Dib U Goco Abshirow! – Cumar M.M. Baarqab

Gabayga soo socda waxaa mariyey abwaan Cumar Maxamuud Maxamed oo ku magac dheer Baarqab kana mid ah abwaanada Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool. Cumar wuxuu doonayaa in uu halkaan ku soo bandhigo gabay jawaab u ah gabaygii abwaan Abshir Nuur Faarax Bacadle, gabaygaas oo magaciisu ahaa Beel Yahay Gadoodayoo Go’daydoo Gabar ku Ciil Beeshay, abwaanka oo ujeeddadiisa iyo dareenkiisa suugaaneed ka hadlaya waxa uu yiri:

Abshiroow gabaygu mar buu kula tagaa godobna reebaaye
Nin walibana garaadkiisuu hadlaa garasho waa meele
Gefefkuna mar bey kaa dhacaan adoon u guuxeyne
Marka hore dib uga guro xumahaad galisay taariikhda
Maanso waan u guuxaa in badan waan gareysnahaye
Hayeeshee gabyaa sare waataad aheyd gu’ iyo jiilaalee
Faysal ku gaar yeel xumaha intii geysatuu qabane
Reerahana ha kala geyn sharaf baa loo guntaa xarige;
Gobtu ways taqaan ragoow gees walbood eegto;
Nimuu walaalkii ganahayoo gees u riixaayoo
Ama uu garbaduub intuu u xiray geeyay meel geesa
Ogoow mar buu gacalka dhaamaa gaalka aad sheegtay
Gundhiga iyo ujeeddada haddaan qalinka gaarsiiyo
Gartu Allee taqaannaa goor kastooy tahaye
Gilgishaye aan ku faro xaal inaad geeyso
Gob iyo gaan geetahoon isqaban wuu i gali waayay
Ninkii gafa lama daba galoo looma guumeeyoo
Guushuu kaa heelaa markaad gumuc ku tuurtaaye
Sidii godka loogu rido amase loo gaado
Maskaxdaa go’aan laga dayaa gama’a how diidin
Intaa waan gorfeeyaye mid kale iga gudoon maanta
Guri wixii soo dumiyo dhibkii Soomaali kala gaaray
Abshiroow gu’ iyo deyr wixii lays gumaadaayay
Gandhari wuxuu hooya dilay Isaaq wuu ka gaar yahaye
Sharaf buu gobal iyo dhuulkii goostay kaligiiye
Innagaa is gooynaye raggaa yaan la gaaxine
Godobteena aan dhaqnoo tolkeen yaa la sii gubine
Geesi wuu garqaataa kolkii dagaal lagaga guuleysto
Adiguna gaddii lagugu yiqiin waad gadaal dhaaftay
Gumaadkiyo xasuuqii miyaad garasho beel gaadhay!
Reer waqooyi haddii lala garamo ama garaab yaalo
Inagaa gumeeynoo colaad geesta kala raacnay
Nin walboo gorfeeyana gardarraa geesta naga taala
Waagii baryaba raggii taangi lagu garaacaayay
Koofur oo gurmada dadkaan geynay xeradooda
Inaan wali u sii goodinaa waan ka gaabsadaye
Lixdankii ummad gees aheyd gacal ku soo maagay
Oo gogoshaadii kuu yimid calanna kuu geeyay
Oo aan abaal kood la gudin lana garafeeyay
Inaan wali u sii goodinaa waan ka gaabsadaye;
Faysal god iyo qool hadduu mool is galinaayo
Garaabada iyo ninkii la qaba madax garaaciisa
Isagaa goor danbaba ku dhici hadaamuhuu maanta goobaaayo
Beeshase in loo gudbaa waan ka gaabsadaye
Goos goosan meynee khabiir soo gubtaad tahaye
Aniguna haddaan soo galoo waan gardaadsadaye
Dib u goco Abshiroow wey gudboon tahaye!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *