Kuwii Cararay

Sidaan horay u soo sheegnay Daraawiish carar iyo baqaba ceeb bay ku ahaayeen, hase yeeshee, nman aan dagaal aqoon u lahayn ayaa duulay mar ay ka war heleen ciidan Ingiriis inuu foodda ku soo hayo, waxaanalaysku helay Caynaba. Dabadeed, nimankii markii xabbaddu isku dhacday ayey baqo jaanta wareen.
Sayidkii isagoo canaananaya una sheegaya inay caado aan Daraawiish lagu aqoon curiyeen, ayuu gabaygan mariyey. wuxuu yiri:

Kuwii cararay maantii kufrigu, ciiro soo kiciyey
Coodkooda nimankii baxshayee, ciiska rogi waayey
Carabley ku joogeen kuwii, cayris kaga rooray

Cakuyey! Kuwii dib u curtaa, ceebta noo dilaye
Cudurlaaga waa lagu yaqaan, inay cabsoodaane
Waa caadadood baqo inay, caga caddeeyaane

Maantaan cirroobiyo anoo, canug ah oo wiila
Carradaba wax badan baan maroo, coobir baan ahaye
Cawroo kalay nagu noqdeen, caabuqii didaye

Allahayow, Canjeelkii1 tanaa, iiga ciil badane
Anna carada waxa iigu wacan, waa cid li’idiiye
Cashadii Daraawiish hadday, cidaha noo joogto

Cindigaan ka suuraynayaa, camalladoodiiye
Sidii aar cargaagtamahayey, caran lahaayeene
Ciyoontaba waxaa dhici lahaa, dirir cafaariide
Caddaan miiran iyo Sowjar2 bay, cani lahaayeene
Cafi ma laha nimankii dorraad, gaalka caawiyaye

Cadowgood Alluu-jebigu waa, nagu cayaareene
Casiisow cadaab duulku waa, caasi khayr darane!

1.Canjeel-tala-waa: Geed magaciis, wuxuu ku yaal togga la yiraahdo Gubad oo magaalada Eyl ka xiga hilaadda 20 km. geesta koonfur-galbeed. Wuxuu geedkaasi ku caan baxay, guyaashii Daraawiishi degganayd Gellingaalle oo geedka u jira 1.5 km ayaa waxaa ku shiray guuto damacsanayd inay xarunta afgembiyaan. Sidaas baa geedkii loogu bixiyey Canjeel-tala-waa.
2.Sawjar: Waa magac lagu tilmaamo dablaha ciidamada Ingiriiska.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *