Category: Diiwaanka Maansooyinkii Abshir Bacadle

  • Hargeysaay Maxaa Xaqii Idiin Diiday?

    Abshir Bacadle Bacadle 3dii bishii Nofember 2006dii, isaga oo ka sheekeeyey sababta ku bixisey gabayga soo socda waxa uu yiri, “Waxaan aad uga xumahay in mucaaridkii maamulka la baxay Soomaalilaan ay u hadlaan sida maamulka Riyaale oo kale, iyo sidoo kale in culumaa’udiinka Soomaalilaan ee bayaanka soo saaray dhowaantan ay markii la su’aalay dastuurka Soomaalilaan […]

  • Dabato Weeyaan – Maxamuud A. Colaad Filig

    Gabaygaan waxaa tiriyey abwaan Maxamuud Axmed Colaad Filig, wuxuuna ka mid yahay gabayada af-celinta ah ee ku socdaa Abshir Nuur Faarax Abshir Bacadle, gabaygana wuxuu ku bilowdey sidatan: Abshirow daliil gabay haddan deelka ka hinkaadsho; Deelqaafki aad tiri haddaan dood yar ka iraahdo Anigoon dambaabaynin baan kuu dulmarayaaye Marreexaanku dooxadajubbu dagin u yaalaaye Duulkaad ka […]

  • Dib U Goco Abshirow! – Cumar M.M. Baarqab

    Gabayga soo socda waxaa mariyey abwaan Cumar Maxamuud Maxamed oo ku magac dheer Baarqab kana mid ah abwaanada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool. Cumar wuxuu doonayaa in uu halkaan ku soo bandhigo gabay jawaab u ah gabaygii abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle, gabaygaas oo magaciisu ahaa Beel Yahay Gadoodayoo Go’daydoo Gabar ku Ciil Beeshay, abwaanka […]

  • Garashoy Yeelkeed Dheh – Axmed Aadan

    Gabayga soo socda waxaa mariyey abwaanka yar ee lagu magacaabo Axmed Aaden oo ku nool Kalgari, Kanada, wuxuuna tiriyey 26dii Febraayo, 2005tii. Abwaanka waxaa ku dhaliyey inuu curiyo tixdan jawaab gabayga ah markii ay soo gaartey gabay uu tiriyey Abshir Bacadle oo uu u arkey in Abshir beesha abwaanka meel uga dhacay, taana waxay noqotey […]

  • Ha Ku Digan Sheekhaa Addimay – Barre Ibraahim

    Gabyaa Barre Ibraahim ayaan halkaan jawaab u tiriyey niman ay isla beesha Mareexaan isla yihiin oo weerarey Abshir Bacadle, laakiin Barre Ibraahim oo muujinayo inuusan arrinkaa la qabin nimankan beeshiisa ah, balse uu Abshir ku raacsan yahay fikradda uu ka qabo isku qabqabsiga deegaanada Jubbooyinka iyo arrimaha murugsan ee dhextaal beelaha wada dega halkaa. Tixdan […]

  • Gefka Bacadle – Mubaarak M. Nuur

    Waa tix gabay ah oo jawaab u ah gabaygii uu Abshir Bacadle u tiriyey Reer Soomaalilaan gaar ahaan beelaha Isaaq, taa oo la magac baxday Gob Cunsuri Ah, waxaana tixdaan mariyey abwaan Mubaarak Maxamad Nuur oo deggan Swiiden. Maansadu ged bay leedihiyo god iyo miisaan Abshir gabay gartana meel ka dhaaf godobna meeleeye Intii garashadiisii […]

  • Gobannimo – Cabdillaahi Cawad Cige

    Tixdan gaaban oo magaceeda la yidhaahdo Gobannimo soona baxday 8dii Jannaayo 2005tii, waxa ay ka jawaabaysaa gabayga Abshir Nuur Faarax Bacadle uu ka tiriyay gabadha Hargeysa ku xidhan oo magaceeda la yiraahdo Samsam. Gabaygana waxaa tiriyey Cabdillaahi Cawed Cige, oo ku nool magaalada Lifarbuul ee Ingiriiska sida sheegney. Gaafimeeray maalmahan sidii, goosad lay yidhi, Nin […]

  • Abshirow Guuxi Lagu Toosye – Cabdillaahi Cawad Cige

    Tixdan gaaban ee soo socota waa gabay uu tiriryey abwaan Cabdillaahi Cawed Cige oo uu dhextaal uga dhigey tuducda ah Garasho Waayeel, waxayna soo baxday 25kii Febraayo 2005tii, waxa ay jawaab uga celinaysaa Abshir Bacadle gabaygiisa uu ugu yeedhay Gob Cunsuri Ah oo Waxa Tihiin, Ficil Gumeed Yeeshay. Abwaanka gabaygiisu wuxuu maray masaafad aad u […]

  • Jawaabtan Sii Bacadle – Cali Duulduul

    Maansada Cali Duulduul sidan ayey ku bilaabatay: Nimanyahow amuuraha jiraa kala astaan roone Iminkana tanaan soo arkaa iigu yaab badane Ilaa iyo ayaantaan maqliyo eegga iyo maanta Abshir Bacadle gabaygu tirshaa waa indho la’aane Anbadnimadu wow caadi iyo nuu asqoobaaye Marka uu in joogaba dad buu ku anfariiraaye Uu ehel kufaar iyo Amxaar kula itaalaaye […]

  • Hawaawigu Dhab Maaha! – Cabdalle Faarax Sigad

    Gabaygaan waxaa curiyey abwaan Cabdalle Faarax Sigad 6dii Oktoobar 2006dii. Sideedana tixdani waxay ku socotaa Abshir Nuur Faarax Bacadle oo curiyey sida aanu soo sheegney gabayo liddi ku ah hoggaanka Soomaalilaan. Tixda magaceeda waxaa la yidhaa Hawaawigu Dhab Maahee, Miyaad Heesta Naga Dayside! Abwaan Cabdalle Faarax gabaygiisa ma uusan qarin inuu kaga soo horjeedo Abshir […]