Gogoldhigga Daabacaadda 1aad

Qiimaha Maamulka

Waxaa jira maahmaah Carabi ah oo odhanaysa: “Maamulka wanaagsani waa nolosha barkeed”, aniguse waxaan qabaa: Noloshuba in ay tahay maamul”, maxaa yeelay, maamulku waa fulinta iyo hirgelinta nidaamka u degsan Qaran, Hay’ad, Mashruuc, Urur, Qoys, ama qayb kasta oo bulshada ka mid ah. Haddaba, kitaabkani wuxuu ku saabsan yahay Fanka Maamulka.
Waxaa jira dad aan aqoonsanayn in maamulku yahay cilmi looga soo baxo Jaamacado iyo Dugsiyo Sare oo qaba in nin kastaaba maamule noqon karo, haddaanse u fiirsanno sababaha u keena fashilaadda iyo guul-darrada mashaariicda badankooda sida Shirkadaha, ganacsiga, Beeraha, Warshadaha, Jamciyadaha Khayriga, Mashaariicda Dhismaha Qoysaska, Barbaarinta Carruurta iwm, waxaan arkaynaa in uu yahay tixgelin la’aanta qiimaha cilmiga maamulka.
Dhawrkii sano ee inna soo dhaafay, waxaan ka qayb gali jirey shirarka Hay’adaha kaalmeeya Qaxootiga Soomaaliyeed, anigoo matalaya “MUSLIM WORLD LEAGUE”, waxaan ogaaday in gargaarka Hay’adahaasi inoo fidiyaan u badan yahay Fanka Maamulka sida tababarrada iyo aqoon-isweydaarsiga, horumarinta maam-ulka mashaariicda, horumarinta tuulooyinka, teknikada maamulka iwm. Waxaanna ku xambaaray waa dareenka ay qabaan inaan cilmigaa u baahannahay.
Marka haddaan kitaabka ku soo laabanno, waxaa qoray nin Maraykan ah oo la yiraahdo: JEEMS MENZIE BLAAK oo muddo dheer ka madax ahaa Xiriirka Agaasimayaasha Maamulka ee Maraykanka, Qaybta Shaqaalaha. Waxaanu u bixiyey: “HOW TO GROW IN MANAGEMENT” oo macnahiisu yahay sidaad ugu hormari lahayd maamulka, waxaa loo tarjumay afaf badan, waxaa Carabi ku tarjumay CABDULXALIIM THAABIT, waxaanu u bixiyey: “Sidaad u noqon lahayd Maamule najaxsan”.
Tarjumaadda Carabigu, waxay ka koobnayd 272 bog, marka waxaan arkay in uu kitaabkani weyn yahay, waxaanna ogaaday inaan dadku jeclayn kutubta waaweyn, marka si aan dadka u raalli-geliyo kitaabkii waan soo gaabiyey, waxaanna ka soo qaatay nuxurkii lama huraanka ahaa, waxaanna ku soo koobay 80 bog oo keliya, meeshuu ka ahaa 272 bog. Halkaa waxaad ka garanaysaa in kitaabka intiisii badnayd laga soo tegey. Waxaase jira inaan aad isugu dayey in siddeetankaa bog laga helo faa’iido ku dhow tii laga heli lahaa buugga oo dhan.
Waxaan ka tegey waxay u badan yihiin magacyadii dadka, shaqadoodii, meelihii dhacdooyinku ka dhaceen, warbixinnadii, tirakoobyadii, imtixaanno, su’aalo iyo tusaalooyin badan. Waxaan kala soo baxay nuxurkii iyo dhuuxii asaasiga ahaa. Marka qofkii raba in uu kitaabka dhammaantii wada akhristo, wuxuu u noqon karaa asalkii Carabiga ama Ingiriiska.

Arrimaha Kitaabku Ka Hadlaayo

Haddaan flkrad ka qaadanno mowduucyada kitaabku ka kooban yahay, waxaan arkaynaa in uu ka kooban yahay 5 Cutub oo kala ah: Cutubka hore oo arar ah, saddexda ku xiga oo ubucdii kitaabka ah iyo cutubka shanaad oo nakhtiin iyo imtixaanno ah.
Cutub kastaa wuxuu ka kooban yahay dhawr qaybood, qayb kastaana dhawr xubnood. Cutubka hore wuxuu kaa siinayaa fikrad guud mabaadi’ida aasaasiga ah ee maamulku ku salaysan yahay iyo shuruudaha maamulaha fuliyaha ah ee doonaya in uu ku guuleysto wax ka hoggaaminta bulshada, saddexda cutub ee 2aad, 3aad, iyo 4aad, waa saddex dhar-dhaar oo ku saabsan mabaadii’da guud ee maamulku ku dhisan yahay, oo kala ah: Xiriirka aadamiga, go’aan qaadashada iyo gudbinta go’aannada;
Xiriirka aadamiga, waxaa looga jeedaa: “Adigu waxaad maamulaysaa dad aad guul u hoggaaminayso”, dadkaas oo ah qaar madax kuu ah, kuwo aad madax u tahay iyo kuwo kula siman iyo dadweyne kala duwan oo shaqadu isku kiin xirayso. Marka cutubkani wuxuu ka hadlayaa siduu maamuluhu dadkaa ula dhaqmi lahaa, ula socon lahaa ama madaxda u hawlgelin lahaa dadka uu xukumo iyo guud ahaan sidii xiriirkaas loo hagaajin lahaa.
Dhardhaarka labaad waa go’aan-qaadashada: “Waxaa loo baahan yahay in Agaasimuhu leeyahay karti uu go’aan ku gaaro arrimaha ka hor imaanaya”, marka wuxuu ka hadlayaa sidii go’aan adag looga qaadan lahaa.
Dhardhaarka saddexaad waa gudbinta go’aannada, taasoo ah si go’aannadii loo hirgeliyo waa in la gaarsiiyo goobihii fulinta iyo in la dhacsiiyo dadka fulinaya oo lagu qanciyo, maxaa yeelay, go’aan aan la fulinayn qiimo ma leh. Wuxuu cutubkani si faahfaahsan uga hadlayaa hababka wax la isu dhacsiiyo oo ay ka mid yihiin shirar la qabto, telefoon la iskula xiriiro, warbixinno, aqoon- isweydaarsiyo iyo tababarro iwm.
Cutubka shanaad wuxuu soo koobayaa mabaadii’dii lagu faahfaahiyey afarta cutub ee hore, waa nakhtiin ahaan, si qofku u xusuusto wixii u soo hormaray, waxa kale oo uu ka hadlayaa cutubkani imtixaanno iyo su’aalo, si qofku ula xisaabtamo naftiisa, una qiimeeyo heerka uu kaga jiro maamulayaasha wanaagsan ee guusha dhaliya.
Waxaa la dhihi karaa kitaabkani wuxuu ku salaysan yahay Maamulka Shirkadaha iyo warshadaha Maraykanka ee waaweyn, marka Soomaalida muxuu u tarayaa mar haddii aynaan isku maamulba ahayn.
Waa wax jira in ay hay’adaha mashaariicda kala duwan uu ku kala geddisan yahay qaanuunka maam¬ulka, waxaase jira arrimo ay isaga mid yihiin wixii maamulka ku soo aroora oo dhan.
Waxaa ka mid ah arrimahaas hay’ad kastaa waxaa laga rabaa in ay xaqiijiso ujeeddadii loo dhisay, tusaale ahaan: Hay’ad kastaa oo wax soo saarta, waxaa laga rabaa in ay kordhiso wax soo saarka iyo kor-u-qaadidda tayadeeda si ay u suuq-geliso. Sidoo kale, hay’ad kastaa oo dhaqaale bulsho ama nabad-gelyo waxaa ka mid ah waajibaadkeeda in ay soo xusho shaqaale u qalma hay’adda, in ay hagaajiso xiriirka hay’adda iyo shaqaalahaba, in ay go’aanno gaarto lagu socodsiinayo hawlaha iyo fulinta go’aannadeeda.
Haddaba, kitaabkani arrimahaa kama baxsana, waana arrimo maamul kastaa ku shaqeeyo meel kasta iyo goor kasta oo la joogo.
Waxaa lagu qiyaasaa horukaca iyo dib-u-dhaca ummadaha hadba heerka ay ka marayso maamulka danaheeda, ummadna cidi ma tixgeliso haddii aanay lahayn nadaam iyo maamul wanaagsan oo ku dhisan sinnaan, iskaashi, caddaalad iyo karti wax-qabad, haddiise ay iska horjeeddo oo ay khayaano iyo is-boqon-goyn iskula wareegayso waa la quursanayaa, halkeedaana looga tegayaa. Ilaahay innagama dhigo kuwa is-gabay ee laga tallaabsaday…

aragtidaada nala wadaag...