Qeybta 1aad

Beri ayaa waxa jiri jirtay maagaalo weyn oo ku taalay xeebta galbeed ee badda Kasbiyan. Magaalo may ahayn sida kuwa aynu maanta naqaan. Guryaheeda badidoodu waxay ahaayeen carshaan. Jidadkooduna waxay ahaayeen kuwa aad u yar yar oo cidhiidhi ah; giddigoodna waxay ku dhammaan jireen bannaan weyn oo ku yaallay magaalada badhtamaheeda.

Bannaankaa weyn waxa ku wareegsanaa dhawr derbi oo waaweyn oo dhagax ka dhisan. Mid guryahaa ka mid ah waxa ku noolaa boqorka. Boqorkaasina wuxu ahaa ninka xukuma dadka magaalada iyo hareeraheeda ku noolaa oo la odhan jiray reer Reebu. Guryaha kale ee daaraha ah ee ka boqorka ku ag yaallayna waxa ku noolaa wasiirrada, abbaanduulayaasha ciidanka boqorka iyo wadaaddada. Magaalada waxa ku wareegsanaa derbi weyn oo ka celin jiray weerarka cadawga.

Muddo haatan qiyaastii seddex kun oo sanadood laga joogo, maalin qorraxdu aad u kulushahay, ayaa waxa bannaanka weynaa ee magaalada badhtankeeda ku yaallay, iska soo buuxiyey dad aad u badan. Rag iyo dumar wixii magaalada ku noolaa ayaa ka soo jabay carshaantii ay ku noolaayeen oo isugu soo baxay bannaankii, iyaga oo aad gurxanka iyo qaylada yaabto.

Aragtidaa yaabka leh, waxa kale oo dheeraa iyada oo kolba kolka ka dambaysa ay guutooyin fardoolay ihi soo marayeen jidadkii yar yaraa ee magaalada iyaga oo u socda xagga faras-magaalaha. Dadku fardoolayda ayey joojinayeen oo waydiinayeen waxay waxaan oo askar ihi ugu socdaan xagga guriga Boqorka.

Fardoolayda gadaashooda waxa daba socday guutooyin is daba jooga oo ah ciidankii lugta, kuwaasoo ku gaadhan gaashaanno, fallaadho, qaansooyin iyo warmo. Waxayna gashanaayeen labbis iyo diracyo ka samaysan haragga wiyisha. Iyagana waxa daba socday abbaanduulayaashii ciidanka oo fuushan gaadhi-farasyo; iyaguna waxay gashanaayeen diracyo ka samaysan bir iyo naxaas u dhalaalaya sida dahabka.

Tolow waa maxay isbeddelkan la yaabka leh ee ka dhacay magaaladii yaalaa lagu yiqiin degganaanshaha iyo xasiloonaanta? Inkasta oo dad badani malaynayeen in magaaladoodii halis ku jirto, haddana wax runtii su’aashaa ka jawaabayey ma jirin.

War waa la yidhi baa la yidhi ahaa, wuxuu sheegayey in col dal fog ka soo kicitimay uu magaaladooda ku soo socdo. Taasina wax u xaqiijiyaa ma jirin; waxayna sahadinayeen in colkaasi awaashu meel kale foodda u saarto oo Ilaahay magaaladooda uga duwo. Waxase aad u yaab galiyey askartoodan jidadka socota ee xagga guriga boqorka u sunsumaysa. Waxaana dadkii ku dhalatay shaki ah: in malaha colka la sheegayaa run ahaantii magaaladooda soo weerarayo. Askartan iyagu lallabaha dagaal in ay u heensaysteen la moodaa, iyaga naf ahaantoodu wax war rasmi ah oo ay dadweynahan yaabban ku kordhinayeen ma jirin; sababta oo ah iyaga laftooda ayaan ka warqabin. Amar ayey qabeen kaliya in ay bannaanka guriga boqorka ku soo hor ururaan.

Boqorkii Reebu, isagu waxa uu ayaama badan fadhi rasmi ah u fadhiyey barsad weyn oo gurigiisa weyn ku taal. Waxa halkaa hareeraha ka fadhiyey boqorka la taliyaashiisii ugu waaweynaa oo ay ka mid ahaayeen abbaanduulayaashii sar sare ee ciidanka, wasiirradii iyo wadaaddadii diinta. Maalinba maalinta ka dambaysa ayaa ilaalada uu diraa ay keeni jireen warar xaqiijinaya in colka la sheegayaa run ahaantii ku soo socdo dalkiisa. Ciidankaasina yahay ciidankii Boqorka Masar. Fadhigaana boqorka  iyo lataliyayaashiisu waxay ku arinsanayeen siday, kol haddii la xaqiijiyey jiritaanka cadawga, ay uga hor tegi lahaayeen.

Boqorka Reebu, wuxuu ogaa sida xoog iyo xoolaba uu u lahaa Boqorka Masar. Waxa kale uu ogaa sida goobta uu ka dagaalamaba u isagu guusha ugu qaadanayey. Boqorka Masar marka iyada ah wuxuu weerar ku soo jiiday waddanno badan oo u qabsaday, kumanyaal dadkoodiiyana intuu qoorta ka wada xidhay oo uu addoon ka dhigay, Masar geeyey.

Boqorkii Reebu ayaa talo ku ceegaagtay. Tolow, ma markii isna la qabsan lahaa ayaa gaadhay? Ma dadkiisaan masaakiinta beeralayda iyo kalluumaysatada ah ee nabadda jecel ayaa berri addoon Masar loo sawaaqiyo noqon doona? Run ahaan markuu aad u fikiro wuxuu caqligiisa ka helaa in ciidanka Masar kiisa ka weyn yahay kana xoog weyn yahay, askarta Masarna tiisa ka hub iyo qalab wanaagsan tahay. Waxaasoo dhami ha jiraan, haddana waxa la yidhi: Rag ciil cadaab ka dooray – waxa la qadhaadhaatay Boqorkii Reebu in berri isaga iyo dadkiisu Masar addoon ka noqdaan. Waxanu sidaa darteed ku goostay in ilaa ninka u danbeeyaa dhimanayo u dagaallamo si uu nasiib darroda ku dhacday dalalkii ka horreeyey uga nabad geliyo dalkiisa.

Markaa iminka iyo haatan waxay Boqorkii iyo saraakiishiisii taladood noqotay — falaqayn iyo qorshayn — siday magaalada iyo dadkeeda u difaaci lahaayeen. Intaa ay iyagu foodda iskula jireenna, waxa bannaankii ka baxaysay buuqii iyo qayladii dadkii kolba gees iskugu jabayey, iyo dhawaaqii madaxda amraysay, iskuna dubbaridaysay askarta.

Boqorka halkaa u fadhiyey waxa gadaashiisa taagan wiilkiisii oo la odhan jiray Amuuba oo ahaa inan shan iyo toban jir ah. Amuuba, fadhigan barsadda aabbihii iyo madaxdu fadhiyaan wax xiiso gaar ah uma lahayn; inkasta oo uu u labisnaa sidii nin askari ah oo dagaal u diyaar ah. Isaga dagaalku waxa kaliya uu u ahaa isaga oo cadawga ay iska hor yimaadaan; waxanu markaa aad ugu hiyikacsanaa in hadalku dhammaado oo dagaalka dhabta ah la galo.

Markii u cabbaar odayaashii dul taagnaa, ee uu arkay aabihii oo dhabanada haysta oo talo ku caddahay ayuu qun yar siibtay oo ka baxay qolkii. Halkii buu bannaan yar oo guriga ku dhex yaallay intuu ka gudbay u tallaabay qolalkay hooyadii ku jirtay. Waxay ahayd dhismo weyn oo lagu kala qayb qaybiyey daahyo waaweyn oo ka samaysan harag si fiican loo qurxiyey.

Daahyadii ayuu mid iska laabay oo wuxuu galay qol ka mid ah uu arkay hooyadii oo murugo dhabannada la haysata; sababta oo ah boqorka ayaa iyana u sheegay halista dalka soo foodsaartay; waxaanay baqa weyn ka qabtay in dagaalka soo socda wiilkeeda iyo odaygeedaba ku waydo.

Waxay aragtay inankeedii sida uu heeganka u yahay iyo sida ay xamaasadda iyo firfircoonidu uga muuqato; doonayana in uu qof walba tuso in aanu hadda ahayn wiil yar ee uu yahay askari geesi ah oo ka mid ah ciidanka aabbihii, ayaa inta wajigeeda tiiraanyadii ka yar duushay, ay dhoosha yar caddaysay.

“Waxay ila tahay, hooyo, in ay waxaan oo hadal iyo talo ah iska dhaafaan,” ayuu yidhi Amuba, “Maxaa ka macna ah, halkayn ku dagaalanaaba waa halkii kalee. Imika, bal eeg aabbahay iyo lataliyayaashiisu maanta oo dhan bay murmayeen; goor dhaw uun baanay go’aan ku gaadheen halka ciidankeennu kaga hortagayo cadawga. Waxay leeyihiin oo isla garteen inay noqoto meel shan iyo toban mayl innoo jirta. Bal eeg, meeshu waa meel innaga iyo cadawga ay u dhexaynayso meel biyo fadhiisin ah oo dhiiqo ah; si ay ugu adkaato gaadhi farasyada cadawga in ay ka soo gudbaan. Bal, haba ahaatee, haddaanu cadawga na soo gaadhi karayn sidee baannu anagu u gaadhaynaa. Waxaan jeclaan lahaa in madaxdeennu ku taliyaan in lagu kulmo meel bannaan, si cadawga gacanta la iskula tago.”

Hooyadii baa intay yar ilkacaddaysay ugu jawaabtay, “Waan ogahay, hooyo, sida aad ugu ciillan tahay in ad dagaalkaagii ugu horreeyey gasho; hase yeeshee, ciidanka Masar oo keenna ka xoog weyn awgeed, waxa habboon oo dhib yar in aynnu magaallada ku difaacno ciidan yar, halkaynnu inagu weerarka ka bilaabi lahayn. Waxa jirta in aynaan u bir dhigi karayn qalabkooda. Gantaalahoodu waa kuwo gaashaan kasta oo adag ka kudaya; halkaynnu inagu ka haysano hal gaadhi farasba waxay iyagu keenayaan saddex amaba afar. Markaa si aynnu iskaga xajinno waa in aynnu tabaha aan kula dagaalami karno oo dhan ka fikirnaa.”

“Ha yeeshee Hooyo,” ayuu la soo booday Amuba, “Ciidankeennu waxay u dagaalamayaan in ay difaacaan guryahooda, xaasaskooda iyo carruurtooda. Hubaalna waxa ah in nin walba oo ciidankeenna ka mid ihiba uu dagaalami doono ilaa uu ka dhimanayo; oo aanu ninna ogolaanayn in addoon laga dhigo.”

“Haa! Hooyo, waa runtaa. Waxanan hubaa in ay sidaa yeeli doonaan. Waxase jirta, hooyo, inaad tahay inanka kaliya ah een leeyahay. Waxanad xusuusnaataa inaad weli wiil yar tahay oo aan gaashaan qaad ahayn. Markaa, hooyo iska jir cadawga oo aad ha isku bandhigin. Ma malaysan karayo adiga oon ku waayo e,” ayey tidhi.

“Waxba ha ka wal walin, hooyo,” ayuu laabta ugu qaboojiyey, nabad qab ayaan kuugu soo noqon doonaa, marka aannu ka caydhino ciidanka cadawga dalkeenna. Sug! Waxaan u malaynayaa in aabbahay iyo qoladii dhameeyeen tashigii; waayo waxan arkayaa iyaga oo barsaddii shirka ka soo baxaya.”

Boqoraddii dabeeto intay kacday ayay inankeedii laabta ku qabatay oo dhunkatay, “Soco hooyo,” ayuu ku dhawaaqay, deetana dibaddii buu u cararay.

1 thought on “Qeybta 1aad

  1. Rag tashay wacade bal waxay keenaan aan aragno boqor Reebu iyo la taliyayaashiisu.

    Maktabadda.com aad baad u mahad santihiin.

aragtidaada nala wadaag...