Akishuu Noqday! – Axmed Cabdi Geelle

Gabaygaan waa jawaab ka timid abwaan Axmed Cabdi Geelle uuna u diray abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle, laakiin markan jawaabtu ma aha mid ka soo horjeeda Bacadle ee waa gabay xanbaarsan waddadii uu Bacadle maray markii uu la hadlayay reer Soomaalilaan gaar ahaan maamulka sare ee deegaannadaa. Abwaan Axmed Cabdi Geelle isaga qudhiisa waxaa ka careysiiyey xarigga loo geestey niman wadaaddo ah oo lagu xirxirey Hargeysa iyo xabsiyada hoos yimaada maamulka Soomaalilaan, isaga oo arrintaa ka hadlayana wuxuu yiri:

Bacadlow aduunyadani waa oday ka sheekeeye
Amakaag ma laha shay hadduu soo ahaan jiraye
Adamigu wixii ku cusub bay la ashqaraaraane
Arrin aniga iga yaabiyoo aada baa jira e
Arxan xumada Soomaalilaan maqal Islaamkiiye
Iyaga iyo Axmaaradu Iblays agabkii weeyaane
Culimadda Ilaahay diraye diinta u adeegta
Xabsiga Abuu Qurayb oo kalaa lagu idleeyaaye
Eed ma gelin wadaadkaniye waa la arjumaayaaye
Iimaanka uu leeyahay buu eeday oo qudhahe!
Elekteriga lagu ololiyee ubucda loo saaro
Indhihii arkaa la hubaa inay ilmeeyeene
Abtirsiinyahaa lagu arkay iyo oodda uu yahaye
Akishuu noqdaye Iina Isaaq weys tixgeliyaaye
Awood nimaan lahayn iyo qariib waa Al-Qaacido e
Iyagay adduunyadda tusaan kuna ugaadhaane
Abris iyo abeesay noqdeen arami jiiftaaye
Ehel ma laha gaal iyo ninkii aaladow sida e
Innaguu gargaar innaga sugi Ina Ismaaciile
Addimada haddaan lagu tegeyn jeelka lagu ooday
Aan lagu afuufayn rasaas ololku qiiqaayo
Alaylehe inaan aamusnaa waa ardaalnimo e
Abshirow adow hiilin jiray kii la aayiro e
Inantii yarayd waadigii Aakahow ridaye
Eeggana afkaagay bulshadu eegaysaa weliye
Uugaami maansada mar baa lagu itaalaaye
Inta uurka nugul ee dulmiga ka anfariiraysa
Odayada wax garadkee xalila xaajo la adkeeyey
Interneedka ugu sheeg xaq waa loo arrimiyaaye!

***

Afartaasi alifkaan bartiyo erayadaydii dheh;
Hawraar awow laga wato iyo hibo Ilaahay dheh
Eegana Riyaalow la maqal waxaad ahaateene
Oogada saraad uga eg tahay Iina Islaameede
Adigiyo Israa’iilba waad edeb darraateene
Nin Islaamka neceb baad tihiyo ehelu khayrkiiye
Axmaqyohow wadaad sooman baad adhaxda goysaaye
Laga ogaayey eeddaad fasheen tan iyo Ayrlaan e
Aakhiro tagtaa oo cadaab lagugu aasyaaba
Kursiga kaa aryaa oo nabsigu ood ku geliyaaba
Indho beeshayaa oo arlada umal ku joogtaaba
Insha Allaahu waan sugi siduu Eebbe kuu galo e!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *