Qeybta 44aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 44aad. Ikhwaanii waxaan kala tagnay annagoo ballanqaadnay inaan faahfaahinno taariikhdaan dantii aan ka lahaa iyo cidday ku wajahan tahay. Waxaan joognay magaaladii Kismaanyo oo ducaaddii lagu yiri ama mujaahidiintii soo wareejiya gacan ku haynta magaalada maslaxad baa ku jirtee, ducaaddiina ay yiraahdeen yeeli mayno inaan wareejinno magaalada oo annagaa gacanta ku haynayna.

Taariikhdaan waxaan rabaa inaan ku iftiimiyo afar arrimood:

  1. Jihaadkii Soomaaliya ka billawday 1991dii, ciddii billawday iyo marxaladuhuu soo maray.
  2. Meeshuu hadda marayo iyo cidda wadda ama kusoo hartay saaxadii jihaadka.
  3. Dagaalka loogasoo horjeedo mujaahidiinta, cidda kasoo horjeedda iyo goorta uu soo billawday.
  4. Inta dhibaato loo gaystay jihaadka hadda kahor, dhagarta hadda lagu hayo iyo cidda ku haysa.

Waqtigii Jihaadka loo Qalabqaatay iyo Ciddii Wadday

Jihaadkaan waxaa billaabay dad Muslimiin ah ama culumo Soomaaliyeed. Culumadaas manhajkoodu wuxuu ahaa manhajka Salafu Saalix. Waxay ka dabqaadan jireen ama ku dayan jireen Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam) iyo saxaabadiisii Alla haka raalli noqdee. Tayaarkaas magaciisa waxaa la dhihi jiray Al-Itixaad Al-Islaami. Waxay lahaayeen taageerayaal badan ama bulsho ku qanacsan dacwada ay wadeen ama jihaadkii.

Jihaadku wuxuu billawday 1991dii. Wuxuu marayaa 2011dii. Wuxuu soo maray marxalado kala gaddisan oo aad u dhib badan, sidaad kusoo aragteen qoraalladaan ayaanu ku ishaarnay waxyaabihii dhacay iyo ciddii ka dambaysay. Ducaaddii jihaadka wadday waxaa ku dhacay haziimo wayn oo xagga maaddiga iyo xagga diinta intaba leh. Waxaa saaxadii kusoo haray ducaad aad u yar. Waa sunno Rabbaani ah in la kala baxo oo Ilaahay kala saaro kan runta sheegaya iyo kan beenaalaha ah, geesiga iyo fulayga, munaafiqa iyo mu’minka, deeqsiga iyo bakhaylka.

Jihaadku wuxuu hadda marayaa meel uusan waligii gaarin, dhanka caskariga, dhanka siyaasadda, dhanka dhaqaalaha iyo dhanka shacbiyadda intaba. Waxaan rajaynayaa inay noqon doonto Soomaaliya meesha caalamku ku dayan doono xagga jihaadka. Waxaa hoggaanka jihaadka haya rag ikhlaas ka muuqdo. Waxay kaloo raggaasi muujiyeen samir iyo dulqaad aysan heli karin culumo badan oo ducaad sheeganaysaa. Waxay leeyihiin tababbarro ku filan ama khibrad caskari.

Ma Qabiilo Khaas ah Ayaa Wada Jihaadka Soomaaliya?

Jihaadka Soomaaliya ma ahan mid ku kooban koox, qabiil, mandiqad iyo waqti toona. Wuxuu u furanyahay Muslimiinta caalamka oo dhan qofkii awooda inuu yimaado, maxaa yeelay waa cibaado Ilaahay dadka Muslimiinta ah ku addoonsaday inay fuliyaan ayagoo waliba nacaya oo aan naftu rabin, khasab ayaad ku gali. Waa cibaadada Rasuulku (sallallaahu calayhi wasallam) uu ku sheegay inay tahay kuruska baarkiisa ama meesha ugu sarraysa diinta oo haddii ayada la waayo diintoo dhan la waayayo. Waqti malahan oo Ilaahay baa sheegay inuu soconayo illaa iyo maalinta qiyaamuhu soo dhawaado.

Dadka Kasoo Horjeeda Jihaadka waa Kuwee?

Waxaa dagaal kula jira shucuubta adduunka ku nool oo dhan marka laga reebo in yar oo Ilaahay u naxariistay mooyee. Gaalo oo dhan baa isu bahaysatay. Waxaa loo adeegsaday Muslimiin qaafiliin ah ama munaafiqiin ah oo isqariya oo dhogor Muslim leh. Waxaa loo adeegsaday dhuuni-qaate magac Muslim wata. Waxaa loo adeegsaday culumadii ama ducaaddii madaxda ka ahayd hoggaanka jihaadka. Looma kala harin jinni iyo insiba inay la dagaallamaan mujaahidiinta.

Goormay Soo Billaabatay Colaadda loo Qabo Jihaadka?

Wuxuu soo billawday dagaalkaan ay gaaladu ama gaalaraacyadu kula jiraan jihaadka xilligii ay diintu soo bidhaantay oo Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam) lasoo saaray. Dagaalka waxaa galay oo dhawr jeer lagu dhaawacay Nebi Muxamed oo wata saxaabo aan badnayn. Waxaa la dagaallamayey gaalo isasoo bahaysatay, munaafiqiin Muslimiinta ku dhexjirtay, shayaadiin ama shaydaan oo waad xasuusatan Badar inuu ka qaybgalay shaydaankii isu ekaysiiyay nabaddoonkii la dhihi jiray Suraaqa Ibnu Maalik. Looma kala harin dagaalka.

Nebigii markuu dhintay waxaa meeshiisii kasii socday jihaadkii. Waad xasuusataan Carab iyo Abuu Bakar Alla haka raalli noqdee waxa kala raacay. Waad xasuusataan khatarta la galay haddaan Ilaahay Abuu Bakar ku camayn ama ku xifdin diintiisa. Waad xasuusataan maalinkaas shakiga galay halyeygii Cumar al-Faaruuq Alla haka raalli noqdee.

Markii Abuu Bakar birta ka aslay qoladii tiri zako bixin mayno in Cumar yiri “Abuu Bakarow ma waxaad laynaysaa dad ashahaadanaya?” Xaggee Ina Abyad joogaa?

Laakiin Shiikh Cabdiraxmaan waa ka hoosbaxday ee igama aqoon yara aniga! Alla hana sugo annaga iyo asagaba, waxaan ku aqaannay nin khayr jecel. Wuxuuse ku dhacay god loo qoday oo uusan hoos u fiirin salkiisa iyo waxa ka ratibmaya.

Saxaabadii Alla haka raalli noqdee dhammaantood way guteen waajibaadkoodii. Diintii waxay gaarsiiyeen daafaha adduunka. Waxay ku gaarsiiyeen seef iyo xikmad isla socota. Waxaa wax lala yaabo ah warka Ictisaam iyo kuwa haziimadu ku dhacday. Horta hubkii bay iska dhigeen oo ka fogaadeen, waa dambi ay galeen! Waxay dheheen dacwadaan fidinaynaa oo waxaan gaarsiinaynaa daafaha adduunka sidii saxaabaduba u gaarsiiyeen. Waxay dheheen diintu seef kuma fidin ee waxay ku fidday dalxiis iyo ganacsi. Bal ka dhagaysta Shiikh Cabdulqaadir Nuur Faarax arrintaas ha idiin faahfaahiyee.

Dad baa laga yaabaa inay u qaataan waxa aan sheegayo inay dacaayad tahay! Ufiirsada culumada Ictisaam waxay samaynayaan. Adduunka oo dhan ayay kusoo wareegaan saacado yar. Waxay dadka ugu sheekeeyaan dacwaan fidinaynaa. Masaajid ayaga u khaas ah oo ay waddan walba ka samaysteen ayaa lagusoo dhaweeyaa. Wuxuu wataa wadaadku mashruuc asaga u gaar ah oo ganacsi ah iyo mashaariic kale.

Kalimaad ayuu jeediyaa mashruuciisa ku aaddan ama waxtar u leh. Lacag ayuu yaboohiyaa ama dadka waydiiyaa oo qolooyin ayaa heshiis la gala oo ku dhaha lacag noo uruuri waxaan ku siinaynaa barsanteej ama nisbo mucayyan ah oo laga bixinayo lacagtaas la yaboohinayo. Markii ay soo xarootay lacagtii la yaboohiyey ayaa wadaadkii wax yaboohiyey waxaa lacagtii laga siinayaa boqolkiiba-20. Intaas waxaa u dheer tigidkiisa, cuntadiisa, hoteelkiisa iyo khidmadiisa intuu joogo ama hadiyado qaali ah. Dadku waa xishoonayaan oo wadaadka kuma dhiirran karaan laakiin khaladka way arkaan iyo waxa la isdabamarinayo!

Waxay nusuus u raadiyaan inaan diintaani u baahnayn wiil yar oo qori la ordaya ee ay u baahan tahay dagaal la’aan in la fidiyo oo adduunka la gaarsiiyo ayadoon dhiig daadan! Fiicnaan lahaydaa oo dhib yaraan lahaydaa haddii saas la helayo. Laakiin waa mustaxiil arrintaasi horana uma dhicin dibna uma dhici doonto diin aan dhiig ku daadan ayaa muxaadaro iyo dalxiis ku nabadgalaysa ama ku fidaysa!

Ictisaam waxba yeysan diin nabadgalin ayagu ha nabadgalaan! Maalin walba yaan mooryaantu suuqa ku jiidin oo xabsiyada laga buuxin culumadooda iyo ardaydoodii jihaad-diidka ahaa. Diin yaysan difaacin ee ayagu ha is difaacaan. Dadka akhlaaq ha u muujiyeen lagu aamino. Maalin walba waxaa lagu dhaggan yahay wadaad Ictisaam ah oo la leeyahay wuxuu lunsaday malaayiin doollar oo uu dadka kasoo uruuriyay oo uu yiri waan idiinku shaqaynayaa. Sow ma xasuusataan Fulaan iyo Fulaan iyo Fulaan oo lunsaday malaayiin hanti ah? Shirkad hebla aaway? Tii kale aaway? Aaway hagbaddii haweenka? Aaway lacagihii magaca agoomaha iyo mujaahidiinta lagu aruurin jiray?

Kuwo cusub ayaa hadda soo baxay oo la yiraahdo Bushra iyo Islii Mool magacyo saas ah oo ay leeyihiin culumada ugu waawayn Ictisaam. Bannaankay wareegayaan oo habrihii Soomaaliyeed ee qoxootiga ku ahaa gaalada dhexdeeda ayay kasoo uruursadaan xoogow hagbad ah ama ayuuto oo ay is dheheen ilmihiinna wax ugu qabsada. Waxaa isku xiran oo wada ganacsada saddex qolo:

  1. Ragga ganacsiga wada oo mashaariicda gacanta ku haya
  2. Ragga masaajidda gacanta ku haya oo aan laga baddali karin waligood
  3. Qolada tiifiiga oo ayagu qayb libaax ka qaata xayeysiiska ganacsiga wadaaddada. Qolooyinka tiifiigu ayagu waxay helaan dhaqaale aan caadi ahayn oo habeen kasta waxaa usoo xaroota lacag xad dhaaf ah. Waxay ku liibaaneen wadaaddada oo hadda haya hawshii wariyuhu qaban jiray. U fiirsada meeshii wariyuhu fariisan lahaa waxaa fadhiya wadaad Ictisaam ah wariyihiina wuxuu ku jiraa nasiino iyo kafee cabid.

U fiirsada wadaaddadii waxay noqdeen aalad ganacsiga lagu xayeysiisto. Meel ayaa laga furayaa dukaan lagu gado biitsada. Waxaa tiifiiga ka sheegaya oo xayeysiinaya wadaad Ictisaam ah. Meel ayaa laga furayaa dukaan lagu gado waxyaabaha la isku qurxiyo, waxaa tiifiiga ka sheegaya wadaad Ictisaam ah. Meel ayaa laga furayaa dukaan tigidhada gada, waxaa tiifiiga ka sheegaya wadaad Ictisaam ah. Ganacsiga Yurub iyo Ameerika waxaa lagu xayeysiin jiray gabdho. Gabdhihii hadda waa nasteen oo rag ayaa baddalay ayagii ka nafci badan kana aftahansan meel dhawna dadkii wax ka tusaya.

Fiiro Gaar ah: Shir ayaa lagu qabtay magaalada Landan muddo laga joogo wax sanad ka yar. Shirkaas waxaa soo qabanqaabiyay wadaadka lagu magacaabo Shiikh Muxamed Idriis. Shirku wuxuu u dhexeeyay laba qoloo muuqata iyo qolo qarsoon oo ayaga loo shaqaynayay ama nuxurka shirka lagu raalligalinayay, waxayna kala ahaayeen:

  1. Ictisaam oo huwan magaca midowga masaajidda Ingiriiska.
  2. Telefishinka Yunifersal (Universal TV) oo huwan magaca warbaahinta Soomaaliga ku hadasho.
  3. Sirdoonka Ingiriiska Em.Ay.Fayf (MI-5) iyo kan Maraykanka Sii.Ay.Ee (CIA).

Shirkaan saddexda qolaba waxay isku waafaqsanaayeen in lagu cunaqabateeyo oo looga hortago dhaqaale ay ku uruursadaan culumada mujaahidiinta Soomaaliyeed oo aan la aqoon qaabka ay u shaqeeyaan iyo meeshay dhaqaalaha ka helaan intaba. Saddexda qolo, qola walba waxaa ugu jiray heshiiskaan dano ayaga u gooni ah, khaasatan waxaa faa’iido badan ku gaaray tiifiiga iyo Ictisaam oo dhaqaale badan ku aruursada ganacsigoodana ku xayeysiista.

Xogwarran Dhab ah: Rumayso Waa Rune

Muddo yar kahor waxaan ahaa wadaad Ictisaam ah. Waxaan la shiri jiray raggayga, waxaan la sheekaysan jiray raggayga, sirta la igama qarsan jirin oo waxaan ahaa xubin ka tirsan ururka. Sheegi maayo wax badan oo aan ogahay oo haddaan sheego aad loo qariibsanayo ama aan la iga rumaysanayn. Waxaan rabaa inaan idin xasuusiyo oo kaliya hadallo aan ku doodnay culumada Ictisaam rag kamid ah iyo shakiga ay ka qabaan mujaahidiinta intuu le’egyahay iyo siduu u gurracan yahay ama u foolxun yahay.

Waxaan doodnay wadaad hebel oo haddaan sheego magiciisa aad wada garan doontaan. Waxaan doodnay mid kale oo asagii ka macruufsan ama dacwada uga horreeyay. Waxaan la sheekaystay ducaadda iyo ardayda Ictisaam ee mujaahihiinta kasoo horjeeda ama jihaad-diidka ah. Ayagu waa weerar anna waxaan ahay difaac. Hadalladoodii ay mujaahidiinta ku durayeen waxaa kamid ahaa takfiir, Khawaarij, shisheeye, sufaho, mooryaan iyo wixi la mida. Intaas oo dhan lama yaabin oo waa warkii odayaasha Ictisaam nagu akhriyeen. Waxaan la yaabay oo ii cuntami waayay in la igula doodo Shabaabku waxay u shaqeeyaan Maraykanka iyo Yuhuud. Waxaa ii cuntami wayday in la igula doodo, “Yaa wax siiya? Xaggee bay ka helaan dhaqaalaha haddaan Maraykan wax siin?” Waxaan la yaabay markii la igula dooday, “Haddaysan Maraykan u shaqaynayn muu baabbi’iyo muxuu u fiirsanayaa waa kuwaan meel walba qabsanayee?”

Ereyadaas doqonnimadu ka muuqato iyo xasadku aniga wax bay ii tareen. Waxaan ku baraarugay dadka aan dhexjoogo iyo siday u fakarayaan. Waxaan fiiriyay meesha gaalo iyo Muslim isla marayaan iyo waxa daafaha adduunka ka dhacaya. Waxaan ku baraarugay musiibada ku habsatay tayaarkii aan ka tirsanaa oo aan kusoo dhex barbaaray oo ay kamid yihiin macalimiintaydii iyo ardaydii aan isku looxa ahayn. Dib ayaan u faagay duruustii aan qaadan jirnay. Waxaan arkay kitaabkii oo waddada toosan qaaday iyo anoo wadda kale oo qalloocan qaaday, waddadii Murji’ada iyo Suufiyada.

Diintaan ama jihaadkaani wuxuu soo maray xilli Islaamku dunida ka talinayay sanado fara badan. Diyaarado la raaco, mashaariic khayri ah, muxaadaraad iyo dalxiis laguma keenin. Rag baa usoo dhammaaday oo naftoodii iyo maalkoodii u huray.

Rasuulku waxa uu tilmaamay boqolkii sanaba mar in Ilaahay diintaan mid cusboonaysiiya usoo saarayo. Marka laga yimaado saxaabadii iyo jiilkii ku xigay, waxaa kamid ahaa raggaas diinta tadxiyada usoo sameeyay ama naftoodii u huray:

  1. Imaam Axmed Binu Xanbal
  2. Shaykhul Islaam Ibnu Taymiyah
  3. Imaam Muxamed Cabdiwahaab

Maxaa diidaya haddaan niraahno Imaam Usaamah Binu Laadin? Ma rabo inaan meel fog idiin celiyo oo waad ogtihiin taariikhda Islaamku soo maray ama dacwadu. Waxaan rabaa inaan idin xasuusiyo dhacdadaan hadda aan gacanta ku hayno oo ku saabsan jihaadka Soomaaliya iyo marxaladuhuu soo maray.

Ikhwaanii waxaan wax kasoo tilmaamay dhibaatadii ama luggooyadii loo gaystay mujaahidiintii Soomaaliyeed ama jihaadkii Soomaaliya. Waxaan joognaa xilligii aan ogaan lahayn: Yaa xaq wada yaase baadil wada? Yaa jihaadku run ka yahay yaase khayaamo iyo been ku dhex wada? Yaa jihaadkii ku faa’iiday oo meel fiican gaarsiiyay bulshadiina u daneeyay oo daalimiintii ka qabtay, yaase khasaaray oo saaxadii ka baxay Muslimiintana garabkoodii ka baxay gaalna isu dhiibay? Odayaasha Ictisaam aad ayey u jeclaayeen dhalinyarada iyo hawshay hayeen sidii hadda noo muuqatay. Wax baase qarsoonaa Ilaahay kashifay.

Goormay Billaabatay Dacaayadda iyo Dagaalka aan ka-Fiirsiga Lahayn?

Dagaalkaan iyo dacaayaddaan aan kala go’a lahayn oo ay wadaan culumada iyo ardayda Al-Ictisaam waxay billaabatay maalinkii ducaaddu ama mujaahidiintu ay la bexeen magaca Shabaabul Mujaahidiin. Shabaabku ma baddalin manhajkoodii, mana baddalin akhlaaqdoodii, mana baddalin himilladoodii jihaadiga ahayd. Waxay baddaleen oo kaliya siyaasaddii ama qaabdhaqankii jihaadka.

Maxaa kallifay arrinkaas? Waxaa kallifay dhibaataday kala kulmeen maamulkii Al-Itixaad iyo Ictisaam iyo khiyaamooyinkii loo gaystay jihaadka iyo ehelkiisii. Mujaahidiintu waxay sameeyeen baaritaanno qota dheer iyo samir ay ku ogaadaan waxa khaldan iyo meesha khaladku ka imaanayo. Xalkiina wuxuu noqday in la baddalo siyaasaddii jihaadku ku socday ama waddadii ama hoggaankii taad dhahdaba.

Maxaa Laga Faa’iday Siyaasaddii la Baddalay?

Waxaa laga faa’iiday in laga adkaaday jawaasiistii, in la helay nabadgalyo, inuu bannaanka usoo baxay manhajka khaldan ee Ictisaam. Waxaa laga faa’iiday in la helay dawlad Islaam ah oo fulinaysa shareecadii Islaamka oo haysata Soomaaliya inteedii badnayd.

Culumada Maxaad ugu Diiddeen inay Yimaadaan Saaxada Jihaadka?

Looma diidin, bal waan ugu yeeraynaa inay noo yimaadaan oo ay hoggaamiyaan jihaadka. Waxaan maqalnay ama culumadu yiraahdeen, “Haddaan saaxada tagno waa nala dilayaa!” Subxaanallaah! Haadaa buhtaanun cadiim! Ma aanan oran waana been cad.

Ikhwaanii ma illaawin inaan xuso waxqabadkii iyo dagaalladay galeen Shabaabku.

Waa inoo qormada dambe inshaa Allaahu.

aragtidaada nala wadaag...