Arar Guud

Afka Soomaalidu waa af ballaaran, erayadiisuna badan yihiin, dhan loo eegaba hadal iyo hawraar, maanso iyo maahmaah, gabay iyo geeraar, masafo iyo madaddaalo, hees iyo heello, sheeko iyo shararraaxin, qorriin iyo qun-u-hadal, gees loo dayaba waa af hodon ah, oo murti iyo macaan ka buuxaan, qoto dheeri iyo qaayana Eebbe weyne u yeelay, dadka ku hadlaana ku kalsoon yihiin, dantooda iyo waxay doonayaanna ku sheegan karaan. Eray walba oo erayadiisa ka mid ihi wuxuu leeyahay dhowr eray oo la mid ah ama la macno ah. Eray walba waxaa ka abuurma dhawr eray oo kale. Af Soomaaliga wuxuu ka mid yahay afafka looga hadlo Geeska Afrika, welina run ahaan looma oga afka uu la bah yahay. Waxayse leeyihiin nimanka afafka baaraa wuxuu ka mid yahay afafka reer Xaam, gaar ahaan “Kuush”. Xiriir dheerna wuxuu la leeyahay afka Gaallaha.

Inkastoo af Soomaaliga aan dhab loo baarin lama oga taariikhdii maansada la billaabay. Gaar ahaan gabayga, oday ma sheegin, wiilna aabbihii kama werin. Haddaba ninkii yiraahda: “Waagaas baa gabay la billaabay ama nin hebel baa billaabay ama ugu horreeyay,” been buu sheegay. Waxaa hubaal ah hadaynu dhab ugu fiirsanno dhismaha guud ee hadalka ama maansada xeerka loo mariyo ama habka iyo hannaanka gabaygu u dhisan yahay iyo sida qof waliba u yaqaan waddada loo maro ama sida deelqaafka iyo laaxinka looga ilaaliyo waxaad garan kartaa inuu af Soomaaligu fil weyn yahay oo taariikh dheer soo maray.

Guud ahaan af Soomaaligu wuxuu u kala baxaa hadal iyo murti:

  1. Hadal waa erayada qayaxan oo aan taxnayn, jiib iyo luuq midna aan lahayn, warkana laysugu tebiyo.
  2. Murtiyina waa erayo taxan oo jiib iyo luuq leh, deelqaaf iyo laaxinna aan lahayn, warkana laysugu tebiyo.

Murtidu waxay u kala baxdaa maanso iyo hees. Heesku wuxuu u kala baxaa laba qeybood: hees hawleed iyo hees cayaareed.

Hees hawleed waa heeska hawshu lagu qabto, hawshaasu hawl xoolaad ha ahaato ama hawl farsamo ha ahaatee.

Hees cayaareedna waa heeskii sacab ama jaanta loo tumo ama durbaan loo garaaco oo looga jeedo farax, maaweello, madaddaalo iwm.

Labadaas qaybood oo aanu soo sheegnay haddii la falanqeeyo mid waliba wuxuu noqonayaa bad aan xeeb lahayn iyo berri aan laga hoyan karin iyo biyo aan laga bixi karin.

Ujeeddadayadu ma aha inaanu heesaha halakan kaga sheekeyno, tusaale ma’ahe, hasa yeeshee, dulucdu waxay u dhacaysaa qaybta maansada iyo wixii la xiriira.

Haddaynu u dhabbagalno maansadu waxay u kala baxdaa toddoba qaybood oo kala duwan, kuwaas oo ah:

  1. Gabay
  2. Geeraar
  3. Masafo
  4. Jiifto
  5. Weglo
  6. Guuroow
  7. Buraanbur

Toddobadaas qaybood ee maansadu u kala baxdo waxaa calanka u sida gabayga. Siday isu xigaan bay u kala qaaya weyn yihiin. Soomaalidii hore ninka gabyaaga ah iyo gabayguba qaayo weyn iyo qiima badan bay la lahaayeen, dadka dhexdiisana xurmo iyo xarragay ku lahaayeen, xulquun iyo xoolana waa u oggolaayeen, maxaa wacay gabaygu wuxuu ka mid ahaa ciidanka iyo gaashaandhigga dadku ku tala galo. Aan ka soo qaadno iyadoo col la duulinaayo. Waxaa lagama maarmaan ahaan jiray in nin gabyaa ahi colka la socdo. Haddaba, haddii colkaasi soo guulaysto, geelna helo, ninka gabyaaga ah waxaa la siin jiray saami dheraad ah oo loo yaqaan hashii gabay.

Guud ahaan af Soomaaligu murtida iyo macaanka waa ka siman yahay, gabayguna waa ugu horreeyaa, waana ugu hana qaadsan yahay, waxaana la moodaa inuu kuwa kale ka qiimo weyn yahay. Dadka maansada tiriyaa, gaar ahaan gabayga waa kala hadallo waaweyn yihiin ama hillinka maansada iyo hogta gabayga waa kala heli og yihiin, danta iyo ujeeddada waa kala abbaari og yihiin. La arkee nin gabyaa ihi inuu meel ku fiican yahay meelna ku liito, meelahaas oo ay ka mid yihiin kuwakani:

  1. Ammaanta
  2. Cayda
  3. Faanka
  4. Digashada
  5. Diradiraha
  6. Calaacalka
  7. Guubaabada
  8. Waanada
  9. Kuhaanka
  10. Xikmadda

Waxaan horay u soo sheegnay maansadu inay u kala baxdo toddobo qaybood. Haddaba ha u malayn inay intaas ku kooban tahay. La arkee inay jiraan kuwa aannaan aqoon ama aannaan maqal. Waxaanan sheeko ku maqal shaahidna ku arag nin toddobadaas qaybood oo aan horay u soo sheegnay ku wada maansooday.

Sayid Maxamed baa ugu dhowaa oo wuxuu yiqiin shanta u horraysa, buugganna mid walba wax baa kaga jira, weglada ma ahee, inkastoo ayan is xigin. Halkaas waxaad ka garanaysaan in Sayid Maxamed ahaa nin aqoon dheer iyo aftahmo Eebbe hibo u siiyey. Wuxuu kaloo hanaqaad ku ahaa hilin kasta oo hilimada maansada loo qaado, ama ay ka ambabaxdo. Hadday ahaan lahayd guubaabada, ammaanta, cayda, calaacalka, faanka, digashada, diradiraha iyo xikmadda.

Ciidamadii Daraawiish ee Sayid Maxamed hoggaanka u hayey, ammaanduulahana u ahaa ee geyiga Soomaaliyeed gariirshey, gaalana u xiiray, dad iyo dhammina agtooda ka guuray 25kii gu’ ee u dhexeeyay 1896 – 1922kii wixii isu keenay ama hiyi kiciyey ama isku dubbariday waxaa u weeynaa maansadii gabbal dhacay iyo waa beryeyba la marinaayey. Haddaba aftahamadaa ballaaran iyo fasaaxaddaa la yaabka leh, ma cid buu Sayidku ka dhaxlay ama ka hiddo raacay? Mise waa hibo Eebbe siiyey? Waxaynu oron karnaa taasi waa baraakiin Rabbi beerka u geliyey, af Soomaaliga wuxuu kaga faseexad badnaa diinta Islaamka iyo afka Carabiga.

Markaa ka dib wuxuu billaabay waxbarid iyo diinta Islaamka fidinteeda, taasuna dhulkii waxay gelisay dhaqdhaqaaq cusub iyo bulaan. 1884kii ayaa Ingiriisku goostay inuu guumaysto dhulka Soomaalida. Dabadeedna waxaa yimid wadaaddo fidinaayo diinta Masiixiga. Haddaba Sayid Maxamed waxaa u muuqatay in dalkiina la qaatay, diinta Islaamkana la xididdo bixinaayo.

Sayid Maxamed wuxuu ku tashaday inuu taa ka dagaallamo wixii karaankiisa ahna tallaabo ka qaado. Wuxuu billaabay waano iyo wax-u-sheeg si uu dadka u garansiiyo ujeeddada guumaysigu waxay tahay ama waxa uu doonaayo ee uu damacsan yahay.

Markuu reer magaalihii wax garab joogsada ama u gargaara, guumaysigana ka dhiidhiya ka waayey, wuxuu goostay inuu miyi u kaco, maxaa wacay dadka Soomaalida boqolkiiba-95 waxay degganaayeen miyiga; itaal, awood iyo adduunba waa ku lahaayeen.

1897kii isagoo koox wadaaddo ah wata buu ka soo baxay Berbera, dabadeedna wuxuu shalmadda dhigay ceel la yidhaahdo Qoryaweyn oo 60 mayl u jira magaalada Burco, kana xiga geesta koonfur-bari. Wuxuu halkaa ka abuuray ururkii ugu horreeyey dhiskii Daraawiisheed (Xarunta). Intaan laba gu’ iyo dayri ka soo wareegin markuu Berbera ka soo baxay wuxuu isku dubbariday dadkii dhulka degganaa oo dhan, warkiisiina gees walba waa u fiday.

Ingiriisku taas ma filayn maskaxdana kuma hayn, mana malaynayn inuu Sayid Maxamed col uruursi ku maqan yahay, dad oo dhammina raacay. Wuxuu warkii ku noqday argaggaxiso iyo layaab! Waxay la sii yaabeen markay u caddaatay wuxuu meesha ka wado ama ka damacsan yahay iyo sida dad isugu dumay ama isugu dubbariday dadka xaddigaas leh.

Daraawiish waxaa la dagaallamayey oo ka soo horjeeday lix ciidan oo kala duwan, kuwaas oo kala ahaa:

1)      Ciidanka Ingiriiska

2)      Ciidanka Talyaaniga

3)      Ciidanka Xabashida

Oo saddexduba doonayey inay qabsadaan dalka Soomaaliyeed.

Saddex boqor ciidamadood:

4)      Suldaan Cali Yuusuf oo Hobyo u talin jiray.

5)      Boqor Cismaan oo gobolka Bari u talin jiray.

6)      Garaad Maxamuud Cali Shire oo degmada Laasqoray u talin jiray.

Saddexdaas boqor waxay ciidamada guumeysiga gacan siinayeen si ay talisyadoodu u nabad geliyaan. Daraawiishi intaas oo dhan gaashaanka ayay u qabteen, in badanna waa ka libeysteen.

Nin kastaa waa og yahay ama waa maqashoon yahay Sayid Maxamed iyo Daraawiishi heerkii sare ee ay gaareen iyo wixii gaalo iyo cawaankeed kala gaaray ama waxay kala muteen. Haddaba aan soo qaadanno taariikh gaaban.

aragtidaada nala wadaag...