Halaqyahow Sumaysan – Khadar Axmed Barkhadle

Gabaygaan waa jawaab ku socoto Abshir Bacadle oo uu curiyey abwaan Khadar Axmed Barkhadle oo Swiiden ku nool. Maansada waxaa la tiryey 6dii bishii Oktoober 2006dii.
Khadar waxaa uu ka danqadey gabayo uu Bacadle u soo jeediyey maamulka Soomaalilaan, oo uu ku eedeeyey diin xumi, iyo ajnabi u adeeg.

Hamuuntiisa gabay baryahan waan ka haajiraye
Indhawaydba heesiyo ma tirin hawraarta maansada e
Hadal xumada halaq-Bacadle iyo heeryo xumadiisa
Ayaa hadalka iga keenay iyo gabaygan heensaysan
Hanjabaad bilaashloow howgan aad handadayso
Hanad iyo wuxuu leeyahay hub iyo maalkiise
Huwantiinii oo idil ayay habeen orod ku jiidheene
Hadhaagiinii waa kii firxadkii hallaabaye
Rag hubaysan baa jira ilaa gubanka hoostiisa
Una heellan hebedkaagan oo kale inay hanaqa gooyaane
Hanqaltaaga hoygani waad ku hooban doontaaane
Halaqyohow sumaysani dab bakhtiyay dib ha u hurin;
Hoygayaga dhammaantii markuu hororku helayee
Hawd ilaa bari dadka haybta lagu dilayay
Hadal kaama soo bixin hawraarna maad tirin
Hambalyaad lahayd hiilna waabad u ahayd
Immikana hammuuntii ayaa wali ku haysee
Hanqaltaaga hoygani waad ku hooban doontaaane
Halaqyohow sumaysani dab bakhtiyay dib ha u hurin;
Haybtii Tigreegiyo gaal haddaad ku sheegtay
Kufrinimo haddaad huwisay Muslimiin hanuunsan
Hubaal weeye iimaankaagu hoos inuu jiro e
Heeryo beena sidatoo huwatay diintiiye
Turki Huuraale baad hayb wadaagtaane
Hooyooyin laayuu ahaa hebedka qooqani
Haddeerna heeryuu sitaa oo diinta ku hagoogtay
Hanqaltaaga hoygani waad ku hooban doontaaane
Halaqyohow sumaysani dab bakhtiyay dib ha u hurin;
Haybta idinkaa wax ku heera horor sidiisiiye
Hoygii ka haystoo hanjabaadna ugu dara e
Haweenkooda xoogoo beerihii ka haystee
Habeen weeye Ramadaane waxan kaga hadhaayaa
Hagardaamadiinaa idinkaa qiyaamaha la hortagi Ilaahay!

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *