Qeybta 45aad

Bismillaahi wabacdu. Waa qormadeennii 45aad. Ikhwaanii waxaan kala tagnay annagoo ballanqaadnay inaan wax ka xusno waxqabadkii iyo halgankii ay soo mareen mujaahidiinta Soomaaliyeed (Shabaabul Mujaahidiin).

Mujaahidiintu waxay soo wadeen dagaalkaan ay kula jiraan gaalada iyo gaalaraacyada muddo dheer. Intaas ay dagaalka ku jireenna waxaa lagu hayey dhibaatooyin aad u badan sidoo kalena waxaa diiddanaa in mujaahidiintu khayr gaarto dad Soomaaliyeed oo badankoodu culumo ahaayeen.

Mujaahidiintu maxay raadinayeen ee loo diiddanaa? Mujaahidiintu waxay raadinayeen hal shay oo kaliya. Waxay rabeen in la helo dawlad Islaami ah oo shacabka Muslimiinta ah u khidmaysa. Haddii la helo dawlad ku dhaqmaysa shareecada Islaamka waxay bulshadu helaysaa dhammaan nolosha aasaasiga u ah qofka bani-Aadamka ah sida nabadgalyada, caafimaadka, waxbarashada, ganacsiga iyo ciidamo ilaaliya cirdiga iyo sharafta qofka Muslimka ah.

Hub ka-Dhigistii Maleeshiyaadka

Mujaahidiintu markay magaalooyinka qabsadeen waxay ka billaabeen waxqabadkoodii. Waxay hubkii ka dhigeen dadkii Soomaaliyeed ee uu cadawgu isku hubeeyay. Dadka hubaysnaa waxaa kamid ahaa dad ay adeegsanayeen hoggaamiye-kooxeedkii iyo gaalada waddanka kusoo duushay. Waxay u badnaayeen dhalinyaro aan tacliin lahayn ama baadiye laga keenay oo been loo sheegay.

Maleeshiyaadkaas waxaa mushaar u ahaa waxa ay dadka ka dhacaan. Waxaa raashin u ahaa qaad iyo daroogo. Waxaa xaasas u ahaa gabdhaha Muslimaadka ah oo ay kufsadaan haddana dilaan. Waxaa mustaqbal u ahaa riyo iyo mala awaal uu nafta ugu sheekeeyo intuu qaadka cunayo. Waxaa raaxo iyo nasiino u ahayd inuu dhaawac soo gaaro oo meel la isaga xooro. Maalinkuu dhaawacmo ayaa isugu dambaysa asaga iyo kaaba-mooryaanka. Halkaasuu ku waayaa naftiisii iyo riyadii daroogadu tusisay. Xaqiiqdu waa saas.

Dadka hubaysnaa waxaa kamid ahaa dad hubka ku ilaalsada naftooda iyo maalkooda. Waxaa kamid ahaa shirkadaha waawayn. Waxaa kamid ahaa dad aan ganacsi wayn lahayn laakiin hubka u qaatay inay cirdigooda ku ilaashadaan. Waxaa jiray hay’ado gaalo u shaqeeya oo aad u hubaysnaa. Hay’adahaasi waa kuwa maalgalinayay fawdada iyo dagaalka sokeeye. Hay’adaha magacyada khayriga ku shaqayn jiray waa kuwa Soomaaliya ama caalamul Islaami burburiyay.

Siyaasaddooda waxaa kamid ah intay bulshada soo dhexgalaan ayay fiiriyaan qabiilka ugu tunka buuran meeshaas ay rabaan inay baroosinka dhigtaan ama dagaan. Waxay kasii xushaan kuwooda sharafta ku dhex leh qabiilkaas, sida ugaasyada, nabaddoonnada, siyaasiga iyo kan xoogaaga lacagta ah leh. Waxay u qoraan ama siiyaan shilimo aad u yar. Waxay ka kiraystaan guryo iyo baabuur aysan u baahnayn si ay dantooda ugaaraan.

Inta ugaaska gurigiisa iyo baabuurkiisa gaaladu kirada ka bixinayso gaalku wuxuu doonuu samaynayaa. Waxaa difaacaya ugaaska iyo nabaddoonka reerka haddii gaalka la taabto.

Mujaahidiintu magaalada Xamar waxay ka dhigeen goob nabadgalyo ah. Dadku waxay fursad u heleen inay is dhex maraan oo kala adeegtaan waqtigay doonaan. Qaabka hub ka-dhigista waxay ahayd dhawr nooc. Shirkadihii waawaynaa sida kuwa xawaaladaha ayagu hubkoodii waxay ugu deeqeen intii badnayd mujaahidiinta markay arkeen in mujaahidiintu yihiin dad la aamini karo hantidoodiina u ilaalinayaan ayay tabarruc ahaan hubkoodii ugu wareejiyeen mujaahidiinta. Jazaahumullaahu khayran.

Qolada labaad waxay ahayd mooryaan dadka dhici jirtay oo aan dan kale hubka u haysan inay dadka ku dhibaan mooyee. Kuwaas birta ayaa laga aslay ama xoog baa looga qaaday hubkii, ayagiina waxaa lagu sameeyay dhaqancelin oo waxaa la geeyay xeryo loogu talo galay in lagu dhaqanceliyo illayn wuxu waa Muslimiin dhaqankii ka xumaaday. Raggaas la dhaqanceliyay waxaa kasoo baxay afraad aad u wanaagsan oo Islaamka wax u tartay.

Qolada saddexaad waxay ahayd qolo ayagu hubkooda hoosta ku haystay oo markii lasoo weeraro isku difaaci jirtay. Kuwaas waxaa la siiyay ikhyaar, kii raba in laga gado waa laga gaday kii raba inuu sadaqaystana waa loo duceeyay. Qaab caynkaas ah ayaa hub ka-dhigistu u dhacday iyo qaabab kale oo farsamaysan. Waxaa hubaysnaa oo kaliya mujaahidiinta.

Taasi waxay keentay in dadkii si dhaqso ah nabad u helo tuuggiina la qabto, noloshii aasaasiga ahaydna soo laabato oo magaaladii yeelato bilic wanaagsan iyo xasillooni.

Caafimaadka

Waxay ku xajiyeen hub ka-dhigistii inay la dagaallamaan wax alla wixii caafimaadka wax u dhimi lahaa sida qaadka, khamriga, daroogada kala gaddisan, dhillaysiga, qashinkii magaalada buux dhaafiyay, daawada dhacday, raashinka dhacay, sixirkii iyo wixi la mida.

Markii nabadgalyo la helay waxaa loo gudbay caafimaadkii oo faraha ka baxay. Intii dawladdii dhexe ay burburtay magaalada Xamar iyo magaala kasta oo waddanka Soomaaliya kamid ah waxay noqotay magaalo aan la garanayn cidda iska leh. Shacabka magaalada ku dhaqan oo ama dagaan ahaan u daggan ama safarka ku imaanaya waxaad mooddaa inaysan aqoon nadaafadda iyo qiimiga ay bulshada u leedahay.

Qofka magaalada guri ka daggan intuu gurigiisa qashinka kasoo saaro ayuu laamiga hortiisa mara ama guriga wajigiisa ku shubayaa markaasaa qashinkii wuxuu noqday buuro waawayn. Looma kala harin carruur iyo cirroolaba, haba ugu darnaadeen kuwa qaadka gada iyo kuwa kawaanlayaasha ah ama maqaaxilayda intaba.

Waxaa kuwaas ka daran oo dadkii halaagay kuwa isku sheega ganacsato. Ganacsatadu waxay u kala baxdaa labo. Qolo waxay keentaa daawo dhacday ama kartoon ay ku qoreen magac daawo oo aan daawaba ku jirin ee balo kale lagu shubay. Waxaa ku jira bur ama caanaboore sida lasoo wariyay. Intay shirkado tuugo ah heshiis la galaan ayay dhahaan noo sameeya wax daawo u eg. Waxay kaloo shirkadaha kasoo aruursadaan daawada dhacday, markaasay qiimo aad u jaban kusoo rartaan illayn daawo ma wataane.

Kuwaas dadkii waxay ku rideen ama u gaysteen labo dhibaato:

  1. Waxaas daawada u eg ama daawada dhacday ah oo ay qiimo saa’id ah ka siiyaan.
  2. Qofkii oo aan daawo qaadan ee qaatay cudur iyo waxyaabo naftiisii khatar u keeni kara.

Dadku waxaad mooddaa inaysan fayoobayn. Qofka daawada dhacday gadaya ama galka daawada lagu shubay caanabooraha waxaa laga yaabaa ama xaqiiq ah markii carruurtiisu xanuunsato ama xaaskiisa wuxuu daawada kasoo gataa farmashiyaha ugu dhaw markaasuu carruurtiisa iyo xaaskiisii siinayaa. Waxaaba laga yaabaa inuu asagu cuno. Ma fayooba!

Waxaa kamid ah kuwo ka ganacsada raashinka dhacay. Waxay xafiisyo ka furteen adduunwaynaha. Waxay u tagaan ganacsatada waawayn oo haya raashin ku baaray. Waxay kasoo qaataan raashinkii dhacay oo ganacsatadii lahayd meel ay gayso waayeen. Raashinku hadduu dhaco ama xumaado waa la gubaa loomana oggola in qof banii-Aadam ah uu cuno. Ganacsatadii lahayd raashinkaan dhacay waxay heleen labo faa’iido:

  1. Waxay ka badbaadeen inay kharash ku bixiyaan raashinkaas gubitaankiisa.
  2. Waxay ka heleen lacag oo waxaa ka gatay ganacsatadii Soomaaliyeed oo waalnayd!

Dadkaas caadaystay dhaqankaas xunka ah oo ku magacaaban ganacsatada waxay isugu jiraan ama yihiin tujaar, jeeble, culumo, siyaasi, aqoonyahan iyo wixi la mida. Haddaad istaagto Bakaaraha arki maysid dukaan uusan kasoo jeedin qof bidhaan wadaad leh. Dukaanka waxaa yaalla waxyaabihii aan kasoo sheekeeyay qayb kamid ah. Bakaaro markaan leeyahay waxaan ula jeedaa Xamar oo dhan ama waddanka intiisa kale. Dadka xalaasha cuna ama ka ganacsada ama og inay dhibaatadu asaga dib ugusoo noqonayso aad bay u yaryihiin waxaase jiraan kuwo aan badnayn oo ah dad yar oo Ilaahay u naxariistay.

Mujaahidiintu waxay olole ku qaadeen caafimaad-darradii ka dhalatay nadaafad xumidii. Waxay u guntadeen soo-celinta caafimaadka iyo bilicdii magaalooyinka. Waxay xakameeyeen oo ka hortageen in magaalada lasoo galiyo oo laga ganacsado raashin dhacay iyo daawo dhacday. Waxay baaritaanno ku sameeyeen bakhaarradii cuntada iyo daawada lagu kaydin jiray. Waxay gubeen waxay heleen oo raashin iyo daawo dhacday ah. Waxay banneeyeen waddooyinkii qashinku xiray. Waxay wacyigaliyeen dadkii. Waxay xumaantii uga hortageen meelihii ay kasoo galaysay sida eeraboorrada iyo dakadaha. Waxay mamnuuceen qaadkii oo ah hooyada xumaanta (ummul khabiith).

Waxay soo qabqabteen sixiroolayaashii dadka bakhtiga cunsiin jiray ama waalida ku riday. Nimankaas dadka sixra waxay kamid yihiin ama ka daran yihiin kuwii dadka ka gadi jiray daawada dhacday iyo raashinka dhacay, maxaa yeelay ummadda waalwaalan oo meel walba daadsan waxaa sabab looga dhigay saddexdaas qolo. Mid sixir ku waalay, mid daawo dhacday ku waalay iyo mid raashin dhacay ku waalay intuba sabab ayay utahay.

Ikhwaanii waxaan aragnaa mujaahidiinta oo haya hawl aad u baaxad wayn oo aysan baahideeda dabooli karin kaligood. Hawshaan ay hayaan mujaahidiintu waa hawshii ay qaban lahayd dawlad dhismaheedii u dhammaystiran yahay. Xagga dhaqaalaha, xagga siyaasadda iyo xagga caskariga intaba. Waxaa intaas u dheer dadka ay u shaqaynayaan oo intaas oo hawl ah ay uhayaan waa dad aan u diyaarsanayn ku-dhaqanka shareecada Islaamka iyo xukun-wanaagga dawlad Islaam ah.

Ayagaa laga sugayaa inay dadka wax baraan oo ka dhaadhiciyaan inay dantoodu ku jirto ku-dhaqanka shareecada Islaamka. Ayagaa laga sugayaa inay gaalada ka xorreeyaan waddanka ay kusoo duushay oo xoogga ku haysato. Ayagaa laga sugayaa inay dadka horumar gaarsiiyaan dhan walba leh inshaa Allaahu. Mujaahidiinta waxaa dhalay ama ay ka dhasheen Soomaalida aan kasoo sheekaynay oo ay haysato intaas oo mushkilad ah.

Bulshada Soomaaliyeed waxaa soo maray xukuumado kala duwan oo kulligood ku shaqaynayay qawaaniinta kufriga iyo ilxaadka. Waligood ma aysan arag dawlad Islaam ah iyo shareeco la isku dhaqayo. Waligood ma aysan arag caddaaladda iyo xukun-wanaagga dawlad Islaam ah. Sidaas darteed waxaa adkaatay ama dabodheeraatay sidii looga dhaadhicin lahaa bulshadaan in shareecada Islaamka lagu dhaqmo.

Musiibada ugu wayn iyo is-hortaagga ku-dhaqanka shareecada Islaamka waxaa lagala kulmay culumadii ayagu noqon lahaa hurmuudka ummadda xagga diinta. Waad ogaydeen lagdankaan soo marnay iyo inta nalasoo khiyaameeyay oo waliba culumadii talada noo haysay ay nagu faleen, Al-Itixaadkii hore iyo Ictisaamka cusub. Culumada Soomaaliyeed waa gartood oo waxay lamid yihiin bulshada Soomaaliyeed oo aan waligood arag xukuumad Islaami ah. Gacan la gooyo, lug la gooyo, dhagax la isku dilo, karbaash ama tacsiir. Intaas oo xukun ah ama xad waligeed Soomaaliya lagama fulin Shabaab ka hor.

Shabaabku lama imaan xuduudda gacan-goynta iyo rajmiga ama wixii lamid ah ee waxaa lagusoo dajiyay oo fuliyay Nebi Muxamed (sallallaahu calayhi wasallam). Waxaa intaas kasii daran waligood Soomaalidu ma maqal murtad ama qof gaaloobay oo Soomaali ah. Shacabku waa gartii laakiin waxaa musiibo ku dhacday culumadii oo u doodaysay murtad Ilaahay iyo Rasuulkiisii ka xariir furtay oo ku gaaloobay diintii asagoo aan cidi qasbin.

Culumadii Ictisaam diintii waxay ka dhigeen: Suufiyadii oran jirtay naagta aanan meherin annagu ma mehersana, dhaxalka aanan qaybin ma qaybsana, maydka aanan talqiin ku akhrin lama duugi karo, colka aanan u ducayn ma duuli karo, ninka aan habaarnaa waa inuu dhintaa, afartan jir ka yar diin ma sheegi karo, lama gaaloobi karo iyo wiixi la mida.

Ikhwaanii waxaan ku jirnaa dagaal dhib badan oo qofkaad dishaa (Soomaali) waa kugu dhimay kaana dhimay. Waxaan ku qasbannahay inaan Ilaahay raalligalinno. Intii Ilaahay noo caroon lahaa dadku ha caroodeen. Hawshaanna waan wadaynaa Inshaa Allaahu.

Waxaa na horyaal hawlo waawayn oo ay kamid tahay dagaallo lagu hoobtay.

Waa inoo qormada dambe inshaa Allaahu tacaalaa.

aragtidaada nala wadaag...