All posts by mktbd

Cutubka Siddeedaad – Xajka

XAJKA
Haweenta caadada qabta iyo labada ragcadood ee Ixraamka
Haweentu marka ay xajka gudanayso wajigeeda ma feydeysaa
Wajiga in la feydo marka la dhunkanayo Xajarul Aswad
Haweeney aan maxram lahayn xaj kuma wajibayo
Nin haween taabtay isagoo dawaafaya
Dhiig ayay heshay intaysan cumradii dhammaystiran, umana suurtagelayso inay sugto inta ay daahir noqonayso
Wakiilashada tuuryada Jamaraadka qof carruur wata
Wakiilashada tuuryada Jamaraadka
Ruuxa ixraamani haddii uu kabo ama sharabaado xirto
Gabar caado heshay oo ka xishootay inay sheegto oo xajiday
Musdalifa ayay ka timid intaan habeenka kala barkiisa la gaarin, maxram la’aanna way ku soo xajiday
Jidda ayay aaddey iyadoo xajiyaysa
Haweeney Xaj Tamatuc ah soo ixraamatay oo caado heshay
Ma xajiyi karaa ninkayga oon ii idmin
Timaha ka go’a haweenka ixraaman
Miiqaadka ayay soo dhaaftay iyadoo caado qabta
Musdalifa oo laga baxo goor hore
Qof maal leh oo geeriyooday isagoon xajkii gudan 

Haweenta caadada qabta iyo labada ragcadood ee Ixraamka
Su’aasha 91aad: Sidee ayay u tukanaysaa haweeney caado qabta labada ragcadood ee ixraamka?

Jawaab: Haweenta caadada qabtaa ma tukanayso labada ragcadood ee Ixraamka waxayna ixraamanaysaa salaad la’aan, ragcadahaasina waajib ma ahan ee waa sunno, ahlu cilmiga qaarkood waxay qabaan inaysan xataa sunno ahayn, sababtoo ah Rasuulka lagama warin wax salaad ah inuu ku khaas yeelay ixraamashada, jamhuurka culimadu waxay qabaan inay sunne tahay waxayna soo daliilsadeen axaadiis sheegaysa in Ilaahay Nabiga ku yiri:
(Ku tuko waadigaan barakaysan oo dheh cumro iyo xaj wada jira.)
Waadigaasi waa Al-Catiiq, markaasna waxay ahayd xajkii sagootinta oo ahaa xajkii ugu dambeeyey ee Nabigu xajiyo, saxaabada qaarkoodna waxaa laga wariyey inuu Nabigu tukaday kaddibna ixraamtay, sidaas darteed ayay jamhuurku u arkaan inay sunne tahay in la ixraamto salaad gadaasheed, salaaddaasi sunne iyo waajib middii ay doonto ha noqoto, haweenka dhiigga qaba maadaama salaad aysan tukanayn waxay ixraamanayaan salaad la’aan, mana qallaynayaan labadaas ragcadood markii ay daahir noqdaan.

Haweentu marka ay xajka gudanayso wajigeeda ma feydeysaa
Su’aasha 92aad: Waxaa jirta haweenta jirkeeda oo idil inuu cawro yahay, wixii aan ka ahayn wajiga iyo calaacalaha markii ay tukanayso, haddaba haweentu haddii ay xajiyayso ama safar tahay oo rag badan ajnabi ka ah ay la tukanayso, miyay feydeysaa wajiga iyo calaacalaha mise way asturaysaa, si aan raggaas ajaanibta ka ahi u arkin, xaramkana sidoo kale miyay wajiga iyo calaacalaha daboolaysaa?

Jawaab: Haweenta xorta ah jirkeeda oo dhan waa cawro sida saxiixa ah, waana xaaraan inay wajigeeda iyo calaacalaheeda ku feydo ragga ajnabiga ka ah hortooda waana isku mid haddii salaad ay tukanayso ama ay xajiyayso, ama ay xaalad caadi ah ku sugan tahay, Caa’isha (Alle ha ka raalli noqdee) waxaa la wariyey inay tiri:
(Annagoo Rasuulka la xajiyayna ayaa waxaa dhici jirtey inay nasoo ag maraan niman geel iyo fardo saaran, markaas wajiga ayaan dadan jirney markay noo soo dhawaadaan, markii ay na dhaafaanna waan faydi jirney.) Waxaa wariyey Axmed, Abuu Daawuud iyo Ibnu Maajah.
Haddaba haddii ay sidaasi ahayd xaaladdii ixraamka oo haweenka ay mamnuuca ka ahayd inay wajiga daboolaan waxaa ka sii mudnaan badan waqtiyada kale, Allaahna wuxuu yiri:
(Haddii aad wax weydiinaysaan (haweenka Nabiga), ka weydiiya asturka gadaashiisa, sidaas ayaa quluubtiina iyo quluubtoodaba u fiican.)

Wajiga in la feydo marka la dhunkanayo Xajarul Aswad
Su’aasha 93aad: Ma bannaan tahay inay haweentu wajigeeda feydo marka ay dhunkanayso xajarul aswad iyadoo rag ku hareeraysan yahay?

Jawaab: Dhagaxa dhunkashadiisu waxay ka mid tahay sunnooyinka dawaafka ee la adkeeyey waadna dhunkanaysaa haddii ay si fudud kuugu suurto gasho, laakiin haddii meesha aad la isugu ciriirinayo oo dhib kaa soo gaarayo, waxaa waajib ah in aad iska deysid dhunkashadiisa oo aad kor ka salaantid (gacanta kor u qaaddid calaacashana xagiisa u jeedisid halkii aad ka dhunkan lahayd).
Xaaladdaani haweenka si gaar ah ayay saamayn ugu leedahay, sababtoo ah jirkooda oo dhami waa cawro, ciriirigaasna waa ku dhib mudanayaan, sidoo kale haddii ay helaan fursad ay ku dhunkadaan dhagaxa iyadoon ciriiri jirin, uma bannaana inay wajiga feydaan waxayna dhunkanayaan iyaga oo aan wajigooda feydeyn haddii rag ajnabi ka ahi arkayo.

Haweeney aan maxram lahayn xaj kuma waajibayo
Su’aasha 94aad: Waxaan ahay haweeney reer Saba’ ah da’daydu waa meel dhexaad weynaan xigta waxaa la igu yaqaan wanaag iyo dhawrsanaan maalna waan leeyahay, waxaan doonayaa in aan xajiyo maxramna ma lihi, waxaase jira nin ahlu diin ah oo wanaagsan oo doonaya inuu soo xajiyo ayna la socdaan haween uu maxram u yahay, waxaan doonaya in aan haweenkaas raaco ninkuna uu mas’uul naga wada ahaado, haddaba ma ii bannaan tahay in aan dadkaas la xajiyo? Haddiise aanay ii bannaanayn waajibnimadii xajku ma iga dhacaysaa? Su’aashaas dad ayaan isku khilaafnaye jawaab shaafiya naga siiya?

Jawaab: Haweentu haddii aysan lahayn maxram kuma waajibayo xajku sababtoo ah awood uma ay lahan, Allaahna wuxuu yiri:
(Allaah wuxuu dadka ku waajibiyey inay u xajiyaan Kacbada, qofkii awooda.)
Shuruudaha xajku ku waajibayo waxaa ka mid ah inuu qofku awoodo, haweenkana safarku waa ka xaaraan maxram la’aan sidaas awgeed ayaysan uga mid noqonayn dadka xajku ku waajibayo waxaana sidaas qaba Xasan, Nakhaci, Isxaaq, Ibnu Mundir iyo rag kale, waana sida saxiixa ah Rasuulkuna wuxuu yiri:
(Uma bannaana inay haweentu u safarto maxram la’aan meel habeen iyo maalin loo socdo.)
Bukhaari iyo Muslim waxay wariyeen inuu Ibnu Cabbaas ka maqlay Rasuulka Alle oo leh:
(Ninna yaanu haweeney la gooni noqon iyadoo aanu la joogin qof maxram ah, haweentuna yaanay safrin maxram la’aan.)
Nin ayaa markaas kaddib istaagay oo yiri:
(Raskuulkii Allaahow haweentaydii xaj bay u baxday anigana waxaa la igu qoray duullaanka meel hebla u baxaya, markaa ayuu Nabigu wuxuu yiri:
(Orod oo xaaskaaga la xaji.)
Waxaa jirta Imaamu Shaafici iyo Maalik iyo Awsaaci (Allaah ha u naxariistee) inay arrintaas khilaafeen (oo banneeyeen inay haweentu xajido maxram la’aan) midkastana wuxuu soo daliilsaday waxaan xujo noqon karin.
Ibnu Mundir wuxuu yiri:
Waxay ka tageen xadiiska macnihiisa daahirka ah, mid kastana wuxuu la yimid shardi aan daliil lahayn.

Nin haween taabtay isagoo dawaafaya
Su’aasha 95aad: Nin ayaa isagoo dawaafaya xajka dawaafkiisii, meeshana aad la isigu ciriirinayo wuxuu jirkiisu taabtay haween jirkeed haddaba dawaafkiisii ma ka burayaa, sida weysada oo kale?

Jawaab: Sida saxiixa ah dawaafka iyo weysada midna kuma burayo haween taabashadeed haddii ay meeshu ciriiri tahay iyo haddii kaleba, in kastoo culimadu ka doodeen taabashada dumarka inay weysadu ku burayso iyo in kale, waxay kala yiraahdeen weysadu way ku buraysaa iyo kuma burayso, iyo way ku buraysaa haddii shahwo ahaan loo taabto, waxaana ugu raajixsan inaysan weesadu ku burayn.
Ninku haddii uu naag taabto ama uu dhunkado weysadu kama burayso sida saxiixa ah, sababtoo ah Rasuulku intuu haweenkiisa qaar ka mid ah dhunkaday ayuu haddana tukaday isagoon weysaysan, waxayna arrintaasi daliil cad u tahay weysadu inaysan taabasho iyo dhunkasho toona ku burayn, mana bannaana in la yiraahdo weyso ayay burinaysaa in daliil cad loo keeno mooyaane, daliilkaas oo tusinaya in haweenka taabashadooda oo idil weysadu ku burayso.
Taabashada haweenka ee aayaddu sheegtay waxaa loola jeedaa galmood (jimaac), Ibnu Cabbaas iyo jamaaco kalena waxay yiraahdeen macnaha aayadda waxaa loola jeedaa galmoodka, mana aha taabasho kaliya sida uu wariyo Ibnu Mascuud sida saxiixa ahna waa in aayadda macnaheeda loola jeedo galmoodka, sida uu yiri Ibnu Cabbaas iyo koox kale oo culimada ka mid ah.
Waxaan halkaas ka ogaannay ninkii haween taabta isagoo dawaafaya in dawaafkiisu ansaxayo weysaduna aanay ka burayn haddii ibtiisa aan wax qoyaan ahi ka iman.

Dhiig ayay heshay intaysan cumradii dhammaystiran umana suurta gelayso inay sugto inta ay daahir noqonayso
Su’aasha 96aad: Naag ayaan u soo kaxeeyey Cumro, markii aan Makka soo gaarnay ayay dhiig caado heshay, anigana iima suurta gelayso in aan sugo inta ay daahir ka noqonayso, cid kalena Makka uma joogto, see ayuu xukunkeedu noqonayaa?

Jawaab: Haddiii ay arrintu sidaas u dhacday haweentuna aysan Makka ku lahayn maxram, ninkii wadeyna aysan duruuftu u saamaxayn inuu sugo intay ka daahir noqonayso, markaas shardigii daahir ahaanshuhu meesha waa ka baxayaa, waxayna xiranaysaa suufka dhiigga loo xirto (timbooni), kaddibna waxay la imanaysaa dawaafkii iyo sacyigii Safa iyo Marwa sidaas ayayna cumradeedii ku dhammaystiranaysaa, haddiise meesha ay ka timid dhowdahay ama duruuftu dhaqaale ahaan u saamaxayso waxaa haboon inay soo noqoto iyadoo maxram ama ninkeedu la socodo markii ay daahir noqoto, markaasna ay dhammaystirato dawaafkii cumrada iyadoo daahir ah.
Allaah subxaanahu watacaalaa wuxuu yiri:
(Allaah fudayd buu idinla doonayaa ee culays idinla dooni mayo.)
Wuxuu kaloo Alle yiri:
(Allaah ruuxna kuma kallifo wax uu awoodo mooyee.)
Aayad kale wuxuu Alle ku yiri:
(Diinta kama yeelin dhib.)
Wuxuu kaloo Alle yiri:
(Allaah ka cabsada intaad kartaan.)
Rasuulkuna wuxuu yiri:
(Haddii aan amar idin faro, intii aad kartaan ka sameeya.)
Wayna badan yihiin aayadaha iyo axaadiista tilmaamaysa fududaynta dadka loo fududeeyey wixii caqabad ku noqda ee is hortaaga, waxaana sidaas qaba koox ahlu cilmiga ka mid ah sida Ibnu Taymiya iyo ardaygiisii Ibnu Qayim (Allaah ha u naxariistee).

Wakiiilashada tuuryada Jamaraadka qof carruur wata
Su’aasha 97aad: Haweeney ayaa xaj waajib ah gudanaysey, si wanaagsan ayayna u gudatay wixii aan ka ahayn tuurashadiii jamaraadka oo ay cid kale u wakiilatay sababtoo ah ilmo yar ayay wadatey, sidee ayuu xajkaasi noqonayaa?

Jawaab: Waxaa jira in lala kulmo ciriiri aad u daran marka jamaraadka la tuuranayo, haweenkana aad ayay halis ugu tahay, gaar ahaan kuwa caruurta wata, sidaa darteed dhib kuma sugna inay cid kale u wakiilato tuurashada jamaraadka, xajkeeduna wax nuqsaan ah ma leh.

Wakiiilashada tuuryada Jamaraadka
Su’aasha 98aad: Ma bannaan tahay inay haweentu wakiilato qof u tuuryeeya jamaraadka iyadoo xaj waajib ah gudanaysa kana cabsanaysa ciriiriga jamaraadka?

Jawaab: Way bannaan tahay haweentu inay tuuryaynta jamaraadka cid kale u wakiilato, haddii ay jirran tahay ama tabar yar tahay ama ay uur leedahay, si aan dhibaato u soo gaarin nafteeduna halis u gelin.

Ruuxa ixraamani haddii uu kabo ama sharabaado xirto
Su’aasha 99aad: Haddii ruuxa ixraaman xirto kabo ama sharabaado isagoo og ama jaahil ka ah, ama hilmaansan, miyuu xajkiisu burayaa?

Jawaab: Waxaa sunno ah in ruuxa labka ahi ku ixraamto labo go’ iyo kabo furan, sidaas ayuuna Rasuulku amray, wuxuuna yiri:
(Raggu ha ku ixraamto hoos gunti iyo go’ iyo kabo furan.)
Waxay noqon karaan dacas, sandal iyo wixi la mid ah. Haddii uu kabo furan waayo wuxuu gashan karaa kabo daboolan wuxuuna ka goynayaa inta canqowga ka hoosaysa si aanu u caga gubyoon qodaxda iyo qabowgana uga badbaado. Nabiguna wuxuu yiri:
(Qofkii aan helayn kabo furan ha xidho kabo daboolan hana ka gooyo inta canqowga ka hoosaysa.)
Nabigu khudbaddii ugu dambeysey ee uu jeediyey xajkii ugu dambeysey ee uu xajiyey, Xajatul Wadaac, wuxuu amray qofkii aan helayn kabo furan inuu xidho kabo daboolan mana uu amrin in la gooyo, culimaduna arrintaas way isku khilaafeen qaarkoodna wuxuu yiri: Amarkii hore ayaa la nasakhay kabaha daboolanna iyagoo aan la goyn ayaa la xiranayaa, qaar kale oo culimada ka mid ahina waxay yiraahdeen, lama nasakhin amarkii hore ee waa sunne oo waajib ma ahan waxaana u daliila arrintaas (sida ay culimadaasi qabaan) aamusitaanka Nabigu ka aamusay arrintaas markii uu Carafaat ka khudbadaynayey.
Waxaa raajix ah (inshaa Allaah) goynta kabaha in la nasakhay sababtoo ah Nabigu wuxuu u khudbeeyey dadkii oo idil reer miyi iyo reer magaalba dadkaas oo waliba aan joogin khudbaddii uu ka jeediyey Madiina oo ku amray in la gooyo kabaha, haddiina ay goynta kabuhu tahay waajib ama ayba bannaan tahay wuu u caddayn lahaa umadda, aamusitaanka uu arrintaas ka aamusay waxay tusinaysaa in amarkaas la nasakhay Allena – Subxaanahu watacaalaa – uu ka cafiyey oo ka saamaxay addoomadiisa goynta kabaha oo ay ku jirtey kabaha daboolan oo la khasaarinayo.
Haweenku way xiran karaan sharabaadada sababtoo ah luguhu waa cawro, waxayse iska ilaalinayaan labo shay oo kala ah: Gacmo gashiga iyo shareerka wajiga, Rasuulkuna wuxuu yiri:
(Haweenku yaysan xiran shareerka wajiga, iyo gacmo gashi.)
Shareerka wajigu waa marada wajiga lagu qariyo haweenkuna ma xiran karaan marka ay xajka ixraaman yihiin, waxaana u bannaan inay wajiga ku qariso wixii ay doonto marka rag ajnabi ka ah arkayo waayo wajigu waa cawro, markii ay ragga ka fog tahay wajigeeda way faydaysaa umana bannaana inay daboosho, sidoo kale uma bannaana markay xajka gudanayso inay xirato gacmo gashi waxayse gacmaheeda ku asturaysaa wixii kale ay doonto.

Gabar caado heshay oo ka xishootay inay sheegto oo xajiday
Su’aasha 100aad: Gabar ayaa waxay sheegtay inay soo xajiday isla markaana ay caado heshay, kaddibna ay ka xishootay inay u sheegto dadkii ay la socotay oo dawaafkii iyo sacyigii ay martay, haddaba maxaa ku waajiba oo laga doonayaa?

Jawaab: Uma bannaana haweeney qabta dhiig caado iyo mid dhalmo inay salaad tukato iyadoo ku sugan Makkah Al-Mukarramah ama waddankeeda ama meel kaloo ay noqotaba waxaana u daliil ah qawlkii Nabiga ee ahaa:
(Miyaysan salaadda iyo soonka ka tagin markii ay caado hesho [haweentu].)
Muslimiintu way isku raacsan yihiin inaysan u bannaanayn haweeney dhiig qabta soon iyo salaad toona, gabadha ficilkan samaysay waa inay Allaah u toobad keento oo ay dambi dhaaf weydiisato, dawaafkiii ay Kacbada dawaaftayna waa midaan ansax ahayn, sacyigii Safwa iyo Marwa ee ay martayse waa u jiraa oo sida saxiixa ah way bannaan tahay in sacyiga dawaafka laga soo hor mariyo marka la xajinayo, waxaana ku waajiba inay ku celiso dawaafkii xajka sababtoo ah Dawaafka Ifaadadu (Dawaafka Xajka) waa rukni ka mid ah arkaanta xajka qofkuna aanu xajkiisa si buuxda uga xalaaloobi karin la’aantiis, sidoo kale haddii la qabo ninkeedu uma galmoon karo haddii ay inan tahayna lama nikaaxin karo ilaa ay dawaafkii xajka ku celiso.

Musdalifa ayay ka timid intaan habeenka kala barkiisa la gaarin, maxram la’aanna way ku soo xajiday
Su’aasha 101aad: Nin reer Masar ah oo Sucuudiga deggan ayaa wuxuu ku qaabilay garoonka diyaaradaha ee Jidda hooyadiis oo Masar ka timid xajna u socota, kaddibna Makkah ayay tageen waxayna guda galeen gudashadii xajka iyagoo la socda mid ka mid ah shirkadaha dadka xajisiiya (mudawif), markii ay Musdalifa marayeen mar qura ayay tukadeen salaaddii maqrib iyo tii cishe, kaddibna shirkaddii xajisiinaysey ayaa waxay ku khasabtay inay u kicitimaan Muna inta aan habeenka kalabarkiisaba la gaarin, halkaana waxay ku seegeen ku dhixitaankii Musdalifa, sidaas ayayna xajkoodii ku guteen, hooyadiis Masar ayay ku noqotay duruuftuna uma saamaxayso inay soo noqoto markii horana waxay soo xajiday maxram la’aan, maadaama ay diyaarad ku timid arrintaasi ma bannaan tahay?

Jawaab: Xajkeedu waa ansaxayaa haddii ay arrintu sidaas u dhacday oo lagu khasbay inay Musdalifa ka baxaan oo Muna u kicitimaan intaan habeenka kalabarkiisa la gaarin, sababtoo ah ikhtiyaarkeeda kuma ay yeelin sidaas.
Arrinta labaad oo maxram la’aanta ah: Ma bannaana inay haweenku soo xajiyaan maxram la’aan, waana inay Allaah uga toobad keento dambigaas, xajkeeduna waa ansaxayaa, sidaasna kuma burayo.

Jidda ayay aaddey iyadoo xajiyaysa
Su’aasha 102aad: Haweeney ayaa xaj ka soo ixraamatay meesha la yiraahdo Al-Sayl iyadoo dhiig caado qabta, markii ay Makkah timid waxay u gudubtay Jidda si ay dan uga soo qabsato sidaas ayayna ku daahir noqotay iyadoo Jidda ku sugan kaddibna way mayratay timaheediina way shanlaysatay waxayna soo aadday Makkah xajkeediina way dhammaysatay, haddaba maxaa ku waajibaya?

Jawaab: Dhib ma keenayo safarka ay Jidda ku tagtay iyadoo dhiig qabta, waxna loo raacan mayo.

Haweeney Xaj Tamatuc ah soo ixraamatay oo caado heshay
Su’aasha 103aad: Naag ayaa waxay soo ixraamatay xaj tamatuc ah waxayna heshay dhiig caado intaysan Makkah soo gaarin, haddaba maxay falaysaa? Miyay xajiyaysaa inta aanay Cumraysan?

Jawaab: Ixraamkeedii Cumrada ayay ku joogaysaa, haddiise ay daahir noqoto inta ka horraysa maalinta sagaalaadka Cumrada way dhammaystiraysaa haddii ay ka gaari karto, kaddibna xaj ayay xiranaysaa waxayna aadaysaa Carafaad si ay u dhammaystirto xajkeeda.
Haddii aysan daahir noqon inta ka horraysa maalinta sagaalaadka, waxay is dhex gelinaysaa xaj iyo cumro iyadoo oranaysa:
(Allahumma innii axramtu bixajjin maca cumratii.)
Ilaahow xajbaan ixraamtay oo aan cumradaydii ku daray.
Waxay sidaas ku noqonaysaa qaarin, sidaas ayayna xajkeeda iyo cumradeeda u wada gudanaysaa, waxaana ku filan hal dawaaf iyo hal sacyi oo ay marto maalinta ciidda ama maalmaha ka dambeeya (tashriiqa) iyadoo u niyaysanaysa xajkeedii iyo cumradeediiba, waxaa kaloo ku waajibaya hadyigii qiraanka sida ruuxa mutamatica ah oo kale.

Ma xajiyi karaa ninkayga oon ii idmin
Su’aasha 104aad: Waxaan ahay haweenay da’ weyn oo maal qabeen ah ninkaygana in ka badan hal mar ayaan usoo bandhigay in aan xajiyo iimana oggolaan iyadoo aysan jirin wax sabab ah, waxaa jira walaalkay iga weyn oo inuu xajiyo doonaya, haddaba miyaan la xajiyaa walaalkay mise ninkayga ayaan addeecayaa oo waan iska joogayaa?

Jawaab: Xajku waa ku waajib qofkii awooda oo shuruudihiisa buuxin kara, haweentaasina maadaama ay haysato maal ay ku xajido awoodna ay u leedahay, maxramna haysato waxaa ku waajiba inay sida ugu dhaqso badan u xajido, ninkeedana waa ka xaaran inuu is hortaago xajkeeda sabab la’aan.
Waxaa u bannaan inay walaalkeed raacdo oo la xajido xataa haddii aanu ninkeedu u oggalayn haddii arrintu u jirto sida ay sheegtay, sababtoo ah waxay gudanaysaa waajib Allaah saaray oo sida salaadda iyo soonka oo kale ah, Allaah xaqiisaana ka mudan wax walba in laga hor mariyo, ninkaaguna xaq uma lahan inuu kuu diido gudashada xajka waajibka ah, sabab la’aan kumana addeecaysid.

Timaha ka go’a haweenka ixraaman
Su’aasha 105aad: Maxay samaynaysaa haweenta ixraaman haddii madaxeeda timo ka soo go’aan iyadoo ula qasdin?

Jawaab: Haddii haweenta ixraaman madaxeeda timo ka soo go’aan iyadoo weysaysanaysa ama qubaysanaysa amaba ay ciddi ka jabto, waxaas oo dhami waxba uma dhimayaan xajkeeda, waxaase xaaraan ah in si ula kac ah loo gooyo, ninkuna waa sidoo kale haddii ciddiyihiisa ama garkiisa ama shaarubadiisa wax ka soo ga’aan haddii aan kas loo goyn, timaha taabashada ku soo go’aya waa timo aan markii horeba meel haysan, dhibna ma lahan soo go’iddoodu.

Miiqaadka ayay soo dhaaftay iyadoo caado qabta
Su’aasha 106aad: Gabar ayaa soo cumraysatay waxayna miiqaadkii soo dhaaftay iyadoo dhiig qabta, waxay ku negaatay Makka ilaa ay ka daahir noqotay, Makka dhexdeeda ayayna ka ixraamatay, haddaba arrintaasi ma bannaan tahay maxaase ku waajibay?

Jawaab: Arrintaasi ma bannaana, haweentii cumro doonaysa uma bannaana inay miiqaadka soo dhaafto iyadoon soo ixraaman, xataa haddii ay dhiig qabto way ixraamanaysaa wuuna ansaxayaa ixraamkeedu, waxaa arrintaas daliil u ah, markii ay dhashay Asma bintu Cumays Alle ha ka raali noqdee oo ahayd xaaskii Abuu Bakar, Rasuulkuna joogey Dul-Xulayfa isagoo u socda xajkii uu umadda ku sagootiyey ayay Asmaa Nabiga farriin u soo dirtay iyadoo weydiinaysa waxa ay falayso illeen xaj inay ixraamato ayay u socotay Rasuulku wuxuu ku yiri: Qubeyso oo hoosta dhiiggu ka imanayo maro isaga xir kaddibna ixraamo, dhiigga umuluhu wuxuu la mid yahay kan caadada marka sidaas darteed haweenta dhiigga qabta marka ay soo gaarto miiqaadka way qubaysanaysaa halka uu dhiiggu ka imaanayayna way awdaysaa, (waxay xiranaysaa timbooni iyo wixi la mid ah), kaddibna marka ay Makka soo gaarto ma imaanayso xaramka mana dawaafayso ilaa ay ka daahir noqoto, Nabigu Caa’isha markii ay dhiigga heshay iyadoo cumro soo xiratay wuxuu yiri:
(Samee falalka uu xaajigu samaynayo oo dhan wixii aan dawaafka Kacbada ka ahayn ilaa aad ka daahir noqotid.)
Bukhaari wuxuu intaas ku sii daray: Caa’isha Alle ha ka raali noqdee markii ay daahir noqotay kaddib ay Kacbada dawaaftay sacyigiina ay martay, taasina waxay daliil u tahay haweentu haddii ay xaj ama cumro xirato iyadoo dhiig qabta ama inta aanay dawaafin ay dhiig hesho inaysan u bannaanayn inay dawaafto ama sacyido ilaa ay ka daahir noqonayso, haddiise ay dawaafto iyadoo daahir ah kaddibna ay dhiig hesho, markaas way dhammaystiraysaa oo sacyiga way maraysaa iyado dhiiggeeda qabta timihii madaxana way gaabinaysaa cumradiina halkaa ayay kaga xalaaloobaysaa sababtoo ah sacyiga Safa iyo Marwa marka la marayo qofku inuu daahir yahay shardi ma ahan.

Musdalifa oo laga baxo goor hore
Su’aasha 107aad: Waxaa jirta in Rasuulku dadka tabarta daran u fasaxay inay Musdalifa ka baxaan marka uu dayaxu dhaco si ay Muna u tagaan inta aan dadku isku soo ciriiriyin oo ay jamaraadka u tuurtaan haddaba haweenka oo dhami miyay rukhsadaas Rasuulka ku camal falayaan oo Musdalifa ay ka baxayaan marka dayuxu dhaco?

Jawaab: Haweenka oo dhami ma tabar darna, tabar darraduna waa tilmaan rag iyo dumarba ay yeelan karaan, awoodduna waa sifo rag iyo dumarba yeelan karaan, Caa’isha Allaah ha ka raali noqdee waxay ka shallaayi jirtey inaysan Rasuulka weydiisan inay raacdo dadka tabarta daran sidii ay u weydiisatay Sawda Alle ha ka raalli noqdee, sidaas darteed arrintaani waxay ku xiran tahay qofka xaaladdiisa oo qofka tabarta daran ayaa loo oggol yahay rukhsaddaas inuu ka faa’ideysto sida saxiixa ahna marka ay Muna tagaan dadkaasi khasab kuma ahan inay sugaan qorraxda soo bixitaankeeda ee horay ayay ka tuuranayaan haddii ay doonaan, haddiise ay sugaan qorrax soo baxa sidaas ayaa fadli badan kumase waajib ahan, waayo markii horeba ujeeddada laga lahaa inay soo guureeyaan waxay ahayd inaysan saxmadda iyo ciriiriga dadka dhib kala kulmin, haddii ay soo gaarto Muna intaan qorraxdu soo bixin oo ay doonto inay tuurato dhib kuma sugna, laakiin qofka xoogga leh ee awooda kama soo bixi karo Musdalifa illaa uu salaadda subax tukado sidii uu yeelay Nabiga.

Qof maal leh oo geeriyooday isagoon xajkii gudan
Su’aasha 108aad: Haweeney ayaa geeriyootay iyadoon xajiyin waxayna ka tagtay maal iyadoo ay joogaan ninkeedii iyo aabbaheed iyo walaalaheed waxayna isku khilaafeen in maalka laga bixiyo intaan la qaybin lacag loogu xajiyo iyo in kale waxayna door bideen inay culimada waydiiyaan, waxayna idin ka doonayaan jawaab?

Jawaab: Haddii sida aad u sheegtay arrintu tahay waxay ka bixinayaan maalka wax ku filan in loogu xajiyo oo loogu cumraysto, waase haddii ay awood u lahayd markii ay noolayd inay xajido, haddiise ay faqiir ahayd oo aanay awoodin, kuma waajibayo xaj iyo cumro toona, maalka ay ka tagtay haddii dayn lagu lahaa dayntaa laga bixinayaa wixii soo harana waxaa laga dhigayaa laba qaybood ninkeedu nus buu qaadanayaa inta soo hartana aabbahaa la siinayaa, walaaluhuna waxba kuma lahan aabbahaana ka hor istaagay dhaxalka.

Cutubka Toddobaad – Sakada

SAKADA
Sakada meherka
Waxaan haystaa dahab aanan sako ka bixin shan sano.
Sakada Dahabka
Dahabkeedii ayay iibisey iyadoon sakadii ka bixin
Sakada oo la siiyo hooyada
Sakada oo la siiyo mujaahidiinta

SEKADA
Sakada meherka
Su’aasha 85aad: Naag ayaa meherkeedii lagala daahay oo ninkeedu aanu siin, laba sano kaddib ayuuna siiyey, haddaba miyay seko ka bixinaysaa sanadihii tagey, mise marka meherka la siiyo oo ay sano ka soo wareegto bay seko bixinaysaa?

Jawaab: Mas’aladaan culimadu way isku khilaafeen qaarkood waxay qabaan sida Imaamu Axmed iyo Imaamu Shaafici iyo qaar kale in sako la bixinayo labadii sano ee tagey, xaalad kasta oo uu ninku ku sugnaa, waxay kaloo yiraahdeen, sanadihii tagey sako ayaa la bixinayaa haddii uu ninku awood u lahaa, oo uu xoolahaas hayey.
Imaamu Maalik iyo Imaamu Axmed waxay yiraahdeen hal sano ayaa waajib ah in la bixiyo sanadihii tagey, waxaa kaloo laga wariyey Abuu Xaniifa iyo Axmed inay yiraahdeen, waxba laga bixin mayo sanadihii tagay si kastoo ay xaaladdu ahayd.
Waxaa u daciifsan qolada waajibisey in sako la bixiyo sanadihii tagey, xataa haddii aan maalkaasi ninka gacan ugu jirin oo aanu hayn, waana qowl baadil ah, waajibintaas lagu waajibiyey wax aan gacan ugu jirin shareecada kuma bannaana, haddii waqtiga maalkaas haweenta ka maqan yahay dheeraado markaas sekadii ayaaba maalkii ka badanaysa.
Waxaa xaq u dhow qolada tiri sako lama bixinayo sannadihii tagey, ilaa meherkeeda la siiyo oo ay sano ka soo wareegto, ama qoladii tiri sanadihii tagey hal mar ayaa sako laga bixinayaa marka uu maalku gacanteeda soo galo, waana sida ay yiraahdeen, Maalik iyo Abii Xaniifa iyo Axmed oo labada qawlba wax ku leh.

Waxaan haystaa dahab aanan sako ka bixin shan sano
Su’aasha 86aad: Haweeney ayaa haysatey in muddo ah dahab gaaray xadkii Sakada, waxayna ogaatay inay sako ku waajibtay shan sano kaddib, markii ay ogaatay arrintaas waxay doontay inay sekadii bixiso hase yeeshee ma ay haysan wax lacag ah oo ay dahabka sekada uga guddo inay dahabka qudhiisa qaar ka iibiso oo sekada ku guddo mooyaane, haddaba sidee ayay u gudaysaa sannadihii tagey sakadoodii? Dahabka miyay qaar iibinaysaa? Sanooyinka soo socda sidee ayay u bixinaysaa? Haddii ay isku daydo inay hal mar guddo sekada sannadihii shanta ahaa ee la soo dhaafay ma awooddo inay dahabka qaarkiis iibiso sannad kasta mooyaane, wax kale oo dakhli ahna ma soo galo ha yaraado ama ha badnaadee?

Jawaab: Waxaa ku waajiba inay sekada bixiso sannadaha soo socda haddii dahabkeedu gaaro xadkii sekadu ku waajibaysey, xadkaas oo ah 92 garaam, waana inay sekadaas waajibka ah bixiso xataa haddii ay wax kale weydo waxay iibinaysaa dahabka qaarkiis ama hanti kale oo ay leedahay si ay sekada u bixiso, haddii ninkeeda ama aabbaheed ka bixiyo iyadoo laga idan qaatay dhib kuma sugna wayna ka gudaysaa, haddiise aysan sidaas yeelin sekadii dayn ayay ku ahaanaysaa ilaa ay ka guddo.
Sanadihii la soo dhaafay oo aysan ogayn waajibnimada sekada waxba ma bixinayso maadaama ay jaahil ka ahayd xukunkaas, culimada qaarkood iyagu waxayba qabaan in aan seko ku waajibin dahabka loo haysto in la xirto oo la isku qurxiyo ee ganacsiga ahayn, laakiin sida raajixa ah dahabku haddii uu seko gooyo sannadna ka soo wareego seko ayaa ku waajibaysa sida ku xusan kitaabka Allaah iyo sunnada Nabiga.

Sekada Dahabka
Su’aasha 87aad: Seko ma laga doonayaa dahabka ay dumarku u haystaan inay isku qurxiyaan oo ay xafladaha ku tagaan?

Jawaab: Sida saxiixa ah sakadu waajib ayay ku tahay dahabka haweentu ku labisato Allaahna wuxuu yiri: 
(Kuwa kaydsada dahabka iyo fiddada oon ku bixinayn jidka Alle ugu bishaaree cadaab daran.)
Nabigu wuxuu yiri:
(Qof kasta oo dahab haysta oo aan ka gudin xaqii lagu lahaa maalinta qiyaamaha waxaa dahabkii laga dhigaa sida alwaaxyo balballaaran oo kale markaa ayaa lagu soo kululeeyaa naarta Jahannamo kaddibna waxaa looga feereeyaa dhinacyada iyo wajiga iyo dhabarkaba, markastoo ay qabowdo waa lagu celiyaa, maalin dhererkeedu le’eg yahay konton kun oo sano illaa dadka la kala xukminayo, kaddibna waxaa la tusayaa jidkiisii oo janno ah ama naar ah.)
Axaadiista sida gaarka uga hadashay dahabka iyo waxyaalaha la xidho waxaa ka mid ah xadiiskii Cabdullaahi ibnu Cumar ibnu Caas uu kaga warramayey qisadii haweeney Nabiga u timid iyadoo ay la socoto gabar yar oo ay dhashay oo gacanta laba jinjimood oo dahab ahi ugu jireen. Rasuulku wuxuu yiri: “Dahabkaan sakada maka bixisaa?” Waxay tiri, “Maya.” Markaasuu Rasuulku yiri, “Maku farxi lahayd in Alle kuu xiro iyagoo naar ah?”
Ibnu Xajar isagoo xadiiskaas ka warramaya inuu saxiix yahay ayuu kitaabkiisa Buluuq Al-Maraam wuxuu ku yiri, “Senedkiisu waa xoog badan yahay,” wuxuuna sheegay axaadiis kale oo u markhaati kacaysa.
Waxaan halkaas ka garanaynaa in sida raajixa ah ay sakadu ku waajibayso dahabka ama qalinka ay haweenku quruxda u haystaan haddii ay gaaraan qaddarka sakada lagu bixiyo kaas oo ah 85 garaam dahabka, qalinku waxaa sako laga bixinayaa markii culayskiisu u dhigmi karo 56 riyaal oo Sucuudi ah oo qadaadiic ah (595 garaam), sidaas darteed haweentii haysata dahab gaaraya 85 garaam seko ayaa ku waajibtay inay ka bixiso, haddii munaasabadaha kaliya ay u labisato iyo haddii ay mar kastaba labisatana waa isku mid.

Dahabkeedii ayay iibisey iyadoon sakadii ka bixin
Su’aasha 88aad: Waxaan iibiyey dahab aan muddo isticmaalayey anigoon sakadii ka gudin. Waxaan idinka rajaynayaa in aad ii bayaanisaan sida ay noqonayso dahabkaas sakadiisu, waxaana dahabkaas ku iibiyey afar kun oo Riyaal Sacuudi ah?

Jawaab: Haddii aad jaahil ka ahayd oo aadan ogayn in dahabkaas sako ku waajibtay ilaa aad ka iibisey waxba laguu raacan mayo, laakiin haddii aad ogayd in sako ku waajibtay markaas lacagta aad ka bixisay dahabka ayaad sako ka bixinaysaa, sakadaas oo ah kunkiiba 25 halkii sano, sanooyinkii tageyna waa sidoo kale iyadoo loo eegayo hadba qiimaha uu dahabku suuqa ka joogey, waxaana waajiba in laga bixiyo (rubucul cushur), iyadoo lagu bixinayo sakada lacag ka mid ah lacagaha la yaqaan, haddii waajibnimada sakada aad ogaatay sannadkii ugu dambeeyey markaas waxaad bixinaysaa sakada sannadkii ugu dambeeyey oo keliya.

Sakada oo la siiyo hooyada
Su’aasha 89aad: Ma bannaan tahay in qofku sakadiisa siiyo hooyadiis?

Jawaab: Ruuxa Muslimka ah uma bannaana inuu sakada siiyo waalidiintiis iyo caruurtiisa, waxaana ku waajiba inuu ka quudiyo maalkiisa haddii ay u baahan yihiin isaguna uu awoodo.

Sekada oo la siiyo mujaahidiinta
Su’aasha 90aad: Waxaa jira nin lagu kalsoon yahay oo ii sheegay nin sheekh ah oo lagu kalsoon yahay oo sakada gaarsiin kara Mujaahidiinta, haddaba anigoo ah qof waayeel ah oo ay ku adag tahay in aan baadi goobo dadkii sakada xaqa u lahaa ma ku bixiyaa sakada dahabkayga halkaas mise waxaa jira meelo kale oo ka fadli badan oo lagu bixin karo?

Jawaab: Haddii ruux lagu kalsoon yahay qofka u sheego in uu sakada u geynayo mujaahidiinta ama uu u dirayo isagoo qofkaasi yahay mid lagu kalsoon yahay way ku baxaysaa sakadu, tan kale way ansaxaysaa sakada in la siiyo mujaahidiinta la dagaalamaysa gaalada cadawga ah sida ay culimadu sheegeen, qofka sakada bixiyeyna waajibkii sakadu waa ka dhacayaa ajarkeedana Allaah ayaa siinaya.

Cutubka Lixaad – Soonka

SOONKA
Dib u dhigidda qallaynta soonka
Sannadihii ugu horeeyey ee qaangaarka qof aan soomin
Haweeney la hadalkeed iyo gacanteeda oo la taabto maalin bil Ramadaan
Haweentiisi ayuu u galmooday maalin bil Ramadaan
Xaamiladu haddii ay afurto soonka way qallaynaysaa
Qallaynta soonka
Daahir noqoshada salaadda subax gadaasheeda

SOONKA
Dib u dhigidda qallaynta soonka.
Su’aasha 78aad: Muxuu yahay Xukunka dib u dhigidda qallaynta soonka ilaa Ramadaan kale laga gaaro?

Jawaab: Qofkii Ramadaan u afura jirro ama safar iwm awgood waxaa ku waajiba inuu qalleeyo intaan la gaarin Ramadaanta kale labada Ramadaan inta u dhexaysana Allaah wuu noo ballaariyey, qofkii qallayn waaya soonka inta aanu soo galin Ramadaanka kale waxaa ku waajibaya qallayn iyo quudin miskiin maalin kasta oo maalmahaas lagu leeyahay ka mid ah.
Waxaa sidaas laga wariyey koox ka mid ah asxaabtii Nabiga ﷺ, quudintaasna qaddarkeeda waxaa lagu qiyaasay kiilo iyo bar cuntada waddanka laga cuno ah, sida Bariis, Timir iwm, haddiise uu qalleeyo soonka inta aan la gaarin Ramadaanta kale wax quudin miskiin ah kuma waajibin.

Sannadihii ugu horeeyey ee qaangaarka qof aan soomin
Su’aasha 79aad: Muddo toban sano laga joogo ayay ahayd markaan isku arkay calaamadihii qaangaarka, sannadkii ugu horreeyey ee qaangaarkayga bil Ramadaan ayaan soo haleelay mana soomin, wax cudurdaar ahna ma lahayn oo aan ka ahayn jaahilnimo iga haysey inuu igu waajib yahay soonku, haddaba imminka masoo qallaynayaa soonkaas? Mase la iga doonayaa kafaare gud?

Jawaab: Waxaa kugu waajiba in aad qallaysid bishaas rabbina aad u toobad keentid dambi dhaafna weydiisatid, waxaana sidoo kale kugu waajiba kafaaro gud ah in aad quudisid miskiin, oo siisid kiilo iyo bar cunto waddanka laga cuno ah, sida Bariis ama Timir iwm, maalin kasta oo ka mid ah maalmahaas qallahooda lagugu leeyahay, haddiise aad faqiir tahay oo aadan heli karin cuntadaas waxaa kugu waajiba qallaynta soonka oo keliya.

 

Haweeney la hadalkeed iyo gacanteeda oo la taabto maalin bil Ramadaan
Su’aasha 80aad: Waxaa jirta in goobaha ganacsiga badankooda haweenku ay gacanta ku hayaan, haddaba iyadoo arintaasi jirto muxuu yahay xukunka in haween lala hadlo ama gacanteeda la taabto maalin bil Ramadaan?

Jawaab: Haddii ninku haweenta la hadlo isagoo xumaan uga dan lahayn oo aan doonayn inuu hadalkeeda ku raaxaysto, sida haddii uu wax ka gadanayo ama uu wax weydiinayo ama si aan ula kac ahayn gacantiisu u taabato, dhibaato maleh bisha Ramadaan iyo bilaha kaleba, haddiise uu la hadalkeeda uga dan leeyahay inuu ku raaxaysto uma bannaana bisha Ramadaan iyo bilaha kaleba, bisha Ramadaanna way ka sii xag jirtaa.

 

Haweentiisi ayuu u galmooday maalin bil Ramadaan
Su’aasha 81aad: Muxuu yahay xukunka nin u galmooday xaaskiisa maalin bil Ramadaan?

Jawaab: Ninkii u galmooda xaaskiisa maalin bil Ramadaan isagoo caqligiisu taam yahay qaan gaarna ah, rabbi iyo rasuulkiisii ayuu caasiyey, waxaana ka ratibmaya falkiisaas inuu qalleeeyo maalintaas uu soonkeeda buriyey iyo kafaaro gud ah inuu addoon xoreeyo, haddii uu waayana wuxuu soomayaa laba bilood oo xiriir ah oo aanu maalin ka afurin, haddii uu awoodi waayo wuxuu quudinayaa lixdan miskiin isagoo siinaya miskiin kasta hal Suus (mud) oo cuntada waddankaas loogu isticmaal badan yahay ah.

 

Xaamiladu haddii ay afurto soonka way qallaynaysaa
Su’aasha 82aad: Haweeney xaamilo ah ayaa afurtay bil Ramadaan kaddibna way qallaysay maalmihii ay afurtay fidyana way bixisay, haddana mar kale ayay uur yeelatay bil Ramadaan, way afurtay waxayna soontay laba bilood oo isku xigta, oo qallihii bisha Ramadaan ah, haddaba fidyo miyaa laga doonayaa?

Jawaab: Haweenta xaamilada ahi haddii ay nafteeda ama ilmaha u cabsato, way afuraysaa fidyana bixin mayso, waxayse qallaynaysaa maalmihii ay afurtay, waxayna la mid tahay ruuxa jirran oo kale, Allaahna wuxuu yiri:
“Qofkii idinka mid ah oo jirran ama safar ku jira wuxuu soomayaa maalmo kale (bedelka maalmaha uu afuray).”

 

Qallaynta soonka
Su’aasha 83aad: Gabar ayaa waxay leedahay intii soonku igu waajibay waan soomayey bisha Ramadaan hase yeeshee ma aanan qallayn jirin maalmaha iga taga inta aan macduurka ahay, waxayna imminka doonaysaa inay ogaato xukunka sharciga ah ee arrintaas ka ratibmaya iyo waxa ku waajibka ah iyadoon aqoon tirada maalmahaas ay afurtay?

Jawaab: Run ahaantii waa arrin laga murugoodo in sidaas oo kale ay yeelaan hablaha muslimiinta ah, sababta arrintaas keentayna waa laba middood, jaahilnimo ama fududaysi labadooduna waa laba musiibo, sababtoo ah jaahilnimada daawaynteedu waa in wax la barto iyo in culimada wax la weydiiyo, fududaysiga gudashada cibaadooyinkana waxaa daawo u ah Allaah oo laga cabsado ciqaabkiisana laga digtoonaado laguna dadaalo wixii raalli galinaya.
Waxaa ku waajiba haweeneydaas inay Allaah u toobad keento dambi dhaafna ka weydiisato wixii ay fashay ayna ku dadaasho hadba sidii ay awooddo inay u soonto ilaa ay ka xaqiijinayso inay soontay maalmihii lagu lahaa oo dhan, waxaana rajaynayaa inuu Alle subxaanahu wa tacaalaa uu toobaddeeda ka aqbalayo.

 

Daahir noqoshada salaadda subax gadaasheeda
Su’aasha 84aad: Haddii haweentu ay daahir noqoto oo mayrato salaadda subax kaddib, isla markaasna ay salaaddii tukato ayna soonto maalintaas miyay qallaynaysaa?

Jawaab: Haddii ay haweentu dhiigga ka daahir noqoto dillaaca waaga wax yar ka hor daqiiqadna ha noqotee ayna xaqiijiso inay daahir noqotay way soomaysaa haddii ay Ramadaan tahay, dibna u qallayn mayso maalintaas waayo waxay soontay iyadoo daahir ah dhibna malahan haddii aysan qubaysan ilaa salaadda subax laga gaaro, sida ninkuba marka uu galmood sameeyo ama uu isku junuubo aysan dhib u lahayn inuu suxuurto kaddibna salaadda subax u soo gasho isagoo qasligii aan ka mayran.
Waxaan rabaa haweenka in aan ku baraarujiyo arrin kale oo ah: Haweenka qaarkood haddii ay dhiig helaan afurka kaddib intaysan cishaha tukan waxay u maleeyaan in soonkoodii maalintaas ka buray, arrintaasna mid asal leh ma ahan balse haddii ay dhiig hesho qorraxdu markay dhacdo, daqiiqad kaddibna ha ahaatee soonkeedii waa u jiraa.

Cutubka Shanaad – Jinaasada

 

JINAASADA
Salaadda jinaasada iyo haweenka
Dhib ma leh ninku inuu xaaskiisa mayro
Haweenka wuu bud dhigi karaa nimaan maxram u ahayn
Waxa anfacaya maydka marka uu dhinto kaddib
Xukunka baroordiiqda
Oohinta loo ooyo qofka dhintay
Dhabanada oo la iska tumo iyo dharka oo la iska jeex jeexo marka musiibo timaaddo
Haweenku qubuuraha ma booqan karaan?

JINAASADA
Salaadda jinaasada iyo haweenka
Su’aasha 70aad: Waxaa dhacay in masjidka xaramka iyadoo la joogo lagu dhawaaqo salaad jinaaso ah haddaba ma u bannaan tahay habluhu inay salaaddaas wax ka tukadaan?
Jawaab: Haweenku ragga ayay kala mid yihiin tukashada jinaasada, wax daliil ah oo haweenka u diidayana lama hayo waxayna ka helaysaa ajarka ninku ka helayo oo kale. Ragga taariikhda islaamka wax ka qoraa waxay sheegeen waagii Nabiga inay haweenku salaaddaas tukan jireen oo ay ragga gadaashiisa safan jireen, sidaas darteed dhib kuma sugna, waana arrin loo baahan yahay haddii jinaaso la keeno qofkii dumar ah ee markaas joogta inay wax ka tukato salaaddaas.
[Ibnu Cutheymiin 57]

Dhib ma leh ninku inuu xaaskiisa mayro
Su’aasha 71aad: Waxaan dadka caamada ah ka maqalnaa in badan ninka inay ka xaaraan tahay inuu eego xaaskiisa marka ay geeriyooto, marka iilka la dhigayana aanu soo geli karin qabriga gudihiisa si uu u bud dhigo, haddaba arintaasi sax miyaa? Nooga jawaaba Allaah ha idin barakeeyee?
Jawaab: Daliilka sharciga ah wuxuu tusinayaa in aan dhib ku sugnayn inay haweentu ninkeeda mayrto oo ay jirkiisa eegto, ninkuna sidoo kale wuu mayri karaa xaaskiisa wuuna eegi karaa, Asmaa binti Cumays Allaah ha ka raalli noqdee waxay mayrtay ninkeedii Abubakar As-Siddiiq Allaah ha ka raalli noqdee, sidoo kale Faadumo Allaah ha ka raalli noqdee waxay ka dardaarantay in uu mayro Cali oo ninkeedii ahaa Allaah dhammaantood ha ka raalli noqdo.
[Ibnu Baaz 76]

Haweenka wuu bud dhigi karaa nimaan maxram u ahayn
Su’aasha 72aad: Waxaan ahay nin lug go’an xaaskaygii ayaa muddo xanuunsanayd kaddibna isbitaal ayay ku dhimatay, markii la aasayey waxaa bud dhigay rag ajaanib ka ah, aniguna waan la joogey oo ma aanan awoodin in aan bud dhigo lugta i go’an awgeed, arintaasna waan ka wal walsanahay, sidee ayuu arrintaas xukunkeedu noqonayaa?
Jawaab: Dhib malahan haweenka inuu bud dhigo nin aan maxram u ahayn, maxramkuna wuxuu khuseeyaa haweenku markay safar gelayaan iwm.
[Ibnu Baaz 1-366]

Waxa anfacaya maydka marka uu dhinto kaddib
Su’aasha 73aad: Nin ayaa markuu dhintay xaaskiisa u dardaarmay inaysan waxba u sadaqayn, Qur’aanna loo akhrin, wuxuuna sheegtay Qur’aan in ku filan inay laabtiisa ku jirto, haweentiisuna kuma aanay ogayn inuu Qur’aanka xifdiyo, haddaba maku saxan yahay dardaarankaas? Waxay haweentiisu doonaysaa inay wax u hadiyayso ee ma u bannaan tahay?
Jawaab: Dardaarankaas waa la oofinayaa waayo waxaa bidco ah in la kiraysto dad maydka Qur’aan u akhriya oo u hibeeya, ummaddaan horraankeedii qof ka mid ahna lama warin in uu sidaas yeelay ama fasaxay, qofka Qur’aanka dadka bara oo lacag ku qaata culimadu way isku khilaafsan yihiin, (wayna ka duwan tahay arintaani), waxay culimadu isla soo qaadeen oo ka wada hadleen qofka Qur’aanka Allaah dartiis u akhrinaya kaddibna qof dhintay u hadiyaynaya (ee islamaba soo qaadin kan ujrada ku qaadanaya oo qof dhintay u hibaynaya).
Sababtoo ah Qur’aan akhriska haddii ujro lagu qaato waxay arintu noqonaysaa wax kala bedelasho ajarna lagama helayo, qofkii dhintayna waxba ka gaari mayaan maydkana waxaa gaari kara wixii camal suuban ah.
Haweentu haddii ay doonayso inay ninkeeda wax u tarto ha u sadaqayso maalkii ay siin lahayd dadka Qur’aanka u akhrinaya, sababtoo ah sadaqadu waa gaaraysaa qofka dhintay sida ay culimadu isku raacsan yihiin, wayna haboon tahay haddii ay ku sadaqaysato dad masaakiin ah oo ahlu Qur’aan ah, si ay Qur’aan akhrintooda ugu kaalmaystaan, maydkana Allaah wuu ku anfacayaa.
[Ibnu Taymiya 193]
Xukunka baroordiiqda
Su’aasha 74aad: Marka maydka la aaso muxuu yahay xukunka in saddex maalmood baroordiiq la isugu yimaado oo Qur’aan la akhriyo?
Jawaab: Guriga laga dhintay in la isugu yimaado iyadoo cunto iyo cabitaan ama Qur’aan akhris loo imaanayo waa arrin bidco ah, sidoo kale haddii guriga la isugu soo ururo in loo duceeyo maydka waa arrin bidco ah, dadka laga dhintay waxaa loogu yimaadaa in loo tacsiyeeyo oo la sabirsiiyo loona duceeyo oo maydkooda dhintay Allaah naxariis loo weydiiyo, laakiin in la isugu yimaado guriga laga dhintay oo ducooyin gaar ah la akhriyo ama Qur’aan la akhriyo oo lagu negaado halkaas waa arrin aan diinta asal ku lahayn, haddii ay arintaasi khayr tahayna waxaa nooga hor mari lahaa muslimiintii ceelalyada inoo ahayd ee naga horraysey oo noolayd qarniyadii fadliga badnaa (Salafu Saalix), Nabiguna ma yeelin sidaas markii la dilay Jacfar bin Abi Daalib iyo Cabdullaahi bin Rawaaxa iyo Zayd bin Xaaritha oo dhammaantood lagu dilay dagaalkii Mu’tah Nabigu markii waxyigu u yimid oo loo sheegay dhimashadooda ayuu saxaabada ogaysiiyey geeridooda, wuuna u duceeyey wuuna ka raalli noqday, dadkana ma uu kulmin mana uu dhigin tacsi, arrimahaas oo dhan ma uu samayn, iyadoo raggaas geeriyooday ay ka mid ahaayeen kuwa saxaabada ugu khayr badan uguna fadli badan, markii uu geeriyooday Abubakar As-Sidiiq looma dhigin tacsi wuxuuna ugu fadli badnaa saxaabada Nabiga, waxaa la dilay Cumar wax tacsi ah looma dhigin dhimashadiisii Qur’aanna looma akhrin, waxaa la dilay Cismaan iyo Cali, loomana dhigin tacsi, dadkuna markaas kaddib ma ay samaysan maalin go’an oo loo duceeyo oo Allaah naxariis loo weydiiyo ama cunto loo sameeyo.
Waxaa sunno ah dadka laga dhintay in cunto loo soo sameeyo oo cuntada ay u sameeyaan qaraabadoodu ama dariskoodu (halkii iyaga cunto loo soo doonan lahaa), sidii uu Nabigu sameeyey markii geerida Jacfar loo soo sheegay, wuxuuna ku yiri ehelkiisii:
(Reer Jacfar arrin mashquulisa ayaa ku timide cunto u sameeya). Dadka laga dhintay masiibada ku dhacday ayay mashquul ku yihiin, waxaa sunno ah in cunto la sameeyo oo loo geeyo, laakiin in balaayadii ku dhacday balaayo kale loogu sii daro oo lagu kallifo inay dadka cunto u sameeyaan waa arrin bidco ah oo sunnada khilaafsan.
Waxaa la wariyey Jariir bin Cabdullaahi Al-Bajali inuu yiri:
(Maydka marka la aaso kaddib in la isu yimaado oo cunto la sameeyo waxaan ku tirin jirney inay tahay baroordiiq), waana la xaaraantinimeeyey in maydka loo ooyo iyadoo codka kor loo qaadayo, maydkana qabriga ayaa lagu cadaabaa haddii loo ooyo, marka sidaas awgeed waa in laga digtoonaado arrintaas, waxaase jirta haddii qofku ilmeeyo isagoon codkii oohintu ka soo baxayn inaysan dhib lahayn. [Ibnu Baaz 78]

Oohinta loo ooyo qofka dhintay
Su’aasha 75aad: Ma bannaan tahay in maydka loo ooyo, iyadoo oohintaasi tahay mid hinraag iyo cod ka soo baxayo, oo waliba qofkaasi dhabannada iska dharbaaxayo dharkana iska jeex jeexayo, haddaba oohinta caynkaas ah maydka ma saamaynaysaa?
Jawaab: Ma bannaana oohinta iyo baroordiiqdu, sidoo kale ma bannaana in dhabannada la iska tumo oo dharka la iska jeex jeexo iwm, Bukhaari iyo Muslim waxay qoreen xaddiis uu warinayo Ibnu Mascuud oo Nabigu yiri:
(Naga mid ma ahan qofkii (markii musiibo ku dhacdo) dhabannada iska tuma oo dharka iska jeex jeexa, oo sidii gaaladii jaahilka ahayd u dhawaaqa), waxaa kaloo Nabigu laga wariyey inuu lacnaday tan u ooyda maydka iyo tan dhegeysataba.
Waxaa saxiix ah oo Nabiga laga wariyey inuu yiri:
(Maydka waxaa lagu cadaabaa qabriga oohinta loo ooyey sababteeda). Waxaa kaloo laga wariyey Nabigu inuu yiri:
(Maydka waxaa loogu cadaabaa qabrigiisa oohinta ehelkiisu u ooyeen darteed).
[Guddiga Iftaha Sucuudiga 79]
Dhabannada oo la iska tumo iyo dharka oo la iska jeexjeexo marka musiibo timaado
Su’aasha 76aad: Muxuu yahay xukunka sharciga ah ee haweenka marka laga dhinto dhabannada iska dharbaaxa oo dharka iska jeexjeexa?
Jawaab: Ma bannaana marka musiibo dhacdo in dhabannada la iska tumo oo dharka la iska jeexjeexo oo la ooyo, dhammaan arimahaas oo dhan waa xaaraan waxaana u daliil ah qawlka Nabiga ee ah:
(Naga mid ma ahan qofkii (markii musiibo ku dhacdo) dhabannada iska tuma oo dharka iska jeex jeexa, oo sidii gaaladii jaahilka ahayd u dhawaaqa), xaddiiskan waa la isu waafaqay saxiixnimadiisa (Bukhaari iyo Muslim). Waxaa kaloo Nabigu yiri:
(Anigu bari ayaan ka ahay tan qaylisa iyo tan xiirata iyo tan dharka iska jeex jeexda (marka musiibo ku dhacdo)).
Wuxuu kaloo Nabigu yiri:
(Afar arimihii jaahiliga ah umadayda ayaa ku sugan kamana tagayaan, qabiilka oo lagu faano iyo nasabka oo la duro iyo xiddigaha oo lagu roob doono iyo maydka oo loo ooyo).
Wuxuu kaloo Nabigu yiri:
(Haweenta u ooyda maydka haddii intay nooshahay aysan toobad keenin, waxaa qiyaamaha la soo saarayaa iyadoo xiran qamiis daamur ah iyo mid cadho ah).
Marka musiibo dhacdo waxaa waajiba in la sabro oo ajar la xisaabsado, lagana digtoonaado waxyaalaha aan haboonayn ee munkarka ah Allaahna looga toobad keeno wixii horay u dhacay, Allaah wuxuu Qur’aanka kariimka ah ku yiri:
(U bishaaree kuwa sabra oo markii musiibo ku dhacdo yiraahda Allaah ayaa na leh xaggiisa ayaana u noqonaynaa).
Ilaahay khayr badan ayuu u yaboohay dadka sidaas yeela wuxuuna yiri:
(Kuwaasi waxay helayaan deeq Allaah iyo naxariistiisa, waana kuwa hanuunsan).

Haweenku qubuuraha ma booqan karaan.
Su’aasha 77aad: Muxuu yahay xukunka booqashada qubuuraha ee haweenka?
Jawaab: Uma bannaana inay haweenku siyaartaan qubuuraha rasuulkuna wuu lacnaday haweenka qubuuraha siyaarta, sababtoo ah haweenka sabirkoodu waa yar yahay Allaahna naxariistiisa iyo ixsaankiisa ayuu haweenka uga xaaraantinimeeyey inay qubuuraha booqdaan si aysan ugu fitnoobin waxna u fidnayn. [Ibnu Baaz 1-357]

Cutubka Afraad – Salaadda

 

SALAADDA
Haweeney uur leh oo aan kaadida ceshan karin salaadda ma ka tegaysaa?
Salaad waqtigeed soo galay ayay caado heshay
Haweenku ma tukan karaan salaad jamaaco ah?
Haweenku ma adimi karaan, codkooduse cawro miyaa?
Labiska maro kaa xaaraan ah salaadda ayaa kaaga buraysa
Haweenku rag ma tujin karaan?
Ma qallaynaysid salaaddii hore
Sujuudda Qiraa’ada xaalad kasta way ku bannaan tahay
Waswaaska iyo shakiga
Gambaleelka guriga ayaa la yeeriyey anigoo salaad ku jira
Dhib kuma sugna in salaatu laylka Qur’aanka kitaabka laga akhriyo
Inta ugu yar iyo inta ugu badan ee tasbiixda la akhriyo rukuucda iyo sujuudda
Xukunka sujuudda Qur’aanka
Salaadda oo hurdo awgeed looga dib dhaco
Xanuunka foosha iyo salaadda
Goynta salaadda
Sahwiga salaadda
Salaad la tukaday xijaab la’aan
Salaadda masjidka
Qur’aanka salaadda lagu tukado kor ma u qaadayaan haweenku
Nin aan tukan sidee loola joogayaa
Asturidda cagaha iyo cumaacumaha marka salaadda la tukanayo
Kee dambi badan, taariku salaadka iyo saaniga?
Nin xaaskiisa salaadda kala quustay
Kee la hor marinayaa lawyaha iyo calaacalaha marka la sujuudayo
Salaadda la tukado witriga gadaashiis

Haweeney uur leh oo aan kaadida ceshan karin salaadda ma ka tegaysaa?
Su’aasha 44aad: Haweeney uur leh oo ku jirta bishii sagaalaad isla markaana kaadida aan ceshan karin daqiiqad kaliya, ayaa salaaddii iska deysey bishii ugu dambeysey, haddaba maxaa laga doonayaa haweentaas?
Jawaab: Haweeneydaas iyo wixii la mid ah uma bannaana inay salaadda ka tagaan waxaana ku waajiba in ay u tukato hadba sidii ay u tukan karto, salaad kasta marka waqtigeeda la gaaro waa inay xirato suufka dhiigga celiya (xafaayad iwm), sida haweenka dhiig furanka qaba oo kale waana inay salaad kasta marka waqtigeedu galo weysaysato oo tukato, salaad sunne ahna way ku tukan kartaa weysadaas, waxaa kaloo u bannaan inay kulmiso salaadaha duhurka iyo casarka sidoo kalena ay kulmiso maqribka iyo cishaha, Allaah wuxuu yiri:
(Alle ka cabsada inta aad kartaan).
Waxaa ku waajiba inay qalleyso salaadihii ay ka tagtay Allena u toobad keento subxaanahu wa tacaalaa, salaaddii ka tagtayna ay ka qoomamayso, go’aan adagna ay ku gaarto inaysan mar dambe u noqon doonin.
Allena wuxuu yiri:
(U toobadkeena (u noqda) xagga Allaah dhammaantiin mu’miniineey waad liibaanaysaane).
Salaad waqtigeed soo galay ayay caado heshay
Su’aasha 45aad: Haddii ay haweentu caado hesho iyadoo salaad wakhtigeed soo galay, walise aan tukan miyay waajib ku tahay inay qallayso markay daahir noqoto, sidoo kalena haddii ay daahir noqoto iyadoo salaad waqtigeed la joogo?
Jawaab: Haweentu haddii ay caado hesho iyadoo salaad waqtigeed soo galay walise aan tukan waxaa ku waajiba inay salaaddaas qallayso markay daahir noqoto rasuulkuna wuxuu yiri:
(Ruuxii salaadda ragcad ku soo gaara salaaddaas wuu soo gaaray).
Sidaas darteed haddii ay haweentu waqtiga salaadda ka soo haleesho in ragcad laga tukado oo kale, kaddibna ay dhiig hesho inta aanay tukan waxaa ku waajiba inay qallayso markay daahir noqoto.
Tan labaad: Haddii ay caadadii ka daahir noqoto intaan salaadda waqtigeedu bixin waxaa ku waajiba inay salaaddaas qallayso (haddii salaaddaasi dhaafto), tusaale ahaan haddii ay daahir noqoto intaysan qorraxdu soo bixin wax yar oo inta ragcad laga tukado oo kale ah waxaa ku waajiba inay salaaddaas qallayso, sidoo kale haddii ay daahir noqoto habeenka kala barkiisa wax yar ka hor inta hal ragcad laga tukado oo kale, waxaa ku waajibaya inay qallayso salaaddii cishaha, haddiise ay daahir noqoto habeenka kala barkiisa kaddib kuma waajibayo inay cishihii qallayso, waxayna ka bilaabaysaa salaadda subax marka waqtigeeda la gaaro, Allaahna subxaanahu wa tacaalaa wuxuu yiri:
“Markii aad xasishaan salaadda ooga, waayo salaaddu mu’miniinta waxay ku tahay waajib waqtiyaysan (muddaysan).”
Qofna uma bannaana inuu salaadda waqtiga loo xadeeyey ka dib dhigo ama ka hor mariyo.

Haweenku ma tukan karaan salaad jamaaco ah?
Su’aasha 46aad: Haweenku ma leeyihiin salaad jamaaco ah mise kali kali ayay u tukanayaan? Haddiise ay leeyihiin salaad jamaaco ah ma ii bannaan tahay in aan hablahayga la tukado salaadaha si ay u helaan ajarkii jamaacada?
Jawaab: Ragga waxaa ku waajiba inay salaadda jamaacada masaajidka soo xaadiraan, haweenka iyaga gurigooda inay ku tukadaan ayaa u khayr badan haddiise ay rabaan masaajidka iyo salaadda jamaacada waxaa haboon in aan loo diidin.
Haddii haweenku gurigooda joogaan jamaaco ahaan way u tukan karaan, haweenta tujinaysana safka ayay wax ka galaysaa oo horay usoo bixi mayso, jamaacadoodana kama helayaan fadligii jamaacada ragga oo kale.
Ninka uma bannaana inuu masaajidka iska daayo oo gurigiisa ku tujiyo haweenkiisa ama ehelkiisa, waayo ragga waxaa ku waajib ah inay masaajidka ku tukadaan salaadaha (shanta ah) ee la waajibiyey.

Haweenku ma adimi karaan, codkooduse cawro miyaa?
Su’aasha 47aad: Ma u bannaan tahay haweenku inay adimaan, hadalkooduse cawro miyaa?
Jawaab: Haweenku ma adimi karaan sida saxiixa ah salaadooduna addin iyo aqimaad midna ma leh, Bukhaari wuxuu wariyey xadiis saxiix ah oo laga wariyey Asmaa bintu Yaziid waxayna tiri: Nabigu wuxuu yiri:
(Haweenka (salaaddoodu) ma leh, addin iyo aqimaad).
Lamana sheegin waagii Nabiga iyo waqtigii khulafadaba haweeney addin loo dhiibay ama adintay.
Haweenka hadalkooda oo dhan cawro ma ahan, waagii Nabiga haweenku Nabiga ayay u soo ashtakoon jireen, waxayna wax ka weydiin jireen cilmiga sharciga ah, xilligii khulafada iyo madaxdii ka dambeysey sidoo kale ayay yeeli jireen, raggana way salaami jireen salaantana way ka qaadi jireen, arintaasna laguma qoonsan jirin.
Waxaanse bannaanayn inay ragga kula hadlaan hadal jilicsan oo is jajabin ku jirto si aan raggu ugu fitnoobin Allaahna wuxuu yiri:
(Haweenka Nabigow ma tihidiin sida haweenka kale haddaadse dhawrsataan hadalka ha jilcinina si aysan idiin hunguriyeyn ragga laabta ka jirran, oo hadal wanaagsan ku hadla)

Labiska maro kaa xaaraan ah salaadda ayaa kaaga buraysa.
Su’aasha 48aad: Haweeney ayaa waxay samaysatay maro ay salaadda kaliya ku tukato, maradaasina waxay ka mid tahay dharka ragga, haddaba ma u bannaan tahay inay ku tukato, mase soo galaysaaa isku shabihiddii ragga?
Jawaab: Haddii ay maradaasi tahay dharka ragga u gaarka ah waa ka xaaraan inay labisato ama salaad ku tukato, Nabigu wuu lacnaday haweenka ragga isu ekaysiiya iyo raga haweenka isu ekaysiiya, mana bannaana inay haweenku labistaan dharka ragga u gaarka ah ama raggu labisto dharka haweenka u gaarka ah.
Waxaa waajib ah in aan ogaanno waxa dharkaas lagu kala soocayo? Laguma kala soocayo dharka ragga iyo kan haweenka midab kaliya ee waxaa lagu soocaa midab iyo qaabka tolmada, haweenku way labisan karaan maro cad, haddii loo tolo habka dharkooda, haddiise ay caddaato marada haweentu xiratay inay ka mid tahay dharka ragga u gaarka ah, waa ka xaaraan salaadduna ugu ansixi mayso sida ay culimada qaarkood qabaan iyagoo shardi ka dhigay marada la isku asturayo inay noqoto mid sharciga ku bannaan.
Mas’aladaan culimadu way isku khilaafsan yihiin, culimada qaarkood waxay qabaan sida aan soo xusnayba inay maradu noqoto mid sharciga ku bannaan iyo qaar kale oo aan sidaas shardiyayn, qolada hore waxay soo daliilsadeen in asturidda cawradu tahay shardi ka mid ah shuruudaha salaadda ayna daruuri tahay waxa cawrada lagu asturayaa inay noqdaan wax uu Allaah oggol yahay, hadduusan oggolayna shardi ahaan ma noqonayaan wax cawro asturaya khilaafka ay la yimaadeen awgeed.
Qolada kale ee oranaysa way ku ansaxaysaa salaaddu iyadoo qofkaasi dambaabay waxay yiraahdeen maradu jirka way asturaysaa dambiguna waa baab kale oo ka baxsan salaadda, xaaladdu si kastaba ha noqotee qofka ku tukanaya maro ka xaaraan ah salaaddiisu waxay halis u tahay in aan laga aqbalin.

Haweenku rag ma tujin karaan?
Su’aasha 49aad: Waxaan dhigtaa kulliyadda shareecada ninkaygana waa jaahil waana ka badiyaa diinta ee ma ii bannaan tahay in aan salaadda tujiyo oo imaam u noqdo?
Jawaab: Uma bannaana haweeney inay rag tujiso waana isku mid inuu yahay ninkeedii ama wiilkeeddii ama aabaheed. Nabiguna wuxuu yiri:
(Ma liibaanayaan qoom haween taladooda u dhiibtay).
Mana tujinayso xataa haddii ay Qur’aanka ka badiso in kastoo Nabigu yiri:
(Dadka waxaa tujinaya kan u Qur’aan badiya), haddana haweenku markay rag la joogaan ma soo galayaan xukunkaan, Allena wuxuu yiri:
(Kuwa xaqa rumeeyow yuuna yasin ragna rag kale waxay u dhowdahay inuu ka khayr badan yahaye, haweenna yaysan yasin haween waxay u dhow yihiin inay ka khayr badan yihiine). Allaah subxaanahu wa tacaalaa dadka wuxuu u qaybiyey laba qaybood oo kala ah rag iyo dumar sida aayadda kor ku xusan tilmaamayso, sidaas awgeed haweenku ma soo galayaan markii ay rag la joogaan xaddiiska Nabiga ee ah: (Dadka waxaa tujinaya kan u Qur’aan badiya).

Ma qallaynaysid salaaddii hore
Su’aasha 50aad: Waxaan ahaan jirey taariku-salaad kaddibna Alle ayaa igu galladaystay hanuun waxaan noqday mid ku dadaala gudashada salaadaha, su’aashayduna waxay tahay; Waajib miyay igu tahay in aan qalleeyo salaadihii aan ka tegey sannadihii la soo dhaafay?
Jawaab: Haddii uu qofku ka tago salaadda muddo dhan sannado, kaddibna toobad keeno salaadahana ilaaliyo kuna dadaalo gudashadooda, kuma waajibayso inuu soo qalleeyo salaadihii uu horay uga tagey.
Haddii shardi laga dhigi lahaa inay soo qalleeyaan salaadihii hore arintaasi dad badan ayay toobadda ka hor istaagi lahayd waxaase qofka la farayaa inuu salaadaha ilaaliyo mustaqbalka, isla markaana badiyo sunnooyinka, samafalidda iyo khayrka, Allena uu ka cabsado.

Sujuudda Qiraa’ada xaalad kasta way ku bannaan tahay.
Su’aasha 51aad: Xaqiiqo miyaa inuusan gaalku qof muslim ah ilayn karin? Markii aan akhriyo aayad sujuudi ku jirto ma waxaan sujuudayaa anigoo sidayda ah oo madaxa iyo jirku ii asturnayn?
Jawaab: Arintaasi xaqiiq ma ahan oo gaalku dadka kale ayuu la mid yahay, ishuna waa xaq.
Xaalad kasta oo aad ku sugan tahay sujuudaas waad sujuudi kartaa xataa haddii madaxu kuu bannaan yahay, sida raajixa ahna sujuudaasi salaadda la xukun ma ahan.

Waswaaska iyo shakiga
Su’aasha 52aad: In badan ayaan ku shakiyaa tirada ragcadaha aan tukaday Qur’aanka kor baan u akhriyaa si aan u xusuusto waxaan akhrinayo sidaasoo ay tahay shakigu igama tago, markii aan salaadda dhameeyo waxaan is oranayaa waxaad ka tagtay ragcad ama sujuud ama ataxiyaad, waxaan ku dadaalaa in aanan salaadda dhexdeeda ku shakiyin, waxna kama faa’iido, waxaan idinka rajaynayaa in aad ii bayaanisaan sida aan yeelayo, tan kale haddii xaaladdu sida aan sheegay tahay igu waajib miyaa in aan salaaddaas ku celiyo? Mase jirtaa duco aan ku ducaysto markaan salaadda bilaabayo oo shakiga iga saarta?
Jawaab: Waxaa waajib ah in aad waswaaska la dagaashid oo aad ka digtoonaatid isla markaasna badisid cawdu billaysiga Allena wuxuu yiri:
(Waxaad dhahdaa (Nabiyow) waxaan ka magangalay Eebbaha dadka barbaariya. Ee dadka xukuma. Ee ah Ilaaha dadka. Sharka midka wax waswaasiya ee isqarinta badan (ayaan kaa magangalay). Ee waswaasiya laabta (Qalbiga) dadka. (Kuwaas wax waswaasiya) oo ah Jinni iyo Insiba).
Wuxuu kale oo Alle yiri:
(Hadduu ku waswaasiyo shaydaan xaggiisa waswaasiye ka magangal Allaah isagaa wax maqla waxna oge).

Marka aad weysaysato ama salaadda tukato haddii aad shakidid markaas shakigu wax ka soo qaad ma leh waxaadna u qaadanaysaa in weysadu ama salaadda saxan tahay, haddiise adigoo salaadda ku jira aad shakidid in aad saddex rakcadood tukatay iyo in aad afar tukatay, waxaad ka soo qaadaysaa in aad saddex tukatay, salaaddana waad dhammaystiraysaa, kaddibna labo sujuudood ayaad sujuudaysaa inta aadan salaamo naqsan, sababtoo ah Nabigu wuxuu amray in uu sidaas oo kale sameeyo qofkii arrintaas oo kale ay ku dhacdo, Alaahna waxaan weydiisanaynaa inuu naga badbaadiyo shayaadiinta.

Gambaleelka guriga ayaa la yeeriyey anigoo salaad ku jira.
Su’aasha 53aad: Haddii anigoo salaad ku jira gambaleelka albaabka la yeeriyo gurigana qof kale joogin maxaa ila gudboon in aan sameeyo?
Jawaab: Haddii salaaddu sunne tahay arintu waa waasic waana ka bixi kartaa salaadda sida adiga oo garanaya dadka albaabka garaacaya oo kale. Haddiise ay salaaddu waajib tahay ma bannaana in lagu degdego, haddii aysan jirin arrin muhim ah oo laga cabsanayo inay ku dhaafto, haddii ay suurta gal tahayna waxaa qofka albaabka garaacaya lagu baraarujin karaa subxaanalaysi gaar ahaan ragga, haweenkuna sacabbada ay isla dhacaan, si qofka albaabka garaacaya u ogaado in qofka guriga ku jiraa salaad ku mashquulsan yahay intaas baana ku filan, sidii uu rasuulku yiri:

Haddiise qofka albaabka garaacaya aanu maqlayn baraarujintaas waxna uusan ka faa’iidayn dhib ma lahan in salaadda sunnada ah looga baxo arrintaas darteed, salaadda waajibka ahna haddii laga cabsanayo in qofka albaabka garaacaya arrin culus hayso (haddii albaabku u dhow yahay dhanka qibladana jiro wax yar ayaad horay u baxaysaa albaabka furaysaa sidii Nabigu yeelay mar ay Caa’isha Allaah haka raali noqdee albaabka soo garaacday isagoo salaad ku jira), dhib ma lahan in laga baxo salaadda oo laga furo albaabka kaddibna salaaddii la soo bilaabo.

Dhib kuma sugna in Salaatu Laylka Qur’aanka kitaabka laga akhriyo
Su’aasha 54aad: Qur’aanka in yar ayaan ka xafidsanahay waxaan jeclahay in aan salaatulaylka Qur’aanka ku khatimo, ma ii bannaan tahay in aan kitaabka ka akhriyo Qur’aanka markaan tukanayo?
Jawaab: Dhib kuma sugna arrintaas Bukhaarina wuxuu kitaabkiisa saxiixa ah tacliiq ahaan ugu wariyey in Caa’isha Allaah ha ka raali noqdee mawlaheedii ay xoraysay oo la oran jirey Dakwaan uu Ramadaanta tujin jirey isagoo Qur’aanka ka akhrinaya musxafka, sidaas ayayna qabaan ahlu cilmiga badankoodu dadka diidaya ma haystaan xujo fiican oo la cuskan karo, sababtoo ah dadku Qur’aanka ma wada xafidsana aad baana loogu baahan yahay in Qur’aanka kitaabka laga akhriyo haddii salaad la tukanayo iyo haddii kaleba, gaar ahaan salaatulaylka iyo taraawiixda iyo tahajudka Ramadaanta dadka aan Qur’aanka xafidsanayn.

Inta ugu yar iyo inta ugu badan ee tasbiixda la akhriyo rukuucda iyo sujuudda
Su’aasha 55aad: Maxay tahay tirada ugu yar iyo tan ugu badan ee la akhriyo tasbiixda rukuucda iyo sujuudda?
Jawaab: Rukuucda waxaa la akhriyaa [سبحان رب العظيم وبحمده ] sujuuddana [سبحان رب الأعلى وبحمده ] waxaana ugu yar inta la oranayo middiiba 3 jeer waxaana ugu badan imaamku inuu yiraahdo 10 jeer, laakiin qofku haddii uu hal mar yiraahdo waajibku waa ka dhacayaa, waxaana sunno ah tasbiixda kaddib in Allaah la amaano marka la rukuucsan yahay, sujuudana waxaa la badinayaa ducada.

Xukunka Sujuudda Qur’aanka
Su’aasha 56aad: Miyay igu waaajib tahay in aan sujuudo haddii aan akhriyo aayad ay ku jirto sujuud?
Jawaab: Sujuudda Qur’aanka akhrintiisa ku timaada waa sunno la adkeeyey oo aysan haboonayn in laga tago, haddii qofku soo maro aayad sujuudi ku jiro waa inuu ku sujuudo, haddii uu Qur’aanka kitaab ka akhrinayo ama uu kor ka akhrinayo ama uu salaad iyo qayrkeed ku akhrinayo kuligood waa isku mid, waajibse ma ahan haddii uu ka tagana kuma dambaabayo, waayo waxaa ka sugnaatay amiirkii mu’miniinta Cumar bin Khadaab inuu akhriyey Aayad sujuudi ku jirta suuradda Al-Naxal isagoo khudbad jimce akhrinaya oo uu inta soo degtay sujuuday, jimcadii xigtayna uu akhriyey isla aayaddii isagoon ku sujuudin, kaddibna uu yiri: Alle naguma waajibin sujuudda (Macnaha sujuudda Qur’aan akhriska ku timaada) in aan annagu doonno mooyaane, wuxuuna hadalkaas ka yiri saxaabadii Nabiga hortooda waxaana dhacay in Zeyd bin Thaabit uu Nabiga ku dul akhriyey suuradda Al-Najmi mana ku sujuudin, hadday waajib tahayna wuxuu fari laha inuu ku sujuudo, sidaas darteed sujuuddaasi waa sunno la adkeeyey oo aysan haboonayn in laga tago, xataa haddii ay tahay waqtiyada la diiday salaadda, sida salaadda subax iyo tan casar gadaashooda, sababtoo ah sujuuddani sabab ayay ku timid, waxaa taas iyana la mid ah salaadaha sababta Ieh oo dhan waana la tukanayaa xataa waqtiyada salaadda la diiday, waxaana salaadahaas ka mid ah; taxiyatul masjidka iyo sujuudda ku timaadda Qur’aan akhrinta iwm.

Salaadda oo hurdo awgeed looga dib dhaco
Su’aasha 57aad: Anigu waxaan ahay gabar in badan ayayna salaadda maqrib hurdo awgeed iiga tagtaa, waxaan qalleeyaa subixii ama waqti dambe, haddaba arrintaas xukunkeedu sidee noqonayaa?
Jawaab: Arrintaas xukunkeedu waa in aysan qofna u bannaanayn inuu salaadda fududaysto ilaa waqtigeedu ka baxayo, haddii uu qofku hurdo, qof kale ayuu kala dardaarmi karaa inuu toosiyo si uu u tukado waana lama huraan arrintaasi, suurta galna ma ahan in salaadda maqribka ama cishaha la tukan ilaa subaxa laga gaarayo balse waxaa waajib ah in aad salaadda waqtigeeda ku tukatid, gabadhaasna waxaa laga doonayaa inay ehelkeda ku booriso inay toosiyaan.
Haddii ay dhacdo arrin kadiso ah ama arrin aan caadi ahayn oo hur badani hayso salaaddii maqribna ay tukatay ayna ka cabsato haddii seexato iyadoo aan cishaha tukan inay hurdo ka qaalib noqoto oo ay subax ka hor soo toosi weydo, xaaladdaas oo kale dhib ma lahan inay cishaha iyo maqribka wada tukato si aysan salaadda cishuhu u dhaafin waqtigeeda, arrintaasna ma dhacdo in xaalad aan caadi ahayn jirto mooyaane, si iyadoo soo jeedda habayno, ama ay xanuunsan tahay iwm.

Xanuunka foosha iyo salaadda
Su’aasha 58aad: Ma ii bannaan tahay in aan tukado anigoo dareemaya fool (xanuun dhalmada)?
Jawaab: Haweentu way tukanaysaa markii ay daahir ka tahay dhiigga caadada iyo kan dhalmada, haddiise dhiig ka yimaado maalin iyo wax la mid intaysan dhalin ka hor dhiiggaasi wuxuu la xiriiraa kii dhalmada kumana tukanayso.
Haddii aysan dhiig isku arag way tukanaysaa xataaa iyadoo xanuun dhalmadu hayo, sida uu qofka xanuunsanba u tukado isagoo xanuun dareemaya, salaadduna kama dhacayso inta uu qofka caqligiisu taam yahay.

Goynta salaadda
Su’aasha 59aad: Haddii aan is hilmaamo oo ku tukado maro nijaaso ah kaddibna aan xusuusto anigoo salaadda ku dhex jira, miyay ii bannaan tahay inaan salaadda gooyo, oo marada iska beddelo? Maxayse yihiin xaaladaha salaadda la goyn karo?

Jawaab: Ruuxii tukada isagoo og inay maradiisu nijaaso leedahay salaadiisu way burtay, haddiise uu tukado isagoo najaaso leh aanse isku ogayn salaaddiisu way ansaxaysaa, mana soo celinayo, haddiise uu ogaado isagoo salaadda ku dhex jira nijaasaduna ay tahay mid uu si dhakhso leh isaga suulin karo wuu iska suulinayaa nijaasada, salaaddiisana wuu dhammaystiranayaa,
Waxaana dhacday in Jibriil u yimid Nabiga oo salaad ku jira una sheegay in kabihiisu najaaso leeyihiin, Nabiguna uu kabihii iska bixiyey, salaaddiina aysan ka burin (oo dhammaystiray), waxaana taas la mid ah haddii aad najaaso ku aragtid cimaamadda iwm oo dharka la iska tuuri karo ah, haddiise uu u baahdo inuu iska siibo khamiiska ama surweelka oo iyagu hawl u baahan waqtina qaadanaya, salaaddu way kala go’aysaa (waana inuu soo bilaabo mar kale), sidoo kale salaaddu way buraysaa hadduu ogaado isagoo tukanaya in aanu weeso qabin ama weysadu ka burto ama uu la yimaado qosol iwm.

Sahwiga salaadda
Su’aasha 60aad: Waxaan tukaday salaad Duhur, markaan salaaddii ka baxay ayaan ogaaday in aan saddex rakacadood tukaday, haddaba ragcadda dhimman miyaan tukanayaa oo sujuuddii sahwiga la imaanayaa mise salaadda oo dhan baan ku celinayaa?

Jawaab: Haddii qofka tukanayaa ka tago ragcad ama wax ka badan oo salaaddiisa ka mid ah waqti yar kaddibna uu xusuusto sida shan daqiiqo oo kale isagoo jooga halkii uu ku tukaday wuxuu dhammaystirayaa salaaddiisa intii u dhimanayd kaddibna wuu salaama naqsanayaa, markuu salaamo naqsado kaddib ayuu haddana laba jeer sujuudayaa (sujuuddii sahwiga) kaddibna wuu salaama naqsanayaa.
Haddii uu xusuusto rakcadda uu ka tagey nus-saac iyo wax la mid ah kaddib ama uu xusuusto isagoo ka tagey meeshuu ku tukaday, salaadda wuu ku celinayaa dhammaanteed intii horena waxba laga soo qaadi mayo maadaama rakcadihii salaaddu aysan xiriir ahayn.

Salaad la tukaday xijaab la’aan
Su’aasha 61aad: Waxaa dhacda marmarka qaarkood inay duruufi igu khasabto in aan tukado anigoon xijaabnayn ama aan si sharciga waafaqsan u xijaabnayn, oo timahayga qaar ka muuqdo ama ay dhudhumadu i muuqdaan, haddaba sidee arrintaas xukunkeedu noqonayaa?
Jawaab: Marka ugu horraysa waxaa haboon in la ogaado inuu xijaabku haweenka waajib ku yahay oo aysan haboonayn inay ka tagaan ama ay fudadaystaan, haddiise salaad waqtigeed soo galo iyadoon xijaabnayn ama aan si fiican u asturnayn markaas arrinteeda waa la kala qaadayaa.

  1. Haddii ay weydo waxay ku xijaabato ama duruuftu u saamixi weydo inay si fiican isu asturto sideeda ayay ku tukanaysaa salaaddeeduna waa ansaxaysaa kumana danbaabayso Allaaha wuxu yiri: (Allaah ruuxna kuma kalifo waxaanu awoodin). Aayad kalena wuxuu ku yiri: (Alle ka cabsada intaad kartaan)
  2. Haddii ay la xijaaban wayday oo ay isla asturi weydey hawo raacid iyo ku dayasho caadooyin kale iwm, oo jirkeeda aan xijaabneyn ku eg yahay wajiga iyo calaacalaha meeshana ay joogaan rag ajnabi ka ah way dambaabaysaa salaadeeduse way ansaxaysaa. Haddii jirka aan asturneyn uu yahay gacmaha iyo kubabka ama dhudhumada lugaha iyo timaha iwm salad inay tukato uma bannaana, haddii ay sidaas ku tukatana salaaddeedu waa baadil, waxayna dambaabeysaa labo jeer oo kala ah: astur la’aanta jirkeeda iyo salaadda ay gashay iyadoo xaaladdaas ku sugan.

 

Salaadda masjidka
Su’aasha 62aad Haddii ay gabadha muslimadda ah u xijaabato si sharciga waafaqsan, ayna jirkeeda oo dhan asturto waxaan ka ahayn wajiga iyo calaacalaha, ayna doonayso in ay salaadaha oo idil masjidka ku tukato ma u bannaan tahay arintaasi, mise waa inay ninkeeda markasta masjidka u raacdo?
Jawaab: Dhib kuma sugna in ay haweentu masaajidka ku tukato haddii ay si sharciga waafaqsan u xijaaban tahay oo ay wajigeeda iyo gacmaheedaba qariso isla markaana aysan is carfin marka ay baxayso rasuulkuna wuxuu yiri:
(Haweenku ha u diidina masaajidda Ilaahay) isla xaddiiskaas dhaammaadkiisa rasuulku wuxuu yiri: (Guryahoodaana u khayr badan).

Qur’aanka salaadda lagu tukado kor ma u qaadayaan haweenku?
Su’aasha 63aad: Waa maxay xukunka inay haweenku salaadda u aqimaan, iyo inay Qur’aanka kor u akhriyaan markay salaadda tukanayaan iyo inay gacmaha kor u qaadaan markay takbiirsanayaan?
Jawaab: Asal ahaan wixii u sugnaaday ragga oo axkaam ah haweenkana waa u sugnaaday wixii loo helo daliil qaacidadaas khilaafsan mooyaane, wax kasta oo salaadda ku saabsan oo ragga u sugnaaday haweenkana waa u sugan yihiin, wixii daliil kala saaraya loo helo mooyaane, waxaana ka mid ah waxay ku kala duwan yihiin akhriska salaadda oo haweenku kor ugu dhawaaaqi mayaan salaadaha jahriga ah ee akhriskooda kor loo qaado, haddiise ay gurigeeda ku tukanayso rag maqlayaana jirin markaas dhib kuma sugna inay kor u qaaddo Qur’aanka ay salaadda ku tukanayso, gacmo kor u qaaditaanka dumarku ragga ayay kala mid yihiin.

Nin aan tukan sidee loola joogayaa
Su’aasha 64aad: Haddii haweentu tukato ninkeeduna aanu tukan miyay sidaas kula joogaysaa?
Jawaab: Haddii haweenta la qabo ninkeedu aanu tukan, oo la xaqiijiyo in uusan ku tukan masaajidka iyo guriga midna, way ka fasakhmaysaa xaasna uma noqon karto umana bannaana inuu naagaysto, sababtoo ah ajnabi ayay ka noqotay waxaana waajib ah inay reerkoodii aaddo oo ay falankeeda gasho sidii ay uga madax bannaanaan lahayd ninkaas isaga ah ee gaaloobay islaamnimadiisi kaddib, waxaan ka rajaynayaa haweenka inay hadalkaygan qaataan, waxaan oranayaa: Haweeney kasta oo ninkeedu aanu tukan uma bannaana inay la joogto qaddar yar oo il biriqsi dhan, haddii ay caruur u haysana caruurtu iyaday raacaysaa oo isagu xaq kuma laha tarbiyadooda, waayo gaal xanaanayn kuma lahan muslim, haddiise Allaah soo hanuuniyo oo uu tukado markaas way u noqonaysaa haddii aysan ciddadii dhammaan, haddiise ciddadu dhammaato intuusan salaaddii ku soo noqon go’aan ayay ka gaari kartaa, culimada badankeedu waxay qabaan ninka murtadka ah ee diinta ka baxay xaaskiisu haddii ay ciddadu u dhammaato isagoo aan wali diinta u soo laaban inaysan ku noqonayn nikaax cusub inay sameeyaan ma’ahee.

Asturidda cagaha iyo cumaacumaha marka salaadda la tukanayo.
Su’aasha 65aad: Muxuu yahay xukunka asturidda cumaacumaha gacanta iyo cagaha, marka salaadda lagu jiro? Waajib miyay ku tahay inay haweentu qariso, mase bannayn kartaa gaar ahaan haddii aysan dad ajaanib ahi la joogin ama ay haween la tukanayso?
Jawaab: Waxaa sunno ah in wajiga la baneeyo marka salaad la tukanayo haddii aysan arkayn dad ajaanib ka ah, laakiin cagaha in la qariyo ayaa waajib ah, sida ay qabaan jamhuurka culimadu, waxaa jirta in culimada qaarkood ay baneeyaan in aan la qarin cagaha, waxaase waajib ah in la asturo sida ay qabaan jamhuurka ahlu cilmigu.
Abu Daawuud wuxuu Umu-Salama Alle ha ka raalli noqdee ka wariyey in la weydiiyey haweeney ku tukanaysa cambuur ayna ku tiri:
(Dhib ma lahan haddii cagaheeda hoose uu qarinayo) waxaana dhowrsanaantu ku jirtaa in la qariyo sidaas ayaana wanaagsan dhan kastaba, ahlu cilmiga qaarkood waxay qabaan in la asturo inay mudnaanta leedahay.

Kee dambi badan taariku salaadka iyo saaniga
Su’aasha 66aad: Ilaahay wuxuu naga xaaraan-tinimeeyey in aan salaadda ka tagno iyo in aan sinaysano, haddaba kee ayaa labadooda dambi badan?
Jawaab: Salaadda ka tagiddeeda ayaa ka dambi badan sinada, waayo qofka salaada ka taga gaalnimo cad ayuu la yimid oo diinta wuu ka baxay, laakiin sinadu waxay ka mid tahay dambiyada waaweyn qofkuna kuma gaaloobayo haddii uusan xalaalaysan, waxaana waajib ah in lagu qaado xugunkii sharciga ahaa ee qofka sinaysta ciqaabtiisa ahayd haddii arintiisa la soo gaarsiiyo maamulka ka jira halka uu jooga.

Nin xaaskiisa salaadda kala quustay.
Su’aasha 67aad: Maxaa la gudboon ninku haddii uu xaaskiisa ku baraarujiyo inay tukato salaadda oo ay tukan weydo?

Jawaab: Xaaskiisu haddii aysan tukanayn diinta way ka baxday wayna gaaloowday mana bannaana inay sidaas kula joogto waxaana ku waajiba inuu waaniyo oo ku boorriyo inay Allaah ka cabsato, waayo ruuxa aan tukan waa gaaloobay diinna malahan waxaana u daliila kitaabka Allaah iyo sunnada Nabiga iyo qowlka saxaabada iyo caqliga wanaagsan, Qur’aanka waxaan daliil u soo qaadan karnaa Allaah markii uu mushrikiinta ka hadlayey oo uu yiri:
(Haddii ay toobad keenaan oo Salaadda oogaan Sakadana bixiyaan waa walaalihiinna diinta).
Aayadda waxaan ka fahmaynaa sida la faray haddii aysan yeelin inaysan walaalnimo naga dhexayn, Nabiguna wuxuu yiri:
(Qofka iyo gaalnimada iyo shirkiga waxaa u dhexeeya salaadda ka tegiddeeda).
Xaddiiskii Burayda ayaa isna sidoo kale xusay wuxuuna ahaa:
(Annaga iyo gaalada waxaa noo dhexeeya salaadda, ruuxii ka tagaana waa gaaloobay).
Cumar bin Khaddaab waxaa laga wariyey inuu yiri: (Ruuxa aan tukani Islaamka waxba kuma lahan).
Cabdulaahi bin Shaqiiq wuxuu yiri: Asxaabtii Nabigu uma aanay arkayn camal ka tegiddiisu gaalnimo tahay salaadda ma ahee.
Haddii aan maskax caafimaad qabta wax ku eegno waxaa arrin la is weydiiyo ah ruux ay qalbigiisa ku jirto in yar oo iimaan ah oo garanaya salaadda weynaanteeda iyo sida uu Allaah u qaddariyo inuu ku dhiirado ka tegiddeeda? Waa arrin aan suurta gal ahayn.

Haddaba markii ay inoo caddaatay ruuxa salaadda ka tagey gaalnimadiisa waxaa ka ratibmaysa axkaam, waana sidan:

  1. Ma bannaana in loo guuriyo isagoo aan tukan, haddii loo guuriyana ma ansaxayo nikaaxaasu xalaalna uma ahan Alaahna wuxuu yiri: (Haddii aad ogaataan inay xaqa dhabnimo u rumeeyeen ha u celinina gaalada, maxaa yeelay xalaal isuma ahan).
  2. Ruuxa aan tukan wuxuu gawraco lama cunayo, waana xaaraan, waxaana ka wanaagsan wixii ay gawracaan Yahuudda iyo Kiristaanku.
  3. Uma bannaana inuu Makka iyo xudduudeeda galo, Allaahna wuxuu yiri: (Kuwa xaqa rumeeyoow mushrikiintu (gaalada) waa nijaaso ee yaanay u soo dhawaan masjidka xurmaysan sannadkaan kaddib).
  4. Haddii uu dhinto qof ay is xigaan dhalasho ahaan ma dhaxlayo ruux aan tukan, matalan wiil iyo aabihiis haddii aanu wiilku tukan ma dhaxlayo aabihiis rasuulkuna wuxuu yiri: (Muslim iyo gaal midkoodna kan kale ma dhaxlo).
  5. Haddii uu dhinto la mayri mayo lamana kafnayo lagumana tukanayo, qubuuraha muslimiintana lagu aasi mayo, haddaba sidee loo galayaa? Waxaa la geynayaa bannaanka oo inta god loo qodo lagu duugayaa, waayo xurmayn malahan, sidaas darteed ma bannaana qof aan tukan haddii uu geeriyoodo in muslimiinta loo keeno si ay ugu tukadaan jinaaso.
  6. Maalinta qiyaamaha waxaa lala soo faylinayaa madaxdii gaalada Fircoon, Haamaan, Qaaruun iyo Ubaya bin Khalaf, jannadana geli mayo mana u bannaana in loo duceeyo oo Allaah dambi dhaaf loo weydiiyo sababtoo ah ma uu mutaysan waana arrin aad halis u ah, maantana waxaad arkaysaa qaar dadka ka mid ah oo ay guriga kula nool yihiin dad aan tukan arrintaasina ma bannaana Allaahna waxaan weydiisanaynaa badbaado.

 

Kee la hor marinayaa lawyaha iyo calaacalaha marka la sujuudayo
Su’aasha 68aad: Marka la sujuudayo keebaa sax ah in la hor mariyo gacmaha ama jilbaha?
Jawaab: Sida saxiixa ah waxaa la hor dhigayaa jilbaha kaddibna gacmaha kaddibna wajiga sida uu xusay xaddiiskii uu Nabiga ka wariyey Waa’il iyo axaaddiista kale oo la macnaha ah
Salaadda la tukado witriga gadaashiis
Su’aasha 69aad: Haddii aan witriga tukado habeenka qaybtiisa hore kaddibna aan soo tooso habaynka qaybtiisa dambe, sidee u tukanayaa?
Jawaab: Haddii aad witriga tukatid habeenka qaybtiisa hore kaddibna Allaah kuu fududeeyo in aad salaatu layl u soo kacdid habeenka aakhirkiisa, waxaad tukanaysaa wixii Allaah kuu fududeeyo oo salaad ah adigoo u tukanaysid labo labo ragco oo aan witri lahayn (waayo witrigii horay ayaad u soo tukatay). [Waxaa sidaas qaba Xambaliyada laakiin Imaamu Shaafici wuxuu qabaa haddii aad soo toostid gelinka dambe adigoo horay witrigii u tukaday waxaad tukanaysaa hal ragco oo aad shafci uga dhigaysid witrigii hore kaddibna wixii kuu fududaada ayaad tukanaysaa.] Nabigu wuxuu yiri: (Hal habeen labo witri ma leh).
Caa’ishana Allaah ha ka raalli noqdee waxaa laga wariyey inay tiri: Xigmadda arrintaas ku jirta Allaah ayaa og waxaase laga yaabaa in ummadda la tusayey in salaad la tukan karo witriga gadaashiis. [Ibnu Baaz 61]

Cutubka Saddexaad – Dhiigga Caadada iyo Dhalmada

DHIIGGA CAADADA IYO KAN DHALMADA

Cutubka Saddexaad
Haddii haweeney caado qabtaa ay weydo biyo ay isku daahiriso
Haween uur leh oo dhiig ka furmay
Dhibcaha dhiigga marka la daahir noqdo kaddib
Taabashada musxafka haween aan daahir ahayn
Ku negaashaha xaramka haween caado qabta
Umushu haddii ay daahir noqoto afartanka ka hor
Haweenka uurka leh dhiig caado ma helaan?
Dhiig furanka
Dhiig ayaa ka yimid markay qubaysatay kaddib
Kala go’a dhiigga caadada
Haween caado qabta ma ku sujuudaysaa qur’aan akhriska?
Xukunka dhiigga yimaada dhalmada ka hor shan cisho
Kiniinka joojiya dhiigga caadada
Haweenta caadada qabta iyo Salaadda
Taabashada Musxafka
Qoritaaka qur’aanka haween caado qabta
Ha deg degin
Dhiigga yimaada inta aan la gaarin waqtigii caadada
Haweentu haddii ay casarka daahir noqoto salaaddii duhur way qallaynaysaa
Haddii ay haweenta ilmuhu ka dilmaan bisha 3aad
Haddii dhiigga caadadu waqtigiisa dhaafo oo joogsan waayo

 

DHIIGGA CAADADA IYO KAN DHALMADA
Haddii haweeney caado qabtaa ay weydo biyo ay isku daahiriso
Su’aasha 23aad: Haweeney caadadiii ka go’day ayaa waxay weydey biyo ay isku daahiriso, iyadoo xaaladdaas ku sugan ma u bannaan tahay inuu ninkeedu u galmoodo, shardi la’aan?

Jawaab: Haddii haweenta dhiiggu ka go’o ayna awooddo inay mayrato uma bannaana inuu ninkeedu u galmoodo ilaa ay ka mayrato, haddiise aanay awoodin way booraysanaysaa waxaana sidaa qaba mad-habta jamhuurka sida Maalik, Axmed iyo Shaafici, sidaas oo kalena waxaa laga wariyey dhawr iyo toban saxaabada ka mid ah oo ay ka mid yihiin, Abuubakar, Cumar, Cali iyo Cismaan Allaah ha ka raali noqdee, qur’aankuna sidaas ayuu caddaynayaa oo Allaah wuxuu yiri:
*
“Ha u galmoonina haweenka ilaa uu dhiiggu ka go’o, haddii ay is daahiriyaan (ka qubaystaan dhiigga), uga galmooda halkii uu Alle idin faray.”
Mujaahid wuxuu yiri: () waxaa loola jeedaa ilaa uu dhiiggu ka go’ayo tan kalena () waxaa loola jeedaa markii ay biyo ku mayrtaan, xaqiiqduna waa sidaas.

Xaaraantinimaynta la xaaraantinimeeyey haweenka dhiigga qaba galmoodkoodu ma ahan mid ku suulaaya qubays iyo wax la mid ah, wuxuuse ku suulayaa dhiigga go’itaankiisa, marka uu dhiiggu go’o waxaa shardi ah inay ka qubaystaan inta aan loo galmooon, kaddibna haweenka waa loo galmoon karaa.

Allaahna waa tuu yiri:
(Haddii ay is daahiriyaan (ka qubaystaan dhiigga), uga galmooda halkii uu Alle idin faray).
Waxay kale oo la mid tahay aayadda uu Alle yiri;
*
“Haddii uu ku furo (dalqadii sadexaad) uma bannaana inuu guursado, ilaa nin kale guursado).
Ninka labaad ee guursaday nikaaxiisa ayay ku dhamaatay xaaraantinimayntii haweentaas laga xaaraantinimeeyey ninkii hore ee furay, markii ninka labaad guursado ninkii hore waxaa u xalaal ah inuu ku noqdo haweentaas laakiin waxay ku xiran tahay nin kale oo sidaas ayay mar labaad xaaraan uga tahay, haddii uu furo ninkaasi waxay xalaal u noqonaysaa ninkii hore.

Haween uur leh oo dhiig ka furmay
Su’aasha 24aad: Haweeney ayaa shil gashay bil Ramadaan iyadoo uur yar leh ilmihii ayaana ka dilmay kana soo dhacay kaddib markii uu dhiig badani ka yimid, haddaba miyay soonkii sii wadaysaa hadday afurtase dambi miyay leedahay?

Jawaab: Haweenka uurka leh dhiig caado ma helaan sida uu sheegay Imaamu Axmed, sida macruufka ahna haweenka uurka leh dhiigga caadadu waa ka joogsadaa.
Dhiigga caadada sida culimadu sheegeen wuxuu Allaah u abuuray xigmad ah in ilmaha uurka ku jiraa quutaan, markii ay haweentu uur yeelato waa go’ayaa dhiiggu, hase yeeshee haweenka qaarkood dhiigga caadadu kama joogsado markay uur yeeshaan oo sidii hore ayuu uga socdaa, dhiigga caynkaas ahina waa dhiiggii caadada oo saxiix ah, waayo sidii caadadiisu ahayd ayuu ku socday uurkuna ma saamayn, dhiigga caynkaas ahina wuxuu leeyahay xukunkii dhiigga caadada oo wixii haweenka xilligaas ka mamnuuc ahaa oo dhami waa ka xaaraan, wixii ku waajib ahaa oo idilna waa ku waajibayaan, wixii ka dhacayeyna waa ka dhacayaan.
Sideedana haweenka uurka leh dhiigga ka yimaadaa waa laba nooc, nooc lagu xukmiyo inuu yahay dhiig caado oo ah kan u socda siduu uga socon jirey uuraysiga ka hor, oo macnaha la arkayo in aan uurkiiba wax saamayn ah ku yeelan, oo uu markaas noqdo dhiig caado ah.
Nooca labaadna waa nooc kadiso ku yimaada oo haweenka uurka leh haddii ay wax culus qaadaan, ama ay shil galaan ama jugi gaarto oo dhiig ka yimaado dhiiggaasi ma ahan dhiiggii caadada oo kale kamana hor istaagayo salaad iyo soon waxayna la xukun tahay haweenka daahirka ah oo kale, haddiise ay ilmuhu kasoo dhacaan ahlu cilmigu waxay yiraahdeen haddii ilmuhu soo dhaco isagoo ay ka muuqanayso inuu astaan bani’aadam yeeshay waxay haweentaasi la xukun noqonaysaa ummusha oo tukan mayso soomina mayso ninkeeduna u galmoon mayo ilaa ay ka daahir noqoto, haddiise ilmuhu ka soo dhaco isagoon abuuris fiican yeelan, xukunkiisu kan umusha oo kale noqon mayo waxaana laga doonayaa soon iyo salaad.

Culimadu waxay sheegeen waqtiga ugu yar ee ay ilmaha abuuristoodu dad

********Miuraddii ku yeelan kartaa inay tahay kow iyo siddeetan maalmood sida uu Cabdullaahi bin Mascuud Rasuulka ka wariyey isagoo yiri:
*
“Rasuulka Alle ayaa noo warramay waana runlow la rumaysto, wuxuu yiri: “Qofkiin ayaa lagu beeraa caloosha hooyadiis afartan cisho kaddibna afartan kale markuu joogo wuxuu noqdaa xinjir dhiig ah, afartan cishoo kale kaddibna wuxuu noqdaa goosin (cad hilib ah), kaddib ayaa loo soo diraa Malag waxaana la faraa afar kalimo, wuxuuna qoraa risqigiisa, inta uu noolaanayo iyo ahlu naar iyo ahlu janno midka uu noqonayo.”
Suurta galna ma ahan waqtigaas ka hor inay ilmuhu abuuris (fiican) yeeshaan, sida qaalibka ahna abuurista ilmuhu si fiican uma samaysanto inta ka horraysa sagaashan cisho sida ay ahlu cilmiga qaarkooda sheegeen.

 

Dhibcaha dhiigga marka la daahir noqdo kaddib
Su’aasha 25aad: Qof dumar ah ayaa markii ay dhashay oo daahir noqotay laba cisho kaddib isku aragtay dhibco dhiig ah, haddaba maxay falaysaa? Miyay iska daynaysaa salaadda iyo soonka?

Jawaab: Mashaakilka haweenka ee la xiriira dhiigga caadada iyo kan dhalmada wuxuu noqday bad aan xeeb lahayn, sababaha arrintaas keenayna waxaa ka mid ah isticmaalka kiniinka uuraysiga iyo dhiigga caadada lagaga hor tago, qarniyadii inaga horreeyey mashaakilkaan faraha badan ma ay qabi jirin inkastoo ilaa iyo markii Nabi Muxamed la soo saaray amase markii dhulka guudkiisa haween lagu arkay mashaakilkani uu jirey, haddana sidaan maanta uu u badan yahay oo qofku ku wareerayo marna ma ahayn, hase yeeshee qaacidada caamka ah ayaan raacaynaa.

Haweentu haddii ay daahir noqoto oo ay aragto calaamadihii lagu yaqiinsan jirey inay caadadii ama dhiiggii dhalmadu ka go’ay, calaamadahaas waxaan ula jeedaa dareeraha cad ee ka yimaada oo ay ku gartaan inay daahir noqdeen, markaas kaddib wixii ay isku aragto oo calow ah ama dhibic dhiiga ah ama qoyaan, waxaas oo dhami wax kasoo qaad maleh salaad iyo soon iyo galmoodna u diidi mayaan, sababtoo ah ma’ahan dhiiggii caadada.
Ummu Caddiya Alle haka raalli noqdee waxay tiri:
*
“Waxba kama aanan soo qaadi jirin calowga iyo hurdiga.” Waxaa wariyey Bukhaari.
Abu Daawuudna wuxuu ku siyaadiyey, “markaan daahir noqonno,” senedkiisuna waa saxiix.
Sidaas awgeed waxaan leenahay wax kasta oo waxyaalahaas aan soo sheegnay ah oo ka dambeeya daahir noqoshada hubaasha ah waxba ma yeelayaan dumarka salaad iyo soon iyo galmoodka ninkeeda kama hor istaagayaan, waxaase waajiba inaysan deg degin ilaa ay ka aragto calaamadaha lagu daahir noqdo, waayo haweenka qaarkood haddii dhiiggu ka go’o horay ayay ka qubaystaan iyagoon arag calaamaddii lagu garanayey daahir noqoshada, haweenkii saxaabada ahaa waxay hooyadii mu’miniinta ee Caa’isha usii dhiibi jireen suuf dhiig lagu soo tiray, markaas ayay ku dhihi jirtey ha deg degina ilaa aad ka aragtaan biyaha cad.

 

Taabashada musxafka haween aan daahir ahayn
Su’aasha 26aad: Muxuu yahay xukunka in haweeney caado qabtaa ay musxafka taabato iyo inay qur’aan akhriso?

Jawaab: Culimadu saddex ra’yi ayay ka qabaan in haween caado qabtaa ay qur’aan kor ka akhriso iyadoon musxafka taaban;

**

Qaybta saddexaad: Waxay qabaan in arrinta la kala qaado oo ay quraanka akhrin karto haddii ay duruuf u keento, sida haddii ay macalimad tahay oo arday wax barayso ama iyadu ardayad tahay oo ay baranayso iyadoo imtixaan isu diyaarinaysa waxayna shardi ka dhigeen inay kor ka akhriso iyadoon kitaabka taabanayn, haddiise aysan jirin duruuf ku kallifaysa uma bannaana inay quraanka akhriso.
Ibnu Taymiya wuxuu yiri: Sunnada Nabiga kuma sugna xaddiis saxiix ah oo caddaynaya in aysan bannaanayn in haweenka caadada qabaa aysan qur’aanka akhrin.
Aniga waxaa ila qumman oo aan doortay inay haweenta caadada qabtaa qur’aanka akhriso haddii ay duruufi ku kallifto haddii kalese uma bannaana inay akhriso waxayna booskiisii ku beddelan kartaa tasbiixsiga iyo wardiga iyo wixii lamid ah.

 

Ku negaashaha xaramka haween caado qabta
Su’aasha 27aad: Muxuu yahay xukunka ruux dumar ah oo caado qabta inay xaramka dhexdiisa ku negaato oo axaaadiista iyo wacdiga iyo casharada kale ee xaramka laga bixinayo dhegaysato?

Jawaab: Uma bannaana haweeney caado qabta inay ku negaato masjidka xaramka iyo masaajidada kaleba, waxaase u bannaan inay masaajidka dhex marto oo wixii ay uga baahan tahay dhexdiisa ka soo qaadato sidii Caa’isha uu faray Rasuulku §> inay masjidka salli uga soo qaaddo iyadoo caado qabta, oo ay ku tiri masaajidka ayuu salligii kujiraa: Rasuulku i§> wuxuu ugujawaabay caadada gacanta kama qabtid), waana haddii ay aamin ka tahay in dhibco dhiig ah ka soo dhacaan oo ay dhulka gaaraan inta ay dhex soconayso masjidka, haddiise ayrabto inay iska fariisato masjidka dhexdiisa uma bannaana waxaana u daliil ah: Mar uu Rasuulku M faray haweenka inay dhammaantood u soo baxaan salaadda ciidda isla markaana wuxuu kuwa dhiigga qaba faray inay ka fogaadaan halka lagu tukanayo, taasina waxay daliil u tahay in haweenka dhiigga qaba aysan u bannaanayn inay masjidka ku nagaadaan si ay u dhegaystaan diinta iyo wacdiga iyo axaadiista.

 

Umushu haddii ay daahir noqoto afartanka ka hor
Su’aasha 28aad: Umushu afartanka inta ay ka baxayso miyay sugaysaa oo soon salaad la iman mayso, mise arrintu waxay ku xiran tahay dhiigga go’iddiisa oo markii dhiiggu ka go’o way isdaahirinaysaa oo tukanaysaa, waase imisa muddada ugu yar ee ay ku daahir noqon karto?

Jawaab: Umuluhu ma lahan waqti u go’an balse inta uu dhiiggu ka socdo way u kaadinaysaa oo tukan mayso soomina mayso ninkeeduna u galmoon mayo, markii ay daahir noqoto afartanka ka horba ha ahaatee xataa haddii toban cisho ama shan cisho ay dhallan tahay way tukanaysaa oo soomaysaa ninkeeduna waa u galmoon karaa, dhibna kuma sugna.
Hadal iyo gunaanadkiis dhiigga dhalmadu waa wax jira axkaamtiisuna waxay ku taxaluqdaa socodka dhiigga iyo go’itaankiisa, markii uu dhiiggu socdo axkaamtiisii way sugan tahay, markii uu go’ana xukunkiisii waa go’ay oo waa laga daahir noqday, hase ahaatee haddii waqtigiisu ka bato 60 cisho xukunkeedu wuxuu noqonayaa mustaxaado (haweenka aan dhiiggu ka go’in) waxayna ka joogaysaa soonkii iyo salaaddii iyo galmoodkii waqtigii ay heli jirtey caadada (iyadoo qiyaasaysa intii maalmood oo uu hayn jirey dhiiggaasi) kaddibna way mayranaysaa oo tukanaysaa.

 

Haweenka uurka leh dhiig caado ma helaan?
Su’aasha 29aad: Haweenka uurka leh dhiig caado ma helaan?

Jawaab: Haweeney uur lihi caado ma hesho siduu imaamu Axmed sheegay, waxayna macruuf ku yihiin haweenka uurka leh inuu dhiigga caadadu ka go’o sideedana dhiigga caadadu sida ay ahlu cilmigu sheegeen Allaah wuxuu ugu talagalay oo u abuuray inay ilmaha uurka ku jiraa quutaan, markii ay haweentu uur yeelato dhiiggaasu waa go’aa oo bannaaka uma soo baxo, waxaase jira haweenka qaarkood dhiiggaasu in aanu ka joogsan oo uga yimaado siduu uga iman jirey intaanay uurka yeelan, haddii ay arrintaasi dhacdo dhiiggaasu wuxuu noqonayaa dhiiggii caadada maadaama aanu uurkii wax saamayn ah ku yeelan oo u yimid sidii uu uurka ka hor u iman jirey.
Waxaa isna jira dhiig kale oo isna haweenka uurka leh qaarkood si lama filaan ah uga yimaada inta badanna sabab ayuu eersadaa, sida haddii ay haweenta uurka lihi wax cuius qaaddo ama ay jugi gaarto iwm, dhiigga t aynkaas oo kale ah dhiig caado ma ahan, sababtiisana salaad iyo soon toona loo dayn mayo

 

Dhiig furanka
Su’aasha 30aad: Waxaa jirta hooyaday oo 56 sano jir ah, muddo 19 sano ah wax ma dhalin, waxaana ku dhacay dhiig furan iminka ka soconaya muddo saddex sano ah waana jirro ku dhacday, waxaa hadda foodda inagu soo haya bishii Ramadaan, haddaba maxaad ugu naseexaynaysaan muxuuse noqonayaa xukunkeedu iyada iyo wixii la mid ahba?

Jawaab: Haweenta caynkan oo kale ah oo dhiiggu aanu ka joogsanayn waxay si dhug leh u fiirinaysaa waqtigii ay dhiigga caadada heli jirtey iyo waqtigii uu ka go’i jirey intii aanu cudurkaani ku dhicin kaddibna waxay soonka iyo salaadda iska daynaysaa marka la gaaro waqtigii ay dhiiggaas heli jirtey waxayna dib u bilaabaysaa soonkii iyo salaaddii marka la gaaro waqtigii dhiiggaasu ka go’i jirey iyadoo is daahirinaysa marka hore, matalan haddii uu dhiigga caadadu ku dhici jirey bilkasta billowgeeda lix cisho, waxay soonka iyo salaadda ka istaagaysaa lixdaas cisho kaddibna way ka mayranaysaa soonkii iyo salaaddiina way bilaabaysaa, habka ay salaadaha u tukanayso iyada iyo wixii la mid ah waa inay marka uu salaadda waqtigeedu galo si fiican u mayrto halka uu dhiiggu ka imanayo (Farjiga) isla markaana ay awdo si aan dhiig danbe bannaanka ugu soo bixin, kaddibna inta weysaysato ayay tukanaysaa, haddii ay doonto inay salaad sunne ah tukato iyadoon salaaad waajib ah waqtigeed la joogin waxay yeelaysaa sidii ay yeeshay markii ay salaadda waajibka ah isu diyaarinaysey oo kale.
Maadaama ay haweentaasi xaaladdaas adag ku jirto waxaa u barmaan inay duhurka iyo casarka hal waqti tukato oo ay casarka soo hor mariso ama ay duhurka dib u dhigto ilaa casar laga gaarayo oo ay labadiiba hal waqti isku tukato (iyadoo sida ay u kala horreeyaan u kala hor marinaysa), maqribka iyo cishaha sidoo kale ayay yeelaysaaa oo hal waqti ayay isku tukanaysaa (iyadoo salaad kasta sidii ay ahayd u tukanaysa oo aan gaabinayn rakcadaha) matalan duhurka waxay tukanaysaa afar rakco, casarkana sidoo kale makhribkana saddex rakco cishahana afar rakco), salaadda subaxna waqtigeeda ayaa lagu tukanayaa, sidaasina waxay u noqonaysaa hawl yaraan oo halkii ay shan jeer ka weysaysan lahayd oo ay is diyaarin lahayd iminka saddex jeer bay weysaysanaysaa.
Mar kale haddaan ku celiyo markii ay doonayso inay is daahirso waxay mayraysaa farjiga waxayna ku daboolaysaa maro calal ah iyo wixii la mid ah si uu u yaraado dhiigga soo baxayaa, kaddibna way weysaysanaysaa, duhurka waxay tukanaysaa afar ragacadood casarkana afar ragcadood, maqribkana sadex , cishahana afar ragcadood, macnaha salaadaha lama gaabinayo, sida ay dadka caamada ahi u maleeyaan, waxaase u bannaan inay kulmiso duhurka iyo casarka, waxay kaloo kulminaysaa maqribka iyo cishaha, iyadoo la dib dhigayo labada salaadood middood ama middood la soo hor marinayo, haddii ay doonto inay weysadaas ku sunaysato way u bannaan tahay.

 

Dhiig ayaa ka yimid markay qubaysatay kaddib
Su’aasha 31aad: Waxaa dhacda marmarka qaarkood marka aan ka mayrto dhiigga caadada in uu dhiig aad u yari iga yimaado, kaddibna wax dambe oo dhiig ahi igama yimaado sida qaalibka ahna dhiiggu wuxuu iga socdaa shan cisho, iminka waxaan doonayaa in la ii kala caddeeyo in aan ku ekaanayo shantaas maalmood oo wixii ka badan aanan tirsanayn soon iyo salaadna uga tagayn iyo in aan maalintaas ku tirinayo in aan caado qabo oo aanan soon iyo salaad la imaanayn, iyadoo arrintaas aan isku arko markaan laba jeer ama saddex jeer dhiig helo kaddib?

Jawaab: Marka aad is daahirisay haddii waxa aad isku aragtay uu midabkoodu i-alaw ama jaalle yahay, dhibaato malahan oo kama duwana kaadida xukun uhaan, haddiise uu dhiig caadi ahi kaa yimaado waxaa laga soo qaadayaa in uu kii caadada yahay waxaana kugu waajib ah in aad mar labaad ka inayrato, Caa’isha Alle haka raalli noqdee waxay tiri, “Waxba kama aannan soo qaadi jirin (waxa midabkoodu yahay) calowga iyo jaallaha ee naga yimaada marka aan caadada ka daahir noqono.”

 

Kala go’a dhiigga caadada
Su’aasha 32aad: Waxaa dhacda dhiigga caadadu inuu iga socdo afar cisho kaddibna uu go’o oo iga maqnaado saddex cisho, maalinta todobaad ayuu mar kale igu soo noqdaa isagoo intii hore ka khafiifsan, markaas kaddibna wuxuu midabkiisu isu bedelaa hurdi ilaa laga gaaro maalinta 13aad, waxaan idinka rajaynayaa in aad ii bayaanisaan arrjntaas xukunkeeda sharciga ah?

Jawaab: Maalmaha aad sheegtay oo dhiiggu kaa socdey dhammaantood waxaa lagu tirinayaa in aad dhiig caado qabtey, waxaana kugu waajiba in aad ka joogsatid salaadda iyo soonka, ninkaaguna kuuma galmoon karo.
Waxaa kaloo kugu waajiba afarta maalmood oo hore markay dhamaato in aad is daahirisid markaasna aad dib u bilawdid salaaddii, ninkaaguna wuu kuu galmoon karaa waadna soomi kartaa, haddii ay Ramadaan tahay waxaa kugu waajibaya in aad soontid mudadaas aan xusnay oo u dhexaysa afarta cisho oo hore iyo lixda cisho oo dambe.
Markii ay dhamaato lixda maalmood oo dambe waxaa kugu waajiba in aad qubaysatid oo aad salaaddii iyo soonkii bilowdid, sida waqtiyada kale ee aad daahirka tahay oo kale, sababtoo ah dhiigga caadadu maalmaha uu socdo way kordhaan ama way yaraadaan, waxaa kaloo dhacda maalmaha dhiiggu socdo inaysan isku xigsan ama ay isku xigsadaan, Aalaah $6 ha ina waafajiyo dhammaanteen waxa uu jecel yahay oo ka raalli yahay, hana nagu irsaaqo annaga iyo muslimiinta oo dhan fahamka diinta iyo xaqa oo lagu sugnaado

 

Haween caado qabta ma ku sujuudaysaa qur’aan akhriska?
Su’aasha 33aad: Haween caado qabta ma ku sujuudaysaa qur’aan arkhrinta (aayadaha sujuudda)?

Jawaab: Ibnu Mundir sida uu xusay waa la isku khilaafay arrintaan Caddaa iyo Abu qilaaba, Zuhri, Saciid bin Jubayr, Xasanul Bisri, Ibraahiim iyo Qataada intaas oo dhan waxay yiraahdeen kuma sujuudayso qur’aan akhrinta, waxaa sidaas oo kale laga wariyey: Imaamu Shaafici, Maalik, Nawawi, Thowri iyo waliba culimada ra’yiga wax ku cabirta.
Cismaan bin Cafaan & waxaa laga wariyey inuu yiri: Madaxa ayay in yar foorarinaysaa (Macnaha in yar ayay madaxa hoos u dhigaysaa sidii iyadoo sujuudaysa oo kale), Siciid ibnu Musayibna sidaas oo kale ayuu yiri wuxuuna ku daray inay oranayso (Jil ^>0) . (Ilaahow -Adaan kuu sujuuday).

 

Xukunka dhiigga yimaada dhalmada ka hor shan cisho
Su’aasha 34aad: Haweeney uur leh ayaa waxaa ka yimid dhiig, shan cisho ka hor intaysan dhalin iyadoo lagu jiro bil Ramadaan, haddaba dhiiggaas xukunkiisu dhiig caado iyo dhiig dhalmo kee ayuu noqonayaa?

Jawaab: Haddii arinku yahay sida loo sheegay 00 ay dhiig isku aragtay iyadoo uur leh shan cisho dhalmadeeda ka hor, waxaa la eegayaa waqtigaas dhiiggu yimid in ay dareemaysey calaamadihii dhalmada oo ah foosha iyo minka 00 furma, haddii aysan dareemin calaamadahaas dhiigga ka yimid wuxuu noqonayaa dhiig jirro ku yimid cibaadadana uga tagi mayso balse way soomaysaa oo tukanaysaa, haddiise markii dhiiggaasi ka yimid ay dareemaysey fool iyo calaamadaha la midka ee tusiya soo dhawaanshaha dhalmada, markaas dhiiggaasi wuxuu noqonayaa dhiiggii dhalmada, waxayna ka joogsanaysaa salaadda iyo soonka, kaddibna marka ay dhasho 00 ay daahir noqoto ayay soonka kaliya qallaynaysaa salaaddana ma qalaynayso

 

Kiniinka joojiya dhiigga caadada
Su’aasha 35aad: Ma bannaan tahay in haweenku isticmaalaan kiniinka caadada hakiya marka ay xajinayaan si uu uga ilaaliyo inay dhiig helaan?

Jawaab: Haweentu marka ay xajinayso way u bannaan tahay inay isticmaasho kiniinkaas si aan dhiigga caadadu ugu dhicin, waxaase laga doonayaa marka hore inay kala tashato dhakhtar arimahaas ku takhasusay in aan kiniinkaasi caafimaadkeeda wax gaarsiinayn , bisha Ramadaanna waa sidaas oo kale haddii ay jeclaysato inay dadka la soonto.

 

Haweenta caadada qabta iyo Salaadda
Su’aasha 36aad: Sidee ayaan yeelayaa haddii aan dhiig caado helo aniga oo salaad ku jira, salaaddaas dib miyaan ka qallaynayaa?
*

Jawaab: Haddii dhiigga caadadu yimaado marka salaadda waqtigeedu galo kaddib, sida haddii ay dhiig hesho nus-saac kaddib marka hoosku wareego (salaadda duhur), salaaddaas maadaama waqtigeedu galay iyadoo daahir ah way qallaynaysaa markii ay daahir noqoto, Allaahna wuxuu yiri:
(Salaaddu mu’miniinta waxay ku tahay waajib waqtiyaysan (muddaysan). Inta ay caadada qabto salaadaha dhaafa ma qallaynayso waxaana u daliil ah xadiiskii dheeraa oo ay ku jirtey:
(Miyaysan salaadda iyo soonka ka tagin markay caado hesho).
Culimadu waxay isku raaceen inaysan qallaynayn salaadihii ka tagey mudadii ay dhiigga qabtey, laakiin haddii ay daahir noqoto iyadoo salaadda waqtigeeda ay ka harsan tahay inta ragcad iyo wixii ka badan laga tukan karo, salaaddaas waa lagu leeyahay wayna tukanaysaa isla waqtigaas, waxaana u daliil ah qawlka Nabiga ee ahaa:
(Qofkii soo gaara hal ragcad oo casarka ka mid ah inta aan qorraxdu dhicin, wuu soo gaaray casarkii).
Haddii ay daahir noqoto waqtiga salaadda casar, salaaddaas way tukanaysaaa, waxaa taas la mid ah haddii ay daahir noqoto intaysan qorraxdu soo bixin oo soo bixitaankeedii uu ka dhiman yahay inta laga tukado hal ragcad salaaddaasi waa ku waajib wayna tukanaysaa1.

 

Taabashada Musxafka
Su’aasha 37aad: Waxaan ahay macalimad (hablaha qur’aanka barta), haddaba ma ii bannaan tahay anigoo macduur ah in aan taabto musxafka ama kitaab tafsiir ah, iyadoo haddii aanan mudadaas akhrin qur’aanka uu naga kala go’ayo darsigu, mase bannaan tahay in aan ka qayb qaato tartanka qur’aanka kariimka ah anigoon garanayn abaal marinta la bixinayo meesha laga keenay?

Jawaab: Waa ka xaaraan inuu kitaabka qur’aanka ah taabto qof aan weeso qabin iyo haweenku marka ay macduurka yihiin iyo qof qasli (jinaabo) qaba, haweenta macallimadda ah waxaa u bannaan inta ay macduurka tahay inay ardayda farto inay qur’aanka akhriyaan iyaduna musxafka ay kala socoto iyadoo marka uu baalku dhamaado ku soo rogaysa qori ama waxa la mid ah, oo markaas khaladka ay ka saxdo kalimad.
Kutubta tafsiirka ah iyo kutubta kale oo aayado qur’aan ah ku qoran yihiin way taaban karaysaa, culimada qaaarkoodna waxayba banneeyeen inay qur’aanka akhriso haddii ay ka cabsato inay illowdo.
Tartanka qur’aanka kariimka ah in laga qayb qaato way bannaan tahay waayo faa’iido ayaa ku jirta oo dadku waxay ahmiyad siinayaan barashada kitaabka Allaah, sidoo kale abaal-marinta tartankaas laga bixinayo way bannaan tahay in la qaato, haddii wax xaaraan ah ku jiraan waxaa dambigeeda xambaaraya ciddii keentay2

 

Qoritaanka Qur’aanka haween caado qabto
Su’aasha 38aad: Ma u bannaan tahay haweenta caadada qabta inay aayado qur’aan ah akhriso iyadoo soo daliilsanaysa ama tusaale ahaan u soo qaadanaysa, mase n bannaan tahay inay qorto aayado qur’aan ah ama axaaddiis?

Jawaab: Dhib malaha haweenta caadada qabtaa inay akhriso kitaabo ay ku qoran yihiin aayado qur’aan ah ama aayado qur’aan ah iyo tafsiirkood, sidoo kalena way u bannaan tahay markii maqaal iwm ay qorayso inay ku qorto aayado qur’aan ah, sidoo kale quraanka way soo daliilsan kartaa, ama marka ay ducaysanayso aayadaha qur’aanka ah ee ducada ah way ku ducaysan kartaa, sideedana arimahaas aan soo xusnay laguma tiriyo akhris, waxaa kaloo u bannaan inay qaadato kutubta tafsiirka qur’aanka haddii ay u baahato.

 

Ha deg degin
Su’aasha 39aad: Waxaa caado ii ah in dhiigga caadadu iga socdo bishiiba 7 ilaa 8 casho, marmarka qaarkood maalinta 7aad ayaa dhiiggu iga joogsadaa, laakiin iskuma arko calaamadihii daahir noqoshada, muxuu noqonayaa xukunka salaadda iyo soonka iyo galmoodka ee maalintaas?

Jawaab: Ha deg degin ilaa aad ka aragtid oo uu kaa yimaado axalka cad oo ah calaamadda ay haweenku ku ogaadaan inay daahir noqdeen, dhiigga joogsigiisu ma ahan daahirnimo, waxaadse daahir noqonaysaa marka waqtigii dhiigga caadadu dhamaado sida caadada kuu ahaan jirtey kaddibna aad aragto calaamadihii daahirnimada.

 

Dhiigga yimaada inta aan la gaarin waqtigii caadada
Su’aasha 40aad: Waxaa dhacda inuu dhiig iga yimaado 3 ama 4 cisho ka hor intaan la gaarin waqtigii caadiga ahaa ee aan heli jirey, wuxuuna igu reebaa wax ***** hurdi yahay, aniguna arrintaas waan ku dhibtoodaa oo ma ********** keeda in aan salaad tukanayo iyo in kale?

Jawaab: Haweentu haddii ay taqaan dhiigga caadada oo ay ku garato, tiro ama ‘ midab ama waqti, waxay salaadda ka tageysaa waqtigeedii caadada ay heli jirtey, markii waqtigaasi dhamaadana way mayranaysaa oo tukanaysaa j salaaddii.
Dhiigga ka soo hor maray dhiiggii caadada waa dhiig jirro ku yimid ee ma ahan dhiig caado isaga dartiisna looga tagi mayo salaad iyo soon, waxaana ku waajiba inay dhiigga iska dhaqdo marka salaad walba waqtigeedu galo, ayna xirato suufka dhiigga celiya(xafaayad), kaddibna ay u weysaysato salaad kasta oo ay sidaas ku tukato xataa haddii dhiig ka soconayo, waxayna la mid tahay xukun ahaan haweenka dhiig furanka qaba, haddii ay salaad uga tagtay dhiiggaas dartiis waxaa haboon inay qallayso salaaddaas dhibna kala kulmi mayso haddii Alle idmo.

 

Haweentu haddii ay casarka daahir noqoto salaaddii duhur way qallaynaysaa.
Su’aasha 41aad: Haddii haweeney caado qabtaa ay ka daahir noqoto dhiiggii caadada casarka, waajib miyay ku tahay inay soo qallayso salaadii subax iyo tii duhurba, haddiise ay daahir noqoto waqtiga salaadda cishaha miyey qallaynaysaa salaaddii maqribka iyo casarka?

Jawaab: Haddii ay haweentu daahir noqoto casarkii intaan maqribka la gaarin, waxaa laga doonayaa in ay tukato salaaddii casar iyo tii duhurba sababtoo ah labadaas salaadood waa la kulmiyaa oo hal waqti ayaa la tukan karaa (haddii ay duruufi keento), sidoo kalena haddii ay daahir noqoto habeenka aakhirkiisa waxay qallaynaysaa maqribkii iyo cishihii sababtoo ah iyagana waa la kulmiyaa oo hal waqti ayaa la isku tukadaa, haddii ay dhiig caado hesho iyadoo markaas salaad waqtigeed la joogo, waxaa ku waajiba inay salaadaas qallayso markii ay daahir noqoto

 

Haddii ay haweenta ilmuhu ka dilmaan bisha 3aad
Su’aasha 42aad: Anigoo leh uur saddex bilood ah ayaa ilmihii iga dilmeen oo iga soo ilaateen mana aanan tukan ilaa aan ka daahir noqday, waxaa la igu yiri waxay ahayd in aad salaadda tukatid, haddaba sidee ayaan yeelayaa haddii aanan garanayn tirada maalmahaas?

Jawaab: Sida macruufka culimada dhexdooda haweenta haddii ilmuhu ka soo ilhacaan iyadoo saddex bilood ah ma ay tukanayso salaad, sababtoo ah ilmuhu marba haddii ay yeeshaan suurad bani’aadam oo markaas dilan ku dhaco dhiigga ka soconaya haweenta wuxuu noqonayaa nifaas (dhiig ilhalmo) kumana tukanayso.
Culimadu waxay yiraahdeen ilmuhu inay suurad insaan yeesheen waxaa lagu ogaan karaa inta maalmood oo uurka ay ku jireen, haddii ilmuhu gaaro kow iyo sideetan (81) cisho waxaa la ogaanayaa inuu yeeshay suurad bani’aadam, muddodaasi way ka yar tahay saddex bilood, haddii ay haweentu xaqiijiso in ilmhu ka dilmeen bishii sadexaad dhiigga ka yimid wuu noqonayaa dhiig dhalmo (nifaas) laakiin haddii inta ka horraysa siddeetan cisho dhiig ka furmo dhiiggaasi wuxuu noqonayaa dhiig jirro ah (fasaad) salaaddana u deynmayso dhiiggaas dartiis, haweenta su’aasha na weydiisey iyadu dib ha isugu noqoto oo ha eegto haddii ay ilmuhu ka dilmeen intaysan u buuxsamin siddeetan cisho way qalaynaysaa salaaddii, haddii aysan garanayn tirada inta cisho ee aysan tukan way dadaalaysaa waxayna qalaynaysaa tirada inta cisho ee malaheedu u bato in lagu leeyahay oo aanay salaad tukan

 

Haddii dhiigga caadadu waqtigiisa dhaafo oo joogsan waayo
Su’aasha 43aad: Haddii haweenta caadadu ay ka socon jirtey siddeed ama todaba cisho bil kasta kaddibna ay isku aragto mar ama Iabo jeer caadadii oo ka soconaysa intii ay ka socon jirtey in ka badan muxuu xukunkeedu noqonayaa?

Jawaab: Haddii haweentaas caadadu ka socon jirtey lix ama todaba cisho kaddibna ay mudadii dheeraato oo noqoto siddeed ama sagaal ama toban ama kow iyo toban cisho, way sugaysaa oo ma tukanayso ilaa ay ka daahir noqoto sababtoo ah nabigu M caadada uma xadidin waqti go’an, Allaahna wuxuu yiri:
*
“Waxay ku weydiinayaan caadada (haweenka) ee ku dheh waa wasakh.”
Inta uu dhiiggaasi socdo haweentu sideeda ayay ku joogaysaa ilaa ay ka daahir noqoto oo mayrato salaaddana ay tukato, haddii bisha kale uu ka yimaado dhiiggii isagoo ka yar intii hore markii uu ka go’o way mayranaysaa oo is daahirinaysaa xataa isagoo ka soconayey in ka yar intii uu bishii hore ka socday, muhimaduna waxaa weeye haweentu inta uu dhiiggu ka soconayo in aysan tukan waana isku mid haddii uu ka socdey intii bishii hore uu ka socdey oo kale ama uu ka socdo in ka yar ama ka badan, markii ay daahir noqoto ayayna tukanaysaa.

Cutubka Labaad – Isdaahirinta

IS DAAHIRINTA
Maxay shareecadu ka qabtaa in niyada afka looga dhawaaqo?
Taabashada kitaabka qur’aanka ah weeso la’aan
Qoyaanka haweenka ka yimaada
Weysada jirka oo dufan leh
Waajib miyaa inay haweenku geedkooda gudihiisa mayraan?
Qof aan jinaabada ka mayran karin
Haweeney xanuunsan oo aan awoodin qubays
Matagga ilmaha yar yar
Ilmo loo istijeeyey weysadu ma ku buraysaa?
Shakiga weysada
Najaasada qallalan dhib ma keento
Wajiga iyo gacmaha oo saabuun lagu mayro weysada
Habka looga qubaysto jinaabada
Dhunkashadu weysada ma buriso

IS DAAHIRINTA
Maxay shareecadu ka qabtaa in niyada afka looga dhawaaqo?
Su’aasha 9aad: Muxuu yahay xukunka in lagu dhawaaqo niyaysiga weysada iyo salaadda?

Jawaab: Arrintaas xukunkeedu waa bidco sababtoo ah lagama warin Nabiga iyo asxaabtiisii inay sidaas yeeleen, niyadana rugteedu waa qalbiga, markaas looma baahna in afka laga sheego.

Taabashada kitaabka qur’aanka ah weeso la’aan
Su’aasha 10aad: Ma bannaan tahay kitaabka qur’aanka ah in aan gacanta ku qabsado oo akhriyo anigoo daahir ahayn?

Jawaab: Qofkii qur’aanka kor ka akhriya isagoo aan daahir ahayn dhib malahan haddii aanu qasli (jinaabo) qabin, haddii uu qasli jinaabo ah qabo ma bannaana inuu qur’aanka akhriyo xataa haddii uu kor ka akhrinayo, dhibna ma leh haddii uu bisinka qabsado ama uu yiraahdo haddii ay dhibaato ku dhacdo () iyo wixii wardi ah oo quraanka laga soo qaatay oo kale.

Qoyaanka haweenka ka yimaada
Su’aasha 11aad: Qoyaanka haweenka ka yimaada ma daahir baa mise waa nijaaso?

Jawaab: Sida macruufka ah dadka ahlu cilmiga ah waxay qabaan in wax kasta oo kasoo baxa labada marin ay nijaaso yihiin wixii aan manida ahayn, manidu waa daahir, wixii kale oo jurmi leh oo labada marin kasoo baxa waa nijaaso weysaduna way ku buraysaa, haddaba annagoo qaacidadaas ku soconayna waxa haweenka ka yimaada oo dheecaanka ah waa nijaaso waana waajib in laga weysaysto sidaas ayayna culimadu sheegeen markii ay baaris badan sameeyeen, arrintaas anigu walaac badan ayaan ka qabaa sababtoo ah haweenka qaarkood mar kasta qoyaankaas ayay isku arkaan, haddii uu qoyaanka sidaas joogto u yahay sida kaliya oo loo xalin karo waa in ay weysaystaan salaad kasta marka uu waqtigeedu galo, sida dadka aan kaadida ceshan karin oo kale.

Waxaan baaris wada samaynay dhakhaatiir ku takhasustay arrimahaas waxaana ogaaday in haddii dheecaankaasi ka imanayo kaadi haysta uu nijaaso yahay sidaan horayba u soo sheegnay, haddiise uu ka imanyo halka ilmuhu ka soo baxaan (riximka) waa laga weysaysanayaa nijaasana ma ahan oo meeshii uu gaaro in laga dhaqo waajib ma ahan.

Weysada jirka oo dufan leh
Su’aasha 12aad: Ma bannaan tahay in la weysaysto iyadoo dufan ama kareem jirku leeyahay?

Jawaab: Dhib kuma sugna in la weysaysto iyadoo jirku dufan leeyahay waxaase shardi ah inuusan dufankaasi ahayn mid adag oo jirka u diidaya inay biyuhu gaaraan. Haddii dufankaasi yahay mid adag oo jirka ka hor istaagaya inay biyuhu gaaraan, waxaa waajiba in la iska tirtiro dufankaas.

Waajib miyaa inay haweenku geedkooda gudihiisa mayraan?
Su’aasha 13aad: Labo hablood ayaa ku dooday markay is daahirinayaan waajib inay ku tahay inay geedka faraha geliyaan oo ay gudihiisa soo dhaqaan, iyo inay kor gacanta ka marinayaan oo kaliya.

Jawaab: Sida saxiixa ah arrintaasi waajib ma ahan wayse bannaan tahay.

Qof aan jinaabada ka mayran karin
Su’aasha 14aad: Sidee ayuu xukunkeedu noqonayaa haweeney uu ninkeedu u galmoonayo iyadoon awoodi karin inay qubaysato, xaaladdeeda oo sidaas ah ninku inuu u galmoodo karaahiyo ma noqonaysaa? Booraysi ma loo ogol yahay haween jinaabo qabta haddii ay ka cabsanayso inay salaaddu ka tagto inta ay mayranayso?

Jawaab: Ruuxa jinaabada qabaa rag iyo dumar kuu doono ha noqdee, haddii uu biyo waayo ama uu biyaha ka cabsado inuu dhib ka soo gaaro, booraysi ayuu ku tukanayaa karaahiyona ma ahan ninku inuu xaaskiisa u galmoodo iyadoo xaaladdaasi jirto, wuuna u galmoonayaa sidoo kale way u bannaan tahay inuu u galmoodo iyagoo safar ku jira kaddibna ay booraystaan.

Haddii qofku hurdada ka baraarugo salaadda subax isla markaana haddii uu biyo raadiyo ama biyo kululaysto salaaddu ay dhaafayso wuxuu ku tukanayaa booraysi sida ay jamhuurka culimadu qabaan, waxaana arrintaas khilaafay Culimadii dambe qaarkood sida Imaamu Shaafici iyo Axmed – Alle ha u naxariistee – waxayna qabaan in biyo la raadinayo xataa haddii salaaddu ku dhaafayso, sidoo kale waxay yiraahdeen ruuxii dhar waaya ama qiblada garan waaya, waa raadinayaa ilaa uu ka helayo, waana arrin looga rajaxan yahay waayo haddii la qiyaaso arrintaas waxay noqonaysaa qofka musaafirka ah inuu tukado salaadda marka waqtigeedu baxo isagoo weeso raadinayey intii salaaddu ka tageysey, qofka qaawanina salaadda aanu tukan ilaa salaadda waqtigeedu baxo oo kaddib dhar ku tukado, waana arrin khilaafsan Ijmaaca muslimiinta.

Waxaa waajib ah haddii waqtiga salaaddu soo galo in hadba sidii xaalku yahay loo tukado, wixii uu qofku waayana waajibkoodu wuu ka dhacayaa.

Haweeney xanuunsan oo aan awoodin qubays
Su’aasha 15aad: Naag ayaa indhaha ka bukootay aadna way u cuslaatay qubaysna ma awooddo, isla markaasna ninkeeda ayaa u galmooda, haddaba miyay bannaan tahay inay jirkeeda caafimaadka qaba mayrto madaxana ka booraysato?

Jawaab: Haddii aysan awoodin inay qubaysato biyahoo qabow ama kulayl iyo wixi la mid ah way u bannaan tahay inay booraysato waqtiga salaadda sida ay qabaan jamhuurka culimadu.

Matagga ilmaha yar yar
Su’aasha 16aad: Ma lagu tukan karaa maro ilmo yar oo naas nuug ah ku matagay?

Jawaab: Waxaa haboon in lagu rusheeyo biyo haddii ilmahaasi naas kaliya nuugo oo aanu cunto cunin sida kaadidiisa oo kale, lagumana tukan karo iyadoon biyo lagu rushayn.

Ilmo loo istijeeyey weysadu ma ku buraysaa?
Su’aasha 17aad: Haddii aan caruurta aan dhalay u qubeeyo una istijeeyo weysadii ma iga buraysaa?

Jawaab: Ruuxii taabta cawro aan tiisa ahayn shahwo ahaan weysadu way ka buraysaa waxaase la isku khilaafsan yahay haddii loo taabto ula jeeddo aan shahwo ahayn, sida raajixa ah ilmo yar oo loo istijeeyo cawradooda oo la taabto weysadu kuma burayso waayo ilmaha cawradoodu ma ahan meel shahwo iyo tuhunkeedba laga filayo, weysada buristeeduna waa mashaqo iyo hawl inteeda le’eg, haddii ay arintaasi jirto oo ilmaha cawradoodu weysada jabiso waxaa laga ogaan lahaa saxaabadii iyo dadkii ka dambeeyey.

Shakiga weysada
Su’aasha 18aad: Muxuu yahay xukunka haddii qof ku shakiyo inay weysadu ka burtay iyo in kale?

Jawaab: Haddii qof ku shakiyo inay weysadii ka burtay iyo in kale, shakiga wuu tuurayaa wuxuuna u qaadanayaa in weysadii u dhawran tahay, waayo asal ahaan wuu weeso qabay oo markaas shakiga weeso ku buri mayso, waxaana u daliil ah qowlka Nabiga markii la weydiiyey nin salaadda dhexdeeda wax is moodsiiya, uuna yiri:
*
“Yuusan salaadda ka bixin ilaa uu codkeeda maqlo ama urkeeda dareemo.”
Nabigu wuxuu u caddeeyey in daahir ahaanshuhu asal yahay ilaa laga xaqiijiyo wax buriyey, arintuna inta ay shaki ku siman tahay weysadu kuma burayso, wuuna ku tukan karaa weysadaas kuna dawaafi karaa kacbada qur’aankana wuu akhrin karaa, taas ayaana asal ah, Allaah mahadi ha ka gaartee waxay arintaani tusinaysaa diinta Islaamka waasacnimadeeda iyo fudaydkeeda.

Najaasada qallalan dhib ma keento
Su’aasha 19aad: Kaadida qalalan dharka ma nijaasaysaa, matalan haddii ilmaha yari ku kaadsho dhulka oo kaadidii ay meeshaas ku qalasho iyadoo aan laga mayrin oo markaas kaddib qof inta yimaado ku fariisto isagoo aan qoyanayn, nijaaso miyaa ka soo gaaraysa?

Jawaab: Dhib ma keento nijaaso qalalan haddii ay taabato dharka ama jirka oo qalalan, sidoo kale dhib ma lahan in musqusha oo qallalan cago caddaan lagu galo haddii luguhu qalalan yihiin, nijaasaduna waxay ku gudubtaa qoyaanka.

Wajiga iyo gacmaha oo saabuun lagu mayro weysada
Su’aasha 20aad: Muxuu yahay xukunka in wajiga iyo gacmaha lagu mayro saabuun marka la weyseysanayo?

Jawaab: Saabuun lagu mayro wajiga iyo gacmaha marka la weysaysanayo ma ahan arrin sharciga waafaqsan waana xad gudub iyo kallifaad, Nabiguna wuxuu yiri:
*
“Waa halaagsameen kuwa is kalifa, waa halaagsameen kuwa is kalifa,” saddex goor ayuu ku cel celiyey.
Haddii gacmuhu leeyihiin wasakh saabuun iyo wixi la mid ah mooyee wax kale aan ku go’ayn markaas way bannaan tahay in la isticmaalo, laakiin in caado laga dhigto ma bannaana oo waxay noqonaysaa is kalifid iyo bidco.

Habka looga qubaysto jinaabada
Su’aasha 21aad: Farqi miyaa u dhexeeya ka qubaysiga jinaabada ragga iyo dumarka? Haweentu timaheeda ma furfuraysaa mise waxaa ku filan inay saddex jeer madaxa biyaha ku shubto sida uu xaddiisku sheegay? Muxuu yahay farqiga u dhexeeya ka qubaysiga jinaabada iyo caadada?

Jawaab: Farqi uma dhexeeyo ka qabaysiga jinaabada ragga iyo dumarka, timahoodana ma fur furayaan marka ay mayranayaan waxaana ku filan inay madaxa saddex jeer biyo ku shubaan kaddibna jirka intiisa kale ay biyaha gaarsiiyaan sida uu xusay xaddiiskii Ummu Salama Alla ha ka raalli noqdee, markii ay Nabiga ku tiri:
“Waxaan ahay haweeney timaha aad u dabta ee ma furfurayaa timaha marka aan jinaabada ka mayranayo,” wuxuu ugu jawaabay Nabigu, “Maya, waxaa kugu filan in aad saddex jeer biyaha madaxaaga ku hoobisid kaddibna jirka intiisa kale biyaha gaarsiisid oo aad is daahirisid.” Waxaa wariyey Muslim.

Haddii madaxa ninka ama haweenta uu ku dharooban yahay xinne (cillaan) ama gob u diidaya oo ka hor istaagaya inay biyuhu gaaraan lafta madaxa waxaa waajib ah in laga suuliyo, haddiise uu khafiif yahay biyahana ka hor istaagayn inay gaaraan halkii loogu tala galay, markaas dhib ma lahan waajibna ma ahan in la suuliyo.

Marka ay haweenku dhiigga caadada ka mayranayaan culimadu waxay isku khilaafeen inay waajib tahay timaha furfuriddoodu iyo in kale sida saxiix ahna waajib ma ahan, waxaana u daliil ah xaddiiskii laga wariyey Ummu Salama Alle ha ka raalli noqdee ee ay Nabiga ku tiri:
“Waxaan ahay haweeney timaha aad u dabta ee ma furfurayaa timaha marka aan dhiigga caadada iyo jinaabada ka mayranayo? wuxuu ugu jawaabay Nabigu, “Maya, waxaa kugu filan in aad saddex jeer biyaha madaxaaga ku hoobisid kaddibna jirka intiisa kale biyaha gaarsiisid oo aad is daahirisid.”
Xadiiskani wuxuu daliil cad u yahay inaysan waajib ahayn timaha in la furfuro marka laga mayranayo dhiigga caadada iyo jinaabada, waxaase fadli badan marka ay ka mayranayso dhiigga caadada inay timaha furfurto iyadoo ay ka tahay dadaal iyo shaki bixid, iyo kulmin la kulminayo axaadiista iyo qawlka culimada.

Dhunkashadu weysada ma buriso
Su’aasha 22aad: Ninkaygu mar kasta oo uu guriga ka baxayo wuu idhunkadaa, xataa haddii uu salaadda jamaacada ee Masjidka aadayo, mar marka qaarkoodna waxaan dareemaa inuu shahwo ahaan ii dhunkanayo, weysadiisa xukunkeedu sidee ayuu noqonayaa?

Jawaab: Caa’isha Alle ha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inay tiri:
*
“Nabigu wuxuu dhunkaday qaar xaasaskiisa ka mid ah kaddibna salaadda ayuu aaday isagoon weysaysan.”
Xaddiiskaani wuxuu bayaaninayaa haweenka dhunkashadooda iyo taabashadooda, haddaba weysadu maku buraysaa mise kuma burayso? Culimada – Allaah ha u naxariistee – way isku khilaafeen arintaan, qaarkood waxay qabaan in weysadu ku burayso xaalad kastaba haddii haweenta la taabto, qaar kalena waxay qabaan haddii uu shahwo u taabto way ka buraysaa, haddii kalase kama burayso, qaar kalena waxay qabaan inaysan weysadu taabasho iyo dhunkasho ku burayn xaalad kasta, waana sida raajixa ah, macnaha haddii ninku xaaskiisa dhunkado ama gacanteeda taabto waxyaalaha weysada buriyana aanay ka iman, weysadii waa u dhowran tahay isaga iyo xaaskiisaba, asal ahaan ayaana loo tix gelinayaa in weysadiisii u dhowran tahay ilaa la helo daliil cad oo ah wax weysadii buriyey, kitaabka Allaah iyo sunnada Nabiga midna laguma hayo daliil sheegaya haweenka taabashadooda in weysadu ku burto, sidaas darteed taabashada haweenta si toos ah loo taabto iyadoon jirkeeda wax kaa xigin ama la dhunkado weysadu kuma burayso.

Cutubka Koowaad – Caqiidada

CAQIIDADA
Cutubka Koowaad

Dhiig ku qubaysi
Waxa ay diintu ka qabto in mindi la dhigo ilmaha madixiisa
Warqadaha uu ku qoran yahay magaca Allaah
Maxay ka qabtaa shareecadu sawirka?
Xukunka sawirrada darbiyada la suro
Xukunka Mawliidka (ciidda dhalashada Nabiga)
Waxa ay shareecadu ka qabto u dabaaldegga maalinta hooyooyinka
Maxay shareecadu ka qabtaa in Allaah la weydiisto dhimasho?

 

Dhiig ku qubaysi
Su’aasha 1aad: Hooyaday ayaa jirratey waxaan geeyey dhawr isbitaal wax ka soo rayn ahna kama helin, ugu dambayntii waxaan u geeyey wax sheege (curaafayste) wuxuuna yiri, “Ku qubayso dhiig ari.” Way ku qabaysatay iyadoo jaahil ka ah xukunka sharciga ah ee arrintaas, haddaba kafaare gud miyaa nagu waajibay? Muxuuse yahay kafaare gudkaasi?

Jawaab: Ma bannaana curaafayste, saaxir, xidigiye iyo wax-sheege oo dhan, in loo tago oo la weydiiyo arrimo qaybka ku taxaluqa lagana rumaysto, waxayna arrintaasi ka mid tahay dambiyada waa weyn, Nabigu wuxuu yiri:

[arabic-font](مَنْ أَتَى عَرَّافًا فَسَأَلَهُ عَنْ شَىْءٍ لَمْ تُقْبَلْ لَهُ صَلاَةٌ أَرْبَعِينَ لَيْلَة) أخرجه مسلم[/arabic-font]

“Qofkii u taga curraafayste oo wax su’aala, afartan cisho salaad lagama aqbalo.”

Wuxuu kaloo rasuulku yiri:

[arabic-font] (من أتى عرافا أو كاهنا فصدقه بما يقول فقد كفر بما أنزل على محمد) أخرجه أهل السنن بإسناد صحيح[/arabic-font]

“Qofkii u taga curraafayste ama kaahin kana rumaysta waxa ay u sheegaan wuxuu ku gaaloobay waxyigii lagu soo dejiyey Nabi Muxamed.”

Wuxuu kaloo Nabigu yiri:

[arabic-font][ليس منا من سحر أو سحر له, أو تكهن أو تكهن له, أو تطير أو تطير له, ومن أتى كاهنا فصدقه بما يقول فقد كفر بما أنزل على محمد] رواه البزار بإسناد جيد[/arabic-font]

“Naga mid ma ahan ruuxi wax sixra ama wax loo sixro ama curaafaysta ama loo curaafeeyo ama wax baasaysta ama wax loo baaseeyo, qofkii u taga wax sheege oo haddana ka rumaysta waxa uu u sheego wuxuu ku gaaloobay waxyigii lagu soo dejiyey nabi Muxamed.”

Dhiig ku qubaysigu asal ahaan waa ficil aad u xun, waana xaaraan najaaso ah mana bannaana in najaasooyinka la isku daaweeyo, Abu Daa’uud wuxuu sunankiisa ku qoray xaddiis Abuu Dardaa rasuulka ka warinayo oo ah:

[arabic-font][إن الله أنزل الداء والدواء, وجعل لكل داء دواء فتداووا ولا تتداووا بحرام][/arabic-font]

“Allaah wuxuu soo dejiyey cudur iyo daawo, cudur kastana wuxuu u yeelay daawo ee is daaweeya hana isku daawaynina wax xaaraan ah.”

Wuxuu kaloo yiri Nabigu:
[arabic-font][إن الله لم يجعل شفاءكم فيما حرم عليكم.] أخرجه البيهقي وصححه ابن حبان من حديث أم سلمة.[/arabic-font]
“Allaah daawadiina ma gelin wixii uu idinka xaraantinimeeyey.”

Haddaba waxaa ku waajiba inay Allaah u toobad keento oo aysan mar dambe falkaas u noqon, qofkii si dhab ah u toobad keena Allaah toobadiisa waa ka aqbalaa,
wuxuuna yiri Alle:

[arabic-font](وَتُوبُوا إِلَى اللَّهِ جَمِيعًا أَيُّهَ الْمُؤْمِنُونَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ)[/arabic-font]

“Muuminiintoow dhammaantiin Allaah u toobad keena, waxaa dhab ah in aad liibaanaysaane.” an-Nuur 31

Waxaa ka jawaabay su’aashan Ibnu Baaz (12ms)

 

Waxa ay diintu ka qabto in mindi la dhigo ilmaha madixiisa
Su’aasha 2aad: Dadka qaarkood ilmaha dhasha mindi ayay ag dhigaan, waxayna yiraahdaan jinniga ayay ka celinaysaa, haddaba ficilkaasi sax miyaa?

Jawaab: Ficilkaasi waa munkar aan asal diinta ku lahayn mana bannaana in la sameeyo, waxaa sharci ah in ilmaha looga cawdi billeeyo shayaadiinta iyadoo la magan gelinayo Allaah kalimadihiisa taamka ah lana oranayo: Allaah kalaamkiisa taamka ah ayaan kaa magan galinayaa shayaadiinta oo dhan.
Nabiga waxaa ka sugnaatay inuu sidaas yeelay oo labadii wiil oo Faadumo dhashay (Allaah ha ka raalli noqdee) uu magan gelin jirey Allaah kalaamkiisa taamka ah, waxaa sharci ah in Allaah loo baryo inuu ka ilaaliyo xumaan oo dhan, laakiin in la ag dhigo mindi ama alwaax iyo wixi la mid ah iyadoo la aaminayo inay jinka ka ilaalinayaan, waa arrin munkar ah oo aan bannaanayn, waxaa isaguna taas la mid ah waxa xirsiga lagu magacaabo oo ilmaha loo xiro mana bannaana.

Nabigu wuxuu yiri:
*
“Qofkii xirsi xirta Allaah kama siiyo waxa uu ka doonayo.”

Waxa kale oo uu yiri Nabigu:
*
“Qofkii xirsi xirta Allaah ayuu cid kale cibaadadii la wadaajiyey (shirki ayuu la yimid).”

Waxaan Allaah waydiisanaynaa inuu muslimiinta dhammaan diintooda ku sugo oo fahansiiyo, dhammaanteenna uu naga nabad geliyo wax kasta oo khilaafsan shareecada daahirka ah.

Ibnu Baaz

Warqadaha uu ku qoran yahay magaca Allaah
Su’aasha 3aad: Wargeysyada iyo waraaqaha kaleba qaarkood waxaan ku aragnaa aayado qur’aan ah oo ku qoran, sidoo kale warqadaha la isu diro bilowgooda waxaa ku qoran bisinka, haddaba sidee ka yeelaynaa aayadahaas qur’aanka ah, marka aan wargeysyadaas ama waraaqahaas kale dantayada ka boganno, ma jeexjeexaynaa, mise waan gubaynaa, sidee u galaynaa?

Jawaab: Waxaa waajib ah waraaqahaas markii laga kaaftoomo in la xafido ama la gubo ama lagu duugo meel nadiif ah, iyadoo la qaddarinayo aayadaha qur’aanka ah iyo magacyada Allaah, lagana ilaalinayo in la liido, mana bannaana in qashinka lagu rido ama suuqa dhexdiisa lagu tuuro ama laga dhigto fayl waraaqaha lagu kaydiyo, sidoo kale ma bannaana in laga dhigto gogol cuntada la saarto iyadoo intaas oo dhan ay ku jirto liidid la liidayo iyo xurmayn la’aan.

Ibnu Baaz – Fatwa al-Mar’ah

Maxay ka qabtaa shareecadu sawirka?
Su’aasha 4aad: Muxuu yahay xukunka sawirku? Maxay yihiin axaadiista ku soo aroortay arrintaas, farqi ma u dhexeeyaa sawirrada hooska leh iyo kuwa aan hooska lahayn sida ugu raajixsan qowlka culimada?

Jawaab: Sawirku waa in la sawiro wax nool oo dhaq dhaqaaqi kara sida dadka iyo xayawaanka socda oo dhan iyo shimbiraha iyo wixi la mid ah, sharci ahaanna waa xaaraan sawirkoodu, waxaana u daliil ah axaaddiis badan oo Nabiga laga wariyey waxaana ka mid ah xaddiis ay qoreen Bukhaari iyo Muslim oo Ibnu Mascuud ka wariyey Nabiga inuu yiri:
*
Dadka waxaa ugu cadaab badan maalinta qiyaame dadkii wax sawiri jirey.”
Ibnu Cumar Alle kaha raali noqdee wuxuu sheegay in Rasuulku yiri:
*
“Kuwa sawirrada samaynaya waa lagu cadaabayaa maalinta qiyaame, waxaa lagu oranayaa soo nooleeya wixii aad abuurteen.” Bukhaari iyo Muslim ayaa wariyey.
Sidoo kale Bukhaari iyo Muslim waxay qoreen Ibnu Cabbaas Alle ha ka raali noqdee inuu ka wariyey Nabiga inuu yiri:
*
“Qofkii adduunku wax ku sawira waxaa lagu kalifaa (qiyaamaha) inuu naf soo geliyo wixii uu sawiray mana soo gelin karo.” Muslim ayaa wariyey.
Ibnu Cabaas (Alle ha ka raalli noqdee) wuxuu Nabiga ka wariyey inuu yiri:
*
Abii Dalxa wuxuu Nabiga ka wariyey inuu yiri:
*
“Malaa’igtu ma soo gasho guri ey ku jiro iyo guri sawirro yaalaan.” Muslim ayaa wariyey.

Axaadiistaan iyo kuwa la midka ahiba waa caam oo sawir oo dhan ayaa soo galaya, sawirkaasi ha ahaado sawir hoos leh (sawirada la dhiso) ama ha ahaado sawir caadi ah oo aan hoos lahayn oo warqad ku qoran ama darbi ama maro iyo wixi la mid ah ku sawiran, waxaa la wariyey Nabigu inuu galay kacbada iyadoo ay sawirro ku yaallaan, oo uu dalbaday wadaan biyo ah kaddibna uu ka masaxay sawirradii isagoo oranaya:
*
“Allaah caradiisu haku dhacdo dad sawiraya wax aysan abuurin.”

Samankaan lagu jiro culimadu waxay ka soo reebeen warqadaha lacagta ah ee boqorradu ku sawiran yihiin iyo baasaboorada iyo teesareyaasha daruuriga ah ee aan la hurayn qaadashadooda, waase in lagu gaabsado inta looga baahan yahay oo kaliya.

 

Xukunka sawirrada darbiyada la suro
Su’aasha 5aad: Waa maxay xukunka sawirrada darbiyada lagu dhajiyo iyo qofku inuu kaydsado sawirradiisa?

Jawaab: Ma bannaana in la haysto ama darbiyada la suro sawirrada noolaha, waxaana waajib ah in la suuliyo iyadoo laga duulayo qowlkii Nabigu ku yiri Cali bin Abuu Daalib:
*
“Haka tagin wax sawiran oo dhan in aad bur burisid mooyaane.”
Jaabir wuxuu yiri:
*
“Nabigu wuu reebay in guriga dhexdiisa sawirro lagu haysto.”
Dhammaan sawirrada loo haysto xusuusta waa la googaynayaa ama la gubayaa, waxaa la haysan karaa oo kaliya sawirrada daruuriga ah, sida sawirka ku yaal teesaraha iyo wixi la mid ah.

Xukunka Mawliidka (ciidda dhalashad Nabiga)
Su’aasha 6aad: Muxuu yahay xukunka u dabaal degga dhalashada Nabiga?

Jawaab: U dabaal degga dhalashada Nabiga asal kuma lahan shareecadeena Islaamka waana bidco, waxaana u daliila qowlka Nabiga uu yiri:
*
“Qofkii ku soo kordhiya diinta wax aan horay ugu jirin, lagama aqbalo.”
Muslimna wuxuu qoray warin kale oo Bukhaarina sharaxa ku qoray oo ah:
*
“Qofkii la yimaada cibaado aan diinta horay ugu jirin, lagama aqbalo.”

Sida la ogyahay Nabigu intii uu noolaa uma dabaal degin dhalashadiisii, mana amrin sidaas, mana uu farin asxaabtiisa iyo khulafadii ka dambeysey. Nabiga iyo asxaabtiisa oo idil uma ay dabaal degin dhalashadiisa, haddii ay bannaan tahayna iyaga ayaa nooga horrayn lahaa, sidoo kale culimadii noolayd qarniyadii fadliga badnaa mid ka mid ah ma samaynin sidaas mana uu farin in la sameeyo.
Waxaa halkaas laga ogaaday in arintaani aysan ka mid ahayn shareecada Allaah uu la soo diray Nabi Muxamed, annaguna waxaan markhaati gelinaynaa Allaah iyo Muslimiinta oo idil, haddii Nabi Muxamed u dabaal degi lahaa dhalashadiisa ama asxaabtiisu arrintaas ay samayn lahaayeen, in aan dadka uga hor mari lahayn uguna yeeri lahayn inay nala wadaagaan, waayo annagu Allaah mahaddiis waxaan ka mid nahay dadka kuwa ugu dadaalka badan raacidda Nabiga iyo raacidda sunnadiisa iyo weynaynta qawlkiisaba haddii ay tahay wax uu na farayo ama naga reebayo.
Allaah waxaan waydiisanaynaa walaalahayaga muslimiinta ahna u weydiinaynaa inuu xaqa nagu sugo, oo naga ilaaliyo wax kasta oo khilaafaya, isaga ayaa deeqsi ah.
Ibnu Baaz – Fatwa al-Mar’ah 10

Waxa ay shareecadu ka qabto u dabaaldegga maalinta hooyooyinka
Su’aasha 7aad: Sannad kasta waxaan u dabaal degnaa maalin lagu magacaabo maalina hooyooyinka waana Maarso, dadkoo dhan ayaa dabaal dega, haddaba arintaasi xaaraan miyaa?

Jawaab: Ciid kasta oo khilaafta sharciga waa bidco, lamana aqoon xilligii ay noolaayeen asxaabtii iyo jiilashii ka dabmeeyey ee barakaysnaa, waxaana laga yaabaa in gaalo looga dayday, oo markaas ay noqoto bidco iyo gaaladii cadawga Allaah ahayd oo la isku shabaho.
Muslimiintu ciidaha sharciga ee ay leeyihiin waa ciidda soon fur iyo ciidda udxiyada iyo ciidda asbuuca (Jimcaha), islaamkuna ma leh ciid aan saddexdaas ahayn, ciid kasta oo aan ahayn saddexdaas ciidood oo aan soo xusnay lagama aqbalayo ciddii keenta waana baadil sida ay qabto shareecada Allaah.
Nabigu wuxuu yiri:
*
“Qofkii ku soo kordhiya diinta wax aan horay ugu jirin, laga aqbali mayo.”
Muslimna wuxuu qoray warin kale oo Bukhaarina sharaxa ku qoray oo ah:
*
“Qofkii la yimaada cibaado aan diinta horay ugu jirin, laga aqbali mayo.”
Markii ay noo caddaatay arrintaasi, ma bannaana ciidda gabadhu ay na weydiisay oo ay ku magacawday ciidda hooyooyinka, mana bannaana in la muujiyo maalintaas farax iyo wixi la mid ah oo wax la isu hadiyeeyo sida ciidaha la sameeyo.
Ruuxa muslimka ah waxaa ku waajiba inuu diintiisa ku faano kuna cisoobo, isagoo ku gaabsanaya xuduudda Allaah iyo rasuulkiisu u xadideen oo ka mid ah diintaan toosan oo Allaah uga raalli noqday addoomadiisa isagoo aan waxba ku siyaadinayn kana naaqusinayn, qofka muslimka ah lama doonayo inuu noqdo mid iska raaca cid kasta oo wax sheegta, ee waa inuu noqdo qof shakhsiyad leh oo ku soconaya shareecada Allaah oo markaas isagu uu noqdo mid lagu daydo oo la raaco, halkii uu cid kale ku dayan lahaa oo ka raaci lahaa, Allaah mahadi ha ka gaarto shareecada islaamku waa kaamil dhinac kastana way ka dhammaystiran tahay Allaahna
wuxuu yiri:
*
“Maanta ayaan diintiinnii idiin dhammaystiray, nicmadaydiina idiin taam yeelay, diin ahaanna Islaamka idiinka raalli noqday.”
Hooyada xaqeedu waa ka badan yahay in sannadkiiba maalin kaliya loo dabbaal dego, balse waxay awlaaddeeda xaq ugu leedahay inay maalin kasta iyo waqti kastaba xannaaneeyaan baarri u noqdaan oo hadalkeeda maqlaan wixii aan Allaah lagu caasinayn.

 

Maxay shareecadu ka qabtaa in Allaah la weydiisto dhimasho?
Su’aasha 8aad: Noloshayda waxaa soo wajahay mashaakil badan, oo sabab iigu noqday mar kasta oo aan xusuusto xaaladda aan ku suganahay in aan Allaah weydiisto dhimasho deg deg ah, ilaa iyo maanta oo la joogana xaaladdaas ayaan ku suganahay, sababtoo ah ma arkin xal aan geeri ahayn oo aan kaga bixi karo dhibka ihaysta, haddaba arrintaasi xaaraan miyaa?

Jawaab: Rasuulku wuu reebay in qofku dhimasho doorbido dhib ku dhacday sababteed, wuxuuna yiri:
*
“Qofna yuusan dhimasho u yeeran dhib soo gaartay awgeed, haddiise uu ka fursan waayo ha yiraahdo: Ilaahoow inoolee intii aad ogtahay inay nolashu khayr ii tahay, oo i oofso markii aad ogtahay in dhimashadu khayr ii tahay.”
Ma bannaana in qofku dhimasho u yeerto markii dhibaato ku dhacdo ama mashaakil la soo gudboonaado, waxaase laga doonayaa inuu sabro oo Allaah agtiisa ajar ka xisaabsado oo uu dul qaato inta faraj uga imaanayo, Nabigu wuxuu yiri:
*
“Ogoow in gargaarku la socdo sabirka, farajkuna la socdo kurbada, dhibaatada iyo mashaqadana uu ka dambeeyo fudayd.”
Qof kasta oo musiibo ku dhacdo waa inuu ogaado in musuubooyinkaasi u yihiin dambi dhaaf oo sababtooda loogu dhaafayo dambiyadii horay uga dhacay, qofka mu’minka ah dhibka iyo murugada soo gaarta oo dhan waxay u noqonayaan dambi dhaaf, xataa qodaxda mudda kulay ku tahayna.
Danbiyada lagu dhaafayo dhibka ku yimaada waa kuwa yar yar laakiin dambiyada waaweyn iyagu waxaa un lagu dhaafaa towbad oo keliya sida xanta, beenta, isku-dirka iyo wixi la mid ah, haddii qofku dambiga uu galay yahay mid Allaah un ka galay shuruudda laga rabo waa saddex shardi oo kala ah:
1. Inaad ka tagto oo faraha kala baxdo danbiga.
2. Inaad ka shallaaydo falkaas xun eed gashay.
3. Inaad go’aansato in aadan waligaa dambe u noqonayn, haddii dambigaasi yahay mid aad shakhsi ka gashay waxaa shuruuddii aan soo xusnay lagu darayaa in uu ka cafis dalbo qofkaas, haddii maal xaqdarro uga qaatayna uu u celiyo.

Sabirka iyo in ajar la xisaabsado dhibaatada ku soo gaarta waxaa lagu gaaraa darajada sare ee dadka saabiriinta ah ay leeyihiin, Allaahna uu yiri:

“U bishaaree kuwa sabra, kuwaas oo markii musiibo ku dhacdo yiraahda Allaah ayaa na leh xaggiisa ayaana u noqonaynaa.”
Haweentaasna in mashaakilka haysta ay u weydey xal aan dhimasho ahayn waxaan u arkaa inay ku gefsan tahay, sababtoo ah geeridu ma xalliso mashaakilka waxaabase laga yaabaa inay dhibka iyo mashaakilka sii kordhiso, imisa qof ayaa dhintay isagoo dhibaataysan geeridaas ku timidna ay u noqotay cadaab u soo degdegey waayo markii uu noolaa ayaanu tubta toosan haysan, haddii uu sii noolaan lahaa waxaa laga yaabaa in Allaah waafajin lahaa sabir iyo toobad keen iyo dulqaad uu u yeesho musiibada ku dhacday iyo inuu Alle ka dalbo dambi dhaaf isla markaana ka rejeeyo faraj khayr qaba inuu u furo, sidaas ayaana khayr badan.
Gabadhaan su’aasha na weydiisay waxaa ku waajiba inay Allaah agtiisa ajar ka xisaabsato niyaddana ay ku qabsato in Allaah faraj u furi doono, Allaah Qur’aankiisa wuxuu ku yiri:

“Ciriiriga waxaa ku dhow fudayd. Ciriiriga waxaa ku dhow fudayd).”
Nabiguna wuxuu yiri:
*
“Ogoow in gargaarku la socdo sabirka, farajkuna la socdo kurbada, dhibaatada iyo mashaqadana uu ka dambeeyo fudayd.”
Ibnu Cutheymiin 19

Fataawaha Dumarka

Fataawaha Dumarka
Shiikh Cabdulqaadir Maxamuud Cismaan

Waxaa su’aalaha ka jawaabay:
Shiikh Ibnu Taymiya
Shiikh Ibnu Baaz
Shiikh Ibnu Cutheymiin
Shiikh Ibnu Jibriin
iyo Weliba Guddiga Joogtada ah ee Iftaha Baladka Xaramka ee Sucuudiga
(fadlan eeg bogga 240aad [Lifaaqa Labaad] haddaad u baahato taariikhda nolosha iyo aqoonta culimadan)

Waxaa qoray oo isku dubbariday:
Shiikh Cabdulqaadir Maxamuud Cismaan

Sixitaanka iyo Turxaanbixinta:
Macallin Cabduraxmaan Xuseen Xasan
Shiikh Xuseen Maxamed Cismaan

Qaabaynta Dhigaalka iyo Naqshadda Jaldiga:
Cawil Cali Xaashi

SOO SAARISTII KOOWAAD

FIQI

 

 

© Cabdulqaadir Maxamuud Cismaan 2006

Xuquuqda daabacaaddu waa ay dhawrsan tahay. Lama badsan karo si kasta oo loo dhigaba, iyadoon oggolaansho loo haysan. Ciddii ku xadgudubta waxaa lala tiigsan doonaa maxkamad sharci ah oo adduun ama waxaa lala sugi doonaa midda aakhiro ee Alle, iyada oo shareecada Islaamku ay meel cad ka istaagtay xaaraan ahaanshaha bililiqaysiga buugta, sida ku xusan buugga Xuquuqda Daabacaadda ee Shiikh Albaani.

Fadlan kusoo dir wixii faallo ama dalab buuggan la xiriira:
fiqipublishers@hotmail.com

 

 

 

Hordhac
Allaah ayaa mahad iska leh, nabad gelyo iyo naxariisina nabi Muxamed korkiisa ha ahaato iyo ehelkiisa iyo asxaabtiisa.

Kitaabkani wuxuu ka kooban yahay su’aalo ay ka jawaabeen culimada Hay’ada Iftaha Sucuudiga iyo Ibnu Taymiyah (dhammaan Alle ha u naxariisto oo ha ka abaal mariyo mid nool iyo mid dhintayba), su’aalahaas iyo jawaabahaas waxay ku saabsan yihiin axkaamta sharciga ah, sida salaadda, soonka, sakada, Xajka.

Axkaamtaani rag iyo dumarba way khusaysaa waxayse si gaar ah u taabanaysaa haweenka, iyadoo mugdi ka geli karo salaadeedii, soonkeedii ama cibaadooyinka kale ee dahaarada loo shardiyo.

Haddii aan tusaale u soo qaadano dhiiga caadada iyo axkaamtiisa waxaan arkaynaa ahmiyadda cilmigaasi leeyahay iyo sida loogu baahan yahay in juhdi badan lagu bixiyo, oo axkaamtiisa dadka loo sharxo.

Xaydka marka laga hadlayo waxaa laga hadlaa labo arrimood.

  1. Usuusha baabka Xaydka
  2. Furuucda ku taxaluqda baabka xaydka.

Usuusha baabka xaydka waa kooban tahay oo axaadiis iyo aayado ayaa ku soo arooray, waxaase mashaakilku ka yimaadaa furuucda, oo aan la koobi karin mar kastana wax cusub la arkayo loona baahan yahay in xukun sharci ah la waafajiyo.

Xiligii nabiga (S.C.W) iyo saxaabada ma jirin dhibkaan faraha badan oo ka jira axkaamta xaydka sababtoo ah dadku waxay ahaayeen dad isku bay’ad ku nool oo ma jirin futuuxaadka aduunka oo dhan lagu galay oo markaas loo tagey dad kala dhaqan iyo abuuris iyo cimilo duwan, waxaa kaloo jira maanta daawooyin dhalmada lagu kala fogeeyo oo iyaguna keenay cudurro jiha wareer ku riday dhiigii caadada taas oo keentay in ay soo baxaan waxyaalo badan oo horay aan loo aqoon oo u baahan in la eego axkaamta ay qaadanayaan.

Ragga sidoo kale waxaa mugdi ka gelayaa u galmoodkii xaaskiisa, nikaaxii, iyo furniinkii, ciddadii ma ka baxday mise kama bixin? Waxaas oo dhan waxay ka farcamayaan baabka xaydka.

Imaam Al-Daarami, kitaab gaar ah ayuu ka alifey, imaam An-Nawawi 200 oo bog ayuu kaga hadlay mana koobin axkaamtiisa ayuu yiri, culimada qaarkood waxay yiraahdeen xaydka waxaa ku soo arooray in ku dhow 0 xadiis, oo ku kala yimid wax ku dhow 150 riwaayo, waxaana ku kulmiyey in ku dhow 500 oo warqadood.

Imaam Ibnu Carabi oo ah culimada Maalikiyada wuxuu yiri: Wuxuu ka mid yahay masaa’isha beerka cunta (تأكل الكبد), isagoo ulajeeda mas’aladaani inay tahay mas’alo dhib badan oo culimadu in badan ka fiirsadaan fatwadeeda.

Imaamu Axmed wuxuu yiri: Sagaal sano ayaan ag fadhiyey ilaa aan ka fahmay, ma haboona in la fududaysto baabka xaydka, diintuna soon iyo salaad keliya ma ahan, haweenka xaaladahooda xaydku waa afar xaaladood.

  1. Mid hadda xaydku bilaabay (Mubtadi’ ah).
  2. Mid 3 ilaa 4 jeer heshay dhiiga caadada (Muctaadah).
  3. Mid taqaan noocyadiisa, xanuunkiisa, midabyadiisa (Mumayizah).
  4. Mid aan kala saari karin ee ku wareersan, ama culimada wareerisa oo arinteedu isku murugsan tahay (Mutaxayirah, ama Muxayirah).

Labada u dambeeya ayaa masaaisha intooda badan ka yimaadaan gaar ahaan tan u dambaysa masaaisheedu waa is dhex gelayaan, mar nifaaska iyo xayd ayaa is dhex galaya, mar dhiig furan iyo xayd ayaa is dhex gelaya, waana in dhug loo lahaado masaa’ishan.

Imaam Al-Nawawi qarnigii todobaad ayuu wuxuu yiri: Culimadu marka ay ka hadlayaan baabkaan waxaa dhacda in ay khaldaan (waqad qalida fiihil culamaa), haddii xiligaas sidaas la yiri, maanta maxaad moodaysaa?

Waxaa imaanaya su’aalo badan, matalan haweenta mustaxaadada ah (dhiig furanka qabta) ma loo galmoon karaa? Mise looma galmoon karo?

Jamhuurka culimadu waxay qabaan in loo galmoon karo, lamana hayo xadiis ay ku caddahay in aan loo galmoon karin, Ilaahay wuxuu xarimay galmoodka haweenka xaydka qaba ee ma xarimin mustaxaada.

Culimada qaarkood waxay dheheen uma galmoonayo inuu sino ka cabsado mooyaane, laakiin sida saxiixa ah ee ay jamhuurka culimadu qabaan wuu u galmoon karaa, waxaase haboon in laga dhawrsado.

Waxaa suno ah in ay qubaysato salaad kasta, kumana waajibin sidii laga arkay ficilkii Faadumo oo saxaabiyad ahayd.

Waxaan halkaas ka dareemaynaa baahida weyn ee loo qabo in la fahmo axkaamta sharciga ah, sida dahaarada, Soonka, Salaadda, Zakada, Xajka, qof kasta oo muslim ah waxaa laga doonayaa in aanu diintiisa ka jaahil noqon, iyadoo maanta cilmiga barashadiisa aad loo fududeeyey oo qof cudur daar helaya uu yar yahay.

Shiikh Cabdulqaadir Maxamuud Cismaan

 

Tusmada Buugga

Hordhac

CAQIIDADA
Dhiig ku qubaysi
Waxa ay diintu ka qabto in mindi la dhigo ilmaha madixiisa
Warqadaha uu ku qoran yahay magaca Allaah
Maxay ka qabtaa shareecadu sawirka
Xukunka sawirrada darbiyada la suro
Xukunka (Mawliidka) ciidda dhalashada Nabiga
Waxa ay shareecadu ka qabto u dabaaldegga maalinta hooyooyinka
Maxay shareecadu ka qabtaa in Allaah la weydiisto dhimasho

IS DAAHIRINTA
Maxay shareecadu ka qabtaa in niyada afka looga dhawaaqo
Taabashada kitaabka qur’aanka ah weeso la’aan
Qoyaanka haweenka ka yimaada
Weysada jirka oo dufan leh
Waajib miyaa inay haweenku geedkooda gudihiisa mayraan
Qof aan jinaabada ka mayran karin
Haweeney xanuunsan oo aan awoodin qubays
Matagga ilmaha yar yar
Ilmo loo istijeeyey weysadu maku buraysaa
Shakiga weysada
Najaasada qallalan dhib ma keento
Wajiga iyo gacmaha oo saabuun lagu mayro weysada
Habka looga qubaysto jinaabada
Dhunkashadu weysada ma buriso

DHIIGGA CAADADA IYO KAN DHALMADA
Haddii haweeney caado qabtaa ay weydo biyo ay isku daahiriso
Haween uur leh oo dhiig ka furmay
Dhibcaha dhiigga marka la daahir noqdo kaddib
Taabashada musxafka haween aan daahir ahayn
Ku negaashaha xaramka haween caado qabta
Umushu haddii ay daahir noqoto afartanka ka hor
Haweenka uurka leh dhiig caado ma helaan?
Dhiig furanka
Dhiig ayaa ka yimid markay qubaysatay kaddib
Kala go’a dhiigga caadada
Haween caado qabta ma ku sujuudaysaa qur’aan akhriska?
Xukunka dhiigga yimaada dhalmada ka hor shan cisho
Kiniinka joojiya dhiigga caadada
Haweenta caadada qabta iyo Salaadda
Taabashada Musxafka
Qoritaaka qur’aanka haween caado qabta
Ha deg degin
Dhiigga yimaada inta aan la gaarin waqtigii caadada
Haweentu haddii ay casarka daahir noqoto salaaddii duhur way qallaynaysaa.
Haddii ay haweenta ilmuhu ka dilmaan bisha 3aad
Haddii dhiigga caadadu waqtigiisa dhaafo oo joogsan waayo

SALAADDA
Haweeney uur leh oo aan kaadida ceshan karin salaadda ma ka tegaysaa?
Salaad waqtigeed soo galay ayay caado heshay
Haweenku ma tukan karaan salaad jamaaco ah?
Haweenku ma adimi karaan, codkooduse cawro miyaa
Labiska maro kaa xaaraan ah salaadda ayaa kaaga buraysa.
Haweenku rag ma tujin karaan
Ma qallaynaysid salaaddii hore
Sujuudda Qiraa’ada xaalad kasta way ku bannaan tahay.
Waswaaska iyo shakiga
Gambaleelka guriga ayaa la yeeriyey anigoo salaad ku jira.
Dhib kuma sugna in salaatu laylka quraanka kitaabka laga akhriyo
Inta ugu yar iyo inta ugu badan ee tasbiixda la akhriyo rukuucda iyo sujuudda
Xukunka sujuudda qur’aanka.
Salaadda oo hurdo awgeed looga dib dhaco.
Xanuunka foosha iyo salaadda
Goynta salaadda
Sahwiga salaadda
Salaad la tukaday xijaab la’aan
Salaadda masjidka
Qur’aanka salaadda lagu tukado kor ma u qaadayaan haweenku
Nin aan tukan sidee loola joogayaa
Asturidda cagaha iyo cumaacumaha marka salaadda la tukanayo.
Kee dambi badan Taariku salaadka iyo Saaniga
Nin xaaskiisa salaadda kala quustay
Kee la hor marinayaa lawyaha iyo calaacalaha marka la sujuudayo
Salaadda la tukado witriga gadaashiis

JINAASADA
Salaadda jinaasada iyo haweenka
Dhib ma leh ninku inuu xaaskiisa mayro
Haweenka wuu bud dhigi karaa nimaan maxram u ahayn.
Waxa anfacaya maydka marka uu dhinto kaddib
Xukunka baroordiiqda
Oohinta loo ooyo qofka dhintay
Dhabanada oo la iska tumo iyo dharka oo la iska jeex jeexo marka musiibo timaado
Haweenku qubuuraha ma booqan karaan.

SOONKA
Dib u dhigidda qallaynta soonka.
Sannadihii ugu horeeyey ee qaangaarka qof aan soomin
Haweeney la hadalkeed iyo gacanteeda oo la taabto maalin bil Ramadaan.
Haweentiisi ayuu u galmooday maalin bil Ramadaan
Xaamiladu haddii ay afurto soonka way qallaynaysaa
Qallaynta soonka
Daahir noqoshada salaadda subax gadaasheeda.

SEKADA
Sekada meherka
Waxaan haystaa dahab aanan sako ka bixin 5 sano.
Sekada Dahabka
Dahabkeedii ayay iibisey iyadoon sakadii ka bixin
Sakada oo la siiyo hooyada
Sekada oo la siiyo mujaahidiinta

XAJKA
Haweenta caadada qabta iyo labada ragcadood ee Ixraamka
Haweentu marka ay xajka gudanayso wajigeeda ma feydeysaa
Wajiga in la feydo marka la dhunkanayo xajarul aswadka
Haweeney aan maxram lahayn xaj kuma waajibayo.
Nin haween taabtay isagoo dawaafaya.
Dhiig ayay heshay intaysan cumradii dhamaystiran umana suurta gelayso inay sugto inta ay daahir noqonayso.
Wakiilashada tuuryada Jamraadka
Ruuxa ixraamani haddii uu kabo ama sharabaado xirto
Gabar caado heshay oo ka xishootay inay sheegto oo xajiday
Musdalifa ayay ka timid intaan habeenka kala barkiisa la gaarin, maxram la’aanna way ku soo xajiday.
Jeddah ayay aaddey iyadoo xajiyaysa
Haweeney Xaj Tamatuc ah soo ixraamatay oo caado heshay
Ma xajiyi karaa ninkayga oon ii idmin.
Timaha ka go’a haweenka ixraaman.
Miiqaadka ayay soo dhaaftay iyadoo caado qabta
Musdalifa oo laga baxo goor hore
Qof maal leh oo geeriyooday isagoon xajkii gudan

UDXIYADA
Udxiyada haweenku way qali karaan.
Shanlaysiga timaha qof doonaya inuu Udxiyo qalo

GUURKA
Guurka saaniga iyo saaniyaddu waa baadil
Shardiga u wakiilashada nikaaxa qof kale
Muxuu islaamku ka qabaa xadaynta taranka iyo nidaamintiisa
Nin diin leh baa isoo doonay laakiin hooyaday ayaa iga hor istaagtey
Guurkaasi Waa saxiix
Xaamilada guurkeeda ilaa ay ka dhasho
Isagoo sakhraansan baa loo nikaaxshey
Dumaashigu maxram kuuma ahan.
Guursiga ahlu kitaabka gabdhahooda
Gabar uu guur ka doonayo ninkii waliga u ahaa
Nin jirran guurkiisu ma ansaxayaa?
Ma ansaxayaa guurka gabar aan qaan gaarin aabaheedna aan laga doonin
Guurka naag la furay oo aan dhiig helin muddo siddeed bilood ah
Haweeney la guursaday iyadoon ciddadii dhamaysan
Shardiga la kala xirto marka la is guursanayo
Ceebta ka soo if baxda labada is guursada midkood.
Haweenta aan dhiiggu ka go’in nikaaxeedu ma fasakhmayaa, mase loo galmoon karaa
Xukunka in haweenka gadaal looga tago
Nin gabar guursaday kaddibna arkay inaysan bikro ahayn.
Nin gabadhiisii ku sadaqaystay nin kale meher la’aan
Meherka gabadhaa iska leh qof kale uma bannaana inuu ku tagri falo iyadoon ka raali ahayn.
Suldaanku wali uma noqon karo haweeneydii aan wali lahayn
Guurka gabadha aayadu dhashay
Meherka
Nikaaxa Shiqaarka (Beddelka)
Qof dhiig loogu deeqay nikaaxiisa ma saamayso.
Naagta lala baxo nikaax cusub ayaa lagu celinayaa
Guurka bikro laga sinaystay
Guurkaani ma ansaxayaa?
Naag nin kale u doonan mala dooni karaa
Xiriirka dhex mara guurdoonka
Wuxuu ka dhaartay isagoon nikaaxsan
Sidee u dooranayaa ninkii aan guursan lahaa.
Guurka naag uur leh
Guurka haweenka ahlu kitaabka ah
Guurka nin ahlu kitaab ah gabar muslimad ah
Nin la waayey oo xaaskiisii la guursaday kaddibna soo noqday
Eegmada haweenku ay ragga eegaan

WADA DHAQANKA LABADA ISQABA
Eegmada cawrada labada is qaba
Xaaska oo laga maqnaado muddo dheer
Cazliga (Ka siibidda)
Xadka baashaalka labada is qaba.
Ninkeeda ayay si sir ah wax uga qaadatay
Is qaawinta marka la isu galmoonayo.
Haddii ninku xaaskiisa lacnado maka furmaysaa?
Xiriirka labada is qaba
Haweenka la isla qabo
Haddii ninka loo xabiso xaaskiisa darteed masruuf maku leedahay?
Haddii ay haweentu ninkeeda u hibayso maalkeeda
Ma u khidmayn karaa soddogay.
Bixidda ay haween gurigooda ka baxaan iyaga oo ninka ka idan qaadan

FURNIINKA
Nin xaaskiisii furay isagoo xanaaqsan
Haweeney saddex lagu furay.
Nin xaaskiisa ku yiri waad iga furantahay labo jeer oo wada socda
Xukunka haweentu inay dalbato furniin
Furniinka Saddexda dalqadood oo hal mar ah
U wakiilashada furniinka haweenta nafteeda ama cid kale
Furniinka Haween uur leh.
Xilo dalaaqa
Xilo dalaaq aan furniin loola qasdin.
Ka dhaarashada haweenka
Naag ninkeedii iska xaaraantinimaysay
Furniinka iyo xaaladaha shabbaha.
Furniinku ma dhacayaa haddii ninka la khasbo?
Khulcada dalqad ahaan miyaa loo xisaabinayaa.
Muxuu yahay macnaha hooyaday ayaad iga tahay?
Ma dhacayo furniinka nin sakhraansan.
Haddii ninku xaaskiisa furo isagoo xanaaqsan oo xiskiisu joogin.
Haddii ninku u ballan qaado xaaskiisa inuu furayo, maka furmaysaa?
Ninku ma furayaa xaaskiisa haddii hooyadiis sidaas ka dalbato?
Saddex dalqo ayuu ku furay isagoo niyaysnaa inuu hal dalqad ku furo.
Nin yiri wax walba waa iga xaaraan xaaskiisu ma ka furmaysaa?
Haweenka la furay marka lagu noqonayo shardi ma ahan inay ku raalli yihiin

ASAYDA
Haweenta asayda sidda way qubaysan kartaa
Haweenta da’da weyn asay way qaadaysaa
Isma udgin karto haweentu inta ay asayda siddo guurna looma ban dhigi karo si sarbeeb ah mooyaane
Guur in loo soo bandhigo haweeney cidadii ku jirta
Saabuunta udgoon iyo asayda
Naag ninkeedii geeriyooday isaga oo aan u galmoon
Dhaxalka haweeney la furay oo ninkeedii si kedis ah u geeriyooday
Waa gef aan diinta ku banaanayn in haweenta la furo guriga laga saaro ama iyadu ka baxdo

NIDARKA
Nidarku waa karaahiyo oofintiisuna waa waajib
Haweeney nidartay inay soonto bisha Rajab sannad kasta.
Xukunka dib u dhigidda nidarka
Waxay nidartay inay hal Geel ah qasho oo aysan hilibkeeda dhadhamin.
Xukunka in la bedelo wixii la nidray

KAFAARE GUDKA DHAARTA
Qaddarka cuntada la bixinayo kafaare gudka
Qof dhaartiisa raaciyey Insha Allaah kafaare gud maleh

LABBISKA IYO XIJAABKA
Galitaanka Suuq haweenku iyo ragu isku dhafan yihiin
Kabaha dhaadheer iyo Rooseetada
Eegmada
Cawrada haddii ay daruuri noqoto in la fiiriyo
Burukada
Dharka gaagaaban ee gabdhaha loo xiro
Waa waajib in khaadimadda la faro xijaabka.
Haweenku sanka ama dhegaha ma dalooshan karaan.
Uma bannaana in ay haweentu surwaal xirato
Gaabinta timaha
Ciddiyaha Rinjiga la marsado iyo kabaha taakada dheer leh.
Ciddiyaha la dheeraysto
Rajabeetada Naasaha lagu xidho
Muslimaddu hablaha gaalada ah ka xijaaban mayso.
U Xijaabidda haweenka loogama dan lahan Xabsi
Gogol ma kula seexan karaa wiilku walaashiis iyo hooyadiis
Xaaskaygu kama xijaabato ilma adeeraday
Gabdhaha aan qaan gaarin guriga ma ka bixi karaan xijaab la’aan mase tukanayaan.
Gabar xijaabkii laga siibay.
Ninkaygu wuxuu iiga raalli yahay in aanan xijaaban.
Itaageerta madaxa lagu xidho
Dharka ciriiriga ah
Marada oo la dheereeyo ilaa ay dhulka xaabto

DAHABKA
Dahabka xirashadiisa iyo haweenka
Dahabka deyn ma lagu qaadan karaa

AKHLAAQDA
Xukunka qaadka iyo sigaarka
Joojinta dhalmada
Shaqada haweenku qaban karaan
Jannada iyo xuural-caynta

SALAANTA
Salaanta qaraabada
Salaanta oo la gacan qaado haweenka ajnabiga
Salaanta ardaygu salaamo ardayadda
Haweenka oo lala kaliyoobo (khalwada)
Way i caayaan markaan xumaanta ka reebo

FATAAWA KU SAABSAN ARRIMO KALA DUWAN
Haddii haweentu iibiso maal ay leedahay oo waligeed aysan arag.
Waalid wax ku sadaqaystay caruurtiisa.
Caruurta qaarkeed oo gooni wax loo siiyo

DHAXALKA
Sidee dhaxalka loogu qaybinayaa.
Haweenta iyo dhaxalka ninkeeda.

Raadraaca buugga

Taariikh-Nololeedka Culumada Su’aalaha ka Jawaabay

  • Al-Cuthaymiin
  • Bin Baaz
  • A1-Jibriin
  • Ibnu Taymiyah
  • Guddiga Iftaha Sucuudiga

Xubinta 11aad

— 1 —

Xamarta Waqooyi haddii mar uun dani ku geyso, Hawl Wadaag kor u sii dhex qaaddid, Jidka Soddonka ka tallawdid, Waddada Daraawiishta la sii socotid, bannaanka shishe markaad u baxdid, waxaa bidixda kaa qabanaya buur aan weynayn oo isaga iyo agagaarkiisuba maalintii cagaar qurux badan yihiin, habeenkiise mugdi cabsi leh. Buurkaas rakadiisa ayay saaran tahay Fillada Cagaaran. Waataas Xaafadda mugdiga ah kaligeed ka dhex ifaysa, sidii markab weyn oo bad mugdi ah ka dhex siraatay. Berigii hore waxaa la dajiyey aqoonyahanno ajnabi ah oo la shaqaynayey Mashruuca Jaamac-Dhegay Maareeyaha ka yahay. Ka dib raggaas waa laga kaaftoomay; waxaa beddelay aqoon-yahanno Soomaaliyeed. Aqoon-yahannadii qalaad siday u baxeen, Fillada Cagaaran cid kale oo rasmi ahaan u degta waa loo diiday. Aqoon-yahannada cusub ee gurya la’aantu hayso iyo shaqaalihii kaloo u soo hanqal taagayba waa loo bohola dumiyey. Jaamac-Dhegay iyo asxaabtiisa ayaa, habeenkii ay u baahdaan ugu isticmaala baashaalkooda qarsoodiga ah.

Waa fillo weyn oo ka kooban laba ‘abaartamento’ oo bari iyo galbeed u kala jeeda; mid waliba waxay leedahay barandadeeda rukunada marmarka ah ku taagan, jikadeeda casriga ah iyo suuliyaasheeda. Hareeraha oo idil waxaa uga wareegsan jardiino weyn oo ubaxu caynba cayn yahay, cawskuna kashkash yahay. Dusha waxaa uga sii wareegsan dayd baaxad weyn oo intiisa kore si farshaxannimo ah matooni cas loogu xardhay, badise dhir cagaarani ku hagoogatay. Kayntaas ay ku dhex jirto ayaa keentay in loo bixiyo Fillada Cagaaran.

Filladu caawa way cammiran tahay. Waa cawooyinkeedii. Waa cawooyinkii daraaddood dadka loogu diiday. Cashaa bislaanaysa. Cabbitaan baa qaboobaya. Ciidan baa shaqaynaya. Ceesaan baa qalan. Dhiiggeedaa dad u soo carfaaya. Dhegey baa u malabsanaya. Beyddan baa miciya-lisanaysa. Maanaa kawaanka saaran. Magac ba’ay! Bal eeg miskiintaas miinada ku fadhida! Markay qarxi lahayd dhawaa! Meeshani miciin daranaa! Maxaa gabar lagu ajaray! Midba xeelad lagu siray! Caawana ma Maanaa? Caku mujtamac dhallaankiisa dhaylada ku dubta! Caku dhiqlaha mujtamaca ku dhex jira!

Maana-Faay ma moogayn in ay meel halis ah ku habeensatay. Ma yarayn inta jeer ay u hinqatay in ay baxdo, inkastoo ayan garanayn meel ay u dhaqaaqdo. Haddana awood ka xoog iyo xeel badan baa mar walba celinaysay. Qaamaanta ikhtiyaarkeeda kuma socon. Miyirkeeduna ma wada joogin. Wax ay diiddo iyo wax ay yeesho ma kala garanayn. Waxa ay samaynaysaa uma caddayn. Waxay la mid ahayd sidii qof saaran bas magaalo weyn oo ayan aqoon ku dhex wareegaya, meel ay ula socotana garanayn. Beyddan iyo Seynab baa isu dhiib-dhiibayay, sidii ciyaartoy kubbad ku xarfadaynaya.

 

— 2 —

Iyadoon taladii Beyddan u soo jeedisay “Haye” iyo “Maya” midna oran, ayey maanta soo fuushay gaarigii Jaamac-Dhegey ee Beyddan ku soo qaadday. Waqooyi buu afka u saaray, xuf! Fillo weyn iridkeed, jig! Gabar bashaashad ah waa tan, daf! Salaan diirran. Dhunkasho ha ku boobto. Abaartamintadii galbeed ha dajiso. Alaabtii loogu diyaariyey ha ku indha-sarcaadiso. Soo dhaweyn iyo koolkoolin cagaha dhulka ha uga qaaddo. Sidii boqoraddii yarayde fillada loo dhisay ha ugu adeegto. Alla yartu fiicanaa! Marti gelin wanaagsanaa!

Ha dhicin, ha jabin! Maxaa kuu cad, maxaa kuu madow? Dharka ka baddel. U qubee. Wax la isku qurxiyo iyo wax la isku carfiyo ka haqabtir. Muusiggii udambeeyey u saar. Cabbitaan iyo cunto ku khasab, sheeko iyo maaweelo, kaftan iyo maad. Qoftii gelinkii hore geerida isu diyaarisaye sunta goobaysay, galinkii dambe waxaa la gaarsiiyey heer laga qosliyo, laga sheekaysiiyo, intay mushkiladdeedii marar badan illowdo dhankeeda ka maadayso. Laakiinse qabatinta murugada, sidii calool-xanuunkii bay markay wax yar joogtaba ku soo laba kaclaynaysay, markaasay mar qura midab-gaddoomaysay, indhihii qoslayey ilmo ku soo joogsanaysay, sheekadii loo hayey intay kala goyso gabadha ku oronaysay, “Yaakhey dukhdii waa soo daahdaye maxaa waaye? Waxna ma ii soo waddaan u malayhaa!”

“Waxba ha is kurbayn macaantey,” Seynab baa ku sasabaysay. “Xaajiyaddii dadaalkaaga lee ku maqantahay, shaki la’aan mar dhow waa imaanaysaa.” Saynab hawshaas culus keligeed kuma ahayne waxaa la shaqaynayey kookihii jaajaalaha ahaa ee Jaamac-Dhegey ku soo amray in uu halkaas maanta ka hawl galo.

Casar-gaabadkii, shantii galabnimo iyo googo’ ayey Seynab intay jardiinada duleedka ah ku diyaarisay tarmuus shaah ah, rikoor iyo waxyaalo lagu madadaasho, Maana ku tiri, “Ina keen abaaye bannaankaa layr macaan jirtaaye an ku soo aaryeysannee.”

Markay xoogaa fadhiyeen baa abaartamintadii bari waxaa ka soo baxay nin xoog weyn oo da’ dhexaad ah. Wuxuu qabaa shaarkii jiifka iyo macawistii, cadayna waa sitaa.

Jardiinada duleedku waxay u qaybsan tahay dhowr goobood oo geedo waaweyn u kala dhexeeyaan. Goob walba waxaa ku wareegsan goobaabin laba iridood leh oo matooni iyo ubax ah, goobaabinta dhexdeeda oo dhanna caws jilicsan baa kash-kaash ahaan uga iltiran, cawskaas cagaaran waxaa ku dhex yaal ee goobaabinta bartamaheeda ku beegan miis wareegsan oo marmar ah, hareerahana laga dhigay laba kursi oo loo sameeyey sidii laba bilood oo iska soo hor jeeda. Labadaas kursi midka galbeed xiga ayay ku wada fadhiyaan Maana-Faay iyo Seynab, alaabtiina waxay u saaran tahay miiska wareegsan ee marmarka ah.

Ninkii shaarka jiifka iyo macawista qabayna meel qiyaasta labaatan tallaabo u jirta ayuu jardiinada geeskeeda darbiga xaggiisa caday ula jeestay, isagoo iska dhigaya sidii nin aan gabdhaha u jeedin ama dan ka lahayn. In yar ka dib buu Seynab isha ku xaday. Way fahamtay eegmadaas micnaheeda. Way garatay in uu leeyahay, Maxaad sugaysaa? Maad bilowdid riwaayaddii aynu isla ogayn? Intay kuurkuursatay bay riwaayaddii bilowday.

“Jaamacow!” Seynab baa ku tannaagootay, “Maanta intii aad shaqada ku maqnayd waxaa kuu yimid qolyihii guriga kuu dhisayey oo lahaa shamiintadii baa naga go’day!”

Jaamac-Dhegey, waa intii uu sugayaye gabdhaha xaggoodii buu u soo dhaqaaqay, isagoo iska dhigaya nin warkaas loo sheegayo ku soo dhawaanaya. Laakiin xeeladdaan ujeeddada ka dambaysa waynu wada garanaynaa. “Maxay ku yiraahdeen Seynab?” buu yiri, isagoo soo socda. Markii farriintaas beenta ah la sii yar falanqeeyey, Jaamac kursigii gabdhaha ka soo hor jeeday soo fariistay, Seynab koob shaah ah u shubayso, ayuu Maana-Faay oo uu intii horoo dhan isha ka dadbayey intuu sidii qof uusan markaas ka hor joogisteeda dareemin u jalleecay Seynab ku yiri, “Yartaanna walaashaa galabta ku soo booqatay miyaa?”

“Gabadhaan walaashay camal waaye, Maana-Faay baa la yiraahdaa,” Seynab baa ugu jawaabtay, haddana intay Maana eegtay is bariddii sii wadatay, ee tiri, “Maana wiilkan Jaamac baa la dhahaa, gurigaan daris ku nahay, waa kaabbe weyn; waa taajir Xamar nuskiis isagaa iska leh, annaka nafteenna markii xaalka nagu xumaado isagaan ku fakannaa.” Markay halkaas maraysay bay intay yare qososhay iyadoo Jaamac fiirinaysa, warkana kaftan u ekaysiinaysa raacisay, “Laakiin waxbana abaal ma ugu hayno, maxaa jira lacag ka badatay oo uu culayskeeda iska kala yaraynayo fanfaniinkeeda lee wax naga soo gaaraan.” Seynab iyo Jaamacba way qosleen. Ma kaftankay ku qosleen, mise sida xariifnimada ah ee Seynab riwaayadda u jilayso? Bal adba!

Maana-Faay maadaama dadkii qosleen iyana qosol aan hayn bay af gobaadsi dhoollaha caddaysay, iyadoo uurka iska leh, Hadduu kaabbe yahay iyo taajir wixii uu yahayba us lee isu ah, aniga maxey iiga sheegaysaa, shukhul maan ku leeyahay? “Wiilkaan” kuma lahoo? Dukh adoogay ka weyn aaba wiil lagu sheegaa, indha adkaa!

“Maana-Faay haye? Haddee barasho wanaagsan!” Jaamac-Dhegey baa ku yiri, intuu eegmo micne gaar ah leh isha u dabuubay. “Xaafadayada sharaf iyo farxad bay u tahay in ay booqasho ku timaaddo qof adigoo kale ah, wax badan bay dad aan booqasho ugu tagnay noogu duceeyeen, ‘Malaa’igi ha idin soo salaanto!’ Maanta un baa malaha ducadaas naloo aqbalay.”

“Ha dambaabin malaa’ig ma ihiye!” Maanaa si xishood ku jiro u tiri.

“Mayee anigu wali ma qaan gaarine! Laftaydaa boodaye wali carruur baan ahay! Cirro-caanoodda miyaad aragteen!” Jaamac baa ku kaftamay. Labadii gabdhoodba way ku qosleen.

“Laakiin fiiri!” isagii baa sii watay, “Adiga laftaadu ma is og tahay in aad dambi iyo xaq-darro weyn samaysay?”

“Maxaa waaye xaqdarrada?” Maanoo dareen galay baa waydiisay.

“Wixii magacyo iyo qurux jiray haddaad keligaa iska qaadatay, gabdhaha facaaga ah maxaad u reebtay? Haddeerba ogow gabdhaha quruxda iyo magacyada fiican waayey hadday ku dacweeyaan anigu waan u marag furayaa in aad adigu dhacday; ee quruxdoodii iyo taadii isku darsatay! Haddii kale haddeerba quruxdaan siyaadada ah nus iska keen gabdhahaas ha loo qaybiyee; nuska kalaa adiga kaa badan. Labada magacna mid baa lagaa celinayaa; ama Maana dooro ama Faay!”

“Kan kalana see la yeelaa?”

“Kaad doorato ma ahee kan kale waxaan u bixinayaa gabadhayda dhalan doonta.”

“Haah, waa lagu gartay,” Maanaa la soo boodday. “Xaq-darradii aa aniga igu sheegaysay adigaa samaynaysid. Gabartaada lee wax la doonaysaa ma ahoo?”

“Ii dhiib gacanta!” Jaamac baa yiri “Waad igu qabatay godkaas, xalaal caleeg! Haddaba magacii waan kuu daayey, laakiin quruxda siyaadada ah adigaa dhibaato kuugu jirtaa, waayo waxaa ku caashaqaya dad badan oo aadan mashaakilkooda xallin karin; mid duq ah, mid aadan doonayn, mid fool xun sidayda! Ka warran nin buuran oo qaab daran, sida anigaygaas oo kale hadduu iska kaa caashaqo oo kaa ag dhaqaaqi waayo?”

“Isaga lee waaye,” Maana-Faay baa jawaabtaas kooban u celisay, ka dib markay kaftanka Jaamac dulucda ka dambaysa u tarjumeen dareemayaasha dumarka lagu yaqaan ee waligoodba erayada ragga shishadooda duluc shukaansi ka dhadhansada!

Waa dukh shaxaari eh! Wuxuu wadiyo webiga yaa weyn? Maanaa istiri, iyadoo qosolkii kaftankiisu ka keenay dabayaaqadii u dambaysay sii tirtiraysa. Wuxuu wadiyo webiga wuxuu wadaa weyn, walise adigu ma aad garane saacado yar sii sug!

Kulankaas gogoldhigga ah Jaamac-Dhegey ujeedda uu ka lahaa waa ka gaaray. Wuxuu uga dan lahaa in uu gabadha isa sii baro, qalada ka bixiyo, kormeer guudna ku sameeyo. Waxaa isku soo beegmay markuu hawshiisaas dhammaystay iyo markii Maana ka yare shakiday. Waase hargaantigaas waaya-aragga ahe, intuu dhawr jeer oo kale ka sii qosliyey, buu iyadoo la wada qoslayo istaagay, yirina, “Iga raalli ahaada qolaa i sugayoo aan ku degdegayaaye.”

Intuu soo labbistay buu fatuuraddiisii kala jiidayd la baxay.

 

— 3 —

Toddobadii fiidnimo ayay fatuuraddii kala jiidnayd Filladii ku soo laabatay. Saddex qof oo buubuuran bay xambaarsan tahay. Waa laba nin iyo naag. Meel albaabka weyn in yar ka durugsan baa lagu hakiyey. Labadii nin midkood baa ka soo degay. Waa Cawaale oo laba dhaloo wiski ah iyo isteeg sigaar ah labada gacmood ku kala sida. Beyddan Shabeel oo naagta fatuuradda saaran ahayd ayaa waydiisatay in uu guriga ku sii hor maro, si uu ugu faq daayo iyada iyo Jaamac Dhegey. Waxay rabtay in ay ka fara qabsato inta uu godlan yahay, ee u malabsanayo gabadha ay guriga ugu xeraysay.

“Si la yaqaan baan u soo dhisay,” Beyddan baa ku warramaysa, “Waxaan kaa dhigay nabi yar oo dee qof cawo iyo ayaan leh mooyaane qof kale aanay heli karin.

“Farax iyada hadde, qosolkeedaa baxaya. Waar waa bisishahay baan ku iri qoftu, waa bisishahay, si kale kuma garatide. Waa iska diyaar, diinu caleyhi salaam! Waad aragtay galabta siday kuula qoslaysay. Caawana hadda iskaba daa hadalkeeda!

“Barnaamijku wuxuu u socon doonaa sidii aynu isla ogeyn: Jardiinada meesha u qurxoon, cawska dhexdiisa, ayaa kuraasta saalootada iyo katiifadaha isbuunyada ah lagu goglayaa. Halkaasaad afartiinnu kuwada cashaynaysaan. Muusikadiinnaa idiin baxaysa, iftiin badan ma jiro, nalalkii midabka lahaa baa ilays nuxuus ah dhirta caleenta badan ka soo dhex dusinaya, jawigaa la sii bislaynayaa, waxyaalihii jawigaas oo kale dhakhsaha u bislayn jiray, xeeladahaagii waad iska garanaysaa, cidi kaagama khabiirsana.”

“Haa, haa. Inta dhimman aniga igu daa! Adigu waajibkaagii waad ka soo baxday,” Jaamac baa ku taageeray.

“Inta horoo dadka kale idin la joogaan,” Beyddan baa sii wadatay, “Kolleyba way yare xishoonaysaa, illayn wuxu waa iska carruure; laakiin marka barnaamijka qaybtiisa hore dhammaato, ee Cawaale Seynabtiisa guriga la galo, labadiinnuna isku cidlaysataan, warku waa iska dhan yahay markaas! Waah-waah! Wax baa meeshaas ka dhici doona! Yaa salaam! Adigaa un baan ka baqayaa in odaynimo ku ciisho! Iska celi baan ku iri cambaruuddaas bislaataye meeshaad ka taabataba cadanyadu ku didayso, illayn waa cosobkaas dihine! Haddaadan tabar isku hayne, haddeerba meel joog, gabadha gooryaanka ha iiga kaakicine.”

“Igu hallee baan ku iri, igu hallee,” Jaamac oo qosol la marqaansan baa ugu jawaabay. Riwaayaddii macaanayd ee loo sii sawiray baa ka farxisay. Dib buuse ka garan doonaa in ay tahay tab Beyddan lacag uga godlinayso.

“Hadda aroos wanaagsan,” Beyddan baa tiri, “Yaanan waqtigaaga macaan kaa sii kala dhantaaline, darewal i dhaweeya ii soo dir, kow dheh, waana la i haystaaye bal keen wax aan isaga fujiyo inkaarqabihii dukaankoo aan ilaa shalay hawshii aan ku jiray deynta kasoo daldalayey!”

Aahey, waqtigeedii baa la gaaray. ay silingaha mudan jirtay! Jaamac baa uurka iska yiri, afkana ka maqashiiyey, “Deyntaas waynu bixin doonaaye, beri iyo meelahaasaynu isaga imaan doonnaaye, hadda…”

“Berri aa?” Beyddan baa ka dhex gashay, “Berri warkeeda ma jiro ina adeer! Hadduu guriga ii fadhiyaa ismaa’iga Ilaahay! Anigoon lacagtiisii u wadinna aqalkaygii maba tagi karayo; waa mid baas oo dhegdheg ah. Wallaahiyoo waana iga jid leeyahay, maxaa yeelay ballantii aan markii horeba lacagta uga soo qaaday baa ahayd in aanan kala maqnaan wax saacado dhaafsiisan. Waataad dee shalay hawl culus madaxa ii galisoo wax baas baan kala dabbarayey. Markii lacagtu iga go’daba, intaan ku ordaan lahaa, ‘Armaajadii lacagtu iigu jirtay baa iga xirantaye, ii dhiib intaas.’ Boqolka, labada boqol, shanta, iyo wixi la mid ah. Kalyantinimuu ii aaminayey, aniguna qof meel isku hallaynaysaan ahaayoo waan ogaa in aad bixin doontid; inkastoo aan deynta islaameed nebcahay, wax kastaba shalay waan ku kacay intii aan lahaa ‘arooska’ Jaamac Dhegey yuu kala dhantaalmin! Wixii aad dambi i galisayna aakhiro waa ii yaal, waxaad igu akhriday ma aqaane, waligay nin kale sidaas uguma dadaalin!”

Jaamac Dhegey wuxuu ku sigtay in uu yiraahdo, “Duqda waxba ha isu kay bihinbihin! Ma anigaad ii dadaalaysay, lacagtaydaad u bir tumanaysaye! Waxba ha ii riwaayadayn! Deyn aad daraadday u gashay daaye, lacagtaad hore iiga dhuratoo caawa koleyga kuugu jirtaa dhawr bilood masruuf iyo marashi kuugu filan!” Afkase kama orane intuu uurkiisa ku ceshaday buu qosol been ah dhoollaha u caddeeyey, si degganna ugu yiri, “Wax waliba way hagaagayaan Beyddan; ninkaas lacagtiisa iyo wixii kaloo deyn lagugu leeyahayba anigaa bixinaya, ha ka cabsan; laakiinse hadda jeebka waxba kuma hayee berri ha inoo ahaato.” Beyddan mar labaad bay boodday, in ay berri sugtana diidday.

Meeshaan waa la isu gabbanayaa. Dabin baa la isla gaadayaa. Qofba qof buu jar u degayaa. Jaamac Dhegey in uu shilin dambe bixiyo ma rabo. Wuxuu goostay in uu caawa iska sasabo. Barnaamijkiisa rabsha la’aan ku dhammaysto, berri markay ku soo noqotana ‘ka kac’ yiraahdo, Waayo wuxuu ku xisaabtamayaa lacagtii badnayd ee ay hore uga cuntay iyo sida aysan jeebkiisa ugu naxariisanayn.

Beyddanna waaya-aragnimadeedii dheerayd ee ay rag hore la soo martay, ayaa waxay bartay, daqiiqaddaas uu hamuunta la faraxsan yahay, gabadhii ay guriga u geysayna u han weyn yahay wax ayan ka dhirin-dhirin in ayan dib dambe uga helayn. Xitaa haddii ay isaga ka dhab tahay ballanqaadka uu ku muddeeyey, waxay og tahay in uu saacado dhow ka dib ku turunturroon doono gidaarkii dhalanteedka ahaa ee ay udhoobdhoobtay. Way ogtahay in uu saacado yar ka dib ogaan doono beenteedii ay tiri “Qoftu waa bisishahay, waa diyaar.” Way ka dharagsan tahay qofta ay madaxa u galisay xaaladdeedu sida ay tahay iyo dhibaatada uu kala kulmi karo. Sidaa awgeed, aargoosi mooyee abaalgud berri kama filayso.

Labadaas jarood baa la isu dagayaa. Labadaas dabin baa la isla gaadayaa. Laba tuug isma xaddee waa la is mari waayey. Sheekadii dabacsanayd way yare kululaatay. Af gobaadsigii is-eedayn buu isu rogay. Asaraartan buuba u sii dillaacay. Afkii la isu macaaninayey erayo qaawan buu soo tuuryeeyey.

Beyddan baa markay irsiq u soo socda arki wayday afkii xumaysay, “Bilaash baan kuugu ordayaaye bakhayl aan waxba istaahilin baad tahay!” bay wajiga ka saartay.

Jaamac intii horoo dhan eray xanaf leh wuu ka ilaalinayey. Wixii ay tiraahdo wuu isaga dul qaadanayey, Waa dumare ha ku dayan, iyo Yay barnaamijkaaga kaa qasin! baa mar walba maskaxdiisa ku jirtay.

Laakiin markay “Bakhayl aan waxba istaahilin baad tahay!” gaarsiisay buu is celin waayey. Laba daraadle waxaa sii kululaynayey kumanka shilin oo uu og yahay in ay ka qabto, haddana wax aan jirin ka soo qaadday, ee cay ugu abaal gudday. Wixii uu uurka ugu hayey buu markiisa ku fatahay. Runtii qaawanayd buu wajiga uga dhuftay. Intay ka feer qaadatay bay cay iyo handadaad ku aamusisay. “Fataalad iimaan la’ baad tahay,” buu isagu ugu soo koobay. Waxay ku handadday in ay gabadheeda ka soo kaxaysanayso, xumaan kalena u geysan doonto. “Car waa kaase gurigayga foodda gali! Gabdhaha ma adaa dhalay markaad leedahay gabdhahayga, gabdhahayga?” Jaamac baa ugu jawaabay.

“War ma anaad i caraynaysaa?” bay tiri intay baabuurkii iska malmashay, iyadoo ku sii gooddinaysa, “Haddaan gurigoo dhan qiiq ka bixin, hooyaday naag ma dhalin!”

Intuu dhinaca kale ka soo degayey baa iyadii fikrad cusubi ku dhalatay. Fikraddii bay u bogtay. Waxay la noqotay tallaabada ugu wanaagsan ee ay uga aargoosan karto Jaamac Dhegey.

Dhankii Fillada oo ay ku sii fara baxsanaysay ma ahee dhankii kale intay isu majiirtay bay tiri, “Waa inoo tahay aniyo adiga! Haddaadan wax badan shallay dhafoorrada qabsan, Beyddan Shabeel la ima yiraahdo!”

“Soco, waxaad samayn karto samee!” Jaamac baa ka daba yiri, “Dib dambe haddaan agtayda kuugu arko wixii ku soo gaara adigaa ka mas’uul ah.”

Dhaarteeda wuxuu u qaatay inay ula jeeddo inay hablaha ku diri doonto, dib dambena wax ugu fataalayn. Naag haddaan rabno ma iyadaan ka baryaynaa, haddiise rufyaan loo baahdo imisaa joogta, lacagtayda uun bay ku xiran tahaye, bax dheh, qalin shubatada iimaanka la’! Maana Caddayna caawa gacantayday ku jirtaa. Berri hadday aragtana waxay doonto ha ku akhrido muhimku waa caawa! Keliya waxaa ii daran in ay caawa igu soo noqotoo jawiga iga qasto, laakiinse waardiyahaan ku ballaminayaa in uu cayriyo, maxay qaadi kartaa? Intuu baabuurka xeraynayey bay maskaxdiisuna Beyddan Shabeel mala-habowgaas ku xamaneysey. Haddii uusan male-habaabine garan lahaa meesha ay u duushay, intuu ka daba orduu la gorgortami lahaa, wax kastoo uu meeshaas uga celin karana siin lahaa. Hadda ogaal mee?

 

— 4 —

Cambaro Cali Dhoof habeenkaas carruurtii shaneemey u dirtay, sida caadada u ah habeen kastoo Jimce ah. Iyada waxaa jimcaysi u ah carruurta buuqooda oo ay ka nasato iyo haweenka Xaafadda sheekadooda oo intay sal-bacaadka u fariisato, ilaa ay ka hurdooto habeenkaas oo dhan “Hebla waxay tiri” iyo “Reer hebel waxay sameeyaan” la hayo. Waa habeenka qura ee hooyooyinka Xaafaddu isu helaan firaaqo ay ku kala bogtaan wixii sheekooyin qabyo ka ahaa. Carruurtu berri dugsi ma leh, ragguna shaqo ma leh. Meelayowgoodaas ayey ku soo kala jimcaysanayaan.

Hooyooyinka qudhooda caawa kama qasna. Inta Xaafadda ku xiran ee Golaha Hanuuninta u gurbaan qaadatay ma ahee intii kale sal-bacaadkaa la fadhiyaa. Waa siddeeddii fiidnimo oo rubuc dhimman. Guriga Jaamac Dhegey iyo sarta bulakeetiga ah ee ka soo horjeedda carra-guduudda u dhaxaysa ayaa gambarro iyo darmooyin lagu caweynayaa. Mid gambar ku fadhida, mid xusulku u mudan yahay, mid shaqo jecel oo darmo-falkis isku maaweelinaysa iyo mid uur la cuslaatay oo gidaarka barkin kula dhacadiidda. Neecow macaan baa dhacaysa. Sheeko xiiso leh baa isku dhacday. Warka waa la kala boobayaa, sida dumarka caadada u ah. Midina mid ku hansan mayso. Yaa sheekeynaya, yaase la dhegaysanayaa? Waxaad mooddaa mid waliba in ay is leedahay, Waa tartan hadaltiree, yaan lagaa badin! Waxba yaan lays dhagaysane waa la wada faraxsan yahay.

Cambaro Cali Dhoof goor ay sheeko xiisa leh dudubinayso, ee ku guulaysatay in ay dumarkii u dhawaa badankoodu kaligeed u dheg raariciyaan, ayay maqashay cod ayan garanayn oo dhabarkeeda ka soo leh, “Meeday ina Cali Dhoof? Waataad aniga meel cidla ah iga xag-xaganaysayoo eed aanan kaa galin igu masabidaysaye, caawa ninkaagii meel ma ku sheegtaa? Markuu caawana kaa dhaxo, waaba kaa dhaxayaayoo waan hubaaye, mid uusan siduu kaaga xiise dhigay uga xiisa dhigin buu dheel-dheelinayaaye; hadhow waxaad oran doontaa gurigii Beyddan Shabeel buu geerash u fadhiyaa! Berrina meel cidla ah iga madax gooso! Allow wax aan wax ogayn ha cadaabin!”

Shirkii faraxa la buuqayey, markii qumbuladdaasi ka dhex dhacday baa aamus kadis ah afka la wada xirtay, dhegaha iyo dhaayahana kor loo taagay. Qosolkii iyo sheekadii hal mar bay wada go’een, sidii mishiin korontadii ka go’day. Waa dumar iyo war jecliye, kuwii jiifay ama xusulku u mudnaa way sare fariisteen. Kuwii wax falkinayey cawdii oo ka dhici gaartay bay farihii ku kageen. Kuwii cuslaa ee dhacdiiday intay fududaadeen bay sal muggi u soo fariisteen. Kuwo guryaha ku jiray oo gabdho u badan iyagoo ordayey bannaanka isa soo tubeen. Mid-middii buuqaas ka xishootayna, dariishadday madaxa ka soo ridatay. Carruurtii agagaarka ku dheelaysay, way soo wada yaaceen. Dhammaantood iyagoo aamusan bay Beyddan Shabeel indhaha ku hayaan, sidii xer dishibiliin adag lagu carbiyey oo shiikhoodii wacdi la hor taagan yahay. Cambaro qudheeda, qofba mar buu isha ku xadayaa. Tolow maxay oran doontaa? baa qof walba is leeyahay. Iyana intay argagaxday baa carrabkii dalqada ku qallalay.

Cambaro sideeda reero dhibeed ma aha. Waa marwo intii la doono daggan. Hase yeeshee Jaamac baa ka badbadiyey, siiba beryahaan dambe aad buu u soo darsaday. Habeenkoo bar iyo buro tagtay buu ku soo ag dhacayaa, isagoo daan-daan ah; ama waaba iska dhaxayaa, hadhowna leeyahay, “Shir baa nala dheeraaday,” iyo wax la mid ah.

Beryihii hore way iska rumaysan jirtay. Ka dib bay xansi maqashay. Uurka way ka walaacday, dareen masayrna kama marnayn; afkase waxay ka oran jirtay, ee dumarka arrimahaas la soo qaada ugu jawaabi jirtay, “Iga dhaafa warkaas, wuxuu rabo ha sameeyee! Aniga shaqadayda ma aha, ninkii dambi sameeya mindhaa isaga iyo Ilaahiisay ka dhaxaysaa!”

Haddana waxay aragtay waxyaalo badan oo shaki galiya, xantiina way sii ballaaratay. Waxaa loo sheegay in ay u shaqeeyaan dad fataaliin ah oo ay ka mid tahay Beyddan Shabeel. Beyddanta markaas aqoon isuma lahayn. Waxaase tiqiin mid ay Cambaro saaxiib yihiin, dumarka habeenkaas fadhiyana ku jirtay. Waa qof kulul oo shar badan, qudheeduna ninkeeda ku tuhunsan in uu Jaamac Dhegey la mid yahay, waa qofka badanaaba Cambaro guubaabisa, wararkana u keenta.

Habeen sii horreeyey, oo laga war helay in Jaamac guriga Beyddan ku dhaxay ayay labadoodu Beyddan ku duuleen, si kululna uga digeen inay nimankooda faraha kala baxdo. Waxa hadda Beyddan tixraacaysaa ee masabidka ku sheegaysaa waa digniintaas.

Maalintaas Khamiisaad, Jaamac-Dhegey markuu Beyddan talefoonka ka helay, baabuurka iyo lacagtana u diray, ayuu xaaskiisa talefoon kula hadlay ee ku yiri, “Cambaro qolyo wafdi khubara ah oo dibedda nooga yimid baa la yiri gobolka Shabeellada Hoose ha la geeyo. Anigu rabashkooda maba rabine, ninkii igu xigay baan rabey in aan ku sii daro, kii baas baa jirraday; marka waa in aan hadda anigu kaxeeyaa. Hadde waa idinkaas; qado iyo casho waxba yaan la iigu tala galin.”

“Haa, goormaad ku maqnaanaysaa?”

“Wallaahi lama yaqaan, kolleyba caawa waa dhixid, laba saddex beri oo kale in ay qaadatana waa laga yaabaa, gobolku waa gobol ballaaran, beeraha iyo waxyaalo badanna in la tusaa la rabaa.”

“Waa yahay; safar salaama hadde! Qudaarna hore noogu soo qaad beerahaas aad ku wareegaysaan!”

“Waa hagaag!” buu yiri, isagoo talefoonkii sii dhigaya, dhoollahana caddaynaya, ee niyadda ka leh, Waa hagaag Cambaro, qudaar waan idiin keeni doonaa, laakiin beeraha Shabeelle ka keeni mayee suuqa Xamar-Weynan darawalka uga diri doonaa; waaba markhaati fiican oo aad i xasuusisay.

Sheekadaas iyada iyo ninkeeda saaka talefoonka ku dhex martay ayaa Cambaro ku soo dhacday, markay maqashay su’aashii Beyddan Shabeel lahayd, “Ninkaagii meel ma ku ogtahay?” iyo markay tiri, “Caawa wuu kaa dhixi doonaa, anaana og!”

Jugtaas lama filaanka ah Cambaro way la anfariirtay. Dareenno kala jaad ah ayaa mar qura maankeeda isku hardiyey. Naagta ay neceb tahay ee warka aan loo dirsan ula soo horratay way dhibsatay, araggeedana sharaysatay. Ninkeeda looga war keenay way ka shakiday, hoosna uga carootay. Meesha fagaaraha ah ee arrimahooda gaarka ah iyo ninkeeda ceebihiisa naagta cadowga ahi daaha uga qaadday, way ka galiilyootay. Warka naagtu sheegayso run kharaar baa uga dhadhantay.

Intaasoo dareen oo isku murugsan baa mar qura ku wada dhalatay. Hadalkii baa dhuunteeda ku xirmay. Af dhalaalaa ka soo haray. Goor dambay dareentay in afkeeda indhaha lagu wada hayo, ee jawaab laga sugayo. Markaasay intay is giriirixisay, waxeedii kalana qarsatay, sidii qof aan warkaas iyo naagta keentayba qiime u yeelayn u hadashay ee Beyddan ku tiri, “Adiga maxaa aniga iyo ninkayga dhaxdayada ku galiyey? Ma shaqa kalaad wayday? Meeshuu doono ha ku dhaxo, wuxuu doono ha sameeyo, anigaa raalli uga ah. Intaasi ma ku deeqdaa?”

Kulankii aamusnaa hugun iyo nuxnux buu bilaabay markii la maqlay jawaabtaas lama filaanka ah.

“Naa walaaley bal abaaldarradeeda day!” mid baa dhinac fadhiday ku tiri, “Qoftii dhammaydoo u soo digtay bay daalac u raacatay, intay u mahad celin lahayd. Aadane abaal xumaa!”

“Baga allaylehe,” tii kalaa ku jawaabtay, “Mudankeeday marisay! Waa runteede yaa u dirsaday diradiraalahaas iyo in ay ka dhex shaqayso laba qof oo is qabta?”

“Hoogey! Jac baa ku dhegtay!” mid aan kuwii hore la haysan baa la soo boodday, “Allow indhaha ma ka mirig-mirig siisay!”

“Kaalay intee ka timid iyada, kolley xaafaddeenna ma ahee?” mid yaabban baa waydiisay.

“Waa Cambaro dhiig la’aanteedii,” mid ninkeeda ka masayrsan baa ku canaanatay, “Intay boodi lahayde qoftaas la shaqaynaysa ka faa’iideysan lahayd bay iska af jigaysaa! Allow may aniga iiga soo warranto ninkaygii waxa uu samaynayo, bal sidaan cagaheeda dhulka uga qaado.”

“Abaaye dulmigu ma fiicna,” mid u dhaweyd baa ugu jawaabtay.

“Naa ha noo sheegin!” tii masayrsanayd baa la soo boodday, “Dulmi iyo khaa’innimo aabbeheed iyo hooyadeed waa nimanka. Sidee buu ku helay in ay iyaduna guriga u yuururto, isaguna naag xaaraan ah hoosta uga jiro?”

“Laakiin Jaamac Dhegey waa nin ikhyaar ah, haddana madax ah oo waxyaalaha qaarkood ka xishoonaya, u malayn maayo in ay waxaasi ka suurtoobaan.”

“Ikhyaar ikhyaar laysay! Ina adeer nimanka maanta jooga waa ikhyaar iyo waa awliyo lama yiraahdo, wax aan ka suurtoobin ma jiraan, imaankii baa Alla ka qaaday, imaanka Alla idinka qaad!”

“Wallee naagaha qudhooduna dab yar shidi mayaan, imisaan aqaan mid ninkeedu miskiin yahay oo intay ishiisa iska fiiriso koorno galaysa.”

“Wallee waxaa la yiri: khayr ha falin shar kuuma yimaadee!” Beyddan baa cod nuxnuxdii kaloo dhan aamusiyey ku qaylisay, “Heedhe waa adiga iyo dhiig la’aantaada, in aad hadalkaas iigu abaal guddid, markii inta ficilo dumarnimo i soo qaadday, aan is iri caawa intay indhaheeda wax ku aragto, ninkeeda ha ceshato, xaq ma aha in ay iyaduna keligeed sariirta galgalato, isaguna habeen walba mid cusub la marqaamo; yaah, markaan is iri miskiintaas dulman u hiili, oo caawa wixii dheg-ka-maqalka ku ahaa intay dhaayeheeda ku soo aragto, markii arrintu marag-ma-doonto noqoto ninkeeda iyo naagta ka qaadday ee sariirta ku cidlaysay wax ha la soo qaybsato, oo xuquuqdeeda maqan ha soo ceshato; markii faclal-khayrkaas iyo ficiladaas dumarnimo i soo qaadday baad sidaa iigu abaal gudday sow ma aha? Waa yahay. Anigaa iska xaal mariyey. Wax aanan isu geysan ima soo gaarin. Haddaba wax aan kuu sheegay ma jiraan, nabad gelyo!” oo is majiirtay, sidii qof tagtay.

“Kaalay, kaalay! Sug wax yar!” Cambaro saaxiibteedii kululayd iyo kuwo kaloo in filinku dhakhsahaas uga go’o diiddanaa ayaa ka daba qayliyey.

Qudheeda tagistu dhab kama ahayne dhoollatusad bay ka ahayd. Way garanaysay in la soo caro-celin doono. Haddaan la soo celinna iyadaa intay soo noqoto, taatikada baddeli lahayd. Wax kastoo soo gaara waxaa kala cuslayd ujeeddadii ay u timid iyo bar-tilmaameeddeeda Fillada Cagaaran.

Markii Cambaro ka xanaaqday, waxay isku canaanatay, Meesha facsharka ah bay ka xumaataye, malaha waxaa kuu fiicnayd in aad gooni ula faqdid!

Fikraddaasi markii horeba Beyddan kama maqnayne, ula-kac bay arrinta facshar iyo fagaare ka sheeg uga dhigtay. Waxay uga dan lahayd in ay Jaamac Dhegey dad badan ku hor fadeexayso, warkuna dhakhso u fido.

Beyddan soo noqotay. Warkii sii ballaarey. Dadkii soo badey. Buuqii sii koror. Cambaro sii wareertay. Warkii la sii kharaaraa. Run ula sii ekaa. Suntii masayrku maskaxdeeda ku sii fidday. Miisaankii xaggeeda u liic. Miyirkii iyo dagganaantii gilgishay.

“Xaggee ku soo aragtay ninka aad sheegaysid iyo naagihiisa?” Cambaraa laga hayaa, codkeedii oo baddelmay.

Haah, soo soco! Saasaa lagaa rabaa! Beyddan baa niyadda ka tiri, afkana is-giriirixin been ah ka maqashiisay, “Meeshaan ku soo arkay aniga uun baa oge, adigu faraha ka qaad. Illayn raalli baadba uga tahaye, in ninkaagu kuu soo tunto, markii hurdo soo qabatana ku soo ag jiifsado, isagoon far dhaqaajin karin.”

“Maya, maya, dhagayso walaaley,” tii ay Cambaro saaxiibka ahaayeen baa Beyddan ku maslaxday. “Warkeedii hore iska dhaafe, hadal ay iska tiri buu ahaaye, hadda si fiican ugu warran!”

Beyddan mar labaad bay xog-warran iyo guubaabo isku dhafan kitaabkeeda la kala baxday. Markay cabbaar daldalmaysay bay Cambaro intay is celin wayday fadhigii ka boodday, warkiina ka kala goysay, ee tiri, “Ma i geyn kartaa meeshaas aad sheegaysid?”

“Wallaahi inkastoo hawlahaygu iska badan yihiin, laakiin maadaama aan awelba sama-falkaaga u imid, tagsina waan wataa, hore waan kuu sii marin karaa haddaad jeceshahay.”

“Waa yahay ina mari, igana raalli ahow haddaan haddaayey hadal gaf ah kugula hadlay.”

Dumarkii wanaagga jeclaa iyo kuwo ay ‘ha lagaa sheego’ ka ahaydba giriif bay la kaceen. Waxay isku dayeen in ay tallaabadaas is hor taagaan, fidmada ka soo socotana baajiyaan. Beyddan Shabeel bay canaan kulul ku weerareen. “Wallee waxaa la yiri meel haddii wax ka socdaan dameerahaa weylo dhala. Naa islaanyahay orodoo qoriga dabka ahe aad la wareegaysid xaafadda noogala dhex bax! Maxaad ka helaysaa muslinkaad isku gubayso?” bay ku abhiyeen, Cambarana dajin iyo u caqli celin loolama harin. Kamase hoos qaadine, hadalkoodii dab iyo baasiin buu ku sii noqday. Kuwo la duuban oo hoosta ka guubaabinayeyna, horay bay u sii takhantakheeyeen. Intay kuwii celinayey erayo kulul ku weerartay bay markay ka yare gabbadeen tagsigii madax-madax isugu tuurtay, iyadoo intuu kontoroolkii ka dhumay, sidii wax aan miyir lahayn u daldalmaysa, qayladeedana meel fog laga maqlaayo. Beydanna, waa intii ay doonaysaye, intay ka daba gashay bay daaqaddii turriisha-la’aan qab ka siisay, darewalkiina u il jabisay.

Tagsigii guduudnaa ee luuqa mugdiga ah muddada taagnaa, hal mar buu intuu sidii wax xanaaqay qiiq iyo habaas ka bul siiyey, hortiisana iftiinsaday qoob iyo qaylo isku daray. Ciyaalkii Xaafadduna way ka daba yaaceen, intay isugu baaqeen hal-ku-dheggoodii ahaa, “Ka dhimeey ka dhin.”

“Koow!”

“Ka dhimmeey ka dhin!”

“Fakataa!”

Af-carruureedkaas aynnaan innagu micnihiisa garanayn, hadduuba micne leeyahay, ayay intay isu jiibiyeen; hal mar tagsigii fagax ka daba yiraahdeen, wayse ku guulaysan waayeen in ay dabada qabsadaan, sidii ay baabuurta yeeli jireen. Markuu ka libray bay dib ugu soo laabteen hooyooyinkood oo wali halkoodii amankaag la tuban, meeshii tagsiga araggiisa ugu dambaysayna indhaha u sii taagaya, sidii iyagoo is leh, Tolow maxaa ka soo noqon?

 

— 5 —

“Saacaddu waa toddobadii iyo labaatan, yartii way nagu soo daahday!” Ciisaa yiri, intuu saacadda eegay?

“Ma laga yaabaa inay soo noqon waydo?” Sahroo hiyi-kacsan baa su’aashaas ku walaacday.

“Yaa og! Waa iska dhacdaa!” Leyloo ka sii walwal badan baa u dayrisay.

“Goormay ahayd markay idinka tagtay?” Axmed oo muraara-dillaac ku dhow baa su’aal uu hore u waydiiyey ku celiyey.

“Nus saac ilaa afartan daqiiqo ka hor.”

“Markii Sahra ku soo aadday.”

“Ma habboonayn in aad sii daysaan!” Axmed baa ku canaantay.

“Way imaanaysaa,” Ciisaa ku dajiyey

“Ina kiciya, yaakhay, aan meeshii baadi goobnee, inta goori goor tahay!” Axmed baa soo jeediyey, isagoo intuu fadhiyi kari waayey, sidii libaaxad ilmo laga dilay gaaf-meeraya.

“Wax yar aynu sugno, Axmedow!” Ciisaa ka codsaday, “Haddaan yartu noo imaan meel aynu wax ka baadi goobno garan maynee.”

“Wax tilmaan ah idinma siin miyaa?”

“Waxba way tilmaami garan wayday, sidaan hore kuugu sheegnay.”

“Waxaan ka baqayaa inuu caawa ninkaasi iga fakado!” Axmed baa ku ciil kaambiyey, isagoo weli gaaf-meeraya, “Ninka Maana-Faay jartaas u degay, caawa aniga iyo isaga waa in midkayo aakhiro u hoydaa!”

“Naagta xun oo ruufyaanta ehna aniga ha la ii daayo! Kulli fidmo iyada waaye,” Leylaa ku gooddiday.

“Labadaas qof dhibaatada ay noo geysteen wax kasta haddaan ku samayno ciilkood i deyn maayo,” Sahraa ku sii adkaysay.

“Naagtu waa qalab lagu adeeganayee, arrinta gunteedu waa ninka. Lacagtaas iyo baabuurtaas la sheegayuu cid walba ku adeegsanayaa. Dad badanna ku dullaysanayaa,” Ciisaa yiri.

“Kolley waa nin lacag leh siday yarta hadalkeeda laga garan karo,” Axmed baa yiri, “Waa kuwa intay ladnaanta is bideen, beryahaan mujtamaca sal iyo baar dhibaatada ku haya. Awel dhallinyaradaa farta lagu fiiqi jiray, haddase kuwo odayaal loo haystoo noocaas ah baa khaati billaahi laga joogaa. Ninkaas caawa waad arki doontaane, car yuu noqon oday aan aabbahay ka yarayn!”

“Yartu waaba tiri,” Ciisaa ku taageeray, “Fillada ay sheegayso ee gabadha loo af duubay, habeenka ay tiri waan tagey, waxay noo sheegtay ninka meesha wax ka abaabulayey ee u muuqday ninka guriga leh in uu ahaa nin weyn oo buuran. Haddana boqolkii sagaashan waa ninkaas weyn ninka arrintan ka dambeeyaa.”

“Waa noocii Axmed tilmaamay, wax kale ma aha. Xoolo xaaraan ah oo tuugo iyo dhiigmiirad lagu helay baa si fudud loogu hodmayaa; ka dibna awooddaasaa lagu burburinayaa mujtamacii kaadixa ahaa. Baahida iyo faqriga ay iyagu badeen bay ka faa’iidaysanayaan.”

“Iimaanka Alla kaa qaad! Aaway xaaskiisii iyo caruurtiisii?” Sahraa duqii la eedaynayey ku nacladday.

“Ma xaas iyo carruur buu dan ka leeyahay waa wax aan damiir lahayne?” Axmed baa yiri, “Ilaahow intaan ka arkayo ha i dilin! Wixii aad xaq-darro gashay haddaanan caawa kaa soo matajin, maradaan ku jiro nin kuma jiro, adiga iyo fataaladdii sibraha weynaydba!”

“Abboowe waa ku tuugaa aniga ii daa, aan kab uga ciil beelee, kuwaasoo kale in la kabeeyo uun bay ku fiican yihiine!” Sahraa tiri, markii lagu qoslayna sii hadashay, “Haddii nimanka oo dhan sida aabbe camal wadaad u ahaan lahaayeen, fidmo ma dhacdeen haye Axmed?” Aabbaha ay sheegaysaa waa abtigeed Jaamac Dhegey! Maadaama uu isagu korsaday, aabbay tiraahdaa.

“Aabbe wadaadnimadiisana anigu kama helo,” Axmed baa ugu jawaabay, “Wax aan mushkilad ahayn buu mushkilad ka dhigayaa. Annagoo intaas la’eg buu rabaa in uu na ilaaliyo, sidii gabar makhabiyo ah.”

Sahraa intay sidii qof wax cusub gocatay u qososhay tiri, “Ka warran Axmed, haddii aabbe arrintaan loo sheego, fajicisay ku noqon lahayd haye?”

“Waxan oranayaa: Waa taad anaga wax naga sheegi jirtaye, odayaal facaaga ah baan kala baxsan waynay gabdhihii aan guursan lahayn!”

Saddexdii kale way yare qosleen, Leylase intay sidii wax hadalkaas diiddan indhaha taagtay bay Axmed ku tiri, “Laakiin abboowe ma loo baahna in aabbe loo sheego! Ceeb waaye!” Axmed waa ku gartay walwalka galay. Waxay is hortaagaysay in walaasheed Maana-Faay soddogeed lala socodsiiyo meelaha foosha xun ee raadkeedu gaaray, si kasta ha ku gaaree! War la’aanay ba’! Waxa ay ka walwalayso iyo waxa dhici doonaa ka la weynaa!

“Maya walaal!” Axmed baa ugu laab-qaboojiyey, “Waan iska kaftamayaaye ma waxaasaa waalidka loo sheegi karaa?”

“Haah! Waa tanaa Faaduma-Yarey!” Sahraa asxaabteedii ugu bishaaraysay.

“Baraafo Faadumiina!” Ciisaa ku bogaadiyey intuu madaxa u salaaxay Faaduma-Yarey oo la neef tuuraysa orodkii ay soo orodday.

“Ina keena haddaba, yaan waqti kale naga sii dhumine!” Axmed baa yiri, isagoo sii dhaqaaqaya.

 

— 6 —

Tagsigii heeganka u ahaa baa la isku guray. Ilaa Jidka Soddonka ayaa bar-tilmaameed la siiyey. Markii halkaas la gaaray baa majarihii Faaduma-Yarey lagu wareejiyey. Waddada Daraawiishtay ku leexisay. Cabbaar ha la sii socdo. Babicii shishe ha loo baxo. Faaduma-Yarey ha shakido. Haddana ha dhiirrato. Jid-cadde midig u weecday tagsigii ha la weeciso. Tagsi kale ha ka hor yimaado. Labadii tagsiile is garte. Isu hakade. Isu tannaagoode, “Waaryaahe waa ninka! War na sii qaadkayagii walaashaa wase! Ballan iyo diin midna ma lihide!”

“Ina adeer ballantii kaagama bixine islaan wareersan baa i waashay, oo waqti aanan ku tala gelin iga qaadday.”

“Islaantu waa tuma? Ma tii qalin-shubatada ahaydoo kugu shaqaysan jirtay baa? Beyddan miyuu ahaa magicii ad ku sheegayseen?”

“Tii baa caawa meel halkaan ah dab afuufaysa. Nin xisaabo ka dhexeeyeen bay mindhaa intay isku xanaaqeen waxay…”

“War ha ii sheekayne jaaw! Dad baan wadaaye mar kale ha inoo ahaato,” kii sheekada loo hayey baa ka kala gooyey. Isaga sheekadaas dani kama hayne, markii qaadkiisii loo soo tuuray buu tagsigiisii marsho gashaday. Wuxuu tixgelinayey dadka uu u kiraysan yahay.

Arrin uu moog yahay baase jirtey. Waa sheekada uu kala gooyey xiisaha ay u leedahay dadka uu sido. Markii tagsiilaha cusub sheegay in uu Beyddan Shabeel la shaqaynayey, ayay intay is wada dhugteen dhagaha taageen. Hal saacna meesha ha la taagnaadee raalli iyo nus bay ka ahaayeen in sheekadaas la dhammaystiro. Tagsiilihii waday way ku diideen sheekadii uu saaxiibkii ka kala gooyey iyo dhaqaaqiddii uu damcay.

“Mayee waxba ma degdegaynee dhammaysta sheekadiinna,” Ciisaa yiri.

“Islaanta iyo ninku lacag bay ku dirireen miyaa?” Sahraa tagsiilihii cusbaa waydiisay, si xog-warranku ugu furfurmo.

“Lacag bay isku laayeen,” tagsiilihii baa sii amba qaaday, “Markaasay intay gurigiisii tagtey naagtiisii soo qaadday. Fillo buurkaan ku taal oo mindhaa ay fiidkii hore naag ugu geysay bay duqdiisii uga dul geysay. Fillada markaan ku sii dhaweyn bay igu tiri, ‘Jooji baabuurka!’ Tii kalaa dagtay ee caradii iskula sii daysay. Anigana waxay igu tiri, ‘Ina keen aan gidaarka dambe shabaqiisa ka daawanee.’ Gidaarkii dambe markaan tagnay waxaan aragnay nin iyo gabar isku mashaqaysan! Ninku gabadha ma xoogi rabey ma aqaan, xaalkoodu siduu ahaa ma garanayo. Waxaan u jeeday qoftaan oo qaylinaysa iyo ninkaan oo marba intuu ku soo dhago jajuubaya, iyaduna intay ka fara baxsato kab iyo qori wixii ay haaban karto ku tuuryaynaysa. Iyagoo sidii ah bay naagtiisii ka dultimid. Hadee ma war baa ka dambeeyey! Kabteeday la kortay!”

“Istaahil!” Leylaa la soo boodday.

“Allaylehe baga!” Sahraa ka daba tiri.

“Iihi? Ka bacdina?” Leylaa tagsiilihii waydiisay.

“Anigu iyagoo wali sidii isu haystaan ka soo tagay,” tagsiilihii baa ku jawaabay.

“Islaantiina aaway?” Axmed baa weydiiyey.

“Halkeedii bay ku dhakanaysay. Gidaarkii bay wali ka daawanaysay; anigana waxay igu tiri nus saac kadib ii soo laabo.”

“Ina mari, ina mari!” Axmed oo sii hiyi kacay baa tagsiilihii ku amray.

Markii tagsigii dhaqaaqay bay faallo bilaabeen; waxay aad ugu farxeen fadeexadda iyo fashalka ku dhacay ninkii ay u dhaarsanaayeen. Waxay u riyaaqeen dagaalka ka dhex qarxay Beyddan iyo saaxiibkeed. Waxay u bogeen tallaabada fadeexaynta ah ee Beyddan qaadday. Waxayse ka walwalsanaayeen Maana waxa ay daqiiqaddaas ku sugan tahay.

 

— 7 —

Tagsi xammaysan ayaa Filladii isa soo hor taagay. Dadkii saarnaa baa degdeg uga firxaday, sidii ciidan weerar ah. Axmed baa u hor booday. Tagsigii oon saani isu taagin buu daaqadda iska malmalay. Sahra iyo Leyla waxba kama dambeyne way ka feer qaateen. Ciisana waa sii higsanayey. Wuxuu ku fekarayey in uu dejiyo qofkii aad u xarga goosta, wixii khasaaro weyn soo jiidi karana ka hor tago. Faaduma-Yarey iyo tagsiilihiina dhaqdhaqaaqa socda sheedda ayay ka il baadsanayeen, sidii ciidan kayd ah.

Nasiib wanaag, ganjeeluhu waa furan yahay. Ilaaliyihii waa maqan yahay. Markuu qaylada maqlay buu ogaansho-jecli gudaha kula orday. Intuu luuq mugdi ah ku gabbaday buu waxa dhacaya ka daawanayaa. Dadka wuu kala qaban lahaaye dishibiliinkii hore loo baray baa ahaa in uusan u soo dhawaan meelaha madaxdiisu ku baashaalayso!

Deydkii weynaa baa la isku wada shubay. Dadkii la raadinayey wali ma muuqdaan, waxaase lagu hiranayaa qayladooda ka yeeraysa jardiinada duleedka ah. Qaylada inteeda badan waa codka haweeneyda. Muusanow iyo dhaar isku dhafan bay si miyir la’aan ah ugu buuqaysaa. Sanqar is jiidjiid iyo is takhan-takhayna waa ka dhex yeeraysaa.

Ciidankii weerarka ahaa waa la sii firxaday. Ubixii jardiinadaa lagu sii durduriyey. Abaartamintadii bari baa lala wareegay. Sahra kabteeday la sii baxday. Axmed shaatiga gacmihiisuu sii laablaabtay. Ciidanka isagaa u horreeya. Laba qof oo is jiid jiidaya malluugtood baa u soo baxday. Waa nin iyo naag. Waa sidii tagsiiluhu u tilmaamay. Ninkaa kulleetiga lagu dhaggan yahay. Af iyo addinba afadaa wax weeraraysa. Ninku keliya waa is daafacayaa. Wuxuu ku dadaalayaa in uu iska fujiyo iskana diro qofta dumarka ah. Abhis iyo handadaad buu marba mid ku dayayaa.

“Naa orodoo iga tag islaanka haddaad ku jirto!”

“Islaanka adaa Alla kaa saaray! Ninka isagoo cimri bilisaad ku jira maanta fisqi iyo…”

“Ha igu kallifin baan ku iri in aan kuu gacan qaado! Ma…”

“Ii gacan qaad! Qudha iga goo! Aan iska dhinto intaan fawaaxishkaas kugu ag joogi lahaa! Sharad Ilaahay waxaan ku galay caawa in labadeenna mid god u hoydaa! Soo bax baan ku iri sharciga Maxamed-ya ah ila qaabil!”

“Naa hooy waa kuu roon tahaye orodoo gurigaagii aad intaad arrimahayga faraha kala baxdid, aniga maxaad iga…”

“Guri? Gurigaa iyo garaacdaa ba’day! Guri dambe haddaan sidaan kuugu joogo, gurigay ha ba’o!”

Axmed markuu erayadaas caddaan u maqlay buu orodkii socod ku baddelay. Codkii buu sii dhuuxay. Saantii buu sii dabciyey. Wax baa xiskiisa saaqay.

Waa maxay waxa yeerayaa? Codku mid aan aqaan u ekaa! Ma yahay? Ma noqon karo! Waa yahay! Waad waalatay! Ma noqon karo! Waa yahay! Maxaa dhacay? Ma waalan rabtaa? Acuudu billaahi!

Intuba inta ka dhakhso leh. In yar buu u soo jirsaday. Islaantii buu ka il buuxsaday. “A’! Iga qari. Iga qari!” Indhihii argagaxay buu odayga xaggiisii ula cararay. Mise yaahuu! Wallee waa aabbihii! Waa siduu codkiisa u gartay. Cirka iyo dhulkuba intay la wareega caddeeyeen buu jeega-jeego u turun turrooday. Intuusan dhulka ku dhicin buu geed ka dambeeyey dhabarka ku cuskaday. Madixii ay la noqotay in uu sidii kubbad la laaday kor u duulay, ayuu laan gees u baxday xagasheed jeegada u saaray. Afartii addin oo ruuxii ka baxay buu isku martay, indhahana isku qabsaday!

Sahradii daba ordaysay baa isku naxday. Waxay is tiri ma ninkii uu weerarka ku ahaa baa durba xabbad ka hor keenay!

“Abboowe maxaa kugu dhacay?” bay tiri iyadoo madaxiisii laanta saarnaa soo toosinaysa. Hadal iyo jawaab ma leh. “Ba’ayeey! Wiilkii maxaa helay? Abboowe, Axmed.” Saaxiibteen wali war ma hayso.

Intuba inta ka dhakhsa leh. Intii ay sidaas lahayd Ciisihii soo higsanayey horay buu u sii dhaafay. Labadii is jiid-jiidaysay buu toos u abbaaray. Laba tallaabo markuu u jiray buu Jaamac Dhegey aqooday. Indhihiisii buu rumaysan waayey. Islaantii buu ku jeestay. Mise wallee waa Cambaro Cali Dhooftii cududaha gaabnayd! Ceebeey tacaal! Tanina ma noo dambaysay? Dhawr ilmiriqsi buu meeshiisii ku dhagaxoobay. Socodkii baa ka kala dhumay. Waqti dheerse kuma qaadane horay buu ugu dhaqaaqay, isagoo niyadda ka leh, Nin bad ku haftay qoyaan iskama dhowro!

Intuu labadii qof kala dhex galay buu labadiisa gacmood ku kala qabtay, kuna waaniyey in ay is-dajiyaan. Intuusan hadlin, Jaamac-Dhegey wuxuu u qaatay ninkaa xoogga leh ee isaga iyo xaaskiisa kala qabanayaa in uu yahay saaxiibkii Cawaale oo guriga ka soo baxay, markuu maqlay buuqa dagaalka. Cawaalase sooma bixine isaga iyo gabadhiisiiba qolkii ay ku jireen bay waxa dhacaya shabaqa dariishadda ka daawanayaan, intay nalkii iska damiyeen, si aan loo arag. Waxay ka baqeen haddii ay soo baxaan inay lafahooda la baxsan waayaan, illayn dambiga wax bay ka galeene.

Jaamac intuu qumaati isu taagay buu ninka u soo gurmaday wajigiisa eegay, isagoo rafashadii badnayde labada dumar ahi isu baddeleen daalkeedii la neef tuuraya. Dhaayihiisii buu rumaysan waayey, Ma anaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa! Intuu indhaha sacabka mariyey buu mar labaad ninka wajigiisii dacliyey. Mise wallaahi waa Ciise Dheere! Waa shaqaalihii uu madaxda u ahaa. Waa dadkii uu isaga dhigi jiray ikhyaar ceeb-ka-saliin ah. Magac ba’ay! Ma fadeexad baa dhimman? Ma waji shaqaalihii lala hor tagaa harsan? Ma af damboo lagula hadlaa yaal? Meel kaleba maradu ha uga dhacdee, ma Filladii Cagaarnayd ee uu shaqaalaha eedda badan uga galay baa fool-xumadaan lagula qabtay? Ma kashifantay sababtii uu u xirtay gurigaas hay’addu lacagtiisa bixiso?

Jaamac Dhegey ma aha ragga danaysiga u bareera, dambigoodana ku dhiirran. Sidii horeba loo soo arkay aad buu u ceeb neceb yahay. Sharafta xaggeeda lagama maro. Ceeb-iska-dhawrka iyo magac-ilaalinta waa ku dhintaa. Waa sababta weyn ee ku kalliftay in uu gurigaas qarsoodiga ah samaysto, si uu isaga ilaaliyo in meelaha qaarkood lagu arko, isagoo ku dhex jira waxyaalahaas la xun, haddana uusan dayn karin. Jaamac geeri buu ka dooran lahaa fool-xumada Ciise Dheere caawa uga dul yimid! Yaase is-gaaray?

Leyla Xaaji Muumin waxa u daran ee ay soo tiigsanaysay waxay ahaayeen in ay mar uun indhaha saarto walaasheed oo nool. Intii Axmed qarracmayay, Sahra ku hagooganaysay, Ciise dadka kala qabanayey; iyadu baddaas oo dhan kuma jirine walaasheed oo meesha uga muuqan weyday ayay jardiinnada ballaaran ka dhex baadi goobaysay. “Maana! Alla ma noola miyaa? Maana ku aaway Maana?” ayay taagteed ku qaylinaysay.

 

— 8 —

Maana-Faay waa tii jar loo dagay, jardiino loo goglay, casho loo darbay, ciyaar lagu dhaba waliyey, jawi caadi ah lagu hoosaasiyey. In riwaayad loo dhigayo way malaynaysay. Waxa ka dambeeya way ka dareen qabtay. Markii iyada iyo Jaamac Dhegey loo faq daayeyna wax waliba way u caddaadeen.

Faq-deyntaas waxaa loo sameeyey si xarfad ah. Markii cashadii laga soo jeestay ayay Saynab intay sidii qof guriga alaab ka doonaysa iska dhigtay gudaha aadday. Cawaalena in yar ka dib buu intuu suuliga ku marmarsooday ka daba tagey.

Jaamac Dhegey markaasuu dhaqdhaqaaq cusub bilaabay. Maana intay mar qura, sidii neef bahal arkay, fadhigii ka boodday bay tiri, “An waa baxaa!” iyadoo codkeeda cabsi carruurnimo ka dhex sanqarayso. Jaamac wax walba waa isku dayey si uu gabadha u ceshado. Waxse Alle kama dheefsiin. Erayadii uu u macaaninayey eebay ku sii noqdeen. Inta uu la hadlayo wayba sii dhaqaaqaysaa. Markuu af kala quustay buu addinna ugu daray, ee gacanta soo qabtay. Intay sii argagaxday bay gacantii ka dhifsatay, iyadoo ku qaylinaysa, “Idaa! I daa! I daa!”

Ninka odayga ah xisaab culus baa ka maqan. Qoftii uu la xisaabtami lahaana waa tay hore u kala dhinteen. Waa tii la isu dhaartay. In uu dhakhso u quusto lagama yaabo! Wax kasta ha ku qaadatee, waa in uu ka sal gaaraa. Is dhiibid ma oggola.

Isaga iyo Maana oo sidii isugu ba’an waa tii Cambaro ka dul timid. Waa tii kabtiisa u dadajisay.

Maana-Faay dhexday ka baxday. Markii ninkii laga fujiyey bay cagaha wax ka dayday. Markay cabbaar orodday bay boorsadeedii towday. In ay ka tagto iyo in ay ku laabato ayay isku qabatay. Baahidii ay saaka kala maarmi wayday bay soo xasuusatay. In ay ku noqoto ayey ku calool adaygtay, intay geesinnimo is-gelisay. Raad-raadinteedii waqti kalay ku qaadatay.

Markay gacanta ku dhigtay bay isa soo gaddiday. Baabuurka yimid iyo dadkii ganjeellaha furan ka soo galayey bay aragtay. Malaha waa saaxiibbadiise intaysan kuu maja xaabin ka carar! bay is-tiri. Daydka dhankiisii mugdiga ahaa bay isku sii daysay. Waxay goosatay inay gidaarka ka booddo, hadday doonto lug iyo gacanba ha ka jabtee. Goor ay darbigii tafayso oo meeshii ay lugta saartaba la sidbanayso, ayay jardiinada dhankeedii kale ka maqashay, “Maana! Ku aaway Maana?” Waa codkii walaasheed Leyla oo ayan ka habaabayn. Haatuf samada uga soo degay bay la noqotay. Hal mar bay darbigii ka soo haadday. Dhirtii ka hoosaysay bay soo jibaaxday. Dharka ay jeexayso iyo dhiigga ay korkeeda ka keenayso ma dareemayso. Saacado ka dib bay dhiigga arki doontaa.

Dhankii looga dhawaaqayey bay ku fara baxsatay, iyadoo sidii wax bahal cayrsanayo qoob iyo qaylo isku daraysa, “Abbaay Leyla! Abaay Leyla! Abaay! Ab…”

Codkii aad u dhuubnaa ee Maana-Faay, isagoon meel kale ku leexleexan buu Axmed wadnaha tikaareeyey. Warankii horoo ku dhacay waa kii la suuxsanaa. Waalidkiis markuu ku naxay waa kii muraara dillaacay. Maqalkii codka Maanaa maankiisa wada ruxay. “Abaay Leyla! Abaay Leyla,” ayaa xiskiisa ka yeertay. Codku waa xaggee? Ma cirkuu ka soo yeeray? Ma dhulkay ka soo dhawaaqday? Ma midig baa, ma bidix baa? Ma run baa? Ma riyaa? Intuu ‘haw’ soo yiri buu hareeraha ku hambaabaray. “Maana! Maana ku mee?” buu qarway. Marba dhinac u orday. Markaas show waaba ku soo dhow dahay.

Toban tallaabo markay u soo jirtay bay si dhalanteed ah u dareentay hummaag Axmed u eg. Wax jiriirico la moodaa jirkeeda shax ku yiri. Addimadii ay ku soo ordaysay baa laleemooday. Indhahay isku qabsatay, haddana kala qaadday, sidii iyadoo hubinaysa in ay shaqaynayaan iyo in kale. Isla daqiiqaddaasuu isaguna indhaha saaray.

Afar indhood oo hilow iyo kalgacal isu harraadan baa hal mar isku dhacay. Gantaalihii cishqigaa is-hardiyey. Maana af iyo addin midna way dhaqaajin kari wayday. Axmedna intuu sidii haatufka u soo haaday buu hal mar gabadhii kor ula booday. Muddo aan yarayn kaddib buu cagaha dhulka u dhigay. Cududaha intuu qabtay buu wajigeeda ka il-buuxsaday, sidii isagoo hubinaya in ay iyadii tahay iyo in kale.

Afartii indhoode isu oommanayd baa mar labaad isku ambaday. Qoftii jacaylkaa danqatay. Maana-Faay illin baa ka soo butaacday. Axmedna eray qaali ah baa ka soo baxay. Waa erayga uu u jecel yahay waxa ifka ku uuman. Waa iyada magaceeda! Intuu dhabankeedii ilmadu ka da’aysay sacab naxariistii gacalnimo ku idishahay ku salaaxay, ayuu cod qalbiga ka reemaya ugu guuxay, “Maana!”

Maqalkaas macaan baa maankeeda jibaaxay. Muhashada xasuustaa i dishay! Farxaddii xad-dhaaftay bay kula fara baxsatay. Sidii wax la maray bay wiilkii isugu duubtay, iyadoo cod raynrayn la qosol-ooyaya ku leh, “Axmed! Macaane!”

Laba nafood oo is-jecel baa laxaw buux-dhaafay iskula boodday. Laba xabad oo isu jeellan baa la isku xoqay. Qofba qofka kale qoortiisuu isku maray, quwad intii uu lahaana isku cadaadiyey. Boholyowgii gaamuray baa la is-kula weyraxay. Marba inta la is-gacalo-milicsadaa misna la isku boodayaa. Shumis la isku boobayaa. Bogga la isku qabanayaa. Farxad lala bururayaa. Bi’iwaa jacaylow! Mindhaa baabyo badanaa! Maana-Faay “Axmed” iyo “Macaane” mooyee eray kale waa ka soo bixi waayey. Illinteeduna shaarkiisii bay qoysay. Isagu mar dambuu erayadii haleelay. Isagoo la moodo in qalbigiisu hadlaayo ayuu yiri, “Maana! Ii dambi dhaaf macaaney! Wixii kugu dhacay anaa kaa dhaqayee. Inta aan noolahay adaa i leh. Maana! Waan ku jecelahay Maana! Inta ifka saaran adaan kuu jecelahay. Ma jiraan wax aan kugu doorsanayaa, naftaydana ha ahaatee. Nolol aadan ila wadaagin iima jirto Maana! Wehelkii naftaydaad tahay macaaney! Wadnahaad iiga taal gacaloy! Xanaaqa xad-dhaafka ah iyo fudaydka aan loo baahnayn waxa iga keenayaa waa jacaylkaaga xoogga badan.

“Gacaliso! Haddaad markaan i cafido, waxaan kaa ballanqaadayaa in aanan munaafaq dambe fursad u siin in uu na kala dhex galo. Intii horana waaya aragnimo ha inoo ahaato!”

Eraygii afkiisa ka soo baxaaba Maana oof buu ka siibayey. Farxad bay la ilmaynaysay. Erayadii haleeli wayday. Adduunyada furaheedii in farta laga saaray bay la noqotay. Waxay la ahayd in ay riyo macaan ku jirto.

 

— 9 —

Markii Axmed Maana codkeeda ku soo baraarugay bay Sahra ka tagtay. Bartilmaameeddii horoo ay ku ordayeen bay u sii gudubtay. Waxay aragtay labadii qof oo Ciise ku kala dhex jiro. Ciisihii bay u carootay. Ha is-laayeene, muxuu u kala qabsanayaa? bay is-tiri. Intuba inta ka dhakhsa leh. Islaantii bay hagaag u eegtay, “Yaah? Maxaa waaye? Ba’ayeey!” Ninkii bay ku jeesatay. Mise yaahuu! Runta qaawani kharaaraa! Qac! “Aa! Hoogey! Hoogaye ma aabbaa ninka walaalkay gabadhiisii shirqoolay? Hoogayoo ba’aye xaggee ku dhuuntaa?” Dhuuman kari mayside calool adayg miciinso! Jilbahay dhulka ku dhufatay, sidii wax la fayla gooyey. Cagaarkii bay ku dul rafatay.

Intuba inta ka dhakhsa leh! Waxaas oo dhammi isku daqiiqad gudaheed bay dhacayaan. Waa isla daqiiqaddii Jaamac-Dhegey Ciise-Dheere aqooday. Qarracankii uu ka jeeso is yiriba qacdaan kalaa ugu xigtay. Codkii Sahra Yuusuf oo uu durba aqooday, baa sida fallaar mariid leh dhagihiisa ugu dhacday, xiskana kala dhambalay! Sidii wax sasay buu afarta jaho u jees-jeestay, sidii isagoo ka raadinaya fur dalooloo uu ka duso, intaan indhihiisa iyo kuwa gabadhu isku dhicin! Godkiiyow kumee? Guri ba’ay! Gole ceebeed! Guuldarro! Gabadhiina ma timid? Ma tahay? Ma la hubaa? Ma iyadii baa? Baloy la tag! Jinnow iga qaad! Maxay soo doontay? Maxaa i tusay? Maxaa i uumay? Maxaa igu watey? Maxaa i dhaliyey? Maxay tiri? Gabadhii walaalkay aa? Gabadhee? Walaalkee? Ma Axmed? Ka kac! Beentaa! Qad iyo hus! Ha dhihin! Ma mid kalaa jira? Ma jiro! Walaalkee? Gabadhee? Afka Alla ku goo! Allow been ka dhig! Ma gabadhii wiilkaygu? Us! Ma dhihi kartid! Ma noqon karto! Aamus! Afka Alla ku goo. Gabadhee? Wiilkee? Yay sheegaysaa? Waydii! Ha la hadlin! Ha fiirin. Maqal, maqal! Muxuu yiri? ”Maana ku mee?” Ma isagii baa? Ma runteedaa? Ma dhici karto! Maxay leedahay? “Axmed” aa? Magacay ba’! Iga qariya! I qabta! Dhulku waa ordayaa! War dhulka qabta! Cirka iga celiya! Waa igu soo dhacayaa! Igu soo dhac! Igu soo dhac!

Intuba inta ka dhakhsa leh. Madixii calwasaadayey buu dhanka midig u duway. Ha u duwin lahaydaa! Ilayn waa dhankii Axmed iyo Maana ka jireen! Labadoodii oo isku maran mar qura isha qac! Musiibadii uu rumeysan la’aa, haar bannaan hortiisa wagac! Wax jibin la moodo wadnihiisa jug-jug!

“Ooo!” iyo odaygii oo mar qura faniinay baa lagu war helay! “War qabta! War qabta!” Waa lagu soo wada yaacay. Ciise-Dheeroo dadka ugu dhawaa, wax miyir qabana meesha ka joogay, baa intuu dhinac fariistay lugtiisa u barkiyey, wadnahana taabtay. In uu shaqaynayo iyo in uu fariistay waa kala garan waayey. Haweenkii oo argagaxsane erayo baroor-diiq u dhadhamaya iyo su’aalo aan loo baahnayn ku calwasaadaya ayaa ku soo qamaamay. Wadnihiisa iyo halbowleyaashu say gacmaha kula wada ordeen.

“Dhaafa, dhaafa!” Ciisaa ka didiyey. “Ka leexda idinku, hawada ha ka xirinee! Waxba ma aha, waa fiican yahay; waa shoog yar oo iska caadi ah, iska jooga idinku anigaa soo daweynayee! Isbitaalkaan geynayaa, irbad baa lagu dhufanayaa, haddaba waa miyirsanayaa.”

Hadalkaasi Ciise afka uun buu ka ahaa. Dadka argagaxsan buu ugu laab qaboojinayey. Uurkase isagaa dad ugu walwal badnaa. Jaamac-Dhegey geeri iyo nolol midka uu u dhow yahay shaki baa uga jiray. Wuxuu maskaxda ku hayey in ay meesha joogaan dad kale oo xiskooda hore nabarro ugu dhaceen, haddii wax yari u sii raacaanna, caafimaadkoodu halis qarka u saaran yahay!

Haddii odaygu, lacalla xagga geerida u bato, ama xaalkiisu xumaado, dadkiisii awelba musiibooyinkii hore la muraara-dillaacsanaa waxay halis u yihiin in ay qaarkood ka raacdo. Sidaa awgeed, Ciise wuxuu go’aansaday in uu ku dhaqaaqo sidii uu iyagana ku badbaadin lahaa, odaygana gargaar degdeg ah ula tiigsan lahaa. Amarro diirran buu degdeg isaga daba bixiyey, “Sii orod baabuurka soo dhawee!” tagsiilihii buu ku amray. “Kaalay oday, ila qaad ninka!” ilaaliyihii buu ku yiri. “Ka leexda idinku! Ka fogaada!” Axmed iyo Sahra oo in ay la qaadaan damcay buu isaga fogeeyey. In ay raacaanna waa u diiday. “Iska sii jooga idinku, odayga anaa soo durayee! Haddaan soo celinayaa asagoo ladan!” Ciisaa ku laab dajiyey. Xataa Leyladii kalkaalisada ahayd oo rabtay in ay caawiso, si kulul buu isaga reebay.

“Jisadiisa weeye, dambigii uu galay baa laga jeebayaa, Allow toobada ha na seejin!” Cambaraa tiri, markii ninkii la qaaday; iyadoo af ahaan odaygeeda wali colaaddii iyo eedeyntii ku sii wadda, uur ahaan haddii loo baarose, waxaa la ogaan lahaa in ay tahay dadka meesha jooga qofta Jaamac caafimaadkiisa ugu welwel badan, ee wadnaha farta ku haysa. “Ilaahow u sahal, oo habaarkaygii ha u qaadin!” bay hoos ugu ducaynaysay.

“Ummaa waxba ma aha, wixii dhacay waa dhaceen, micna me leh,” Leylaa ku tiri.

 

— 10 —

Leyla iyo Cambaro halkii bay isku barteen. Sahra Yuusuf baa is-bartay. Midba gees bay u amankaagtay, markii la war geliyey. Waxay labadii gabdhood Cambaro la socodsiiyeen shirqoolkii meesha ku jiray oo tifaftiran, iyagoo isku dayayey in ay eedda oo idil u xambaariyaan Beyddan Shabeel, odayga dambigiisana intii ay fududayn karaan fududeeyaan.

Cambaro amankaag iyo qarracan hor leh bay ku noqotay, markay ogaatay gabadhu in ay tahay tii wiilkeedu aroosi rabay. Ceeb iyo yaxyax cambuurkii baa ka yaraaday. Catow hor leh iyo eedeyn ay odaygeeda ku cambaaraynayso ayay meeshii ka bilowday. Leylana waxay ku dadaalaysay intii ay dajin karto in ay dajiso.

Maana qudheedu markaan ka hor waxa jira ma wada fahamsanayn. Hadda uun bay fahamtay ninkii dabinka u dhigayey in uu yahay soddoggeed, islaanta meesha fadhidaana Axmed hooyadii tahay! Intay mar kale khafiiftay bay Axmed ku oyday. Mar labaad bay shaarkiisa illin ku qoysay.

Markuu qaboojiyey bay duqdii ku soo orodday, surka isaga duubtay, dhabannada ka dhunkatay, jilbaheeda ku ilmaysay, “Ummaa! Ummaa! Ummaa,” bay ku weyraxday. Sidii iyadoo rabtay in ay tiraahdo, “Ummaa. Adiga miyaa qofta goobtaan ceebeed la isaga kaaya hor keenay? Aad baan uga xumahay wixii dhacay!”

Cambaro indhaheeda illin baa ku soo joogsatay. Nabarkii fadeexadda oo danqaday iyo naxariistii hooyannimo oo ku soo degtay ayaa qalbigeeda ku kulmay. Gabadha qaalinnimadeeda iyo dibindaabyada soo gaartay bay ka uur-xumaatay. Gacaltooyadii ay wiilkeeda u haysay mid aan ka yarayn bay gabadhiisii u qaadday. Intay markeeda dhunkatay, dhabannada u salaaxday, illintiina sacabbadeeda uga qallajisay ayay cod raxmaddii hooyannimo ku idishahay ku tiri, “Hooyo, macaan, iska illow wixii laguu geystay! Wax kastaa ha ku soo gaareene waa Ilaahay mahaddii haddaad hadda ii ladan tahay. Waa ii cawiyo ayaan gabar qiimahaaga leh in ay wiilkayga calaf isku yeeshaan. Ilaahay idankii waad is-calfanaysaan, waana isku khayri doontaan. Anigaa idinka ballanqaaday in aan ku dadaalo sidii aad degdeg ugu aqal gali lahaydeen!”

Maana markii eraygaasi dhegteeda ku dhacay bay soddohdeed farax kula boodday, si ay lugaha uga shumiso.

“Axmed mee?” Cambaraa sii wadatay, “Axmed! Kaalay hooyo! Adiga awelba horaan kuugu duceeyey, qof kaloo ducaysanna waad heshay. Maandhow gabadhaasi yay mar dambe naga sarma seegtoon!”

“Khaladaadkii uu samayn lahaa horay buu u sameeyey,” Sahraa tiri, “Hadduu gabadha hadda ka hor guriga keeni lahaa, ee iyada iyo waalidka is-bari lahaa, waxaan oo dhanba ma dheceen!”

“Khaladkaas kuwo ka waaweyn baan sameeyey Sahraay,” Axmed baa isku dhaliilay. “Xalay iyo saakaba aad baan u fududaaday. Masayr aan sal lahayn baa miyirkii iga qaaday; markaasaan gacaladay cadow aanan ogayn u maja xaabiyey. Haddaan wax hubsan lahaa, arrintu heerkaan xun ma soo gaarteen.” Markuu intaas yiri buu Faadumo-Yarey oo Maana si kalgacaltooyo leh dhabta ugu haysato intuu il gacal ku eegay wuxuu raaciyey, “Haddaan Faadumo-Yarey i caymin, fudaydkaygii wuxuu i dhaxalsiin lahaa khasaare intaan aad uga weyn, mustaqbalkayguna caawa halis buu ku sugnaan lahaa! Faadumo! Abaal weyn baad igu leedahay. Waxaan kaa ballanqaaday inta aan noolahay in aan wax walboo qaali igu ah u huraa farxaddaada iyo dhisidda mustaqbalkaaga. Dib dambe ugu noqon maysid addoonsigii Beyddan Shabeel!”

Erayadaasi Maana way ka oohin gaareen. Abaalkii Faadumo-Yarey iyo jacaylkii Axmedba way la sii ballaarteen. Gabadhii ay dhabta ku haysatay bay intay soo haabatay dhunkasho ku boobtay, iyadoo leh, “Faadumo! Nolosheyda ad lee badbaadisay macaaneey!”

“Dhibaatadan oo dhan waxaa keenay,” Sahraa tiri, “Dhaqanka gaboobay ee waalidka badankoodu wali aaminsan yihiin in gabadhoodu hadal la’aan guursato ninkii ay iyagu la maagaan, iyadoon la tixgelin rabitaankeeda iyo jacaylkeeda. Haddii Xaaji Muumin ku xaq dhawri lahaa rabitaankeeda iyo in ay aayaheeda iyadu ka tashato, dhibaatadani uma timaaddeen, dadkaan shirqoolka u dhigayna maba is-arkeen.”

“Abaay Sahra, an naftirkey khalad ween aan sameeyey,” Leylaa markeeda isku dhaliishay, “Axmed jid aas leeyahay oo waaba nin laga xanaajiyey, laakiin, aniga waa fududaaday. Walaasheyda an lee god ku riday. Rufyaantaas minankeeda an lee u diray. Subaxaan xitaa haddiin aniga soo burin leheen dukha iyo minankiisa may is-arki lahaayeen? Ma is-arki leheen. Iihi? In aan wax hubsado ma la rabinoo? Ma hubsatooy meher ma leh aa la dhahay.” Markay intaas tiri, bay intay Maana ku soo dhawaatay, ee dhabannada ka shumisay ku tiri, “Abaay Maana i cafi! Unuka dhan waa kuu gefnay, Ilaahaa na lehe. Gef-xumo geeriyaa ka roon!”

Maana intay shumiskeedii mid u dhigma uga jawaabtay bay tiri, “Abaaye idinka dhan dambi ma lihidiin. An naftirkey khalad ween aan galay, nabarkii oo la iga caqli badiyey. Dambiga dhan waxaa iska leh cajuustaas oo iskoronyada eh, ruufyaantaas rabtey in ay aniga dhan maca mustaqbalkeyga i iibsato!”

Eedeyntaas Maana Beyddan Shabeel eedeysay, Axmed waxay soo xasuusisay arrin cabbaarkaan maskaxdiisa ka maqnayd.

“Horta aaway iyadii? Waaba illaawaye waa tii tagsiiluhu noo sheegay in ay meelaha ku gabbanaysee?” Axmed baa yiri, isagoo degdeg u sii dhaqaaqaya. Dumarkiina markii Beyddan la xasuusiyey bay intay waxay hayeenba sii daayeen mar qura ganjeelaha xaggiisa u yaaceen. Qoob iyo qaylay isku dareen. Mid waliba wixii ay haaban kartay hore u sii haabatay! Mid dhagax haabata, mid ul jabsata, mid kabteeda siibata; Maana iyadu intay jikada ku orodday bay mindi xiiraysa la soo boodday, iyadoo cartamaysa, ee leh, “Waa idin tuugaa, ha iga qabannina cawada taas!” Dhaartaasi ka dhab bay ahayd. Ciil bay isla madax marsanayd. Waxay rabtay siday u sii ordayso in ay rubadda ku dhufato.

Beyddan, iyadoo wali duleedka taagan, ee sugaysa tagsigii oo ka soo daahay, ayay dareentay in duullaan ku soo maqan yahay. Intay is-xamuurtay bay xagga beledka u dhaqaaqday. Ciidankii weerarka ahaa daydkii weynaa baa hareeraha lagala soo laabtay. Axmed oo u soo horreeyey ayaa judhiiba indhaha saaray Beyddan oo mugdi halkeer ah sii kabash-kabash leh. Intuu hor qabateeyey buu cod caro ka buuxdo ku handaday, “Istaag duqda! Kabash-kabashtaasi caawa meel ku geyn maysee!”

Dumarkii hubaysnaana meel aan ka fogeyn bay isa soo daba firxanayaan, iyagoo ku soo qaylinaya, “Wayoo way! War naagtu yay naga fakan.”

“Ii qabo sharmuutada Ilaah iyo islaan ka furatay! Mar gacantayda ku soo sin waa ku tuugaa! Cawada haddiid noolaatid, ruufyaan aan ahay adiga camal!”

 

— 11 —

Beyddan markii lagu biya keenay bay intay istaagtay qummaati u soo jeesatay, ee tiri, “I dhegeysta!” Axmed intuu is-hortaagay buu u dheg raariciyey.

Dumarkuse ma oggolayn in ay siiyaan fursad ay ku hadasho. Mid waliba markay soo gaartay bay qalabkii ay gacanta ku sidatay kula fara baxsatay. Axmed baa ku hagoogtay, dumarkiina ka baryey in ay in yar u kaadiyaan. “Naga daaya, dhiiggeeda wasakhdiisa waxba ku fali maynee, sharcigaynu la tiigsanaynaa,” ayuu ku waaniyey dumarkii kacsanaa.

Iyagoo weli u soo fara baxsanaya, Axmedna celcelinayo, ayey Beyddan hadashay ee tiri, “Waar hooy, hooy! Allow yaa idin yiraahda Beyddan Shabeel waxba ka guri maysaane cagaha dhulka dhiga! Aniga haddaad i dishaanna idinkay idiin daran tahaye, aniga awalba noloshu qiime iima lahayn; sharciga wiilkaani sheegayo haddaad igu dacweysaanna idinka uun baa ceebtiinna dad aan hadda ogayn sii ogaanayaan mooyee aniga awelba weeso iima dhawrnayn, dacwo iyo maxkamad waa is-naqaan waxna la iiga qaadi maayo!”

“Hal su’aal baan ku weydiinayaa, xisaabtanka kale waa noo dambaynayaaye,” Axmed baa yiri, “Maxaa kugu kallifay in aad dhibaatadanada ka shaqaysid, ee ku kacdid fidmada iyo fawaaxishka intaas le’eg?”

“Idinkaa igu kallifay, idinka!”

“Annagee?”

“Kuwiinna xukunka iyo xoolaha haysta!”

Xaggee baan ku haystaa xukunka iyo xoolaha! Axmed baa iskula hadlay, Tolow ma aniga iyo aabbahay bay isku mid noo haysataa? Yaa u sheega inaan ahay xoogsade hor-u-jeed ah, shuqulna ku lahayn waxa aabbahay haysto?

“Kuwiinna is-fookhaariya,” Beyddan baa sii wadatay, “Ee isu qaba cid kaloo sharaf leh ama waddanka xuquuq ku leh in aanay jirin,” intay sii kululaatay ee si horornimo ah Axmedkii indhaha iyo farahaba ugu soo taagtay bay u raacisay, “Waryaa miyaanan anigu ahayn qof dalka u dhalatay oo xuquuq ku leh?”

“Waad tahay,” Axmed baa si deggan ugu jawaabay.

“Aaway xuquuqdaydii aan ku lahaa waddankayga?” Beyddan baa si kulul u sii wadatay, “Maanta aniga iyo hooyadaadaan iga soo horjeedda waxaan nahay laba naagood oo isku fac ah. Waa tanoo maanta iyaduna wax walbay haysataa, aniguna gabaahirig cidla ah baan taagnahay; haye? Nin bay leedahay, carruur bay leedahay, ehel bay leedahay, sharaf iyo maamuus bay leedahay. Meel walba waxaa la leeyahay Cambaro Cali Dhoof, marwada Jaamac-Dhegey! Mandar eysh! Kursigaa looga kacayaa. Haye? Anigana meeshaan tagaba waa la iga cawdi billaysanayaa! Maxay ku dhacday; xaq Ilaahay miyaa? Waryaa. Aniga aaway ninkaygii? Aaway carruurtaydii? Aaway marwonnimadaydii iyo sharaftaydii? Aaway tacabkaygii? Aaway quruxdaydii? Aaway dhallinyaranimadaydii? Aaway mustaqbalkaygii? Aaway magacaygii? Aaway, aaway, aaway?” Intay bowdadeeda tantoonyo la dhacday, garba-saarteediina jeexi gaartay bay dadkii weerarka ku ahaa xaggooda u soo fara baxsatay. Dib bay uga durkeen, iyagoo wada amankaagsan. “Miyaanan ahayn muwaadinad intaas oo dhan xaq u leh waryaa?”

“Waad u leedahay, yaa kaa qaaday laakiin?” Axmed baa waydiiyey.

“Idinkaa iga qaaday, idinka! Idinkaa i duudsiyey, aniguna sharad Ilaahay waxaan ku galay intaan idin lug goyn karo in aan idin lug gooyo! Idinkaa igu jirrabay in aan shaxaadkiinna nolol ka raadsho! Idinkaa iga dhigay qof mujtamaca ka takooran oo aan xuquuq lahayn; anna waxaan ku dhaartay, inta aan noolahay in aan mujtamaciinna wajiga uga candhuufaa! In aan ku tuntaa wax allaale wixii uu wanaag u yaqaan: sharcigiisa, sharaftiisa, dhaqankiisa, diintiisa, wixiisoo dhan. Cid aan lug ka gooyo ma ahee cidna lug u kabi maayo; waayo, wax aniga la ii geysan lahaa oo ii dhiman baan jirin. Waxba dhawran maynee Allow dhagaxyo soo daadi! buu yiri ninkii gabyey. Mar haddii anigaba sharaftaydii la burburiyey ma doonayo in cidina sharaf yeelato!”

Injineer Axmed Jaamac iyo dumarkii la jirayba af dhalaalaa ka soo haray. Islaantii ay weerarka ku ahaayeen way u yare danqadeen. Warkeedii wuxuu ku dhaliyey dareen uur-xumo, siiba Axmed oo inta kale ka garaad sarreeyey. Intuu codkii u dabciyey buu Beyddan ku yiri, “Waxaan ku waydiiyey, ma noo fasiri kartaa sida lagu burburiyey xuquuqdaadii aad tilmaamaysay?”

“Waan idiin fasiri karaa, maxaan idiinku fasiri waayey?”

“Waxaan kaa codsanayaa in aad noo fasirtid.”

Beyddan intay in yar aamustay, xabbad sigaar ahna shidatay, bay fasiraaddii bilowday, iyadoo sidii hore ka deggan, “Anigu miyi baan ku dhashay, kuna koray. Anigoo lix iyo toban jir ah ayaa xoolahanagii abaari qaadday, markaasaan magaalo u soo qaxay. Kontonaadkii baan Xamar imid. In badan baan shaqo raadsaday. Xukuumaddii isticmaarku shaqo way ii diidday. Noloshaydii ciriiri xun bay gashay. Anigoo jiritaankayguba halis ku jiro ayaa gabar aan is-niqiin waxay ii sheegtay niman Talyaanigii dalka xukumey ka mid ah oo u baahan gabar guriga uga edeegta. Nimankii baan u shaqo tagay.

“Maalintaasaa la igu bilaabay dacaayad iyo dhaleecayn. Wixii ehelnimo iyo aqooni naga dhexaysay albaabbadaa la iga soo xirtay. ‘Waa tii gaalada u fuushay!’ baa meel walba la ii mariyey. Gaalada ay leeyihiin waa u fuushaana wax aan shaqo ahayn isuguma imaan jirin. Run ahaan way jirtay in ay i shukaansan jireen, maadaama aan ahaa gabar yar oo qurux badan; laakiinse, kama hoos qaadi jirin. Maxayse kuugu taal, anigoo sharaf leh baa sharaftaydii la wasakheeyey oo meel walba magac-xumo la ii mariyey, markaasaan aniguna carruurnimaa i haysaye warkii dadka raacay. Waxaan isla noqday wax aan sharaf iyo qiima lahayn; markaasaan intaan is-nacay wixii aan ilaashan jiray oo dhan faraha ka qaaday!

“Gadaal dambe waxaan ka ogaaday, nimankii qalaad ee aan u shaqaynayney, aniga iyo gabdho ila mid ah in ay iyagu si dadban shaqooyinkii kalee an raadinaynay nooga hor is-taageen, si aan guryahooda uga shaqayno. Way ogaayeen haddaan guryahooda tagno in nala takoori doono. Qorshe ay ku talo galeen buu ahaa in ay takooriddaas ka faa’iideystaan, ee hadhow jidkii ay doonaan na mariyaan.

“Sidii bay noqotay. Markii xukunkii lagala wareegi rabay, ee bixiddoodii soo dhawaatay bay waxay na yiraahdeen, ‘Waa tanoo dadkiinnii way idin takooreenoo kuma laaban kartaane, waxaan idiin samaynaynaa qaab aad ku noolaataan.’ Intay warqado aqoonsi ah noo sameeyeen bay meel gaar ah na dajiyeen, ee yiraahdeen, ‘Ku shaqaysta jirkiinna iyo quruxdiinna.’

“Waxaan is-lahaa: Inta aad gumeysiga ka xoroobaysaan dulligiinna isaga adkaysta, si aydinnaan gaajo ugu qurbixin; marka gobannimada la gaarana dan baad waddankiinna uga heli doontaan shaqo sharaf leh oo aad ku noolaataan. Waxaan is-iri si gobannimadu u soo degdegto, wixii awooddaada ah oo idil uga shaqee. Xisbigii Es.Waay.El baan si mintidnimo ah ula shaqayn jiray. Waxaan u noqday wardoon gaalada sirteeda u soo ogaada. Waxaan gaaray xad aan dhegaheyga iyo jin-jimahayga, iyo waxyaalihii aan ku xarragoon lahaa u iibiyo kabidda dhaqaalaha Xisbiga!

“Habeenkii calanka la saaray toddobaad dhan baan farxad iyo dabbaaldeg sharaab qaybinayey. Habeenkaasaan gurigii xumaa intaan iska xiray guri cusub u guuray. Waxaan niyaystay in ay tahay maalintii aan bilaabi lahaa nolol cusub iyo shaqo cusub oo sharaf leh. Maxaa ka dambeeyey?

“Xafiisyadii dawladda oo gaaladii shaqada ii diidi jirtay kuraastoodii rag Soomaaliyeed ku fadhiyaan ayaan mar labaad shaqo-raadis u tagay. Nasiibdarro, waxaa dhacday kii madax ah oo aan shaqo waydiisi ugu tagaaba, shaqadii aan xaqa u lahaa ee dawladda ka doonayey in uu ka dhigto wax isagu iska leeyahay oo in aan ka iibsado mooyee si kale aanan ku heli karin. Waa in aan uga iibsadaa jirkayga ama laaluush ama nin kale oo dano isaga xiran yihiin aan u soo maraa! Aaway gobannimadii aan intaas oo dhan u soo dagaallamayey, een dherersanayey maalinta calan Soomaaliyeed la saari doono?

“Alla wuxuu qaddarey in ay isaga raaxaystaan dad yar oo markii loo dhimanayey guryahooda iska hurdayey, waliba qaarkood isticmaarka la safnaa; annagii dhagahayaga u iibinayna geed baa nalagu xiray!”

Intay madaxa gilgishay, ee farta dhexda ka qaniintay bay ku muusootay, “Ciilow way! Goormaa nala xaq soorayaa, ma aakhiro?” Way aamustay, madaxa gilgishay, hoos u hogatay, masar la soo baxday, ilmo soo dhaaftay ku qarisay! Mar dambay sii hadashay, ee tiri, “Waxba yaanan hadal kugu daaline, ilaa maalintaas ilaa maanta noloshaydii waxba iskama beddelin. Nimanka awoodda leh shaqada qura ee ay waligoodba gacanta igu siin jireen waxaa weeye in aan jirkayga ka iibiyo; markay quruxdiisii iyo dhallinyarannimadiisii dhammeysteenna waxay igu dhiirri geliyeen in aan ka iibiyo gabdhaha yaryar ee ay marba xiisaynayaan! Anna waan ka iibinayaa, si aan u noolaado; ha baaba’een ma ahee, ha bas beeleen! Anba la i baabi’i. Ha guur gafeen ma ahee, waligoodba ha guumeysoobeen! Anigaba la i guur seeji. Guryahoodu ha dumeen, anigaba la i gablami!” Markay halkaas maraysay baa hadalkii dhuunteeda ku xirmay, sidii oohini cabburisay. Masarkii bay indhaha ku tirtirtay, iyadoo aamusan.

“Laakiin Beyddan mid baad ku gefsan tahay,” Axmed baa mar dambe la hadlay, markuu cabbaar ka aamusnaa si ay u yar nasato. Saddexdii dumar ahaana uur-xumo iyo u-danqashay la aamusan yihiin. “Dadkaan aad baabi’ineysee u dhaaraneyso, dembi kaama galin waa adigoo kale, sidii aad aheyd kontonaadkii. Kuwii dambiga kaa galay waa kuwaas haddeerna ku adeegsanaya. Iyagii baadba la safan tahay oo aad u majo xaabinaysaa kuwii loo itaal sheeganayey, sidii adiga laguugu itaal sheegtay.”

“Aniga qalbigayga naxariisi way ka dhammaatay. Agtayda ma jiro qof wanaagsan,” Beyddan baa si kulul ugu jawaabtay.

In yar bay aamustay, iyadoo fiirinaysa Faadumo-Yarey oo meel shishe taagan. Intay indhaha ku caddaysay bay tiri, “Naayaa maxaa adigana halka ku keenay, waa adiga meesha ii arag xune? Yaad uga timid gurigii? Taas xunoo aad u jeeddaan haddaan tababarayaa. Dhawr bilood ka dib waxaan ku bilaabayaa in ay rag la geerashayso.”

“Balaayo kula geerashaysay,” Faaduma-Yarey baa cod aan la maqlayn hoos ugu tiri.

Axmed baa su’aal kale waydiiyey ee yiri, “Hadda shaqo nadiif ah haddaad heshid ma ka bixi lahayd waxaan?”

Intay isu qososhay bay tiri, “Ma anigaan ina Shabeel ah? Hooyo anigu dhan u batay!”

“Waa hagaag. Waad fasaxan tahay! Waxba kuuma haysanno!” Axmed baa Beyddan ku yiri. Iyana way dhaqaaqday.

Dumarkii xanaaqsanaa fasixiddaas way ku gacan sayreen. Midba meesheeday af iyo addinba is-hortaag ka muujisay.

“Aad ma waalatay Axmed! Waa fasaxan tahay maxaa waaye? Ma la fasixi karo!” Maanaa ku giriiftay.

“Sug-hee gacaliso!” Axmed baa gabadhiisii iyo kuwii kaleba ku dajiyey, “Xaalku sidaad moodaysaan ma aha e. Qoftaan hadalkeedii wax weyn buu nagu kordhiyey. Dhab ahaan waa qof dulman. Xumaha ay ku kacayso dambigooda waxaa leh ciddii iyada heerkaas gaarsiisay. Waxaa…”

“Yaa? Iida dambi ma leh miyaa? Ruufyaantaan oo Kabco iyo Madiino gubtay?” Leylaa kula doodday.

“Iyadu wax kastoo ay tahayba waa laga dhigay Leyla, iyadu iskama dhigin. Qof wanaagsan oo sharaf leh in ay noqoto iyadaba cidi kama jecla; waad maqlaysay sidii ay u hadlaysay. Ninna korkiisa biyo kama hagrado.”

“Cid kastaa iyada eed ha ka gashee,” Sahraa markeeda Axmed kula doodday, “Ma kula habboon tahay qofta waxaas mujtamaca kula dhex jirta in aynu faraha ka qaadno, ee ay wixii ay qasaysay halkeedii ka sii miisto?”

“Adiga maxaa kula habboon?” Axmed baa su’aal ku celiyey.

“Aniga waxaa ila habboon in qoftaas la xiro, ee bulshada laga dhex saaro. Boogta jirran waa la gooyaa, si ayan u sumayn jirka intiisa kale! Haye Leyla? Adigaa takhtarnimada nooga cilmi roone?”

“Run waaye, maxaa jira!” Leylaa ku taageertay. “Boogta jirran waa in la gooyaa!”

“Laakiin ogow,” Axmed baa yiri, “Marka taasi faa’iidada keeni kartaa waa marka jirka intiisa kale fayowdahay. Laakiin ka warran haddii ay boogtu tahay mid markeedii horeba ka dhalatay sun iyo jeermi jirka oo dhan ku baahsan? Ma diidaysaa haddii boogtaas hadda kuu muuqata la gooyo in ay isla goortiiba kuwo kale soo baxayaan, ama haddeerba meelo badan oo aadan u jeedin kuwo ka khatarsani ku yaalliin? Maxaan dhib iyo xanuun ahayn oo ay markaas taraysaa hal boog oo aad goysay?”

“Run waaye, laakiin gacmaha maa laga laabahaa? Maxaa la suubihaa?”

“Maya Leyla, ma aha in gacmaha la laabto. Waa in jirka oo idil isku mar la daweeyaa. In boogta dusha ka muuqata afka laga jaro, haddana soo fufto, xal ma aha. Xalku waxaa weeye in la xidid-gooyo begteeriyada jirridda ku aasan ee sababta u ah boogaha dusha ka muuqda.”

“Maxaa waaye idinka waxa aa noo keenteen?” Maana oo Axmed hadalladiisii dambe waxba ka fahmi wayday baa su’aashaas ka hor geysay, “Ununka Beyddan Shabeel aan ka hadlaynay; boog iyo begteeriya iyo balaayadaan aa noo keenteen maxaa waaye? Naagtii igu dheeshay maxaan ku suubinaa? Warka noo soo gaabiya.”

Axmed intuu dhoolla-caddeeyey ee gabadhiisii, sidii cunug yar qoorta iyo garbaha u salaaxay buu cod daggan ku yiri, “Maana! Beyddan Shabeel sida ay tahay, iyada qof ahaan, waxba lagama baddeli karo. Jaa waa ahaatay. Hadalkii aan markii dhaweyd lahaa haddii fahamkiisu kugu adkaaday waxaan ula jeeday: Haddii aynu Beyddantaan xirno, ama dilno, wax faa’iido ah ma leh; maxaa yeelay waxaa jira boqollaal Beyddan oo mujtamaca ku dhex jira; ama dib ka soo fufaya. Beyddan iyo da’deedu caymin ma leh, waa ahaadeen, wixii ay galaafan karaanna waa galaafteen. Laakiin waxaa caymin leh Faaduma-Yarey iyo da’deeda iyo da’aha ka dambeeya. Waad arkayseen, Faaduma haddii aan la caymin waddadii Beyddan martay bay ku socotaa. Inta taag-darrida iyo tabaalaha haysta loogu soo duggaalo, ayaa tubtaas qalloocan lagu khasbayaa, berrina waa Beyddan cusub!”

“Akhrud! Ha u saadin gabadha waxaas!” Cambaraa wiilkeeda ku af jigtay, iyadoo Faaduma-Yarey si hooyonimo ah hoosta u soo gashanaysa, “Ha iga maqashiin, Ilaahay ku jirrabi mayee. Caawa laga bilaabo carruurtayday ka mid tahay. Berri-subaxba dugsi baan hore ka geynayaa!” Intay hoos u gacalo-eegtay bay u raacisay, “Sow ma aha hooyo? Haye dheh.”

Faaduma-Yarey sidii laga filayey “Haye” lama soo boodin, farxadna ma muujine hoos bay u hogatay, sidii wax fekeraya. Waa lala yaabay, madaxa loo toosiyey, warkii loogu soo cel-celiyey! “Maxaa jira Faadumo? Ma rabtid miyaa in addoonsigii Beyddan Shabeel lagaa xoreeyo? Ma jeclid miyaa in wax lagu baro oo mustaqbalkaaga la dhiso?”

Mar dambay hadashay, iyadoo indhaheeda ilmo ka da’ayso, codkeeduna laxan oohineed la googo’ayo, ayay tiri, “Waa jeclahay… Laakiin… Laakiin, walaaleheyna?”

Inta la naxay baa la is wada eegay. Qof eray ka soo baxaa la waayey. Murugadii bay wada qaadsiisay. Qof walba waxaa hor yimid horintii agoonta ahayd ee Faaduma u weynayd, dhammaantoodna caawa iyada ka il daran. Waa yuruuricii tabaalaysnaa ee ay aawadood addoonsiga Beyddan ugu adkaysanaysay; waa kuwii ay saqda dhexe marka la seexdo luflufka martida Beyddan ka wabax-taraaraan, dambiisha ugu aruurinaysaye ula guuraynaysey, si ay nafta ugu ceshadaan, intooda marba Xamar joogta.

Waa loo wada murugooday, laakiin xal looma hayn. Hal qof waa la korin karaa, laakiin qoys dhan korintiis miyey kafaala qaadi karaan? Immisa qoys baase jirta oo kaas la mid ah ama ka sii liidata?

Axmed baa mar dambe hadlay oo yiri, “Faadumo waa runteed. Iyada qudheeda mushkiladdeedu inta aad moodaysaan ka qota dheer. Kuma xallismi karto sidii fududayd ee ay markii hore noogu muuqatay. Iyadu waa qof abaal noo gashay, in aan u gudnaana waa nagu waajib. Qof ahaan wax waannu u qabanaynaa; laakiin mushkiladdii asaasiga ahayd ee Faaduma-Yarey faqriga badday, wali waa taagan tahay, Faaduma-Yarey yeynaan u arkin halkaan ruux ee naga soo horjeedda. Sida ay u jiraan boqollaal Beyddan, ayaa waxaa u jira boqollaal iyo kumanaan Faaduma-Yarey oo u baahan in aayahooda la badbaadiyo!”

“Sidee lagu badbaadin karaa hadda waayee?” Leylaa waydiisay.

“Waxaa lagu badbaadin karaa in mujtamaca oo idil la carra gaddiyo,” Axmed baa ku jawaabay, “In la dabar gooyo dhammaan dhaqannada gaboobay iyo kuwa gumeysigu abuuray, gadaashiisiina kuwii dhaxlay isaguna wakiishay ay sii kobcinayeen. Waa taas begteeriyada boogaha oo dhammi ka soo fufayaan. Ilaa jirridda ay fadhido la gooyo, ciidda ay ku fadhidana la carra-gaddiyo, mujtamac fayow ma la helaayo!”

“Laakiin yaa laga sugayaa carra-gaddintaas?” Sahraa waydiisay.

“Waa hawl innaga inoo taal, Sahraay. Da’dayada cusub baa laga sugayaa.”

“Dhallinyarada Soomaaliyeed dabeecaddooda waan aqaan,” Sahraa kula doodday, “Qof waliba sida uu hoostaas uga guuxayo, wax-qabadka dhabta ahna inta kale ugu hallaynayo, ayay qarniyaal gudbayaan!”

“Maya Sahra; saadaal-xumadu ma fiicna. Dareenkaagaas wax baa ka jira, laakiin ogow, is beddelka bulshada qawaaniin baa xukunta, waana wax khasab ah. Ku kalsoonow mustaqbalka!”

 

— 12 —

“Ciise iyo odaygii waa soo daaheen. Tolow ma odoygii baa miyirsan waayey?” Cambaro Cali Dhoof oo cabbaarkaanba dooddii socotay aan waxba ka fahmayn, waxna ku darsan, ayaa su’aashaas hadalka majarihiisii ku weecisay. Cabbaar baa lagu walaacay erayo looga walwalsan yahay caafimaadkii odayga.

Axmed maskaxdiisa markaasay ka baxday mushkiladdii guud ee uu casharka ka bixinayey. Waxaa mar labaad garbisay mushkiladdii isaga u gaarka ahayd. Jawigii murugsanaa ee uu ku dhex jiray buu mar kale gocday. Mustaqbalkii guurkiisa Maana, ee mad-madowgu galay buu indhaha ku taagay. Mushkiladda ugu weyn waxay uga muuqatay sida uu u guursan doono gabadhii aabbihi ku ceeboobay. Wuxuu is waydiinayey odayga mawqifkiisu waxa uu noqon doono iyo ra’yil-caamku waxa uu oran doono. Wax kasta ha ka horyimaadeene kolleyba isaga talo way u go’an tahay. Wax uu Maana dhaafsanayaa ma jiraan!

Leyla Xaaji Muumin oo meel aan ka fogayn taagan buu intuu milicsaday ku yiri, “Leyla! Aniga iyo Maana abaalka aad noo gashay wax la gudi karo waa ka weyn yahay. Walina walaaley waanu kuu baahannahay. Waxaan kaa baryayaa in aad waalidkii mar labaad noogu gargelyootid, ee adigoon fadeexadahaan iyo mashaakilkaan dhacay u sheegin, aad tiraahdid…”

“Haah! Ar wax fiican baan idinka hilmaamay!” Leylaa intay soo boodday hadalkii ka kala goysay.

“Haye?” Maana iyo Axmed oo hididiilo kadis ahi gashay baa hal mar isla yiri.

“Subaxaan adoogaay aa ii wacay. Minankaynaan tagay. Bes waxaaba la ii sheegay in arintii dib la isugu noqday. Adooga waa lala hadlay, ikhyaar iyo ma akhaan, adiga dad badan aa u caqli celiyeen, waxaa la dhahay, ‘Aaw Xaaji Muumin soo dhawaaw! Gabartaada lamma goorba igaarkiid la rabtay waa is gafeen. Wixii dhacay waa dhaceen. Hadda gabartii saan haddii lagu dhaafo waa hallaaweesaa, sidii Iisha camal; gabartii intii oo hallaawi leheed, ninka oo iida jeceshahey a loogu duceeyo. Yaa og in us lee kheer u yahay? Walaasheeda Leylaba shalay maantaan ninkii jeclaatayaa loo diidaayey, nabarkii isla fakteen oo is arooseen, hadda yaa ka fiican! Kheerka meeshiis ku jiro ilaahaa og…’

“Bes adooga waa oggolaaday. Waxaas i dhahay, ‘Maanadii soo wad. Minankooda a timaado. Igaarka aa sheegeysiin, igaar fiican haddiis yahay waa arki doonnaa! Xaalka waa iska hagaagaa!’ Bil xaqiiqa aniga waxaan ka kurbaysnaa Maana oo subaxaan an buriyey, laakiin, nasiib wanaag, khafna ma u sheegin wixii dhacay.

“Hadda berri subixii Maana waa wadaa. Waalidkeeday u hoyanaysaa, anigana waalidka mar kale waa la hadlaa; xaalka waa hagaagaa. Bishaaradaasaan idiin haayey, waxaan ku hilmaamay mashaakilkii inta!”

Axmed iyo Maana intay rayrayn kula soo ordeen bay Leyla isku mar midba dhaban ka dhunkaday. Haddana intay labadoodii is-gacalo-milicsadeen, farax iskula boodeen, afarta gacmood is waydaarsadeen, laabta iyo luquntana isku cadaadiyeen.

 

Dhammaad