Arar Guud

Intaannaan tilmaan ka bixin taariikhda buuggani ka warramayo waxa habboon inaannu wax yar ka tusaaleyno raarkii gumeysigu dalka Soomaaliya soo galay, dantuu ka lahaa iyo waxyaaluhuu ku markaday ama u geystey.

Sida runta ah, waaxdii dambe ee qarnigii sagaal iyo tobnaad, guud ahaan Afrika waxa ka dhacay tartan kulul oo dhex maray dawladaha reer Yurub. Dawladahaas qaarkood, waxay doonayeen dhul ay ka gurtaan waxyaalaha qaaliga ah — dahabka, dheemanta, cudbiga, naxaasta, dhuxusha, fool-maroodiga iyo alaabta warshadaha lagu socodsiiyo — qaarkoodna waxay doonayeen dhul ay ka helaan cuntooyinka aan dhulkooda lags helin; qaar kalena waxay doonayeen dhul ay ka duulaan haddii uu dagaal ka dhaco dunida guudkeeda ama ay dawladaha kale ciriiri ka geliyaan, xagga ganacsiga. Tartankaas ay qolo weliba dooneysey inay danteeda gaarto ayaa wuxuu keenay heshiiskii magaalada Baarliin lagu kala qortay 1884kii.

Heshiiskii labaad ee Baarliin ka dhacay bishii Febraayo 1885kii ee Afrika lagu qaybsaday ayaa wuxuu furay tartan cusub. Heshiiskaasna qodobbadiisa waxa ka mid ahaa in dawlad kasta oo heshiis la dhigata dad dhul deggan ay gar u leedahay inay ceshiimaysato ganacsiga dhulkaas markay ogeysiiso dawladihii heshiiskaas ka qayb galay.

Wax badan bay Afrika waagaas aragtay ama la kulantay nin cad oo reer Yurub ah oo ku socda duq dad meel deggan madax u ah oo uu magaciisa maqlay, ama boqor ummad meel deggan u taliya, isagoo gacanta midig ku sita xoog iyo maal uu dawladdiisa ka wato, gacanta kalena waraaqi cad oo uu doonayo inuu boqorkaas ama duqaas heshiis ganacsi ama saaxiibtinnimo kula qorto; hase ahaatee ay taas ujeeddadiisu ka fog tahay oo niyadda uu ku hayo inuu dhulka taabo, dadkana gumeysto.

Sidaas daraaddeed, ayaa 1884kii Ingiriiska oo ammintaas gumeysiga ammaanduule u ahaa uu degey Xeebaha Waqooyi iyo Gobollada Koonfur galbeed ee dalka Soomaaliyeed. Sidaasoo kale, ayaa 1883kii Faransiisku saldhig uga samaystay Obokh oo ah Xeebta Jabuuti. 1892kii ayaa Talyaanigu Xeebta Banaadir ka ijaartay Suldaankii Sanjibaar. Talyaaniga iyo Suldaankaana waxa dillaal u ahaa Ingiriiska oo Jarmalka ka fogeynayey Xeebta Afrikada Bari.

Xabashida oo ahayd dawlad Afrikaan ah ayaa iyana tartammadaas ka qayb gashay; waxayna boobtay Herer 1897kii, iyadoo Ingiriisku ku taageeray qabsashadeedii. Isla markaas Xabashidu Herer kuma ay ekaan ee iyadoo Ingiriisku uu mar walba gacan siinayo ayey dalka Soomaalida hore u soo ga­shay oo saddex jeer oo kala duwan marba meel qabsatay, ilaa ay soo gaartay xuduud-ku-sheegga beenta ah ee haatan u dhexeeya Xabashida iyo Soomaalida.

Haddaba in kastoo duullaamadaas iyo weerarradaasu ay ahaayeen kuwo gumeysigu xoog iyo maal ugu tala galay uguna tabaystay, dhibo badan buu kala kulmay, dad iyo maal badanina waa kaga baxeen. Dagaalkii Daraawiishta oo keliya maahee waxa jirey dagaallo badan oo ka dhacay meelo badan oo kala duwan oo dalka gudihiisa ka mid ah. Waxa xusid leh dagaalkii dhex maray Talyaaniga iyo Biyamaal 1904-1912, ee ka dhacay dhulka haatan loo yaqaan Shabeellaha Hoose, iyo dhawr dagaal oo kala dambeeyey, kana dhacay Kismaayo, Afmadow, Sarinley iyo Luuq; dagaalkii Sheekh Xasan Barsane, Ceelbuur iyo dagaallo ka dhacay Butiyaalo, Casayr, Baargal, Hurdiya oo ah Xeebaha Gobolka Bari, 1926kii.

Dagaalkii Daraawiishta ee Sayid Maxamed ammaan duulaha ka ahaa, wuxuu socday 1900-1920, wuxuuna gaarey dhiig-mayr, ilaa dani geyeysiisey Ingiriiska inuu diyaarada kula dagaallamo.

Haddaba, aan isweydiinnee Sayid Maxamed muxuu ahaa? Dadka qaarkiis waxay qabaan inuu ahaa mujaahid waddani ah oo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa daafacaayey. Qaar kalena waxay qabaan inuu ahaa dhiigyacab dhacaaya oo dad iyo duunyo arlada rogey. Markaynu labadaa qolo si dhex-dhexaad ah oo aan eexo lahayn u eegno, aan garsoor u soo qaadanno waraaqaha uu qoray, gabayaduu mariyey, dagaalladuu dhigay. Hase ahaatee, waxa jirta dicaayad iyo xumaan been ah oo isticmaarka iyo dadkuu watay fidinayeen, waxana laga yaabaa in da’aha dambe taa rumeystaan, haddii aynaan runta taabsiin.

Buuggani wuxuu ka warramayaa Daraawiish iyo gaalo wixii dhex maray oo keliya, wuxuuna u qaybsan yahay shan qaybood oo qayb waliba xilli gaar ah ka hadlayso:

1. Qaybta kowaad, waxay ka warramaysaa Sayid Maxamed iyo taariikhdii noloshiisa tan iyo intii dagaalku qarxay 1901dii.
2. Qaybta labaad waxay ka hadlaysaa shantii dagaal ee ugu waaweynaa dagaalladii dhacay 1901-1905tii.
3. Qaybta saddexaad waxay wax ka sheegeysaa wixii dhacay 1905-191lkii, waana qaybta wada hadalladu bilawdeen oo siyaasadda iyo dagaalladu ay wada socdeen.
4. Qaybta afraad waxay tilmaan ka bixinaysaa, wixii dhacay markay Daraawiishtu Ayl iyo Ilig ka soo guurtay 1911-1917.
5. Qaybta shanaad waxay wax ka tilmaamaysaa wixii gaalo iyo Daraawiishi laysla markaday 1917-1921.

Qayb waliba waxay u go’an tahay qaarkeeda, waxayna xagga hore ku wadataa hordhig yar oo kooban kuna saabsan qaybtaas iyada ah.

Waxaa buuggan ku dhex jira waraaqo badan oo ay isweydaarsadeen Sayid Maxamed iyo Ingiriis, Talyaani iyo Sayidka; waraaqahaasina waxay ku qornaayeen afaf kala duwan — Ingiriis, Talyaani iyo Carabi — hase ahaatee waxaannu isku daynay inaannu badankooda u rogno Af Soomaali si dadka aan afafka qalaad aqooni ay u gartaan. Wa­xaannu ku dadaallay wax kasta oo aannu buuggan ku sheegnay in aannu u helno marag cad si runta iyo beenta loo kala saaro.

Sayidku waraaqaha wuxuu ku qori jirey Carabi; Ingiriiska ayaa tarjamay, waxa laga yaabaa in aan sidii runta ahayd loo wada tarjamin oo hadallada qaarkood la dooriyey ama la dhaafay, maxaa yeelay Sayidku aad buu u hadallo kululaa markuu runta sheego ama boogta taabto waxaa hubaal ah inuu ninka Ingiriiska ahi ka xumaanayo, sidaa daraaddeed waxaa suura gal ah in erayadii si kale loo tarjamey ama la dhaafayba. Taasi waa dhacday, Doglaas Jardiin oo ugu fiicnaa intii Daraawiish wax ka qortay waraa­qaha intooda badan macnaha guud buu ka qaatay, ee sidey ahaayeen uma tarjamin, taasna waxa la arkay markii dhawr waraaqood oo asalkii ah la helay laysuna eegay.

Waxaa hubaal ah haddii markii hore Carabigii af In­giriis loo tarjamay dabadeedna Ingiriiskii af Soomaali loo rogey in hadalka macaankiisii iyo macnihiisii kala dhantaalmayaan, maxaa yeelay, waxa la yiri ‘laf jabtay sideedii ma noqoto’. Waraaqaha Ingiriiska ah waxaa af Soomaali u rogey rag lagu kalsoon yahay: Axmed Cartan Xaange, Cumar Aw Nuux Maxamed, Axmed Faarax Cali ‘Idaajaa’ oo dhammaan Guddiga Af Soomaaliga ka tirsan iyo Yuusuf Cabdi Geelle oo bare ka ah Dugsiga Sare ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta.

Waxa laga yaabaa in dadka qaarkiis yiraahdaan maxaa labada afba loo qoray, maa mid keliya lagu ekaado. Haddaba, sidaas waxaanu u yeellay, dadaal iyo inaannaan runta ka fogaan.

aragtidaada nala wadaag...