Qeybta 40aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 40aad. Ikhwaanii waxaan kala tagnay aniga oo la ballansan Shiikh Cabdisalaam Cismaan Cabdisalaam. Shiikha horay ayaan isku aragnay oo waxaan wada joognay jihaadkii ka socday Soomaali Galbeed waana anigii kasoo sheekeeyey inkastoo rag igu maageen, haddana wuxuu ahaa saaxiibkay ama walaalkay fil Islaam. Shiikhu waa nin bashaash ah. Markuu kuu sheekaynayo wuxuu ku deeqsiinayaa warka uu doonayo inuu kaa dhaadhaco.

Wuxuu leeyahay dagganaan ama miisaan. Ma ahan dadka sida macnadarrada ah iskaga hadla. Walaalka waxaan is barannay 1995tii. Wuxuu iila ekaa nin kusoo koray ama ka tirsanaa qoys madax ah ama dad la qaddariyo. Anigu ma aqoon mana waydiin meeshuu kasoo jeedo laakiin markaan ka ilbuuxsaday saasuu iila ekaaday.

Ayaamihii aan ka warramayay jihaadka Soomaali Galbeed oo uu markaas saaxada amiir ka ahaa ayaa waxaan khabarkiisa ka helay walaalihii ku taxnaa maqaalka. Khayr Alla ha siiyee nin baa wuxuu sheegay inay qaraabo ahaayeen Shiikha iyo Maxamed Siyaad Barre. Waxaa wada dhalay laba qof oo walaalo ah, waa ilma-abti iyo ilma-eeddo. Marka shiikhu waa rooyal famili ama reer macruuf ah ayuu ka dhashay.

Kuma faaninayo inuu la dhashay Ina Siyaad Barre laakiin waa walaalkii. Wax uun baad xushlaysaan sidii xaasidkoo kalaye! Shiikhu waa nin aan isku sir qarsan jirnay illaa xad ama isa sheeko naqaannay. Meel buu ifariisiyay, wuu ii warramay. Wuxuu ii sheegay waxa ka dhacay mujaahidiinta dhexdeedii iyo meesha siyaasaddu marayso (jihaadka).

Ugu dambayn Shiikhu wuxuu igula taliyay in aanan waqti dambe isaga lumin jihaadkii laga waday dhulka Soomaali Galbeed ee Itoobiya gumaysato. Sababtuna waxay tahay sidaas iyo sidaas. Wuxuu igu dul akhriyay waxyaabo badan oo aan shaki ka qabay laakiin aanan caddayn u hayn. Wuxuu faraqa iigu shubay quus uu ka taagan yahay libin laga gaaro jihaadka hadda socda ayadoon wax is baddalin, ama siyaasadda hadda jirta.

Shiikhu wuxuu ahaa ragga ugu waqtiga dheeraa amiirnimada ama qabashada hoggaanka jihaadka ka socday Soomaali Galbeed. Wuxuu ahaa dadka ugu dhaw in laga runsheego in gaalada la iska dhiciyo. Ilaahay baa xaqiiqda og. Wuxuu ii sheegay shiikhu inuu hadda rabo inuu bal xoogow soo nasto oo wuxuu u socday waddammadaas Afrika waddan kamid ah. Waxaa i galay waswaas ama shaki aan caadi ahayn.

Ma beenin Shiikha hadalkiisii laakiin waxaan go’aansaday inaan indhahayga kusoo arko waxa meesha ka dhacay iyo isbaddalku intuu le’egyahay. Waxaan galay safar dheer oo aan ka billaabay Xamar oo aan rabo inaan ku tago ilaa Soomaali Galbeed.

Waxaan ka baxay magaalada Xamar, waxaan maray waddada isku xirta Muqdisho iyo Gaalkacyo. Waddada laba dhibaato oo aad u xun ayay leedahay. Mid waa cabsi oo ku badbaadi maysid maritaankeeda oo tuugo iyo mooryaan ayaa boqolkii tallaababa waxaa u yaalla isbaaro. Dhibaatada labaad waxay tahay jidka oo aad u burbursan oo waxaa saacado dhan la soconayaa meel dhawaaq lala gaaro. Waxaan sii marnay waddadaas dhibka badan. Anoo nabadqaba ayaan tagay Gaalkacyo. Ilaahay baa ku mahadsan awal iyo aakhirba. Waxaan dagay hoteel, waan nastay, waxaan soo istaagay hoteelka bannaankiisii si aan magaalada u indha-indheeyo.

Waxaan si lama filaan ah indhaha isugu dhufannay shahiid inshaa Allaahu Mucalim Aadam Xaashi Cayrow. Kama filayn meesha inaan ku arko asna igama filayn meesha. Waxaa iigu dambaysay muddo, laakiin wuxuu ahaa nin aan meel kuwada noolaan jirnay oo aan si aad ah isku naqaannay.

Mucalim Aadam Xaashi Cayrow wuxuu ahaa raggii markii la burburiyay imaaradihii Islaamiga ahaa go’aanka gaaray. Wuxuu go’aansaday inuu wuxuu qaban karo qabto. Wuxuu aaday waddammo dibadda ka ah Soomaaliya. Wuxuu soo qaatay tacliim waxtar u leh dhismaha dawlad Islaami ah. Wuxuu soo arkay shucuub baraarugsan oo ku mashquulsan siday u dhisi lahayd dawlad Islaami ah.

Wuxuu kusoo laabtay waddanka Soomaaliya asagoo casharro soo qaatay. Wuxuu billaabay inuu Soomaaliya ku dhexfidiyo fikirkii uu qabay ee ahaa in la raadiyo dhisme dawlad Islaami ah.

Waa nin caynkee ah Mucalim Aadam Xaashi Cayrow? Qofkii hadalkaan maqlaase sidee buu u arkaa hadalkaan (raadinta dhismaha dawlad Islaami ah)? Aan ku horrayno shakhsiyadda Shiikha ama Mucalimka.

Shiikhu ama shahiidku inshaa Allaahu, wuxuu ku dhashay aagga Dhuusamareeb. Wuxuu ahaa nin aad u da’ yar. Wuxuu ku barbaaray isla gobolka Mudug. Wuxuu ahaa sida la ii sheegay arday Qur’aanka ka xifdiyey Shiikh Xasan Daahir Aways ama wuxuu u yimid asagoo Qur’aanka yaqaan markaasaa shiikhuna mar labaad u naqtiimay. Wallaahu Aclam. Ninkii taariikhdaas oo sax ah hayaa hanoo faa’iideeyo.

Mucalim Aadam Xaashi Cayrow wuxuu ahaa nin aad u dhuuban, caato ah, laakiin itaal dheerna wuu lahaa. Wuxuu lahaa aragti aan dadka da’diisa ah lahayn. Wuxuu ku fakarayay wax qofkii maqlaa xilligaas qariib la noqonayay. Wuxuu kamid ahaa afraadda aasaastay dawladda Islaamiga ah ee maanta ka talinaysa koonfurta Soomaaliya.

Ma xuma qofku inuu hawl billaabo oo looga daydo. Layaab malahan in qofku fikrad cusub keeno, waxaa layaab noqonaysa in Shiikh Aadam Xaashi Cayrow ku fakaray asaga iyo saaxiibbadiis arrin caalamka Muslimiinta oo dhan ay ka caajiseen ama quus ka muujiyeen. Wuxuu u bareeray arrin caalamka gaalnimada ku dhaqmaa ay meel ugasoo wada jeedaan la dagaallankeeda ama dabargoynteeda.

Wuxuu la yimid go’aan ah inuu gaaro wuxuu ku fakarayo ee ah inuu dawlad Islaami ah dhiso ama uu dhinto asagoo raacdadeeda ku jira ama raadinteeda. Jazaahullaahu khayral jazaa ayaan leennahay. Wuxuu furay albaab xirnaa muddo dhawr boqol oo sano ah. Wuxuu ku dhiirraday meel ay ka baqeen dadkii asaga ka horreeyay.

Waxaan leennahay ma aadan dhiman inshaa Allaahu tacaalaa ee waxaad tahay qof Alle dartiis loo dilay oo shahiid ah. Waxaan leennahay kuwa nool oo waddadiisii haya wixii Ilaahay ku yiri Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam).

Aan kusoo laabanno kulankayagii iyo wuxuu ku dhammaaday. Mucalim Xaashi markaan u warramay ugana sheekeeyey waxaan doonayo iyo meeshaan u socdo ayuu wuxuu isoo hordhigay fikradduu watay oo ahayd dhismaha dawlad Islaam ah. Aad baan u qariibsaday, dood baa na dhexmartay. Waxaan daldalay wixii Al-Itixaad daldali jireen. Waxaan iri ka warran taas. Ka warran taas? Waxaan sii daayey shubho iyo abaadiil horay la iigu shubay, waxaan ku sigtay inaan caajisgaliyo wadaadkaas xaqdoonka ah.

Shiikhu wuxuu meel dhaw iga tusay arrin soo afjartay dooddayadii. Wuxuu yiri ina hebelow ma igu raacsan tahay inay wanaagsan tahay in la helo dawlad Islaami ah? Waxaan iri haa. Wuxuu yiri diyaar ma tahay? Waxaan iri haa. Wuxuu yiri waxaan u socdaa Hargaysa. Waxaa ka dhici doona shir weyn oo ay kasoo qaybgali doonaan odayaashii Al-Itixaad iyo dhalinyaro aan ku ballannay meesha oo fikirkaan qaba.

Waxaa kaloo imaan doona shirka Shiikh Xasan Daahir Aways. Shiikha fikirkaan ayaan wada qabnaa. Wuxuu ka yimid meel hebla. Wuxuu haystaa Shiikh Aadan kalsooni xagga Rabbi ah. Wuxuu kaloo haystaa kalsooni uu ka haysto Muslimiinta u gargaarta fikirkaan Islaamiga ah ama soo-noolaynta khilaafo Islaami ah. Waxaa inoo ballan ah Hargaysa iyo maalin hebla inshaa Alaah.

Waan kala tagnay aniga iyo Mucalin Aadam taqabbalahu-llaahu. Waxaan u qasday inaan shirkaas tago. Waxaan gaaray Burco. Waxaan kula kulmay raggii qasadkaygu ahaa markii hore rag kamid ah. Waxaan galnay taariikh iyo sheeko dheer. Waxaan ka waraystay musiibada ka dhacday meesha oo uu ii sheegay Shiikh Cabdisalaam Cismaan Cabdisalaam oo aan Xamar kusoo arkay.

Xog badan oo aanan hayn ayaa la isiiyay. Waxaa ii caddaatay in sufuufta lagu dhexjiro. Waxaa i galay niyadjab wayn. Waxaa la ii sheegay nin hadda ka hor aan kusoo marnay qormooyinkii hore oo la oran jiray Abuu Basiira iyo koox uu wataa inay meel taagan yihiin. Abuu Basiira waxaa la socda nin kale oo la yiraahdo Axmed Nuur oo reer Jigjigo ah. Waxay samaysteen taageerayaal. Hadba waxaan dhahaa nin hebelna ka warrama, raggii aan islahaa Islaamkay waxtar u yihiin, markaasaa la idhahaa koox buu la kacay asna.

Waxaan waydiiyay ninkii dhaqaalaha dibadda u qaabilsanaa oo fadhigiisu ahaa Sucuudiga. Ninkaas magaciisu wuxuu ahaa Muxamed Wali. Waxaa la yiri asagiina koox buu samaystay oo dhaqaalihii oo dhan way la goosteen ama mujaahidiinta way u diideen inay shilin siiyaan. Waxa ii warramayaa waa nin markii horana wargal ahaa ciidanka dhan sirtiisana hayay oo waa taarwalahayagii khayrka qabay. Waa Shiikh Xasan Barkhadle. Wuxuu ii sheegay hadal aanan waraaqdaan kusoo koobi karin.

Haddaad xasuusataan markaan Xamar joogay waxaa ii warramay amiirkii saaxada dhan ka talinayay oo kasoo insixaabay furintii. Wuxuu ii muujiyay quus inta ay maamulka hayaan reer hebel iyo hebel iyo hebel iyo hebel. Waxaan yaqiinsaday in khalal wayn uu jiro oo xagga siyaasadda ah iyo mid daqiiq ah oo aan si fudud lagu garan karin. Siyaasiyan waxaa na xukumay Al-Itixaad oo aan soo marnay dhaqanxumada siyaasaddooda oo aan la garanayn waxay rabaan.

Waxaa daqiiq ah oo qarsoon ragga madaxda ah oo ciidamada xukumaa waxaa ka buuxa jawaasiis. Waxay fashilinayaan wax alla wixi wanaag ah oo mujaahidiintu gaaraan. Waxaa la laayaa ragga waxtarka ah oo dagaal kasta oo dhaca waxaa dhinta ninka madaxda ah ama geesigii ciidanka ku dhex jira oo gaalada gumaada iyo qaari’ul Qur’aanka. Waxaa na dultaagan oo meel aan ka galno waynay diyaaradaha wax basaasa. Waxaa na dultaagan Tigreegii annagoo dhul hawd ah joogna oo aan qofkii gala la ogaan karin meeshuu ku sugan yahay.

Aan kusoo laabanno Burco. Markaan warbixintaas dhammaystiran helay, waxaan baddalay qorshahaygii ahaa inaan tago saaxada. Waxaan go’aansaday inaan tago shirka ka dhici doona Hargaysa maalin hebla. Shirkaas waxaa isugu imaanaya tayaarkii la dhihi jiray Al-Itixaad oo kooxo u kala jajabay.

Koox waa kii soo-jireenka ahaa ama taliskii sida odayaasha iyo xog-hayntooda. Koox waxaa noqday qolada hubka wali haysata sida Soomaali Galbeed oo kale. Waxaa samaysmay kooxo dhalinyaro u badan oo aan ka ag fogayn odayaasha Al-Itixaad laakiin ku mashquulsan ganacsi, maqaallo-qoris, waxbarasho-raadin iyo wixi la mida. Kooxdaan waxaa kamid ah Axmed Cabdisamad, Abuu Xasaan, Jaamac Cabdullaahi, Caydiid Faarax Muxamed Xirsi (Abuu Cubayda) iyo rag farabadan oo taageerayaal u ah odayaasha.

Waxaa jira kooxo kale oo samaysmay, oo ayaguna shirka imaandoona. Waxaa madax u ah Shiikh Xasan Daahir Aways. Waxaa kamid ah Aadam Xaashi Cayrow, Muxyaddiin, Shiikh Axmed Godane, Shiikh Maxamed Maxamuud Nuur, Shiikh Saylici, Shiikh Fu’aad Shongoole iyo taageerayaashooda. Koox walbaayi waxay rabtaa inay hirgasho siyaasaddoodu. Haykalka guud waxaa laga yahay Al-Itixaad, intaas oo kooxoodna waa loo kala jajaban yahay. Allaahumma sallim, sallim.

Shirkii wuu billawday waxaana kasoo baxay qodobo aan dhammaystirnayn oo la yiri Xamar halagu falanqeeyo. Waxaa hordhac loosii qaatay fikirkii ay soo jeediyeen Shiikh Xasan Daahir Aways iyo taageerayaashiisu. Lama rabin fikirkaas lagumana qanacsanayn waxaana ka muuqday odayaasha taxaddar aad u sarreeya.

Waxaa lagu qancinayay dhalinyarada oo markii warkoodii meel laga maro la waayay ama xujadoodii ayaa la yiri bal waataas hawshiiye wada adinku. Waxay u egtahay hooyoo ku go’. Xamarna shir dambe hala isugu yimaado. Shirkiina sidaas ayuu ku xirmay. Shirka iima suuroobin tagistiisii oo waxaan kusoo laabtay Xamar. Waxaase ii warramay goobjooge.

Muddo kadib shir wayn ayaa ka dhacay Xamar. Ma joogin shirkaas la iigamana warramin wixii kasoo baxay. Waxaan filayaa inuu ahaa shirkii ugu dambeeyay oo dhexmara kooxihii kala fikirka ahaa ee Al-Itixaad. Shiikh Xasan Daahir iyo taageerayaashiisii waxay rabeen in la sameeyo isticdaad ama tababbarro ciidan, Itixaadna waa ku diiddanaa arrintaas. Waxay Xamar ka billaabeen reer Aways tababbarro qarsoodi ah oo rag mujaahidiin ah lagusoo saaro.

Yaa maal galinayay tababbarradaas? Anigu intaan ka ogahay waxaa la samayn jiray, nin walbaa asagaa la imaan jiray dhaqaalihiisa muddada uu tababbarka ku jiro. Qorigiisa asagaa gadan jiray, raashinkiisa asagaa diyaarsan jiray, dharkiisa asagaa la imaan jiray, wixii la helo oo dhaqaale ah waa la isku darsan jiray. Magaalada gudaheeda ayaa casharrada lagu qaadan jiray, wixii camali ahna dibaddaa loola bixi jiray oo waxaa lagusoo dabridi jiray dhankaas iyo Afgooye ama Wanlawayn xaggeeda.

Waxaa ogaaday arrintaas odayaashii Al-Itixaad. Barnaamijku taladooda kuma socdo, dhaqaale kuma bixiyaan, wax lagama waydiiyo. Ma xalaal baa mise waa xaaraan lama weydiiyo, kaalaya arka waxaan samaynayno lama oran. Waxaa ogaaday ayaguna arrintaan Tiscatu Rahdin raggii la baxay ama sagaalkii nin. Sagaalkaas nin waxay xoog ku haystaan beerihii dadwaynaha Soomaaliyeed lahaan jireen oo aseendooyinka ahaa.

Dhalinyaradu waxay dabridka kusoo sameeyaan waa beeraha dhexdooda. Markay soo dabridayaan aad bay isu hubeeyaan oo waxaa is raaca koox hubaysan. Mujrimiintii ayay marna xagga usii maraan marna xagga usoo maraan. Far kumasoo fiiqi karaan mujrimiintu xagga mujaahidiinta. Sababtu maxay tahay looga baqayo mujaahidiinta? Sababtu waa sasdex arrimood:

  1. Waxaa caado ah in qofkii Ilaahay u shaqaynaya Ilaahay siinayo haybad iyo argaggaxgalin dadka quluubtooda uu ku ridayo.
  2. Waxay ahaayeen koox aad u hubaysan oo aan lagusoo dhiirran karin dagaalkooda.
  3. Shaarkay qabeen waxaa dusha uga qornaa Hawiye, Habargidir, Cayr, reer Ayaanle iyo wixi la mida.

Miyaad hilmaanteen shaarkii uu tolan jiray hadda ka hor halyey Shiikh Xasan Daahir Aways? Shaarka Sheekh Xasan iyo ciidammadiisu qabaan waxaa dusha uga qornaa qabiil, laakiin waxaa hoosta uga xardhanaa kalimatu Laa ilaaha ilallaahu (Tawxiid). Awliyadu habeenkii bay is aragtaa! Shabaabka iyo mujrimiintu waa is ogyihiin. Dadka shacabka ah ama mooryaanta midna waxa dhacaya waxba kama oga oo waxay u qabaan wadaaddadu inay yihiin Hawiye qabiilka u shaqaynaya, arrintuna sidaas waa ka duwanayd.

Waxaa horumar wayn gaaray tababbarradii waqti yar gudihiis. Waxaa soo muuqatay cudud ciidan oo aan la dhayalsan karin. Waxaa yimid muhaajiriin maal iyo maskaxba ku raran. Waxaa lasoo dhexgali waayay ama sir laga waayay waxa meesha ka socda iyo meeshay salka ku hayaan in la ogaado. Awalba Al-Itixaad baa sirta bixin jiray ayagiina albaabkaa laga xirtay markaasaa waxaa ka dhacday waryaa nooga soo warrama ragga. Arrintaasi waxay dhibtay saddex qolo:

  1. Gaaladii asalka ahayd.
  2. Gaalaraacyadii ayaga u shaqaynayay ama ku raacay gaalnimada.
  3. Ururkii Al-Itixaad odayaashiisii oo albaabka laga xirtay.

Su’aal: Maxaa odayaasha looga xirtay albaabka soo culumadeennii ma ahan intaas aan isla soo soconnay ama nasoo hoggaaminaysay?

Dhibsashadii Al-Itixaad ay Dhibsadeen Isticdaadkii

Waxaad dib u fiirisaan ama haddaad xasuusataan qormada saddexaad waxaan ku sheegay su’aal ku saabsanayd culumada. Waxay ahayd su’aashu: Ma run baa in culumada wax laga maqli waayay? Maxayse tahay waxa laga maqli waayay? Qofkii qormooyinkaan la socday oo il caddaalad ah ku fiiriyaa wuxuu ogaanayaa inta gaboodfal loo gaystay ducaaddii Ilaahay dartiis u shaqaynaysay, inta dawlad Islaam ah lakala diray, inta nin door nalaga dilay, inta jaasuus nagu dhexjirtay oo madax noosoo noqotay.

Miyeysan habboonayn ama la gaarin waqtigii khayaamadu dhammaatay? Miyaysan habboonayn in dadkaan Muslimiinta ah oo maalin walba gaalada loo gacangalinayo la daba qabto? Miyaysan gaarin waqtigii odayaasha Al-Itixaad lagu oran lahaa diidnay inaan hubka dhigno, diidnay inaad madax noo noqotaan adinkoon jihaadka daacad ka ahayn, diidnay inaad inta dagaal na galisaan markaad nagu dhammaysaan haddana nagu eedaysaan khayaamadaad samayseen adinku, diidnay inaan murtad ka amarqaadanno ama uu madaxwayne noo noqdo, diidnay inaan noolaanno oo hoteello ku raaxaysanno ayadoo Muslimiintii lagu gumaadayo daafaha adduunka, diidnay inaan ajnabi ku sheegno muhaajir Muslim ah, diidnay inaan gaalo muslixiin ku sheegno, diidnay inaan mu’miniinta mufsidiin ku sheegno, waxaan diidnay maanta laga billaabo inaan ka amarqaadanno odayaashii Al-Itixaad intay jihaadka bannaanka ka taagan yihiin oo aysan hal maalin dhufayska iyo siduu u eghayay soo booqan?

Ikhwaanii diidmadaan hadda billaabatay ma wayna oo waxay ku saabsan tahay tababbarka ciidanka. Waxaa odayaasha laga diiday oo kaliya isticdaadkaan ama tababbarkaan hadda aan wadno. Waxay wali noo yihiin madax iyo culumo intaba.

Waxaan gaari doonnaa meeshii lagu kala tagay iyo goortay baxday magaca Shabaab Al-Mujaahidiin. Intaani waa hordhac iyo billawgii baraarugga golaha Islaamka Geeska Afrika.

Dhibsashadii Gaaladu Dhibsatay Isticdaadkii

Qolada labaad oo isticdaadku dhibay waxay ahayd gaaladi asalka ahayd, Maraykan iyo xulufadiisii. Waxay ku shaqaysan jireen afraad ay ku dhex darsadeen Islaamka. Markii la adkeeyay sirtii baxaysay oo lasoo dhexgali waayay goobtii hawshu ka socotay ayay indhabeeleen oo waxay waayeen riboodkii joogtada ahaa ee ay heli jireen habeen iyo maalinba. Waxay isku dayeen inay xoog ku muquuniyaan ama la baabbi’iyo shucladdaan soo muuqatay ama iftiinkaan Islaam-raadiska ah.

Waxay sameeyeen daraaso dhammaystiran intaysan tallaabo qaadin siday la ahayd ayaga. Waxay la tashadeen jawaasiistoodii, waxay rogrogeen qaabka looga takhallusi karo wadaaddadaan curdanka ah oo jihaad-doonka ah. Waxay samaysteen sagaalkii nin oo aad ogaydeen inay Xamar isku bahaysteen la-dagaalanka Islaamka.

Waxaa maalgaliyay Sii.Ay.Ee-da Maraykanka. Waxaa ka qaybqaadanayay boqollaal kun oo Soomaali ah ama dhuuniqaatayaal ah. Qaar waa la yaqaannay qaarna Ilaahay bay u xisaabsan yihiin oo abaalmarin doona maalinka Qiyaame adduunkana waa lagula xisaabtami inshaa Allaahu tacaalaa.

Dhibsashadii Sagaalkii Nin ay Dhibsadeen Isticdaadkii

Nimankaan hoggaamiye-kooxeedka ahaa waxay xoog ku haystaan hantidii ummadda Soomaaliyeed. Waxay ka ganacsadaan dhiigga ummadda. Waxay jawaasiis u yihiin gaalada. Waxay ka shaqeeyaan shaqooyin qarsoon oo ay gaalada u hayaan. Waxaa ka mid ah shaqaday hayaan: In aan waddanku dagin ama la helin xasillooni, inaan Muslimiintu xoog ku yeelan waddanka dhexdiisa, inaan shacabka iyo ducaaddu is fahmin ama ay suuro xumeeyaan wadaad kasta oo ay u arkaan mid waxtar ah.

Waxay ka baqayaan haddii wadaaddadu sameeyaan maamul ayaga taabacsan ama maamul Islaami ah in la waydiiyo ama laga qaado hantiday xoogga ku haystaan. Waxay dadaal badan ku bixiyeen in si dhaqso ah looga hortago waxay ku tilmaameen Irhaabka kasoo bidhaamay Geeska Afrika (khilaafo Islaami ah). Waxay walaalahood Maraykan u gudbiyeen khatarta ka jirta Xamar iyo agagaarkeeda. Waxay geeyeen xog dhammaystiran siday ayaga la ahayd oo ay ka heleen mujaahidiintii isticdaadka ku jirtay.

Waxaa shiray kooxihii isticdaadku dhibka ku hayay. Way wada hadleen mase naqaan waxay ku wada hadleen. Waxay isku raaceen la-dagaallanka qolada khilaafo-Islaam-raadiska ah ama shareeco Islaam ku-dhaqanka ama mujaahidiintii isticdaadka ku jirtay. Waxaa caqabad ku noqotay qaabkii looga takhallusi lahaa, maxaa yeelay lama yaqaan meel ay daggan yihiin, malahan xeryo ay ku xeraysan yihiin. Waxay kulmaan waqti ay ballamaan, waxay ku kulmaan meel ay ayagu kaligood ogyihiin. Waxay qabtaan hawl waqti yar lagusoo gabagabeeyo waana kala tagaan (Shabaabka).

Tababbarka waxaa dhinac socda maxkamadihii oo maalin walba waxaa la sameeyaa maxkamad hor leh oo reer hebel samaysteen. Maxkamadda waxaa ciidan u ah mooryaantii reer hebel. Dadku waa dad Muslimiin ah. Waa la wacdiyaa waxaa la dhahaa waxaad tihiin ciidan Muslimiin ah.

Magaciina waxaa la dhahaa maxkamaddii reer hebel ama adinkaa iska leh maxkamaddaan oo reerka ayaa lagu difaacayaa. Casharraa loo billaabay tawxiid ah, xagga diinta ayaa laga dhisay, xagga tababbarka ciidanka ayaa laga dhisay. Wixii loo diro ayuu si niyadsami ah ku qabtaa askarigaasi.

Markii la helay qabiilooyin farabadan oo qolo walbaa samaysatay maxkamad ayaga u gooni ah ayaa la hordhigay fakar ah aan isku darno maxkamadahaan isku ujeeddada ah, aan u samaysanno maamul midaysan. Waxaa la mideeyay maxkamadihii intii la awooday. Waxaa loo sameeyay maamul mid ah. Waxay gashadeen kulligood shaarkii Shiikh Xasan Daahir Aways. Shaarka ha illaawina naqshaddiisu qaabkay ahayd! Awliyadu habeenkii ayey is aragtaa!

Gaaladii iyo gaalaraacyadii way ogyihiin maxkamadaha iyo ujeeddadooda. Waxay ogyihiin shaarka Shiikh Xasan Daahir oo kor ay kaga qoran tahay qabiilka hoosna Tawxiidku kaga xardhan yahay. Waxaa ka warqaba arrintaas jawaasiista gaalada la shaqaysa oo ayagaa gudbiya ujeeddada qarsoon oo shiikhu leeyahay illayn gaalo waxba ma ogee haddaan gaal-jecle u warramin.

Gaalo waxay ogaatay tayaarkaan xawliga ku socda oo soo baxaya oo Islaam-raadiska ah. Ciday weerarto oo muuqatana lama hayo. Hadday maxkamadaha weeraraan Soomaali ayaa kici oo dhihi maxaa maxkamaddayada laga rabaa oo loo weeraray. Ciidan kale oo meel ku uruursanna waa la waayay. Waxaa la qaatay go’aamo wax ku ool u noqday gaaladii iyo gaaloraacyadii oo lagu burburiyo iftiinkii soo baxayay ama maxkamadihii Islaamiga ahaa.

Waxaa la burburiyay maxkamadihii ayadoo aan weerar ciidan lagusoo qaadin. Waxaa lagu burburiyay gacmaha culumadii haysay maamulka maxakamadihii. Waxaa la adeegsaday oo burburka ka qaybqaatay wadaaddo jawaasiis ahaa iyo kuwo waxba aan ogayn oo immaca ahaa ama kuwa la yiraahdo haye dheh. Waxaa loo adeegsaday culumadii ugu waawaynayd Al-Itixaad oo aan u kala harin mid Ilaahay u naxariistay mooyee. Waxaa la khalday oo been loo sheegay Shiikh Shariif Cabdinuur.

Waxaa lagu yiri Shiikh Shariif Cabdinuur, “Waxaa dhalatay dawlad Islaami ah (dawladdii Carta). Waxaad ku ayiddaa oo aad soo saartaa fatwo aad ku xalaalaynayso inay bannaantahay in la adeeco.” Shiikhu xafidahullaahu marka fatwo la waydiiyo wuxuu leeyahay hadal aan meel laga maro lahayn oo xujo ku ah qofka wax waydiinaya. Wuxuu yiraahdaa hadday run tahay saad sheegayso arrintu waa saas iyo saas. Al-Itixaadow ma run baad sheegayseen?

Ilaahow ma runtiisaa Mucalim Haylaan adaa oge? Waa sheeko bari dhacday oo uu sameeyay nin la dhihi jiray Mucalim Haylaan. Mucalimku wuu sheekeeyaa wuxuu sheegayana waxay u egyihiin wax been ah. Been baad sheegaysaana lama dhihi karo oo waa macalimkii reerka. Nin meesha fadhiyay ayaa inta ka shakiyay warkiisa wuxuu yiri Ilaahow adaa og Mucalim Haylaan wuxuu sheegayo ee ma runtiisaa?

Idinka sheekayn maayo wixii ka dhacay Jabuuti. Waxaa loo sameeyay telefishin aan la damin jirin oo laga daawan jiray toos ayadoo ah. Waxaa isugu tagay xubnihii ugu sarreeyay Al-Itixaad. Waxaa tiifiiga ka muuqan jiray ayagoo loo heesayo ama loo sacbinayo. Waxay tiifiiga horfadhiyeen ama shirka dhexdiisa fadhiyeen ayadoo Ilaahay iyo diintiisa lagu jeesjeesayo. Waad xasuusataan Shiikh Cumar Faaruuq wuxuu ku dhaqmayay. Waxaa u heesaysay shayaadiin ay kamid ahayd Maryan Mursal iyo kooxihii Jabuuti oo ayaguna koox kale keenay meesha oo ahaa xulkii shayaadiinta. Waxaa aad uga dhex muuqday shirka iyo isku dubaridkiisa ducaad caan ka dhex ahayd ururkii Al-Itixaad. Waxaa ka mid ahaa Shiikh Aadam Muxamed Ciise. Shiikhaas waxaan ahaa dadka muxaadarooyinkiisa dhagaysta. Waxaan jeclaan jiray qaabkuu dacwada u gudanayo iyo xikmaddu adeegsanayo. Shiikh Aadam wixii dawladdii Jabuuti ka dambeeyey gaaladuu raacay oo waa ka dhex baxay bulshadii Muslimiinta ahayd. Wuxuu iska daayay xikmaddii uu adeegsan jiray iyo nusuustii dadka uu ku dul akhrin jiray. Waxay ugu muuqatay inaysan xikmad ahayn wuxuu muddo soo waday. Wuxuu galay baarlamaanka Kanada iyo meelo ka xun. Wuxuu iska baddalay shakligii ama muuqaalkii Islaamka. Wuxuu qaatay dhaqankii gaalada manhajiyan wa suluukiyan intaba.

Wuxuu ahaa xubin sare oo laga jecel yahay Al-Itixaad dhexdeeda. Yaa igu inkirsan Shiikh Aadam Muxamed Ciise inuu kamid ahaa culumada waawayn ee Al-Itixaad? Yaa igu inkirsan inuu saaxada ka baxay oo gaalo isu dhiibay? Ictisaam ma oggolaan doonaan inuu ayaga ka tirsanaa wuxuu samaynayana ay raalli uga yihiin ama xikmad u arkaan.

Dawladdii Carta ee lagu burburiyay Maxkamadihii wax yar ka hor ururkii Al-Itixaad wuxuu baddashay magacii loo yaqaannay ee ahaa Al-Itixaad. Waxay ku baddasheen Ictisaam. Waxay baddaleen manhajkoodii ahaa khilaafo Islaam raadin ama shareeco Islaam raadin. Waxay ku baddasheen manhajkii Ikhwaanul Muslimiin oo ahaa in gaalada iyo Muslimiintu walaallo yihiin oo ay bannaantahay in la isla noolaan karo waxna la wada qabsan karo jihaadkuna xaaraam yahay.

Waxay ka insixaabeen ama ka fogaadeen ayagoo gaalo raalligalinaya ama ka baqaya wax kasta oo jihaad ku tacaluqay. Waxay dacaayad ku billaabeen dhalinyarada ku mashquulsanayd seen ku helnaa khilaafo Islaami ah. Waxay suuro xumeeyeen jihaadkii iyo raggii waday oo waxay dheheen waa juhalo, waa Khawaarij, waa seef-la-bood, waa dhalinyaro iyo wixi la mida! Waxay xikmad u arkeen ama ammaaneen murtaddiintii, gaaladii iyo ururradii diimeed oo inxiraafsanaa sida Suufiyadii, Salafiya Jadiidiya, Ikhwaanul Muslimiin, Aslaax, Aala Sheekh iyo wixi la mida.

Haddaad xasuusataan Maxaakimta labo jeer ayaa la khiyaameeyay ama la burburiyay. Labadaba waxa loo adeegsaday culumada Al-Itixaad. Dhacdadii koowaad waa taan hadda ka sheekaynayo oo ahayd waqtigii Cabdi Qaasim iyo Jabuuti. Waxaan gaari doonnaa burburkii labaad oo ahaa ama billawday markii sagaalkii nin oo Islaamka isu bahaystay Xamar laga xorreeyay. Waad xasuusataan dawladdii Islaamiga ahayd ee Xamar ka dhalatay oo shaqaynaysay lixda bilood oo caamka noqotay iyo waqti intaas ka dheeraa oo aan cidina ka warramin.

Wali ma aannaan kala harin annaga iyo odayaashii Ictisaam. Kaliya waxaan diidnay inaan hubka dhigno tababbarkana dayno, markaan arrintaas samaynayna culumadu waa naga aamuseen oo waxay dheheen bal iska wada hawsha annagu kor ayaan idinka fiirsanaynaa waxaan qaban karnana waan qabanaynaa! Waxaad waddaanna kuma qanacsanin (jihaadka) meel aan idiinka harnana ma jirto. Arrintaas kuma aannaan baraarugin culumadu go’aansatay oo ah inaysan raalli ka ahayn waxaan wadno ama jihaadka, haddana ay nagu dhexjiraan ama taladii wali noo hayaan inteedii badnayd. Lama kala harin wali annana ma aanan baraarugin.

Arrintaan waxaa si fiican u faahfaahinaya shahiid Shiikh Muxyadiin oo ay meel kuwada shahiideen asaga iyo shahiid Shiikh Aadam Xaashi Cayrow, taqabalahumu-llaahu ajmaciin, aamiin. Shiikhu wuxuu ahaa nin xog-ogaal ah oo wuxuu kamid ahaa ragga sida dhabta ah uga warqabay maxkamadaha iyo waxay soo mareen iyo waxay ku dambeeyeen markii dambe. Waxaan gaari doonnaa qaydtii labaad ee Maxkamadaha burburkooda ahaa iyo cidda burburisay oo aan ka fogayn kuwa hadda loo adeegsaday burburkooda.

Waa inoo qormada dambe inshaa Allaahu.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *