Xay Guduudan La Moodyow

Guud ahaanba dadka Soomaalida farduhu waxay u lahaayeen qiimo weyn. Ninkii aan faras lahayni wuxuu ahaa nin aan tirsanayn. Gaar ahaan Daraawiishta waxayba la ahayd inay noloshooduba fardaha ku xiran tahay.

Sidaas daraadeed waxay aad ugu dadaali jireen, fardaha heliddooda iyo dhaqaalahooda. Marka isweydiin meyno wixii la jecel yahayba ammaantooda in lagu xeel dheeraado. Sayidku gabay iyo geeraarba fardaha aad buu ugu ammaanay, waxaa ka mid ahaa geeraarkan soo socda oo Sayidku ku ammaanayo faras la oron jiray Calanside. Wuxuuna Sayidku yiri:

Xay guduudan la moodyow, Xamar weeye korkiisu

Waa xiddaayad sideedee, ma xariir cusub baa?

Afku waa xolxolkaasoo, ilka loo xanafeeyuu

Xakamaa la dhacaayee, ma xandaad bir tumaa?

Bacaarka xolkiisiyo, sanka xiifta ka yeeri

Wiyil loo xanafeeyoo, xaryamaaya miyaa?

Hadduu qaylo xakaaraa, xaryankeeda dhegaysto

Dheguhuu xukinaayo, xawdh la taagay miyaa?

Surka xaafadda weynluu, xulkiyaa hojiyaa

Xaddii weeye dhexaade, xakab loola miyaa?

Geedku waa xaasoowgaasoo, waa xayaaba galbeedoo

Waa xareed midabkeede, xinni tay ah miyaa?

Dusha xaarad bannanoo, xasil loogu fariisto

Xagna looga dhacaynoo, xukumaysan miyaa?

Fanku waa xaraf weynoo, xawaal weeye korreysee

Gumburkii Xalimeed1 iyo, Xaaridheer2 miyaa?

Qanaantuu xarfinaayoo, xiisaddeeda lulaayo

Xin xabbaas ka karaayiyo, xusur dheehan miyaa?

Haddaan xeebta ka fuulo, Ximan3 reeraha yaal

Xigsintuu u tagaaye, xanfar duuli miyaa?

Anna lay xaradhaami, usna xerya ballaaran baa

Xariir loogu shubaaye, xilka-dhawrsi miyaa?

Haddaan qoofal xigoodaa, xaafidaad ugu dhaado

Xurguftuu dhutiyaayo, naafo xuurrin miyaa?

Haddii layga xubeero, xididdow bixin maayaan

Xabeebtiisa ku raagiye, xabbadkayga miyaa?

Xaya waaga salaadda, haddaan oodda ka xaydo

Xareedkuu gurxamaayo, ma Iiddoor xuja laa?

Haddaan guuro xabiirro, xawaadeenka dhacaayuu

Xijaab iiga dhigaaye, xuddur awdan miyaa?

Haddaan xuurto baqoollo, xor dallaala sideeduu

Xanfigiigga ceshaaye, xaaxi layra miyaa?

Xiito meelay ka fooftay, haddii weerar la xuubsho

Waa xufoo lama gaaree, ma dhashii Isxal4 baa?

Hadduu xoolo gelaayo, magaan waa xannibaado

Xarraan waa isxiraaye, xiddig duusha miyaa?

Taxaabaa ima xiisoo, dibna iima xabbaasoo

Horuu ii xorxoraayee, ma xayuunta baraa?

Goortuu soo xaryamaayo, xayigii daba jooguu

Xalqadeen ku dilaaye, ma wad loo xukumaa?

Hadduu soo xallinaayo, xiiso aan u qabnaa baan

Loogu xeebanayaaye, ma xays noo da’ay baa?

Waxaan ka qoray Aw-Cabdille lbraahim.

1.Xalin: Waa ceel biya badan oo Taleex geesta bari ka xiga.

2.Xeeridheere: Waa tog Xalin ka sarreeya oo buur dheer leh.

3.Ximan: Waa ceelal xiriirsan oo u dhexeeya Dhuusamarreeb iyo Gaalkacyo, waxaana ka mid ah: Cadaado, Mareergur, Gidhays iyo Godin-labe.

4.Isxal: Wuxuu ahaa faras qoor ah oo dhal wanaagsan, fardaha Daraawiisheedna kudi jiray, geenyadii dhashayna waxaa la oron jiray Boosakurus.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *