Ninka Yiri Waxbaan Gani

Nimankii taariikhda Daraawiisheed wariyey waxay sheegeen in waa, waa isagiyo ku Allihiise uu yiri waa riyooday nin la oron jiray Ducaale. Qarris isagoo Cayn jooga, wuxuu ku riyooday isagoo hooto ku riday niman Daraawiisha, hase yeeshee, mar uu gudub u soo booday arkay isagoo jiifa gegi cidla ah, markaasuu mariyey gabaygan oo aannu ka helnay intan yar:

(Q)
Hootadaan Goldheer1 iyo ka riday, Xanamo guudkood
Waxay sii gigleysaba hadday, godobyo Ayl gaadhay
Wadaadkii sidee uga gabbaday, waa golmaraankiiye.

Hadalkaas haddii Daraawiish loo geeycy, aflagaaddo xun iyo edebdarro ayay u qaateen. Rag badan oo Daraawiish waaweyn ah oo Ismaaciil Mire ka mid yahay ayaa markiiba ka gabyey. Ismaaciil Mire oo usagana in yar laga hayo wuxuu ku jawaabay:

(K)
Gacallow astaadkeenniyo, godolladii Dhooddi
Iyo Booso oo gammuurtiyo, Calansidoo gaaxan
Iyo geesigii Yuusuf iyo, gorawga Soohaada
Ararsame sidee uga gabbaday, waa golmaraantiiye!

Sayidkuna wuxuu af-lagaadadaas uga jawaabay:

Ninka yiri waxbaan gani anoo, Gol iyo Cayn jooga
Ee yiri baddii Garacad2 baan, gudub u weydaarin
Godka lagu cadaabyow muxuu, go’uhu been sheegay

Ninka gaala aynabay intuu, gamasyada u qaatay
Gubniyaalka fooskaa ninkii, gowrac ugu jiidey
Sidii booldha geesa la’ ninkii, gaaddaduu mariyey

Ingiriiska goolka ah ninkii, guduriguu loogey
Guntooyinkuu wacay ninkaan, gaban ka sii deynin
Girligaamaduu siday ninkii, goobta kaga qaatay

Garmaamiyo rogaalkii ninkii, gelinna deyn waayey
Ninkastoo isgaafaba ninkii, gooyey muruqiisa

Geesaaska Cadmeed ninkii, kaga gallayrsheeyey
Giddigeed nasaarada ninkii, goomanka u qooyey
Sidii cayr gofaalaa ninkii, gobolba meel aadshey

Geyigaba ninkii galangashee, guuya kaga dhaartay
Gebageba intuu dhigay ninkii, libin ku geeraaray
Gadoobkii dagaalkii ninkii, guusha kala laabtay

Gaafaha ninkii laga maree, haatan laga gaaray
Gerbiduu ku tiirsaday ninkaan, laga gurguureynin
Ninkii yiri gol maran waa miduu, galay wedkiisiiye

Gef iyo laaxin googgaale waa, gun iyo xeelkeede
Abidkood geddaasey falaan, giiramaalladuye
Nin waliba waa garan halkaan, gari ahaaneyne

Shir la gooday waayeel gab yiri, garangar maageeran
Mar haddaanan hadal laygu gubay, gole ka qaadeynin
Gobo’ kalena waa eray yaraan, geedka kala yeeray

Hadalkaas guddaa loo diriyo, gacal islaameede
Nin garaadle oo idili waa, guurti loo maraye
Rabbaan idinku gowrshaye bal daya, garaca weedhiisa

Ninka soo gigilay hootaduu, kor u garaar raacshay
Gammuunaynta aan jirin ninkaa, samada gaarsiiyey
Ragga Ilig3 ka gaardiyi intuu, guudka kaga keeni

Geeliisa maantaan dhacay, gabanta yuuseysay
Maantii garmaamaha senguhu, daba gableynaayay
Gambigeeda maantaas muxuu, geydha uga rooray

Giiryaale waatuu ka tegay, Goda hashiisiiye
Hadduu geesi yahay maalintaa, gebi ma jeexeene
Galacyada markaan rogay, muxuu goojada u taagey

Siddii goosan weer helay markaan, kala raacay
Maantuu hugii kaga galbaday, gegida Buuhoodle4
Muxuu marada geyngeynka badan, xaarka ugu gaacshay

Gubtayey muxuu ii lahaa, gulubi hay loogin
Garka iyo muxuu ii qabsaday, gaararka iyo towga
Gacna weerashadiisii muxuu, ii gallimanaayey

Afartaa ninkii ila gabyaday, garabka maw saaray
Ma ku gubay dab goomaari waa, galabsigiisiiye
Gardarreysi buu igu fulee, gocasho maw reebay

Galaamaha hortiisa dhacaa, galaha duufaane
Haddaan gacan ku sii deyn lahaa, waa gidmaan wuxuye
Bal muxuu la guuroonahayaa, gabaxu waa saase!

Waxaan ka qoray Cabdi-Yaar Cabdi Guuleed.
1.Goldheer: Sanaag ceelka Caynaba dhinaca Hawd ka xiga.
2.Garacad: Waa magaalo ku taal xeebta Hobyo iyo Ayl u dhaxaysa.
3.Ilig-Deldela: Waa gacan badda gala oo Ayl 60 mayl dhinaca koonfur-galbeed ka xiga, Daraawiish baa qalcad ka dhisatay 1904-1905.
4.Buuhoodle: Wuxuu ahaan jiray ceel biyo badan, waana dawrey, haddana waa magaalo raacsan gobolka Sool.

2 thoughts on “Ninka Yiri Waxbaan Gani

  1. Ninku dalka maba Kala yaqaan
    Goldheer iyo caynaba midna sanaag maaha weligeedna ma noqone waa gobolka sool.
    Magaalada Buhoodle maaha gobolka sool weligeedna ma noqone waa togdheer

    1. Sanaag looma wado gobolka Sanaag, laakiin waa meel buur sanaageed ah.
      Buuhoodle ma aha degmada Buuhoodle ama Shaxda, laakiin waa meel aan magaalo ahayn.
      Magacyadii baa isaga kaa ekaaday.

Leave a Reply to Abdihamid Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *