Dacwad Baan Ka Leeyahay

Heshiiskii Iligdaldala markuu dhacay ka dib ayaa gumaysigii Ingiriisku warqad u soo diray Daraawiish, wuxuuna ku yiri, “Mar haddii waanwaan iyo heshiis nabadeed ina dhex maray, taliska Ingiriisku wuxuu Daraawiish weydiisanayaa saddex hal:

Midda koowaad geelii Daboolane ee Daraawiishi degmada Habaryoonis ka dhacday inaad wuxuun ka soo celisaan.

Tan labaad nimanka dabatada ah, oo Nugaal sare fadhiya oo dad iyo duunyaba mahoobbiyey, col iyo gaaddeba inaad naga celisaan.

Tan saddexaad, Warsangeli wacad iyo heshiis baa na dhex maray, waxayna doorteen raaciyadda Ingiriiska inay noqdaan, marka u yeeridda aad Daraawiish ugu yeeraysaan ka daaya.”

Daraawiish markii hadalkaas loo keenay waxba kama gilgilan, danina waa seeto e, waxay yiraahdeen, “Ingiiriisow saddexda arrinba waan yeelaynaa, ee idinna laba hal noo yeela:

Midda hore, xoolihii Daraawiish looga dhacay meesha la yiraahdo Caado ee dabadeedna Burco la keenay soo celiya.

Midda labaad, doonnidii aannu dabka u dirsannay, Ciise Dhoollawaana rubbaanka u ahaa oo aad baddaas ka qafaalateen, iyadii iyo wixii saarnaaba noo soo celiya oo aan sidaas wax isku weydaarsanno.”

Dooddaas Daraawiishi Ingiriisku waa ku gacan sayray, wuxuuna marmarsiinyo ka dhigtay: “Xoolihii Caado laga qaaday, Ogaadeen baa dhacay, Ogaadeenna waa haad Amxaaro. Doonnidana Talyaani baa qafaashay, Talyaanina qareen uma nihin.” Labadaa doodood ee dambe ee Ingiriisku soo jeediyay Daraawiishi ma garaysan, Sayidkuna masafo dheer oo uu ku caddeynayo in Ingiriisku musuqmaasuq wado ayuu mariyey. Wuxuuna yiri:

Ogaadeen ha ii dirin, dacwad baan ka leeyahay
Duul haad Amxaaraa, kaa dooni maayee
Wuxuu aniga iga dilay, diyo ha iga siinnine
Doofaar inuu yahay, anigaa u diin lehe
Amba waan ku daba geli, dakanka iyo qaanke
Dirhan haddii aan kaga tago, anaa been dabaadehe
Waxaan kaa dalbahayaa, duunkaagu wuxuu qabo
Intaad dowladduu tahay, adigaw damiinehe
Ma waad diidi nimankaad, dumataye i soo dhacay
May kor u dabbaalaan, waxay naga dadduubeen?
May dowga Caadoodl, galbeed uga dareershaan?
Dalkaad adigu joogtiyo, Burca maxay ka dooneen?
Dar Alliyo heshiis iyo, ma daawad lahaydeen?
Mase waa dayoobeen, doqon baa habowdee?
Dabadeedna sow maalkii, dacalkaaga kuma shuban?
Sow daabacaagiyo, daftarkaaga kuma qoran?
Sow duhur dharaareed, dibnahaaga kama qiran?
Sow sida dameer raran, dusha kaama fuushana?
Miyaan duudsiyaayaa, kulaan Dabacayuun helo?
Haddaad daacad ii tahay, doodaye maxaad oran?
Dafir miyuu wax kuu tari, daliilkii ku siiyaye?
Doonnidii ma aan arag, dacwad baan ka leeyahay
War waxaad durduradiyo, dan la’aantaa ugu dhiman?
Hadal aan dawo lahayn, sow kama diqootaan?
Dakhalkiyo shiraaciyo, badda yaa u dowlada?
Talyan waa dadkaagiyo, daayiciin aad wadataa
Haddii aadan duqlaalayn, Dannood2 sooma aadeen
Diraac Doolo3 iyo Ciid4, duullan kuma yimmaadeen
Diingaanyo ciidana, darka nooma keeneen
Dildillaaca waaberi, weerar naguma daacsheen
Durqun nama dhexjoogine, adaa hiil ka daalibay
Adigaa durraamiyo, docogaysi ula tegey
Adaa yiri Daraawiish, dirirteeda ii raac
Asna diradirayntaadaa, iga deyso kuma oran
Intaad dacatiyeysana, sow kulama daalayn?
Sow dad iyo xooliyo, daabbad kuguma caawinin?
Sow daraaddii kuma iman, Hobyo5 wixii ka soo degay
Sow duubcaddeydii, raggii dooxay ma ahayn?
War nin shalay dammiinyahow, igu dilay daraaddaa
Berri haddaynu dirirrana, dusha iga wareentayn
Daawadayda maahayn, ma ku dayrsamaayaa?
Durrufleyda gaalaad, adaa daaqsanaayee
Miyaan kala deyaayaa, adiga iyo deriskaa
Warsangeli doc uga bayr, dacwad baan ka leeyahay
Mar hadday ku doortaan, isku dirad miihine
Dabcigaygu ma oggola, nin kuu daalisaayee
Daraawiish hadduu yahay, sidee doc uga leexdaa?
War Daarood Ismaaciil, dir miyaad wadaagtaan?
Durriyaddii adoogay miyaad, iigu duurxuli?
Sow deero iyo cawl, dorraad adigu kama dhigin?
Sow dukaamadoodii, daarahaaga kuma guran
Sow doonyahoodii, dookhaan naara kuma ridin?
Sow dooro weynow, ma deldelin raggoodii?
Inay kuu dudaayaan, sow maba dareensanid?
Inaadan dooc lillaynayn, diyaar kuu ogaadee
Dikrigiyo shareecada, labadaad ka duudiye!
Durdurkii firdowsiyo, jannadaad ka daahiye!
Durbaddii cadaabkiyo, dukhaankii baad ku tuuriye!
War inaad degaysana, sow dareemi maayaan?
Ma ku diimanayaan, deel qaafkan aad tiri?
Dumarkii ma furayaan, xilihii dalaaqee?
Geela soo dareerina, dowcad baan ka leeyahay
Anigiba dunqaariyo, ducataa i gaaraye
Dibirrootigaagaa, lawyaha i diiriye
Qayradii daruurrayd, adaa damug ka siiyaye
Dulbixii Gallaadiyo6, dudmaa ii horeysaye
Daa’imaan wa xagarannine, digniin iima laabnee
Dabarka Ciise7 lagu xiray, anaa laygu dooniye
Degdeg haddaan looga furin, dunidaa ifsaadiye
Dantay baan la yeeraye, yaan laygu diimine
Deeqi igama juustee, wax ma kala dillaallaa?
Oo wixii inoo dana, durba ma isu yaallaa?
Mase ways daboolnaa, nin dulmiyana Allaa oge?!
Dabatada aad sheegatana, dawcad baan ka leeyahay
Adigaa dulleeyoo, duunyada ka qadoo
Adaa degalladoodii, digaxaarka mariyoo
Adaa deeblahoodii, daabaqad ku jiidaye
Diinkiyo dugaaggiyo, adaa duufka siiyaye
Intaasoo darxumadaa, adigaa u diiqaye
Hadday daqaqaamaanoo, wuxuun ka danqaabaan
Oo waxaan dux gelinayn, duleeddada ka xaabaan
lyagaba dan gaajiyo, diihaal baa u geeye
Anna haygu diga gubin, adiguna dan haw gelin
Dayib haddaadan oranayn, dayuubtaan ku leeyahay
Oo daxorayaashiina, been kugu dakhaakhuli
Bal inaan dugsuu ahay, amaan idinku soo diray
Haddii aadan danbaabayn, daahir marag ah soo taag!

Waxaan la qoray Ciise Fikad iyo Xaaji Jaamac Ismaaciil Dhoon, sannadkii I955kii.

1. Caado: Balli ku sariiran Haraxagarrey.
2. Dannood: Waa balli caan ah oo ka mid ah toddobada balli ee Haraxagarrey oo kala ah Daratoole, Dannood, llig, Masaarte, Siraw, Caado iyo Dhegxayacaddo.
3. Doollo: Waa todobada ceel ee Wardheer, Walwaal, Waafdhuug, Afyaraaddo, Uubataale, Garloogube iyo Yucub.
4. Ciid: Waa dhulka ciidda guduudan leh ee oomanahana u badan.
5. Hobyo: Waa magaalo ku taal xeebta Badweynta Hindiya oo Gaalkacyo hilaadda 200 oo kiilomitir u jirta.
6. Duubcad: Waa tilmaan Daraawiishi lahayd.
7. Gallaaddi: Ceel ka mid ah ceelasha la yiraahdo Ceelcad oo Wardheer 40 kiilomitir u jira kana xiga dhinaca bari.
8. Ciise Dhoollawaa: Wuxuu ahaa Daraawiish badmaax ah, wuxuuna qabay Sayidka walaashii Rooxo Sheekh Cabdulle. Ciise isagoo doonni shixnadan wata oo Daraawiish dab uga doonay dalalka Carabta ayaa Ingiriisku badda ka qafaashay isaga iyo doonnidiiba. Dabadeed waxaa lagu xiray Casab.

3 thoughts on “Dacwad Baan Ka Leeyahay

  1. Sayid Maxamed Cabdille wuxuu ahaa geesi, wadani, aftahan ku gudbiya afkiisa suugaanta Ilaahay u sahlay. Dhibka kaliya ee caqabada ku noqday waa Soomaalida oo fahmi wayday. Allow kuu danbi dhaaf oo kuu naxariiso. Aamiin. Waxaan rabaa inaan raggii hawshaan u qumay ee raganimo muujiyay aan dhaho thanks ikhwaanii, Jazaakumullaah. Fadlan taariikhda ayaa idin xusaysa ee wada dadaalkaas inshaa Allaah.

  2. Waa iska gabay tuugo ah . waxayku cadaynaysaa inaanay daraawiish doonayn abidkood inay amxaarada iyo Talyaaniga la dagaalamaan. xoolo ay dhaacana u waayi maayaan qiil .

    1-Ogaadeen u tag ayuu ku leeyay nin Ingiriis ah?? oo maxaan iga galay orod Xabshida ka dacwee waaba reerkaaye.
    2- hadna hadana daaroodnimo iyo warsangali ayaa daarood ah>> ?? oo hadaa ma Ogaadeen baa chines ah.
    3- doontana waxa qabtay Talyaani se daraawiish riciyad Talyaan weeyoo waxay rabeen uun dhaca xoolaa inay qiil u sheegtaan.
    4- geel caado laga qaaday, maxaa geeyey ayaga Caado ayagoo illiga Talyaanigu mushahaar ugu qoray wadaadkooda?
    5- ninkan warsangali ma ciise aya la yidhaahdaa mise Muuse Darwiish, iska hubiya qolyahaas buuga qoray waxba ma hubsadaane.

Leave a Reply to Maxamed Galdogob Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *