Category Archives: Diiwaanka Maansooyinkii Abshir Bacadle

Taley Mudan Tahay

Gabaygaan abwaan Abshir Nuur Faarax waxaa uu curiyey horraantii 2009kii isagoo markaa ka dhiidhinaya xaaladda aad iyo aad u liidata ee murugsan uu dalku ku sugnaa. Gabayga wuxuu ku aaddan yahay sidii daawo loogu heli lahaa talada ka gurracantay dadwaynaha Soomaaliyeed, taana waa mid lagu yiqiin Bacadle suugaantiisa iyo aftahannimadiisa inuu u adeegsado sidii dalkeena loogu soo dabaali lahaa nabad waarta, sidaas darteed ayuu Bacadle gabaygiisaan dhextaal uga dhigayaa tuducda ah “Allowya taley mudan tahaye meesha ku ekeeya.”

Meyd iyo dhaawac duulkii sidaan maaro loo heline
Allow ya taley mudan tahaye meesha ku ekeeya!
Murti waaya arag waa in wax un laga macaashaaye.
Midiyo isku sahad iyo dagaal la isku mari waayay.
Haddii Nabadda maro loo luloo gogol la meegaaro.
Oo Culimo muhimiyo duqoow madaxa loo dhiibto,
Oo ay go’aan muujiyaan lagu midoobaayo.
Meyd iyo dhaawac duulkii sidaan maaro loo heline.
Maslaxa diidku madar inuu ku jebi waa mah-maah culuse.
Markuu quuso madiyaal dhintaa laga macaashaaye.
Aakhirana mool Jahanamaa lagu maquurtaaye;
Allow yaa taley mudan tahaye meesha ku ekeeya
Midigtu Bidixda kama maarantoo waa u muhataaye
Hadba tii murduxan bey tan kale meeday leedahaye
Maxalu shaahidkiyo taargedkiyo meeshaan hibaneynay
Mutafaqun Caleyhi baan rabniyo inaan midownaaye
Waa Cadaw macaashkii inaad kala maqnaatiine
Muslimku cabara taariikh midnimuu magac ku yeeshaaye
Markey kala tagaan cadawgu waw malabsanaayaane.
Muran iyo tashwiish lama rabiyo maliyo huu haaye
Ismaqiiqa iyo laab lakucu malahan miisaane;
Muxadiskiyo usuuligu halkuu maray ku daawooba;
Maraajiicda aasaasigaa Mowle ku addeeca.
Isma saabax iyo wadajir guul kalama maarmaane.
Mugdigu qeybsan weeyee ifka how muhato laabtiinu
Oo miisaanki salafka u celiya muhima Diineedka.
Muslimku cabra taariikh midnimuu magac ku yeeshaaye
Markey kala tagaan cadawgu wow malabsanaayaane.
Mabaadida Aasaasigiyo maxalu towxiidka.
Ku muujiya Shicaarkiina oo galiya Maankiina.

Maxkamadaha Islaamiga (Gabayga Labaad)

Maansadaan gabayga ah waxaa uu Abshir mariyey bilowgii sagaashamaadkii markii ay ka bilaabmeen degaanada qaarkood oo ku yiiley magaalada Muqdisho maxkamado sheegtey iney Shareecada Islaamka fulinayaan, taa ay ka danbeeyeen beelo Soomaaliyeed, inkastoo ayna jirin waqtigaa dowlad dhexe ee gacanta ku haysa maamulka iyo ammaanka dalka haddana halakan waxaa muuqata in Abshir uu la dhacsnaa xaaladda maxkamadahaa ay riixayeen beelaha qaarkood ee Mudulood. Maansadu waxay leedahay:

Murti aan munaasabad lahayn mowsimiyo kaalin
Muwaafaqana aan sababi karin waa macno la’aane
Manhajka iyo maydaanka aan maanta ka hadlaayo
Waxaan maxalu shaahid uga dhigo marag halloo yeelo
Oo yaan laygu maadaysanine gabayga meeleeya
Cilmigu waa misbaaxoo jahligu waa madow yahaye
Maxkamadaha Islaamiguna waa lagama maarmaane
Mufti doqona kuma ciiltiriyo magan Allays toowe
Idinkoo murrugay Shiikh Calaa maam idiin furaye
Waatay mulquhu idin dhibeen marinka siisiiye
Hadday murugtay waatow la baxay boqol mahiigaane
Mooryaanta waatow edbiyo madaxyo dhuubtiiye
Cagtow mariyay Shiikh Cali Maxamuud maata laysyadiye
Masiibadii Bakaaray dhextaal waana maqasheene
Masruufkaa irdaha loo fadhaa maalin iyo layle
Matalka Shiikha Madarkicis mahelin haba masayraane
Waase laysu maqan yahay haddii maydku naga yaalo
Mutafaqun calayhaan ku nahay munasalkii Eebbe
Waase haddii malee shoodhinkiyo muunka laga reebo
Maxkamadaha Islaamiga ah iyo muqadamiintooda
Qofka maagan waxaa lagu yaqaan hadal mataaneyska
Ma diidani mayee saas ma’aha waa munaafaqade
Murug maarug inuu idin la rabo meesha ka ogaada
Maxkamadeeya kiiskuu mutana haw masaamixina
Miftaax jabana haw dhiibanina maamul kale daaye
Haddaan Xaaji Muuse u kiciyo Makiyo Madiina
Alleylahe waxay muujiyeen sharafya maamuuse
Waa mahadsan yihiin maamulkiyo muqadamiintoodu
Miisaana lama saari karo waxay mutaysteene
Musmaarkii dabcaa xaajiyow meesha ku adkeeya!

Shirib:
Maxkamadday maqsuudisee shimaan ka maagey Mudulood.

Laakiin markii maxkamadda la baabi’iyey oo ay ku ciyaareen beelihii sameestay, Abshir wuxuu tiriyey shiribkaaan:

Masaladaydi maan dhahay kuguma soo macaaninoo.

Muqdisho

waa gabay aad iyo aad u gaaban oo dhowr tuduc ah ee uu abwaan Abshir kaga hadlayo muunada iyo quruxda ay leedahay magaalada Muqdisho gaar ahaan waayadii hore iyo meesha ay ku danbeysey markii ay burburtey.

Muqdisho iyo muuqaalki hore dahabki maaroobey
Ma mililicdeen waxaa ku xigey murugo tiiraanyo
Macaasidiyo kibirkiyo dulmigi wow abaal marine
Allaha naga masaabaxo waxaan mudaney weeyaane
Muxkamkiyo waxaana u dawo ah munasalki Eebbe.

Shirib:
Muqdisho waa murgootayee munasalkey mudnaan lahayd.

Macallinkiyo Waalidka

Gabaygaan wuxuu ka hadlayaa hab dhaqameedka macalimiinta dugsiyada Qur’aanka sida ay u badan yihiin wuxuuna u ekeesiiyey dardaaran macallin howl gab ah.

Muhimada waxbarashada haddaan meel yar ka iftiinsho
Jibriiloo malag ah nebi Muxamed waa macallinkiisiiye
Cilmigu waa musbaaxoo jahligu waa madowyahaye
Ilmaan macallin loo helini waa maqal ugaareede
Mooryaan waxbana kama duwana maata leysyaahe
Haddaan lagu mintidin waalidkood kama macaashaane
Minankiyo dugsigu waa inay madal wadaagaane
Oo macallinkiyo waalidku ay tala mideeyaane
Ismoogaanshahoodaa ardada maqana joogeeya
Iyo macallinkoo waxuu mudnaa aan waalid kuu muujin
Tixuu macallin hoolgabay marshaan maanka ku hayaaye
Hala iimasaabaxo wixii khaarijul mowduuca
Oo yaan laygu maadaysanine gabayga meeleeya
Waa munawac tobankii ardayoo midiba waa cayne
Mid waa faahim midi waa damiin midina waa noormal
Mid waa macangag midi waa ikhyaar midina waa mooge
Midi waa mariil soconayoo madaxya uus waynle
Mid baan minanka hooyadii ka helin muufo iyo rooti
Oo murugti gaajada qaboon mowralba kuu haynin
Mid baa shoog la maygagi haddii midigta loo tago
Qaarbaa iskuul maaganoon looxuba u muuqan
Qaar baa banooniga mar laad maanka kaga guuxi
Mid baan marada faraqeeda iyo qalinka mooyaane
Ebid kii mash lagu siinin caday maxabo awgeeda
Midi waa ilmirigleynayaa sida maxaabiista
Mid waa murabash haad haadayoo meelba mar u boodi
Midina waa mayeeraan cuqubo kugula meeraaya
Oon macallinka u sheegan karin waxa muraadkiisa
Mid baa mooge iyo waxa iska dhaley habar maseyreeya
Oo toban midirisiyo ka tagay macallimiin dhawra
Qaar baa manyicii laga badshiyo maxaba koolkoolis
Qaar baa madfacii iyo saskii meeli kala boodey
Oo wali mashquul ku ah maxaa nalaku maagaayey
Mid baa maqane jooga ah xaluu Meykal fiirsadaye
Markaasaa musbaaxdii qalbiga laga madoobeeyey
Qaar baa dugsigaba uga maqan macallinkay dhaarsan
Canaantay mudnaayeena aan waalidku u muujin
Qaar baa ilmaha maagayoo muran la soo taagan
Qaar baa maqsuud ku ah dugsigoo sharafyo maamuus leh
Mid waa nashiid midina waa kaslaan Mowle xugunkiisa
Mid waa fulay midina waa shujaac laba mataanaaye;

Midba malafyo diiwaan u yeel munawac weeyaane
Kabiir aan mas’uul qaadi karin maqada how dhiibin
Madaxiyo ilmaha lagama dilo meesha halistaaye
Waa mu’miniin owliyaa oo ilmiriglaaye
Mid yaroo jiroolaayood dhashaa laga mataalaaye
Tumiddii maslaxada loo arkoo lagama maarmaana
Miyir kaaga oo taam ah iyo gacanta oo miisaaman
Miskaha iyo dhabarkiyo majaha meel un ka xanuuji
Ha ku magaagin caraduu Ibliis muumin xuliyaaye
Ha moogaan xilmiyo saamaxaad hana majnuunoobin
Madaxa u salaax sida agoon waalidkood maqane

Midaan toban u miisnen da’dana midigta haw taagin
Indhaha uun ku meermeeri farax ha ugu muun soone
Muruu’adiyo guulguulku sharaf macallin weeyaane!

Musxafkaa Qur’aankaa

Gabaygaan waxaa uu abwaanka kaga hadlayaa fadliga uu leeyahay Qur’aanka kariimka.

Ardey macallinkiyo waalidkaba duco ka soo miistay
Oo maca akhlaaq iyo suluug sharafyo maamusle
Oo Qur’aanku maanka u dagaye maxabo loo saaray
Oo munazalkaa muqadaskaa lala mataaneeyey
Oo maalin iyo layl aqriya kuna madiixaaya
Oo maca tajwiid inuu xifdiyo Mowle ku arsaaqay
Muxdith iyo bidcana laga masaxoo laga madoobeeyey
Oo marinka Nabigiyo Sunnaha meel aan uga leexan
Masjidkiyo Salaadahan jecel madaxanaan dhuubin
Oo maalmaha qiyaamaha Rabbigey sharaf ku maamuusi
Oo taaj milgo leh waalidkii madaxa loo saari
Mubashiriinti iyo nabiyadiyo malaa’ik mooyaan e
Qof makhluuq ahoo igala mudan anigu ma aqaano
Maal iyo dad wixii Eebbahay midigta ii saarey
Martabada ardaygu gaaray baa igala muuqdheere
Maashaa Allaah baarakallaah waa majeersadaye
Musxafkaa Qur’aankaa haddaan meel yar ka iftiinsho
Malaayiinta xarafoo midkiba tobanka loo miisi
Oo Mowlahay bixinayoon lagu masuugaynin
Oo lagu abaal marinayaa maahir iyo taatic
Oo mu’miniinta u farxad waa majeersadaye
Min cashara malaayinta xaraf maliga dhiibaaya
Sabca miyiyo maashaa Allana laga maleynaayo
Oo Nabiga Muxamad ahi qiray waan majeersadaye
Mucjisada la yaabka lehe ay muhatay laabtaydu
Xaddiga iyo miisaanka xaraf Qur’aan ah loo miisi
Muggiisiyo culeyskiyo xajmiga anigu maaqaano
Ilaahayse mahad baan u qiray kuman malaayiina.

Mahad Alle

Gabaygaan waxaa uu tiriyey Abshir markuu arkey nin aan dhego iyo indho toona laheyn, isaga oo arrintaasi ka cajabisey ayuu barbar dhigay ruuxa Ilaahey wax walba u kaamilay, lixda lixaadna u dhameystiran yihiin, haystana wax alla wixii uu u baahan yahay, oo noloshiisa ku saabsan, isla markaana waxaa uu u tilmaan tusaalaba siinayaa cajaa’ib ay leeyihiin malakuudka iyo khalqiga Eebbe. Gabaygaan waa midka uu ugu jeclaa Abshir gabayadiisa sida uu ii sheegey, Ilaahay ha u naxariistee.

Allaa mahad lahoo mudan ammaan waana loo magane
Rabbi baa macbuud xaqa ahoo muran la’aaneede
Rabbi baa cibaadada mutoo lagu mideeyaaye
Rabbi baan midnimadiisa uga marag kaceynaaye
Rabbi baan musaawaad laheyn lala maseeyaaye
Rabbi baan tashbiih naga mudneyn amase miisaale
Rabbi baan mid uu sugo ta’wiil loo micneyn karine
Rabbi baan Mareykan iyo Ruush minid ku qaateene
Mudduuse u qaddaray iyo inay madasha gaaraane
Rabbi baa masaamaxa addoon mudan cadaabkiiye
Rabbi baa makhluuqaadka idil Maaligooda ahe
Rabbi baad wuxuu kaa manciyo kala maqnaatiine
Rabbi baan muwaxid hoojineyn mowlanaa yiriye
Rabbi baan wixii loo martiyo oon macsi ahaynin
Cidna kaga masuugayninoon muudal ku ahayn
Hadduu madal u yeeliyo hadduu markan noo dhiibo
Ama uu masiibooyin iyo balo ku maareeyo
Rabbi baa musiibo iyo kheyr maamuloo wada’e
Rabbi baan mid uu kuu qadaro maaro loo heline
Rabbi baan wuxuu maago duul maanacaa jirine
Rabbi baa kufaarta umarxama mararka qaarkoode
Oo miid u shuba say wanaag ugu maleeyaane
Aakhirana naar ay muteen geliya moolkeeda
Rabbi baan ninkii madaxa iyo maqada hoos joogta
Labadaba u kala miisayoon qolona moogeyne
Rabbi baa midiyahay sahdeen maaha saa yiriye
Nabigaa mutaabaca mutiyo maxabo dheeraada
Allaahu masali calaa Sayidinaa Muxamed
Mubtadica Salliga diidan baa mudan cadaabtiiye
Aadamiga manida laga khalqaye madaxa taagaaya
Oo maxalka hooyadi sagaal mowle ku ilaalshey
Mugdigaana lagu quudiyaan maaro loo heline
Isagoo mahiin eh mutuxan magacna aan haysan
Inuu marinka Eebbe u yasirey waaba moog yahaye
Nin mardaadiyoo shaarubada kor u maleegaaba
Inuu mowd dhadhamiyaahi waa lagama maarmaane
God madow inaanu uqodnoon maro ku duuduubno
Oon madaxa ciidda u dhignaa Mowlahay qoraye
Wax ismoode laakiinse waad mala habawdeene
Waa mowqifkii aakhirood muran saneydeene
Waa madashi laynoo qabtood marakan gaadheene
Waa mowcidkii lagu ballamay mowdka dabadiise
Waa magacya badan tuu ka digay Muxamedkeeniiye
Waa maalintey sheegayeen muqarabiintiiye
Waa muumin raaxadi kufrina murugadiisiiye
Waa madarki ceebeed ninkaan Mowlahay bixine
Maskaxda iyo ruuxdiyo qalbiga Mowle nagu beeray
Magefiyaha unugyada jirkoo mila xawaasteena
Inta aalad nagu maaxatoo maqadadow heegan
Mishiinada iswada dhaafayoon magacyo loo haynin
Mirtaan aasnay manidaan qubniyo madagti aan riiqney
Macnawiga qarsoon oo bedeli anigu ma’aqaano
Ilaaheyse mahad baan u qiray kuman malaayiin ah
Mur iyo xulow makruuh iyo udgoon shayga kala miira
Muudsiga macaan iyo qaraar mid idareensiiya
Naftu waxay ka maagtiyo waxay muhato laabteydu
Magnadka dookha maamka u hayoo maxabadaw sayra
Mucjisada basiirada hagtiyo madowga heehaaba
Macnawiga qarsoon oo ku laran anigu ma’aqaano
Ilaaheyse mahad baan u celin kuman malaayiina
Midigiyo bidix mashiga lugaha iyo marinadii dhiigga
Mafsalada mergiyo jiidma iyo xidido meereysta
Maqaarkiyo jirkeeniyo xubnaha socodka miisaama
Muuqaalka iyo haybadiyo midab wanaageena
Afka hadalka soo marahayoo maqalka saameeya
Macnawiga qarsoon oo ku dhaga anigu ma’aqaano
Ilaaheyse mahad baan u qirey kuman malaayiin ah
Dhul mugweyn leh buuraha ku mudan webiyo meegaaran
Dhirta munawacaahood indhaha kaga maqsuudaysid
Masraciyo dhulbeereedka iyo miraha soo yaaca
Mawaashida nimcooleyda oo Maaliggu nooleylyey
Biyahaan macaan iyo hawada lagama maarmeene
Siduu maamulkaani u hirgalay anigu ma’aqaano
Ilaaheyse mahad baan u celin kuman malaayiin ah;
Samaawaadku tiir muuqda iyo malaha awtaade
Muuqaalka iyo heybaddiyo midabka loo yeelay
Masaabiixda qamarkiyo shamsada falagga meereysta
Mugdigiyo iftiinka isbedela maalintiyo leylka
Hanqarkii masiibada ahaa mayayga hooraaya
Siduu maamulkaani u hirgalay anigu ma’aqaano
Ilaaheyse mahad baan u qiri kuman malaayiin ah
Baddu waa masiiba iyo kheyr meel kuwada yaale
Hadba tii Alle umuujiyaa laga maleystaaye
Marjaankiyo mallaaygiyo nicmada moolka lagu aasay
Maraakiibta iyo doonyahaan kaga macaashnaaye
Imisuu miskiin iyo faqiir mowle ka arsaaqey
Meeqeyse mowjadi cuntoo lagu masiibeeyay
Imisaa malaayiinku maqan rag iyo maalkooda
Makhrib dumey habeen koo mugdiya mowjad kugu taagan
Oo aan birrigu muuqan karin murugo weeyaane
Nimaan marini waa moog yahoo malo ku suureeyey
Jundi malabsanaayoo naflaha lagu dulmeegaaray
Oo soo madow inay tahaan maanka ku hayaaye
Maruuse Eebbahay nagu masaxi anigu ma’aqaano
Ilaaheyse mahad baan u qiri kuman malaayiina.

Masjid Yaa Ka Dheeraadey?

Waa gabey uu dood la furayo abwaanka dariiqooyinka diinta ee Suufiyiinta gaar ahaan kuwa siyaarada iyo bidcooyinka diin ka dhigta waxaa uu mariyey gabeygaan abwaanka bartamihii sideetamaadkii ee qarnigii tagey, laakiin sida aanu marar badan tilmaamney caddaalo kama muuqato habka uu abwaanku u cabbirayo arrimaha uu ka hadlayo waayo marka uu sawirayo Suufiyada ama dariiqooyinka waa ra’yi aysan badanaa la qabin qolooyinkaa ama been abuur ku jiro, sidaa kale waxaa uu abwaanka isaga qaldan culumada Suufiyada ee ahlu diinka ah iyo qolooyinka been abuurka ku shaqaysa ama khuraafiistiyaasha ah:

Mariidkiyo muriidiinta iyo magacdariiqoo dhan
In musiibo nimankaa heshoo maanka laga qaaday
Mid yarood ku garatiin ayaan muujinahayaaye
Mathal waxay u keenaan haddaad madaxda doonaysid
Waa inaad sarkaal sii martaa maamka kuu fura’e
Amaad qolo u sii magansataa kaaga magacroone
Macnahooda garo qurunki bey kuu maldahayaane
Abuu Jahal halkii uu maruu meesha soo dhigaye
Isna moog waxaa midihi waa macalinkoodiiye
Yaa maxabo Nabi sheegtayoo diiday marinkiisa
Mustaxsano bidcada tey rabaan yaa ku magacaabey
Oo yaa adiga kugu meeriyoo muran usuureeyey
Madaahiibta kale yaa uqaba macatabley gaalo
Ninkaan tooda soo marina yaa gaal ku magacaabey
Yaa calan intuu meel ka suray madaxa liiliijey
Madxi beena yaa soo unkoo dhaar ku malabeeyey
Yaa maal agoomeed cunoo malabsadoo laacey
Yaa maatadiyo caamadiyo dumarka miineeyey
Masjid yaa ka dheeraadayoo mowlac ka hinraagey
Wax Ilaah mamnuucoo sharcigu meel cad ka abaaray
Yaa waa mubaax yiri intuu qiil usoo mariyey
Qabri yaa dul mowriirsadoo maalmo ku habsaamey
Yaa dhagax ku muuneeyayoo maro qurxoon saarey
Muftiyaa xaqiray jaahilyaa madax u soo doortay
Yaa waa mijaas yiri, intuu qurun malookeeyey
Mas’alooyin ay garanayaan marada yaa saaray
Mushrignimo cad yaa suubiyoo kheyr ku magacaabey
Yaa midigta shaqadeeda neceb magansi mooyaane
Yaa nimuu mariilkii ku nacay mawdku darajeeyey
Madadkiyo manaaqiibtayaa kugula meereystey
Yaa maal qabeen jaahiliyo madaxada hoos rooray
Yaa mayd gar-gaarsadey rabina mala usuureeyay
Oo yaa mahad Ilaahey lahaa qolo kalow meershey
Yaa Muxamedkeenii la simay muqani Iiraana
Intaan gabayga soo mariyay waad ila maqleyseene
Mid ka ugu dambeeyaa wallee muran ka joogaaye
Mafaatiix adduun iyo jannada labada meeloodba
Suufiga muraadaynayoo maal ku gadanaaya
Iyo nacaska loo meeriyoo maalin wax u dhiibay
Mushtarkaa khasaaroobay baa muranka joogaaye!

Labadaa Ragcaa Hariye

Maanso aad u qiimo badan oo uu gabyaagu ku waaninayo ummadda iney ku dadaalaan salaadda gaar ahaan midda Fajirka ama subaxa.

Hurdo habarba korin weydeybay hor u yiraahdeene
Ka haab haabo horana u istaag waa hameen tagaye
Ha ka yeelin inuu kugu hayuu ku haminaasyaaye
Ka hool hool ilkaha huuradiyo hilibka duugoobey
Hinjiga tuure labadaa ragcaa hariye weeyseyso
Hameenada danbaad mahadisaa hilinka khayrkaaye
Hurdo lagu noqdiyo shaqadu waa taad hormarisaaye
Qofka habacsan waxaa lagu gartaa waa hurdo u jeelka!

Shirib:
Ku hormar hooyadaa macaan hadhowna how lahaaga aad!

Laye Bacadle Wuu Kacay

Gabaygani waxaa uu tilmaamayaa daruufo dhaqaale oo aad u adag oo soo martay Bacadle taas oo keentay inuu dib u iibsho hantidiisii maguurtada ahayd oo ubadneyd guryo, kaddibna uu degey guri kiro ah, taas oo ay ku farxeen dadkii ay isaga soo horjeedeen xagga caqiidada oona u badnaa qaraabadiisa taariikhdu markey aheyd l986kii.

Adduunyada waxaad kororsataa kediso weeyaane
Warkase leyga kaakeenay waa kaanuciil qabaye
Waa ii kalgacal iyo farxade kaagama an xumiye
Laye Bacadle waa kacay wuxuu keydiyoo dhigaye
Laye aqal kiraa buu galoo lagu kadeedaaye
Laye Koostarkii wadajir buu kor isu taagaaye
Laye kimista aqalkiisa waa lala kurboodaaye
Laye waa kallaha guurayaa kaaha waaberiga
Laye kadinka kuwa dayn kula haad koronkor moodaaye
Laye keen wexeygaa kulyoon lagu kabeeyaaye
Laye kooxihiisii bidcadu ummaaney kaalmeyne
Laye wuu kasbadey bay dheheen koob umey shubine
Kursi dahaba kumanyaal malyuun toban karaasiido
Konton aqal markaad yeelatood karahdey sheekheena
Ma karaama guurine durbaba waadigaa kacaye
Koonaha magaalada cariish wada karaatiina
Oo kira ah waadiga galoo kaaga maan xumiye
Kallahaada waadigaa aqbalay kaaha waa beriye!

Intaa kadib Bacadle oo jawaab bixinaya wuxuu yiri:

Ilaahey markaan kal iyo laab ugu kalsoonaadey
Oon kaligi tala saartay baad kahatay sheekhoowe
Kidbigiyo kuhaanada wadaad lagu karaameeyay
Iyo adiga kaashana hayaba weydin kaarahaye
Ilaaheyna wey kaafiyaa kun iyo kow jeere
Sidaan ugu kalsoonahayna waa kamadanbeystiiye
Kaliishiyo diraacdii markii la’iskadeedaayey
Rabbi kaligi mooyee cid kale idin ma kaalmeyne
Goortaad kurbooteen Shirkigu weydin soo karaye
Ka warrama kuwaad oran jidheen lagama kaaftoona!

Qabashada Rabbigay

Waa gabay uu abwaanku dadka uu tusaaleenayo in la foojignaado oo aan la hilmaamin nolosha danbe ee aakhiro, waxaana filayaa in gabaygaan intaan ka badnaa.

Qabashada Rabbigay waa sidaa balad hadduu qooqo
Xanuunkaa qiyaas dhaafa oo qiriyo xoog yeesha
Imisay nimcadu qooqisoo Qaadir ku halaagay
Guryihii qurxoonaa dibkood laga qaxootowye
Qaryoo idil qiyaamaha hortibaa Qaadir soo qabane
Ama lagu qarxinayaa cadaab qoranoo diiwaan le’
Wax ku qaata qaraxa idin helay qoom walbuu sugiye
Haddaad aayadaha quursatiin qoomamaa xigiye.