Roob Doon (Gabayga 1aad)

Waa maanso roob doon, Alle bari iyo duco isugu jirta. Wuxuu abwaanka Eebbe ka baryayaa inuu roob iyo raxmaad siiyo san-ku-neefle oo dhan ku naalloodo. Roob ay dhirtu ku wada magoosho oo xooluhu ka durduurtan, dallagga beeruhuna ka dhergo, ayuu abwaanka Eebbe ka tuugay. Maansadu waxay ku billaabmaysa sidan:

Ilaahoow ilaah xaqa ma jiro adiga mooyaane
Udgoonoow Rasuulkiina waa imaamu towxiide
Anaguna addoomaanu nahay kuu itaal darane
Ammuuraha adkaadoo qalbiga ololiyoo shiila
Axad kale ma aadnee adigaan kula abbaarnaaye
Arkaan iyo Shurruud baan ducada ka ambaqaadnaaye
Istiqbaalka Xaramkaan wejiga ku itijaahnaaye
Awaamiirtii Nabi Muxamed baan ku Alle tuugnaaye
Istiftaaxa ducadaana xamdiga ka ambaqaadnaaye
Salligii udgoonow Nabigaan ku ikhtitaamnaaye
Afkana waxaan ka dhowrnaa xaaraam aan ogsoonahaye
Aqbalkiyo ijaabaduna waa idin Ilaaheeye
Ahlu Dariiqo kuma uur samiyo Aw-Fulaanaduye
Ikhlaas barax la’ mooyee Shirkigu aayatiin ma lehe
Ishaay mirig lahoo waa ikhlaas Eebbow ducadaynu
Mana aaminsanin axad kaloo oonka naga gooyo
Calaacala addoon baan godnaa oo itaal darane;
Aanaa uleylkoon kacniyo thuluthul aakhiirka
Ilxaax duciyo awraadsigiyo oohintiyo taaha
Awqaada saxarkaan baryada ka istafiidnaaye
Ismullaahi cadamkaan kurbada uga adkaanaaye
Udgoonoow Rasuulkaan salligi ku ikhtitaamnaaye
Isha waaga waxaan ugu sinaa duciyo aamiine
Goortaan ilmada seyrinaad naga ajiibtaaye
Awood ma lihin iyo axad kaloon u ashtakoonaaye
Abaartiyo colaadiinna waa nagu adkaadeene
Haddii geel itaal dhigey riyana xaabki ka idlaadey
Oo idihii duufeen lo’ina oon u le’anayso
Afartiba haddey guran yihiin baladna aafoowdey
Afkaana aaney la’aadey ilmuhu hooyo ibaheeda
Ugaarta iyo cowshina mar hore Aa-Ke lagu laayay
Oo aanan aqoon bad u laheyn Eebbahay magane
Oo beertu oomane tahoo Kalli abaaroobay
Afkana aanay la aadayn ilmuhu hooyo ibaheeda
Oo ay askaax wada yihiin waa Alloow sahale
Idaacadaha gaaladu warkey ku andacoodaane
Afka nooma saaraan nimcaday ururinaayaane
Waa sidaan astaahil u lahayn iyo abaalkeene
Ictiraafnay Eebbow dambigii aafadaan dhigaye
Addoonka u martiya boqorku waa ka istixyoodaaye
Alloow naga ajiib ducada waa ooggi waabariye
Mar haddaan ilxaax kugu baryoon Eebbow ku cataabey
Ixsaankiyo fadligaan kaa bartaan Eebbow kaa sugiye
Sidii la arki jirey waa inaan ka istafiidnaaye
Aqbal suge ilmirigleynayoo ooman baan ahaye
Arxamu-raaximiinow kor baan eegayaa weliye
Ixtaajadiyo amalkaan qabana waad ogsoon tahaye
Alloow dhibicda naga oontir waa seban abaaraade
Alloow wabigu ood-goosto oo aafo ha u yeelin
Ilaahow orgigu yeero oo sucu udgoonaado
Alloow roobaan waayahaan la arag oo nakala ooda
Indho u roon Illaahoow na sii ubaxya reexaan leh
Alloow maqashu orad iyo durduro reerka ku ekeyso
Ilaahow balligu aafta dhigoo ubadku tuurtuuro
Alloow ceeshii laga oomanaa xaafku ilo duugo
Alloow saco insaarixinayiyo waylo u ordaaya
Alloow geel ilwaad quruxsanoo kuray u heesaayo
Alloow ari intuu ubax dhex maray udug na saameeyo
Afka sarena geedaha ka jaroo alalax leynaaya
Isha raaxadeed iyo Alloow waa nimca adduune
Ilaahow ergaan kuugu ahay Dhibicaan aafoobin
Alloow beertu jiho ay tahaba iba mataanayso
Ubax iyo sabuul iyo bakaar ha isu soo eegto.
Alloow dibada iib loogu dhigo sannadka soo aadan
Alloow gee abaariyo colkana Banii Israa’iilka
Islaamkiyo Ilaahow ka dhowr Ahalu Towxiidka
Ilaahayow islaax iyo heshiis aaran lagu raago
Iyo dawladaan qolo aheyn aayaddana raacda
Akhristayaalow aamiin i dhaha waa agaasimaye.

Shirib:
Intaa ka dib wuxuu Abshir Bacadle gabaygiisan ku soo gunaanaday saddex beyd oo shirib ah, waana sidatan:

Colya abaarya eed qabiil abuurkii Yuu.Es.Sii ahaa
Abaartii dadka wow urtee Ilaahoow aaran kaa udgoon
Abaarta waa astaahilnaa Ixsaanaan Eebbow kaa rabnaa.

Aanaa uleyl: Saqda dhexe ee habeenkii
Thuluthul Aakhirka: Qeybta danbe ee habeenkii
Ilxaax: Baryo ku celcelin, aad u alia tuugid
Saxarkaan: Waqtiga suxuurta, hiraaboodka
Duufeen: Cudur idaha ku dhaca oo duuf la yiraahdo
Kalli: Waa far ama gacan laga soo bixiyo wabiga si loogu waraabiyo beeraha
Ib: Waa naaska meesha ama isha caanaha ka soo baxaan.
Askaax: Wixii daadsan tabar dari awgeed
Maqal: Waxaraha iyo neylaha yaryar
Aafta: Buux dhaafo
Xaaf: Waa qashinka biyaha soo qaado
Insaarix: Araasin, isku soo ordin.
Ilwaad: Qurux
Alalax: Waa ariga markuu aad u dhargo socod wanaagiisa
Yuu.Es.Sii: USC

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *