All posts by mktbd

Gaaliyo Cawaankeed

Halakan waxaa uu abwaan Abshir Nuur Faarax ku cabanayaa gumaadkii loo geystey reer tolkii oo uu hoggaaminayey Maxamed Faarax Caydiid kaa ay u geesteen ciidamadii huwanta ahaa ee soo galey geyiga Soomaaliyeed dabayaaqadii 1992kii, ka dibna ay isku dheceen kooxdii Caydiid, gaar ahaan gumaadkii 1993kii ay diyaaradaha Mareykanku ku laayeen Muqdisho dhowr iyo toddobaatan odey oo meel kuwada shirayey.

Gaaliyo cawaan keed muddey igu gadaaneyde
Gurmad iyo gargaar been ah baa laygu soo galaye
Waxaase loo gediyey inay garneyl nagu garaacaane
Gun baa nuxur yaroon garan waxii gaal ku soo wado’e
Gurmashadu markay ku habaneyd waanigii galay e
Garna wow lahaa caamadoon dhiiri geliyaaye
Guubaabo iyo shirib waxaan geeyey tiribuunka
Halkaan goolka kaga laadayoon guusha ka iftiinshey
Waxaan dumarka guubaabiyoo gabey u naashnaashey
Geedkaan waraabinahayaad u hargaleysiine
Wadaadadii gujada igu dilow meydin garan siiyey
Gurta miraha guushii helnaye garar yareydeene
Inaan idinku godo gabayga waad galabsaneyseene
Gar waa loo muslime maalintii nala gumaadaayey
Oo gaalku ina leynayoo goob lakala xaartey
Gantaalkii diyaarad ka iyo madaafiicdii goobta

Godka buur hindiyo Olombig wuxuu gorofsanaa maydku
Waxii geed jacel nagu qabsaday geeri loo dhalaye
Iyo gacalki nagu diganayoo ugu gargaaraayey
Soddonki geed jaceel oo tolnimo garabka noo siiyey
Iyo miino gelintii un baad nagu gargaarteene
Shacabkaase geediga malmalan Yunisom gaarsiiyey
Guubaabadii buuna boqorku igu guuleeyey
Afartaa hab aad garan kadhiyo gabayadeydii dhe
Ganuunaca wadaaddada xag jiroo guuxa damin waayey
Gidaar aan isaga oodey iyo gar iyo dowgey dhe
Afar kalana waa gool dhashiyo darajonoo gaara
Gardarrada cadaankaa kuwii nagu gumaadaayey
Nimankii guryaha nagu dunshoo gowda naga taagey
Isticmaarka guunkaa kuwii nala dul gowriirey
Nimankii geleydiyo garneylka isku goosaarey
Gargaarkii naloo ururiyana geliyey jeebkooda
Guurti iyo xeer beegti iyo ubadaan qaangaarin
Nimankii gantaalaha Kobrada gowda kaga saarey
Oo gurigi Qeybdiid ku gubey duulaan garanaayo
Oo mayd garaac noogu daray geeri loo dhalaye
Oo dunida gaarsiiyey warar gubayey laabteena
Oo shaybka geeri u rabiyo god iyo booraanta
Oo cadowga nagu gaafayoo gama’a noo diidey
Gargaarkiina gumac nooga dhigay ruuxa naga gooya
Gardarrana ku taageeray koox gaala dabajooga
Kilintoon garjiidihi kufriga oonakala gaabshey
Markii uu gumaad iyo xasuuq noogu gacantaagey
Oo dunidi gees naga martoo godob naloo qaadey
Oo taladu gabawarantayoo dhiigu galac leeyey
Anaguna go’aan gaarney waa gob iyo xeerkeede
Waxaan godobtii ku colaadinoo gocasha riinaaba
Allaa noo gargaaraye markii guushu inaraacday
Duqay goobayeen bay galliin ula gurguurteene
Gablan talo aduuney maxay galabba heerjoogtay
Ma gariifey Caydiid kufrigii godobi waa keyd e
Ilaahaygi garansiiyeybaan mahada gaarsiiney
Waxay Yunisom noo geysatana geliney diiwaanka
Aan soo gunaanado tixidii igu gulaalneyde
Rag isguursadiyo aydisbaad soo galbinayseene
Iga guura gaaliyo Islaam gacal mayeeshaane
La gadooma dib u gurasho iyo guul dariyo ciile
Gadaalna haygu soo noqon abaal iima aadgeline
Allana meel san kuma geeyo waa galabsigaagiiye
Guri hoogey dega aakhirana gala cadaabtiiye
Afartaa intaan kaga gudbaye gobo kalay dheere
Halkaan gabayga ula jeeday baan idin gudoonsiine
Khamiistii Jimcadu soo goshoo guushu hana qaadey
Faragelintii Yunisoomna ay gabagaboobeysay
Baddii baan isugu gayney iyo galayaxoodkiiye
Waxay galabsadeen bay heleen waa gadaan rabaye
Guntii ururtay naga guure iyo geedo waaqlihuye
Gaaraaya cuuntii bixiyo goroya cow shuye
Ga’yigayagii Yunisoom ka tage gabi ahaantoode
Gonda jiid gadaal dhugada bay xaley ku gguureene
Guddoomiyihi qarankuna wakaa libin ku geegaarey
Oo shacabka gaarsiiyey waa gob iyo xeerkeede
Gablan talo adduuney maxaan galaba heerjoogney

Nimankii guryaha nagu dunshoo gowda naga taagey
Isticmaarka guunkaa kuwii nala dul gowriirey
Nimankii galeydiyo garneylka isku goosaarey
Gargaarkii naloo ururiyana galiyey jeebkooda
Guurti iyo xeerbeegti iyo ubadaan qaangaarin

Nimankii gantaalaha Kobrada gowda kaga saarey
Oo gurigi Qeybdiid ku gubey duulaan garanaayo
Oo mayd garaac noogu daray geeri loo dhalaye
Oo dunida gaarssiiyey warar gubayey laabteena
Oo shaybka geeri u rabiyo god iyo booraanta
Oo cadowga nagu gaafayoo gama’a noo diidey
Gargaarkiina gumac nooga dhigay ruuxa naga gooya
Gardarrana ku taageeray koox gaala dabajooga.

Markii Cadowgi Loo Jabay!

Abshir Bacadle gabaygaan waxaa uu ku bilaabanayaa tuducda ah “Markii cadowgi loo jabay, Culimadina yaaceen.” Gabayga guud ahaan waxaa uu ka hadlayaaa xaaladda Muqdisho ka dib markii maamulkii Maxaakiimta ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif ay ka baxeen gabi ahaanba Muqdisho ka dib markii ay maamulayeen muddo gaaban oo lix bilood ah, muddadaa gaaban waxaa aad isku beddeley xaaladda nabadgelyo iyo siyaasadeed ka dib markii degaaankaa muddo 16 sano ay ka jirtey dhibaato aan la qiyaasi karin.
Run ahaantii qiimaha gabayga waxaa uu muuqanayaa Bacadle oo markii ugu horreysay ka gabyey arrinkaa tan iyo markii ay Muqdisho isaga baxeen Golaha Maxaakimta ka dib markii dowladdii Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayay korneel Cabdullaahi Yuusuf iyo ciidan Itoobiyaan ah ay gacanta ku dhigeen maamulka magaalada gabi ahaanba.

Markii cadowgi loo jabay,
Culimadina yaaceen,
Meydku waa cashara dhaaf
Cishiriin hadow sigin,
Ama caga cageyneyn
Cawiyo beriba waa toban

Cayayaanka hoosiyo
Cadad ma leh isbaaradu,
Waa ceeryaamo tuugadu,
Dadkii waa cuburiyeen

Calaladey ka siibtaan,
Casirkii baan xaroonaa,
Caruurta iyo dumarkana
Cilalowga fiidnimo
Cajiin looma diri karo,
Waa loo cabsanayaa
Albaabkaan ku celinaa,
Cishaha looma bixi karo,
Maqribkaa ciriiriya,
Cidima gadato moobayl,
Cadowgiisii baa badan
Oo waa loo cabsnayaa,
Ciribtaanse leenahay
Nabadi waa cakiran tahay,
Nin iyo cududi mooyee,
Cadli iyo garsoor ma leh,
Ciribtaanse leenahay
Cisigi iyo sharaf ma leh,
Xugunkii cadaa maleh,
Amnigii caam ahaa maleh,
Nabadii cukaneyd maleh,
Cosobki iyo ubax maleh,
Cagaar iyo udgoon maleh,
Saxan saxo cosoba maleh
Culumadu nufuud ma leh,
Codkii Sheekh Shariif maleh,
Oo iimaanka culi jiray,
Caqiidadana sixi jiray,
Asleynkana ku caanbaxay,
Shacabkana u ciil tiray,
Ciribtaanse leenahay;
Haddii cadowgi loo jabay
Culimaduna yaaceen,
Raggii waa casilan yahay
Carcar iyo nashaad ma leh
Gabdhihi baa cirkaa mari
Cawiyo barriba aan hoyan
Dhaawicina caawiyay,
Cuniyo daawaba u sida
Gabdhaheenu waa calan,
Cafiyo caafimaad iyo,
Cisiyo sharaf Allow sii,
Ninkii calaf u geeyana,
Saxan saxo cosoba iyo,
Caraf iyo udgoon iyo,
Ilaahow cishqi u saar
Reerka isku celin kara,
Caruurtana u barakee,
Caqiiqada saxaa
Iyo cilmi naaficana sii
Allow cadaawo how cidleyn
Cafiyo caafimaadna sii
Markii cadowgi loo jabay,
Culimadina yaaceen,
Cunadi waa beddelan tahay,
Carabku guustadii maleh,
Caanuhu labeen maleh,
Ciirtayadu subag maleh,
Cambuuladu saliid maleh,
Cusbo malahan suugadu,
Hilib noo cuntama maleh,
Waa caato iyo weyd,
Cayil iyo baruur maleh,
Maraqiisu cabid maleh,
Cusbaa lagu dhanaanshaa,
Khudradu waa canyaayaas,
Caraf iyo udgoon maleh,
Reexaan cosoba maleh,
Biyeheenu waa callow,
Qofkaan caafi gadan karin,
Cudurow u halis yahay,
Carruurtaa u sii nugul,
Ciribtaanse leenahay

Waxaa kaloo cajaa’iba
Maxkamadihii cadliga iyo
Cisiga iyo sharafkiyo
Nabadii carfooneyd
Caradaan ku soo rogay,
Kuwii caayi jirayoo
Ceeb ka sheegi jirayoo
Caddowga soo hogaanshaa
Cabaad koodu baxayaa
Oo soo calaacalay

Allow culumadii keen,
Oo maxkamadii soo celi
Codkoodaan ku heynaa,
Waxba hay cabaadina
Cudur daarna lama rabo,
Caddowga idinkaa waday,
Culumadana kaarahay,
Iska celiya tuugada,
Isbaaradana cirib tira
Ama carara fiidkii,
Waa rag iyo ceebtiiye!

Shirib
Cudur ku doorso caafimaad
Calaqya biirna caana mood

Wuxuu u raaciyay gabdhaha:

Allow cadaawa how cidleyn
Cafiyo caafimaadna sii!

Cantara Baqash

Gabaygaan afarreyda ah wuxuu jawaab u yahay, gabay uu soo direy nin la yiraahdo Ibraahiin Bisle oo Ogaadeen reer Cabdulle ah, kuna noolaa waagaa xiryaha qoxootiga ee Baladweyne, gabaygaasna waxa lagu aflagaaddeeyey wadaaddada iyo hablaha is asturey markay taariikhdu ahayd 1987kii. Abshirna waxaa uu ugu jawaabey sida tan, laakiin tixda Abshir nafteeda kama marna aflagaaddo iyo isir ummad kale waxyeeleeyo sida ka muuqata beydka ugu danbeeye ee tixdan:

Hubka cukus carruur laguma rido caana nuugyo ehe
Cirraana madaxa iga taala iyo laba canjiidoode
Caaqibana ma leh gabay hadduu cay u joog yahaye
Cisiyo sharafki waa diinta oo lagu caddeeyaaye
Canaan mid ugu filan aan u diroon cudur ku reebeenin
Waxaad cabatey waxad ciil qabtiyo waxaad cabaadaysay
Cunsur hooyo waxaad sheegatoo odaygi ceebaysey
Waxaad laan carduna raamsatoo camanka buureysay
Waxaad meel ciriiryoon gashoo ku citikaafaysay
Waxaad caarif gabay sheegatoo caalamka u haysta
Cajalkaa candhuufeysay baa ciil iga hayaaye
Cashara sana marbaad curatayoo cay iyo habaara
Cantara baqashku waa maxay jawaab iima soo celine
Cub iyo cir caraatan iyo faan shuqul caruureed ah
Googaale cadaleysigiyo cayda iyo faanka
Iyo sidaan caqiidada u saxay waaba kala cayne
Calinaar afuuf iyo intaad cadow ku faaneysay
Cabdullaahi yeelkiye Xasaan cidi ma kuu sheegtay
Sidii bahalka cowlaa markuu ugu codeenaayey
Halaaqada cajiibka le’na uu caman ku taagleeyey
Oo labana caadi u fidsaday labana caacuurshay
Carrabkiisa khayrka le’na uu cadow ku naafeeyey
Oo uu Nebiga ugu ciil tiraan ka cabbir qaataaye
Adigana kuwii caayey baad cirib wadaagtiine
Calayhi saabiqaa inaad qabtaan cidina moogeene
Cunnaad noogu dudi iyo waxaan caadil kuu qorine
Intay diintu celisiyo markaan culumaduun reebo
Cunsur baad u leedahay hunguri cabara taariikhe.

Cawareere Kuma Siinin

Wuxuu abwaanku gabaygan tiriyey mar ay islaan eeddadiis ahayd, oo la yiraahdo Maryan Faarax u soo dirtay gabay ay ka mahad celinayso macruuf uu u sameeyey Abshir taas oo ah, isaga oo u iibiyey guri ku yaallay tuuladda Ceelka Hilmo oo ah hanti maguuraan ah ee ku yaal degaanka Mudug.

Carraabada galbeed iyo ratiga caynka lagu giijay
Iyo wiilka cudurkiisu waa kugu cuslaadeene
In Ilaahay kuu caafiyaan ka codsanaynaaye
Adna ceelka kaa quudiyoo cayrta kaa bixiyo
Aqalkii cusmaan1 waa mulki aad caawa leedahaye
Cindigaaga kuma hayn mar baad calafsan doontaaye
Mid camiro carruurtana mid dhigo caadilkaa yiriye
Cawareere kuma siinin iyo culumadiiniiye
Mid Ilaahay igu caawiyaan kuugu ciil tiraye
Ku calool adeeg taan hayaad ila cunaysaaye
Anna maalin aan cayrahaa calafsan doonaaye!

Caado Jaahili

Cinwaanka gabeyga ayaa ku cad abwaanka waxa uu kaga hadlayo maansadaan oo ku aaddan waxyaalaha khilaafsan diinta Islaamka kuwaa oo u badan caado iyo dhaqan aan diinta sal iyo baarba ku laheen, laakiin hadal abwaanka waxaa uu u socdaa dhanka caqiidada iyo akhlaaqda suubban, sida xijaabka iyo dhowrsanaanta xummaanta laga dhowrsado.

Nimanyahow waxaan la cajabaye ii cuntami waayey
Nin caqli lihi diintiisa waa ku cibra qaataaye
Afar culimadeenii qabtoo caamada u dhiibtay
Oo caado jaahili ah oo caro Ilaahey leh
Oo lagu cadaab mudanayoo ceebi ku idlaatey
Markuu caafimaad qabay ninkii cunayey maalkeenna
Oo cudur ku dhacay iyo xanuun caafin kari waayey
Markaan calal ku duuduubnayoon ciidda hoos geliney
Siduu aniga ii caawiyaa way cuntami weydey;
Cudurdaar ma jiro aakhiree haatanba caddeyso
Ha collaysan diintaadi baan kuu casbirayaaye
Ha caadeysan waxaan Eebbahay diinta ku caddeynin
Waxa meesha kugu cubahayaa waa casabadiiye
Calalkaa yar bey kugu xireen kuguna ceejeene
Culayskey ku saareenba wuu kuu cadaab noqone
Gidaar kaad cagaynaysid bey kugu cabeeyeene
Cilaaqaadki wey kuu jareen caawa dabadeede
Cidqaadki aad qabi jidheen kala carawdeene
Ciriiriga halkaa yaala wey kugu cidleeyeene
Caruurtaadi bey dhacahayaan culimadoodiiye
Cabdulqaadir kaad wacan jidheen naar ha kaa ciliyo
Caqiidada nimaan toosinoow haba cibaadaysan
Ciiryaamo roob maaha ee ha isku ceebeynin;
Inta aad cadaabkii ka tegi carunka muudmuudso
Cafina kuuma diiddani hadduu Caadil kuu qoraye
Nimanyohow waxaan la cajabaye ii cuntami waayey
Oon gogosha ciil kala kocoon caro lasoo toosay
Caariyadda iyo biidka yaan laga careysiinin
Oo waa caruuraan dhallaye ceebta ka ilaasha
Cafiifooyinkiyo daacigana cayriyoo jebiya
Cowrada middii dedatayoo calal kusii daysay
Oo aan cidnana maagahayn diintana ciseysey
Waxaad kula collowdee u tiri cayriyoo jebiya!
Adduunyadana ceeb aakhirana caro Ilaahay dheh
Kuman yaal carruurtii ka tegey cunay raggoodiina
Oo waalidkood caasiyoo caaya deriskooda
Afkey soo caseystaan sidey carun ka daaleene
Ciddiyaha haddey kugu saraan caafimaad ma leh
Afkuunbey caddeeyaan beley calashanaayaane
Curuubiyo Jubbey tuban yihiin mana ciqaabtaane;
Cafiifooyinkood neceb tihiin caro Ilaahey dheh!
Colaad uma qabtide Baararkaad kala casheysaaye
Casir weerar bey soo kacshaan kumana caydiine
Mid cirro leh sigaarkana cabtoo madaxa coosh-cooshtay
Oo cagaha boorku leh sidey cayro ugu haysey
Colaad uma qabtide Baararkaad kala casheysaaye
Cafiifooyinkood neceb tihiin caro Ilaahey dheh.

Geelle (Geeraar)

Geeraarkaan waxa uu abwaan Abshir Bacadle mariyey bilowgii shirkii Jabuuti 1999kii illaa 2000 ee dib u heshiisiinta Soomaaliya kaas uu ku ammaanayo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dowladdiisa sida ay uga danqadeen walaalahood Soomaaliyeed ee ku habsatey musiibada collaadda daba dheeraatey.

Ismaaciil Cumar Geelle
Warka siduu u caddeeyoo
U caloola qufeeyeyoo
Cadku noogu dhaqaaqay
Shacabka wow cuntamaysoo
Cindigay ka rabeenoo
Caddaaladey la dhaceenoo
Colaaddey nacayaane
Inta dhiigga ku cayshtoo
Kaligood caqligaa
Iyo reer Cartan jaahil
Warkaa waa ka caroodeen
Habeenkaa ciil lama seexan
Caddaaladaana dhibaysoo
Colaadey ka helaan
Qof kastoo caqligiisa
Caadilkay u dhameeyoow
Ismaaciil Cumar Geelle
Carruurtaada u sheeg
Ku caddeeya qoraallo

Shirib:
Ismaaciil codka noogu yaal Carabiyo Cajami nooga roon!

Mar Aan Ciidan Kuu Helo

Gabaygan waxaa uu gabyaagu kaga hadlayaa dariiqada la yiraahdo Rabiiciya (ama Timoweynta) oo ka jirta gobollada Waqooyi Bari ee Soomaaliya gaar ahaan gobolka Nugaal, waxaana ka muuqata caddaalo darro, waayo abwaanka waxaa uu cabirayaa ra’yiga qolada uu ka hadlayo oo laga yaabo ineysan ku raacsaneen arrimaha uu ku sheegayo ama qaarkoodba.

Dalkastaaba culimaa jirtiyo caado gooniyahe
Halkaan calanka soo mudano waa nala ciseeyaaye
Raggii inagu caasiyay Nugaal waa ka carareene
Carruurtii markey waalatoo duunyo cirib beeshay
Oon cudur kusoo deyney bey na citiraafeene
Markay nagu cabaaddeena waa celinay jaankiiye
Casarkii wan aan aragnayoo caan ah baa jiray e
Calafkiina ma’ahoo kolley calashan maysiine
Cashar kaan tufnaa kaaga roon neef lagaa cunoye
Caatada hortaa saw xareed kuuma cabi doonto
Ilaahayow Casiisow wax baan kaa codsanayaaye 
Allow hayga soo celin addoon kuu cabtaan ahaye
Cid kaloon u yeertaayi waa caro Ilaaheeye
Waxaan ciidan kula tuugi jiray caanad laga waaye
Cabdulqaadir laga quusay iyo culimadeeniiye
Maxaa Jabarti ii ciil tiraa ceyri taag ma lehe
Cirka baaqday xoolaha cashiyey saraca ceyn guurey
Iyo coofaf weyntiyo bidcada calanka noo qaatey
Markaan adiga kugu caasinnaad nagu ciqaabtaaye
Carruuraha markaan qalan tegnaan kugu cabaadnaaye
Allow curiye noo hoori wey calawday laabtiiye
Anigoo carruur waxaan ku habo coodka laga waayey
Oo aan caddeys loo dhex gelin caano kale daaye
Oon caatadiisii ku waray cidaha bowdkooda
Oo aan cirkii fiiriyoo caadna laga waayey
Cinjirkii markay xagatayaa calawday laabtayda
Wankaan iri cad kuma deeqayee carab haloo dhoofsho
Oo waxay cunaan iyo usii calal maraykaan ah
Cafaaridan soo doonataye caaway i hor joogta
Oo inay cunaan doonayey calawdey laabteydu
Haddiise aan caqliga layga tabin caadilku i siiyey
Waxba haw cahleynina wallaan layga cunahayne
Oo ha i cabsiinina ma’ihi caamo dhago weyne
Caqlise kugu kacshaa iyo dagaal kugu caddeeyaaba
Iyo dawlad caadil ah Alluhu igu ciseeyaaba
Mar aan ciidan kuu helo Nugaal waad caburiseene!

Ii Dhiib Darbaalada

Gabaygaan waxaa uu mariyey abwaanku sanadkii 1983kii, kadib markii ay soo gaartey dhaliil ah in gabaygiisu gabey reer magaal yahay kuna badan afka ama erayada ajnabiga, dhaqanka baadiyahana ku yar yahay, sidaas darteed Abshir waxaa uu tixdaan gaaban ku caddeenayaa inuu yahay dhaqan xanbaar aqoontiisa dhaqanka iyo xaaladaha baadiyahana wali ku xiran.

Ii dhiib darbaaladu miyiga dhaxalgal weeyaane
Dhibkii loo qabaan garanayaa dhowr maroon tegaye
Dhafarkiyo hogmaankiyo mareegtay u dhigantaaye
Abjad rara dhamaatey iyo cows dhabal ah weeyaane
Dhoomaha biyaha lagu shubtiyo xeeradiyo dhiisha
Dhigihiyo udbaha iyo raradu dhaxal gal weeyaane
Tebadaha dhigaalkiyo qunbaha sarafka dhaaxeela
Calalada dhammaaday kabdaha dhag isku siiyaane
Dhismaha aqalku waa udubka iyo xariga dhaabaaye
Dhigihiyo rarada iyo jarcada dheegga laga saaro
Iyo qalabka dhaqankoo yaryare la isku dhiidhiibo
Dhirta udugga iyo daahyadiyo gogol dhig maamuuska
Dhurre iyo wadaan iyo qabaal tabaha dhaan showga
Dhigta loola iyo bal iska daa raarka dhinacaahe
Udbaha aqalka lagu dhaabo iyo xariga dheer daaye
Dhagaatigu hadduu go’o baryaa lagu dhibtoodaaye
Dhibka aadmigay reer miyigu dhaxal u haystaane!

Sicir Bararka

Gabaygaan gaaban Abshir waxa uu ku baraarujinayaa dadweynaha oo ka danqan waayey dhibaatada ganacsatada qaarkood ay ku hayaan dhaqaalaha dalka, gaar ahaan keenista lacag been abuur ah, nabad guurinta deegaanka, dhoofinta xoolaha dhedigga ah iyo xaalufaynta dalka.

Shacabyohow dhegaha daarsadoon dhimanoo noleyni
Silingahana laga dhaansadoo dhiigi laga miirtey
I dhageysta wixii idunku dhaca dhab uma eegtiine
Ragga dhaqanka Maafiyada iyo dhagarta caadeystey
Dhulkeenana nabaad guurriyoo dhaxalki aafeeyey
Sicir bararka dhabalkaa raggaa dhiiri gelinaaya
Dhadigga iyo maartiyo raggaa dhuxusha iib geeyey
Maatadana dhabar jebiyayoo dhuunta kala gooyey
Haddey Faalsadu u dhaqan gashoo leyska dhicin waayo
Maxaan gabey ka dhihi idinki baan dhimanoo nooleyne!

Shirib:
Kuwa dhuxusha dhoofiyoow dhulkayna dhiig bixiisiyoow
Carab dhirtoodu woow dhigaal idinna waa u dhoofiseen
Dhadigga xaad u dhoofisiin dhug iyo dhiig mawaad laheen
Wax isma dhaanto dhiiranaa ma dhib kalaa dadkuu dhinaay
Sicir bararka suuqa yaal ninkii sababayoow sumow.

Dhagarna Haw Qaadan

Kaddib markii uu arkay abwaanku dhaqanka hoggaamiyaalka jabhadaha iyo dhallinta ay lumiyeen oo ay adduun iyo aakhiraba gafsiiyeen kana dhigteen sida xaabada dabka lagu shido oo kale ayuu iswaydiiyey maxay nimankaa siiyeen wiilashaa da’da yar oo ay u sameeyeen, waxaase u soo baxday inayna waxba siin, laakiin xaalku yahay sida gabaygaan ku cad oo uu ku cabbiray gabyaaga xaaladda dhabta ah.

Ka dhaqaaji labadii ku dhalay dhagarna haw qaadan
Dhib haw arag wixii aan ku dhaho dhagarna haw qaadan
Ri’da dhuunta goo dhariga jabi dhagarna haw qaadan
Badda soo dhuroo soo dhamee dhagarna haw qaadan
Dharkeenkaa cab lagu dhiman mayee dhagarna haw qaadan
Dhudhumada is jebi dhuuxa fago dhagarna how qaadan
Dhiig joojin haysugu dhawaan dhagarna how qaadan
Sidii inaadan dhimanayn u dhaqan dhagarna how qaadan
Dhabbahaa mar adigoon dhar wad an dhagarna how qaadan
Dhur iyo dhaqan dhashiikaha ka dhigo dhagarna how qaadan
Dhuunkaal qasoo dhab isku sii dhagarna how qaadan
Dhanbaalkaad dirtaba diin ka dhowr dhagarna haw qaadan
Dhaqso hayga filin dheef iyo khayr dhagarna haw qaadan
Cid i dhaanta how dhega nuglaan dhagarna how qaadan
Ku dhaad dhaado kii guri dhistaba dhagarna how qaadan
Dhaankayagii dhiig buu sidaa dhagarna how qaadan
Nin dhiirrani dagaal kuma dhintee dhagarna how qaadan
Halgankeeni waa miro dhalee dhagarna how qaadan
Dhib iyo dheefba aniga iga dhowr dhagarna how qaadan
U dhimanmaysid wixii kugu dhacaa dhagarna how qaadan
Halgan aan dhammaaneyn u dhimo dhagarna how qaadan
Dhufeyska iyo dhiilaba ku dhaqan dhagarna how qaadan
Dhibka qaabiloo dhabar adeeg dhagarna how qaadan

Shirib:
Ku dhax jir dhibya dhiig Islaam ka dhur sug halgan aan dhammaan
Dhib joogtaahoon dhammaad lahayn ka dhex bax how dhega nuglaan!