaan. Waxaanse taxanaha gabayada noocaan oo kale ah ku billaabaneynaa gabay ay isugu jawaabayaan Abshir Bacadle iyo abwaan Cali Xaashi oo ka biyo diiddan gabayo uu Bacadle u tiriyey Soomaalilaan taa oo la xiriirta sida aanu horey u sheegney xariggii gabadhii Samsam iyo Shiikh Maxamed Shiikh Ismaaciil. Waxaase xusid mudan in gabayga Gob Cunsuri Ahoo Waxaad Tihiin Ficil Gumeyd Yeeshey oo Bacadle ka tiriyey xariggii Samsam aannu horey u soo arooriney, uu ka mid yahay gabayada aanada loogu hayo ee uu Abshir ku jawaabayey markii ay soo gaartey dhowr maanso oo ka dhiidhisey hadallada Abshir ka soo yeedhey.

Maxamed Xuseen Macallin
Oslo, Noorwey
Maajo, 2012

Hiddo-Raac

Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle gabaygaan waxaa uu ka tiriyey xariggii loo geystey Sheekh Maxamed Sheekh Ismaaciil oo ay maamulka Soomaalilaan ku xireen magaalada Hargeysa iyagoo ku eedeeyey shiikha inuu khatar ku yahay nabadda iyo deggenaanshaha degaannadaa. Arrinka uu gabaygaan ka hadlayana waxaa aad loogu soo muujiyey ama loogu soo daabacay qaar badan oo ka mid ah bogagga Soomaalida, warbixinnadaana waxay muujinayeen sawirro iyo filim laga soo duubey arrinkaa, waana midda kicisey Bacadle oo gaarsiisey inuu ku dhawaaqo hadal aad u adag oo gaarsiin kara inuu ku xadgudbey ummad dhan oo aan wada danbi galin inkastuu hordhaca gabayga ku afeeftey abwaanka.

Gabaygani hin buu kicinayaa waana la hubaaye
Hargeysoo dhan uma jeedo iyo heybahaa dega’e
Gabaygani wuxuu la hadlayaa howlwadeennada’e
Iyo wixii u hiilinahayoo heyb u daba jooga!
Hadhow yaan la oran beel dhan baad holaca gaarsiisay
Waxaan ka hadlayaa culumadii beeca loo helaye
Oo aad Waayaradii korontada ku holcineyseene
Oo aad timaha heyseen sida gaal la soo helaye
Ood ku hirdiseyseen jilbaha ha igu towxiidin
Magaaladan Hargeysoo kufriga hibada loo siiyay
Oo Gaaladeenaad handadi lagu huruufaayo
Oo hiilka Buush noqotayoo Xabashidow heegan
Oo Naasigii Hitler shaabahdoo Diinta ka huleeshay
Oo hilibka culimada ku nool, kuna haliileysa
Oo aan hadyigii Nebiga rabin heestase u qaada
Oon haba yaraatee Sunnaha hoos u dhuganeynin
Hidda raaca gaaladey Tigraha kaga horeeyaane
Iimaanki bey u huri Kufrigu hey aqoonsado’e
Hanka beesha iyo gaal unbey u halgamaayaane
Hey haatan calan aad heshoo hibo laguu siiyo
Intaan koonfurta habeynayaad hununuceysaaye
Huuraalayaalkaan qaxiyay iiga howlyaride
Kuwii dhiigga culimada harqaday waan isku hubaaye
Rabbi baan isku halleynayaa guulna waan heliye
Insha Allaah, Hargeysiyo Berbera waan hantinayaaye
Kitaabkaanan ku hoggaamin ee ma’ahan heybteyda
Haad geed saaran baad ii tohoon waraf u heysaaye
Howd iyo Burciyo xeebta Bari kuuma heegana’e
Raggii aad isku halleyn jirteen hiil Alley noqone
Kuwii Xamar ka heyruubay baad la hal wadaagtiine
Hareeraha markaan kaaga rido hoos unbaad dhugane
Hayaayda iyo qeyladana waad sii hawaawiciye
Hiddaha gaala raacoo dhanbaa hoos u sii degiye
Ka huleele meeshay Furqaan ku hagranaayeene
Hanka beeshu Diintoo dhanbay kala horeysaaye
Hadyiga Nebiga iyo Aayadaha ku hakan maayaane
Hiyi raaca gaaladey Furqaan kaga habsaameene
Wax la heysan jirayoo kaley u haminaayaane
Helina waaye go’itaanki ay u halgamaayeene
Dulcad iyo Hartii Sheekh mar waan kuu hantaaturine
Har-cad baa la geli oo la qaban howlwadeennada’e
Daroogada markaan ka hurgufney khabar helaayaane
Hurdada waxay ka kici waa markaan howda maqashiiyo
Rabbi kuwo u hiilinahayuu hibada siiyaaye
Insha Allaahu hadalkeennu waa noo hirgelayaaye
Haamaha markii laga quboo holac la leefsiiyo
Ama aan Qabriga ku hubsaney khabar helaayaane
Wan humbulan kor ma haleelayee hoos unbuu dhugane
Cirkaba woxowgu hora maalintii helayo Gaal-leefta!

Shirib
Safar badnaa Soomaalilaan
Madax Ahlu Sunney sidaan
Madax gar leh Mareykan geey
Malyan ha kugu maalgelshee
Riyaale
Raa’ix iyo Rujuuc dhowaa
Illeyn ru’uus dadoow raraa
Howshiisi mow hilmaamayaa
Hilib dadow horuu bartee!
Bahdow hoggaamiyaa ba’doo
Bilad basaasnimow sitaa!

Afar walxaatoo H ku taal waxaa ka hesho waa hubsaa;
Hadyiga diidee hawa raac
Waxaa ka hesho waa hubsaa;
Hameenki hoobiyaan hufaa
Waxaa ka hesho waa hubsaa
Habriyo ilmo hoojintood
Waxaa ka hesho waa hubsaa;
Bad u hibeyn nin hooganaay
Waxaad ka hesho waa hubsaa

Hila biyoood habowga keen
Waxaa la hesho waa hubsa.

Hormuudkoodii Guurtigaa Aqbalay

Gabay uu uga jawaabayo hadallo ay warbaahinta qaarkood siiyeen qaar ka tirsan mas’uuliyiinta Jamhuuriyadda la baxday Soomaalilaan, sida wasiirka arrimaha dibadda Cabdullaahi Maxamed Ducaale oo wareysi uu siiyey Idaacadda Bii.Bii.Sii-da toddobaad ka hor ku sheegay in maxkamadaha Islaamiga ah ay wadaan qorshe qatar ku ah Soomaalida oo ah ku dhaqanka Shareecada Islaamka, sida uu hadalka u dhigay wasiirka taasoo Abwaan Bacadle ka careysiisay, oo ay ka muuqato maansadiisa caradaa ayaa gabaygiisa wuxuu ku sheegay arrimo ay ad-adeeg ka muuqato iyo xadgudub, gabaygiina waxaa uu u dhacay sidatan:

Hargeysa nimanka heystoo Tigruhu diintii ka habowshay
Hormuudkoodii guurtigaa aqbalay gaal haley dhoho’e
Kalkiiyoo kaluu maray haddana howlo dibadeedki
Hadyigiyo waxyiga Foojarigey kaga horreeyaane
In kitaabka laynagu hagey qadaf u heystaane
Haddey aqoonsi helayaan kufriga ka hakan maayaane
Hanka beeshu diintoo dhan bey kala horreysaaye
Waa hoos ka gaal nimey Tigruhu u hambalyeeyeene
Afka hilibkii Sheekh Maxamed bay weli ku heystaane
Hoggii culimadey noqotay iyo god iyo haadaane
Dembina uma hayaan aan aheyn aayada ha sheegin
Sidaasey hormuudyada kufrigu ku hambalyeeyeene
Hog madow haddii lagu ridey qabar helaayaane
Afka huuraalayaal jahanamey ku harqan doonaane
Ha kaa saaro Buush waa adigii u heelanaan jiraye
Hididiilki iyo beenti iyo haatufkii maraye
Kuwo naarti ku haftay jannadii heybsanahayeene
Markey laanta Hereriga hayaan heestuney yabaqdo
Saqrada iyo hididiilka iyo hoobalkow taliya
Halaasigu wuxuu kicinayaa hiira-hiiraha’e
Hadyiga iney ku shaashoobayaan hubanti weeyaane
Humaaggey waxyigii moodayeen waa huf iyo beene
Hiwaayadoodu diintoo dhan bey kala horreysaaye
Dadweynaha hidaayadii waxyiga heysta mo’oyaane
Inta hawlwadeennada ah iyo tobanka hiiroole
Wasiirkii kufriga ku hadlay bey u hambalyeeyeene
Wadaadihiina hadal jilicsan ku hor istaageene
Habkii aan la rabay wax uma dhihin, waa hagranayaane
Hanuunkiyo hidaayaduba waa hibo Ilaahaye
Maxaa heysta culumadii dulmigan ka hadli maayaane
Nacaskii kufriga ku hadlayoo diinta haraseeyey
Hargeysuu ku soo laabtayoo nabad ku heystaaye
Waa u hambalyeeyeen weliba hawlwadeennaduye
Kalimaddi lagu heshiiyuu isagu haarta soo dhigaye
Sidee loo horori waa iney u hambalyeeyaane
Haadaan madow bey galeen tobankii hiiroole
Hadalka lagu riddoobiyo kufriga ka hakan maayaane
Saddexda magacoo uu heysto waa kula habaabeene
Haanfariyo Maykal iyo Joon hibo ha loo siiyo.

Warba Uma Hayaan Shiikhu

Tixdaan gabayga ah waxaa uu Abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle kaga hadlayaa xadhiga loo geystey wadaadka lagu magacaabo Shiikh Maxamed Ismaaciil oo ku xidhan Hargaysa una xiran maamulka Soomaalilaan.

Haddeey aqoonsi helayaan kufriga ka hakan maayaane
Waxeyna ku hadlayaan been cad oon harag la saareyne
Harka meera in ay dunidu tahay hoos umey dhugane
Warba uma hayaan Sheekhu in uu boqorka hoos joogo
Iyagoo hurdahayuu Rabbi u hoorsanahayaaye
Oo magacyadiisii hufnaa la hal-haleelaaye
Oo ay ilmadu hibitiqdaa oo uu laabta ka hingoone
Oo Aydhis ku habaarayaa wuu la helayaaye
Rabbigiisa wuxuu heybsadaa hubanti weeyaane
Kuwa meesha ku hayaana waa ka hor marayaane
CabdiMajiid halkii uu mareey ku hafanaayaane
Hangashti iyo sahankii horeey haabanahayaane
Hogga madow haddii lagu rideey qabar helayaane
Adduunyadana meel hoogtay bey ku hambasaayaane
Saddexdii Ha gaabtaan tirshoo dhaari may harine
Innaba diinta sharaf uma hayaan howl-wadeennaduye
Waxaa kala haboon caalamkooy horay u raacaane
Haddeey aqoonsi helayaan kufriga ka hakan maayaane;
Waa hoos ka gaal nimeey Tikruhu u hambalyeeyeene
Hubal iyi Cusana madaxa wow hoorinahayaane
Hadyigiyo waxyigii Nebiga magac un bowga soo haraye
Mar Soomaaliweyn ka hoos baxdeey sharaf u haystaane
Nebiga Muxamad kuwii ka horyimide diiday hadalkiisa
Dhibuu nagu hayaaa bey dhaheen kii hanuunsaniye
Hawaayadeenu waa inay xornimo haysataa abide
Hidda-raaca odayadaa sharciga kala haboonaaday
Fircoon Muuse wuxuu uga horyimid una hujuumaayey
Nabadiyo habkaa dowladnimo hayga kala tuurin
Bad baa lagu harqiyey dhaxalkina Muuse woow haraye
Hargeysana inta hanuunsan bey ka hortegaayaane
Hadyigiyo waxyiga kuwa rabeey cadow u haystaane
Hawaayadleyda iyo muusigeey u hambalyeeyaane
Heesaha Nebiga loo tumiyo hiiha ma oyaane
Inay diintu na hoggaamiseey qadaf u haystaane
Hanka Qaranimiyo taariikhda hari ku hamin maayaan
Saqrada iyo hididiilka iyo hoobaalkow taliya
Markeey laanta Hereriga hayaan heestuneey yabaqdo
Haadaan madow bey yabaal ku hirgisaayaane
Halaasigu wuxuu kicinayaa hiira hiiraha’e
Waxey ka halgameen waxey heleen, haatan waxa jooga
Halkii ugu xumeyd waa markeey Diinta hororeene
Habkeey ula dhaqmeen Sheekhii baan marag u haynaaye
Jirdilkaan shaashadii ka hubsanaad maya-da haysiine
Intaad hoos u leyseen miyaan kun iyo hee gaarin
Hilibka Sheekha waad iibiseen waana la hubaaye
Halkaa ruuxu yuu kaga bixine horay u soo daaya
Hadalku isma saarnee dagaal waa lama huraane
Awliyada la hubeey dilaan ama hujuumaane
Oo dhiiggoodii bey heemiyeen howlwadeennaduye
Qabuurana gacmeey u hoorsadaan aan waxba u hayne
Oo Suufi hebel bey muraad u hor fadhiistaane
Waxbana kama helaan, tii Alleey kan u hibeeyaane
Kuwa naartii ku hafteey Jannadii heybsanahayaane
Hadyigiyo waxyiga Foojerigeey kaga horreeyaane
In Buush loo hibeeyey dunida haanka geliyeene
Haddaan gabayga nuxurkiisa iyo hadalkii soo koobo
Insha Allaahu idinkaa hormari Sheekhu wuu hariye
Xabashidu dadkeey naga hayaan waa halgamayaane
Hargeysaa Tigriihii caashaqdoo u hanqaltaageysa
Oo kilil lixaad seey u helaan u hanbabaaseysa.

Roob Doon (Gabayga Saddexaad)

Waa maansadii saddexaad ee ku soo aroorta diiwaankan ee uu abwaan Abshir Bacadle kaga hadley ama ku soo qaatay maanso uu ku roob doonayo, Ilaahayna kaga baryayo roob iyo raxmad inuu siiyo dhammaan geyiga Soomaaliyeed iyo meel ay Soomaali degtaba.

Ilaahow adigaa hodan ahoon kuu han weynahaye
Wax addoon ku haybsadana waa heli kareysaaye
Adoon howl u marin baad si fudud ugu hibeysaaye
Annaguna cirkoo haar cad baan hogol ka dhowrnaaye
Allow hooriyoo noo hibbee Haariyaa timide
Jubbada hoose Hiiraanya Gedo halkan aan joogno
Hobyo Godan hadaaltimiyo Meydh helinki Boosaaso
Ilaahow Hargeysiyo Burciyo hilinki Laascaano
Howd iyo Doollo kuma heyno roob tan iyo Haadaamo
Shabeelaha kan Hoosiyo kan Dhexe holanki soo gaarye
Dalkii cadowgu naga heystay waa la hal wadaagaaye
Allow roobka naga haqabtiroo dhibicda noo hoori
Allow beertu hilantoo miraha hoosta laga tuunsho
Ilaahow abaaraha na helay roobaan ku hilmaanno
Hana u yeelin hiirtaanyo iyo aafo na haleesha.
Ilaahow waxaan ku haminnoo hoosta uga guuxno
Adduunbaa lagaa heli karaa oon ku heybsadaye
Galhareeri iyo Habaritiil hoygii Xarardheere
Halabooqad iyo Gaalkacyiyo Karin Allow hoori
Hilmo iyo Colguuliyo Dhanbeyl Eebboow ku hagaaji
Hooygii Baxdiyo Qaydariyo heeladka Cadaado
Halkii digirta laga heli jiriyo dabagaluu hoori
Ilaahow hillaac biya sidoo hooriyoo dhaliya
Oon qolana ku hungoobinoo lagu harraad beelo
Oon loo hayaaminoo ratiga hilayga loo saarin!

Shirib:
Afar walxaatoo a ku taal Ilaahay kaaga aallimaa
Xaq aasoo eex qabiil u yeel Ilaahey kaaga aalimaa
Amxaar raac itixaad necbaaw Ilaahay kaaga aallimaa
Anfac ku doon qof soo afduub Ilaahay kaaga aallimaa
Laguma arkee iska yeel Ilaahey kaaga aalimaa!

Geedkaa Humbulan

Waxaa gabeygan uu Abshir Bacadle tiriyey isaga oo jooga magaalada Jedda ee dalka Sacuudi Carabiya taariikhdu markey aheyd 1985kii, kaddib markii loo soo sheegay qiso ka dhacdey magaalada Muqdisho oo aheyd in wiil ay ilma adeer yihiin oo la yiraahdo Cabdi Cusmaan Faarax oo ka tirsanaa xerta sheekh Cali Cilmi Yare markaasna ka yimid siyaaradii sheekh Aweys ee Biyooley isaga oo aad u jirran. Markaas ayaa nin ay qaraabo yihiin oo la yiraahdo Axmed Xuseen Mahdi oo ku magac dheer Nin Gubtey oo ugu tagey booqasho xaruntii xirta ay degganeyd kadib xirtii iyo shiikhoodii ay kala hor yimaadeen dagaal meeshiina dhaawac loogu geystey iyagoo u arkayey inuu yahey bidci ka soo horjeeda Dariiqadooda, Abshir isagoo arrintaas ka carreysan ayaa waxaa uu yiri:

Markaan gabayga heen seynayoon kala habeynaayo
Waxaa looga haqab beelayaa hibiyo liishaane
Hordhacayga ruuxii gartaa miidda wuu heliye
Hambashada salool qaraxa waa lagu haraadaaye
Haamaha aglooshaa u dhiga sidigta haaneedan
Ku helliya markey godol heshaad ka hirqaneysiine
Iga hooya caawey murtidu haybad leedahaye!
Nimanyahow hawada beena waa lagu hungoobaaye
Waataan hayaan dheer ku imid hawlna soo maray e
Hagoogtiyo hubkii culimadaa la igu haystaaye
Hordaybaa la yiri laaxinkaan hoobiyeyn jiraye
Uma haysan Faataxada waad ku hakanaysaaye
Raggii noo hormaray qirada waa naga halleeyeene
Na habowshe nimankii xadrada haadiglayn jiraye
Iyagoon halla aqoonin bey magacyo heysteene
Higlayga iyo garaskiyo raggii quraca hoos joogay
Waxaan horumar moodeyney bay nagu habsaansheene
Raggase weli ku haray baan farriin hooya leeyahay e
Idinkaa hameen iga xigee hadalkan gaarsiiya
Harag weyn u sheeg laaxin baa lagu hoggaanshaaye
Haab-haabashadu wey eg tahay haatan dabadeede
Heli waayey malag haadayoo hab igu siiyaaye
Hamuunta iyo oonkaan u qabo shiikha hadalkiisa
Isagoo qof kale la hadlayaan hawku leeyahay e
Hamiin qura tajwiid inaan bartaan ku hindisoodaaye
Sidii horana maahiye beryahan waa holinayaaye
Afartaa habeeyaye waxaa huriyay laabtayda
Nimankii hagoogaha watoo hoos u wada jeeday
Huuraalayaalkii Shirkiga lagu horeynaayey
Nin Gubtey heleen baa la yiri haramcasyaalkiiye
Haaweyda qurunka le’ dagaal ku habin weydeene
Iney libin heleen bey la tahay lana hoyaadeene
Geedkaa humbulanoo naflaha lagu horeynaayo
Dhaaxaan hubsada idin lahaa oo ka soo hara’e
Wax dhanbaan huruufaye warkaan hoos idiin geline
Markaan hiifo hadalkeyga waad hororsanayseene
Haddaa la arkay waxey hurinayeen haramcasyaalkiiye
Cabdi haara weyniyo midkey habar wadaagaanba
Hambadaan adeer uga tagnoon ka harney weeyaane
Towxiidka waa laga harqiyay hanadadiisiiye
Maraanse helaba towxiidka waan ka harqin doonaaye
Oo haykalkiyo sixirka waan ka hufi doonaaye
Markaasey tixaan hooriyaa ii habboon tahaye
Iska heysta wiil habaar qabow uma horreyaane!

Anigaa Hawiye Kaa Aqaan

Gabeygaan waxaa uu Abshir ka mariyey warshaddii Ifka Xalan oo ku tiil Muqdisho oo ayna ku shirsanaayeen beelaha Habargidir iyagoo ka doodayey sida ay u taageeri lahaayeen dowladda lagu soo unkay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, iyo si loo heshiisiiyo beelaha Sacad iyo Cayr oo isku dhacay waayahaa. Wuxuuna Abwaanku yiri:

Anigaa Hawiye kaa aqaan heybna kaa xiga e’
Hiddiyo dhaqan waxay u leeyihiin hagar walaalkoode
Hadmiga iyo dumintey si ba’an ugu horreeyaane
Habaar bowga dhacay dowladnimo waana la hubaaye
Waxay dad u halaageen la sii hananna waayeene
Guushii walaalkood helaa ma hambalyeeyaane
Is hortaaggu waw dhaqan asal hibana loo siiyey
Garta kuma hishiiyaan haddaan dowlad loo heline
Waatay Cali Mahdi u hagarbexeen hoobiyiyo caaye
Ha loo daayo labadaa saney igu haruufeene
Waxba lagama helin aan ahayn dhibyo hiintaayo
Tacsi ka hakratkiibaa ahaa jac iyo yaahuu’e
Cabdi Qaasimoo habar wacdoo hiil ka filanaayey
Hamiguu u qabay iyo bal daa hilib dhaqaaqeeye
Hunduus kaga fog nimankuu islahaa ku hagranmaayaane
Cad Soomaali laga soo heloo hibo naloo siiyey
Oo laba ninoo Habargidira haad ku kala qaaday
Nin hungiri ka galay nagama dhalan helina uumaayo
Haadaantu waxay idin la tahay hilinki toosnaaye
Is hamba qabta taariikhdu wey hari insha Allaahu!

Shirib:
Haddaa hashiis maqnayd hesheen, mawaydnan isku hayb ahayn
Isma hurteysku hiilisee, ninka hayaa hunduus miyaa!
Hadal nin weyni waa heraa, heshiis la diido waa halaag
Wexeysan hadda kaa heleen, amaa hadhowdi heybsataa!

Hubka Innaga Dhiga

Waxaa uu tiriyey Abshir gabaygaan iyo kuwo kaleba markii qarankii Soomaaliyeed uu dumay, dawladdii jirteyna la riday sanadkii 1991dii, ka dib dadkii soo harey ay dil iyo dhac isula dhaqaaqeen, gabyaaga oo muujinaya nabadda iyo dib u heshiisiinta ummadda ayuu gabaygaan noocan ah tiriyey:

Soomaaliyey hadal yaroo huriyey laabteyda
Oon haysan kari waayey baan soo hinganayaaye
Hawadaanan soo marinayaa hiidha waaberiye
Hoggaamadiyo shacabkaba talaan soo hordhigayaaye
Iga hooya caawey murtidu haybad leedahaye
Jabhadaha hubeysani beley naga hor qaadeene
Anoon qolo hormarineyn qolana hoos u dhigahaynin
Hanbalyiyo ducey naga muteen hagar la’aaneede
Heshiis waara howl mira dhashaa heegan loo yahaye
Ilaahey inaan heybsanana way habboon tahaye
Hadyiga Nabiga oo lagu dhaqmiyo haybta laga faano
Labadaa heshiis iyo midnimo kama horreeyaane
Rabbi baa hidaayada watee hayna garansiiyo
Hubkana inaga dhiga waxeynu nahay hooyo ubadkeede
Oo guusha layskuma hubee hororka aashiina
Mooryaan hubeysani beley noo horkacayaane
Hanti iyo dad hoygey galaan hal uma reebaane
Hambana kama tagaan hadafna ma leh horarka mooyaane
Haddaan laga hortegin wacad Allaad marin habawdeene
Hubka innaga dhiga waxeynu nahey hooyo ubadkeede
Oo guusha layskuma hubee hororka aashiina;
Har qabow hurdiyo caafimaad haybadiyo raaxo
Haruub buuxa hogol rooba iyo wiilal hana qaada
Hooyiyo carruurteed bed qaba odayo haasaawa
Hantidiyo naftoon loo baqeyn hadada mooyaane
Iyo hodantinnimo waa markii nabad la haystaaye
Hubka innaga dhiga waxeynu nahay hooyo ubadkeede
Kii horaa hamuun baas u qabey hooto dhiig surane
Oo tobanka haybood ka dhigay holacyo baasiine
Ninna horumar kuma gaari karo hilib walaalkiise
Waxaadse haybad leedahay intaad garabka haysaaye
Waa hibo Ilaahey midnimo lagu heshiiyaaye
Hubka innaga dhiga waxeynu nahay hooyo ubadkeeda
Oo guusha layskuma hubee hororka aashiina
Hiddaha iyo dhaqankii intaan hadurku aafeynin
Waa laga heshiin jirey dagaal tan iyo Haabiile
Habka nabadda odayaashu waa heli ogaayeene
Cid waliba wixii laga hayaa loo hibeyn jiraye
Markeynu hadallo hor Ilaahey baa loo heshiin jiraye
War maxeydin helay meel un baad ka hifaneysiine
Hubka innaga dhiga waxeynu nahay hooyo ubadkeede
Oo guusha layskuma hubee hororka aashiina
Heeraar gobeedoon ergada haybna laga waayin
Oo horey usoo dhaafa iyo hab iyo maamuusle
Oon haba yaraatee dakano la isku hiifeynin
Oon huq iyo cudur nooga jirin hoos isaga tuurka
Hayeesheese haasaawahaan lagu hambeyneynin
Hurgumadiyo hagardaamadana hubanti loo baaro
Oo daacad loo wada hadlaa lagu heshiiyaaye
Hubka innaga dhiga wexeynu nahay hooyo ubadkeede
Oo guusha layskuma hubee hororka aashiina
Ama igu handada waa waxaad hor utaqaaneene
Hakad geli wax baa ii hariyo hadallo waaweyne
Siduu hadurku noo galey haddaan how mar kaga siiyo
Hangash iyo Maxkamado u hayina hadalka Daaquudka
Ilaalladii hameen mirashadiyo hadalka loo qeybshey
Hooyooyin iyo Guulwadiyo habaqle dheeraada
Higlay buuro Haayaajirow habarta bowdkeeda
Hogii Foorta shiikhoo Xisbiga haybta lagu miiray
Godkii ii haydiyo baaristoo labada hiiroole
Hangar hoosti haadaan ka qodan birana loo heegay
Huf inuu akhyaarta uga dhigay war uma haysiine
Harcad inuu wadaaddadi rasaas hawda kaga saarey
Haweenkiyo carruurtiina uu Bii.Em ku hoggaanshey
Aqoonyahanna kala haajiroo dunida heehaabay
Wixii harayna ii heesa yiri war uma haysiine
Ku heshiiya calankaa intan hadurki soo laaban
Hubkana innaga dhiga wexeynu nahay hooyo ubadkeede
Oo guusha layskuma hubee bororka aashiina!

Hiraaboo Isku Hiloobey

Guurowgan waxaa uu Abshir Bacadle ka soo jeediyey Hoteel Kaah oo ku yaalla magaalada Muqdisho, mar ay ku wada kulmeen beelaha Hiraab ayagoo lagu wada heshiisiinayo halkaa, tixdaanna waxay ahayd furitaankii kulankaa nabadaynta, maalin khamiis ah 13kii bishi 1aad sannadkii 1994kii. Si wayn ayaana loogu riyaaqey, waxaana la oron karaa dowr wayn ayuu ka qaatey nabadeynta beelaha Hiraab ee ay colaadda ba’an dhex mertay. Waana sidatan.

Hiraaboo heshiiyoo aqbala hadalka iimaanka
Dhaaxaan Rabbigey haybsadaye maanta waan helaye
Kuwii hiilka ii gali lahaa waa isku hubaayee
Inaan hallayney waan wada hubnaa hilib walaalkeena
Masa haroo haf lama siin karoo haatanba ogaanay
Nimankii halkaagaan ogaa hoos isugu jeedshay
Hiraaboo isku hiloobey waa kan isku haanyoodey
Hanbalyaan anna usoo gudbiyey hagar la’aaneede
Insha Allaah heshiiskii imaam waa hirgalayaaye
Hoggaankeedu Soomaali waa hibada noo taale
Waxayse hoogtey waa maalintaad naga haleysiine
Yaan lagu halaagsamin tolow hadalka iimaamka!