Xiin Finiin

Nimanka taariikhda weriyaa say sheegeen Sayid Maxamad baa doonay Faaduma Islaan Aadan oo la dhalatay lslaan Faarax Islaan Aadan oo madaxda degmada Mudug ka mid ahaa. Sayidku xoolo badan oo geel iyo fardaba leh ayuu yarad uga bixiyey, xurmo iyo xididtinnimo wanaagsanna waa muujiyay. Hase yeeshee, dhugi geel dhaantay, dhex socotana dhul dhaantaye, hadallaa Sayidkii iyo Islaan Faarax loo kala geeyay.

Xididtinnimadaas Sayidka wuxuu uga jeeday inuu garab iyo gaashaanba Islaan Faarax iyo dadkiisa uga helo, si uu jihaadku u sii xoogoobo. Sida xeerka Soomaalidu u badan yahay ninkii gabar laga guursadaa wuxuun buu cubtamaa, Sayidkuna wuxuu gabay ku yiri:

Wax walba wow huraayaa ninkii ii walaal noqone.

Dabadeed Islaan Faarax wuxuu Sayidkii weydiistay faraskii la oron jiray Xiin Finiin, xaashi arrintaas ku saabsanna wuxuu u sii dhiibay Faarax-dhabansenge.

Daraawiishi farduhu qaali bay ku ahaayeen, gaar ahaan Xiin Faniin Sayidku aad buu u jeclaa, hase ahaatee. sidii loo yiri dhegtaa kaa war dheer, ishaaduna waa kula fil, xaashidii Islaanku soo diray hadday u tagtay Sayidka wuxuu guddoonsaday inuu faraska bixiyo si aan loo xaman. Dabadeedna isagoo xil iska reebaya, faraskana xarragadiisa u dhammeeyay. ayuu ninkii loo soo diray gacanta ka saaray, ka dib markii gabaygan soo socda la qabadsiiyey

Xayow Faaraxow1 hadal rag waa, loo xutubiyaaye

Nin xishood leh baan ahay haddaan, lay xistiyahayne

Xabiib baan ahaa jeer kufriga, laygu xaasidaye

Adna xaashi baad iila timid, xaakin soo diraye

Xaddigii adduunyada, haddaad xoola iga dooni

Marna anigu kaama xistiyeen, xaalaad leedahaye

Inaan kuu xaf gooyaan jeclaa, geel xawaar badane

Kumanyaal xawaadaan lahaa, xawd u sii mariye

Markaad Xiin Finiin2 damacday baan, kaa xanuunsadaye

Walaalow xirgiga qaarkii waa, lagu xujoobaaye

Waxaan kugu xutubiyaaba waa, xuuradaan nahaye

Nin kalaan xafiidaba adaan, xaaydda kaa rogaye

Xigto iyo qaraabiyo hadduu, xidid i weydiisto

Xayow iyo Qayumay haddii, la igu xoodaansho

Xubbigayga kuma hayn inaan, xiisoow bixiyaaye

Xamar weeye oo midab fardood, kala xiriir roone

Xawaariyo kabtiyo raaxo iyo, xawli iyo jeefag

Xaggii loo eryaba waa, gammaan xulashadiisiye

Xubno toosanlow neefku waa, xaalad gooniya e

Goortaan xusuus ula noqdaa, xiiso ii qabane

Waxaan xarafka diimeed ahayn, igaga xeel dheere

Xarbaddiyo jihaadkaan lahaa, xoogsi ugu fuule

Usagaan xatooyada lahaa, xuurta ugu looge

Xiniinyaha ku goo baan lahaa, gaalka xaylka lehe

Xayskaa da’ayaan lahaa, Xalin ka doodeeye

Xaqaygii maqnaa baan lahaa, xag ugu raacdeeye

Meesha iyo xeebtaan lahaa, xiito ka eryoode

Xujeeyreebta reer Hagar anaan, xubashyadii ruubin

Xinjoortoda dhiigga leh haddaan, lagu xaraaraysan

Xaqaamaquuqiyo haddaan, xaaluf lagu yeelin

Xiddaysane ma dhiibeen anaan, xaaladday bogane

Xaaraami uun baa arlada, xula abiidkiise

Wuxuun bay xushleeyaan sidii, xabashi Iiddoore

Aniguna xogtaydaan ka baqi, inay xumeeyaane

Xaashaallillaahive nin goba, xamasho waw ceebe

Goorteer anoo xaajiyaan, xinif awoodayne

lntii aniga lay xaman lahaa, xil iga soo meerye

Aduu galabta kuu xoolo yahay, xamarkii dheeraaye

Waa Xiin Finiin neefka aad, xarigga haysaaye

Xayawaanka oo idil naftay, kala xeraadaane

Mar hadduu suldaan3 igu xil lihi, igaga xayddaantay

Xariggiisa qabo aadmi kale, kuma xurmeeyeene.

Waxaan ka qoray Cabdi Cali Guuleed, Cabdi-Yaar, sannadkii 1955kii.

1.Faarax: Faarax-dhabansenge, waa ninkii Xiin Finiin Sayidku Islaan Faarax ugu sii dhiibay.

2.Xiin Finiin: Waa faraskii Islaan Faarax Islaan Aadan, Sayidka weydiistay, hooyadiisna waxaa la oron jiray Finiin.

3.Suldaan: lslaan Faarax Islaan Aadan

2 thoughts on “Xiin Finiin

  1. sayid maxamed cabdule xasan Allow janadii fardawsa kawaraabi wlee halyay soomaaliyeed buu ahaa, iyo libaax door lixaadle ka ciyaaray suugaanta qarniga ah ee soomaalida.

  2. Sayid Maxamed wuxuu ina tusay halka uu ka taagnaa inuu sumcadiisa ilaaliye

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *