Qeybta 30aad

Ikhwaanii waxaan kala tagnay ayada oo ay xaaladda dacwadu meel fiican marayso. Waxaa dhacay heshiiskii la gaaray oo ahaa in lagu dhaqmo shareecada Islaamka marka laga reebo ugaaskii beesha oo asagu diiday ku-dhaqanka shareecada Islaamka.

Dhulka Gedo ku fadhido aan sawir ka bixiyo, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa dad badan oo akhristayaasha ka mid ahi inaysan garanayn khariidada deegaanka.

Sababta ugu weyn ee aan u tilmaamayana waxaa weeye Gedo waxay xuduud la leedahay laba waddan oo shacabka Soomaaliyeed u ah cadow soo jireen ah ama gumaystayaal saliibiyyiin ah. Waa Itoobiya iyo Keenya.

Waxaan kaloo arki doonnaa dagaallo faraha looga gubtay oo dhexmaraya mujaahidiinta iyo saliibiyyiinta. Marka waxaa fududaan doonta tilmaanta meesha dagaalku ka dhacayo iyo cidda daggan. Waxaad arki doontaan bakhtiga Tigreega oo buuxdhaafiyay goobaha qaarkood. Waxaad arki doontaan ciidama dhan oo mujaahidiin ah oo shahiiday dhammaantood. Waxaad arki doontaan karaamooyin Rabbaani ah oo dhacay.

Waxaad kaloo arki doontaan dagaallo dhexmari doonaa mujaahidiinta iyo Yuu.Es.Sii (USC) oo uu hoggaaminayo Jenaraal Caydiid. Waxaad arki doontaan waxqabadkii imaaradii Islaamiga ahayd iyo horumarkii ay gaartay, dhanka diinta iyo dhanka maaddiga intaba. Waxaan kaloo kusoo qaadan doonnaa cududdii milatari ee ay yeelatay imaaradu.

Waxaan naqshadda ka qaadanaynaa Buuloxaawo oo xuduud la leh Itoobiya iyo Keenya. Haddii aan ku billowno degmada Luuq waxay Buuloxaawo ka jirtaa dhanka bariga iyo dhanka ay Baydhabo jirto. Garbahaarray, Baardheere iyo Buurdhuubo way isku aaddan yihiin oo waxay Buuloxaawo ka xigaan dhanka koonfureed ama Kismaanyo xaggeeda.

Ceelwaaq waxay ka xigtaa dhanka qorrax u dhaca oo Keenya ayay xuduud la leedahay. Doolow waxay ka xigtaa dhanka waqooyi oo waxay xuduud la leedahay Tigreega oo labada waardiye waxaa u dhexeeya wabiga la yiraahdo wabi Daawo. Buuloxaawana waan taagannahay oo waxay xuduud la leedahay Itoobiya iyo Keenya oo waa isu muuqdaan saddexda waardiye ama ciidan.

Walaalayaal waxaa caado ah mar kasta oo dadka khayr la farayo inaan la waayeen dad khayrka kasoo horjeeda oo ayagu qaab kale u shaqaynaya ama Islaam-nacayb ha ka ahaato ama jaasuus ha ahaado oo dano shisheeye ha u adeego. Waxaa kaloo mar walba aan la waayeen mid magac Islaam sheeganaya oo manhajku ka khaldan yahay sida Suufiyada.

Ducaaddii waxaa soo foodsaaray caqabado waawayn oo markii dambe gaaray in qaarkood birta laga aslo ama la dilo. Magaalooyinku waa is dhaamaan, qaar ayaan salaadda lagu tukan karin oo markay ku arkaan aan ka shakinayn inay ku dilaan ayagoo rumaysan inay kugu janno-tagayaan. Culumadooda ayaana saas u fatwootay (waa Suufiyo).

Magaalooyinkaas waxaa ka mid ahaa Garbahaarray. Magaaladaas waxaa daggan ama saldhig ay u ahayd Suufiyada Mareexaan ugu waawayn sida Ina Taltaliini. Ninkaasi wuxuu haystay waraaq uu u saxiixay Ina Siyaad Barre oo la leeyahay, “Ninkaad u malayso in uu yahay bidci (Salafu Saalix) adoon ka hadlin xabsiga kuugu dhow ku xir kadibna annaga noosoo gudbi annagaa Labaatanjirow u dhaadhicinaynee!”

Waxaa kaloo magaalada daggan Maxamed Siyaad Barre oo ciidamo ku uruursada si uu mar kale Xamar u qabsado (waa siday la tahaye). Waxaa dagaan ahaan magaalada daggan reerka Ina Siyaad ka dhashay. Waxay tolkiis diyaar u yihiin inay ku celiyaan kursigiisii gardarrada looga qaaday sida ay ayaga la tahay. Waxay ku bixiyeen naf iyo maalba difaaciisii iyo ku-noqoshada Xamar intaba.

Waxaa magaaladaas loo diray Shiikh Xasan Xuseen (taqabbalahu-llaahu). Dadkii wuxuu ugu yeeray in ay Ilaahay isu dhiibaan oo ay dulmiga joojiyaan, shareecada Islaamkana ku dhaqmaan. Wuxuu dood dheer la galay Suufiyadii saaxiroolayaasha ahaa ee Ina Taltaliini madaxda u ahaa.

Waxaa dhexmaray dood dheer, wuxuu ku oogay xujo cad. Waxay waayeen waxay ku difaacaan sixirkoodii iyo riwaayaddii beenta ahayd. Waxay ku dhawaadeen fashil iyo in la ogaado beentay meesha ku hayeen.

Sida caadada u ah diinlaawayaasha iyo suxarada ama sixiroolayaasha waxay sameeyeen dhagar ama shirqool ay wadaadkii ku khaarajiyaan, dhagartiina waxay u dhacday sidaan:

Maalin ayey wadaadkii waxay ku dheheen waxaan rabnaa in aan caawa meel isugu nimaadno oo Ilaahay barinno oo habaartanno (mubaahalo), kaanagii xaqdarro wada in Ilaahay si dhaqso ah nooga qabto. Wadaadkii wuxuu yiri waa hagaag waan imaan.

Waxay diyaariyeen koodii ugu liitay xagga caqliga iyo xagga diintaba. Waxay dheheen, “Markuu shirku dhammaado oo wadaadku gurigiisii aado meel mugdi ah u gal oo baas ku kala jeex subixiina waxaan leennahay waxaa ku dhacay habaarkii xalay la is habaaray oo asagaa xaqdarrada waday. Wakaas durba Ilaahay naga qabtay.”

Waa la isu yimid oo la mubaahalooday, waana la kala tagay. Wax yar intuusan socon wadaadkii ayaa dhagarqabihii meesha loo galiyay baas ku kala jeexay. Halkii ayuu ku shahiiday Shiikh Xasan Xuseen (taqabbalahu-llaahu). Shayaadiintii dhagarta sameeyeyna  subaxii ayay dadkii waxay ku dheheen, “Annagaa habaarnay xalay oo waxaa ku dhacay habaarkayagii. (Maa shahidnaa mahlika ahlihii!) Kama warqabno wax ku dhacay.”

Dhiigga Shiikh Xasan Xuseen iyo rag kale oo ducaad ah waxaa mas’uul ka ah oo lagala xisaabtamayaa Ina Taltaliini iyo saaxiibbadiis, lamana cafin doono jariimaday galeen. Waxaa u furan in ay Ilaahay u toobadkeenaan. Laakiin dhiiggii shuhadadu kama hari doono. Mar uun baa maxkamad caddaalad ah lasoo saari doonaa idan Alle.

Buuloxaawo waxaa dacwada ka waday laba nin. Nin markiiba waxaa xabsiga dhigay Ina Taltaliini ninkii kalana waxaa difaacay tolkiis oo meesha dagganaa. Waxaa la xiray Sheekh Cumar Aw-Faarax. Waxaa loo cagajugleeyay Shiikh Yuusuf Shiikh Maxamuud Axmed Tiire. Waxaa magaalada daggan aabbihiis oo ahaa ninka ugu cilmi roon magaalada Suufiba ha ahaadee, waa Sheekh Yuusuf aabbihiis.

Shiikh Maxamuud Tiire wiilkiisii  ayuu garab-istaagay oo wuxuu yiri ninkii mas’alo ku haysta wiilkayga anaa la doodaya ninkii dood qabaa ha yimaado berri subax 4 saac barxadda magaalada dhexdeeda ah kutubtiisana hasoo qaato.

Waxaa magaalada ag dagganaa ciidan uu haysto nin kornayl ah oo la yiraahdo Kululi. Waxaa loo geeyay khabar ah in la xiray ina hebel iyo ina hebel. Waa dad isyaqaan oo magaaladay ku wada dhasheen. Ninkaan dadka xirxirayaana wuxuu ka yimid Garbahaarray iyo meelo kale. Kululi wuxuu yiri Ina Taltaliiniyow haddaad ninkaan diin ku haysato soo qaado kutubtaada waa  inoo berri subax 4 saac iyo barxadda magaalada dhexdeeda ah.

Shaydaankii markuu ogaaday in laga rabo wax uusan hayn ayuu u cararay dhankaas iyo Baardheere. Ina Taltaliini wuxuu haystaa oo kaliya waraaqdii Maxamed Siyaad Barre u qoray oo ahayd ninkaad ku tuhunto in uu yahay Salafu Saalix  xir. Diin kale oo uu yaqaan ma leh. Xujadiisu waa xarig iyo cagajuglayn. Waagii markuu baryay ayaa lasoo dhoobtay barxaddii bannaanayd ee isteeshinka u dhawayd. Waxaa yimid libaaxyadii dawacadu cunaysay oo wata Bukhaari iyo Muslim,  waa ducaaddii.

Kornayl Kululi wuxuu yiri, “Aaway ninkii raggaan haystay?” Waa la waayay illayn baadilku caga uu ku istaago ma lehee. Kululi wuxuu yiri, “Maanta laga billaabo waxaad tihiin culumo xor ah. Waxaad akhridaan kitaabkaad doontaan, waxaad ku akhridaan meeshaad doontaan, ninkii idin la hadlana ii soo sheega anaa ka shaqaynayee.” Allaahu Akbar.

Xaaladdu markay halkaas marayso oo ducaaddii qaarna la laayay qaarna la xirxiray ayaa waxaa dhacay kulan dhexmaray golihii sare ee dacwada ama odayaashii Al-Itixaad ee gobolka Gedo. Waxaa la galay xiwaar dheer, waxaa la falanqeeyay masiirka dacwada iyo siday ku socon karto, waxaa laga baaraandagay dhibka jira iyo sidii loo xallin lahaa.

Waxaa la go’aamiyay in aan laga maarmin ciidan hubaysan oo dacwadaan waardiye ka haya ama ilaaliya ducaadda iyo dacwada miraheeda. Waxaa la sameeyay haykal dawladeed oo kale. Waxaa Madaxwayne laga dhigay Shiikh Muxamed Xaaji Yuusuf. Waxaa Wasiirkii Arrimaha Gudaha laga dhigay Shiikh Maxamuud Macalin Nuur. Waxaa Wasiirkii Gaashaandhigga laga dhigay Shiikh Yuusuf Shiikh Maxamuud Tiire.

Shiikh Muxamed Xaaji Yuusuf

Shiikh Muxamed Xaaji Yuusuf waa nin caynkee ah? Wadaadku wuxuu ahaa dadkii muddo hore waxbarashadiisa diiniga ah kusoo dhammaystay gobollada Sucuudiga. Wuxuu ahaa daaci wayn oo wuxuu kasoo shaqeeyay ama daaci kasoo ahaan jiray waddammo fara badan oo aan Soomaaliya ahayn, waa intii aysan Soomaaliya burburin ka hor.

Shiikhu wuxuu leeyay sifooyin fara badan waxaana kamid ah: Waa nin haybad badan, waa geesi, waa xaruuri oo waa nin kulul, waa deeqsi, waa mufassir, waa muxaddith. Wuxuu yaqaannaa sida dadka loo maamulo. Wuxuu jeclaa in uu naf iyo maalba jihaadka ku bixiyo. Wuxuu dadka ugu yeeri jiray in dulliga laga baxo oo gaalada la iska dulqaado iyo murtaddiinta, wuxuu rumaysnaa in aan cizzi jirin haddii jihaad la waayo.

Shiikh Maxmuud Macalin Nuur

Shiikh Maxmuud nin see ah ayuu ahaa? Shiikhu wuxuu lahaa wanaag fara badan. Waxaa kamid ahaa: Wuxuu  ahaa dadkii jaamacadaha ugasoo baxay waddanka Sucuudiga muddo hore, wuxuu ahaa nin geesi ah, deeqsi, baarri, mufassir, nabadoon run ah ayuu ahaa. Shiikhu wuxuu ahaa nin qofkii la fariistaa aakhiro uu xasuusanayo, wuxuu ahaa nin tawaaduc badan,  cibaado badan, wuxuu ahaa nin ku habboon in uu dadka hoggaamiye u noqdo. Ilaahay naxariistiisii haka waraabiyo, aamiin, aamiin.

Shiikh Yuusuf Shiikh Maxamuud Tiire

Shiikh Yuusuf nin sidee ah ayuu ahaa? Wuxuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa dawladdii dhacday, wuxuu haystay tababbar sare oo wuxuu kamid ahaa ciidammadii kumaandooska. Wuxuu ahaa raggii ay sida gaarka ah u tababarteen taliskii dhacay ee Siyaad Barre, wuxuu ahaa shiikh mufassirul-Qur’aan oo wuxuu ka dhashay qoys ehlu-diin ah, wuxuu ahaa geesi, tababbare ciidan,  wuxuu  ahaa mujaahid diin jecel. Wuxuu  ahaa nin u qalma in uu dawlad Islaam ah u noqdo Wasiirka Gaashaandhigga oo wuxuu yaqaannay hawlaha ciidanka iyo dagaalgalintooda.

Raggaas ama culumadaas saddexda ah ee aan kor kusoo sheegnay nin walbaa wuxuu bilaabay hawl asaga u gaar ah iyo tii caamka ahayd oo lagu magacaabay. Shiikh Muxamed Xaaji Yuusuf waxay ahayd shaqadiisu in uu yahay nin meel fadhiya oo dadka qaabila, waxay rabaanna u fuliya intuu awoodo. Taas wuu samayn jiray wuxuuna ku darsaday inuu noqday daaci dadka wacdiya oo diinta ugu yeera, wuxuu  noqday nin khaadum ah oo shaqaduu wax ka qaban jiray.

Shiikh Maxamuud Macalin Nuur waxay ahayd shaqadiisu in uu dadwaynaha ku dhexjiro oo la shiro oo masaalixdooda kala taliyo oo dhibka dhexdooda ah xalliyo heshiis dhexdhigo kuwa xurguftu ka dhaxayso. Waxay ahayd shaqadiisu in madaaris la dhiso, masaajid la dhiso, dadkana wanaagga ugu yeero. Wuxuu ku darsaday in uu noqdo daaci oo intuu masaajidkii dhex fariistay ayuu dadkii kutubbo u billaabay oo ka haqabtiray diintii.

Shiikh Yuusuf shaqadiisu waxay ahayd in uu ciidan dhiso oo hub soo uruuriyo oo xuduudaha ilaaliyo iyo dacwada meelna fariisto oo ciidanka shaqada u kala diro. Wuxuu ku darsaday in uu askartii tababbaro, diinta baro, waardiyaha qabto, sahanka u baxo, furinta galo, maslaxada dadkana xalliyo oo wuxuu ku dhexjiri jiray bulshada. Mar kastana wuxuu ka qaybqaadan jiray hawlaha bulshada dhexdeeda ka jira.

Billawgii Mucaskarka

Waxaa la yagleelay ama la billaabay mucaskar ama ciidan. Waxaa la dajiyay ciidanka Baladxaawo dusheeda. Sidaad la socotaan dawladdii dhacday waxay lahayd ciidammada qalabka sida oo noocyo fara badan ka koobnaa. Waxaa ugu xoog waynaa milatariga. Milatarigu wuxuu lahaa qaybo kala duwan qaarba wax bay qaabilsanaayeen.

Akhristayaalow Maxamed Siyaad Barre wuxuu samaystay ciidamo aad u fara badan oo si gaar ah loo tababbaray. Ciidammadaasi waxay ilaalin jireen madaxtooyadii Ina Siyaad Barre iyo wixii xiriir la leh madaxtooyada. Ciidankaasi wuxuu ahaa dhammaantiis Mareexaan. Hadday cid kale ku jirtayna ma badnayn. Markii lasoo qaxay oo la yimid gobolka Gedo ciidankii waxay u wareegeen Al-Itixaad. Sababna waxaa u ahaa Allaah kadib culumadaan soo sheegnay oo gaarsiiyay dacwada kadibna waxay noqdeen ciidan diinta Ilaahay waardiyeeya.

Dadku ma haystaan dhaqaale oo waxay u badan yihiin dadkii soo qaxay, waxaa lagama maarmaan ah in la helo dhaqaale ciidankaan lagu maalgaliyo. Waxaa loo baahan yahay hub, saanad, raashin, daawo iyo dhaqaale loo isticmaalo wixii caqabad ah oo ka horyimaada ciidanka. Waxaa la naadiyay ciddii ku tabarrucaysa dhaqaale ama hub ama gaadiid. Waxaa kaloo loo baahnaa qofkii noqonaya ciidan.

Waxaa xeradii soo buuxdhaafiyay ciidammadii xoogga dalka Soomaaliyeed oo waliba tababbaran oo waxaa sahlanaatay inay markiiba hawlohoodii qabsadaan oo aysan tababbar u baahnayn. Waliba waxaa laga helay tababbarayaal sare sida Barre Ubaxle (Barre Daliil), Shiikh Yuusuf iyo rag kale oo fara badan.

Waxaa loo kala tartamay khayrkii, waa loo kala dheereeyay. Waxaan ka xusi doonnaa dhawr nin ragga markiiba keenay naftoodii iyo maalkoodii oo wada socda, waxaa kamid ahaa raggaas Cabdi Buraale Wayax. Wuxuu ku deeqay naftiisii iyo gaari Toyoota ah oo uu lahaa. Markiiba waxaa la saaray qori Bii-10 ah. waa qoryaha lagula diriro taangiyada ama tiknikada.

Ninka labaad wuxuu ahaa Cali Xaashi oo wuxuu keenay naftiisii iyo  gaari Toyoota ah iyo qori Baroon ah oo ku rakibnaa, walow markii dambe xoogaa lacag ah loo celiyay. Cali Xaashi wuxuu kamid ahaa labadii wiil oo buundada Goday Tigreegii ka cayriyay waagaan u haajirnay Bari. Waxaa kaloo lagu xasuustaa Boosaaso mujaahidkii ay kasoo furteen xabsiga asaga iyo Shariif Yare. Waa khibraddii iyo hubkii ay ku difaaci jireen Maxamed Siyaad Barre waxay Islaamka uga faa’iideeyeen, jazaahumu-llaahu khayran ajmaciin.

Waxaa ciidanka maalgaliyay Shiikh Muxamed Qaasim (xafidahu-llaahu). Shiikh Muxamed waxaan soo marnay inuu ahaa nin maalqabeen ah oo maalkiisii u huray mujaahidiinta. Wuxuu noqday ninka kaliya oo Ilaahay mujaahidiinta ku dharqabtay ama ku badbaadiyay. Shiikh Maxamed Qaasim gurigiiisu wuxuu ahaa madarasad Islaam ah. Waxaa mucallim ka ahaa madarasadaas callaamatu Sheekh Shariif Cabdinuur.

Waxaan leennahay ma illaawi doonno abaalkaad noo gashay annagoo u baahan cid na kaalmaysa ayaad dhulka naga qaadday. Ilaahay baa gudi kara abaalkaaga. Waxaan Ilaahay kaaga baryaynaa inuu Jannatul-Firdowsa kuugu baddalo hantidaad Ilaahay daymisay annagana nagu kaalmaysay iyo hoyga aad Islaamka u noqotay, aamiin, aamiin.

Waxaa soo buuxsamay mucaskarkii, waxaa la helay wax aan la malaysanayn oo khayr ah, waxaa la helay cudud milatari oo ducaaddu isku hallayn karaan. Waxaa jiray ciidamo ay leeyihiin Es.En.Ef (SNF) oo ah Mareexaan oo gobolka nala joogay. Meelaha ay xoogga ku lahaayeen waxaa kamid ah Buurdhuubo iyo Garbahaarray.

Ciidammada Es.En.Ef (SNF) waxaa dulfadhiyay ciidammadii Yuu.Es.Sii (USC) oo uu hoggaaminayo Jenaraal Caydiid. Waxay rabaan inay Ina Siyaad soo qabtaan asagoo nool ama waddanka ka saaraan. Asaguna wuxuu rabaa inuu dib u qabsado Xamar oo cagta mariyo Yuu.Es.Sii iyo ciidankeeda. Maalin walba dagaal baa dhaca oo qolaa la cayrsadaa.

Qabsashadii Caydiid Gobolka Gedo

Waxaa weerar soo qaaday Caydiid, wuxuu qabsaday Buurdhuubo, Garbahaarray iyo tuulooyin ka sokeeya. Mooryaantii Ina Siyaad Barrana cagtaa la mariyay asagiina dirqi buu ku baxsaday oo Keenyuu u galay. Akhbaartaasu waxay soo gaartay wadaaddadii Al-Itixaad oo xaaladdoodu isugu toosnayd oo intay dadkii is fahmeen ayagu meesha dawlad ka ah.

Wadaaddadii waxay galeen shir degdeg ah. Waxaa la falanqeeyay musiibada kusoo socota iyo intay le’egtahay. Waxaa la isku raacay in aan Caydiid cidna dhaafayn oo aysan suurtagal ahayn in aan hal magaalo wada joogno annaga iyo Caydiid. Taladii baa lagu baartay, waxaa loo kala baxay laba koox.

Rag waxay dheheen aan ka hortagno oo iska celinno ninkaan waalan oo aan cidna ka xishoonayn. Ragna waxay dheheen aan magaalada gees uga baxno oo yaanaan xabbad ku ridin Caydiid iyo wuxuu wato. Isuma kaaya dhaamaan Yuu.Es.Sii (USC) iyo Es.En.Ef (SNF). Waxaa la qaatay ra’yigii uu soo jeediyay Macalin Maxamuud oo ahaa yaan xabbad lagu ridin magaaladana aan gees uga baxno.

Dib uga Gurashadii Baladxaawo

Waxaa magaaladii looga baxay dhankaas iyo Doolow. Waxaa la dagay meel lagu magacaabo Gaawiito oo 9 kiilomitir u jirta Baladxaawo. Waa meel istaraatiiji ah. Waa dhul biyo leh, hawd ah ama dhir leh wabigana dhinaca ku haysa. Waxaa la diyaarsaday wax alla wixii dagaal lagu gali lahaa, waxaa loo diyaar garoobay hadduu soo xadgudbo Caydiid in la iska dhiciyo oo lagu jihaado. Hadduusan soo aadinna aan loo dhawaaqin.

Sariyyadii Shiikh Yuusuf

Halkaas markay arrintu marayso ayaa waxaa ciidan diyaarsaday halyeygii Shiikh Yuusuf. Wuxuu kaxaystay rag xul ah. Wuxuu yiri anaa Caydiid iyo wuxuu ku sugan yahay ka warkeenaya. Wuxuu afka saaray waddadii Garbahaarray aadi jirtay oo Caydiidna kusoo socday. Ma naqaan wuxuu rabo shiikhu laakiin wuxuu u eg yahay nin inta Caydiid iyo ciidammadiisa ka hortaga xabbad ku billaabi doona oo illaa ay ku noqdaan meeshay ka yimaadeen dagaal ku wadi doona, (immaa shahaada wa imma-nasri).

Shiikh Yuusuf iyo ciidammadiisii way dhaqaaqeen, waxayna cagta saareen jihadii ay Caydiid iyo ciidammadiisiina ku sugnaayeen. Yuu.Es.Sii (USC) way soo socdaan, waxaa la isaga horyimid meel Shabeelduulaay la yiraaho qiyaastii. Shiikhu markii uu usoo dhawaaday ciidankii Yuu.Es.Sii ayuu waddada gees uga baxay oo wuxuu galay dhufays. Wuxuu sugayay intay kasoo dhawaanayaan ciidammada Caydiid. Ciidankiisiina wuxuu u diyaariyay hab dagaal.

Ikhwaanii arrintu ma sahlana, Shiikh Yuusuf wuxuu wataa koox yar oo ciidan ah, waxaa kusoo fool leh ciidankii Yuu.Es.Sii ugu faraha badnaa oo soo qabsaday tan iyo Xamar. Soo duceeya in Ilaahay Muslimiinta nasriga siiyo wixii diinta Ilaahay la dagaallamayana Ilaahay dulleeyo. Ikhwaanii dhagtu ha idiin taagnaato ducadana badiya.

Waa inoo qormada dambe inshaa Allaahu tacaalaa.

aragtidaada nala wadaag...