Category Archives: Sheeko Gaaban

Ceelka

Bari hore, ayaa waxaa jiray afar qoys kuwaas oo ku noolaa tuulo yar oo Soomaaliya ku taala. Qoyska koobaad way murmaan maalintii oo dhan, qoyska labaad waxuu aah ku honguri wayn, qoyska sadexdaad waxay badanaa kaga maqanyihiin tuulada sahamin sababtoo ah waligood kuma ayna qancin waxa ay haysteen ama meesha ay ku noolaayeen. Laakiin qoyska afraad waxuu ahaa mid dagan oo samir leh, waxayna ku raaxaysteen noolasha dhextaala bulshadooda yar.

Habeyn, gabadha qoyska sadaxaad ayaa u baxday sahamin markii ay heshay ceel ku qarsoon geedo dhexdood duurka. Gabadhii waxay si dhakhso ah oogu soo noqotay qoyskeedii waxaynaa u sheegtay ceelkii sidaa darteedna waxay bilaabeen inay biyahooda ka dhaansadaan ceelka.

Ma ayna fogeyn goortii ay maqleen qoysaska kale warka ceelka, waxayna si dhakhso ah afarta qoysba ka dhaansanayeen biyahooda ceelka ilaa uu ka gudhay.

Tani waxay sii socotay muddo, waxayna ahayd mid muuqata in biyaha ceelka ay sii yaraanayeen, wali qoysna ma rabo inuu joojiyo isticmaalidda ceelka maadaama uu ku dhawyahay tuulada waxaana laga waday taas inayna u dhaqaaqin inay helaan biyo kuwaas ooy u isticmaalaan inay cabaan ooy ku karsadaan ooy isku nadiifiyaan.

Maalin, ayaa nin garaad ah, kaasoo badanaa ogaada siraha ceelka, ayaa qoys kasta la hadlay. Garaadku waxuu u sheegay, ‘Caawa waa inaad joogtaan guryihiina. Waa in iidna ka dhaansan ceelka habeenka oo dhan, qaabkaas biyuhu waxay heli doonaan wakhti ay ku soo maaxdaan.’

Qoys kasta waxuu oggolaaday inuu ka joogo ceelka, gaar ahaan sida uu garaadku oogu digay in la marin doono ciqaab daran qoys kasta oo u hogaansami waaya sharcigan.

Laakiin markii habeenku madoobaaday, wiil qoyska koobaad kama hor imaan booqashada ceelka asagoo doonayay inuu hubiyo inuu helo biyo buuxa maalinta soo socota sidaa darteed qoyskiisu iskuma khilaafin kaasoo u galayay socdaal dheer ceelka caadiga ah ee ay isticmaalaan dadka kale ee tuulada. Waxuu aaday ceelka asagoo xanbaarsan labo haamood oo waaweyn wuuna ku buuxiyay labadoodiiba xagga sare inta uuna ku soo noqon gurigiisa wuxuuna ku qariyay haamaha meel aan laga arkeynin.

Mar aan sii fogeyn, sidoo kale wiilka qoyska labaad ayaa aaday ceelka waxuuna ka buuxiyay labo haamood oo waaweyn xagga sare maadaama uu ahaa mid hunguri badan waxuuna u rabay biyaha qoyskooda oo kaliya.

Ka dib sidoo kale gabadha qoyska sadexaad waxay aaday ceelka maadama ooyna khilaafsanayn sahaminta habeynkii waxaana macquul ahayd inay ahayd midda heshay ceelka markii oogu horeysay sidaa darteed waxaa lahaa qoyskeeda kaasoo u qalmay biyaha dheeriga ah inkastoo uu soo jeediyay digniin garaadka.

Maalintii xigtay, garaadku waxuu booqday ceelka waxayna ahayd mid murugo leh in la helo in uu gabi ahaan gudhay. Waxuu sugay ilaa uu ka ogaaday in dhamaan qoysasku aay ka baxeen guryahooda, hadaba waxuu booqday guri kasta si xidhiidh ah.

Guriga koobaad waxuu ka helay labo haamood, mid ka mid ah way madhnayd, laakiin ta kale waxaa ka buuxay biyo laga soo xaday ceelka. Markii uu booqday guriga labaada iyo kan sadexaad sidoo kale wuxuu helay haamo biyo ah oo ku qarsoon meel qofna ka arkayn. Laakiin markii uu booqday guriga afraad waxuu helay in ay haamuhu qalalanyihiin waxuuna yaqiinsaday in qoyska samirka leh ay xalay oo dhan gurigooda joogeen. Waxay u hogaansameen digniintiisa waxayna iska daayeen ceelka sidaa darteed biyuhu way soo maaxan karaan markale.

Garaadku waxuu oogu yeedhay dhamaan afarta qoys goobta kulanka ee tuulada asagoo u soo jeediyay arintii ceelka. ‘Dhamaan sadexdiina qoys waxaad ka xadeen ceelka biyo anoo xataa idiin sheegay inaan la sameyn,’ ayuu ku yidhi garaadku hadal kulul. ‘Waan ogaaday tan sababtoo ah waxaan booqday guryihiina saaka waxaanan helay haamo biyo ah. Maadaama ood diideen amaradaydii waxaa laydinku khasbi doonaa si ganaax ah inaad joogtaan guryihiina soddon maalmood iyo soddon habeyn cunno ama biyo la’aan. Waxaan rajaynayaa in aad xilligan ka fakiri doontaan khaladka aad sameyseen.’

Qoyska afraadna waxuu ku yidhi, ‘Waxaad u hogaansanteen talooyinkaygii waaxdna joogteen gurigiina xalay oo ma iidna tagin ceelka. Qaata warqaddan oo fura marka aad tagtaan gurigiina.’

Qoyska afraad waxay qaateen warqadda waxayna ku noqdeen guriga. Markii ay fureen warqadda waxaa jiray gudaheeda khariidad. Qoyska waxay raaceen tilmaamaha khariidadda socdaal maylal badan ah ka dibna waxay heleen ceel ay ku xeendaabanyihiin geedaha midhaha leh oo badan iyo dhirta qudradda ah. Waxaa jiray cunno iyo biyo ku filan qoyska cimrigooda oo dhan!

Qoysaskii lagu ganaaxay inay joogaan guryahooda cunno iyo biyo la’aan waxay barteen cashar lama ilaawaan ah maalintaas. Waxay barteen in ay marwalba ay wanaagsaneyd in la maqlo talooyinka odayaasha oon la sameynin waxyaabo marka laguu sheego inaadan sameyn. Waxay kaloo yaqiinsadeen in qoyska afraad lagu abaal mariyay samirkooda iyo u diyaar noqoshadooda inay raacaan sharciyada taasoo bulshada faa’iido u leh.

Sheeko Aniga Iga Oohisay

لقد كان في قصصهم عبرة

Assalaamu Alaykum walaalaha qeymaha iyo qaayaha badan ee kuxiran websitekan qeymaha badan. Maanta iyo maqaalkeena wuxuu ku saabsan yahay sheeko aniga iyo dad badan oo akhriyey ka oohisay. Waxaan quud-daraynaya inaad idinkana cibro ku qaadankartaan oo ah hadafka dhan ee sheekooyinka.
Sheekadu waxay ku socotaa gabadh magaceeda layirah Cassie iyo sida ay diinta Islaamka ku soo gashay oo runtii ka duwan sida ay dad badani kusoo islaamaan. Aniga qof ahaan waxaan kashaqeeyaa Islamic center ay dad badani ku soo musliman. Markasta oo aan dhagaysto qisada ay ku soo muslimeena ayaan diinteyda dib u eegaa oo Allah ku mahadiya!
Qisada waxaa loogu magacdaray markeedii hore ‘ How An 80 Yr. Old Man’s Salat Brought Cassie to Allah’
Qisadan oo si qurux badan loogu qoray afka Englishka waxaan ka cadurdaaranaya haddii aan usoo gudbin waayo sidii ay uqortay gabadha sheekada soo diyaarisay.
Waana tanaa sheekadii oo kubilaabatey:
Magacayga waxaa layirahda Cassie, waxaan ahey 23 jir sanadkan kasoo qalinjabiyey iskuulka kalkaalinta caafimaadka. Shhaqadii iigu horeysay waxaan kaheley meesha lagu xanaaneeyo dadka waayeelka (Home nurse).
Qofkii iigu horeeyey ee la’igu qorey wuxuu ahaa odey 80 jir English ah oo qaba cudurka ‘Alzheimer’s‘. Maalintii iigu horeysay ee aan shaqada soo galay ayaa la ii dhiibey fileka bukaanka. Haddii aan isha la raacay waxaa ku qoran inuu diinta islaamka galay oo uu yahay’convert’.
Horey ayaan u ogaa in hab-dhaqameedka meesha(home nurse) qaarkiis uu kahor imaandoona diintiisa sidaas darteed aan ubaahanahey inaan fahmo waxyaabaha uu ubaahanyahay si aan ugu khidmeeyo sida ugu wanaagsan.
Waxaan usoo iibin jirey hilib xalaal ah oo si gooni ah ugu kariyo. Waxaan ka fogeeyey dhamaan wixii leh hilibka doofaarka iyo khamriga. Waxaas oo dhan waxaan ku ogaaday kadib markii aan sameeyey baaritaan ku saabsan waxyaabaha ay muslimiinta diidanyihiin.
Dhibanahan wuxuu ahaa qof ay xaaladiisa caafimaad aad uliidato oo ay adag tahay in loo khidmeeyo. Xitaa saaxibadey ayaa ilayaabi jirey sida aan ugu dadaalayo qof ay xaaladiisu sidaan tahay oo hadana sita diin qariib ah. Anigase waxaan u arkaayey ‘qof diintiisa’ daacad u ah oo ubaahan in la ixtiraamo”
Sikastaba ahaatee, isbuucyo yar haddii aan lajoogey waxay indhahayga kudhaceen isagoo samaynayo xarakaat isu eg.
Ugu horeyntii waxaan uqaatay arkay qofkale oo uu kudayanayo laakinse waxaa ii muuqatay inuu ku soo celcelinayo waqtiyo gooni ah sida subuxa, galabka iyo fiidka. Waa xarakaat gacmaha kor loo taagaayo, foorarsi, madaxa oo dhulka ladhigo iyo kuwa kale oo aan fahmi waayey waxa ay kadhiganyihiin. Wuxuu ahaa mid akhriyo jumlada aan fahmi waayey luuqada ay yihiin inkasta aanu sifiican uhadli Karin markiisa horaba xanuunka dartiis.
Wuxuu ahaa mid iga diido inaan gacanta bidix ku quudiyo inkasta oo aan ahaa qof guran, ‘Malaha waa arin diintiisa salka ku haysa oo aan weli fahmin sababta’
Goor aan isla wareersanahay ayaa qof aanu saaxibo aheyn ii sheegey inuu jiro paltal lagaga dooda arimaha diinta oo laga yaabo inay iga jaahil bixiyaan waxyaabaha uu samaynayo iyo sida aan ula macaamulil lahaa. Waxaan is iri malaha waa fikrad wanaagsan inaad Musliminta waydisid.
Ficlan, waxaan galay qol layirahdo ‘True Message’
Halkii ayaan dadka ku weydiyey su’aalo kusaabsan wixii aan ku arkay bukaanka; waxaana la’iisheegey inay tahay sida loo tukado salaada. Marumaysan jawaabtii laga bixiyey ilaa uu qofkale soo galiyey youtubeka ‘islamic prayer’
Yaab iyo amakaak ayuu ilaahey ii keeney,qof ay kadhuntey xusuusta oo dhan xitaa caruurtiisa ‘magacyadooda’ oo cunitaanka iyo cabitaanka uu dhib ku yahay ayaa weli sii xasuusta salaada iyo sida loo tukado! Kaaga daranka, xitaa qur’aankii ayuu sii xasuusta oo kuqoran luuqad kale oo aanu udhalan.
Waxay igu noqotay waxaan qaadan waayey; waxaana ii cadaatay inuu daacad kayahay diintiisa, taas oo iga dhalisay inaan barto diintiisa si aan ugu khidmeeyo sida ugu wanaagsan.
Waxaan caado kadhigtay inaan maalinkasta soo galo Paltalga. Waxaa la’isiiyey linka- meel aan ka aqrinkaro Qur’aanka turjumadiisa iyo dhagaysi intaba.
Waxaan aad ugu heley Suuratu Annaxal ‘Shinida’ oo aan maalintii dhowr jeer dhageysan jirey.
Waxaan go’aansaday inaan Qur’aanka wax ka gaarsiiyo odayga- bukaanka. Qur’aanka ayaan ku soo duubey iPodgayga kadibna ugeeyey si uu udhagaysto.
Cajiib, Qur’anka marka uu dhagaysto, marna wuu ooya marna wuu dhoola cadeeya! Anigoo yaaban sida ay wax kayihiin ayaan fiiriyey tarjumada aayadaha markaas ayaan fahmay sababta. Wuxuu ahaa mid ooya marka uu maqlo aayadaha cadaabka kasheekeynaya, wuxuuna farxa marka laga sheekeynayo janada!
Waxaan isku dayey inaan kudhaqmo wixii aan kabartay paltalga haseyeeshe waxaan is arkay anigoo naftayda iswaydinayo su’aalo aan weligey jaanis uhelin inaan isweydiyo sida aabahay iyo meesha uu kudanbeeyey; hooyadey waxay dhimatay anigoo 3 jir ah. Aniga iyo walaalkey waxaa nasoo koriyey awoowgeen iyo ayeydeen oo iminka sii mootan 4sano. Waxaa hada ifka kunool aniga iyo walaalkey oo kali ah. Waxaas oo dhibaato oo isoo gaartey waxaan hadana uhaystaa inaan faraxsanahay!
Joogitaanka aan la joogey bukaankan ayaan dareemey inay wax iga maqanyihiin.Waxaan qalad ufahmay waxa uu yahay xasiloonida iyo daganaanta ‘peace and tranquillity’.
Gabar aan kabartay Paltalk ayaa isiisey magacyada masaajidyada ku yeela meesha aan daganahay; waxaana booqdey mid kamid ah. Waxaan daawadey sida salaada loo tukado, indhahaygana waxaa kusoo istaagi jirey Ilmo! Masjidka ayaa naftayda la jeclaysiiyey.
Imaanka iyo xaaskiisa ayaa aad ii soo dhaweeyeen oo isiiyey cajalado iyo buugaag aan ka faa’idaysto, ayagoo weliba iiga jawaabi jirey wixii su’aalo ah oo aan qabo.
Dadkii aan ka bartay Paltalkga,su’aal kasta oo aan weydiyo si sahlan oo cajiib ah ayey iigu jawaabaan oo ay qasab igu noqotay inaan aqbalo.
Horey wax diin ah oo aan aamisanaa majirin laakinse had iyo jeer waxaan rumaysnaa inuu jiro Ilaah walow aanan garaneyn sidii aan u caabudilahaa!
Su’aal aan jawaab uwaayey?
Galab galbaha kamid ah ayaan soo galay Paltalk, qolkii ‘the True religion’. Midkood ayaa microphoneka qabsadey isagoo iweydinaya inaan wax su’aal ah qabo. “Maya” ayaan ugu jawaabay. Waxaa kale oo uu iweydiyey inaan kuqanacsahay jawaabihii laga bixiyey su’aalihii aan dadka waydiyey. Waxaan usheegey inaan ku qancay!
“Maxaay tahay waxa kaa hortaagan inaad islaamka soo gashid?” Ayuu iweydiyey! Waxaan kujawaabo ayaan garanwaayey.
Waxaan dib ugu laabtay odaygii bukaanka ahaa. Indhihiisa ayaan eegey anigoo quudinaya, waxaan yaqiinsadey in la’ii soo direy oo ay meeshan arin ka socoto.
Runtii, jawaabta uu ninka iweydiyey waxa iga hortaagan waa cabsi… ma’ahan cabsi inay wax igu dhacayaan… ee waxaan kabaqaya runta !
Galabtaas ayaan go’aansadey inaan kudhawaaqo shahaadada. Imaamka masjidka ayaa ii qabtay shahaadada kadib markii uu ii sharaxay waxa la’iga baahanyahay.
Masharxi karo sida uu dareenkeyga ahaa markii aan ku dhawaaqay kalmadaas.Waxay ila aheyd sida ayadiyoo qof hurdada iga soo kiciyey oo indhaha si aan caadi aheyn wax ku eegayo.
Qofkii uhoreeyey ee aan usheegey wuxuu ahaa walaalkey. Ama bukaankii… markaan usoogalay anigoon afka kala qaadin ayuu isku daray dhoola cadeyn iyo ilmo; kadibna hortiisa ayaan kula dhacay farxad iyo oohin. ‘wuxuu igu leeyahay fadli aan lasoo koobi karin, Allahana ka abaalm mariyo’
Qolkii Paltalk ayaan ku soo noqday anigoo ku celcelinaya shahaadada si ay iila wadaagaan.Waxay aheyd maalin farxad badan oo noolasha isbadashay!
Inkasta oo aan midkoodna arag,waxaan dareemey inay iiga dhow yihiin walaalkey.Dhamaantood waxay igu leeyihiin abaal aan lasoo koobi Karin!
Ugu danbayntii walaalkey ayaan telephone udirey anigoo usharxay diinta aan galay. Inkasta oo aanu ku farxin hadana wuxuu ii balanqaaday inuu igarab istaagayo.
Gabo gabo iyo geeridii odayga!
Isbuuc kadib markii aan diinta islaamka soo galay waxaa dhintey odaygii, isagoo jiifa oo aan dul taaganahay ayay nafta kabaxday(Innaa Lillaah wa innaa Ilayhi Raajicuun)
Wuxuu udhintey si dhibyar oo ay ku jirta raxmad! Anigana waxaan ahaa qofkale ee la joogey goorta uu ifka ka tagay!
Wuxuu ii ahaa sida aabahaygii aan waligay arag, wuxuu ahaa wadadii aan islaamka ka soo galay!
laga soo bilaabo maalintii aan shahaadada ku dhawaaqay ilaa maanta iyo inta aan noolahay waan uducaynaya inuu Allah ka abaalmariyo camalkasta oo aan sameeyo.
Dadow, Islaamka waa diintii Ilaahay oo albaabkeeda ufuranyahay cidkasta oo doonayso. Allah waa Raxmad badan yahay, wuuna naxariistaa.
* Cassie oo ifka ka tagtay sheekadan kadib *
Walaasheen Cassie waxay dhimatay October 2010 kadib markii ay islaamka ugu yeertey walaalkeed oo uu soo islaamay.(innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun)

Waa Walaalkiin Aadam Cabdi Abuu zuhri

abuzuhri1@gmail.com

Coley

Burhaan Cali

Waan xasuustaa markii iigu horreysay ee aan muuqeeda arko xilahayga aan ula baxay ‘Coley’ laakiin waalidkeed ugu wanqaleen ‘Saafi’. Waxay ahayd galab dhiillo colaadeed taagnayd oo iyada iyo dhawr dumar ah oo caraysani ay ragga dhagxinayeen iyagoo islamarkaana ku dhawaaqaya, ” Kacoo dagaalka aadda, raggii go’ye ama noo bixiya saraawiisha, oo gashada diraca iyo googoradahayaga”. Waxaan ka mid ahaa raggii maalintaa qiiradu qaadday. Waxaan dusha kaga booday gaari tikniko ah, waxaanan anoo dhoolla caddaynaya isla markaana sii taqsiimaya ku iri Saafi oo gaadhiga dheeggiisa taagan, ” Illin dambe ma qubi doontid ee nagu kalsoonow nagana war sug”!.

Dagaalkaa aan u qalab qaatay ma ahayn mid aan ku difaacayay Qaran ee wuxuu ahaa mid aan isku gumaadaynay walaalahay Soomaaliyeed balse aannu kala hayb nahay. Aniga iyo Saafiba waxaan ka qaybgalnay dagaal xawaalad ah. Waa dagaal naloo soo waariday, annaguna aannu sii xawili doonno. Waa dagaal boqollaal sano soo socday inta la hubo, cid og sabab uu ku bilawdayna ma jirto. Dagaalkii noocaa ahaa ayaa markan shaar siyaasadeed loo geliyey, wixii la ogaa baana ka dhacay!

Guul ayaan ka soo hooyney dagaalkii, warkayguna anoon magaalada soo gaarin buu iga soo horreeyey. Wiil hoog goobta uu galo wacdaro ka dhiga, ayaa la igu maamuusay, billad-sharaf qoys oo maalmo magaceedu jirana waa la iigu ladhay! Dadkii nagu soo xoomay markii aannu guusha la soo hoyanay ayay ku jirtey Saafi. Iyadoon iska warqabin oo farxad la tiicaysa ayay isku kay duubtay. Dareenkayagii caashaq halkaas ayuu ka bilowmay, muddo dheerna kama soo wareegan aqalgalkayagii. Dersin carruur ah oo lab iyo dheddig ahna alle waa noogu deeqay inta aqalkayagu jiray.

Xirfaddaydii dagaalka waxaan ku sii darsaday anoo awood iyo khibrad u yeeshay abaabulka colaadaha iyo qiira gelinta qoyska hadba wixii gadmayana la jaanqaada. Marna kama nasto hawsha reerka. Marka aanan gacanta ka dirirayn afka ayaan ka diriraa oo beesha magaceeda goob aan fadhiyo laguma bahdili karo. Waxaan berya sidaa ahaadaba colaadihii baa saldhigan waayay oo qoys qoys ayaa la isu baabi’iyey. Hal cashar baanse ka bartay ” Shisheeye ma dhammaadee qofkaada ha waayin”.

Saddex sano markaan isqabnay, ayaa Saafi walaalaheed oo Yurub joogaa isxambaar ku geeyeen Yurub, waxayna degtay London. Saddex sano ka dibna aniga iyo labo mataanno ah oo ay naga soo tagtay ayaa ku soo biiray. Saddexdii sano een ismoogayn, ayaa isbaddal weyn oo dhan walba ahi ku yimid. Horta wadaad weyn bay noqotay oo taas dhib badan uma marin. Judhiiba darbaal bay isku ridday, qiiro diineed oon cilmi caqli lala kaashaday ku imanna way la soo baxday, dhul gaalo nacaybkiisna waa ku kordhay, tacab iyo tacliinna aan tanaadinna way u jeesatay. Anigiina cagta bay cagta ii saartay. ” Balwad noocay doontaba ha ahaato, qabiil, salaad la’aan iyo shaqo la’aan ma arki karo” ayay igu tiri. Masaajid dhawr ah iyo culimo gaar ah oo ay aad ula dhacsanaydna fartay iigu fiiqday oo i tiri toddobaad walba dhammaadkiisa (Weekend) halkaa iska xaadiri! Ayaamihii hore ayaan nin rag ah iska dhigay oo dhawr jeer guriga la imid waxoogaa Qaad, haseyeeshee maxaa iga qabsaday! Bacda ayaa bannaanka la ii dhigay. Arkay inaan xoog shaqaynayn waxaanan ku qasbanaaday inaan u hogaamsamo awaamiirta Coley!

Dunidu sida ay hadda u waalatay ma ahayn berigaa. Internet, Facebook.. iwm ma jirin, teleefoonaduna qaali bay ahaayeen, oo wararka dhulkii BBC ku tallaalan satelayt baa laga dhagaysan jirey. Balwadihii kale oo dhan waan joojiyey aan ka ahayn fadhi ku dirirka. Waxaan war u soo doontaa makhaayad tolku leeyahay oo ugu yaraan 10km ii jirta. Wixii aan BBC ka dhageystay iyo in aan kala soo dhexbaxay fadhi ku dirirka ayaan guriga kula soo laabtaa. Qof war i weydiiya Coley, wadaadii aakhiro u jeedka ahayd ayaa ugu horreysa. Anna wax run iyo been loo kala garan wayey baan ku daldalaa, mararka qaarna waa ku canjiiriyaa. Illeen wax loo gaajoodo war baa ugu darane guluf bay igu qaaddaa!. Waxaase iigu yaab badan marka ay warka iga dhammaysato ayay wacdi iigu dhaqaaqdaa iyo in aanay qabyaaladdu fiicnayn, waxyar ka dibna koox dumar ah oo teleefoon ka sugayey ayay intii aan u sheegay oo ay weliba sii baraxday oo sii xawaashaysay u sheegtaa!

Intaan qurbaha joognay laba goor, ayaa reerkayagu qarka ugu sigtay inuu qabyaalad darteed ku burburo. Mar sagaashameeyada aakhirkeedii, ayaa waxaa isku qaad qaaday labada qoys oon ka kala dhalanay. Labadayada qoys wada dhalashada dalladda guud ka sokow waxay ahaayeen isku xulufo wada duula, markanse iyagay ka tafatay. Labadayaduba qaaraankii habarwacadka, ayaa qofba qoyskiisa u dirsaday. Nasiib darro qoyskeedii, ayaa laga adkaaday oo rag badan laga laayay. Colaaddaas, ayaa loogu soo dhuuntay oo lagu yiri, ” naa abriska guriga kuu jiifa ayaa noogu darane yuusan ku naagaysan”!

Balaayose waxay dhacday markii qoyskeedu maalgashadeen kooxdii cimaamadley. Coley waxaa isugu darsamay culimadii ay caashaqsanayd oo calankii dal iyo diin lagu difaacayey kor u qaaday, barbaartii ilma adeeradeed ahaa oo shaashadaha caalamiga ah ka muuqda iyo qoyskeedii oo dibad iyo gudo aan u kala harin. Waxay gashay baan dhihi karaa malaha maalmihii nolosheeda ugu farxadda badnaa. Waxay hormuud ka noqotay koox dumar ah oo iskood isu xilqaamay. Qiiradii ay berigay dhallinyarada ahayd wadi jirtey oo markan janno loogu yaboohay ayay waddaa. Anigu aqoon diineed ma lihi laakiin waxaan ka baxay jaamacadda fadhi ku dirirka oo qibrad in ka badan labaatan sano oo falanqaynta siyaasadda qabyaaladaysan, ayaan leeyahay. Dhanka diinta, kii cimaamad iyo khamiis gashan, dadkana wacdiya waa ii culumo, kaliya waxaan ku kala xushaa sida ay u kala aftahansan yihiin raganimana uga muuqato. Kuwaa wacdigooda hurdo igu soo degtaa, kuwana dagaal iyo xaajo rag bay i dhexgeeyaan. Waxaan u kala hiilliyaa niman Bashtu ah. Midkay jecelyihiin waxay iigu suntaan inuu yahay muslim wanaagsan oo gargaarkeenna u baahan, kan kalana habaarkeenna! Iyaduse magacyo sidii qabiilka oo kale ah ayay ugu kala yeeryeertaa wadaadada. Maalintii iigu darrayd waxay ahayd markaan soo qaatay cajalad wadaad qunyar socod weeye la igu yiri. Intay cajaladdii tuurtay ayay igu tiri, “war kan iyo noociisa diin lagama dhagaysto maxaa yeelay sunnada iyo jihaadkaba way fududaystaan, waa koox heblaayo!”

Oday adeerkay ah oo weligiis iska daba socday magaca dawlad, ayaa taageeray kooxdii Mbagathi. Illeen jirkiis la haye jadiin kama qoslee, waxaan fadhi ku dirirkii ka taageeray Mbagathi. Maxaa iga raacay! Coley ayaa bacdii bannaanka iigu tuurtay, weliba waxaa la iigu daray lacnad iyo inaan gaal ahay! Anoo iska dhigaya sidii nin loo waxyooday ayaan iri ” warkaas war baan ku sugi. Cimaamadley iyadoo is cunaysana waa la arki doonaa haddaynaan dhiman e maxaad igu geli?” Waqti dheerba kama soo wareegan markii sheekadiiba calow galay oo la kala garan waayey mid diin iyo dal difaacaya iyo mid jaajuus ah oo shisheeye u adeega. Qarax ismiidaamin iyo gawrac iyo culimadii ay taageersanayd oo qabiil qabiil iyo koox koox isu cunay baa xigay.

Illeen qabiil ma xisaabtamo qabyaaladna ma dhammaatee, sidaan u joognay ayaa hal mar waxaa London wada qabsaday soo dhaweynta madaxweynayaal qabiil. Waa hawlahaygii. Aniga iyo intii daacad u ahayd fadhi ku dirirka ee maqaaxiyaha ku habsaamay ayaa suuq helay. Waxaanu u qaybsannay in horkacda soo dhaweynta iyo in madaxweyneyaal isu caleemo saartay . Waxase waxaba isku fuuqsaday markaan fadhi ku dirirkii keennay TV-yadii oo weliba ay noqdeen mawduucyada loogu xiisaha badan yahay. Coley berigii hore aniga, ayaa fadhi ku dirirka uga sheekayn jirey, haddase waxay TV-yada ka quudataa isagoo daray ah. Waxa shaashadaha ka soo muuqda rag aan lafahoodoo cad cad aqaan. Waa rag ku dhaca imtixaanka juquraafiga ilmaha Dugsiga Hoose dhigtaa uusan gafayn, misana habeen walba falanqeeya siyaasadda cakiran. Coley, bahdii cimaamadley iyo in badan oo suudh xirata waxay igu caayaan fadhi ku dirir anna waxaan ugu jawaabaa ” cimaamad xiratayaa ama suudh xiratayaa dhiiggiinu waa qabiil laakiinse idinkoo qori ismaris ah iska walaaqda waxa aad diin iyo wadaniyad ku sheegtaan aniga iyo xertayda fadhi ku dirirka ayaa magaca qabiil idiin wadnee”!

Allaylehe miyaanan haddaba gacaladay Coley ka qabiilisanayn!