Category Archives: Dhibbanaha Aan Dhalan

Nolosha Qoraha

Qoraha buuggan, Faarax Maxamed Jaamac ‘Cawl’ wuxuu ku dhashay gobolka Sanaag, degmada Laasqoray markay taariikhdu ahayd 1937kii.

Tacliintiisa dugsiga hoose wuxuu ku soo qaatay magaalada Cadmeed. Hase ahaatee, wuxuu ka soo dhoofay 1952kii, wuxuuna magaalada Hargeysa ka galay dugsiga farsamada gacanta, markuu ka baxay dugsigaasna wuxuu tacliin sare ee farsamada gacanta u aaday dalka Ingiriiska magaalada Landan 1959kii illaa 1962kii, halkaasoo uu shahaadada injineeriyadda ah ka soo qaatay Dugsiga Jelsii ee Injineernimada Gawaarida iyo Diyaaradaha.*

Ma aha buuggaani kii u horreeyay ee qoruhu qoray ee wuxuu hore u qoray 1974kii sheekada Aqoondarrro Waa u Nacab Jacayl, oo 1982kii hay’adda Yuneesko luqada Ingiriiska ku turjuntay.* Wuxuu kaloo qoray 1978kii buugga la yiraahdo Garbaduubkii Gumeysiga.

*Chelsea School of Automobile and Aeronautical Engineering
*Ignorance is the Enemy of Love

Qeybta Saddex iyo Tobnaad

Bacdamaa dhacdooyinka darxumo qaarkood, oo beni’aadanka ku habsadaa, ama uu la kulmo baaxaddoodu cajaayib iyo lama rumeystaan yihiin, ayna sas iyo xusuus cabsi leh ku reebaan qofka maankiisa, waa shaki la’aan in qofkaasi markuu soo jeedo hammiyo oo qammiyo, markuu seexdana hadba ku riyoodo, riyooyin dhif ah oo cajaayib iyo lama rumeystaan ah badankoodna la xariiraan doogtii dhacdooyinka. Haddaba Bilan iyadoo hawskeedii lama maleeyaanka ahaa halkii ka sii wadata bey tiri, “Dhacdo kaleba waad iga furdaamin kareysaa, laakiin ilmihii, ma aha kaan walaalaha ahayn ee kii kale, ilme ka yaraa e maxaan oran karaa? Xinjir, maya ka weynaa e tantoomo la’ekaa u daa. Kaasi maankeyga ka biximaayo marba si laygu tusaba. Haleeyayey! Wuxuu ahaa dhicis sidkiisii oo aan dhammaan, soo dhacee, ayaandarreydaa walaashey, hooyey ahaan lahayd. Waan garan la’ahay waxaan ku magacaabo ama ku sifeeyo, kii Raxmaankii abuuraayey iyo hooyaduu uurkeeda dugsanaayey iyo aniga ma ahe cid kale jiritaankiisii ka marag kaceyn. Kii diirrimaadkii ilmesidihii hooyadii ma ahee aan dareen kaloo nololeed yeelan ilbiriqsina ha ahaatee. Kii denbiyada adduunyo kii ugu weynaa laga galay, oo ka nixid iyo u halaahal ha joogee, cidna u garaabeyn, oo marna debnihiisa u kala furiwaayey inuu runta ka sheego urugadiisa. Ma ayaandarranaan iraahdaa? Waayo hadduu ayaan leeyahay xaqdarro uma dhintee. Ma dhiblaawaan iraahdaa? Haah, waayo hooyadii foolan lahaydna ku dhahoo nafle ma dhibin. Ma dembilaawaan iraahdaa? Haah, kaasaa ku habboon, waxaase malaha kaaga sii habboon anoo iraahda dhibbanahaan dhalan, alleylee kaasaa ugu habboone u daa.”

Dalal waxuu isku deyey inuu aamusiyo hase ahaatee, markuu si kasta u aamusin waayey, buu is yiri malaha wax baa xagga maskaxda uga dhinmay ee cid u yeero, haddana markuu dib u miisaamay hadalkeedii wax isdhaaf ahi ugama dhadhamin, wuxuuna rumeystay aakhirkii in waxyiba lagu soo dejinaayo, ayna habboon tahay inuu si dhab ah u sii dhegeysto.

Dabadeedna intuu madaxa iyo timaha baarkooda u taabtay buu ku yiri, “Waxaanu wax la rumeysto ka badane, malaha waxaad tahay qof inta wax la tusay waxyi lagu soo dejinaayo.”

Su’aashii kama ay jawaabine, iyadoo sidii wax dheelalawsan ah bey indhihii kala furtay, oo sidii xagga samada muuqaal looga bindhaanshay gacmaha cirka kor ugu fiiqfiiqday oo tiri, “Eeg… Eeg, ila eeg, waa waxaan sheegaayey oo marba si laygu muujinaayey, eeg geedkii maraaga ahaa ilays baa ka baxaaye, ka sii yaab badane, faras baa ka soo hoos baxay geedkii. Nin baa ku jooga faraska, waana dhallinyaro, gacanta bidix jaruhuu ku heystaa, midigtana ileys kaah weyn ayuu ku sitaa. Farasku siduu baalal leeyahay si baas buu samada u tafayaa. Faras fuushanuhu waa dhawaaqayaa, cid buu u baaqayaa siduu baafis ku jiro. Shaki la’aan waa isagii, kori oka! Kori okaa! Waa ruuxiisii oo ruux ay isu boholyoobeen carshiga ka baafinaaya, dhegeyso oo ila dhegeyso, waxuu ku dhawaaqayaa oo leeyahay, ‘Hooyooy macaaney gacalo, tii i nuujin lahayday, i canqarin lahaydey, tii markaan ooyo dhunkashada jaceyl si raxmad leh dhabannada debnaheeda ii saari lahaydey, tii heestaan tebaayo iigu qaadi lahayday, oo ereygeed qalbiga ii qaboojin lahaayey, waa ku tabee, ma carshigaad u hoyataa?’”

Isagoo yaab iyo ammakaag dhafooraha gacmaha ugu sii haya, bey haddana hadalkii halkii ka sii wadday iyadoo leh, “Eeg, ila eeg cirka xiddig keliya oo weyn ayaa ka muuqata, tolow ma marriikh baa, ma cirjiidh baa? Ma saxal baa? Maya, midna maaha ee waa xiddiggii waaberi, iyada keligeed ayaa xagga bari waqtigaan ka soo baxda. Faraskii iyo fuushanihii xagga xiddigtay u duulayaan, xiddigtiina waa ku soo durkaysaa sidii wax isu soo jiidayaan. In yar bey isu soo jiraan, bal yare dhegeyso oo dhegaha fur, cod dheddig baa xaggii xiddigta ka soo baxaayee, cod kale ma ahee waa cod hooyoo naxariis leh, oo hees carruureeddii hooyo ilmaheeda ugu heesi jirtay ku heeseysa, lehna:

‘Waa daa’moo carruuroo
Denbilaawe weeye
Yaa dilay oo dagaalay?
Yaa duur kulul ku jeexay?
Ninkii dilay oo dagaalay
War hoy! Dulmi buu ku kacayaa.
Aan ku daadeheeyo
Dusha aan ku saaree
Dulmanow mar soo duul.’”

Goortii waagii inuu beryo ku dhow yahay, welise cirguduud tahay, bey sidii wax soo baraarugey indhaha kala furtay, iyadoo uu wejigeeda ka dareemaayo inay ka qoomamooneyso isla hadalkeedii aan kala go’a lahayn ee uu ka gam’i waayey habeenka. Waxayna cod debecsan oo raalli gelin ah ku tiri, “Gacaliye Dalalow qof casarkii is sheegay cishihii ceebi ma qabatee iga raalli ahow.”

Intuu ku soo durkay oo labadiisa gacmood dhabannada ka saaray oo yare ileyskii feynuuska ku daawaday quruxdeedii aan isdhinka lahayn, dareemeyse inuu jidhkeedu cabsi la kurbanaayo ayuu ku yiri, “Waad i deeqdee maxaan raalli ka ahaadaa?”

Waxay ku tiri, “Igaga raalli ahow aroos beynu ahayne hurdadaan kaa carshacarsheeyey, waana cabsoonayaa ii soo dhowow, naftu nafta ha weheshatee, cabsiduna marba intaad ii jirtid bey ii jirtaa.”

Iyadoo hadalkii sii wadata bey haddana tiri, “Aabbahay Aw Jaamac naxariistii janna Alla ha siiyee wuxuu halheys u lahaa markuu dadka heshiisiinaayo inuu yiraahdo, ‘Nolosha adduunyo waa nabad iyo naag dhalaysa.’ Si markaas nolosha madhan ee ceyrnimada ah, maankaygu iyo fekerkeygu nasasho iyo nabad uga helaan, hunnaagyada hurdada laygu horkeenaayona iiga haraan, waa ku baryayaaye macaanow, jacaylkeygiiyow ii soo dhowow oo dhabta si fiican iigu qabo, raalliyo ooridaada ah baan ahee, riyooyinkayga iyo hadaaqeyga habeenna u daa, wacdarada adduunyada waa ninba waayihiisee.”

Inta ereyadeedii raxmadda lahaa ka jidhidhiceysiiyeen oo ilmo ku soo dhowaatay buu yiri, “Waa runtaa, anoo raalli ah, adna aad raalliyo oorideyda ah aad tahay, qalbigayga iyo nafteydaba waan kuu haneeyee wehelkooda hoo.”

Halkaasaa ereydii lays dhaafsaday midna cabsidii kaga duushay markaan midna luladii kaga guurtay, oo gacmihii si fiican laysu dhaafsaday sidii gabayaagii weynaa ee Cabdisalaan Xaaji Aaden ku yiri tixdiisa ah, ‘Talantaali labadii gacmood tahan is weydaarte.’

Hurdo ku saskaas, ay Bilan habeen dhaxaaba hurdada ku saseyso, oy nafihii meytida kula hadlayso, caadey u noqotay joogto ah, oo aan wax furdaamin ah iyo daawo lahayn.

Sida xaqiiqda ah, qofna ma rabi karo, dan oo ku khasabta mooyee inuu dalkiisa hooyo ka qaxo, noqdana dulugle cayreed iyo dibjir loo dewersho. Balse waa darxumo adduunyee, inkastoo marka hore la moodo Dalal iyo Bilan inay aroos wacan ku cawo baryeen, haddana sida runtu tahay kuna dhacday malaayiin iyo kumanyaal dad ah, oo quwado u xoog sheegteen, oo dunida khaas ahaan Afrikada madow dagaagnimo iyo dacdarro kula dul nool, ayey Dalal iyo Bilan ka mid noqdeen qaxootiga caalamiga ee geeska Afrika xeryaheeda ku nool. Halkaasoo ay iyagoo qadaa ma dhergaan ah, shafka dhigeen saldhiggii darxumada iyo saxariirka nololeed, oo qofaf ahaan qalfoof ah, niyad ahaanna haaraanka nololeed nuxuustuu wejiyada ka saaray laga yaxyaxaayo, ka sii darane habeenkooduna yahay maray ku salelayaan baroorta arwaaxdii meytidoodii, iyo maray ka gam’i la’yihiin dayaanka dhacdooyinkii naxdinta lahaa oy dalkoodii uga qaxeen, oo weli dhegahooda ka yeerayaa, “Qacaw… Qacaaw… Caw… Cacaaw…”

Dadka ifka ku dhibbani waa badan yihiine, sheekadii dhibbanahaan dhalan sidii bey u socotaa…

Qeybta Labo iyo Tobnaad

Run ahaantii qof kasta oo bani’aadan ah, sida raggii hore u yiraahdeen, waxaa hor yaal hawl uu subax walba u kallaho, si uu kibistiisa u xaqiijiyo, iyo hawo uu isleeyahay derajadaas gaar, waxeer hel, ama maruun baad wax noqon. Waxaa kaloo harreefo socda faa’ido iyo khasaare miduu u dhacoba, waase qof iyo nasiibkiis. Waxaa kaloo qofka gadaalo socda geeri iyo gabow mid soo hor gaadhaba.

Markaas dad kasta oo qaxooti ah, oo dunida ku nool, waxaa keliya oo hawl u ah safaf u galka sacabsaarka looga soo baaheeyey dad qayrkood ah, xagga himilada noloshana inta male’awaalku ka lumo, ayaa habbiso la saaraa mustaqbalka mugdi uga soo dhigta, kuna abuurta isnac, kalsooni darro iyo rajo beel nololeed, naf yididiilo dhigtay oo rejo beeshayna geeri waxba ma dhaanto, saa bani’aadanku waa noole rajo ku nool ah.

Bilan baa hadalkii halkii ka sii waddoo tiri, “Dalalow daltabyada iyo rajaxumada nololeed mid baa iiga sii daran, waxay tahay taasi, waxaan ku riyoon jiray, ogow riyo waa jirtaa e kuwaan gacalka ahayn ee riyadaasi macaaneydaa, waxaan ku riyoon jirey anoo hadba dooxo cagaaran asaagay la jooga ee iyana macaaneydaa, wax aan kaloo ku riyoon jiray adiga markaan kuu hiloobo ha u macaanaatee lacdankeennii harada, laakiinse hadda cabsida igu abuurantay aawadeed, waxaan habeen walba ku riyoodaa riyooyin xun oo argaggax leh, weliba waxaa ii dheer sida dadkaan ayaamahaan la noolaa sheegeen, hurdadaan ku sasaa, oo iska hadlaa intaan isla soo tooso. Markaas ha iga yaabin haddaan caawa hadba qar jeexo oo iska hadlo, iina dulqaado waa maqaadiire.”

Haddii haasaawihii, iyo sheekadii lays dhaafsanaayey intaas ku ekaadeen, oo qofba si raaxo leh doc ugu gam’ay, ayey Bilan goor habeenkii kala baran yahay, sidey sii sheegtay sastay oo iska hawstay, kaddib markii riyo lagu horkeenay hooyadeed Cawo, oo wejigu diiran yahay, gacanina maqan tahay, habardugaag badanina hareera gaafaa gurdeynayaan, gorgorkii iyo coomaadihiina ilme yar ku hor hiigayaan.

Dalal markuu isla hadalkeedii maqlay buu soo ag fadhiistay si uu u dhegeysto bal waxay ku hadleyso, mise waxay leedahay, “Eeg, eeg wuxuu isku deyayaa ilmuhu inuu debnaha kala furo, kalase furiwaa. Hohey, waxaa iga yaabshey sidey indhihiisa uga muuqato tagtada uur-ku-taalladeedii, timaaddada fogna u oddorosayaan.”

Dalal intuu ku soo durkay buu ku yiri, “Aamus oo sheydaanka iska naar.”

Mey aammusine, sidii bey kala go’ la’aan hadalkii u wadday, ilaa uu biyo qabow intuu soo qaatay madaxa kaga shubay, dabadeedna intey naxdey tiri, “Ma roob baa da’aaya?”

Wuxuu ugu jawaabay, “Maya e waad sahwiday oo isla hadashay, ee maxaad la sahwiyeysaa is halmaansii adduunyada oo seexo.”

Waxay hadal hoose oo baroor ah ku tiri:

“Saxariirka noloshaa sahwiga ugù wacanoo
Saqda dhexe alleylkii waxaan hadba ku selalaa
Seyncaddaale haadkiyo sirgigaaye Kuubaan
Saqiirkiyo kabiirkey sarwejida ka bixiyeen
Sawaxan meytidoodii qubuuraha ka sarey kacay
Saxanow macaanow aan ma seexan karayee
Sacabada kalgacalkiyo sidrigaaga igu qabo.”

Intuu gacmaha u fidiyey oo dhabta ku soo qabtay buu si uu cabsida uga bi’iyo yiri:

“Saxaney macaaney seyncaddaale haadkiyo
Sirgigaaye Kuubaan surunsuur ka nooley
Seymaha adduunyada saha iyo colaadaha
Saatir baa abuuro koley saxar ahaataba
Ninba saaci weeyo wuxuun buu ku sababaa
Samirkeeda yeelo saskiyo cabsida iyo
Seymaha adduunyada saha aad illowdide
Sacabada kalgacaliyo sidrigiyo qalbiga hoo.”

Inkastoo uu sasabay, oo dhabta ku soo qabtay, gacmihiisiina huwiyey sidey ka bariday, haddana ma aammusine waa ka sii dartay.

Markuu Dalal ka yaabey, buu intuu wejigeedii marada ka qaaday, oo ilmo dhabannada qoysay ka bi’iyey ku yiri, “Belaayo aan kaa yaabin belaayo ma ahe, mala in lagu furdaanshaa u baahan tahay, berritaan wadaad kuu kitaab fura, oo belaayo xijaab kuu akhriya kuu keenayaa.”

Waxay tiri, “Furdaamisaa, furdaamisaa! Ayaankee! Ayaankee la helaa.”

Qeybta Kow iyo Tobnaad

Hadday ururrada samafalka muddo dhowr bilood ah daawo iyo baan ku hayeen Dalal iyo Bilan, oo nololi ku soo yare noqotay, ayna dhogor dad yeesheen, ayaa qaxootigii kale iyagoo si gaar ah ugu dedaalaaya u dhiseen buul bac iyo xaashiyo ka sameysan, si ay isugu aroostaan.

Markii buulkii loogu talagalay loo hooyey, arooskii iyo aroosaddii, oo dad badan ma qaada e labo saddex qof ma ahe intii kale tageen, ayaa cabbaar kaddib qabanqaabiyihii munaasabadda yiri, “Aroos laguma raago lagama raago e inaga soo dareersha,” halkaas leysaga tegey Dalal iyo Bilan.

Wuxuu habeenkaasi ahaa, habeen habeenkiisii ka horreeyey, roob laxaad leh oo miiraale ahi da’ay, oo dhulku reys yahay, neecow qaboobina dhaceyso. Wuxuu ahaa habeen meelo fogfog oo daruuro gudgude oo dabeyli shukaamineyso ma ahe cirku kaad yahay, caadna haba yaraatee aannu jirin. Wuxuu ahaa habeen dayaxa Afrika oo nuurkiisa la ogyahay isagoo afar iyo tobnaad ah, uu baalka la soo baxay, in doora hadduu kor u kacayna nuurkiisii irbad dhulka ku dhacday isha lala waaweyn.

Wuxuu ahaa habeen jawigu aad u macaan yahay, oo labadii is aroostaa uu ishaaro fiican u yahay.

In cabbaar ah, haddii qofba qof sheedda ka eegay, oo qofba qof ku dheygagay oo leysku ashqaraaray, oo ruuxna ruux rumeyn waayey, kalana garan waayey is helitaankoodu, is filiwaa darteed, run iyo riyo miduu yahay, ayaa Dalal intuu kacay ag kadaloobsaday dermaday ku fadhiday, wuxuuna ku yiri, “Waa midaan rumeysnaa min maalintaan harada ku kulannay ineynu maalin uun is aroosan doonno, garanmaayo sababta, wuxuun baase sidaas igu yiri, adiguse sidaas ma qabtay?”

“Maya, nololba kama rajo qabin, haddana ma hubo wadajooggeennu run iyo riyo miduu yahay.”

Run ahaantii, cabsida gabar kasta ku dhacda habeenka aqalgalkeeda ka sakow, waxaa Bilan cabsiyi kaga abuurantay nolosha, dhacdooyinkii naxdinta lahaa oy soo martay.

Markaas isagoo xaaladdeeda sidaa u fahmay ayuu si uu cabsida uga bi’iyo kalsoonina ugu abuuro ku yiri, “Bilaney waxba nolosha ha ka cabsoonin, waayo dunideer loxoska lagu yahay, oo yaabkeedu badan yahay, dadka ku nool haddii qof walba loo sii sheegi lahaa, ama uu lahaan lahaa awood uu ku sii ogaado, waxay aayihiisa nololeed ku sugnaan doonaan, in badan oo reynreyn iyo farxad ku jirtaan noloshu u dhandhanteen, in kaloo badan oo werwer qabtana farxad ayey la dillaaci lahaayeen. Hase ahaatee, in qaafil laga ahaado timaaddada ayey malahe dunidu door biddey, midey u roonaan doonto, iyo midey isla rogi doontaba. Aalaabana bani’aadamku waa kii dhibaatooyin la kulma, qofkiise samir ka yeesha waxba uma noqdo.”

Waxay tiri, “Waa xikmad weyn, laakiin waxaan qabaa tabaalooyinkii aan soo marnay hore looma arag, kolleyba cabsidey gorgorkii iyo coomaadihii igu reebeen ha joogeene, isma lahayn, isku daygii Kuubaankaad ka nabadgeli.”

Wuxuu yiri, “Waa jiraan e aan sheeko gaaban kaa siiyo, sheekadu waxay tahay: Nin baa la yiri, isagoo kabadha wata baa beelo uu is lahaa ganacsi ka samee dhex yimid, halkaasaa inta laga dhacay kabadhadii, naftiisiina dil loo diyaarshey, nasiibkiisase isagoo in la gowraco in yar loola saaran yahay, ayaa nimey saaxiib ahaayeen beeshii ka soo dhex baxay oo dilkii ka sii daayey, xoolihiina u soo celiyey, isla markaasna, isla maalintii gabar uu dhalay buu u aroosay. Waa ninka ku maahmaahay, maalin baan taajir ahaa, oo haddana ceyr noqday, oo dil u taagnaa, oon haddana isla maalintii aroos galay. Miyaaney sheekadaasi sheekadeenna u dhigmin?”

“Si fiican bey ugu dhigantaaye, sheeko xariirow ma run baa? Mise iga yaabisaye sheekadu waa sheeko baraley?”

“Waa mid dhab ah, ee ha ka yaabin,” buu ugu jawaabay.

Intey dhafoorrada qabsatay, oo ay u muuqatay in cabsidii kaga ba’day sheekadiisii ayey tiri, “Waxaan ka yaabay sida sheekadu ugu dhiganto teenna, sababtoo ah, waxaan hodon ka ahayn dad, duunyo iyo dal aan xoolaheenna ku dhaqanno, nasiib darro intiiba caawa ceyr soogan baan ka nahay, xagga nolosha intaan geeri qarka u gaarnay, oo cadow ma naxe ahi ina sigay waad garaneysaa, Ilaahaase aayaddiisa ku yiri, ‘Ruuxii Eebbe ka dhawrsadana wuxuu u furi faraj,’* ayaa inaga badbaadshay, arooskii arooskiisiina waa innagaas quluub is rabta oo in badan isu hiloobeysay isla ag fadhina, inta inaga dhimman waa la heli ee kadabaa inoo dheh.”

“Kadabaa, oo kadabaa oo kun kadabaa dheh,” buu yiri. Goortuu intaas yiri, ayey si fiican oo debecsan u dhiib dhiibsatay, oo gorodda hoos u rogtay, kolkaasuu gacantiisii midig qoorteed kor ugu soo toosiyey, oo isku soo jeediyey wajigeedii oo cusbur iyo cillaan ka dhalaalayaan, oo yare daawaday dhabannadeedii shushubnaa, suuniyaheedii intey dherer u dhignaayeen madmadoobaa, sanqaroorkeedii qorriinka wacnaa, iyo guud ahaanba quruxdeedii oo sideedii ugu soo noqotay, gacantiisii bidixna timihii baarka casuusa lahaa, ayuu hadba intuu taabtay tintin u miiqay, sidii uu u dabaayo.

Iyadoo in cabbaar ah la wada hadlin ayuu yiri, “Haddaan suugaanta wax ka aqoon lahaa sidaan kuugu sifeeynaayo ayaan waagu iga beryi lahaa.”

“Oo maxaad oran lahayd?” bey su’aashay.

“Waxaan ka bilaabi lahaa sifaha toolmoonaantaada, ilkahaaga, indhahaaga iyo inta aan hadda u jeedo ereyadaan:

Ilwaad qurux wanaaggey udug iyo carfooney
Ashqaraarka quruxeed Eebbaa kugu manneystee
Ilkahaa ma luul baa? Ma aleel la qorey baa?
Amakaagga iyo yaab markii aan ku eegaba
Qalbigey alwanayee indhahaaga nuurkood
Ammaantooda waayeye ma ileys la shiday baa?
Agagaarka laabtiyo iliishaa dhextaasha ah
Ubaxyadu hareeyaan ogoobey ilxaaxsiga
Markii aan yar eegaba weyska muuq arkaaya
Waa abuur Raxmaanee ma aaraa xareedaa?
Mise aadmi yaabyaye waa aslida xariirtiyo
Aalad leysku daawado muluggii addunyaay
Aan aafada illowne arooskeenna ka dabaa.”

Cod debecsan bey ku tiri, “Horaan ku iri afkumalable baa tahay, sheeko xariirnimana waa kuu raacday, saa ereyadaadaasi meelay i taabteen, ogowna murwo waxaa naruuro u ah, marna raaxo u ah, oy nolosha mahadisaa markay hanato wehel ay muddo dheer naawileysey, nafteeduna raalli ka tahay, oy ku nafisto nolol gacaltooyo iyo naxariis leh. Waana sidaad u sheegtaye arooska kadabaa inoo dheh.”

“Haahe, waa runtaa, oo nin gabayaa ah oo reer Doolo ah baa gabay hore ugu yiri, ‘Dumarkuba martoo laga furay mahad kuu sheegtaane.’”

Intey qososhay bey tiri, “Ma kaa marmarsiiyaa, illeyn hadal kuma seego e.”

Intuu kusoo durkey, oo gacmaha midkooda taabasho gacaltooyo dhadhameysa dhabanka iyo intaas qoorta ah kaga salaaxay tii kalena ku yare tafaguray buu ku jawaabay, “Haahey marmarsiiyaa martaa ii galay.”

“Oraahdu sidaas ma ahayne ma kaa ismaalaakadeed iyo u marmarsiiyo marfurkeygaa,” bey tiri.

“Oo maxay kale caawa iga ahaan lahayde?”

Goortaasey intey yare xoodatay qososhay qosol la yaqaan, iyadoo isla markaas indha isku qaqabaneysa, isna si le’eg ayuu qosol yaab leh ugu dhiftay, isagoo intuu haghago yeeshay hadalka googgeynaaya, kaddibna waxaa la wada qosley, qosol reynreyn iyo farxad ah.

Haddii haddaba xiisaheeda lehe, waxay oggoldiiddaba, aakhirkii si gacaltooyo ah, oo raallinimo ah dhaxanta leysaga dugsaday, oo hirarka raaxada iyo heehaabyadaas sare marba hir leysla heehaabay, naf waliba waxay taabaneysey iyo raallinnimo hakaa tiri oo wadajir loo mahadshay macaankii hanashadooda habeenka mudan, boholyowgii jaceylkana kaarkiisii laga bogsaday, ayey Bilan intey koob caano ah siisay markuu dhamay ku tiri, “Sheekoba sheekey keentaaye, waxaa Dalalow la yiri, nin guur doon ahaa baa beri saddex hablood u yimid, wuxuuna ku yiri, isagoo garaadkooda intihinaaya, ‘Waxaad ii sheegtaan garow iidaankii, rag gogoshii iyo geel ooddiis.’ Tii u horeysay baa jawaabtoo tiri, ‘Garaw iidaankii waa sixin lo’aad ha lahaado, rag gogoshiina waa weylaalis ha goglaado, geeli ooddiisna waa ood weyn ku soo ood.’ Tii labaad baa waxay tiri, ‘Iyana waa sida gabartaasi u sheegtay, oo waa subag maakhiri lo’aad ah ha lahaado, rag gogoshiina waa salli darfooley ganfeedha ha goglaado, geel ooddiisaa waa sidey sheegtay.’ Gabartii saddexaad baa intey madaxa ruxday tiri, ‘Waxba ma aydaan sheegin hablow, ee garow iidaankii waa baahiyi ha kuu hayso, rag gogoshiina waa nabadgelyo ha heysto, geed ooddiina waa rag u lahow daafaca.’ Gabartaas u dambeysay oo ninkii hablihii ka xushay baa aniga dad iigula xikmad ficneyd.”

“Maxaad ugu jeeddaa?” buu weydiiyey.

Waxay ugu jawaabtay, “Waxaan uga jeedaa inkastoo markaan wax soo xusuusto aan uur-ku-taalloodo, oo meel i hafeeftaan, haddana caawaa indhoweyd nolosha adduunyo leyga tiriyaa, mar haddaan ha daldaloolee, roobna yaanu celine aan buulkan bacda iyo xaashiyaha ka sameysan nabadgelyo ku seexanaayo, aanna hubo inaan nabadgelyo kaga soo toosaayo berrito.”

Dalal baa qaatoo yiri, “Waa runtaaye nabadgelyo wax ka wanaagsani ma jiraan, waxaanse kugu daray gobannimo, waayo wax kasta haddaad heysatid aasaadan nabadgelyo iyo gobannimo heysan noloshu innaba wax qiime ah maleh. Markaas nabaddaan heysanno tu inoo tirsami karta ma ahe, waayo waxaynaan ka bogsan kareyn uur ka wahanka, daltabyada, cayrnimada iyo rajo xumada nololeed oo ina hortaal.”

                              
*Suuradda ad-Dalaaq 2

Qeybta Tobnaad

Iyagoo malahoodii siiyey, in raacdo ka daba imaaneyso waxyeelladay geysteen culeyskeeda, khaas ahaan Kuubaankii ay dileen ayey waxay isu qaybsheen saddex kooxood, oo kooxiba jiho qaaddo, si haddii koox loo helo, labo u badbaaddo, ama haddii labo la helo midda saddexaad u fikato.

Dalal, Bilan, Cusmaan, Ibraahim iyo afar kaloo dhallintii ah isku koox bey noqdeen, waxayna kooxdaasi qaadday jihadii labada kale u dhaxeysay oo ah jihada Waqooyi. Sidii ay ka baqayeen isla markii waagu beryeyba ciidamadii cadowgu oo cir iyo dhul ah, ayaa raacdo aargoosi ah ka soo daba qaaday, isagoo jawigu dhiileysan yahay oo daruur yare shuuxayaa cirka isku soo jiqsiiyey. Waqti gaaban kaddibna waxayba maqleen rasaas ka dhaceysa xaggii kooxaha midkood ka xigtay.

Kolkaasay si dhakhso leh u dhex galeen keyn jiq ah oo ku dhoweyd, sida wax looga heli karaayana ay adag tahay, nasiibkooda oo xumaada mooyee. Waxay keyntii ka dhex heleen labo booraan dawaco, oo mid walba labo qof isku ciriiriyi karaan, halkaasoo ay u garteen iney ku qarshaan, midna Dalal iyo Bilan, midna Cusmaan iyo Ibraahin, waxayna afafka ka saareen laamo ay soo gooyeen iyo burar ay soo rujiyeen.

Inkastoo ay booraamuhu ciriiri ku ahaayeen afartii lagu qarshey, oo jidhkoodu qaar debedda u soo baxsanaa, haddana markii si fiican loo af saaray, cid si gaar ah ugu fiirsato ma ahe si loo arkaa wey adkeyd.

Haddii kooxdii Dalal in booraamahaas ku dhuumatay, intii kalena keyntii laboba meel gashay, oy cabsi dheeraad ah gelisay diyaaraddii hadba ka dul guuxeysay oo marba doc u dhaafeysay, ayey isla sanqadhi hore ee rasaaseed ka maqleen docdii kooxda labaad ka jirtay, waxaana u caddaatay shaki la’aan iney kooxdii labaadna u dhammaatay, oo hadda waxii ka danbeeya oy sugaanba tahay kalkoodii oo soo gala.

Goorey sidaas u yaabban yihiin, oo rajo nololeed ha joogtee, naftii yididiilo beeshay, qof walbana cabsidii intey ka badatay rugrugtii wadnihiisa iyo neef gurkiisa looga dhigay in sanqadhooda hayhaato laga soo raacaayo, mid walbana nolosha ka door biday dhimasho deg deg ah, si uu mar keliya uga nasto guulguulka cadowga, iyo naftu tawaawaca ay ku heyso, ayey diyaaraddii intey soo rogaal celisay ku riday bambo jigin soo dhacay la moodo, halkey keynta kaga jireen ma ahe keynta qooretadeeda kale oy malaha ku yool baareysay.

Intey kooxda inteeda kale cabsidaas ku jirtay, Dalal iyo Bilan waxay booraanta kula dagaallamayeen cadow labeeyey kii hore, oo booraanta kaga soo baxay. Cadowgaas oo ahaa mas weyn, oo gorod raadow, oo dheer oo dhumuc Alla siiyey, oo booraanta ku jiray, baa waxuu weerar ku soo qaaday Bilan oo uu xaggeedii ka soo baxay, Dalal baa ka hor arkay isagoo aan waxba u sheegin, intuu ku booday, oo qoorta ku dhegay buu afka dhulka ugu aasay, labadii jilibna midna qoorta hore kaga qabtay, midna gadaal dhulka ugu xajiyey, si aanu dhaqdhaqaaqba u sameyn. Bilan mar alla markay maskii sigey oo Dalal qoorta hayey aragtay, ayey suuxday.

Dalal waxuu gariiro oo dhidido oo maskii afka dhulka ugu hayoba, oo iska adkee ma ahe talo kale dhigay, cabsidii horena tan masku kaga cuslaatay, ayuu waxuu mar keliya dareemay booraantii oo af saarkeedii debedda laga fagaayo, ciyoonba waxuu dalool yar ka arkay askari Kuubaan ah, oo buntukhuu sitay caaradiisii laamihii ku banbaneynaaya, isagoo malaha tuhun ka galay laamaha qoyan oo la soo jaray oo meesha saaran. Dalal, goortuu yaabban yahay oo talo ku caddaatay, askarigiina hadba laan qaadaayo, oo inuu wax arko u dhow yahay, ayuu maskii dhaqdhaqaaq bilaabay.

Halkaasuu wax kale ma sameyne, intuu maskii soo qaaday askarigii kaga sii daayey halkuu yare banneeyey. Waxaana ugu war iyo miyir dambeysay askarigii oo intuu qeyliyey sii cararaaya. Wuxuuna soo miyiraabay cadowgii oo tegey oo Cusmaan biyo waraabinaayo, iyo Bilan oo weli suuxsan, oo ag jiifta. Dalal markuu arkay gacaladii oo xaalkeedu liito meel dhaqaaqeysaana aaney jirin sidii qof waa hore dhintay, ayuu intuu ku booday dhabta ku soo qabtay oo intuu madaxa gacanta ka saaray hadal hoos ku yiri, “Bilaney gacalo toos, biyo dahab la moodyey toos!”

Bilan heerka ay joogtay ma ahayn midey si dhib yar uga soo tooseyso, maxaa yeelay waxaa isugu biiray itaal darro, gaajo, daal, diif iyo diihaal iyo naxdin aan kala go’ lahayn oo midba midka kale ka daran yahay. Haddana intuu ku noqday buu yiri, ‘”Toos Ilaah baan kugu dhaarshee, aan meesha darxumo ka tagnee.”

Inkastey yare dhaqdhaqaaqday waa jawaabi kari weyday, laakiinse indhahey kala furtay, si ay maqashay farriintiisii.

Waxuuna arkay hadduu wajigeedii u sii fiirsaday inay Bilan dhibaatadii ay beryahan ku jirtey u run sheegtay, oo indhihii buuxi jiray oo raxmadda lahaa god ka soo jeesteen. Jidhkeedii dhisnaana, intuu fagmay meeshii ka baxay. Waxuu kaloo gacmihiisa ku dareemay markuu dhabta ku soo qabtay sida lafihii garbaheeda iyo kuwii feeraheeda weydnimo darteed u soo baxeen.

Wuxuu isha la raacay dhabannadeedii dhaashanaan jiray, oo sidii hoobaan bislaatay loo mohan jiray, oo intey dhafoorrada ka soo goteen moqorro la moodaayo.

Dalal tiiraanyo baa ku soo korodha markuu sii eegaba xubnaheedii uu sifahoodii ogaa oo la quuri kareyn. Aakhirkii intuu laabta ku soo qabtay isagoo ilmo ku soo joogjoogto ayuu hoos ugu yiri, “Ma rumeysan karo farxaddeeda Bilan baa tan ah, isla markaas ma leqi karo Bilantaad tiqiin baa sidaan u dacdarrootay.”

Intuu madaxa yare ruxay buu haddana yiri, isagoo hadalkiisii sii wata oo hoos isula faqaaya, “Meeye indhaheedii la kuunyi jirey? Ma tan aa u dambeysay iney goofaf ka soo jeensataa? Meeye xubnaheedii xubini xubin wax u ogeyn, oo afarba sifo gaar ah lahayd, ciiloow ba’ ma caynkaasaa cawo adduun?”

Hadduu cabbaar sidaas isula hadlaayey, ayey sidey sardho ka soo toostay yare dhaqdhaqaaqday oo indhihii yare kala qaadday, waxayna cod yare dirqi kaga soo baxaaya ku tiri, “Xaggee duni ka joognaa?”

“Goob darxumo baan ka joognaaye istiil aan meesha ka cararnee,” buu ugu jawaabay.

Intey neef gurtay, oo yare taahday bey waxay tiri, “Waa tahaye xaggee duni ka aadnaa? Haddii cirkiina guduri gaaddo weyn inaga weeraraayo, dhulka dushiisana Kuubaan iyo Xabashi is wataa oo bahaloobay boob la joogaan, dhulka hoostiisana bahal hoose tii tahay, cawo beellayey, xaggee aadnaa? Xaggee tagnaa? Xaggee u hoyanaa?”

“Dhibaatada nololeed ha isu dhiibin gacaloy, hana rajo beelin ninba maalin bey la deristaa e, waxaynuna ku simeynaa ilaa meesha cagaheennu ina gaarsiin karaan,” buu ugu jawaabay.

“Dalalow ereyadaada naftaa ku diirsatay, oo qalbigeygey yididiilo geliyeen, markaas mar haddaan adiga duni kaa heysto waa ii dhan tahaye waxba hey xambaarin waa istaagayaaye i garab gal aan nafta la yare kutubee.”

Nasiibkiisa, markuu istaajiyeyba wuxuu arkay Cusmaan iyo Ibraahim oo qoryo ay sidii dhoolli u soo diyaariyeen la ag taagan, goortaasaa inta jirjirka loo jiifshay lagu qaaday dhoolligii.

Bilan Aw Jaamac, iyadoo aaney marna xasuusteeda ka bixin dhacdooyinkii foosha xumaa gaar ahaan tii ugu horreysay oo gorgorka iyo coomaaduhu ku loolamayeen, ayey haddana wax dabadhigay mooyee samada korkeeda ah ku aragtay iyagoo hadba daruuraha ku libdhaaya isla labadii horor, oo muuqaalkoodii foosha xumaa la dul heehaabaaya oo leh, ‘caw, caaw, cawcaw, caacaw.’

Intey gacmaha saartay wejiga, oo indhaha ka qarsatay, ayey fekertay oo haddey fekertay, fekerkeedii ku kala garan weyday hororradaa korkeeda heehaabaaya, waxbana aanay ka qorsooneyn, nafleyna aan reebeyn awoodda la siiyey, iney yihiin kuwo iyada loogu dawgalay, iyo iney yihiin cibaaro hor leh, oo carrada caam ahaan timid, wuxuu malaheedu siiyey, kaddib markey ka qiyaas qaadatay qaxa iyo dabargoynta ku dhacday dad iyo duunyo wixii dalka joogey, inaaney wax kale ahayne yihiin ifafaalo cusub iyo cunsur hor leh oo carrada ku habsatay.

Wax Bilan dhoolligii lagu sido, oo majarihii la hayoba, dhowr beri kaddib, ayey goor fiid ah ka gudbeen xuduud ku sheegga heshiiskiisa qarnigii sagaal iyo tobnaad Baarliin lagu dhigay, oo Soomaaliya lagu kala googooyey, iyagoo si ula aayo ah, dadka reer Baarliin qaarkiisa maalaaya dhaqayadii iyo dhaxalkii heshiiskaas, kaddib markii isla Baarliin lafteedii gidaar madow, oo naxariis la’aaneed lagu kala qoqobay halkaasoo qoysaskii kala golay hadba iyagoo naf la caari ah isku dayaan inay gidaarkaas ka boodboodaan, marna daloolshaan, marna qoomamo lehe intey gacan galaan si xun ugu guuldarreystaan.

Dalal iyo Bilan, waxay ku biireen qaxootiga tabaaleysan ee Hargeysa deggan, magaalo madaxda labaad ee Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliyeed. Cusmaan iyo Ibraahim muddo yar kadib waxaa loo gudbiyey dalkoodii hooyo iyo Eritariya, si ay uga qayb-qaataan dagaalka gobonnimodoonka ah ee ka socda.

Qeybta Sagaalaad

Markey xabsigii ku noqdeen Dalal iyo Warfaa, ayaa waxaa takooray oo ku kacay maxaabiistii kale, waxayna ku yiraahdeen markey u galeenba, “Uf! Uf! Aakhis! Waa labadii dulli oo waxa ragga ragi diideen yeelay, war ha nala soo gelina qudhinkiina waxyahow federoobay, oo dameerka u qalay Kuuba naas dheer. Haa! Haa!” Waa lagu wada qoslay.

Dalal iyo jaallihiis dheg uma dhigine, waxay isku dayeen iney is dhaafshaan, hase ahaatee caydii iyo qosolkii lagu qoslaayey ayaa dami waayey ayna u adkeysan waayeen, ilaa ay ugu dambeystii Dalal u muuqatay iney ka fiican tahay iney is daafacaan, meeshey ka aamusan yihiin. Wuxuu yiri, “Nimanyahow waxaydaan noogu qoslin baan idiin sheegayaa, horta ma ogtihiin iney gobannimadu tahay laba nooc, nooc waa ninka ku dagaallama meel looga awood roon yahay oo waa nooca loo yaqaan geesi raacsane, marna ma libeysto kaasi. Nooca kalena waa nooca loo yaqaan ishii qaate, ama xeeshii dirire, waana kan markuu ogaado inuu libeysanaayo dagaallama, marka laga awood roon yahayna waqtigeeda suga, waana kan had iyo jeer libeysta. Miyeydaan maqal gabaygii Raagse Ugaas ku yiri:

Sud-libaax leh meel bahal salkiyo, seymo la arkaayo
Sanqadh tirashadaa lagu maraa, laanta lama seydho.
Ninkii maalintaas kaa sitaa, oon laga sed qaadeynin
Sowd gibina baa lagu ceshaa, laguma soonyaansho.”

Nin ugu da’weyn inta meesha ku xiran oo la dhaho Magan Diirshe baa intuu istaagay Dalal gacan qaaday, oo yiri, “Nimanyahow anigu waan idinku fac weynahay dhammaantiin, waxaana furaa in Dalal nin rag ah yahay, maxaa yeelay sida uu murtida isugu daafacay ayaa tusaale qaayo leh ah oo uu run ka sheegay. Waxaadna ogaataan intii rag jirey iney dhibaatana jirtay, laakiinse raggii hore goortey dhibaato la soo kulanto sida Dalal sheegay murtidooda ayey la tashan jireen.”

Mid kale baa su’aaloo yiri, “Sidee ula tashan jireen?”

Wuxuuna ugu jawaabay, “Waxay is weydiin jireen maxaa raggii hore dhibaatada markaa heysata oo kale ka yiraahdeen, mar haddey gartaan waxay ku yiraahdeenna furihii sidey uga bixi lahaayeen waa heli jireen.”

Isagoo hadalkiisii sii wata, oo si fiican loo dhegeysanaayo buu wuxuu haddana yiri Magan, “Hadda iyo dan waxaan idiin leeyahay hadalka hadoofka ah inaga dhaafa oo nin walowba caawa ka feker sidaan u fikan lahayn, ama talo aynu seymaha kaga fikanno u heli lahayn.”

Hadalkii iyo cannaantii Magan feker hor leh ayey raggii ku kordhisay, ilaa ay gorrodda hoos u wada rogeen, oo dibinta qanniineen.

Aroortii markii waagii beryey oy barqo gaban tahay, ayaa xabsigii dhammaantood laga soo wada saaray, waxaana la ag geeyey dad kale oo iyana la soo ururshay, oo rag iyo dumar loo kala soocay, oo wixii rag ahaana iyaga lagu soo biiriyey, gaar ahaan dhallintii, dumarkiina wixii dhaban lahaa meel loo soocay, wixii da’ ahaana meel kale loo leexshay.

Dhallintii maxaabiista lagu soo biiriyey oo mid mid leysu garanaayey raggii xirraa, waxay ku warrameen, markii xabsiga lagu wada celiyey, oo la waraystay in inbadan oo maxaabiista ka mid ah hooyooyinkood iyo gabdho walaalahood ahi ku jiraan dumarka meesha leysugu keenay.

Dalalna mid xaaladdiisa ogaa wuxuu u sheegay inay Bilan ka mid tahay gabdhaha meesha la keenay loona leexshay rugtii Kuubaanka. Walibana wuxuu u sheegay in iyadu gaajo la liidato oo wiil sidata aan meyd waxba dhaamin Kuubaan dadka iska ugaarsadaa soo qabteen, kaddibna inankii ka tuureen.

Raggii dhammaantood urugo iyo ciil ayey calooshu la wada xanuuntay qaar waaba ilmeeyeen, ragna hub baaney heysane waxaa ku soo dhacday oy ku qarween, “Yaa is dila? Yaa is dooxdooxa? Yaa ifka ka dhuunta?”

Goorey sidaas u tiiraanyeysan yihiin, jawiguna xun yahay oon ninna nin la hadleyn, inkastoo dhaxani jirtey, isagoo wejiga dhidid qooyey ayaa Dalal is dhextaagay wuxuuna yiri, isagoo aar dhaawacan oo tamar waayey reenkiisa la moodaayo, “Nimanyahow sidii riyo roob helay maxaad gorroda u wada laalaadineysaan? Maad talo keentaan tanoo kale looma adkeysan karo e? Maxaa yeelay raggiina ha noqdo wax la laayo iyo wax Eritariya dagaal loogu diro oy sabab la’aan ugu dhammaadaan, dumarkiina ha noqdo wixii dhaban lahaa sooryo Kuubaan, wixii da’ ah iyo hooyooyinkeenna ha noqdaan adeegayaasha raashinka kariya, kaddibna yaa og askarta? Yaa saxariirkaas u adkeysan kara? Sow geeriyi ma dhaanto? Falalkaas dadnimada ka baxsan intee in le’eg baan u adkeysan karnaa?”

Mid raggii kale ka mid ah baa hadloo yiri, “Aniga hooyadey baa ku jirta, waa tii ugu fool xumeyd, oo nin rag ah ku dhici lahayd. Talo kale ma jirtee ninba ninka kale maradiisa ha ku ceejiyo.”

Mid saddexaad baa isna yiri, “Walaashey baa anigana ku jirta ciilow ba’ caloolxumo weynaa ee maxaa talo ah, maro isku ceejintu waa talo caalwaa e, talo cidhib leh keena.”

Dalal baa qaatoo yiri, “Nin walba halkii bugta isagey balbeshaaye, nin hooyadiis oohinteed maqlayoow kolleyba waa eedaadkaaye adigiyo urugadaa dheh, nin walaashiis ka ag barooraneysow ciishootaye adigiyo ciilka dheh! Anigana tiiraanyaday dheh, saa garabtaan jeclaa, baan ba’aydeeda haweeniyo baroorteed maqlayaa, magaceedu waa Bilan, qalbigey bishaa, oo ballan baanu lahayn, quruxdeedu waa sixir, waa tiro buuxda iyo laba, quruxdeedu waa dhif, biyo dahab la moodaa, jirkeedu waa xariir, anuun baa maleyn kara dabeecaddeedu waa yaab! Dun macaanka baw dheer… Wayeey ciil badanaa.”

In cabbaar ah intuu aammusay buu haddana Dalal yiri, “Ma caawaan Bilan Jaamac, baxsantii aan jeclaa, oo timaha baarka caddeyd, boholyowgeeda u dhuubtay, ba’aydeeda haweeniyo baroorteeda maqlayaa? Caku yaa i bireeya? Yaa bilaawe i siiya? Beerka aan is jaree, bilcaantaan u hiloobey, buruudkeeda cadceeddiyo, dayax buuxa ahaa, ma Kuubaan bahalooboo, beledkiisu fogaayoo, bado soo gudbay baa, caawa beylaha u heysta, oon ba’aydeeda haweeniyo baroorteeda maqlayaa, biidna aanan tareyn? Caku! Yaa i bireeya, yaa bilaawe i siiya beerka aan is jaree.”

Intey Dalal iyo raggii kale sidaas u caloolyoobayeen, oo hadba tabaallahooda la taahayeen, Cusmaan iyo Ibraahim waxay dhammeystirayeen qorshihii fikashada iyo siduu weerarku u dhacaayo. Hadba waxay doc ka rogaan markay u maleeyeen in nin waardiye ah mooyee la wada seexday, ayay laba askari oo waardiyaha la hayey mindiyo ku dileen, isla markiina banaadiikhdey ka furtean bay maxaabiistii siiyeen isagoo Cusmaan leh, “Dalal. Yaa Dalal. Aak, aak naxnu Eritariyan.” Halkaasey Dalal iyo raggiisii gacanta ku dhigeen banaadiikhdii iyo baastoolado loo soo fidiyay.

Ugu horreystiina waxay weerar ku hoggaamiyeen Cusmaan iyo Ibraahim oy Dalal iyo rag kale la socdaan gurigii Kuubaanka.

Iyadoo aan weli wax dareen ahi dhicin, waxay u dhacaan halkuu Raa’uul ku jiray, madaxii Kuubaanka. Raa’uul, oo ahaa Kuubaan aad u kibir badan oo wax naxariis ah lahayn, walibana ka heli jiray xasuuqidda iyo silcinta dadka aan itaalka lahayn oo u gacan gala, ciidanka Xabashidana xukunkiisa magalooti madaxi ha jiree, isagaa haystay.

Dalal iyo Cusmaan, waxay la kulmeen markey qolkuu Raa’uul ku jiray jebiyeen isagoo feedho qaawan oo intuu lugaha is dhaafsaday kursi ku fadhiya, oo gacanna galaas qaari ah ku heysta gacanna sigaarkii dheeraa ee dalkiisu caanka ku ahaa ku cabbaaya, oo sidii bahal raq arkay marna qoslaaya marna farxad la heesaaya. Waxaana hortiisa gidaar ah ku tiirsanayd Bilan Aw Jaamac, oo argagaxsan oo gariiraysa oo intuu malaha isku daygiisii u horreeyay dharkii ka jeex jeexay mindi daabka heysata, hase ahaatee diifi ka muuqato welise daafaceysaa nafteeda.

Dalal buntukhii ma haleeline, intuu ka hanfafay ayuu mar keliya ciil dartiis korka kaga dhacay Raa’uul oon beloba burka ka eegayn, barwaaqadaada iska nuug ma ahe talo kalena ku jirin. In cabbaar ah haddii leysla galgashay ayey Bilan intey gadaal kaga timid halkaas labada garab dhexdooda ah mindida kaga aastay oo tiri, markey si fiican labada gacmood daabkeedii ku gilgishay, “Adigaa darxumaas i baday! Kuuba naas dheer, gacantay ma go’do oo caawaan hooyaa.” Run ahaantii, been Bilan kuma ay sheegin malaheedaas, maxaa yeelay hawlaha dadka deegaankaas lagu xaaqaayoo dhan isagaa goobtaas uga madax ahaa, diyaaraddii cidahoodii tirtirtana naftiisaa duulinaayey, oo marmar buu caado u lahaa inuu hadba diyaarad kaxeysto, oo ku soo madadaasho beelaha meelaha yaalla oo bamam la dhaco.

Haddii haddaba Raa’uul doc u dhacay, bey haddana tiri, “Ayaan badaniyaa ma Dalal baa? Ilaahayow waa kugu mahad, ma Kuubaankii bahalka ahaa baan ka badbaaday?”

Nasiib wanaag, sidey Cusmaan iyo Ibraahim qorshihii u dhigeen ayuu u dhacay, oo markii xabbaddii u horreysay Kuubaankii ku dhacday rugteedii yeertay, xabbad kalaa xerada debedeeda ka billaabantay, markaasaa ciidankii sidii loogu tala galay jiho wareer ku dhacay, oo culeys saaray siduu debedda isaga daafici lahaa. Halkaasey iyagoo ka faa’iideysanaaya jiho wareerkaas ciidanka ku dhacay, Bilan iyo labo hablood oo kale, iyo dhallintii kale baabuur ay diyaarsadeen kula dhaceen. Khalkhalkaas dhacay aawadiisna waardiyihii baabuurkii ma joojine intey moodeen ciidan daafac debedeed u gurmanaaya, ayey irridkii u banneeyeen, halkaasoo ay xayiraad la’aan iyo si dhib yar debedda ugu baxeen.

Muddo yar kaddibna, maxaabiistii oo tiradoodu dhan tahay labaatan dhallinyaro, iyo saddex hablood oo Bilan ka mid tahay, iyo labadii reer Eritariya Cusmaan iyo Ibraahim ayaa waxay uriyeen neecawdii xornimo iyagoo baabuurkii ku qardo jeexaaya keymahii hawdka.

Waxay farxad la gudaanba, oo hadba qardo jeexaanba, goorey qiyaastii jareen soddon ilaa afartan kiilomitir, oo qosol iyo reynreyn lagu jiro ayaa baabuurkii shidaal beelay.

Halkaasay noqotay khasab in laga daadego oo si fiican loo gacan qaado Cusmaan iyo Ibraahim, isla markiibana dharkii askarinimada laga beddelo labadoodii si ay dadka degaanka ugu ekaadaan.

Qeybta Siddeedaad

Goortii dameerkii hilibkiisii la bisleeyey, qaarna ceyriin yihiin la soo dhigay oo Kuubaankii oo madow u badani soo fadhiisteen geedka hoostiisii, baa mid Diyas la yiraahdaa yiri, “Waan ka xumahay labadii dhallinyaro ee layska toogtay.”

Raa’uul oo madaxii kooxda ahaa baa yiri, “Sabab?”

Diyas baa ku noqdoo yiri, “Sababtoo ah dameer bey qali waayeen in loo dilo labo nin ilama fiicna, teeda kale miyeynaan damiir lahayn, oo ogeyn qaaraddaan aynu ku amar ku taagleyneyno, iney tahay tii awoowayaasheen qarniyo ka hor addoon ahaan looga iibsaday, waa tiiraanyo xaalladdaani.”

Raa’uul ayaa qaatoo yiri, “Iga daa kuwaasi doqon bey ahaayeene, kuwanina iyagaa dambiga iska leh, iney colloobaan, Kuubbase iyo meesha kaloo looga sii taliyo dan baa ugu jirta in gobolkan colaadi ka jirto. Haddii kale ma heleen barwaaqadaan raqeyno oo kuwa inoo soo ugaarayaan, kuwana inoo qalayaan, oo waliba ku toogtooganeyno sidaan doonno kuwaan yeelin. Iska aammusa saaxiibbayaal haddey nabadi dhacdo waxaa ina hurran hilibkii miilada ahaa ee Hafaana. Sidaas darteed, waa faa’iidadeenna ee halkaas ku daaya waxaan heysanaa khamro, cunto iyo weliba dad inoo shaqeynaaya madax iyo majo’ xaggee intaas ka heli lahayn? Kolleyba intaas dalkeennii ka helimayno.”

Diyas baa hadalkii ku noqdoo yiri, “Kolleyba anigu waa tiiraanyoodaa min maalintaan akhriyey sheekadii qoraagii weynaa Aleks Helay, ee Roots, khaas ahaan markaan arko dhacdooyin la mid ah kuwuu buuggiisa kaga sheekeeyey, oo raggeennaan halkan fadhiya awoowayaashoodii ku dhacay, kaddib markii awood looga qafaalay Afrika qarniyo ka hor.” Sheekadii oo raggii kale xiiso gelisay awgeed, buu halkii ka sii waday Diyas, isagoo leh “Kunta. Kuntee. Kunta. Kuntee. Garbahay xanuuna markaan xasuusto markii Kunta hoobalkii sheekadaas, jilbaha dhulka loo dhigay, oo mid ma naxe kireysan ahi, maddane kulul oo kuleyl la caddaaday dabka kala soo baxay, oo halkaas labada garab dhexdooda ah, xoog ugaga dhejiyey; qiiqii ka soo baxay dubkiisii huruushoobeyna kii wax suntaayey wax ka arki waayey. Taahuu aah aah yirina afkuu kala qaaday dib isugu keeni waayey labadiisii fuq, ilaa uu ciidda qaniinay.”

Mid raggii kale ka mid ah baa yiri, “Anigaaba jiriiricoodee muxuu ahaa Kunte? Maxayse yihiin dhacdooyinka taas la midka ah ood aragtay?”

Raa’uul baa yiri, “Intuu hadba buug soo fiirfiiriyo buu aqoonyahan beryahan Diyas-keen isaga dhigaa ee sidaas ma og tihiin?”

Isagoo Diyas kii hore u jawaabaya ayuu yiri, “Waxa laga yaabaa marka Kunta la suntaayey in adiga awoowgaagii lixaad, ama toddobaad laga hor suntay, oo uu ciidda afka ku hayey, amaba summad suge ahaa, wadnuhu markaas gargariiraayo. Dhacdooyinka taas la midka ahina, waa kuwa halkan ka dhaca oo innagu ridno, oo aynnu ku hayno dadkan reer guuraaga ah, oo qaar ku dilo sabab la’aan, sida maantadan dhacday, qaar ku xirxirno, sida dhallinta aan maalin walba soo qaqabanno, qaarna dalkooda ka rareyno oo qaxooti iyo cayr ka dhigayno, qaarna Raa’uul diyaaradaha ku leynaayo. Miyaaney dhacdooyinkaasoo dhammi jirin. Dadkanse aan leyneyno oo innagu nahay aaladdii lagu muquuninaayey, muxuu yahay danbigey galeen? Ma xornimaan rabnaa bey denbi ku galeen? Maxaase keenay si loo cadaadiyo Soomaali-Galbeed in ciidamo uga yimaadaan Kuuba, Afrikada Waqooyi, kuwana uga soo gudbaan Badda Cas? Waa markii iigu horeysay oon arko nin madow oo nin madow addoonsanaaya. Yaab badannaa!”

Iyadoo aad moodid in Raa’uul iyo Diyas laysu dhegeysanayo, ayaa Raa’uul qaatoo yiri, “Annagu waajib baan fulineynaa, kuwani xornimo helimaayaan ee qoortaa lagaga joogi cid loo adeegsadaba weligood.”

Diyas baa qaatoo yiri, “Waad qaldan tahay, maxaa yeelay, sow ma ogid awoowayaasheen iney ku qaadatay dhowr qarni iney silsiladihii addoonsiga iska furaan, kuwaanna la arkee iney in ka yar ku qaadato, mar haddii dareen xornimo ku abuurantay, dalkeenna uun baa taariikh madow ku yeeshay geeska Afrika, ogow saddax fac ka hor, qaaraddaan ka nimid addoon la leeyahay baan ku ahayn.”

Raa’uul baa qaatoo yiri, “Hooyadaa u sheeg, ra’yigaasna waad ka shalleyn doontaa.”

Halkaasaa Diyas intuu xabbad sigaar ah oo u shidneyd demiyey istaagay oo yiri, “Aniga damiirkeygaan ii oggoleyn inaan wax ka cuno hilib dameer oo laba nin oo diiday iney qalaan Raa’uul u toogtay.” Dabadeedna waa iska dhaqaaqay intuu koofiyaddiisa qaatay.

Raa’uul ayaa hadal ka dabatuuroo yiri, “Jaallaheen weynaan ogeyne ururrada xuquuqda bani’aadanka ilaaliya ayuu xubin malaha ka yahay, hab askari ma aha.”

Markuu Diyas iska tegey baa mid kale oo aan hore u hadlin yiri, “Ra’yiga Raa’uul qabo baan qabaa, oo innaga waa inoo dan inaaney is afgarasho ka dhex dhicin Xarunta Ubaxa, oo ubaxeedu sidaad u aragteen quruxdiisu indho sarcaad kugu rideyso, iyo xarunta kalee Luulkii Badweynta Hindiya loogu magac daray, oo sideyda hore nin u tagay baa maleyn karee, waa hibo Ilaahe caanka ku ah canbarka iyo cuudka udgoon.”

Raa’uul baa markaas madaxii dameerka intuu labada dhegood qabtay, oo kor u qaaday yiri, “Fifaa la Hafaana!” Halkaasey intii kalena, “Fifaa la Hafaana! Fifaa la Hafaana!” tiri oo shafka la dhigay hilibkii oo caydhiin iyo biseylba isugu jira.

Goor min dhowr jeer hilibkii la cancantuugey, baa raggii aammusnaa mid kale hadloo yiri, “Anigu waa aammusnaa oo wax baan dhegeysanaayey, run haddaan ku hadlo arrimuhuu Diyas sheegay wax baa ka jira, oo dadkeenna reer Kuuba in badan baa qabta iney khalad tahay ineynu ka qaybqaadanno dad la cadaadinaayo cadaadiskooda, waase iska aamusan yihiin.”

Raa’uul baa afka kaga booday oo yiri, “Aamus! Dooddaasi waa xiran tahay, hadda wixii ka dambeeyana ninkii ka soo horjeesta waajibaadka layna faray waa dambi weyn, ee nin dib uga hadlaa ayaanu jirin, Diyas waa eedi doonaaye.”

Raa’uul kama been sheegin, in Diyas eedaayo damiirkiisa iyo ra’yiguu qabo oo aanu qarsaneynin, saa maxaa yeelay muddo yar kaddib Hafaana ayaa laga sheegay isagoo suuqyadeeda lafalafeysanaaya, nasiibse wuxuu ku lahaa damiirkiisa loomana dilin loomana xirin.

Qeybta Toddobaad

Bacdamaa Xabashida dagaallo gobannimadoon ahi gobollo badan kaga socdeen, sida Soomaali Galbeed, Eritariya iyo Tigree, waxay habeysay siyaasad ah iney dhallinta gobolladaas intey khasab ku ururiso ka dagaal geliso gobolkey u dhasheen ma ahe gobol kale, khaas ahaan kuwa kala durugsan.

Halkaasna markay tagaan dal aanay garaneyn dadkiisa iyo deegaankiisa ugu dhintaan ujeeddo la’aan, iyagoo xabbad gadaal lagaga hayo, horena ay kaga imaaneyso tii gobannimadoonka laga horkeenay, amaba sida askari Cusmaan u fahmay si dadban u daafacaaya isla cadowguu kula dagaallamay dalkiisa.

Sidaaa darteed, askari Cusmaan waxuu gartay Dalalkey gabartu sheegeysay, inuu ka mid yahay dhallinta ayaamahan danbe miyiga laga soo ururiyey, oo ciidankuu ka tirsan yahay u xirxiran, Eritariyana loo diyaar-gareynaayo iney ka dagaal galaan.

Cusmaan markuu waaridiyihii ka degay aroortii, waxuu doontay askari kale oo reer Eritariya ah, oo ay saaxiib ahaayeen lana yiraahdo Ibraahim Cawed. Waxuuna uga warramay waxuu habeenkii la kulmay oo dhan.

Ibraahim isagoo aan rumeysan sheekada, waxuu ku yiri, “Nacas baad tahay, ma waxaad i leedahay xaloo dhan ayaa gabar ila joogtay, oo aanan la dheelin? Hilibka ninkii cuni lahaa lama siin, walle anigu waa jajabsan lahaa, baahida dumar ii heysa.”

Wuxuu ugu jawaabey, “Iska daa hunguriyeyne, markaan arkey diifta iyo dacdarrada heysay, ayaanba ooyey. Teeda kale waxaa ley horkeenay siday ku dhacday mooyee, hooyadey iyo gabdhihii walaalahey ahaa iney darxumadaasoo kale ku nool yihiin, weliba waxay iila ekaatay oo layga dhigay gabar walaashay ah oo la yiraahdo Sannuuba oo maalintii ley soo qafaalay oo dhan iga daba ooyeysay. Wax kala ma aha, waa dhacdo wax laygu tusaaleynaayey!”

Isagoo Cusmaan sii wata, wuxuu yiri, “Gabartii waxaan siiyey buskudkeygii iyo xitaa kabaheygii oo aan u siibey, waxayna dhowr jeer igu tiri, markey baxeysay, ‘Dalal maxbuus,
Dalal maxbuus raadi… Raadi.’”

“Maxaad u garatay ‘Dalal maxbuus’?”

“Waxaan u gartay in cid magacaas la yiraahdo ka xiran tahay ee aan isku dayno inaan ka hello maxaabiista oo fikinno.”

“Nacas intaan naf kale fikin lahaa baan teyda fikiyo,” ayuu ugu jawaabay Ibraahim.

“Taasuba waa talo, laakiin hadda haddaad fikatid xaggeed gaari kareysaa? Illeyn dad iyo dal toonna ma kala taqaanide, waliba dharka Xabashiyeed ood sidatid iska daa e ciiddaan ku badbaadineyn.”

Iyagoo hadalku halkaas u maraayo, ayaa waxa soo agmaray sarkaal Kuubaan ah iyo sarkaal Xabashi ah oo la socda, waxaana Kuubaankii ku yiri sarkaalkii Xabashiga ahaa, “Ha u oggolaanin askarta iney wada hadlaan ama iska wada sheekeystaan, mashquul ka dhig, kana kici labadaan meeshan, hana la khasiro.”

Sarkaalkii Xabashiga ahaa baa isagoo aan raalli ka ahayn amarkaas Kuubaanku siiyey, buu Cusmaan iyo Ibraahim ku yiri, “Saacad kaddib xafiiska ha leydin keeno, dembi ayaad ku jirtaane, madaxdiina sidaas u sheega.”

Labadii askari iyagoo amarkii racaaya ayey meeshii ka dhaqaaqeen. Haddeyse in yar meeshii ka socdeen ayuu Cusmaan yiri, “Ibraahinow anoo Xabashida ku neceb waxay Eriteriya ka waddo baan sii ciishoodaa markaan arko Kuubaan dalkii iska maamulanaya oo mararka qaarkood marwooyinkooda iyo hablahooda kufsadaan iyagoo u jeeda, runtu waxay tahay kuwa ina heysta iyana waa la haystaa.”

Ibraahim baa qaatoo yiri, “Waxaan garan la’ahayn labo sano ka hor Kuubba waxay taageeri jirtay shacbiga iyo xornimada Soomaali-Galbeedda aan joogno iyo reer Eritariya, waxaan xasuusanahay aabbahay oo tababar Haafaana u tagey, rnaxaa isbeddelay labada meeloodba? Ma garan taariikhda baase sheegi!”

Saacad kaddib, markii labadoodii la hor geeyey sarkaalkii wuxuu ku khasiray in loo beddelo labadoodii ilaalinta maxaabista.

Cusmaan habeenkaas oo aanu lahayn wax hawl ah, waxuu doontay Ibraahim oo markaas waardiye ka soo degay waxuuna ku yiri, “Waxaan maantoo dhan ku fekeraayey, su’aashaadii ahayd fikashada, goortaan si walba uga fekereyna waxay iigu muuqatay haddaan maxaabiista fikinno, iyagaa dad iyo dal aqoon inoo noqon doona, ma i af garatay Ibraahim?”

“Waa runtaa, dhallintaan maalmahan soo ururineynay haddaan la fikanno labo faa’iido ayaa ku jirta. Ta hore iyagaa dalkooda iyo dadkooda inaga badbaadin karaaya, tan labaad waa cudud aan ka baajineyno inaaney Xabashidu kaga faa’iideysan Eriteriya, ee aan arrintaas qorshaheeda dhigno, waa fekrad fiicane.” Isla markey xabsigii ka hawl galeen, waxay qorshahoodii ka bilaabeen tirin maxaabiista iyo inta hubka ku dagaal geli karta, waxay kaloo Cusmaan iyo Ibraahim isku xireen askartii kalee reer Eritariya oo midkooda ahaa waardiyaha Kuubaanka ninka madaxda u ah.

Intey Cusmaan iyo Ibraahim hawlaha fikadka qorsheynayeen, Dalal waxuu beerka u jiifay meel u dhow isaga iyo rag kaloo dhawaan la soo qabtay, waana ugu ladnaayeen maxaabiista.

Qaarkooda inta badan la hayey waxay keliya oo iney nool yihiin isku garanayeen damqashada kaga timaadda qaniinyada injirta, oy cunaayeen gaajo darteed, hadba tii dhiiggooda ku naaxday, oy markaas cidiyahooda ku qaban karayaan.

Aroor labaaddii markii waagu beryey, ayaa inta dhowr dhallinyaro ah laga soo saaray xabsigii lagu guray baabuur xaabo ciidanka u soo guraaya. In cabbaar ah haddii xarunta laga socday, baa meel duur ah baabuurkii la joojiyey, oo inta koox koox loo qaybshay, kooxba jiho loo diray iney xaabada ka soo ururshaan, iyadoo koox walba labo askari hareeraha ka ilaalineyso.

Layaab lehe! Gooruu Dalal hadba dogob liiliijinaayo ayuu gadaashiisa ka maqlay cod leh, “Dalal, Dalal, Dalal. Dalal, Bilan, Bilan, Bilan.”

Intuu naxay buu is yiri, Malaha xagga samada ayaa lagaala hadlay. Samada ayuu eegay intuu bisinka qabsaday.

Maqli waase wax danbe. Haddana gooruu iskaba halmaamay ayuu sidii hore waxuu maqlay, “Dalal. Dalal.” Markan waxuu is yiri, Waxba ma jiraane, malaha wahanka ku haya ayaad adigu isu dhawaaqeysaa, oo dhegahaaga ayaa ku khayaameynaaya. Marna shaki baaba galayoo waxuu is yiri, Talow ma malaa’ig baa ku wacaysa, maxaase Bilan laguu xusuusinayaa oo looga dan leeyahay? Fikrado badan ayaa ku soo dhacay. Aakhirkiise waxuu tuhmay, labada askari midkood u dhowaa inuu magacaabay, kaasoo ahaa Cusmaan, oo ku xaqiiqsaday markuu magacowgiisii ku jalleecay inuu Dalal yahay.

Dalal isagoo jiho wareersan ayuu baabuurkii wax ka fuulay, wuxuna arkay markii baabuurkii la dhaqaajiyey, isla askarigii iyo mid kale oo indhaha ku haya, marmarna is tusaaya, wuxuuna isku dayey inuu wejigooda akhriyo, hase ahaatee, in kastaano cadownimo ku arag, haddana waxba waa ka maleyn waayey, cabsi baase gashey waxay u danleeyihiin. Warfaa, oo isla maalin la soo wada qabtay oo agfadhiyey buu intuu xusulka ku gujiyey ku yiri, “Bes aniga waa ii dhammaatay nololi.”

“Maxaad aragtay?” buu Warfaa weydiiyey.

Wuxuu ku jawaabay, “Ilaa maanta waxaa i daba joogay ilaa haddana indhaha iga qaadi la’ askarta labo ka mid ah, marmarna indhaha igu gubaaya.”

“Iska calool adayg,” ayuu ugu jawaabay.

Intey sii socdeen ayaa roob shuux ahi jidka ku helay, oo xaabadii iyo raggii isku qooyeen, haddiise xaruntii la tegay, oo xaabadii la dejiyey ayaa maxaabiistii labo laga soo soocay loona leexshay geed aan ka fogeyn xabsiga, oy fadhiyeen dhowr nin oo Kuubaan ahi, waxaa isla geedka hoos jiifay neef dameer ah oo xirxiran, Kuubaankii mid ka mid ayaa dameerkii xabbad ku dhiftay. Labadii dhallinta laga soo saaray, oo kala ahaa Cali Dalmar oo Dalal beretan kula jiray xagga Bilan iyo mid kale, baa waxaa loo dhiibay labo mindiyood si ay dameerka ugu qalaan Kuubaanka.

Cali isagoo iska ilaalinaaya inaan wax iin iyo ceeb ah Dalal ka helin ayuu ugu horreystiiba diidey inuu mindidii qabto, kii kalena waa ku dayday oo isna waa diidey.

Halkaasaa madaxii Kuubaanka rasaas ku furay, isla goobtii ayuu Cali ku dhintay, kii kalena dhaawac ahaan looga qaaday. Dalal iyo mid kalaa la soo saaray, oo lagu yiri, “Qala dameerka.” Khasab beyna ku noqotay markey arkeen waxa kuwii hore ku dhacay iney neefkii qalaan oo ay cad cad u googooyaan.

Qeybta Lixaad

Halkaasey iyadoo cirka daruur yar shuuxeysaa isku soo jiqsiiyey, oo dabeyl qaboobi hareeraha ka dhaceyso, Bilan oo ari raacato ahi, oo arigii ka fara maran, himiladeedii jaceylkeeda iyo rajadey nolosha ka qabtayna habeen uga dumay, ka orrodday goobtii, iyadoo tabaallaha gobolka qeybteedii xambaarsan. Waxay oroddaba, ama gucleysaba waxay gaartay rugtii ay reerka ku ogeyd. Sidey maleyneysay, wixii horeba waaba waxba e, waxay isa soo dul taagtay goobtii rugtu ahayd oo godod iyo boholo ma ahe waxa kale ka muuqan, kaddib markey diyaaridihii ay guuxooda maqleysay bambooyin iyo rasaas danbaska kaga dhigeen.

Ma ay rumeysane hadba doc ayey u jeensatay, mar waa kacaa joogsataa, mar waa kadaloobsataa, mar madaxey gacmaha saarataa, si ay uga indho qarsato hoogga iyo ba’a meesha yaal.

Aakhirkiise, waxay aragtay iney lagama maarmaan tahay iney intaan gabbalku dhicin hilibka filiqsan god isugu geyso oo ku awdo. Markaasey hadba xubin ay ku dhalaalootay qaadday oo meel god ah isugu geysay. Mar walba oy cad qaaddona waxay fiirineysay iney kala garato xubnaha hilbaha meesha filiqsanaa dadkey ka kooban yihiin, oo meesha ku hoobtay. Waxaana malaheedu siiyey middey gacantiisa garato iyo midey lugtiisa maleyso iney meesha ku dhinteen aabbaheed iyo walaasheed ka weyn, oo siddeed bilood ka hor la aroosey iyo walaalkeedii weynaa iyo ayeydeed iyo dumaashigeed, waxayna xubiney ku tilmaansato ka weydey hooyadeed iyo walaalkeed Haybe, oo u yaraa reerka.

Marey is leedahay waad dhammeysay hilibka filiqsanaa ayey heshay cad yar, oo tantoomo ka yar weyn, oo aad uga duwan hilibkii kale, meel ay jidhka dadka uga maleyso ayey kasi weyday, waayo gacan ma ahayn, lug ma ahayn, madax ma ahayn, calool ma ahayn oo dhabar ma ahayn.

Haddana waa yaabka yaabkiise markey u sii fiirsatay cadku ha yaraadee inta qof jidhkiisu ka kooban yahay ayuu ka koobnaa. Waxa uun dirqi u muuqanayey meel markaas abuur ku jira sida sanka, afka, madaxuse wax timo ah ma lahayn, sansaanta abuurkiisuna lab ayuu u ekaa. Intey ku foorarsatay ayey sidii uu wax nugul yahay qun yar kor labada gacmood ugaga qaadday dhulkii. Waxay yaabtay oo garan weyday wuxuu yahay, oo marba doc u rogtay hadbana jiho ula jeecsatay.

Waxay naxday naxdin aaney hore u nixin oo intey jilbaha dhulka dhigatay ayey hilibkii kale meel kulama ridine, geed maras ah hoostii dhulka u kala xaartay, oo ciid ku awday, iyadoo cod urugo ku leh, “Raxmaan baa roonaadee, ha ahaado geedkani mid nuurkii naftaadiyo marba ileyskaa ka soo baxo.”

Goorey yaabban tahay, jawiguna dhadhamaayo hoog iyo ba’ iyo jawi geeriyaad, qorraxdii ay keligeed weheshaneysana u muuqatay inay sii dhacayso, habeenkiina gudcurkiisii iyo waxuu cabsi lahaa isla soo madoobeeyey, oy isleedahay meesha iskaga tag, ayey waxay heshay kitaabkii Quraanka ahaa ee aabbaheed. Intey qaadday oo boorkii ka tuntay, ayey aayaddaan kaga soo baxday baalashay kala bixisay akhriday, oo tiri, “Kuwa markuu dhib ku dhoco yidhaahda Eebbaa na leh isagaana u noqonaynaa.”*

Waxayna dareentay markay aayaddaas akhrisatay, labo saddex jeerna intey kitaabkii laabta saartay dhunkatay, in isla markiiba cabsidii ka yaraatay, yididiilo hor lihina gashay.

Waxayna goobtii uga dhaqaaqday haddii gabbalkii dhacay xagga Waqooyi, si aaney habardugaaggu ugu soo weerarin goobta raqda. In yar haddey goobtii ka socotay bey waxay heshay waa qoys halaagmaye, wiilkii reerka u yaraa ee walaalkeed ahaa, Haybe oo lug ka dhaawac ah oo dhiig baxay, hase ahaatee, ha taag darraadee weli nool. Marey lugtii uga xirtay mana fogaane waxay la gashay geed jiq ah hoostiis.

Cirka daruurtu waa ku soo kordhay, wuxuuna u muuqday sidii mid da’i doona, Bilanse intii fiidkii hora ahayd daalkii iyo diiftii heysay ayey la gataati dhacday, oo waxba jawiga iyo galow ciyaayey kama ogeyn, Haddiise habeenkii saddex dallooloo dalool tegay, ayaa la horkeenay dhacdooyinkii maanta, waxayna ku soo toostay gurxan iyo reen habardugaag oo aan kala go’ lahayn, oo goobtii raqdu ahayd ka yeeraaya, iyo wiilkii yaraa oo ku ooyaaya oo leh, “Hooyo meedey caano ha i siisee? Aabbe mee ha i qaadee? Walaaley gaajaa i heysa e.”

Intey dhabta soo gelisay inankii, bey sidii ay la faqeyso dhegta afka u saartay oo iyadoo baroor iyo calaacal isku dareysa ku tiri, “Haybe walaalow, illeyn daa’imaad tahaye, dhallaan garaad la’ baad tahaye, xaggee aabba iyo hooye joogaan, sow kuwaas raqdoodii bahaluhu ku loollami. Wahay halaaggii adduunyada, waxuu heero leeyahay, hoog iyo ba’iisii, hohey leyna huwiyey, ma habaar Raxmaan baa?”

Iyadoo ilmadeedii inanka madaxiisii qoysay gacanta kaga tirtireysa oo madaxa u yare salaaxeysa, si ay u sasabto ayuu haddana yiri, “Walaal biyo i sii. Walaal habaryari meeday? Hooyo iyo ayeeyo meeye?”

Intey ilmadii indhaha ka dareereysay afka u marmarisay si harraad bax ha joogee, afka ugu qoyso ayey tiri, “Caku! Habeenku dheeraa, dheeraa dhib badanaa, harraad biyo la’aan iyo hiirtaanyo badanaa, xaggee biyo ka keenaa?” Intey yare aammustay, haddana tiri, “Waxaan hodonka yaasiin, Haybow ka yu’anaa, inuu hoobaalkii Dalal, haasaawaha macaanaa, naftaa ku himbilayootee, halaakada ka dhowraa.”

Inankii baa yiri, “Walaal dhanaanaa biyahaad afka iimarisay.”

“Haahey walaal, lama yaabbani, oo biyo ma aha e waa ilmo urugeed, waana dhanaan tahay.”

Waxay habeenkii oo dhan gelinkiisii dambe calaacal iyo boohin iyo cabsi ku abaaddey, waagii hadduu beryey ayey intey wiilkii xambaarsatay xagga cadceed ka soo bax ula dhaqaaqday. Bacdamaase aanay raqdii hooyadeed weli arag wax u xaqiijinaaya, tuhun baa galay iney dhaawac noqotay, amaba nooshahay. Waxay markaas goosatay iney goobto raqdeedii si ay u samirto. Sida keliya oy ku raadin kareysaana ay tahay haddey intey dhaawacantay meel kale dhaawacii ugu dhimatay, iney arki doonto meesha haadku ku hindiwaasaayo, haddey nooshahayna maruun is heli doonaan.

Waxay socotaba oo marba jiho fiiriso, goorey duhur tahay oo gaajo iyo baahi la liidato, wiilkii yaraana indhuhu jillaadmeen oo aad moodeysid iney qaarka dambe ka soo baxday, ayey meel in cabbaar ah u jirta ku aragtay haad badan oo dul heehaabaaya, shaki la’aan iney goobta raqdeedii tahay ayey la ahaatay. In yar kaddib markay u soo dhowaatay goobtii waxay aragtay dawaco iyo gorgor noociisa aan kii shalay laga aqoon oo marba mid la baacsanaayo. Marka dawacadu gorgorka baacsanayso ma duuli karo e intuu in masaafo ah hagagaf yiraahdo ayuu dirqi ku duulaayey. Markuu samada ka soo degenaayona intuu isa soo kankoorsho oo baalasha soo kala bixiyo ku dharbaaxaayey baalasha dawacada, goortuu ka eryoodona si deg deg ah wax u hiigaayey ilaa dawacaduna ku soo rogaal celineyso oo iyana markay markeeda ka eryooto wax dudubineysa.

Markaan itaal dari awgeed wax hubsi ma ahe itaal mahayn ay raqda ku ururiso amaba ku aasto sidii kuwii hore.

Sidaas darteed, dawacadii iyo gorgorkiiba markay eriday ayey isa soo dul taagtay, inkastoo ay raqdu lafo soogan ahayd, haddana markey dharkii filiqsanaa aragtay, waxaa u caddaatay raqda meesha taal iney tahay tii hooyadeed.

Wax kale ma sameyne intey inankii xambaaradii ka furtay oo is agdhigtay ayey isku dul tuurtay raqdii oo intey oyday hadba lafihii iyo feerihii soognaa taataabatay, goorey ooyeyso oo hadba laf diiran taabaneyso bey waxay aragtay gorgorkii oo intuu baalashii soo kala bixiyey xaggeedii u soo rooraaya oo ‘cacaw… caaw caaw’ leh, ciilkey u qabtay ayey iyadoo ku haliileysa tiri, “Naga tag aabbaad cuntay, hooyaad cuntay, waxba miyaadan reebeyn?” Goortuu arkay iney dhagax u soo sidato ayuu dib isu rogey. Iyana kama harine cagtey cagta u saartay markey aragtay gaabiskiisa, maxaa yeelay, sidii diyaaradaha xamuulka ee waaweyn ayuu weynaan iyo dhereg la duuli kari waayey ilaa uu in doora orday oo gaari xawli uu kor isugu qaadi karo.

Markan Bilan wax kale fekradeeda kuma soo dhicine, lafahaaga la baxso ayaa u muuqatay. Halkaasey intey kitaabkii qoorta suratay cagta dhaqaajisay. Waxay eegtay samada, mise gorgorkii oo haad oo dhammi gelbinayaan siduu boqorkoodii yahay ayaa dul heehaabaaya siduu iyadana ilaashanaayo.

Waxay maalintii marba luuddo, marna nasato, marna kor iyo gorgorkii iska ilaaliso, goorey yaabban tahay oy casar liiq tahay ayey sawaxan ka maqashay horteeda.

Rajo intey gashay ayey tallaabadii kordhisay, hase ahaatee intaaney gaarin ayaa gabbalkii dhacay. Qiyaastii saacad kaddib bey waxay maqashay hadallo aan caadi ahayn, waxay u fahamtay ayaandarideeda iney soo dhexgashay ciidankii Xabashida iyo Kuubbaanka saldhiggoodii, labo dhagax dhexdood ayey gashay oo shafka dhulka u dhigtay.

Haddey qaddar saacad ah meeshii ku jirtay, baa waxaa in yar u soo jirsaday askari gaafameer ah oo buntukh sita. Intey naxdin la jiriricootay ayey isla hadashay oo tiri, Maya, maya, ma rumeysan karo saldhiggii Xabashida iyo Kuubbaanka ayaad adoo cidihii keligaa ka badbaaday afka uga soo gashay. Waxay ku celisay, Ayaandarriyaa, maxaa leyla maagay?

Waxay is diidsiiso halistay ku jirto, intii hore, ugu dambeystii xaqiiqsatay iney debinkii cadowga gashay, waxayna uurkeeda iska tiri, Alla baa dhulku ila go’.

Intey sidaas ku caloolyoobeysay, baa askarigii hareeraha ka dhaafdhaafayey ku soo dul fadhiistay labadii dhagax oy hoos gashay. Bes beyba ka noqotay, oo sidii wax mar hore naftii ka baxday naxdin darteed ayaa xubin dhaqaaqda la waayey. Waxay isku dayday si ay u sii qarsoonaato iney neefta isku celiso, hase ahaatee rugrugtii wadnaheeda ka yeereysa ayaaba ka yaabshay, sanqadh kasta oy maqashana ha ahaato canbuudha fooryeysa, ama ha ahaato laamaha dabeysha foore isku xoqeysa cabsideeda ayey kordhinaayeen.

Askarigii dul fadhiistay dhagaxay hoos gashay ayaa wuxuu jeebka kala soo baxay buskud iyo cunto kaloo qallalan.

Raamsigiisii markey maqashay ayaa gaajadii haysay ka xoog roonaatay cabsideedii, waxayna sii jeclaysatay inuu iska dul fadhiyo, kaddib markey mar iyo labo jeer jajab dhulka uga soo dhacay ay abaabtay. Aakhirkii ayaa mar xabbad dhan oo buskud ahi ka soo dhacday, halkaasoo markuu is yiri soo qaado uu dareemay qofka meesha ku jira. Intuu ku naxay ayuu bitijoor ku qabtay oo iskaga baqdin riday rasaas. Nasiib wanaag doc ayey ka martay, waxayna cod debecsan oo dumar ku tiri, “War ii naxariiso!” Askarigii goortuu qof dumar ah u gartay ayuu intuu doc uga joogsaday hub ka baaray.

Askari kale oo ku dhowaa oo rasaasta maqlay ayaa ku yiri, “Ma gobannimadoon baa?”

“Maya, dhurwaa buu ahaa, oo cararaayey,” buu ugu jawaabay, dabadeedna waa uu sii ifiyey, waxuuna u arkay iney tahay gabar qurxoon, hase ahaatee wajigeeda iyo guud ahaanba darxumo ka muuqato. Waxuu kaloo arkay inay inan yar oo liita xambaarsan tahay, qoortana uga laadlaado kitaab Quraan ahi.

Bilan mar haddii la qabtay, talo kale ma leh inaad dhimato mooyee ayey isku qancisay, kolleyba dhimataye haddey isku qancisay ayey iyadoo gargariireysa buraashaddii faraha ugu fiiqday oo tiri, “I waraabi.” Ayaankeeda askarigu waxuu ahaa mid naxariis badan oo waxuu fali lahaaba askari naag dagan ma daayee, inta naxariis u gashay ayuu buraashaddii u dhiibay, waxay ugu horreystii afka u saartay inankii, markay biyihii laasatayna waxuu siiyey hal xidhmo oo buskud ah.

Askariga oo magaciisa la yiraahdo Cusmaan Saalax, oo u dhashay Eritariya, markuu sii fiiriyaba Bilan waxay ula ekaatay gabar ay walaalo yihiin oo Sannuuba la yiraahdo, oo maalintii askarinimada loo soo qafaalaayey ka soo daba oyday. Waxuuna intey biyihii cabbaysey ka fekeraayey sababta meesha keentay, ayna u dhex timid meel aan looga naxayn, iney tahay mid culus oo dani badday.

Cusmaan fekerkiisii intaas keliya kuma ekeyne, waxaa si dhab ah oo damqasho leh loo horkeenay, in hooyadiis iyo gabdhihii walaalihiis ahaa, khaas ahaan Sannuuba oo uu qoyskooda u jeclaa, ama guud ahaanba shacbiga reer Eritariya ay silicaas iyo ka sii daran ku sugnaan karaan, isla caawadaan. Hadduu sii fekeraba tiiraanyo ayaa ku sii kordheysay, ilaa uu waxuu buskud heystay siiyey, shayaadiisiina u bixiyey si ay roob bilaabmay uga dugsato. Wuxuuna ku yiri, intuu faraha kula hadlay iney meesheeda seexato, ilaa waagu ugu beryaayo.

Run ahaantii, sida aalaaba dhacda dadka isku duruufta ahi inkastaanay is afgaraneyn haddana eegmada iyo dareenkooda dadnimo ayey isku fahmaan. Sidaas darteed, Bilan iyo Cusmaan si dhab ah ayey isu wajiyo iyo uur akhristeen.

Aroortii intaan qorraxdu soo bixin ayuu yiri, “Roox min hunaa,” intuu faraha kala hadlay.

Iyadoo u qaadan weyday raxmaddiisa iyo siduu u dhowraayo ayey tiri, “Ma Xabashi baa tahay mise Kuubbaan?”

Intuu fahmay oo qoslay buu madaxa ruxay oo yiri, “Anaa Eriteriyan.”

Hadduu sidaas yiri, bey intey naxdin goysay tiri, “Miyaanan garan.” Waxay kaloo weydiisay, “Dalal ma idiin maxbuus baa?” intey gacmaha isi saartay sidey isku xiran yihiin. Mar labaad bey haddana ku celisayoo tiri, “Dalal maxbuus?”

Cusmaan su’aasheedii ma wada garane waxuuse ka gartay Dalal maxbuus, halkaasoo uu ka cabbiray in cid magacaas la yiraahdo ka xiran tahay. Magacii ayuu xafiday. Dalalna waqtigaas waxuu ku xirnaa isagiyo dhallinyaro kale oo fara badan meelaan ka fogeyn.

Waxuuna ku yiri, intuu faraha kala hadlay, “Ismak? Ismak?” Nasiib darro wey af garan weyday, aakhirkii buu yiri, “Anaa Cusmaan Saalax.”

Markaasay intey ujeeddadiisa maleysay ku tiri, “Anaa Bilan Aw Jaamac.”

Goortaasuu buraashaddiisii oo uu biyo uga soo buuxiyey qoorta u suray, oo ku yiri, “Meeshii min hunaa yaa Bilan.”

Iyadoo waxay ugu jawaabto aan garaneyn, hase ahaatee wajigeeda laga garanayo mahad iyo abaalqab weyn inay u heyso, ayey intey gacanta u fidisay salaantay oo ku tiri, “Noolow Eritariya. Salaama e maxbuus Dalal raadi,” oo cagtay ka waday.

Cidliyi cabsidey leedahay ka sokow harraadka iyo gaajada haysay ayaan hadba hugunkii dhegaheeda ka baxaayey looga dhigaayey sawaxan samada uga yeeraaya, marmarna harkeeda oy wehelkeeda keliya u arkeysay ayaa hadba bahal barbar socda looga dhigaayey, markaasay intay bisinka qabsato oo inanka yar dhabarka gosha uga soo wareejiso orod guclaysaa, mar marna intey meel rabad ah ku cagaagtay cagihii qaadi kari weydaa, oo hadba maro ku duubtaa, marba labada cagood tii darraata.

Waxay ceeriin ku quudatay markay wax kale weyday miraha yicibta quudka fiican ah, qaarna dacalka sahay ahaan ugu xiratay, marar waxay heshay murcanyo iyo dhafaruur bislaaday oy inanka qawlada kaga dhacaaminaysay markuu afkii kala qaadi kari waayey.

                              
*Suuradda al-Baqarah 156

Qeybta Shanaad

Habeenkaas oo Jimce ahayd, Sheekh Aw Jaamac, Bilan aabbaheed sidii loo dardaarwirayey ayaa waxaa waagu ugu beryey siduu u cibaadeysanaayey, oo marna Quraan u akhriyeeyey, marna u tukanaayey. Waagii markuu beryey oy arigii dareerisay ayuu Bilan u yeeray, waxuuna ku yiri, “Weli miyaad uur xun tahay dilkii lagu dilay?”

Waxay tiri, “Maya aabbe iska illaabey.”

Waxuu ku yiri, “Ha ciil qabin waa kuu duceynayaa in Ilaahay meel roon ku mariyo, rug wanaagsanna ku dejiyo, arigana qoomaal baa jirtee u feejignow.”

Inkastoo Bilan raalligareysay ducadii aabbaheed, haddana waxay is tiri, Ma fekerkaagii aad ayaamahan aayahaaga ka fekereysay iyo ballankaad maanta leedahay ayuu kaa akhristay, hadduubase sidaa tuhmay uuna duceeyey, ma xuma ishaaradiisu.

Sida jirta, marka keliya oy gabari u jeceshahay iney gayaankeed la kulanto, waa markey is tiraahdo xarrago waa ku dhan tahay. Markaas Bilan iyadoo soo diyaar garowday oo arigii dhex joogta bey raagsatay immaantinkii Dalal, ilaa aakhirkii waxay hadba dundumo korto oo ka eegtaba markey arki weyday qorraxdiina ku kululaatay ay geed damal ah iska hoos fariisatay.

In cabbaar ah haddey geedkii hoos fadhiday ayey waxay maqashay sanqadh xagga rugtii cidahooda, oo samada ka yeereysa oy diyaarado u maleysay. Ma ay daneyne intay garbasaarteedii goglatay ayey jirjirka u jiifsatay, oo isku tiri, Ma diyaaradihii Kuubaan baa wada la lahaa baa? Ma naxaan baase la lahaaye Ilaahow naga badbaadi sharkooda. Goorey sidaa u jiifto oo fekerkaa heyso, baa waxaa indhaheeda ku dhacay gorgor weyn oo wax laadlaadsanaaya, oo siduu u soo duulaayey geedkii soo dul fariistay. Inkastoo weynaanta gorgorkaasi ka yaabshay, haddana intii dambe wax kale kama fekerin, Dalal hadduu kuu yimaaddo xaggee haasaawaha ka bilaabeysaa ayaa fekerkeedu ku ekaa.

Siday fekerkaas ugu jirtay, ayaa dhacaan yare guduudani oo dhibicdhibic ahi kor kaga soo tifqaamay, dabadeedna intay yare soo fariisatay, ayey iyadoo u maleynaysa maaleeyadii geedka qori yar qaadatay, oo dumar is qurxin laga raacye cidiyaheed gacmood midba mar ku guduudisay dhibicdii soo dhacdaba, markey cidiyaheedi gacmaha dhammeysay oo quruxda ka soo baxday u bogtay, ayey haddana kuwii lugaha ku bilowday, haddey laba saddex farood marisay ayey dhibcihii guduudnaa isu badeleen dhibco kuwii hore ka yara adag oo salsalaaba caanaha garoorka ah. Waxay la yaabtay oo hadba fiirisay isbeddelka dhacay. Halkaasaa inta shaki galay ay mar keliya si lama filaan ah intey garbasaarteedii hurguftay geedkii ka soo hoos baxday, gorgorkiina intuu aad u naxay ayuu geedkii kor uga duulay, waxaana dhulka uga soo dhacay wax culus oo ay rugtiisii dib u jalleecday, dabadeedna intey yare hakatay ayey faduul ahaan is tiri, Bal hubi walaxa gorgorka ka soo dhacay. Goortay ku soo dhowaatay asaaneyse dul tegin ayuu walaxii ula muuqday wax cabsi geliyay, kolkaasey dib u carartay.

In masaafo ah haddey orodday, ayey haddana la ahaan weyday oo dib ugu soo noqotay si ay u hubiso, dib u soo noqoshadeedii mar labaad iyadoo weli naxsan ayey isa soo dul taagtay walaxii, waa amakaag iyo yaabe! Waxuu ugu muuqday madax dad oo dhafaafulan, weliba madax dada keliya ulama ekaane markey u fiirsatay wuxuu u muuqday inuu yahay madaxii aabbaheed, oo garkii iyo debnihii keliya lagu soo sooci karaayo, intiisa kalese dhafaafulan tahay.

Naxdintii ay naxday, ayey waxba kala garan weyday, oo noqotay sidii wax deyoobey, hadbase indhahay gacmaha ku marmartay si ay wax ku aragoodii ku soo celiso. Waxbase uma kordhine madaxii baaba markey sii fiirsataba, madaxyo badan looga dhigay. Waxay is diidsiiso runta hortaal, aakhirkii shaki la’aan waxay xaqiiqsatay iney runtu run tahay, oo waxa hor yaalli yahay madaxii aabbaheed Aw Jaamac.

Bilan tabaalaha adduunyada ayey la qarracantay, lana muraara-dillaacday, jidhkeedii oo dhamina sidii biyo baraf lagu riday ayey xubin waliba halkeedii gooni ugu teweftay. Waxayna hadba aragtay hadhkeedii, oo kor maray iyo dunidii oo sidii la afgambiyey, dhulkiina kor maray, cirkiina hoos jiro. Waxay damacday iney qeyliso, hase yeeshee intay jidiin qabatowday ayaa codba ka soo bixi waayey, waxay doontay inay oydo, hase ahaatee, waxay oyday oohin aan ilmo lahayn.

Waxay keliyoo awoodday markay hayn weyday dafaafulka madaxii iney goobta ka cararto, markeyse in cabbaar ah orodday, bey la ahaan weyday iney sidaas kaga tagto, oo dib u soo noqotay, waxay yeeli lahaydba markey in yar u soo jirtey ayaa coomaade weyn intuu isa soo kankooshay qaatay madaxii oo sammadaas iskula shareeray, gorgorkii oo dusha ka ilaashanaayeyna waa ka daba duulay. In cabbaar ah ayaa samadaas leysku ceyrsaday iyadoo iyana hoos rooreysa. Ugu dambeystii iyadoo aad mooddid in coomaadihii madaxii ku cuslaaday, gorgorkiina ku soo kuuriyey, ayuu dhulka ku soo daayey. Isla markiiba gorgorkii ayaa la duulay, coomaadihiina waa baacsaday in yar kaddibse ayuu dhulka ku soo daayey meelaan iyada ka fogeyn oy amminkiiba dul tagtay.

Haddey is tiri talo kale malahe, intey silcin lahaayeen qaad oo astur, ama cidihii u gee, ayey waxay eegtay hareerta bidix, waxayna isha la heshay gorgorkii oo soo fadhiya. Wuxuuna malaheedu siiyey markey u fiirsatay xooggiisa weyn, dhuuntiisa dheer iyo qoortiisa muruxsan, indhihiisa caweeran oon raxmadda lahayn iyo carrabkiisa guduudan ee dheer, ee uu soo laadlaadiyey, ilaa dalqadana muujiyey, inaannu gorgor caadi ah ahayne yahay cunsur hor leh oo carrada timid, oo raxmad darro iyo aarsi ka muuqdo, waxbana aan reebeyne dadyahan ah, oo afkiisa sida qadduunta ah wax walba ku qaadanaaya.

Waxay haddana eegtay xagga midig, mise ka sii darane coomaadihii oo lugo xoog weyn ku taagan, oo madaxa iyo dabada bulkeeduba cad yihiin, oo faraxsan baa isna u soo malabsanaaya inuu ka faa’iideysto oo feento hambadii gorgorka ka hartay.

Marna waxayba is tiri, ha foolxumaadeen, markey aragtay labadaba ladnaantooda iyo shileyskooda, inaanay baahiyi madaxa u hayne ay ka tahay ku dheeldheel iyo ku dheregdhacsi; iyo in midba mar awooddiisa dhoolatus ku sameeyo intuu la duuli karo, iyo inta ciddiyihiisu haaro ka jeexi karaan.

Si kastaba ha ahaatee, Bilan rajo kaleba waa dhigtay aan ahayn sidee naftaada ugala badbaaddaa labada horor, oo midba midka kale ka daran yahay.

Halkaasey intey hoos u foorarsatay labo dhagax qaadatay, oo midba mid ku tuurtay, ilaa midba doc u duulay iyagoo ku qeylinaaya ‘qaw-qacaw qaw-qacaaw.’

Dani waa seeto e intey madaxii maradeedii ku xambaaratay, ayey xaggii arigeedu ka jiray la aadday, iyadoo ku barooraneysa, “Aabbow, ba’ayeey! Ba’ayo ba’ayeey, maantaan ba’ayayeey, anaa iska ba’ayeey!”

Waxay oroddoba arigii bey u soo dhawaatay oo uu dhex taagan yahay nimey u maleysay inuu yahay Dalal oo faras qurxoon ku jooga, waxayna jecleysatay iney mar keliya gaarto, hase ahaatee ayaandarradeeda goorey in yar u jirto, bey waxay aragtay labo baabuur oo ciidamo Xabashiyeed iyo Kuubaan saaran yihiin, oo iyadii iyo Dalal dhexmaray. Si aanay u arag geed bay hoos gashay oo fiirisay waxay falayaan. Waxayna aragtay ciidammadii oo Dalal iyo faraskiisii labo baabuur ku eryoonaaya, oo hareeraha ka dhigay. Fardafuulka ayuu belo ku ahaaye, in cabbaar ah ayuu hadba waxuu baacbaaciyo oo marba geed ka boodaba ay qaban kari waayeen. Aakhirkiise waxay eryoodaan intey rasaas ku fureen ayey faraskii kala hoos baxday, isagiina barbar ugu dhacday. Halkaasey ku kaxeysteen isagoo soconaaya ood mooddo inaan waxba gaarin, arigiina waxay qaadan karayeen intey baabuur ku gurteen intii kalena rasaas ku fureen. Mararka qaarkeedna intey neefafka yar yar ee baraarka ah kor u tuuraan ku dhugtamayeen.