Qeybta 31aad

Ikhwaanii waxaan kala tagnay ayadoo ay jirto arrin cabsi leh oo laga yaabo in ay foodda is daraan ciidankii Yuu.Es.Sii (USC) iyo kooxdii sariyyada ahayd ee uu Sheekh Yuusuf watay. Shiikhu Alla ha barakeeyee waxaan moodaynay in uu rabo dagaal inuu kala hortago ciidankii Yuu.Es.Sii. Mase dhicin ee wuxuu u jeeday in uu soo tirakoobo soona ogaado tayadooda.

Tirakoobka Ciidanka Yuu.Es.Sii iyo Tayadiisa

Wuxuu u socday Shiikhu in uu tirakoobo ciidanka meesha maraya awooddiisu intay dhan tahay iyo qaabdhismeedka ciidan oo ay ku socdaan ama ku dagaallamayaan. Wuxuu kaloo rabay inuu ogaado akhlaaqda ciidanka iyo qaabkay u dhaqmayaan. Aad ayuu uga ilbuuxsaday dantuu lahaana wuxuu ka gaaray ayagoon is arag dagaalna uusan dhexmarin, kadibna meeshii ayuu kasoo laabtay wuxuuna yimid asagoo nabadqaba.

Wadaadku waa saraakiishii ciidammadii qalabka siday ee Soomaaliya. Waliba wuxuu qabaa waxbarasho si gaar ah loo siiyay oo waataan soo marnay inuu yahay kumaandooskii loogu tala galay inay dhimashada ka ilaaliyaan Ina Siyaad Barre siday ayaga la ahayd ama ay jeclaayeen. Wuxuu ahaa nin loogu talagalay inuu ciidammada dagaalgaliyo oo waliba guul ka keeno dagaalka, askartu saasay qabaan.

Soolaabashadii Shiikh Yuusuf iyo Warbixintiii uu Keenay

Shiikh Yuusuf wuxuu kusoo laabtay meeshii ciidanku dagay oo ahayd Gaawiito. Wuxuu keenay warbixin uu ka wado Yuu.Es.Sii iyo ciidankay wataan. Wuxuu arkay inay yihiin ciidan aan habaysnayn: xagga akhlaaqda, xagga tababbarka iyo xagga habdhaqanka ciidanka iyo kaladambaynta intaba.

Wuxuu yiri, “Lan turaacuu! Lan turaacuu!” oo macnaheedu yahay argaggax ma jiro ama dhib ma jiro. Waa hadal hadda kahor uu yiri Nebi Muxammad (sallallaahu calayhi wasallam) asagoo sidaan oo kale usoo hubinaya cabsi la dareemay ayadoo Madiina la joogo. Shiikh Yuusuf wuxuu ku dajiyay saaxiibbadiis in meesha waxa marayaa ay isaga filan yihiin iskana difaaci karaan inshaa Allaahu hadday kusoo gardarroodaan.

Qabsashadii Buuloxaawo

Ciidammadii Ina Caydiid cagtay soo mariyeen ciidankii Es.En.Ef. Waxay soo istaageen xuduuddii Keenya. Waxay qabsadeen Buuloxaawo. Waxay u gudbeen Keenya oo xuduud la leh Buuloxaawo. Waxay dhexgaleen Mandheera oo waxay cayrsanayeen firxadkii Es.En.Ef oo u galay Keenya. Maalinkaas oo dhan Baladxaawo iyo Mandheera waa gabagabaysnaayeen.

Imaatinkii Culumada

Waxaa safar degdeg ah ku yimid culumo ay kamid yihiin Shiikh Cabdulqaadir Cukaasha iyo culumo kale. Waxay u gudbeen meeshii wadaaddadu dagganaayeen. Way wada hadleen ayaga iyo wadaaddadii. Waxay ku heshiiyeen in Caydiid wafdi loo diro oo lala xaajoodo nabadna laga raadiyo. Waxaa soo baxay culumo ay kamid yihiin Shiikh Cabdulqaadir Cukaasha, Shiikh Muxamed Xaaji Yuusuf, Shiikh Maxamuud Macalin Nuur, Shiikh Yuusuf Shiikh Maxamuud iyo rag kale.

Heshiiskii Al-Itixaad iyo Jeneraal Caydiid

Waxaa kulmay culumadii iyo Jeneraal Caydiid. Waxaa hadalka billaabay culumada, waxay dheheen, “Annagu waxaan nahay urur diineed magaciisa la yiraahdo Al-Itixaad Al-Islaami. Kuma jirno dagaal. Waxaan rabnaa inaan kala nabadgalno oo aannaan isku soo xadgudbin. Waxaan rabnaa inaan dadka diinta ugu yeerno oo kaliya. Na nabadgali waan ku nabadgalinaynaaye.”

Jeneraal Caydiid maalinkaas wuxuu kusoo labbistay khamiis cad iyo cimaamad guduudan oo barabara leh. Wuxuu u ekaa nin wadaad ah ama Al-Itixaad ah. Hadalkii buu qaatay, wuxuu ka billaabay, “Waad u jeeddaan sidaan u labbisanahay. Waxaan ahay ikhwaan, maantana waxaan noqday Al-Itixaad. Waxaan ballanqaadayaa inaan idin nabadgaliyo. Waxaan kaloo idiin sheegi inaysan jirin cid far idin saari karta.”

Hirgalintii Heshiiskii Al-Itixaad iyo Caydiid

Waxaa fulay heshiiski dhexmaray labada kooxood, waxaa billawday hawlihii dacwada, waxaa sumcad yeeshay wadaaddadii, waxay hirgaliyeen qorshayaal badan oo qabyo ka ahaa, waxaa soo laabtay dad badan oo markii hore qaxay. Waxaa dib loo billaabay meheradihii qof waliba haystay kii dhagarqaba ah mooyee.

Khayaamadii ama Dhagartii Es.En.Ef

Ikhwaanii heshiiskaan dhexmaray Yuu.Es.Sii iyo Al-Itixaad wuxuu dhabarjab ku ahaa Mareexaan khaasatan reer Faarax Ugaas. Waxaan qormadii hore kusoo marnay Imaarada Islaamiga ah inay saddex qolo dhib ku hayso. Haddaan si kale u dhigo: in shareecada Islaamka lagu dhaqmo waxaa lid ku ahayd saddex qolo.

  1. Haraadigii ama madaxdii Mareexaan ee ka tirsanaa taliskii dhacay.
  2. Reer Faarax Ugaas oo dawladdaas u haystay in ayaga laga burburiyay.
  3. Suufiyo oo waligoodba ku hoos noolaa dawladaha aan Islaamka ku dhaqmin ee shareeco-diidka ah ama Islaam-la-dirirka ah.

Reer Faarax Ugaas waxaa hoggaaminayay oo ay taladii u dhiibteen laba Cumar. Jeneraal Cumar Xaaji Masalle iyo Ugaas Cumar Ugaas Xirsi. Haddaad xasuusataan shirkii ay yeesheen Mareexaan iyo Al-Itixaad oo lagu dhaqangalinayay shareecada Islaamka waxaa diiday ku-dhaqankii shareecada Islaamka Ugaas Cumar Ugaas Xirsi oo ah ugaaska kaliya ee Mareexaan leeyahay ama ay isku waafaqsanyihiin.

Mareexaan intiisii waxgaradka ahayd ee la martiqaaday oo loosoo bandhigay ku-dhaqanka shareecada Islaamka way saxiixeen. Ugaasku wuxuu ahaa ugaaskii beesha shirkana waa loogu yeeray, wuu aqbalay, wuuna ka warqabay in meesha lagu qaadanayo ku-dhaqanka shareecada Islaamka. Wuxuuna u yimid in uu saxiixo heshiiska ku dhaqanka shareecada Islaamka, beeshana uu shirguddoomiye u noqdo.

Ugaasku wuxuu is baddalay saacadihii ugu dambeeyay oo lasoo gaaray xiritaankii shirka iyo in la saxiixo ku-dhaqanka shareecada Islaamka. Waxaa dadkii oo dhan ka yaabiyay oo naxdin iyo caloolxumo ku riday markii loo dhiibay qalinkii iyo waraaqihii oo la yiri Ugaas halkaan saxiix waa ku-dhaqankii shareecada Islaamka, inuu yiraahdo diiday ku-dhaqanka shareecada Islaamka. Wax laga sugayay ma ahayn lagamase yeelin.

Waxaa gadaal ka taagnaa oo ku yiri ha saxiixin ku-dhaqanka shareecada Islaamka shayaadiin uu ugu waynaa Cumar Xaaji Masalle. Waxaa lagu yiri haddaad saxiixdo ku-dhaqanka shareecada Islaamka maantaa kuugu dambaysa ugaasnimo dambe, waana loo cagajugleeyay. Ugaasku ku-dhaqanka shareecada Islaamka wuxuu ka doortay inuusan waayin ugaasnimadiisa. Waxaan gaari doonnaa waxyaabo uu saxiixay oo shaydaan u qurxiyay kuwaasuuna ka doortay diintiisii iyo shacabkuu madaxda u ahaa oo Islaamka ahaa.

Fiiro Gaar ah: Soomaalidu waxay leedahay dhaqan soo jireen ah. Qolo walba oo Soomaali ah dhaqankooda waxaa laga fiiriyaa ugaaskooda. Haddii ugaasku yahay nin sifooyin fiican leh oo dhan walba bulshada waxtar u ah qabiilkaasu magac dheer ayay dadka dhexdiisa ku yeeshaan. Hadduu nin xun yahay oo sifooyin xun leh bulshadana aan waxtar u ahayn qabiilkaas waxaa loo yaqaan qabiil xun oo waxaa loo bixiyaa magacyo xun xun sida Ilkayar iyo wixii la mida, waayo ugaaskoodaa meel xun fadhiya mar walba.

Fiiro Gaar ah: Markaan ka warramaynay gobollada Waqooyi Bari iyo Waqooyi Galbeed, waxaan soo marnay qabiilooyin aan wanaag ku sheegnay iyo kuwo aan xumaan ku sheegnay. Qabiilladu meel kuma dhammaan karaan oo lama dhihi karo kulligeed baa xun. Qabiillada waxaa ammaan usoo jiida hal nin sidoo kale waxaa xumaan usoo jiida hal nin.

Dadka qabiilooyinka wanaagga u horseeda ama xumaanta u horseedaa waa dadka ay hoggaanka ka dhigtaan sida ugaasyada, boqorrada, garaayada iyo wixi la mida. Xasuusta waxaan soo marnay ugaaskii Bah-Ararsame Ugaas Cabdiqani iyo siduu beeshiisa ugu horseeday dhaqanwanaagga. Nin walbaa oo hoggaamiye ah taariikhdaa ka warrami wuxuu bulshada u qabtay iyo wuxuu u dhimay, geeriduna ma foga. Waxaa la ii sheegay in uu dhintay Garaad Cabdiqani, Alla ha u naxariisto. Waxaan filayaa inuu ka tagay taariikh fiican oo dadkiisu ku daydaan. Waxaa ila habboon inta la nool yahay in xumaantii la sameeyay wanaag lagu baddalo. Shallayna wax tari maayo xisaabtanna waa soo dhaw yahay mid adduun iyo mid aakhiraba.

Cafwan. Aan usoo laabanno khayaamaday sameeyeen Es.En.Ef. Waxay dagaal gaadmo ah ku dileen ciidan ka tirsan Yuu.Es.Sii. Waxay usoo carareen dhankii wadaaddadu dagganaayeen oo la dhihi jiray Gaawiito. Hawdkii ayey iska dhex galeen wadaaddaduna ma oga waxa dhacay. Yuu.Es.Sii waxay aragtay raggii ragga ka laayay inay u baxsadeen dhankaas iyo Al-Itixaad xaggiisa. Arrintuna waxay ahayd arrin lagasoo shaqeeyay oo waxaa la rabay in madaxa la isu galiyo Al-Itixaad iyo Yuu.Es.Sii.

Weerarkii ay Ciidammadii Caydiid Kusoo Qaadeen Al-Itixaad

Caydiid ciidammadiisii waxba ma hubsan ee weerar ayay wadaaddadii kusoo qaadeen. Wadaaddadii waxay ogaadeen in weerar lagusoo yahay, way u diyaargaroobeen. Haddaad xasuusataan waxaan soo marnay inay wadaaddadu sahan u direen Yuu.Es.Sii intaysan soo galin Baladxaawo, ciidankaasna uu watay Shiikh Yuusuf. Waa tuu warbixinta ka keenay oo yiri hadal macnihiisu ahaa waa ciidan aan tayo lahayn oo hadday nagusoo xadgudbaan waan isaga filannahay.

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ilka doofaar ii sahansan. Waa niman mar hore la ogaaday waxtarkooda iyo qaabka loola diriri karo. Fooddaa la is galiyay. Wax yar intaan la is haysanba waxaa jabay oo laga awood roonaaday Yuu.Es.Sii. Ilaahay wadaaddadii wuxuu siiyay guul cadowgiina waa jabay oo waxay ku laabteen meeshay kasoo weerartageen. Wadaaddada waxaa ka shahiiday inshaa Allaahu laba nin.

Ka Saariddii Yuu.Es.Sii Baladxaawo

Dagaalkii wuxuu isu baddalay ama ku wareegay Yuu.Es.Sii iyo Es.En.Ef. Waxaa dhexmaray dagaal caniif ah. Waxaa laga awood roonaaday oo magaaladii laga saaray Yuu.Es.Sii. Waxaa laga dilay taliyihii ciidammada Yuu.Es.Sii oo xaggooda qiima wayn ugu fadhiyay. Wuxuu ahaa ninkii ka qaylisiiyay Es.En.Ef. Wuxuu ahaa sarkaal sare oo ka tirsanaa ciidammadii Xoogga Dalka Soomaaliyeed, magaciisana waxaa la dhihi jiray Shabeel. Magacaaba cajiib ah.

Ku Noqoshadii Wadaaddada ee Baladxaawo

Magaaladii markii laga saaray Yuu.Es.Sii ayey wadaaddadii soo dageen Baladxaawo. Waxay billaabeen dacwadoodii iyo khidmaddii ay dadka u khidmaynayeen. Es.En.Ef iyo wadaaddada heshiis kama dhexeeyo magaaladana waa lawada joogaa. Waa dad is yaqaan oo wada dhashay nin walbana waxaa looga baqayaa reerkooda haddii wax la yeeli lahaa Wadaaddada.

Waxaa kaloo Es.En.Ef looga badbaaday awood la’aan haysatay markaas oo aysan ciidan ku filan haysan gaalo ay xiriir la lahaayeenna ma jirin markaas. Dagaalladii Yuu.Es.Sii-na aad bay ugu hoobteen naf iyo maalba. Marka nooma tureen ee tabar baa meesha dhigtay. Ilaahay baa ku mahadsan sharkoodiina naga kaafiyay.

Ciidammadii Yuu.Es.Sii waxay isku aruursadeen meelo kamid ah gobolka. Waxay u qaylodhaansadeen ciidammadoodii Xamar joogay. Waxaa soo baxay ciidan xoog wayn oo loogu magac daray Aar Shabeel. Waxay rabaan inay u aaraan taliyahoodii qaaliga ahaa ee ay Es.En.Ef ka dishay, waa Shabeel. Wax alla waxay arkaanna ama wadaad ha ahaado ama Es.En.Ef ha ahaado waxay rabaan inay birta ka aslaan.

Qabsashadii Yuu.Es.Sii ee Luuq

Ciidammadii Yuu.Es.Sii waxay qabsadeen Luuq. Waxay usoo gudbeen ama usoo dhaqaaqeen dhankii Baladxaawo. Es.En.Ef tabar ma hayso oo waxay ku naafteen dagaalladii dhexmarayay ayaga iyo Yuu.Es.Sii. Caydiidna soo dhaaf Luuq oo wuxuu rabaa inuu qabsado Baladxaawo mar kale. Talo waa caddaatay, waa la isku dhexmeeraystay, ninba meel buu ku dhiftay.

Al-Itixaad oo Shir Degdeg ah Galay

Waxaa maalmahaas yimid oo goobjoog ah halyaygii Shiikh Muxamed Xaaji Yuusuf. Shir baa la galay degdeg ah. Waxaa la falanqeeyay musiibadaan kusoo socotaa intay le’eg tahay iyo sidii looga hortagi lahaa. Shiikhu dagaal iyo hawl-askari wax kama yaqaan laakiin wuxuu yaqaannaa qaabka dadka loo tawjiihiyo ama maamulka. Shiikha dhinacyihiisa waxaa fadhiya saraakiishii ciidankii Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Asaga waxaa laga rabaa inuu amar bixiyo oo waa annagii soo marnay in loo doortay madaxwayne. Waxaa jooga Wasiirkii Gaashaandhigga iyo xubno sarsare oo dagaal-aqoon ah ama khibrad ciidan leh. Markii la qiimeeyay khatarta kusoo socota ayaa la go’aansaday in la iclaamiyo jihaad ka dhan ah Yuu.Es.Sii iyo cid walboo doonaysa inay burburiso imaaradaan Islaamiga ah.

Dadkii ayaa la kulmiyay, waa la wacdiyay, waxaa loo sheegay khatarta ku soo fool leh. Waxaa la xasuusiyay inay bannaantahay in la difaaco diintaada, sharaftaada iyo imaaradaan Islaamka ah oo u adeegaysa danta caamka ah intaba. Waxaa diyaargaroobay dhammaan dhalinyaradii, odayaashii, haweenkii iyo ciddii waxtar u ahayd bulshada.

Waxaa sidii caadada u ahayd ciidan xul ah diyaarsaday Wasiirkii Gaashaandhigga Shiikh Yuusuf Shiikh Maxamuud Tiire. Wuxuu yiri iigu faatexeeya aniga ayaa warkooda keenayee. Wuu dhaqaaqay Shiikh Yuusuf iyo ciidankiisii, waxay afka saareen meesha qorraxdu kasoo baxdo oo Luuq ku aaddanayd. Wallee arrintu sidii hore ma aha ee soo duceeya qalabkiinnana ha dhigina waa intaasoo soo dhaqaaqa la idin yiraahdee.

Akhristayaalow waxaan idin xasuusinayaa dagaalkii ka dhici jiri Laasqoray ama Dabra, waxaa isaga soo horjeeday laba ciidan oo midna ku dagaallamayo magaca Ilaahay inuu kor noqdo midna ku dagaallamayo magaca Cabdullaahi Yuusuf inuu kor noqdo. Labada ciidanba waxaa hoggaaminayay saraakiishii ciidammadii Soomaaliya oo qaarna qaatay ku-dhaqanka shareecada Islaamka qaarna qaatay ku-dhaqanka mabaadii’da dimuqraadiyada ah oo gaaladu ku dhaqanto.

Labadaan ciidan oo maantay is horfadhiyana qolo waxay difaacaysaa in magaca Ilaahay kor noqdo qolana waxay difaacaysaa in magaca Jeneraal Caydiid kor noqdo. Labadaba waxaa hoggaaminaya saraakiishii ciidammadii qalabka siday ee Soomaaliya.

Dabra waa la ogaa wixii ka raacay Cabdullaahi Yuusuf iyo ansaartiisii baadilka ugu kaalmaynaysay. Maantana waxaan sugaynaa waxay la kulmaan Caydiid iyo ansaartiisu ama kuwa baadilka ugu kaalmaynaya ee naf iyo maalba ku bixinaya inuu kor noqdo Caydiid.

Taleefonka ha isa saarina, dhagta ku haya. Infiruu haddii la idin dhahana soo xirxirta oo soo dhaqaaqa. Nin lagu seexdow ha seexan, xil baad siddee ha seexan, soo jeedoo sidayda u feejignow. Allaahumma munzilal kitaab, wa mujriya saxaab, wa haazimal axzaab, ihzimhum. Aamiin, aamiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *