Caliyow Calaacal iyo Way

Sida ragga taariikhda aqoonta u leh, warkoodana lagu kalsoon yahay laga wariyay, Cali Aadan oo loo yiqiin Calidhuux, wuxuu ka mid ahaa raggii Daraawiish ka fakaday dabadeedna dagaal kala horjeestay oo colaad weyn u qaaday. Dagaalladiisana waxaa ugu weynaa gabay uu Sayidka iyo Daraawiish u mariyey isagoo isku diraaya, ama kala kaxaynaaya Daraawiishta oo dhexdooda xumaan ku abuuraya si ay u kala yaacaan.
In kastoo ay gabayada Calidhuux mariyay badnaayeen bal aan ka soo qaadno gabaygii ugu darnaa isagoo Sayidka ka xumaan sheegaya Daraawiishna ku guubaabinaya inay xarunta isaga tagaan, kuna faanaya meesha uu tagay oo Berbera ahayd. Wuxuuna Calidhuux yiri:

(C)
Ninkii weligii diintii bannaan, daacad uga sheega
Dariiqii Rasuulkii ninkii, diirka uga qaada
Daw kulama soo baxo cilmiye, waa la diriraaye
Doofaarraduu wadan jiruu, dila yiraahdaaye
Iyaguna markaasay ku didi, diidi mahayaane
Bal in meesha lagu doorsan yahay, waxu dalilkiiya
Duqaydii badnayd ee ku lumay, duudsi iyo jeedal
Dammanaanshahaa reer tolkay, loogu daw galye
Sidii bay u dabaroorayaan, daallinkii rogaye
Doox iyo hadday nala degaan, degalka Buuhoodle
Waxaan lagu durdurin Eebbahay, uma darraadeene
Sidii dumar dagaal iyo afxumo, uma dul qaateene
Diyaar uma hadlaan wiilashii, dowladda ahaaye
Hadday deris wadaagaan nin kale, dacal ma waayeene
Alla may iskaga soo durkaan, deris ma laayeene
Daaroodka ay wada dhasheen, diriyo baabkiisa
Daymadii Ilaah Maxamad-Dage, nooga derejeeye
Kuwa weli ku debandeebayaan, duxi ka raacayne
U digay oo u digay oo duulka waa, loo dan leeyahaye
Haddaan anigu daar dheer ka koray, oo daf iri Saaxil
Iyaba doorte daayeer gar cuna, kii dulleyn jiraye
Dabada hayska raacshee, bal maan deysto hadalkayga!

Sayid Maxamad wuxuu ahaa aftahan aan hadal lagu gaarin, afmaal laga badin, qob iyo qaddana ku darsaday, isagoo Calidhuux u jawaabaya wuxuu yiri:

Caliyow1 calaacal iyo way, ciil ma bi’iyaane
Weligaa catow baad taqaan, sida carruureede
Waad uun cabaaddaa sidii, caamadoo kale e

Caqli haddaad leedahay wax baa, la citibaarshaaye
Cindigaa wax laga fiiriyaa, caynka ay noqone
Cudha laguma soo dhego waxaan, kuu cuntamihayne

Kaarshaa2 cirriddii ku lumay, caasiga ahaaye
Isaguba cagtii hore ma qabin, col iyo laayaane
Markuu cayda noo soo diraa, cuur ku soo dumaye

Adiguna nin cayryoona oo, caariyaad tahaye
Cilciluhu wuxuu kuugu dumay, cirir shareer weyne
Aar soo cargaagtama hayaad, did u huruddaaye

Wax caraada caaqyahow ninkii, didan kuu heeliye
Mar hadduu cashiir laawe yahay, waa calaan jabane
Cabeeb buu ku tarayaa waxaad, cululubaysaaye

Waadigaa cidoodaye haddaad, goraya cawlowdo
Ceelkii Dannood3 iyo haddaad, Caada4 kor u dhaafto
Carshintaada waa kuugu iman, meesha iyo Ceege

Waa lagu camaadaye wed baa, cawga kuu yimide
Cuqlaa adiga kuu baxay haddaan, kuu curraftamaye
Haddaad cararto ceeriga badeed, yaa ku soo celine

Ingiriis cadaabkaan ku dhigay, ima cilleeyeene
Cawar iyo wuxuu garanhayaa, cuurarkaan jaraye
Wuxuu haatan caw iigu dhigi, caaqibaad heliye

Cabdulle iyo Subayr Maxamad baan, igu cayaareene
Waa ciiradaan dhigay waxay, igu ciseeyeene
Caawimada waxa ii wada, waa ciddii Dalale

Majeerteen canshuur baan ku qoray, curaddadiisiiye
Waa camaradii Nuur Cismaan5, caydhan suudaliye
Cimiil wuxuu lahaa Keenadiid6, cuud ma foofsado e

Ma kala cayshno oo uunku ways, camal yaqaannaye
Cajabayey dadkii waxaan ku nacay, waa ciraab li’iye
Waxa ila cilaaqtamiba waa, ina Cawiifeede7

Coontii waraabaha cayilay, camashka daaqayey
Oo ay cinaab uga riddee, caraso ooyaysey
Waa ninkii cidlada nooga tegey, cawro waysaga e
Cidla ciirsilaad waxa u kaca, dahad caloolweyne
Waa ninkii cayuuntooba dhaqan, caacis dhaafsadaye
Waa ninkii sidii reer Canjeel8, caanihii qubaye

Cuquubiyo nabsigu waa waxaan, cirib kaa reebayne
Waa ninkii cishaba naga gudee, cayn ka dhaadhacaye
Waa ninkii tolkiis oo cammiran, cayrshay oo rogaye

Bal hadduusan caatuba lahayn, calalna waa maare
Oo uusan caynteeyna gudin, Cadan haddaad geyso
Bal muxuu ku calalaafi waa, caalle dooro lehe!

Waxaan ka soo guuriyay Axmed Cali Abokor.
1.Caliyow: Wuxuu la hadlayaa Calidhuux.
2.Kaarshe: Wuxuu ujeedaa Kaarshe Guuleed Niqle (Salliiq).
3.Dannood. Waa balli caan ah oo ka mid ah toddobada balli ee Haraxagarrey,
4.Caado: Waxay ka mid tahay ballida Haraxagarray.
5.Nuur Cismaan Yuusuf.
6.Keenadiid: Suldaan Yuusuf Maxamuud oo Hobyo u talin jiray.
7.Ina-Cawiifeed: Wuxuu ula jcedaa Calidhuux.
8.Reer Canjeel: Wuxuu ula jeedaa nimankii shirqoolkii Canjeel-talawaa dhigay.

aragtidaada nala wadaag...