Category Archives: Diiwaanka Maansooyinkii Abshir Bacadle

Gabaygu Sow Maaha?

Gabaygan waxaa ku bixiyey gabyaaga inuu tiriyo kaddib markii uu arkay idaacadaha afka Soomaaliga ku hadlo gudaha iyo iyo dibaddaba oo caado ka dhigtey inay murti ahaan xoog u saaraan dhanka heesaha iyo muusiga oo kasoo jeeda dhaqan shisheeye. Gabayga oo suugaanta Soomaaliyeed asal u ah oo ayna qiimeynin sidaas darteed arrintaas aad ayuu uga carooday. isaga oo tusaaleynayana waxuu ka tiriyey gabaygan oo isla markaa tilmaan ka bixinaya kacdoonkii Xamar lagu kacay dawladdii uu hoggaaminayay madaxweyne Maxamed Siyaad Barre:

Gininiifta iyo muusiggaad gacal u haysiine
Suugaanta gabeygow asala garanse weydeene
Wixii geedka loo xaaran jirey gabaygu sow maaha!
Waxey odayo goob kaga hadlaan gabaygu sow maaha
Wixii geela lagu qeybsan jirey gabaygu sow maaha
Gammaan faras wixii looga degay gabaygu sow maaha
Wixii guurka loo dooran jirey gabaygu sow maaha
Guubaabo iyo nabadgelyaba gabaygu sow maaha
Murti waxa gorfeeyoo gudbiya gabaygu sow maaha
Tartan waxaanay heesuhu la gelin gabaygu sow maaha;
Waxaan gaada ka ciyaar leheyn gabaygu sow maaha
Waxaan muusig loo gaawineyn gabaygu sow maaha
Waxaan loo garaaceyn gurbaan gabaygu sow maaha
Waxaan turumbo loo giijineyn gabaygu sow maaha
Waxaan dumarku qayb weyn ka gelin gabaygu sow maaha
Waxaan dhaqanka gaaladu gediyin gabaygu sow maaha
Taariikhda waxa lagu guntado gabaygu sow maaha
Wixii cadowga lagu guuli jirey gabaygu sow maaha
Guuleed fansalakh waxaan ku gubey gabaygu sow maaha
Gamuun sare gantaal hoose iyo god iyo reebniinba
Wax sarbeebta gaan uga hodmani gabayga sow maaha
Gun iyo baarba suugaan gobeed gabaygu sow maaha
Ilaahey wuxuu nagu galladey gabaygu sow maaha;
Afartaa intaan kaga gudbaye gobo’ kaley dheere
Sidii odayga loo galay haddaan gow mar kaga siiyo
Gallad wuxuu ku noolaadayoo libin ku geeraarey
Geyigaan ku noollahay wuxuu gabo-gabeeyaaba
Wuxuu guluf colaadeed diroo nabad ku goohaaba
Wuxuu gees biciit noo mudoo googol ku sheegaaba
Guddigii Maanafeystada markuu dib u gantaaleeyay
Garaad iyo Imaan iyo wixii culimo loo geeyay
Garcad iyo salaadiin markuu gogol ku ciideeyey
Wax-garad iyo aqoonyahanna uu gabba waroo laayey
Gaashaanka wuxuu nagu dhiftoo gacanta noo sayray
Gartuu diiday mooryaan unbaa galisay maankiisa
Gablan tala adduuney maxay galaba heer joogtey;
Gumaadkiyo xasuuqii markii laga galiil yooday
Gardarradiyo kibirkii markii geeri laga doortay
Gidaarada markii loo tafoo lagu galaayuusey
Nin go’ iyo nin gaaraba markii gudaha loo daatey
Goonyaha markey kaga hufeen geeri loo dhalaye
Kuwuu igu gadaanaada yiri gaw Malaga siiyey
Gantaalaha markii looga dhegay lagana guuleystey
Ma is godey ma gaar-gaar sadoo gululub mow roorey
Magaraamihii loo karshey guratay Mooryaani
Gablan tallo adduuney maxay galaba heer joogtey; 
Gidigii hameenkii miyuu baqo ku gaw riiray
Markuu waagu gaw yiri miyuu giirka kor u qaaday
Go’ay xalay ku duubeen miyuu gaar isaga tuurey!
Hadba gees miyuu dayey illey godobi waayaabe
Gaashaanlayaashii miyuu gudub u weydaartey
Halaaqada miyuu kaga gig tiray waa gudoodiga’e
Gawsaha markuu riiqayoo gawnaxyada buuray
Tawfiiq Rabigey hor u gafiyey marakan mow guuxay
Hadba Xamar gadaal mow dhugtaye gacalo mow eegay
Gedduu beri ku noolaa miyey gocatay laabtiisu
Ilmo gabax masiiyoo sidii gororka mow hoorshey
Mar igeeya goobtii ma yiri gacalo taag weydey
Gablan talo aduuney maxay galaba heer joogtay;
Geyigaan ku noolnahay miyuu gebigi aafeeyay;
Ummadaan waxbana gelin miyuu godob usoo jiiday
Kuwuu guduriga1 u waray miyuu gacalnimow sheegtay
Geddoo nabad ku caan baxay miyuu halakan gaarsiiyey
Garan waaye naga gudub halkaad galine yeel kaaga
Ama gacan ku dhiiglaha iney ugu gaduud shaane
Jabhadaha guddoonsaday midnimo ha ula guuleene
Intaasaan ku soo gaabiyoo gubaya laabtiisa
Gablan talo aduuney mexay galaba heer joogtey!

Gef Loo Saxay

Gabeyga soo socda waxaa uu Abshir Bacadle ku weerarayaa qaar ka mid ah Suufiyada isla markaana waxaa uu ka dhiidhinayaa in Ilaahey lala garab dhigo marka la baryayo axad kale oo addoomadiis ah, isla markaana waxaa uu beegsanayaa, guul laga keeno kooxaha dariiqooyinka ah, gaar ahaan kuwa ay qaraabada yihiin.

Tix la geeyo goobaha murtida lagu gorfeynaayo
Oo diinta garab taagan baa gabay u kheyr roone
Nin waliba gantaal kuu hayuu cadaw ku guulaaye
Halla geeyo gobalkii tixaan goobayaan helaye
Wadaaddada Siyaarada gurtoo calanka giirgiiran
Geddii Bucur bacayrookaley marakan gaareene
Gonda dhiigta Muruf Taaruf bey gacal wadaagaane
Waa Geedi Baabow silloon garanse weydeene
Inaan mayd wax gelin waa hubaan gaala raacyaduye
Godka lagu cadaab diinta wey ganacsanaayaane
Gardarradiyo aabiga muddey garab u heysteene
Gef loo saxay gar laga eexday bay sidaan ku gaareene
Nin garaama xaaraana cuney meel unbaa go’ane
Gacma hoorsigii bey rabaan gu’ iyo jiilaale
Maruunbaa geddaan saadin jiray guulahey badiye
Maruunbaa guddoonshaha cusubi gaarayaa xugune
Maruunbaa garsooruhu cadliga goobiyoo heliye
Maruunbaa guddiga nabad gelyadu siinayaan gacane
Maruunbaa fidnada gobolka taal Yoolax1 loo garane
Maruunbuu garaadaha xaseyn bixiyo Guuleede
Maruunbuu garoomaha u tolan gorofku meeleyne
Maruunbey gawaan iyo Wisil u guurayaan Sacade
Maruunbey u sii guranayaan garaski dheeraaye
Maruunbaa nabsiga gooshayaa gaari ow Caliye
Maruunbaa gasada Ina Cismaan looga soo geliye
Maruunbaa wexey naga galeen laga gudaayaaye
Maruunbaa wadaaddada gabrani nooga soo go’iye
Maruunbaa waxaa geba gebeyn guuto loo diraye
Maruunbaa Ilaahey ku gubi gumac rasaaseede
Maruunbey garcanayaan gabdhaha guudka loo firaye
Maruunbuu garaarkooda jari taarigaan geyine
Maruunbaa gefkiyo aabigii guuxa soo dhimiye
Maruubaa la gaarsiinayaa galabsigoodiiye
Mar uunbaa gelmiga nagu habsadey gacan togaaleyne
Maruunbaa haleeliyo gobshaba guulahay tiriye
Maruunbey gurboodkiyo ilmaha gaahi soo tubiye
Dhaaxey gafuura xun indhaha nagu gubaayeene
Maruunbaa la gaarsiin iney gacal na moodaane
Maruunbaa Ilaahey ka goyn galabsigoodiiye
Mar uunbaan garaamaha ku maqan gabay ku faalayne!

Guuleed Fansalakh

Gabaygaan waxaa lagu tiriyey dalka Sacuudi Carabiya magaalada Jidda, dabayaaqadii 1984kii, wuxuuna gabyaagu kula hadlayaa Sheekh Maxamed Guuleed Kaarshe – Ilaahay ha u naxariistee – inta uusan dhiman oo ahaa agaasimaha waaxda diinta ee Wasaaradda Arrimaha Diinta iyo Garsoorka, ka dibna loo magacaabey Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Garsoorka. Waxaa shaki ku jirin in Abshir uu ku xadgudbayo Shiikha ilaa uu isirkiisa wax ka sheego, meeshana ma qabato habaar iyo aflagaaddo aan ku habbooneen qof Muslim ah. Sheekhu wuxuu ka mid ahaa khayr Eebbe ha siiyee culimadii fidinta Diinta Islaamka doorka weyn ka qaatay oo tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah Masaajidka Siigaale ee ku yiilley xaafadda Hodon ee magaalada Muqdisho ka akhriyi jiray, waxaana cilmigiisa ka aflaxay dad aad u badan. Abwaan Bacadle gabaygan uu Sheekha aad ugu gafayo waxaa ka keeney caro uu ka caroodey xarig iyo xabsi loo geystey dhowr hablood oo loo aaneeyay xijaabka xirashadiisa, laakiin waxaan filayaa in mas’uuliyadda arrinkaa ay leeyihiin madaxdii sare ee dalka ee aanan lala soo aadan cid kale. Qofku mansab dawladeed oo sare soo qabta ayaa garan kara dhibka ay leedahay in la isu miisaamo arrimaha dawladda oo marar badan arrimo xoog ku fulinaysa iyo arrimaha diimaha khuseeya oo miisaan kale lagu eegaayo. Waa arrin aan fududayn. Alle labada ha u wada naxariistee, abwaan Bacadle waayo-aragnimadaas isagu ma lahayn, marka way u fududayd inuu siduu rabo u hadlo. Marka aad dawlad ka tirsan tahay,
arrintu way ka duwan tahay. Abwaan Bacadle oo ra’yigiisa cabbiraya wuxuu yiri:

Ilaahayow nicmadaad ii gashood igu gargaaraysay
Galladdeeda adigaa iska leh goor iyo ayaane
Gafkeygana inaad saamaxdaa adiga kuu gaar ah
Mana qabo guddaa jira Allaha ugu gargaaraaya
Inkastoonse gaabshoow ahoon gabi dhaclaynaayo
Gafkeygaan aqaanoo muwaxid guun ah baan ahaye
Gobna waxaan ku ahay inaan Shirkiga layla soo gelin
Markaanse gacanta kuu hoorsadeen ducada gaagaabsho
Inaad igu gar-gaartaan bartaye guusha ha i seejin
Dariiqadu halkey goosataye loogu geli waayay
Inaad gacanta noo saartid baan kuu galliin ahaye
Markaanse guusha libineed helliyo buurta guradeeda
Gaaliyo Islaam bay mid uun gali lahaayeene
Ninka meyd ku garab taagay iyo guud qandhicilwayne
Guuleed-fansalakh iyo Xabriga ganacu weynaadey
Iyo kuwa ku garab taaganoo aan wax garaneynin
Waxaa garabka loo suri lahaa gorofta ceyreede
Gefloo saxayna kuma goodiyeen goor iyo ayaane
Hadba gabar muxsinadiyo wadaad xarig ma geeyeene
Gab-gabta iyo caadaduna way guri lahaayeene
Gablanse talo adduuney nin baad gabi ka tuurtaaye
Gabaahirig markay kugu furtaad rara gubyootaaye
Ood gogosha diidaa hurda, aad gama’ ka siisaaye
Guuleed ma maantuu xaqii go’ iyo shaal siistay
Gafuur xume shaqaawadu halkaa ma idin gaarsiisay!
Mar hadduuse gabar maxajabaa guulwade u dhiibay
Gafna uu ku been uuntayoo shacabka gaarsiiyey
Gablan iyo Ilaahey u keen geeri filan waaya
Gobanimana uma dhalan xaqana meella kama gaarin
Markuu guur ku waayoo la yiri nagu gayaan maahid
Wuxuu garab u helay inuu yiraa goono wada qaata
Garbasaarka weyn baa nacood gab isku siisaane
Gacma dheerihiinuna qalbiga wayga gubayaaye
Gollonkiina muujiya ishaan guluc ku siistaaye
Ama gala xabsiga shay horaan maanta gudayaaye
Waxba gabaygu yuu ila gudbine waxaan kusoo gooyey
Xashara iyo Guuleedba waa Shuuci gaamuraye
Waxay garab ka heystaana waa doqonki gaabnaaye
Markii waagu geesbari ka kaco ama gaduud keeno
Qorraxduna gantaaleyso ama gabalka soo jeedo
Ninkii gacanta saaree yiraa dunida yey gaarin
Rabbi buu dagaal ugu guntaday kumana guuleysan
Ilaahey geddii lagu yaqiin waa isaga gaare
Cirkoo naga guraan jiray hadduu godalku soo taago
Daruur gaaxsaneyd iyo hadduu gibilo soo saaro
Gufaaciyo hillaac iyo markuu gugaco soo yeero
Xashara iyo Guuleed miyaa gacanta saaraaya!

Dastuurada Gurracan

Abwaanku waxa uu maansada soo socota kaga hadlayaa in Ilaahay xukunkiisa laysku xukumo lagana fogaado dastuurada ay aadanuhu sameysteen, waxaa uu si xunna u weerarayaa maamuladda Muslimiintu sameystaan oo aanan ku dhisneyn xukunkii Alle iyo kuwa raacsan arrinkaa.

Garaad laawe ina aadanoow gaaris baad tahaye
Ma gar qaadatiinoo murtidu waydiin gudubtaaye
Ilaahii dhulkaan noo gogloo samada guud yeelay
Oo gacan arsaaq noo fidshoo uunka wada gaarta
Geeliya ari gamaan iyo fardana gacanta noo saaray
Oo gowso lagu cuni kariyo gacamo noo yeelay
Garashana inoo yeelay iyo guriya meeleysi
Gogol lagu gam’ana noo dhigiyo gudasha raaxeysi
Rabbigaa gashiin iyo biyaba gacanta noo saarey
Godkii aakhirana nagu xukumey gabi ahaanteena
Qiyaamana na soo gabagabeyn yaan la gaar marine
Aadmiyoow garaadaha xumoo garabka kuu saaran
Haddeyan geeri kaa reebi karin ha is go’daadeynin
Oo maalka gurigaaga tuban gacala haw eegin
Buundaad gudbeysaa ogow wabi yar guudkiise
Gadigaana waxaa kuu fadhiya galabsigaagiiye
Waxaan uga gol leeyahay haddaan idin garwaaqsiiyo
Kitaabkayagan laga soo galbiyey samada guudkeeda
Nabi Muxamadoo geesiyana gacanta loo saarey
Ninka gaar maroo qodob u gudey gaala raac noqoye
Geerida horteed diinta maan gebigeen taageerno
Oo maan dastuurada gurracan guba ku luuqeyno
Oo maad giriiftiin wixii gaalo lagu raacey
Rabbi idin ma geliyeen mar kale guuldarriyo ciile
Garaad laawe ina Aadanoow gaasir baa tahaye
Ma gar qaadatiinoo murtidu weydin gudubtaaye
Gunta aqalki aan laga adkeyn gagada aasaaska
Ganbiskoo la naashnaashey baa guri la moodaaye
Adoo gabanadii aad dhashiyo geliyey maalkaaga
Oo gurada dabaq saarey buu gabax yiraah daaye
Markaasaad khasaaraha ku galey gocasho riintaaye
Waxbase lagama gaaroo marbey kula gudbooneyde
Gablan tala aduuney maxey galaba heer joogtey
Maxaase laba is gacaleysan jirey bir isla goobaaya
Maxaa laba gantaala isla dhacay gacal walaaloobey
Ma garaan gar baa dunida sow lagama yool gaaro.

Shirib:
Garaacideedaa gaasirteen asaa gabyowga loo gafaa
Gucunka meelahaan gelshaa garaacidiinu gaasirtaa
Gucuma siibku waa garoo waxaan garaacin caana geel.

Gaaliyo Cawaankeed

Halakan waxaa uu abwaan Abshir Nuur Faarax ku cabanayaa gumaadkii loo geystey reer tolkii oo uu hoggaaminayey Maxamed Faarax Caydiid kaa ay u geesteen ciidamadii huwanta ahaa ee soo galey geyiga Soomaaliyeed dabayaaqadii 1992kii, ka dibna ay isku dheceen kooxdii Caydiid, gaar ahaan gumaadkii 1993kii ay diyaaradaha Mareykanku ku laayeen Muqdisho dhowr iyo toddobaatan odey oo meel kuwada shirayey.

Gaaliyo cawaan keed muddey igu gadaaneyde
Gurmad iyo gargaar been ah baa laygu soo galaye
Waxaase loo gediyey inay garneyl nagu garaacaane
Gun baa nuxur yaroon garan waxii gaal ku soo wado’e
Gurmashadu markay ku habaneyd waanigii galay e
Garna wow lahaa caamadoon dhiiri geliyaaye
Guubaabo iyo shirib waxaan geeyey tiribuunka
Halkaan goolka kaga laadayoon guusha ka iftiinshey
Waxaan dumarka guubaabiyoo gabey u naashnaashey
Geedkaan waraabinahayaad u hargaleysiine
Wadaadadii gujada igu dilow meydin garan siiyey
Gurta miraha guushii helnaye garar yareydeene
Inaan idinku godo gabayga waad galabsaneyseene
Gar waa loo muslime maalintii nala gumaadaayey
Oo gaalku ina leynayoo goob lakala xaartey
Gantaalkii diyaarad ka iyo madaafiicdii goobta

Godka buur hindiyo Olombig wuxuu gorofsanaa maydku
Waxii geed jacel nagu qabsaday geeri loo dhalaye
Iyo gacalki nagu diganayoo ugu gargaaraayey
Soddonki geed jaceel oo tolnimo garabka noo siiyey
Iyo miino gelintii un baad nagu gargaarteene
Shacabkaase geediga malmalan Yunisom gaarsiiyey
Guubaabadii buuna boqorku igu guuleeyey
Afartaa hab aad garan kadhiyo gabayadeydii dhe
Ganuunaca wadaaddada xag jiroo guuxa damin waayey
Gidaar aan isaga oodey iyo gar iyo dowgey dhe
Afar kalana waa gool dhashiyo darajonoo gaara
Gardarrada cadaankaa kuwii nagu gumaadaayey
Nimankii guryaha nagu dunshoo gowda naga taagey
Isticmaarka guunkaa kuwii nala dul gowriirey
Nimankii geleydiyo garneylka isku goosaarey
Gargaarkii naloo ururiyana geliyey jeebkooda
Guurti iyo xeer beegti iyo ubadaan qaangaarin
Nimankii gantaalaha Kobrada gowda kaga saarey
Oo gurigi Qeybdiid ku gubey duulaan garanaayo
Oo mayd garaac noogu daray geeri loo dhalaye
Oo dunida gaarsiiyey warar gubayey laabteena
Oo shaybka geeri u rabiyo god iyo booraanta
Oo cadowga nagu gaafayoo gama’a noo diidey
Gargaarkiina gumac nooga dhigay ruuxa naga gooya
Gardarrana ku taageeray koox gaala dabajooga
Kilintoon garjiidihi kufriga oonakala gaabshey
Markii uu gumaad iyo xasuuq noogu gacantaagey
Oo dunidi gees naga martoo godob naloo qaadey
Oo taladu gabawarantayoo dhiigu galac leeyey
Anaguna go’aan gaarney waa gob iyo xeerkeede
Waxaan godobtii ku colaadinoo gocasha riinaaba
Allaa noo gargaaraye markii guushu inaraacday
Duqay goobayeen bay galliin ula gurguurteene
Gablan talo aduuney maxay galabba heerjoogtay
Ma gariifey Caydiid kufrigii godobi waa keyd e
Ilaahaygi garansiiyeybaan mahada gaarsiiney
Waxay Yunisom noo geysatana geliney diiwaanka
Aan soo gunaanado tixidii igu gulaalneyde
Rag isguursadiyo aydisbaad soo galbinayseene
Iga guura gaaliyo Islaam gacal mayeeshaane
La gadooma dib u gurasho iyo guul dariyo ciile
Gadaalna haygu soo noqon abaal iima aadgeline
Allana meel san kuma geeyo waa galabsigaagiiye
Guri hoogey dega aakhirana gala cadaabtiiye
Afartaa intaan kaga gudbaye gobo kalay dheere
Halkaan gabayga ula jeeday baan idin gudoonsiine
Khamiistii Jimcadu soo goshoo guushu hana qaadey
Faragelintii Yunisoomna ay gabagaboobeysay
Baddii baan isugu gayney iyo galayaxoodkiiye
Waxay galabsadeen bay heleen waa gadaan rabaye
Guntii ururtay naga guure iyo geedo waaqlihuye
Gaaraaya cuuntii bixiyo goroya cow shuye
Ga’yigayagii Yunisoom ka tage gabi ahaantoode
Gonda jiid gadaal dhugada bay xaley ku gguureene
Guddoomiyihi qarankuna wakaa libin ku geegaarey
Oo shacabka gaarsiiyey waa gob iyo xeerkeede
Gablan talo adduuney maxaan galaba heerjoogney

Nimankii guryaha nagu dunshoo gowda naga taagey
Isticmaarka guunkaa kuwii nala dul gowriirey
Nimankii galeydiyo garneylka isku goosaarey
Gargaarkii naloo ururiyana galiyey jeebkooda
Guurti iyo xeerbeegti iyo ubadaan qaangaarin

Nimankii gantaalaha Kobrada gowda kaga saarey
Oo gurigi Qeybdiid ku gubey duulaan garanaayo
Oo mayd garaac noogu daray geeri loo dhalaye
Oo dunida gaarssiiyey warar gubayey laabteena
Oo shaybka geeri u rabiyo god iyo booraanta
Oo cadowga nagu gaafayoo gama’a noo diidey
Gargaarkiina gumac nooga dhigay ruuxa naga gooya
Gardarrana ku taageeray koox gaala dabajooga.

Markii Cadowgi Loo Jabay!

Abshir Bacadle gabaygaan waxaa uu ku bilaabanayaa tuducda ah “Markii cadowgi loo jabay, Culimadina yaaceen.” Gabayga guud ahaan waxaa uu ka hadlayaaa xaaladda Muqdisho ka dib markii maamulkii Maxaakiimta ee uu hoggaaminayay Sheekh Shariif ay ka baxeen gabi ahaanba Muqdisho ka dib markii ay maamulayeen muddo gaaban oo lix bilood ah, muddadaa gaaban waxaa aad isku beddeley xaaladda nabadgelyo iyo siyaasadeed ka dib markii degaaankaa muddo 16 sano ay ka jirtey dhibaato aan la qiyaasi karin.
Run ahaantii qiimaha gabayga waxaa uu muuqanayaa Bacadle oo markii ugu horreysay ka gabyey arrinkaa tan iyo markii ay Muqdisho isaga baxeen Golaha Maxaakimta ka dib markii dowladdii Soomaaliyeed ee uu hoggaaminayay korneel Cabdullaahi Yuusuf iyo ciidan Itoobiyaan ah ay gacanta ku dhigeen maamulka magaalada gabi ahaanba.

Markii cadowgi loo jabay,
Culimadina yaaceen,
Meydku waa cashara dhaaf
Cishiriin hadow sigin,
Ama caga cageyneyn
Cawiyo beriba waa toban

Cayayaanka hoosiyo
Cadad ma leh isbaaradu,
Waa ceeryaamo tuugadu,
Dadkii waa cuburiyeen

Calaladey ka siibtaan,
Casirkii baan xaroonaa,
Caruurta iyo dumarkana
Cilalowga fiidnimo
Cajiin looma diri karo,
Waa loo cabsanayaa
Albaabkaan ku celinaa,
Cishaha looma bixi karo,
Maqribkaa ciriiriya,
Cidima gadato moobayl,
Cadowgiisii baa badan
Oo waa loo cabsnayaa,
Ciribtaanse leenahay
Nabadi waa cakiran tahay,
Nin iyo cududi mooyee,
Cadli iyo garsoor ma leh,
Ciribtaanse leenahay
Cisigi iyo sharaf ma leh,
Xugunkii cadaa maleh,
Amnigii caam ahaa maleh,
Nabadii cukaneyd maleh,
Cosobki iyo ubax maleh,
Cagaar iyo udgoon maleh,
Saxan saxo cosoba maleh
Culumadu nufuud ma leh,
Codkii Sheekh Shariif maleh,
Oo iimaanka culi jiray,
Caqiidadana sixi jiray,
Asleynkana ku caanbaxay,
Shacabkana u ciil tiray,
Ciribtaanse leenahay;
Haddii cadowgi loo jabay
Culimaduna yaaceen,
Raggii waa casilan yahay
Carcar iyo nashaad ma leh
Gabdhihi baa cirkaa mari
Cawiyo barriba aan hoyan
Dhaawicina caawiyay,
Cuniyo daawaba u sida
Gabdhaheenu waa calan,
Cafiyo caafimaad iyo,
Cisiyo sharaf Allow sii,
Ninkii calaf u geeyana,
Saxan saxo cosoba iyo,
Caraf iyo udgoon iyo,
Ilaahow cishqi u saar
Reerka isku celin kara,
Caruurtana u barakee,
Caqiiqada saxaa
Iyo cilmi naaficana sii
Allow cadaawo how cidleyn
Cafiyo caafimaadna sii
Markii cadowgi loo jabay,
Culimadina yaaceen,
Cunadi waa beddelan tahay,
Carabku guustadii maleh,
Caanuhu labeen maleh,
Ciirtayadu subag maleh,
Cambuuladu saliid maleh,
Cusbo malahan suugadu,
Hilib noo cuntama maleh,
Waa caato iyo weyd,
Cayil iyo baruur maleh,
Maraqiisu cabid maleh,
Cusbaa lagu dhanaanshaa,
Khudradu waa canyaayaas,
Caraf iyo udgoon maleh,
Reexaan cosoba maleh,
Biyeheenu waa callow,
Qofkaan caafi gadan karin,
Cudurow u halis yahay,
Carruurtaa u sii nugul,
Ciribtaanse leenahay

Waxaa kaloo cajaa’iba
Maxkamadihii cadliga iyo
Cisiga iyo sharafkiyo
Nabadii carfooneyd
Caradaan ku soo rogay,
Kuwii caayi jirayoo
Ceeb ka sheegi jirayoo
Caddowga soo hogaanshaa
Cabaad koodu baxayaa
Oo soo calaacalay

Allow culumadii keen,
Oo maxkamadii soo celi
Codkoodaan ku heynaa,
Waxba hay cabaadina
Cudur daarna lama rabo,
Caddowga idinkaa waday,
Culumadana kaarahay,
Iska celiya tuugada,
Isbaaradana cirib tira
Ama carara fiidkii,
Waa rag iyo ceebtiiye!

Shirib
Cudur ku doorso caafimaad
Calaqya biirna caana mood

Wuxuu u raaciyay gabdhaha:

Allow cadaawa how cidleyn
Cafiyo caafimaadna sii!

Cantara Baqash

Gabaygaan afarreyda ah wuxuu jawaab u yahay, gabay uu soo direy nin la yiraahdo Ibraahiin Bisle oo Ogaadeen reer Cabdulle ah, kuna noolaa waagaa xiryaha qoxootiga ee Baladweyne, gabaygaasna waxa lagu aflagaaddeeyey wadaaddada iyo hablaha is asturey markay taariikhdu ahayd 1987kii. Abshirna waxaa uu ugu jawaabey sida tan, laakiin tixda Abshir nafteeda kama marna aflagaaddo iyo isir ummad kale waxyeeleeyo sida ka muuqata beydka ugu danbeeye ee tixdan:

Hubka cukus carruur laguma rido caana nuugyo ehe
Cirraana madaxa iga taala iyo laba canjiidoode
Caaqibana ma leh gabay hadduu cay u joog yahaye
Cisiyo sharafki waa diinta oo lagu caddeeyaaye
Canaan mid ugu filan aan u diroon cudur ku reebeenin
Waxaad cabatey waxad ciil qabtiyo waxaad cabaadaysay
Cunsur hooyo waxaad sheegatoo odaygi ceebaysey
Waxaad laan carduna raamsatoo camanka buureysay
Waxaad meel ciriiryoon gashoo ku citikaafaysay
Waxaad caarif gabay sheegatoo caalamka u haysta
Cajalkaa candhuufeysay baa ciil iga hayaaye
Cashara sana marbaad curatayoo cay iyo habaara
Cantara baqashku waa maxay jawaab iima soo celine
Cub iyo cir caraatan iyo faan shuqul caruureed ah
Googaale cadaleysigiyo cayda iyo faanka
Iyo sidaan caqiidada u saxay waaba kala cayne
Calinaar afuuf iyo intaad cadow ku faaneysay
Cabdullaahi yeelkiye Xasaan cidi ma kuu sheegtay
Sidii bahalka cowlaa markuu ugu codeenaayey
Halaaqada cajiibka le’na uu caman ku taagleeyey
Oo labana caadi u fidsaday labana caacuurshay
Carrabkiisa khayrka le’na uu cadow ku naafeeyey
Oo uu Nebiga ugu ciil tiraan ka cabbir qaataaye
Adigana kuwii caayey baad cirib wadaagtiine
Calayhi saabiqaa inaad qabtaan cidina moogeene
Cunnaad noogu dudi iyo waxaan caadil kuu qorine
Intay diintu celisiyo markaan culumaduun reebo
Cunsur baad u leedahay hunguri cabara taariikhe.

Cawareere Kuma Siinin

Wuxuu abwaanku gabaygan tiriyey mar ay islaan eeddadiis ahayd, oo la yiraahdo Maryan Faarax u soo dirtay gabay ay ka mahad celinayso macruuf uu u sameeyey Abshir taas oo ah, isaga oo u iibiyey guri ku yaallay tuuladda Ceelka Hilmo oo ah hanti maguuraan ah ee ku yaal degaanka Mudug.

Carraabada galbeed iyo ratiga caynka lagu giijay
Iyo wiilka cudurkiisu waa kugu cuslaadeene
In Ilaahay kuu caafiyaan ka codsanaynaaye
Adna ceelka kaa quudiyoo cayrta kaa bixiyo
Aqalkii cusmaan1 waa mulki aad caawa leedahaye
Cindigaaga kuma hayn mar baad calafsan doontaaye
Mid camiro carruurtana mid dhigo caadilkaa yiriye
Cawareere kuma siinin iyo culumadiiniiye
Mid Ilaahay igu caawiyaan kuugu ciil tiraye
Ku calool adeeg taan hayaad ila cunaysaaye
Anna maalin aan cayrahaa calafsan doonaaye!

Caado Jaahili

Cinwaanka gabeyga ayaa ku cad abwaanka waxa uu kaga hadlayo maansadaan oo ku aaddan waxyaalaha khilaafsan diinta Islaamka kuwaa oo u badan caado iyo dhaqan aan diinta sal iyo baarba ku laheen, laakiin hadal abwaanka waxaa uu u socdaa dhanka caqiidada iyo akhlaaqda suubban, sida xijaabka iyo dhowrsanaanta xummaanta laga dhowrsado.

Nimanyahow waxaan la cajabaye ii cuntami waayey
Nin caqli lihi diintiisa waa ku cibra qaataaye
Afar culimadeenii qabtoo caamada u dhiibtay
Oo caado jaahili ah oo caro Ilaahey leh
Oo lagu cadaab mudanayoo ceebi ku idlaatey
Markuu caafimaad qabay ninkii cunayey maalkeenna
Oo cudur ku dhacay iyo xanuun caafin kari waayey
Markaan calal ku duuduubnayoon ciidda hoos geliney
Siduu aniga ii caawiyaa way cuntami weydey;
Cudurdaar ma jiro aakhiree haatanba caddeyso
Ha collaysan diintaadi baan kuu casbirayaaye
Ha caadeysan waxaan Eebbahay diinta ku caddeynin
Waxa meesha kugu cubahayaa waa casabadiiye
Calalkaa yar bey kugu xireen kuguna ceejeene
Culayskey ku saareenba wuu kuu cadaab noqone
Gidaar kaad cagaynaysid bey kugu cabeeyeene
Cilaaqaadki wey kuu jareen caawa dabadeede
Cidqaadki aad qabi jidheen kala carawdeene
Ciriiriga halkaa yaala wey kugu cidleeyeene
Caruurtaadi bey dhacahayaan culimadoodiiye
Cabdulqaadir kaad wacan jidheen naar ha kaa ciliyo
Caqiidada nimaan toosinoow haba cibaadaysan
Ciiryaamo roob maaha ee ha isku ceebeynin;
Inta aad cadaabkii ka tegi carunka muudmuudso
Cafina kuuma diiddani hadduu Caadil kuu qoraye
Nimanyohow waxaan la cajabaye ii cuntami waayey
Oon gogosha ciil kala kocoon caro lasoo toosay
Caariyadda iyo biidka yaan laga careysiinin
Oo waa caruuraan dhallaye ceebta ka ilaasha
Cafiifooyinkiyo daacigana cayriyoo jebiya
Cowrada middii dedatayoo calal kusii daysay
Oo aan cidnana maagahayn diintana ciseysey
Waxaad kula collowdee u tiri cayriyoo jebiya!
Adduunyadana ceeb aakhirana caro Ilaahay dheh
Kuman yaal carruurtii ka tegey cunay raggoodiina
Oo waalidkood caasiyoo caaya deriskooda
Afkey soo caseystaan sidey carun ka daaleene
Ciddiyaha haddey kugu saraan caafimaad ma leh
Afkuunbey caddeeyaan beley calashanaayaane
Curuubiyo Jubbey tuban yihiin mana ciqaabtaane;
Cafiifooyinkood neceb tihiin caro Ilaahey dheh!
Colaad uma qabtide Baararkaad kala casheysaaye
Casir weerar bey soo kacshaan kumana caydiine
Mid cirro leh sigaarkana cabtoo madaxa coosh-cooshtay
Oo cagaha boorku leh sidey cayro ugu haysey
Colaad uma qabtide Baararkaad kala casheysaaye
Cafiifooyinkood neceb tihiin caro Ilaahey dheh.

Geelle (Geeraar)

Geeraarkaan waxa uu abwaan Abshir Bacadle mariyey bilowgii shirkii Jabuuti 1999kii illaa 2000 ee dib u heshiisiinta Soomaaliya kaas uu ku ammaanayo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo dowladdiisa sida ay uga danqadeen walaalahood Soomaaliyeed ee ku habsatey musiibada collaadda daba dheeraatey.

Ismaaciil Cumar Geelle
Warka siduu u caddeeyoo
U caloola qufeeyeyoo
Cadku noogu dhaqaaqay
Shacabka wow cuntamaysoo
Cindigay ka rabeenoo
Caddaaladey la dhaceenoo
Colaaddey nacayaane
Inta dhiigga ku cayshtoo
Kaligood caqligaa
Iyo reer Cartan jaahil
Warkaa waa ka caroodeen
Habeenkaa ciil lama seexan
Caddaaladaana dhibaysoo
Colaadey ka helaan
Qof kastoo caqligiisa
Caadilkay u dhameeyoow
Ismaaciil Cumar Geelle
Carruurtaada u sheeg
Ku caddeeya qoraallo

Shirib:
Ismaaciil codka noogu yaal Carabiyo Cajami nooga roon!