Qeybta 29aad

Walaalayaal waxaan kala tagnay annagoo dalka dibaddiisa ku maqan. Intaan maqnaa waxaa dhacay dagaallo waawayn oo lagu soo qaaday imaaradii gobolka Gedo. Dagaalkaasi wuxuu socday muddo aan yarayn mar walbana waxaa weerarka soo qaadayey gaalo is bahaysatay wayna jabayeen mar kasta.

Dib u Noqosho ama Gocasho

Inta aanan u galin Gedo iyo imaaraddii Islaamka ahayd aan wax yar dib noogu celiyo gobolka Mudug gaar ahaan Caabudwaaq. Waxaan xusayaa laba arrimood oo aan ka tagay markaan ka warramayey Caabudwaaq iyo dhibkii ay dacwadu kala kulantay.

Midda 1aad: Waxaan ammaan ballaaran usoo jeedinayaa qabiil ka mid ah qabiilooyinka daga Caabudwaaq. Reerkaasi wuxuu ahaa reer Ilaahay barakeeyay, Waxay ahaayeen Ansaar u gargaartay ducaaddii markii cid walbaa dishay oo dhacday.

Waxay dajiyeen guryohoodii, waxay wax ka siiyeen maalkoodii, waxay xabbadda isaga dhigeen ama waardiye u noqdeen ducaaddii dulmiga lagu laynayey, waxay hoy u noqdeen diintii Islaamka oo reer Caabudwaaq la collaytameen.

Waa reer Maxamuud Guuleed. Reerkaas barakaysan oo noqday ansaartii ducaaddii reer Caabudwaaq ay ka dhigeen waxay dilaan iyo waxay dhacaan ama dhaawacaan Ilaahay ha xifdiyo naftooda iyo maalkooda intaba, aamiin, aamiin.

Midda 2aad: Waxaan ka tagay halyeey meeshaas ku shahiiday. Wuxuu ka mid ahaa muhaajiriintii socodka kasoo billowday Dhoobley, wuxuu ahaa hoggaamiye ciidan, wuxuu ahaa tababbare ciidan, wuxuu ahaa daaci dadka dacwada ugu yeera. Reerkoodaa dagaan ahaan ugu badan Caabudwaaq (reer Dalal).

Wuxuu ugu yimid in uu dacwada gaarsiiyo, waxaa dilay ilma-adeerradii, waxay ku dileen magaalada Caabudwaaq bartankeeda. Qabiilkii uu ka dhashay oo magaalada haystay aad ayey ugu farxeen geeridiisa halyeygaas marka laga reebo nin la dhihi jiray Ina Bulxan iyo intii Ilaahay u naxariistay. Wuxuu ahaa halyaygaasu shahiid Abuu Dujaanah (taqabbalahu-llaah).

Ansaarigii Kaligii la Dagaallamay Reer Caabudwaaq

Markii ay Abuu Dujaana dileen reer Caabudwaaq, ayaa nin lagu magacaabo Ina Bulxan waxaa uu dagaal gobeed la galay reer Caabudwaaq iyo magaaladii oo dhan. Ina Bulxan wuxuu galay dagaal uu kali ku yahay ayna kasoo horjeedaan magaaladii Caabudwaaq oo dhan.

Wuxuu isticmaalay bambooyinka gacanta laga tuuro, wuxuu isticmaalay qoriga boobaha ah, wuxuu isticmaalay xeeladdii ahayd ku dhufo oo ka dhaqaaq. Wuxuu galay dagaalkii uu Abuu Basiira galay oo kale iyo taatiko ciidan oo asaga u gaar ahayd.

Wuxuu gaystay waxyeello badan, wuxuu argaggax ku riday Suufiyadii shayaadiinta ahayd ee mu’aamaraadkaan ka dambaysay, wuxuu kala cayriyey dhagarqabayaashii Islaamka dhibay ee laga tukan waayay.

Suufiyada waxaa ansaar u ahaa ama taakulayn jiray laba qabiil oo kala ah reer Siyaad Xuseen iyo qoys lagu magacaabo Celi. Waxaa madax u ahaa laba nin oo midna reer Siyaad Xuseen yahay midna reer Celi yahay ama Celi. Waxayna kala ahaayeen labadaas nin Ina Cabdi Jawaan oo ahaa reer Siyaad Xuseen iyo Ina Macalin Cabdi oo ahaa reer Celi ama Celi.

Ina Bulxan markuu rag waayay muddana dagaalkii ku jiray naftiisiina ay khatar gashay ayuu u hijrooday gobolka Gedo oo markaas jihaad ka socday.

Wuxuu ka qaybqaatay dagaallo badan oo lala galay kuffaartii iyo murtaddiintii. Aakhirkiina wuxuu ku shahiiday magaalada Ceelwaaq agteeda, waxayna isku maalin shahiideen al-Waalid al-Caabid az-Zaahid Shiikh Aadam Garwayne (taqabbalahumu-llaahu ajmaciin).

Gobolka Gedo iyo Imaaradii Islaamiga Ahayd

Sidee ayey ku billaabatay? Sidee ayaase looga faa’idaystay? Goorma ayey burburtay imaaradaasi? Yaase burburiyay? Soomaalidu gacan ma ku lahayd burburkii imaaradaas? Arrimahaas oo dhan iyo arrimo kaleba waxaan uga hadli doonaa qormadaan iyo kuwa kale ee soo socda inshaa Allaahu tacaalaa.

Akhristayaalow waxaad ii oggolaataan in aan xoogaa siyaasad ah gogoldhig ka dhigto inta aanan billaabin ka-sheekaynta imaaradii Islaamiga ahayd ee gobolka Gedo.  Aad ayaad ugu mahadsantihiin dhagaysigiina, baaraka-llaahu fiikum.

Ikhwaanii markii ay burburtay Dawladdii Maxamed Siyaad Barre sanadkii 1991dii,  waxaa dhacay musiibooyin fara badan. Waxaa kamid ahaa dhibaatooyinkii dhacay dil, dhac iyo barakicin. Dhanka kale waxaa meesha ka baxay oo saaxada bannaysay dawlad faasiqad ahayd oo diinta iyo dadkaba dhibaato weyn ku haysay laakiin lagu qabay xoogaa kala dambayn ah.

Waxaa kamid ahaa wanaagga lagu qabay dawladdaas xasillooni dadka dhexdiisa ah, ilaalinta xuduudaha, shaqooyin ay dadka qaarkiis ku haysteen, waxbarasho maaddi ah, magac dawladnimo iyo wixi la mida.

Walaalayaal waxaad ogaataan Soomaaliya iyo Itoobiya dawladihii ka talin jiray isku mar ayaa la riday, isku xilli ayaana kursigii xukunka laga qaaday madaxweynayaashii labadaas dal, Maxamed Siyaad Barre iyo Mingistu Xayla Mariyam. Qorshaha loo dumiyey dawladdii Soomaaliya waxaa lahaa reer galbeedka ama gaalada ee ma ahayn mid ay wateen jabhadihii qabiillada ee lakala oran jiray Yuu.Es.Sii (USC), Es.Es.Dhii.Ef (SSDF), Es.En.Em (SNM), Es.Pii.Em (SPM), Es.En.Ef (SNF), iyo wixi la mida.

Waxaad mooddaa in aan wali la fahmin balaayadu meeshay nooga timid iyo cidda wadatay. Waxaad mooddaa qabiilooyin fara badan oo Soomaali ah in ay la tahay in ay ayagu rideen dawladdii shuuciyada ahayd ee Maxamed Siyaad.

U fiirsada shacabka waxaa lagu dagaalgalinayay Ina Siyaad Barre ayaan kursiga ka tuuraynaa kadibna waddanka madaxwayne caadil ah ayaan u dhiibaynaa oo qof walba xaqqiisa siiya dadkana isu soo dhaweeya oo reer magaal ah.

Waxaa dadka ugu faham xun wadaaddada Ictisaam oo u qaba in ay dawlad tahay Buntlaan, waxaadna arkaysaa marar badan ayaga oo leh, “Waa dawlad madaxbannaan!” Oo talow yay ka xoroobeen?

Waxaa kuwaas kasii liita kuwa ku hoos naban maamulladaas ama la shaqeeya una fatwooda (Ictisaam). Waxaadna maqlaysaa marar badan ayaga oo leh, “Soomaalilaan waxay u baahan tahay aqoonsi.” Oo yaa inkirsan inay yihiin Soomaali?

Qoladaan koonfurtu (Ictisaam) waagii hore waxaa dagaalka lagu galiyay Daarood baa idin gumaysta ee iska dhiciya oo ka saara magaaladiina. Ma aysan oran oo maxay noo dhimeen oo waddanka looga saarayaa? Ma aysan oran miyaan kala maarannaa?

Daarood yaa baddalay oo Xamar lagu soo dhaweeyay? Mar waa Maraykan, mar waa Xabashi, marna waa balaayo madow. Qola kastaa markay timaaddo waxay ka liitaan Ina Siyaad Barre iyo Daaroodkii laga sifeeyay Xamar.

Wax lagu qoslo waxaa ah, bal fiiriya waa macquul in la yiraahdo dadkii Xamar dagganaa ee Soomaaliyeed waxaa dhibay kuwo meel kale ka yimid. Dadku waxay go’aan ku gaareen in ay xoog isaga saaraan baladaan ku habsatay. Ma xuma arrintu hadday saas tahay. Laakiin hadday taladu adinka idinka timid, maxaa loo boobay waddankii aad ka xorayseen dawladdii dhiigmiiratada ahayd? Maxaad Daarood markuu cararay uga daba cararteen? Maxaad uga qaxdeen waddankii aad ka xoraysateen Daarood? Maxaad qoxootiga u noqoteen sidii Daarood oo kale? Maxaa wali xabbaddu idiinku socotaa gaalana idiinku dhex jirtaa?

Jawaab u heli maysaan aan ka ahayn Allay lehe dagaalkaas waxaa watay gaalo iyo gaaloraacyo shacabkana waa la khayaameeyay. Gaalana waxay rabtay in ay waddanka qabsato, waana haysataa ee see isaga kicinnaa?

Markaad waddankii bannayseen ayaa la idiin soo dabamaray waana dantii gaaladu lahayd. Illaa haddana wax gartay arrintaas waxaa ka jira wiilasha yar yar ee gaalada qoriga la hortaagan Soomaaliduna leedahay khayr baad naga hortaagan tihiin oo waxaad waddankii ka erideen hay’adihii khayriga ahaa!

Ogaada gaalo dawlad idiinkuma maqna mana rabaan in aad dawlad noqotaan. Xataa ma rabaan middii shuuciyada ahayd oo kale inay idiin dhalato. Waxay rabaan inaad adduunwaynaha ku kala firirtaan oo kuwo fara badan oo adinka idin kamid ah ama carruurtiinnu ay dib ugu soo celiso Soomaaliya ayagoo gaalo ah, ciyaadan billaahi.

Waxay idin la sugayaan carruurta waddammada gaalada ku dhalatay inay qaangaaraan oo ay waddanka dib ugusoo noqdaan ayagoo baddalan. Waxay rabaan in ay dhammaadaan dadkii damiirka lahaa mid diineed iyo mid waddaniyad intaba.

Waxay rabaan inay gobol gobol waddanka u kala gooyaan oo xuduuddo u yeelaan qola walbana ku dhahaan, “Iska celiya kuwaan oo xuduudihiinna yay imaan, annagaa idin taakulaynaynee. Argaggixisadana laaya iyo kuwaan diinta ku gabbanaya (Shabaab), waa takfiir qoladaan gaalada la dagaallamaysaa oo arrintaas waxaa sheegay culumada musaalaxada iyo Hay’atul Culamaa’ul Kibaar!”

Walaalayaal isla waqtigaas ayaa Tigree gacanta loo galiyay waddanka Itoobiya. Waddankana lama burburin oo Mingistu ayaa lagu yiri raac diyaaraddaan oo waddankaas tag. Shay walbana meeshuu yaallay lagama qaadin, Meles ayaa taladii la wareegay gaaladuna waa ku kaalmaysay.

Melesna waxaa lagu yiri, “Qabso Itoobiya iyo Soomaaliya, labadiiba waa diyaar, dad kula shaqeeyaana waa kuu diyaar labada waddanba.” Soomaaliya iyo Itoobiya laga billaabo 1991 waxaa maamula Meles iyo mid murtad ah oo magac Soomaaliyeed wata. Waana dantii laga lahaa burburkii ama duullaankii lagu soo qaaday 1991 Soomaaliya.

Rumayso in lagu shaqaysanayay jabhadihii magacyada badan lahaa ee lagula diriray dawladdii Maxamed Siyaad Barre. Rumayso in lagu shaqaysanayay dagaal-oogayaashii sagaalka ahaa. Rumayso in lagu shaqaysanayo magaca dawladeed ee Karasayga ah. Rumayso in lagu shaqaysanayo magaca Culumada Musaalaxada. Rumayso in lagu shaqaysanayo macaga Hay’atul Culamaa’ul Kibaar. Rumayso in lagu shaqaysanayo magaca Soomaali hebel-laan. Rumayso in ay been tahay Shabaabku waa takfiir iyo Khawaarij.

Aan kusoo laabto qormada iyo imaaraddii gobolka Gedo. Dhibka aan kasoo sheekaynay markii uu dhacay 1991dii, ayaa qola walbaa waxay u qaxday dagaankoodii ama meeshii reerkoodu u badnaa hadday yihiin culumo ama dadkii caadiga ahaa. Gobolka Gedo waxaa u qaxay ninkii dhibkaan sabab u ahaa oo ahaa Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa kaloo qaxay dad fara badan oo Mareexaan ah. Mareexaan wuxuu tagay dhowr magaalo sida Garbahaarray, Baardheere, Buurdhuubo, Buuloxaawo, Luuq iyo wixi la mida. Ina Siyaad Barre wuxuu fariistay Garbahaarray. Halkaasu marna weerar rogaal celis ah kasoo qaadaa marna isku difaacaa.

Dadka qaxay waxaa ku jira culumadii dacwada ka waday waddanka gudihiisa gaar ahaan Xamar. Culumadaas intii dowladdu jirtay dacwadooda hoos ayey u wateen oo dadka waxay wax ku bari jireen guryo qarsoon.

Ninkii lagu ogaado in uu diin faafinayana waa la xiri jiray ayadoon laga hadalsiin. Waxaa la gayn jiray meel lagu magacaabo Godka. Waa dhulaka hoostiisa meel ah oo aan dib dambe lagu arkayn haddii lagu geeyo.

Waxaa tashaday ducaaddii Mareexaan, waxay go’aan ku gaareen in laga faa’iidaysto fursaddaan dahabiga ah mar hadday burburtay dowladdii shaydaanku ku shaqaysanayay diintana diiday in dadka la gaarsiiyo, culumadiina xabsiyada ka buuxisay.

Billawgii Dacwada Gedo

Ducaaddii way is qaybiyeen. Qof walbana waxaa loo diray meeshuu ku habboonaa. Waxaa kamid ahaa raggaas ducaadda ahaa Shiikh Yuusuf Sheekh Maxamuud, Shiikh Cumar Aw-Faarax, Shiikh Xasan Xuseen iyo culumo kale.

Raggaas waxay galeen loollan dheer oo ka dhexeeyay ayaga iyo mooryaantii Mareexaanka oo difaacayay ama ilaalinaya Maxamed Siyaad Barre oo wali ka rajo qabay in uu mar kale madaxwayne ka noqdo Soomaaliya.

Waxaa mooryaantaan ka darnaa oo meesha joogay Suufiyo inkaar qabta oo maradatu-shayaadiin ah. Suufiyada waxaa hoggaaminayay nin lagu magacaabo Ina Taltaliini. Taltaliini kaligii ma ahayn ee wuxuu wataa sixiroolayaal fara badan oo la shaqeeya. Waxaa kaloo meesha ku habsaday ama jooga qoyskii dawladdu ka burburtay oo u qaadan la’ in la jabiyay oo kursigii lagala wareegay.

Wadaaddadu waxay dadka ku wacdiyaan ama uga digayaan waxaa kamid ahaa in aysan galin dagaalka fitnada ah, inay joojiyaan dadka ay laynayaan ee shacabka ah, inay joojiyaan dadka ay xoolohooda boobayaan iyo wixi la mida. Waxay ku guulaysteen dad badan inay kasoo baxaan furintii dagaalka.

Arrintaasi waxay dhibtay saddex qolo:

  1. Madaxdii dawladdii dhacday oo uu kow ka yahay Maxamed Siyaad Barre.
  2. Suufiyo oo yaqiinsan haddii wadaaddadu ku guulaystaan in ay dadka gacanta ku dhigaan in ayaguna ay waayi doonaan mansabkoodii.
  3. Qabiilka la yiraahdo reer Faarax Ugaas oo uu ka dhashay Maxamed Siyaad Barre in Ilaahay u naxariistay mooyee.

Qoyskii waxay naf iyo maalba u diyaarsadeen inay soo ceshadaan sharaftii, dawladnimadii iyo karaamadoodii ay dadka dhexdiisa ku lahaayeen hadda ka hor.

Waxay dadka ugu necbaayeen qofkii yiraahda yaan laga qaybqaadan dagaalka ehliga ah, yaan la layn dadka masaakiinta ah, ma bannaana in loo hiiliyo mujrim, hala qaato shareecada Islaamka, halaga fogaado qabyaaladda iyo wixi la mida.

Waxaa joogay gobolka rag fara badan oo ay Maxamed Siyaad hadda ka hor is qabteen oo ku faraxsan in kursigiisii laga tuuray. Waxaa kamid ahaa raggaas:

Jeneraal Cumar Xaaji Masalle. Cumar wuxuu isku dubaritay wax alla wixii Ina Siyaad Barre ku kacsanaa cidday rabaanba ha ahaadeen. Wuxuu fursad u helay inay raacaan sufaho fara badan oo Mareexaan ah. Wuxuu xiriir la yeeshay Tigree. Wuxuu billaabay dhaqdhaqaaq siyaasadeed.

Intaasoo mashaakilaad ah oo jiray iyo kuwa kale oo fara badan  oo dadka dhexdiisa ah, Ilaahay wuxuu wadaaddadii makansiiyay magaalooyin saddex ah: Buuloxaawo, Luuq iyo Doolow. Waxay heleen shacab u oomanaa barashada iyo ku-dhaqanka diinta Islaamka, waxay heleen ansaar fara badan, waxay heleen oo dacwadii ajiibay odayaal dhaqameedkii in yar mooyee.

Waxay soo gaareen heer ay ku fakareen in ay dawlad dhisaan. Waxaa abuurmay jawi Islaami ah, waxaa aad u muuqday shacaa’irkii ka muuqday degmooyinkaas aan kor kusoo sheegnay sida xijaabkii gabdhaha, dugsi Qur’aankii, machadyo diini ah iyo wixi la mida.

Xarakadii Al-Itixaad waxay iclaamisay shir loo dhanyahay in la isugu yimaado maalin hebla iyo meel hebla. Waxaa shirka lagu martiqaaday wax alla wixii Mareexaan ahaa oo mas’uuliyad qaadi karay sida ugaaska, odayaaldhaqameedka, culimada, aqoonyahanka iyo hay’adihii madaxa bannaanaa.

Waxaa lasoo xaadiray goobtii shirka dhammaan dadkii la is lahaa waxtar bay u yihiin bulshada. Waxaa yimid ugaaskii beesha, waxaa yimid odayaaldhaqameedkii, waxaa yimid aqoonyahannadii, waxaa yimid dadkii la rabay in ay masiirka ummadda hoggaamiyaan.

Culumada meesha joogtay waxaa ka mid ahaa Shiikh Maxamed Xaaji Yuusuf, Shiikh Maxamuud Macalim Nuur, Shiikh Yuusuf Axmed, Shiikh Cabdiraxmaan Oogle, Shiikh Aadam Beebee iyo culumo kale.

Shirkii waa furmay, waa la falanqeeyay waana la isku afgartay. Waxaa kamid ahaa waxyaabihii la isku afgartay in la qaato ku dhaqanka shareecada Islaamka. Waxaa la wada gaaray heshiis ah in diinta Ilaahay la difaaco oo cadowgeedana meel loogasoo wada jeesto. Waxaa lasoo gaaray heshiiska qodobbadiisii in la saxiixo.

War Naxdin Leh oo ka Yimid Meel Aan Laga Filayn

Akhristayaalow markii la diyaariyay nuqulkii ama waraaqihii la saxiixayey ayaa sida caadadu tahay waxaa loo soo dhaweeyay cidda u mudan in ay saxiixdo ugu horrayn waraaqaha.

Wuxuu noqday Ugaas Cumar Ugaas Xirsi. Mareexaan halkaas ugaas buu leeyahay meel uu joogaba sida runta ah. Ugaas Cumar waa diiday in uu saxiixo ku-dhaqankii shareecada Islaamka!

Afka iyo gacanta ayaa la isa saaray ama dhabanka iyo gacanta yaab dartii. Waa la is fiirfiiriyay. Hadal hoosaa billowday, wax ku dhiirradaa la waayay la hadalka ugaaska. Rag kala calool adag kalana geesisan, nin baa hadlay wuxuu muqaddamo ka dhigtay ama iska hormariyay maahmaah. Wuxuu yiri, “Hadda ka hor ayaa nin waxaa uu doonay gabar uu dhalay nin ugaas ah, waxaa la damcay in ugaaskii la siiyo sooryo, waxaa la garan waayay ugaaskii wixii sooryo u noqon lahaa oo dadku siday la ahayd ama dhaqanku yahay ugaasku meel wayn ayuu dadka kaga yaallaa oo waxaa la rabaa wax wayn in la siiyo.”

Cabbaar haddii la aamusnaa ayaa nin hadlay. Wuxuu yiri, “Anaa aqaan ugaas waxa sooryo u ah. Waxaa sooryo u ah gabadh aabbeheed wixii sooryo u ahaan jiray.” Aan si kale u dhoho, wuxuu yiri, “Waxaa sooryo u ah wixii nin gabadh laga guursaday sooryo u ahaan jiray.”

Maahmaahdii markuu dhammaystay ayuu hadalkii sii watay oo wuxuu yiri, “Ugaas haddaad diidday ku-dhaqankii shareecada Islaamka waxaan ku leeyahay ugaas waa nin waxaadna tahay nin Mareexaan kamid ah shareecadiina waan qaadannay iyo ku-dhaqankeedii.”

Waxaana billowday in ay saxiixaan heshiishkii odayaashii Mareexaan marka laga reebo ugaaskii oo diiday in shareecada Islaamka la isku xukumo. Waa la ducaystay shirkiina waa xirmay. Waxaa lagu ballamay in si wada jir ah diinta Ilaahay loo difaaco.

Ugaasku muxuu shirka u yimid hadduusan doonayn ku-dhaqanka shareecada Islaamka? Muxuuse ku baddashay shareecadii uu diiday? Ugaasku hadduu diiday dowladdii Islaamka ahayd ee Mareexaan intiisii kale qalinka ku duugtay dowlad caynkee ah ayuu rabaa?

Nabadoonka ugaaska u maahmaahay waxaa la oran jiray Xaashi Diiriye Maxamuud Hudey.

Dawladdii Al-Itixaad dhidibbada u aastay Mareexaanna ku waafaqay ma hirgashay oo dadkii wax ma u qabatay oo ma laga faa’iidaystay? Caydiid oo baacsanaya haraadigii Daarood ama Mareexaan maka nabadgaleen wadaaddadii dowladda dhistay? Ugaaskii xaggee ku dambeeyay? Su’aalahaas iyo kuwo kalaba waxaan uga jawaabi doonnaa qormadeenna dambe inshaa Allaahu tacaalaa.

aragtidaada nala wadaag...