Cara E Yaa Sheega!

Xaaji Goonni oo gabyaa caana ahaa, jeerkaasna ka mid ahaa dadkii Hobyo looga talinaayey, ayaa gabay halxiraale ah oo ulajeeddadiisu tahay inuu Sayid Maxamad ku caraadiyo mariyey, waxaa gabaygiisa ka mid ahaa:

(G)
Rag cayaayir iyo maanso waa camaladdiisiiye
Caynaanka anigow hayiyo celiyihiisiiye
Kol haddaan callaqo looma furo cagaha dheeldheele
Lix iyo toban halaan soo cayimay caynka ka hijaadsha

Weel caanihii laga dhamee canuggu heemaarshay
Oo ciidda loo dhigay afkii laga casheynaayey
Oo dhayi caaddaa ka tahay waa cajabe sheega!

Ceesaama kuu dhalahayaan dhiilo loo culannin
Oo naaso cayntood lahayn waa cajabe sheega!

Cariish meel ku yaal oo aroos loo calaamadiyey
Oo aadan cimrigii daawanayn waa cajabe sheega!

Ceel buuxa aan laga cabbayn cidina kuu diidin
Oo maaxi caaddaa ka tahay calawna keenaaya
Oo maalka calaf looga shubin waa cajabe sheega!

Calaf aan laguu qorin asaad cuni aroor noolba
Aan caato iyo gaajo bi’in cawro waysaga e
Oo aanad cayaar uga dhergeyn waa cajabe sheega!

Cad baruur leh caysh iyo bariis caawa lagu siiyey
Aad caafimaad iyo kalgacal calaliso laysay
Oo aadan cawaysimi karayn waa cajabe sheega!

Caal weyn lo’aad iyo libaax, caranayoo jooga
Oo xero ciriiriya ku jira caabuqna is yeelin
Aan xoola looga cabsanayn waa cajabe sheega!

Waxaad cuni asaan Eebbahay kaaga calaf yeelin
Oo aadan eayaar kaga dhergayn waa cajabe sheega!

Cir onkodey hillaac laga cabsaday karar cabaadaysa
Oo rays cirbaha laga dhigayn waa cajabe sheega!

Waxaan caaradhuubyadu dhex marin calalna jeexaaya
Aan ciiska waran lagu karayn waa cajabe sheega!

Caqid naagaan lagu guursanoo cawda kuu gogosha
Oo aadan cadaab kaga baqayn waa cajabe sheega!

Caday waxaad ku laysiyo ulaad caro u soo tuurtay
Oo aadan dad kaga ciil baxayn waa cajabe sheega!

Cawshiyo biciidkaa arlada cararayee jooga
In kastoo ciriid iyo kulayl lagu cisaareeyo
Calooshooda oon lama gashee waa cajabe sheega!

Taa dabadeed Sayid Maxamad intuu gabaygii wada furay ayuu isagiina u diray gabay kiisa ka badan oo hal xiraale ah.
Gabaygan waxaa ka buuxa murti iyo xikmad aan qiyaas lahayn oo qof walba u jiideysa inuu wax badan ku fakaro, wuxuuna Sayidku yiri:

Nimanyahow ciraab laguma kaco, curuf la’aaneede
Cod xiraala oo wada cajaba, cayn aan ka higaadsho
Wax cadoo madow baan arkee, cara e yaa sheega?

Shabeel caar leh caysuun dhurwaa halaq cammuudaasa
Aar coofle oo cararayaan, la carbiyeynin
Oo aan wax cunin baan arkee, cara e yaa sheega?

Cad baruur aan laga goynin oo, caata weligiis ah
Oon gool caddun badan la siin, ciniqna dheereeya
Caynkaasna anigaa arkaa, cara e yaa sheega?

Dibi caynaboo gabar casoo, cuurrin lagu qaaday
Oo ruux sandaasha u cuskan yahay, cimilna loo dhaabay
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?

Wan cafuufanoo doobbir wado, madaxna caal haysto
Geesoole ido caymiyey oo, caadda kaga jooga
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?

Ceesaan aan riyi foolan oon, caana ari nuugin
Dibqallooc nin coobbaha hayoo, cunaha jiidaaya
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?

Tuke maarre ciiro u sitoo, col u dareeraaya
Quraanyo canateel laga dhacoo, cuudka daba joog
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?

Waxa caanataynkiyo ka fudud, caaradiyo baalka
Culaysna loogu go’ay oo nafluu, caajis la ahaaday
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega!

Xiddigaha cishiga oo barkood, cuni sabuul beera
Deel caana oo lagu callaqay, cur iyo faynuusyo
Caynkaana anigaa arkee, care e yaa sheega?
Wax cadceedda aan joogsanayn, cadar hadduu waayo
Oo aan cirrid iyo kulayl, cawrka gelihaynin
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?

Wax calahaa ka dheer baa jiroon, cidi ka gaabnayne
Ciribdhiibsi kuma gaari karo, cududaheennaase
Caynnkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?

Carrab aan hadlayn maalitaan, shani u ciidaneynin
Cashaduu wax fuulana kalaan, carafle keenaaya
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?

Jinac doobi culan oo sitoo, lo’ u carraabaaya
Dooryaan cishaha guurayoo, cido ku weydiiya
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?

Dabagaalle neef curahayoo, nadi ku caaryeeyey
Caynaan bakayle iyo jiir, lagu cidaalaayo
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?

Wiyil ciriqsan oo aan lahayn, camalkii loo uumay
Qalanja aan caroonayn haddaad, cagaha saarayso
Oo aan cid dhibin baan arkee, cara e yaa sheega?

Addoon cayney doontaba dhashoo, laba caloolood leh
Oo caaradhuubyada la dari, caana galaheeda
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?

Caskar ulo leh oo geed cumbulan, gobolba coon joogo
Nin qaansooyin meel lagu cafiday, taagan cirifkooda
Oo qool cuddinayaan arkee, cara e yaa sheega?

Wax hunguri ku cawreysan oo, cir iyo diihaal leh
Oo aan cantuugana liqayn, calafna doonaaya
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega!

Wax dunida caalin u ah oon, cidi khilaafaynin
Oo cabuudkiyo caasiguba, wada cisaynayo
Aan calalna oogada ku hayn, cara e yaa sheega!

Cawadii waxaan kaa tegayn, cadawna kaa eegin
Oo waaga ka cararayoo, ku cid la’aynaaya
Caynkaasna anigaa arkee, cara e yaa sheega?

Caqli waxaan lahayn oo ka dhigan, caamo iyo naago
Aan cimiirkood la arag, coduu la yeeraayo
Misna kuu cimreyn baan arkee, cara e yaa sheega?

Weel caanihii laga dhamoo, cunuggu heemaarshay
Oo ciidda loo dhigay afkii, laga cashaynaayey
Oo dhay caaddaa ka tahay, waa cajab Ilaahe!

Cid haddaad u baantee na tiri, cara e yaa sheega?
Candho weeye oo waa naqaan, caynka ay tahaye
Adse haddaad ciniin tahay maxaa, canuggu kaa dheefi?

Onkod iyo hillaac laga cabnadiyo, karar cabaadaaya
Iyagaa calaamiyo lahaa, ciiro iyo qiiqe
Waa maarahaan kugu cuskaday, diriti Cawbaare

Cuurkii tolkaa maalintaan, caro u leynaayey
Dhiiggii carrada qooyey waa, cadar di’iisiiye
Maxaadsaad u tiri rays cagtiyo, cirib ma aan saarin

Ceesaama kuu dhalahayoon, dhiilo loo culanin
Oo dhay casuus iyo garoor, carafle waaweynin
Oo naaso coobbaa lahayn, waa cod aan jirine

Cayn kaa waxaad mooddey waa, calafkii beereede
Abidkood riya caata ay, guni ciseysaaye
War ceesaan ma way tahay maxaa, calagga kaa yeelay?

Majeerteen dhilliyo ceebi waa, camalladdiisiiye
Cambuulaha dhirtaa bay yiraan, waa cariish aqale
Waa cimil shimbiri qoolatee, curis miyuu mooday?

Waxaan ka soo qoray Aw-Cabdille Ibraahim, Xaaji Maxamad Cawl iyo Caasha Sh. Cabdille.

6 thoughts on “Cara E Yaa Sheega!

    1. Yaa ii sheegay jawaabta hal xiraale gabyga ah ee wax hunguriga kucowreysan oo cir iyo diihaal leh

Leave a Reply to Maxamuud Ibrahim adan Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *