Sheeko Aniga Iga Oohisay

لقد كان في قصصهم عبرة

Assalaamu Alaykum walaalaha qeymaha iyo qaayaha badan ee kuxiran websitekan qeymaha badan. Maanta iyo maqaalkeena wuxuu ku saabsan yahay sheeko aniga iyo dad badan oo akhriyey ka oohisay. Waxaan quud-daraynaya inaad idinkana cibro ku qaadankartaan oo ah hadafka dhan ee sheekooyinka.
Sheekadu waxay ku socotaa gabadh magaceeda layirah Cassie iyo sida ay diinta Islaamka ku soo gashay oo runtii ka duwan sida ay dad badani kusoo islaamaan. Aniga qof ahaan waxaan kashaqeeyaa Islamic center ay dad badani ku soo musliman. Markasta oo aan dhagaysto qisada ay ku soo muslimeena ayaan diinteyda dib u eegaa oo Allah ku mahadiya!
Qisada waxaa loogu magacdaray markeedii hore ‘ How An 80 Yr. Old Man’s Salat Brought Cassie to Allah’
Qisadan oo si qurux badan loogu qoray afka Englishka waxaan ka cadurdaaranaya haddii aan usoo gudbin waayo sidii ay uqortay gabadha sheekada soo diyaarisay.
Waana tanaa sheekadii oo kubilaabatey:
Magacayga waxaa layirahda Cassie, waxaan ahey 23 jir sanadkan kasoo qalinjabiyey iskuulka kalkaalinta caafimaadka. Shhaqadii iigu horeysay waxaan kaheley meesha lagu xanaaneeyo dadka waayeelka (Home nurse).
Qofkii iigu horeeyey ee la’igu qorey wuxuu ahaa odey 80 jir English ah oo qaba cudurka ‘Alzheimer’s‘. Maalintii iigu horeysay ee aan shaqada soo galay ayaa la ii dhiibey fileka bukaanka. Haddii aan isha la raacay waxaa ku qoran inuu diinta islaamka galay oo uu yahay’convert’.
Horey ayaan u ogaa in hab-dhaqameedka meesha(home nurse) qaarkiis uu kahor imaandoona diintiisa sidaas darteed aan ubaahanahey inaan fahmo waxyaabaha uu ubaahanyahay si aan ugu khidmeeyo sida ugu wanaagsan.
Waxaan usoo iibin jirey hilib xalaal ah oo si gooni ah ugu kariyo. Waxaan ka fogeeyey dhamaan wixii leh hilibka doofaarka iyo khamriga. Waxaas oo dhan waxaan ku ogaaday kadib markii aan sameeyey baaritaan ku saabsan waxyaabaha ay muslimiinta diidanyihiin.
Dhibanahan wuxuu ahaa qof ay xaaladiisa caafimaad aad uliidato oo ay adag tahay in loo khidmeeyo. Xitaa saaxibadey ayaa ilayaabi jirey sida aan ugu dadaalayo qof ay xaaladiisu sidaan tahay oo hadana sita diin qariib ah. Anigase waxaan u arkaayey ‘qof diintiisa’ daacad u ah oo ubaahan in la ixtiraamo”
Sikastaba ahaatee, isbuucyo yar haddii aan lajoogey waxay indhahayga kudhaceen isagoo samaynayo xarakaat isu eg.
Ugu horeyntii waxaan uqaatay arkay qofkale oo uu kudayanayo laakinse waxaa ii muuqatay inuu ku soo celcelinayo waqtiyo gooni ah sida subuxa, galabka iyo fiidka. Waa xarakaat gacmaha kor loo taagaayo, foorarsi, madaxa oo dhulka ladhigo iyo kuwa kale oo aan fahmi waayey waxa ay kadhiganyihiin. Wuxuu ahaa mid akhriyo jumlada aan fahmi waayey luuqada ay yihiin inkasta aanu sifiican uhadli Karin markiisa horaba xanuunka dartiis.
Wuxuu ahaa mid iga diido inaan gacanta bidix ku quudiyo inkasta oo aan ahaa qof guran, ‘Malaha waa arin diintiisa salka ku haysa oo aan weli fahmin sababta’
Goor aan isla wareersanahay ayaa qof aanu saaxibo aheyn ii sheegey inuu jiro paltal lagaga dooda arimaha diinta oo laga yaabo inay iga jaahil bixiyaan waxyaabaha uu samaynayo iyo sida aan ula macaamulil lahaa. Waxaan is iri malaha waa fikrad wanaagsan inaad Musliminta waydisid.
Ficlan, waxaan galay qol layirahdo ‘True Message’
Halkii ayaan dadka ku weydiyey su’aalo kusaabsan wixii aan ku arkay bukaanka; waxaana la’iisheegey inay tahay sida loo tukado salaada. Marumaysan jawaabtii laga bixiyey ilaa uu qofkale soo galiyey youtubeka ‘islamic prayer’
Yaab iyo amakaak ayuu ilaahey ii keeney,qof ay kadhuntey xusuusta oo dhan xitaa caruurtiisa ‘magacyadooda’ oo cunitaanka iyo cabitaanka uu dhib ku yahay ayaa weli sii xasuusta salaada iyo sida loo tukado! Kaaga daranka, xitaa qur’aankii ayuu sii xasuusta oo kuqoran luuqad kale oo aanu udhalan.
Waxay igu noqotay waxaan qaadan waayey; waxaana ii cadaatay inuu daacad kayahay diintiisa, taas oo iga dhalisay inaan barto diintiisa si aan ugu khidmeeyo sida ugu wanaagsan.
Waxaan caado kadhigtay inaan maalinkasta soo galo Paltalga. Waxaa la’isiiyey linka- meel aan ka aqrinkaro Qur’aanka turjumadiisa iyo dhagaysi intaba.
Waxaan aad ugu heley Suuratu Annaxal ‘Shinida’ oo aan maalintii dhowr jeer dhageysan jirey.
Waxaan go’aansaday inaan Qur’aanka wax ka gaarsiiyo odayga- bukaanka. Qur’aanka ayaan ku soo duubey iPodgayga kadibna ugeeyey si uu udhagaysto.
Cajiib, Qur’anka marka uu dhagaysto, marna wuu ooya marna wuu dhoola cadeeya! Anigoo yaaban sida ay wax kayihiin ayaan fiiriyey tarjumada aayadaha markaas ayaan fahmay sababta. Wuxuu ahaa mid ooya marka uu maqlo aayadaha cadaabka kasheekeynaya, wuxuuna farxa marka laga sheekeynayo janada!
Waxaan isku dayey inaan kudhaqmo wixii aan kabartay paltalga haseyeeshe waxaan is arkay anigoo naftayda iswaydinayo su’aalo aan weligey jaanis uhelin inaan isweydiyo sida aabahay iyo meesha uu kudanbeeyey; hooyadey waxay dhimatay anigoo 3 jir ah. Aniga iyo walaalkey waxaa nasoo koriyey awoowgeen iyo ayeydeen oo iminka sii mootan 4sano. Waxaa hada ifka kunool aniga iyo walaalkey oo kali ah. Waxaas oo dhibaato oo isoo gaartey waxaan hadana uhaystaa inaan faraxsanahay!
Joogitaanka aan la joogey bukaankan ayaan dareemey inay wax iga maqanyihiin.Waxaan qalad ufahmay waxa uu yahay xasiloonida iyo daganaanta ‘peace and tranquillity’.
Gabar aan kabartay Paltalk ayaa isiisey magacyada masaajidyada ku yeela meesha aan daganahay; waxaana booqdey mid kamid ah. Waxaan daawadey sida salaada loo tukado, indhahaygana waxaa kusoo istaagi jirey Ilmo! Masjidka ayaa naftayda la jeclaysiiyey.
Imaanka iyo xaaskiisa ayaa aad ii soo dhaweeyeen oo isiiyey cajalado iyo buugaag aan ka faa’idaysto, ayagoo weliba iiga jawaabi jirey wixii su’aalo ah oo aan qabo.
Dadkii aan ka bartay Paltalkga,su’aal kasta oo aan weydiyo si sahlan oo cajiib ah ayey iigu jawaabaan oo ay qasab igu noqotay inaan aqbalo.
Horey wax diin ah oo aan aamisanaa majirin laakinse had iyo jeer waxaan rumaysnaa inuu jiro Ilaah walow aanan garaneyn sidii aan u caabudilahaa!
Su’aal aan jawaab uwaayey?
Galab galbaha kamid ah ayaan soo galay Paltalk, qolkii ‘the True religion’. Midkood ayaa microphoneka qabsadey isagoo iweydinaya inaan wax su’aal ah qabo. “Maya” ayaan ugu jawaabay. Waxaa kale oo uu iweydiyey inaan kuqanacsahay jawaabihii laga bixiyey su’aalihii aan dadka waydiyey. Waxaan usheegey inaan ku qancay!
“Maxaay tahay waxa kaa hortaagan inaad islaamka soo gashid?” Ayuu iweydiyey! Waxaan kujawaabo ayaan garanwaayey.
Waxaan dib ugu laabtay odaygii bukaanka ahaa. Indhihiisa ayaan eegey anigoo quudinaya, waxaan yaqiinsadey in la’ii soo direy oo ay meeshan arin ka socoto.
Runtii, jawaabta uu ninka iweydiyey waxa iga hortaagan waa cabsi… ma’ahan cabsi inay wax igu dhacayaan… ee waxaan kabaqaya runta !
Galabtaas ayaan go’aansadey inaan kudhawaaqo shahaadada. Imaamka masjidka ayaa ii qabtay shahaadada kadib markii uu ii sharaxay waxa la’iga baahanyahay.
Masharxi karo sida uu dareenkeyga ahaa markii aan ku dhawaaqay kalmadaas.Waxay ila aheyd sida ayadiyoo qof hurdada iga soo kiciyey oo indhaha si aan caadi aheyn wax ku eegayo.
Qofkii uhoreeyey ee aan usheegey wuxuu ahaa walaalkey. Ama bukaankii… markaan usoogalay anigoon afka kala qaadin ayuu isku daray dhoola cadeyn iyo ilmo; kadibna hortiisa ayaan kula dhacay farxad iyo oohin. ‘wuxuu igu leeyahay fadli aan lasoo koobi karin, Allahana ka abaalm mariyo’
Qolkii Paltalk ayaan ku soo noqday anigoo ku celcelinaya shahaadada si ay iila wadaagaan.Waxay aheyd maalin farxad badan oo noolasha isbadashay!
Inkasta oo aan midkoodna arag,waxaan dareemey inay iiga dhow yihiin walaalkey.Dhamaantood waxay igu leeyihiin abaal aan lasoo koobi Karin!
Ugu danbayntii walaalkey ayaan telephone udirey anigoo usharxay diinta aan galay. Inkasta oo aanu ku farxin hadana wuxuu ii balanqaaday inuu igarab istaagayo.
Gabo gabo iyo geeridii odayga!
Isbuuc kadib markii aan diinta islaamka soo galay waxaa dhintey odaygii, isagoo jiifa oo aan dul taaganahay ayay nafta kabaxday(Innaa Lillaah wa innaa Ilayhi Raajicuun)
Wuxuu udhintey si dhibyar oo ay ku jirta raxmad! Anigana waxaan ahaa qofkale ee la joogey goorta uu ifka ka tagay!
Wuxuu ii ahaa sida aabahaygii aan waligay arag, wuxuu ahaa wadadii aan islaamka ka soo galay!
laga soo bilaabo maalintii aan shahaadada ku dhawaaqay ilaa maanta iyo inta aan noolahay waan uducaynaya inuu Allah ka abaalmariyo camalkasta oo aan sameeyo.
Dadow, Islaamka waa diintii Ilaahay oo albaabkeeda ufuranyahay cidkasta oo doonayso. Allah waa Raxmad badan yahay, wuuna naxariistaa.
* Cassie oo ifka ka tagtay sheekadan kadib *
Walaasheen Cassie waxay dhimatay October 2010 kadib markii ay islaamka ugu yeertey walaalkeed oo uu soo islaamay.(innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun)

Waa Walaalkiin Aadam Cabdi Abuu zuhri

abuzuhri1@gmail.com

5 thoughts on “Sheeko Aniga Iga Oohisay

Leave a Reply to Mustafe Axmed Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *