Musxafkaa Qur’aankaa

Gabaygaan waxaa uu abwaanka kaga hadlayaa fadliga uu leeyahay Qur’aanka kariimka.

Ardey macallinkiyo waalidkaba duco ka soo miistay
Oo maca akhlaaq iyo suluug sharafyo maamusle
Oo Qur’aanku maanka u dagaye maxabo loo saaray
Oo munazalkaa muqadaskaa lala mataaneeyey
Oo maalin iyo layl aqriya kuna madiixaaya
Oo maca tajwiid inuu xifdiyo Mowle ku arsaaqay
Muxdith iyo bidcana laga masaxoo laga madoobeeyey
Oo marinka Nabigiyo Sunnaha meel aan uga leexan
Masjidkiyo Salaadahan jecel madaxanaan dhuubin
Oo maalmaha qiyaamaha Rabbigey sharaf ku maamuusi
Oo taaj milgo leh waalidkii madaxa loo saari
Mubashiriinti iyo nabiyadiyo malaa’ik mooyaan e
Qof makhluuq ahoo igala mudan anigu ma aqaano
Maal iyo dad wixii Eebbahay midigta ii saarey
Martabada ardaygu gaaray baa igala muuqdheere
Maashaa Allaah baarakallaah waa majeersadaye
Musxafkaa Qur’aankaa haddaan meel yar ka iftiinsho
Malaayiinta xarafoo midkiba tobanka loo miisi
Oo Mowlahay bixinayoon lagu masuugaynin
Oo lagu abaal marinayaa maahir iyo taatic
Oo mu’miniinta u farxad waa majeersadaye
Min cashara malaayinta xaraf maliga dhiibaaya
Sabca miyiyo maashaa Allana laga maleynaayo
Oo Nabiga Muxamad ahi qiray waan majeersadaye
Mucjisada la yaabka lehe ay muhatay laabtaydu
Xaddiga iyo miisaanka xaraf Qur’aan ah loo miisi
Muggiisiyo culeyskiyo xajmiga anigu maaqaano
Ilaahayse mahad baan u qiray kuman malaayiina.

Mahad Alle

Gabaygaan waxaa uu tiriyey Abshir markuu arkey nin aan dhego iyo indho toona laheyn, isaga oo arrintaasi ka cajabisey ayuu barbar dhigay ruuxa Ilaahey wax walba u kaamilay, lixda lixaadna u dhameystiran yihiin, haystana wax alla wixii uu u baahan yahay, oo noloshiisa ku saabsan, isla markaana waxaa uu u tilmaan tusaalaba siinayaa cajaa’ib ay leeyihiin malakuudka iyo khalqiga Eebbe. Gabaygaan waa midka uu ugu jeclaa Abshir gabayadiisa sida uu ii sheegey, Ilaahay ha u naxariistee.

Allaa mahad lahoo mudan ammaan waana loo magane
Rabbi baa macbuud xaqa ahoo muran la’aaneede
Rabbi baa cibaadada mutoo lagu mideeyaaye
Rabbi baan midnimadiisa uga marag kaceynaaye
Rabbi baan musaawaad laheyn lala maseeyaaye
Rabbi baan tashbiih naga mudneyn amase miisaale
Rabbi baan mid uu sugo ta’wiil loo micneyn karine
Rabbi baan Mareykan iyo Ruush minid ku qaateene
Mudduuse u qaddaray iyo inay madasha gaaraane
Rabbi baa masaamaxa addoon mudan cadaabkiiye
Rabbi baa makhluuqaadka idil Maaligooda ahe
Rabbi baad wuxuu kaa manciyo kala maqnaatiine
Rabbi baan muwaxid hoojineyn mowlanaa yiriye
Rabbi baan wixii loo martiyo oon macsi ahaynin
Cidna kaga masuugayninoon muudal ku ahayn
Hadduu madal u yeeliyo hadduu markan noo dhiibo
Ama uu masiibooyin iyo balo ku maareeyo
Rabbi baa musiibo iyo kheyr maamuloo wada’e
Rabbi baan mid uu kuu qadaro maaro loo heline
Rabbi baan wuxuu maago duul maanacaa jirine
Rabbi baa kufaarta umarxama mararka qaarkoode
Oo miid u shuba say wanaag ugu maleeyaane
Aakhirana naar ay muteen geliya moolkeeda
Rabbi baan ninkii madaxa iyo maqada hoos joogta
Labadaba u kala miisayoon qolona moogeyne
Rabbi baa midiyahay sahdeen maaha saa yiriye
Nabigaa mutaabaca mutiyo maxabo dheeraada
Allaahu masali calaa Sayidinaa Muxamed
Mubtadica Salliga diidan baa mudan cadaabtiiye
Aadamiga manida laga khalqaye madaxa taagaaya
Oo maxalka hooyadi sagaal mowle ku ilaalshey
Mugdigaana lagu quudiyaan maaro loo heline
Isagoo mahiin eh mutuxan magacna aan haysan
Inuu marinka Eebbe u yasirey waaba moog yahaye
Nin mardaadiyoo shaarubada kor u maleegaaba
Inuu mowd dhadhamiyaahi waa lagama maarmaane
God madow inaanu uqodnoon maro ku duuduubno
Oon madaxa ciidda u dhignaa Mowlahay qoraye
Wax ismoode laakiinse waad mala habawdeene
Waa mowqifkii aakhirood muran saneydeene
Waa madashi laynoo qabtood marakan gaadheene
Waa mowcidkii lagu ballamay mowdka dabadiise
Waa magacya badan tuu ka digay Muxamedkeeniiye
Waa maalintey sheegayeen muqarabiintiiye
Waa muumin raaxadi kufrina murugadiisiiye
Waa madarki ceebeed ninkaan Mowlahay bixine
Maskaxda iyo ruuxdiyo qalbiga Mowle nagu beeray
Magefiyaha unugyada jirkoo mila xawaasteena
Inta aalad nagu maaxatoo maqadadow heegan
Mishiinada iswada dhaafayoon magacyo loo haynin
Mirtaan aasnay manidaan qubniyo madagti aan riiqney
Macnawiga qarsoon oo bedeli anigu ma’aqaano
Ilaaheyse mahad baan u qiray kuman malaayiin ah
Mur iyo xulow makruuh iyo udgoon shayga kala miira
Muudsiga macaan iyo qaraar mid idareensiiya
Naftu waxay ka maagtiyo waxay muhato laabteydu
Magnadka dookha maamka u hayoo maxabadaw sayra
Mucjisada basiirada hagtiyo madowga heehaaba
Macnawiga qarsoon oo ku laran anigu ma’aqaano
Ilaaheyse mahad baan u celin kuman malaayiina
Midigiyo bidix mashiga lugaha iyo marinadii dhiigga
Mafsalada mergiyo jiidma iyo xidido meereysta
Maqaarkiyo jirkeeniyo xubnaha socodka miisaama
Muuqaalka iyo haybadiyo midab wanaageena
Afka hadalka soo marahayoo maqalka saameeya
Macnawiga qarsoon oo ku dhaga anigu ma’aqaano
Ilaaheyse mahad baan u qirey kuman malaayiin ah
Dhul mugweyn leh buuraha ku mudan webiyo meegaaran
Dhirta munawacaahood indhaha kaga maqsuudaysid
Masraciyo dhulbeereedka iyo miraha soo yaaca
Mawaashida nimcooleyda oo Maaliggu nooleylyey
Biyahaan macaan iyo hawada lagama maarmeene
Siduu maamulkaani u hirgalay anigu ma’aqaano
Ilaaheyse mahad baan u celin kuman malaayiin ah;
Samaawaadku tiir muuqda iyo malaha awtaade
Muuqaalka iyo heybaddiyo midabka loo yeelay
Masaabiixda qamarkiyo shamsada falagga meereysta
Mugdigiyo iftiinka isbedela maalintiyo leylka
Hanqarkii masiibada ahaa mayayga hooraaya
Siduu maamulkaani u hirgalay anigu ma’aqaano
Ilaaheyse mahad baan u qiri kuman malaayiin ah
Baddu waa masiiba iyo kheyr meel kuwada yaale
Hadba tii Alle umuujiyaa laga maleystaaye
Marjaankiyo mallaaygiyo nicmada moolka lagu aasay
Maraakiibta iyo doonyahaan kaga macaashnaaye
Imisuu miskiin iyo faqiir mowle ka arsaaqey
Meeqeyse mowjadi cuntoo lagu masiibeeyay
Imisaa malaayiinku maqan rag iyo maalkooda
Makhrib dumey habeen koo mugdiya mowjad kugu taagan
Oo aan birrigu muuqan karin murugo weeyaane
Nimaan marini waa moog yahoo malo ku suureeyey
Jundi malabsanaayoo naflaha lagu dulmeegaaray
Oo soo madow inay tahaan maanka ku hayaaye
Maruuse Eebbahay nagu masaxi anigu ma’aqaano
Ilaaheyse mahad baan u qiri kuman malaayiina.

Masjid Yaa Ka Dheeraadey?

Waa gabey uu dood la furayo abwaanka dariiqooyinka diinta ee Suufiyiinta gaar ahaan kuwa siyaarada iyo bidcooyinka diin ka dhigta waxaa uu mariyey gabeygaan abwaanka bartamihii sideetamaadkii ee qarnigii tagey, laakiin sida aanu marar badan tilmaamney caddaalo kama muuqato habka uu abwaanku u cabbirayo arrimaha uu ka hadlayo waayo marka uu sawirayo Suufiyada ama dariiqooyinka waa ra’yi aysan badanaa la qabin qolooyinkaa ama been abuur ku jiro, sidaa kale waxaa uu abwaanka isaga qaldan culumada Suufiyada ee ahlu diinka ah iyo qolooyinka been abuurka ku shaqaysa ama khuraafiistiyaasha ah:

Mariidkiyo muriidiinta iyo magacdariiqoo dhan
In musiibo nimankaa heshoo maanka laga qaaday
Mid yarood ku garatiin ayaan muujinahayaaye
Mathal waxay u keenaan haddaad madaxda doonaysid
Waa inaad sarkaal sii martaa maamka kuu fura’e
Amaad qolo u sii magansataa kaaga magacroone
Macnahooda garo qurunki bey kuu maldahayaane
Abuu Jahal halkii uu maruu meesha soo dhigaye
Isna moog waxaa midihi waa macalinkoodiiye
Yaa maxabo Nabi sheegtayoo diiday marinkiisa
Mustaxsano bidcada tey rabaan yaa ku magacaabey
Oo yaa adiga kugu meeriyoo muran usuureeyey
Madaahiibta kale yaa uqaba macatabley gaalo
Ninkaan tooda soo marina yaa gaal ku magacaabey
Yaa calan intuu meel ka suray madaxa liiliijey
Madxi beena yaa soo unkoo dhaar ku malabeeyey
Yaa maal agoomeed cunoo malabsadoo laacey
Yaa maatadiyo caamadiyo dumarka miineeyey
Masjid yaa ka dheeraadayoo mowlac ka hinraagey
Wax Ilaah mamnuucoo sharcigu meel cad ka abaaray
Yaa waa mubaax yiri intuu qiil usoo mariyey
Qabri yaa dul mowriirsadoo maalmo ku habsaamey
Yaa dhagax ku muuneeyayoo maro qurxoon saarey
Muftiyaa xaqiray jaahilyaa madax u soo doortay
Yaa waa mijaas yiri, intuu qurun malookeeyey
Mas’alooyin ay garanayaan marada yaa saaray
Mushrignimo cad yaa suubiyoo kheyr ku magacaabey
Yaa midigta shaqadeeda neceb magansi mooyaane
Yaa nimuu mariilkii ku nacay mawdku darajeeyey
Madadkiyo manaaqiibtayaa kugula meereystey
Yaa maal qabeen jaahiliyo madaxada hoos rooray
Yaa mayd gar-gaarsadey rabina mala usuureeyay
Oo yaa mahad Ilaahey lahaa qolo kalow meershey
Yaa Muxamedkeenii la simay muqani Iiraana
Intaan gabayga soo mariyay waad ila maqleyseene
Mid ka ugu dambeeyaa wallee muran ka joogaaye
Mafaatiix adduun iyo jannada labada meeloodba
Suufiga muraadaynayoo maal ku gadanaaya
Iyo nacaska loo meeriyoo maalin wax u dhiibay
Mushtarkaa khasaaroobay baa muranka joogaaye!

Labadaa Ragcaa Hariye

Maanso aad u qiimo badan oo uu gabyaagu ku waaninayo ummadda iney ku dadaalaan salaadda gaar ahaan midda Fajirka ama subaxa.

Hurdo habarba korin weydeybay hor u yiraahdeene
Ka haab haabo horana u istaag waa hameen tagaye
Ha ka yeelin inuu kugu hayuu ku haminaasyaaye
Ka hool hool ilkaha huuradiyo hilibka duugoobey
Hinjiga tuure labadaa ragcaa hariye weeyseyso
Hameenada danbaad mahadisaa hilinka khayrkaaye
Hurdo lagu noqdiyo shaqadu waa taad hormarisaaye
Qofka habacsan waxaa lagu gartaa waa hurdo u jeelka!

Shirib:
Ku hormar hooyadaa macaan hadhowna how lahaaga aad!

Laye Bacadle Wuu Kacay

Gabaygani waxaa uu tilmaamayaa daruufo dhaqaale oo aad u adag oo soo martay Bacadle taas oo keentay inuu dib u iibsho hantidiisii maguurtada ahayd oo ubadneyd guryo, kaddibna uu degey guri kiro ah, taas oo ay ku farxeen dadkii ay isaga soo horjeedeen xagga caqiidada oona u badnaa qaraabadiisa taariikhdu markey aheyd l986kii.

Adduunyada waxaad kororsataa kediso weeyaane
Warkase leyga kaakeenay waa kaanuciil qabaye
Waa ii kalgacal iyo farxade kaagama an xumiye
Laye Bacadle waa kacay wuxuu keydiyoo dhigaye
Laye aqal kiraa buu galoo lagu kadeedaaye
Laye Koostarkii wadajir buu kor isu taagaaye
Laye kimista aqalkiisa waa lala kurboodaaye
Laye waa kallaha guurayaa kaaha waaberiga
Laye kadinka kuwa dayn kula haad koronkor moodaaye
Laye keen wexeygaa kulyoon lagu kabeeyaaye
Laye kooxihiisii bidcadu ummaaney kaalmeyne
Laye wuu kasbadey bay dheheen koob umey shubine
Kursi dahaba kumanyaal malyuun toban karaasiido
Konton aqal markaad yeelatood karahdey sheekheena
Ma karaama guurine durbaba waadigaa kacaye
Koonaha magaalada cariish wada karaatiina
Oo kira ah waadiga galoo kaaga maan xumiye
Kallahaada waadigaa aqbalay kaaha waa beriye!

Intaa kadib Bacadle oo jawaab bixinaya wuxuu yiri:

Ilaahey markaan kal iyo laab ugu kalsoonaadey
Oon kaligi tala saartay baad kahatay sheekhoowe
Kidbigiyo kuhaanada wadaad lagu karaameeyay
Iyo adiga kaashana hayaba weydin kaarahaye
Ilaaheyna wey kaafiyaa kun iyo kow jeere
Sidaan ugu kalsoonahayna waa kamadanbeystiiye
Kaliishiyo diraacdii markii la’iskadeedaayey
Rabbi kaligi mooyee cid kale idin ma kaalmeyne
Goortaad kurbooteen Shirkigu weydin soo karaye
Ka warrama kuwaad oran jidheen lagama kaaftoona!

Qabashada Rabbigay

Waa gabay uu abwaanku dadka uu tusaaleenayo in la foojignaado oo aan la hilmaamin nolosha danbe ee aakhiro, waxaana filayaa in gabaygaan intaan ka badnaa.

Qabashada Rabbigay waa sidaa balad hadduu qooqo
Xanuunkaa qiyaas dhaafa oo qiriyo xoog yeesha
Imisay nimcadu qooqisoo Qaadir ku halaagay
Guryihii qurxoonaa dibkood laga qaxootowye
Qaryoo idil qiyaamaha hortibaa Qaadir soo qabane
Ama lagu qarxinayaa cadaab qoranoo diiwaan le’
Wax ku qaata qaraxa idin helay qoom walbuu sugiye
Haddaad aayadaha quursatiin qoomamaa xigiye.

Qabyaalad

Abshir gabaygaan waxaa uu tiriyey markii uu waddankii Soomaaliyeed burburey, taana sababteeda ay ahayd qabyaalad iyo waxii la mid ah, isaga oo arrinkaa tilmaamaya waxaa uu tiriyey gabaygaan aadka u qiimaha badan, oo qof walba oo qiiro Islaam iyo mid waddanimo leh uu ku khashuucayo, wuxuuna caddeeyey qabyaaladda waxa ay tahay oo run ah:

Haddii lays qaddariyey murtidu qiimo leedahay e
Qasadkiyo ujeedaduna way qiiro galiyaane
Sidaad ugu qotomisay nafluhu ugu qushuucaane
Munaasabada lagu soo qadimo kama qatoobaane
Suugaantu waa qeyb ka mid qaalabka taariikhda
Qoraaladuna kaba qiimo badan mana qarsoomaane
Nin waliba wuxuu noo qabtiyo qaladku noo geystey
Diiwaano qoran baa jiroo lagu qoraayaaye
Qof qaruurad calashoo dejiyey qoomamee abide
Intaad qaran ka kala goyn lahayd quruxso taariikhda

Qarniyada danbaa kugu naclada ficilka qaarkiise
Quruun waliba cudur qaasahoo qaybiyaa jira’ e
Soomaali belo loo qoraye qalinka loo saarey
Wax qabiil ka daran jahanamaan qiray aqoonteyda
Qadartaana iga hiilisaye qolo ma sheegteene
Qof qalbigii qabyaalad iyo diin qaadi kari waayey
Umana qaybsamee meel unbuu qac uga siiyaaye
Maanaa Qur’aankiyo ka taga qawlki Nabigeena
Qatli muumin maanaa hub iyo qarash ku taageera
Qabrigeyga maanaa gatoo qubaya diinteyda
Maanaa qabiil doorbidoo qaranka aafeeya
Ma’qaruuradbaan calashadaa qodata beerkeyga
Waa quudka dhigo ruux Muslima hilibki qeyriine
Ilaahayow adigu haygu qaban Qaadir baa tahaye
Qaraabo iyo ehel riximnimaa loo qadariyaaye
Waa sanam qabyaaladi haddaad igu qanceysiine
Waa qaaxo iyo kaankariyo eydis qaabdarane
Waa qowqam iyo sixir qalbiga qaaciyoo shida e
Waa qaaba qawsayn dagaal qaciyo yaahuu e
Qanjir boogi qodatoo qurmoo qolof la’ weeyaane
Qandiga fuqurka iyo xaasidkoo qaraxa weeyaane
Waa gorofta lagu qaybiyaa malaxda qayriine
Waa guri qabyaa weligiyoo lagu qaraabtaaye
Waa shay quraafaad ahoo aad qadarisiine
Waa qayb daroogada kamida oon la qaadicine
Waa waxa qaxootiga ka dhigay boqol kun oo qoyse
Waa waxa qalbiga nooga riday qaata ubadkiina
Waa shey qiyaamiyo qabriba qoomamiyo ciil leh
Waa shey saciid qiimo tira shaqina qaaleeya
Waa shey Rabbigey noo qaddarey naguna qaameeyey
Qalbigiina ka ilaashadoo wadajir qiimeeya
Oo qaangaar fidnoobee ilmaha yaan la qabadsiinin
Qabiil qaran beddelay qorina helay oona kala qaybshey
Oo aan wax noo qabanin baa qubaya dhiiggeena
Afartii qibliyo irrid walbey qori la joogaane
Qumbuladdii Hoorashiimoo kaley nagu qiyaasaane
Qof inaaney naga reebin bay qalin ku duugeene
Naga qabo Ilaahow adaa Qaniyahoo weyne
Qabyaalad iyo iimaan la’aan qooqay beys helaye
Kumanyaal qariban bay dhaleen qorina heegeysan
Oo qaaxo iyo eydis qabo qaadse ku ilaawey
Mar uun bey magaalada qaseen kuna qamaameene
Qacdii horeba bililiqo un bey inagu qaadeene
Nimankaa tafaha qaawan oo qoriga heegaysan
Haddaan beledka laga qaban wallaa looga qaxayaaye!
Qof Muslima qabyaalad u diloon ficilyo qawl geysan
Qasadkiyo ujeeddaduna tahay lagu qisaasaayo
Qabiilkaa muxuu uga dhashaye Qaadir uga yeelay
Qiso murugo iyo yaab lahoo quruna sow maaha?
Qof kastoo ka qayb qaata ama qarash ku taageera
Nafta goorta laga qaadayoo laga qibloonaayo
Qacbaa loogu siiyaa indhaha kiiski loo qoraye
Waxba gabaygu yuu ila qarxine waa qabirayaaye
Kama quusto qayr sheeg dadkuna igama qaataane
Rag unbaase qiimeynayoo qoraya taariikhda
Ha qaddarin dimoqraadi waa qolo afkaartoode
Hantiwadaagna laga quusayoo lagu qasaarowye
Quboo daadsha labadabo wallaan lagu qaboobeyne
Quraankiyo Sunnaha muqaddaska ah qaata xugunkooda
Qurratul Ceyni Nabi Muxamed baan lagu qasaareyne.

Qaadow Adigaa Leh!

Gabay ka hadlaaya waxyeellada iyo dhibaatada qaadku ummadda u leeyahay oo uu tiriyey abwaan Abshir Nuur Faarax Abshir Bacadle. Gabeygaan waxa uu noqdey gabayada ugu caansan maansooyinka uu curiyey abwaan Abshir Nuur Faarax, Ilaahey ha u naxariisto.

Boqollaal qorshoo wada qabyaa qaadow adigaa leh
Qorya raamso quudkana yaree qaadow adigaa leh
Qalbi olol mar qabo oo qaniin qaadow adigaa leh
Qalbi guban sigaar lagu qanciyo qaadow adigaa leh
Qatar caafimaadoo qarsoon qaadow adigaa leh
Qabri kahor qandho aan laga bogsoon qaadow adigaa leh
Qabsimadu inay kala xirmaan qaadow adigaa leh
Qalbi qooqan qooraan wax tarin qaadow adigaa leh
Qardarreeye kaadida ha qubo qaadow adigaa leh
Macdan qubata hawshoon la qaban qaadow adigaa leh
Raggoo quusta dumarkoo qawada qaadow adigaa leh
Qamiis walaf quluubtoon xasilin qaadow adigaa leh
Qamiistiyo Jimcaha yeyga qaban qaadow adigaa leh
Magnad kugu qasbiyo qaac yabaal qaadow adigaa leh
Iska qari cid baa kugu qabsane qaadow adigaa leh
Inoo qaybi aan lagu qanceyn qaadow adigaa leh
Wax nin wayni qaadoo qawado qaadow adigaa leh
Qayrkaa shaxaad hana qajilin qaadow adigaa leh
Qof kaa hoosa laba qori ka tuug qaadow adigaa leh
Dhalinyaro afkooduun u qoran qaadow adigaa leh
Iska qaado qaantana ha bixin qaadow adigaa leh
Shaluu qaatay maantana qafaal qaadow adigaa leh
Kaga qaada qori caaradii qaadow adigaa leh
Qayil oo cun reerkiina qadi qaadow adigaa leh
Qoys laga dhixiyo qaaqlanimo qaadow adigaa leh
Qoys dumiyo qayliyo huruuf qaadow adigaa leh
Qaraabo iyo ehelaan la tebin qaadow adigaa leh
Is qandiiri kana qoomamee qaadow adigaa leh
Dubaab lagu qarwoo kugu qulqula qaadow adigaa leh
Bisad ku quustay dabadeeda qabo qaadow adigaa leh
Qarjaf sayntu inay kuu tiraa qaadow adigaa leh
Qannaaskiyo waswaas kaa qarsoon qaadow adigaa leh
Ibliis qarawga aadmiga ku qaba qaadow adigaa leh
Qabiltu jaanku aadmiga ku qabo qaadow adigaa leh
Qosolaan qalbiga hoose jirin qaadow adigaa leh
Qasad dhaara qawlaan la fulin qaadow adigaa leh
Qur’aan lagu kaftamo qadafya been qaadow adigaa leh
Salaadaha dib qabo ama qallee qaadow adigaa leh
Waa quutul owliyaad kidbiya qaadow adigaa leh
Intuu qadaf qof uun ku hadli karo qaadow adigaa leh
Qosol iyo qamuunyo isku xiga qaadow adigaa leh
Ku qasaar macaashkana ku qaraw qaadow adigaa leh
Deg deg loo qasaariyo shil qoran qaadow adigaa leh
Qashin iyo qashaabiir qurmuun qaadow adigaa leh
Indha qoriya iyo dhidid qurmuun qaadow adigaa leh
Qaaddirada subixii ku qaban qaadow adigaa leh
Xubna qaadiwaa sidii qof qalan qaadow adigaa leh
Qubays laga wahsado iyo qurmuun qaadow adigaa leh
Jirkoo qaasha nadarkoo qayiran qaadow adigaa leh
Qurux doorsantiyo dhimir khalkhala qaadow adigaa leh
Qarbaboosh ilkiyo gawso qodan qaadow adigaa leh
Af qashuusha oon cadaygu qaban qaadow adigaa leh
Af qalalay bushimo qolof dhacsaday qaadow adigaa leh
Isla qabwayni aan sii qodnayn qaadow adigaa leh
Faqiir qani ismoodoo qayila qaadow adigaa leh
Qandiga fuqurka iyo quus rageed qaadow adigaa leh
Quraysh gabara waxa qiima rida qaadow adigaa leh
Gabar qurux u dhalatoo qayiran qaadow adigaa leh
Dad qamaama qayliyo dagaal qaadow adigaa leh
Tafa qaawan dumar wada qarriban qaadow adigaa leh
Cimri kuu qorraa qayb ka lumi qaadow adigaa leh
Qofka aadmigoo qiima dhaca qaadow adigaa leh
Qurbaha joog adoon hawl ka qaban qaadow adigaa leh
Quflad aan dareenkeed la qabin qaadow adigaa leh
Waxaad shalayto qabatoo qabyaa qaadow adigaa leh
Qaaddicu salaadnimo qasada qaadow adigaa leh
Qabyaalad iyo iimaan la’aan qaadow adigaa leh
Qasban qayb daroogada ka mida qaadow adigaa leh
Hanti qaran qanaafiir u gey qaadow adigaa leh
Qaamuuska cay waxa ku qoran qaadow adigaa leh
Qiso yaab lahooy qarinayaan qaadow adigaa leh
Afku wuxuunan ii qaban karayn qaadow adigaa leh
Qandaraaska qababaal xumida qaadow adigaa leh
Qarnigaan qasaaraha u badan qaadow adigaa leh
Quful kugu jaboon furuhu qaban qaadow adigaa leh
Nolol qiyaali ehe qiima daran qaadow adigaa leh
Qacna maahi qaybina imaqan qaadow adigaa leh
Hadal qararac laahoo qaddiman qaadow adigaa leh
Iska quusashada lays qaddimo qaadow adigaa leh
Rag bey qaaday qirish kama bixine qaadow adigaa leh
Kabar qolofa xaabshaan hor quban qaadow adigaa leh
Qaangaarro qayrkood ka haray qaadow adigaa leh
Ha qasaalin lama qoonsadee qaadow adigaa leh
Ku qaraabo xalay waa qadeen qaadow adigaa leh
Qada isiiya meel kale ku qoran qaadow adigaa leh
Qaatilu nafsihi kuu qabiran qaadow adigaa leh
Quukhaac dalqada laga qufaco qaadow adigaa leh
Marduuf qaadoo iisoo qafaal qaadow adigaa leh
Qawlalada cagaar kaa qubtana qaadow adigaa leh
Qallad iyo inkaar qoorta suran qaadow adigaa leh
Qolfa muuqda iyo qoon la rogay qaadow adigaa leh
Quraafaad Qu’raan lagu matalo qaadow adigaa leh
Hadba qaaba qawsayn kirkira qaadow adigaa leh
Qabya tiraha daankoo qonbora qaadow adigaa leh
Il qalloocan camankoo qaldhacan qaadow adigaa leh
Qummanahooda qoorta ugu jira qaadow adigaa leh
Sidii qadow laguu qawshadana qaadow adigaa leh
Qorya feenashaan laga qajilin qaadow adigaa leh
Qori isiiya waa iga qabyee qaadow adigaa leh
Mar ii qaada aan qaaddacee qaadow adigaa leh
Qatar iyo qabyaan la ebyi karin qaadow adigaa leh
Boqolkaa qisoo wada qubxiya qaadow adigaa leh
Qaatalaka-llaahuye adigaa qaranka aafeeyay
Ilaahey ha naga kaa qabtee qayba herawiinle!

Erayada
Qawada: Saluugga.
Qamiis walaf: Shaxaadka waalan oo maalinta Khamiista iyo Jimcaha ka cararaya.
Qaac yabaal: Tashwiishka shaydaanka.
Qannaas iyo waswaas: Ilmaha shaydaanka qarsooma durbana usoo nagda.
Qayiran: Jirkoo jilca iyo midabkoo beddelma.
Dhimir: Xiska ama ogaalka.
Qanaafiir: Gaalo madowga.
Qababaal: Anshax xumada.
Kirkira: Iriiri badan.
Qonbora: Daankoo kuusma.
Qadow: Waa geed baadiyaha ka baxa oo la cuno.
Ebyi: Ebyid, abyada ka bi’in, dhammaystirid, buuxin.
Qaatalaka-llaahu: Waa kalimad Carbeed oo ku tusineysa habaar aad u xun. [Carabi: قاتلك الله]
Herawiin: Waa nooc ka mid ah daroogada iyo maandooriyaasha. [Ingiriis: heroin]

Qaata Taladeyda

Waa afarrey gaaban ee uu Abshir Nuur Faarax bulshada kula hadlaayo, una soo jeedinayo dhowr arrimood oo talo ah, waxaana talooyinkaa ka mid ah in diinta Islaamka lagu dadaalo iyo in la baadi goobo qarankii Soomaaliyeed ee dumey oo dib loo yagleelo.

Haddii talada aan soo qadimo la iga hoos qaado
Qof kaleeto uma baahnidiin Qaadirkaa faxane
Qabiilka iyo qaadkiyo markaan qoriga tuuryeyno
Oo aan murqaha qaawinoo shaqada qiimeyno
Ama aan qurbaha kaarahnoon qodano ciiddeenna
Qof kaleeto uma baahnidine qaata taladeyda
Markaan diintayada qaadanoo qaranki raad goobno
Qabqablayaashanaan qaadacnaan qiimo leenahaye!

Qabiltuba Ha Oran

Ujeedada gabeygan waa ammanta iyo bogaadinta xijaabka iyo asturka dumarka, iskastoo Abshir ku bilaabayo gabeygiisa hal qabsi uu ku hal qabsanayo saaxiibkiis iyo arrimo khaas ah oo soo martey oo dhici karto inuu saaxiibkaa ka raali ahayn in maanso lagu soo gudbiyo arrimaha noocaan oo kale ah oo aan faa’iido badan lahayn.

Markaan gabayga soo qaato oon qolo u faalleeyo
Qasadkeygu meeshuu yahaan qac uga siiyaaye
Qabyo ugama tago oo murtida waan qadderiyaaye
Bal aan kaa qanciyo guur mar buu qiimo leeyahaye
Marna waa qasaariyo dhib iyo qoomamiyo ciile
Qafladdoodan gelin Muxamadow qaado taladeyda
Oo gooraan wax laga qaban kareyn ha ila soo qaadin
Rabbi naguma qaban naag qurdane qoora loo tolaye
Awlaad qayiran bay dhashaa naagta qaawaniye
Qosolkeeda waxaa laga maqlaa qoyska deriskaaye
Adoo qarash garoobaa nin kale qalaf yiraahdaaye
Markaasey qarracan kuu tihiyo qoomamiyo ciile
Qabiltuba ha oran naag sunnaha qaado laga waayey
Ma adaa quraafiya maxaa qoorta kuu geliyay
Awlaad qarriban Maxamadow lagu qasaarowye
Intay qamarji kuu dhali lahayd qaado taladayda
Waxaa suuqa qoodaynayood qalanjo moodaysid
Mid kastoo qurxoonayd Rabbigey wuu qayirayaaye
Qalbigaaga ka ilaasho waa qara dameeraade
Qaman dhaco xun baa saaranood kaga qancay saaye
Warqaadiga bal maa’eegtid iyo qoyska xugunkiisa 
Laga quusay dumarkii markey dirica qaateena
Rag maxaa qabsaday Maxamadow wey qarsanayaane
Mid kuu qalanta oo qurux leh waa qalanjadaadiiye
Qalbigaagu waa tuu waxbadan qaaliyayn jiraye
Quruuraxa kabadan sheekadaan qariyay Deeqoowe
Ma qadarisay waagaad hurdada qaadan kari wayday
Waqtigay iyadu qabato ood soo qaddimaneysey
Qorraxda iyo saacadihiyoo qaab u socon waayey
Qarqaryadiyo dhaxantii harkii qadada kuu diiday
Ma qadarisey waagay naf kala kula qaraaraatay
Habeenkaad wax ila qaba lahayd waan qarxanayaaye
Qalbigaaga waataan ka rogay qaxanki saarnaaye
Sidaan kuula qaybsaday dhibkii sow qadarimaysid!
Adaa qubaya taladayda oon qiima galinayne
Waligayba qoon ila tashaday kuma qasaaraane
Haddii aad ayada qoonsatana qaar kalaa badane
Gabdhahaa qamiisyada watoo qariyay jiirkooda
Iyagoo daruus qaatay oo qoloba meel aaday
Qunyar socodka aadaabtiyo quruxda sow maarag
Mid la quuri karo laguma oga qalanjo mooyaane
Jalaabiib markey qaadatoo qariso jirkeeda
Qashqashaad la’aan bay waddada qun isu buustaaye
Qofna uma dhawaaqee shacbigu waa qaddariyaane 
Qayliyo sawaxan lama tusiyo qaacya nuugyadaye
Nin Ilaah u qoray baa calfada qaarka salafkaaye
Inaan nimanku kula qaybsan karin sow qadarimaysid!
Mar haddaad Quraankiyo Sunnaha Qaadirku adeecdid
Qasadna aad uleedahay nikaax waa laguu qabane
Afkana uma kala qaadayaan adiga qayrkaaye
Waxaad adigu soo qabato iyo qarashka mooyaane
Inaan yarad lagaa qaadanayn sow qadarimaysid
Qaraabiyo martiba ducada waa kaaga qubayaane
Qolkana looma soo dhaafi karo qaybta gudahaay
Qalbigooda waa laga masaxay adiga qayrkaaye
Inaad gogasha dhab u qaabishay hibo u qaateene
Quratul cayni mooyee war kale wey qajilayaane
Qadartoo dhammaatiyo Rabbiyoo qaata mooyaane
Qabrigay din kala gaynayee sow qadarinmaysid!
Haddiise tan ugu qurux daran adiga Qaadir kugu beego
Kumanyaal xubnaha qaawiyay qiimo dheer tahaye
Qasadkaad lahayd baa Rabigay kuu qadarayaaye
Awlaad waxaa ugu qurxoon qaar ku shaabahaye
Qalbigaad ka nagidahay markay midabka qaataane
Qasqas malaha oo waa Muxsinad qaar ka soo go’aye
Ilqabowsataa raaxa lehe sow qadarin maysid!
Mar hadii nikaax kuu qabtoo Qaadir kula doono
Jirka nimanka laga qarinayay kuu qayaxayaane
Qosol dibadda laga soo maqliyo qayla dheer malehe
Dhoollaha markay qaawisoo gacanta kuu qaado
Saxan saxadii qiimaha badneyd sow qadarinmaysid!
Quraan iyo Xadiis bay intaa qowda ku hayaane
Qumulaylka goortaad hurdada qararac siinaysid
Qaban qaabadii bay hayaan qaaliga ahayde
Waa kuu qandiiroo biyuhu kama qaboobaane
Mar ninkay qabtaan kama sabree soo qadarinmaysid!
Qalbigooda iimaanka galay qaalinimadiisa
Ma qiyaasi karo kolay qaarkasoo tagaye
Qanaacada waxaa kaaga daran qarash yaraantooda
Ilaahay wuxuu kuu qoraad qaada leedahaye
Xalaan qaday ka baqi maysid iyo qaali loo tago e
Waxba gabaygu yuu ila qarxane waa qabirayaaye
War hooy dahabka qiiriini waa qiima saa’id ahe
Waa qaafilaad ruma haddaad igu qancaysiine
Oo waa Qaasiraad iyo Atraab qeybta dunidaahe
Gabdhahaa qamiisyada watee qariyay jirkooda
Nin walbow mid ama laba ka qabo yaan lagaa qadine!