Gudban

Gaala-Leged

1898kii illaa 1910kii, ayaa Sayidku dadka ku waday waano iyo waxsiin si loo helo israac iyo wadajir, gaalana meel looga soo wada jeesto. Inkastoo xaruntii dad badani raacay, xoogna ay yeelatay haddana dadkii Daraawiish ku meegaarsanaa, af-lagaado iyo adyad bay ka deyn waayeen iyo xitaa inay gaalada garab iyo gaashaan u noqdaan. Markaa Daraawiish waxay la ahaatay haddii waanadii iyo wanaaggii la diiday in waran caaraddii lagu dayo. Usagoo Sayidku Daraawiish guubaabinaaya wixii loo geysteyna faallo ka bixinaya, danabbadiisii la laayayna gocanaya, waxay ka fali doonaanna tusaale ka bixinaya, meelaha in nabarro loo geysto ku habboonna tilmaamaya, ayuu tiriyey gabaygan soo socda oo magaciisana la yiraahdo Gudban, Daraawiishina u tiqiin, Gaala-legad, wuxuuna Sayidku yiri:

Awel maanso waa taan gudboo, gurina waayaaye
Waataan galbeedkaas u diray, guga hortiisiiye
Aan gaasheeyo tii hurdada xalay, gama’ ii diidday

Galladaha Ilaahay ka badan, geedahaas baxaye
Guushuu inoo yeelay baan, idin garwaaqsiine
Guddiyey i maqal waxaa tihiin, gacaladaydiiye

Nejiskii gurta xumaa1 hadduu, shalay geeriyoodey
Godka lagu cadaabkii haddaan, gowrac ugu jiidey
Uu guduri cunay waa waxay, galabsanaayeene

Dhurwaagii ka giigaan u diri, gacan salaameede
Isagey gargaaroo dugaag, iiga gooniyahe
Haddaan garan gunaan siin lahaa, gooriyo ayaane

Gantaldheere waataan wax badan, guunyaduu maraye
Gef hadduu ku sii daray wixii, lagu gufeynaayey
Anigu waw garaad qabay inuu, gigi waraabuuye

Giriirix aan jirin waa wixii, gaabshey oo rogaye
Gaalayska waataan la dhacay, gucurradoodiiye
Haddeeyaan abaal gedin sidaa, uma gadoodneene

Godolkiyo gasnaantaan u qabay, kama gasnaaneene
Kama gaagexeen abid hadday, nabad ku goohaane
Waxse mawd ku gaardiyay markay, ganafka taageene

Gubaygii Shuxle2 ahaa haddaan, gowsaha jebiyey
Gegida Yuusuf3 jiifaa tukuhu, gebas dhebaayaaye
Geesaaska dumarkaa sidii, dumar la moodaaye

Geed-joogahoodii haddaan, gudurigii siiyey
Guska taajir4 baa ii haraan, ugu gamuumaaye
Cismaan iyo waxaan gaadayaa, gabannadiisiiye

Majeerteenka kale inaan ku gudo, weyga garanuuge
Garacyada Bah-Dira haatan, guuto loo wiciye
Waa lagu gadaal xoorayaa, gurigii reer Nuure

Gabagaba-rogaalkaa warmaha, lagu garanayaaye
Goob bay ku wada le’an sidii, goosan weer helaye
Gafuurroxun sidii Eebbahay. Guuldarro u raacshay

Afartaa geddii aan bartiyo, gololo’deydii dheh
Gerbidaan ka soo hoorin jiray, godol neqaygii dheh
Madfac gow yiraahdiyo rasaas, gininigtoodii dheh

Guluciyo mayay la isku daray, galangalkoodi dheh
Gal xareeda daad soo gabraday, gal iyo duufaan dheh
Bad gariirtay mowjada gurxamay, gacammadii Ayl5 dheh

Shir la gooday waayeel gab yiri, garangartiisii dheh
Xiriir lagu gimaamadahayiyo, gole firaasheed dheh
Xaajada ninkii garanahayiyo, gig iyo sheeggeed dheh

Gobo’ kalena waa aniga iyo, ged iska sheeggayga
Galiilyoodayey cara miyay, gubatay laabteydu
Gogoshii la sii dhigay miyaan, geydh la qaban waayay

Gabbal dhiciyo waabberi miyaan, socod ku garraaday
Gadiid maalin oo dhan miyaan, gaafka sare meeray
Sidii awr gabreed miyaan, gululubluu rooray

Ma gudoodigiyo suudigaa, gubadka ii yeelay
Ma geddaba dhabadkaa sidii, geri i boodheeyey
Gooxii aan yuururay miyaan, gibii madoobaadey

Raggii igu gadaanna, miyaa aakhiro u guurey
Goortaan garwaaqsaday miyaan, gocoshadii eeday
Gammiinkaan xanuunsaday miyaan, gorodda laalaadshey

Gelin haddii aan fooraray miyaan, giirka kor u qaaday
Guhaad iyo calool xumo miyaan, geyrtayo diriray
Hadba gees miyaan dayey intaan, gownaxyada buuray

Guntigaan maroorsaday miyaan, labada low geeyey
Gaashaanka iyo tiirigiyo, gamas miyaan qaatay
Ma gambaan u taagnahay intey, gaadho noloshaydu

War ma Dhooddii6 baa gaamuroo, garabku weynaaday
Ma gaalasya midaan ku shubay, gamashigii deyrta
Gorgor dhacay la moodyoow durduro, ma igu gooraamay

Godobteydu waa wada jirtaa, goonyahoo idile
Geshi nimankuu leeyahayba waa, dabageleyaaye
Waxaan goosan karo anigu, waa gurubsanahayaaye

Gardarradiyo maaggii i helay, waan ka geylamiye
Gartay weeye dunidaba inaan, galalafeeyaaye
Geyigaba waxaan doonayaa, inaan gumeeyaaye

Nin ganaanayaan ahaan, gabarna dhaafeyne
Waxaan geystoo idil wey, gun iyo rayrayne
Wixii ii guldarreystaba naflaha, wow gaggabayaaye

Anigaba geddey igu faleen waa, gaggaab culuse
Gallad nimaan ka qabo laguma oga, gebiga Daaroode
Giddigoodba waatay girliga, nagu garaaceene

Anaa gaafahaygii nadhaye, geste nabarkiiye
Anaa rasaasta waxaan u gingimay, gini colaadeede
Gabagebaha bari waxaa ku xigi, go’aha Iiddoore

Guban7 iyo Burciyo8 Looyo9 waa, gaalib weerara e
Gooddiga Arooraa10 fardaa, lagu garmaameyne
Garoodi iyo waxaa lagu tegi, buurihii Golise11

Galaayuubta Hagar-Aaden baan, gaaddadow marine
Genbi waw ridi fulayadii, ganafka dheeraaye
Geeltoosiyaha waa la siin, gucurradoodiiye

Sidii garow hadhuudh baan kurtiis, guran Ogaadeene
Galaamaha haddii aanan ka deyn, goor walba jooga
Inshaa Ilaahu waa gurahayaan, sidii gal miireede

Guuraasiyo12 Iljeex13 waa la qaban, gooshka haatana e
Malahayga waa lagu galgalan, gaanka reer Dalale
Gaas baan ku caran reer Subeyr, goborra weyntiiye

Kolaan Gooro-cobbaley ka dayo, amase Geel-loo-kor14
Huwan waa ka gelingaabsan jirey, gelin ma waayaaye
Haaruun xaggee baa la geydayan, Goha15 miyuu dhaafi

Afartaa gudbaye balaan mid kale, soo gadaal celiyo
Sidii goray garraar sare ka baxay, garabka maan taago
Waxa guudka iga fuushan iyo, galayax maan muujo

Gebgebtiyo gallaydhyeyntu waa, godol hortiisiiye
Ninkii gooman waw shubahayaa, galaxa caanoode
Gabbaan laguma soorenin raga, balaan ganuun siiyo

Waa gaaxsanaan jiray tan iyo, garashadeydiiye
Sidii goodir dhalay haatanaan, gaawa leeyahaye
Aan gofleeyo geerarshahaas, gaafan baan ahaye

Xaajada nin gunaan ahaye, aan u garraddeeyo
Markab aashi gaambiyi sidiis, balaan u guureeyo
Meeshuu garaadkeedu jiro, gow aan kaga siiyo

Niman gedo yareyn baan ahoo, Gaaddaweyn16 jiraye
Waa ii garaad li’i dantay inaan, ka gaaftaaye
Goba kalena waa Eebbahay, midaan galliimeystay

Eebbow geyiga oo dhan waa, nalaka guulaaye
Waa noo gedleeyaan dadkii, gaalada ahaaye
Eebbow Giriig kolay ku tahay, nala gamuuneeye

Go’na laguma qaadine dulmay, nagu gelaayaane
Gabbaad kale haddey noo helaan, waa gam’i lahaaye
Eebbow waxay nagu gabreen, diinta soo gala e

Eebbow gadhka haddaan qabsaday, gaaxshe nabaddiiye
Eebbow gamaan iyo waxaan gini, cas dhiibaayey
Eebbow garow kagama helin, goolashaan wadaye

Gambalaaligii bay warmaha, nagu garraaxeene
Eebbow waa gumaadeen raggii, gaanaha ahaaye
Eebbow waxaan gabawareen, Gaagguf17 iyo Xayde18

Xirsigii19 garaaraha lahaa, gaarufkii dila e
Geydhaale Aw-Aaden20 bay, galowga taabteene
Eebbow geesigii Ina-Dherey21, ugu guduudsheene

Guxushaaga Beynaxa22 ilmadu, waataan gabaxleyne
Gorroska Muusae-Taaganaa23, wadnuhu ila gariiraaye
Eebbow weys gamaamaa markuu, gaarka soo waro e

Guuleedku24 wuxuu noo ahaa, guurtii loo hirane
Nimankii garaaddada ahaa waa, garow jabane
Eebbow sidii gaantii maro, waa la gaasiraye

Eebbow gaari bay reer Warfaa, guradii saareene
Gudbi baan ku dhacay reerihii, gannaan jiraye
Eebbow gooni baa lagu heliyo, guri qalaadheede

Gugii ka haray reer Shawaa, caydh la golosleyne
Waxa godey sidii qaanso, waa gaajo iyo ciile
Eebbow waxaa gorof ku raray, duul Geshiishaaye

Cali geri sidii loo gondoloy,gobolba meel aadye
Waa galangal nimankii fadhiyey, guriga Ciddeede
Eebbow gurbood baa hadhiyo, gaban agoomeede

Eebbow goonji weyn iyo xaq bay, naga gullafteene
Guullow ma helayaan waxay, nagu gubayaane
Eebbow waxay naga gogtaan, waa gaaloof olole

Eebbow sidii guun haween, giidu waa aniye
Eebbow nin goba baan ahoo, guni rifeysaaye
Eebbow waxaa noo gurmaday, gaaya alifleeye

Ma garaysni Eebbow waxa, guufanayska ahe
Eebbow gabooddii dorraad, waan ka gara’layne
Eebbow markaan geylamay, guulmiyoo biqiye

Eebbow guddoonkii sharciga, gooye bahashiiye
Eebbow kufriga gedaftalay, gacanta haystaane
Eebbow anaa kugu garlee, guusha hay seejin!

Gabaygan waxaan ka qoray G. Soofe Durraan, sannadkii 1957kii.
1.Gurey: Gurey Shirwac Nuur Cismaan.
2.Shuxle Yuusuf Cismaan.
3.Xaaji Yuusuf Samatar Cismaan.
4.Axmed-taajir: Wuxuu ahaa boqor Cismaan walaalkii, wuxuuna u talin jiray Boosaaso iyo inta la xiriidha.
5.Ayl: Waa magaala ku taal waadiga Nugaaleed meeshuu badda Hindiya kaga daro, Daraawiish baa qalcad ka dhisatay sannadkii 1904-1905tii.
6.Dhooddii: Wuxuu ahaa faras qurux iyo dheerayn caan ku ah, hortii waxaa lahaan jirey Xirsi Cartan Boos, ka dibna Sayid Maxamad buu hadiyad u siiyey.
7.Guban: Waa dhul buuro ah oo kulul, una dhexeeya xeebta Berbera iyo dhulka loo yaqaan Oogo.
8.Burco: Waagii horewaxay ahayd ceel xooluhu ka cabbaan, waxaa la degay 1910kii, haddana waa magaalo madaxda gobolka Togdheer.
9.Looyo: Waa ceel u dhexeeya Burco iyo Shiikh.
10.Aroori: Waa dhul bannaan oo geed gaab leh oo Burco geesta koonfur-galbeed ka xiga.
11.Golis: Waa buur weyn oo magaalada Shiikh dhinaca galbeed ka xigta.
12.Gurraase: Gurraase Xaaji Cali wuxuu ka mid ahaa raggii shirqoolkii Gurdami wax ka abaabulay.
13.Iljeex: Xuseen Yuusuf Xirsi Dalal, wuxuu ahaa ninkii abaabulay shirqoolkii Gurdami.
14.Geel-lookor: Buur u dhexeysa Dhagaxbuur iyo banka Sayallow.
15.Goha: Waa ceel togga Daaqato ah.
16.Gaaddaweyn: Waxay ahayd Deyr abaar ah oo roob la waayay.
17.Gaagguf: Xasan Gaagguf Axmed Mulac.
18.Xayd: Xayd Aaden Gallaydh Ducaale, waxaa lagu dilay dagaalkii Jidbaalle.
19.Xirsi: Xirsiwaal Maxamuud Cashuur, waxaa lagu dilay dagaalkii Jidbaalle.
20.Aw-Aaden: Aw-Aaden Seed (Udaweyne)
21.Ina-Dheri: Xaaji Maxamuud Dheri wuxuu ka mid ahaa kooxdii Sayidka Maka u raacday, waxaana lagu dilay dagaalkii Cagaarweyne.
22.Beynax: Beynax Aaden-Gallaydh, saddex wiil oo uu dhalay ayaa lagu dilay dagaalkii Jidbaalle.
23.Muuse-Taagane: Muuse Jaamac Maxamad Dhegaweyne, afar wiil oo uu dhalay ayaa lagu dilay dagaalkii Jidbaalle.
24.Guuleed: Guuleed Caligeri Axmed.

2 thoughts on “Gudban

  1. Yaasiin jooga Gaalkacyo.

    Gabeygaan waa gabey aad u qiimo badan. Aad baad ugu mahadsan tihiin sida wanaagsan ee aad u ilaalineysiin suugaanta iyo hiddaha afka Soomaaliga.

    Wax yar baan rabaa inaa ujeediyo dadka sharafta leh ee qorey gabeygaan meelo badan oo is daba marsan baa jira iyo qoraalo aad udhaadheer oo laga boodey. Idinkoo mahadsan si wanaagsan usoo aruuriya gabeygaan.

    Aad baan idiin salamayaa

    1. Soo dhawoow, Yaasiin.

      Gabaygu waa siduu ugu qoran yahay buugga Diiwaanka Gabayadii Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee uu ururshay Aw-Jaamac Cumar Ciise. Waxba maynu ka beddelin.

aragtidaada nala wadaag...