Awel Maanso Waataan Dayacay

Shirqoolkii Canjeel la baxay markuu dhacay, lagana digniin helay ayaa dad badani xaruntii ka yaacay, colal Daraawiisha ayaana dadkii ka daba tegay si loo soo celiyo. Dabadeed wax la dilay, wax fakaday iyo wax la qabtay ayey dadkaasi noqdeen. Gabaygakani soo socda wuxuu ku xiran yahay gabayga ka bilowda (War suudow sedkaa waa jannee, samac kalaankeyga), intiisii badnaydna way rnaqan tahay. meel laga helina Allaa og, waana raadinaynaa.

Awel maanso waataan dayacay, dow aan mariyaaye

Warka xalayto dooxada Jednugul1, daan walba u raacay

Oo ay dabayluhu sideen, waa ku diirsadaye

Waa kii Darwiishkii kufriga, nooga soo digaye

Sidii geel darmeed bay farduhu, docadoceeyeene

Digdigtii rasaastii sidii, duur u ololeysey

Guga daatay reer Khalaf2 inuu, daaqo laga waaye

Danab baa ku dhacay reerihii, dayrta noo faqaye

Candhadogoble3 goortaan dillaa, roobkii noo da’aye

Waatay inay naga darmaan, damacsanaayeene

Dambarkeedii hele xaajaday, naga daboosheene

dukhuumada tashaday naarta waa, loo dawarayaaye

Dige-dheere iyo Jaamac ways, daba gelaayaane

Daa’imow Allahayow adaa, duulka naga saaray

Waxaan ka qoray Maxamad Nuur Cali.

1.Jednugaal: Waa dooxo ka mid ah dooxooyinka Nugaal bari,. mar baa waxaa degtay xarunta Daraawiisheed.

2.Reer Khalaf: Khalaf Faarax Shirwac.

3.Cali Barre Maxamad Xasan.

One thought on “Awel Maanso Waataan Dayacay

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *