Sannadkii 1870kii, Talyaanigu waxa ay bilaabeen in ay soo degaan xeebaha Eritrea. Dawladda Ingiriisku, waxa ay dhinaceeda taageertay degitaanka Talyaaniga ee Eritrea si looga hor tago in Faransiisku uu ku sii faafo xeebaha Badda Cas, ka dib markii Massaaridu ay xeebahaas ka baxeen, markii uu ku kacay Mahdigii Suudaan. Sannadkii 1890kii ayay dawladda Talyaanigu si rasmi ah ugu dhawaaqday gumaysigeeda Eritrea iyada oo magaca loo bixiyayna uu yahay
‘Badda Cas’ oo af Giriig ah, waxaana caasimad looga dhigay Massawa, ka dib intii aan caasimadda loo soo beddelin Asmara, sannadkii 1897kii. Qabsashada Eritrea ee Talyaaniga waxa aqbalay boqorkii Itoobiya ee Menelik II.
Talyaanigu waxa ay weerareen gobolka Tigray ee Itoobiya, halkaas oo ay ku soo jabeen dagaalkii Adwa sannadkii 1896kii. Ka dibna, Itoobiya waxa ay Talyaaniga ku qasabtay in uu madaxbannaanideeda aqoonsado, Itoobiyana ay ka hadho sheegashada gobolka Talyaanigu gumaysto ee Eritrea. Sannadkii 1932kii, hoggaamiyihii Talyaaniga ee Mussolini waxa uu qaatay fikir dhulbalaadhsi ah, waxaanu ciidamo hor leh u diray Geeska Afrika si ay Itoobiya u qabsadaan.
Sannadkii 1936kii, Talyaanigu waxa uu qabsaday Somaliland, Somalia, Eritrea iyo Itoobiya, waxaanu ku dhawaaqay boqortooyada Talyaaniga ee Bariga Afrika.
Sannadkii 1941kii, ciidamo Ingiriisku hoggaaminaayo ayaa ka adkaaday ciidamadii Talyaaniga. Arrintaasi waxa ay dhabbaha u xaadhay in dadka reer Eritrea ay u qaybsamaan saddex qaybood: xornimodoon, midnimodoon iyo qaar rumaysan in nidaam federaali ah lagula midoobo Itoobiya. Xornimodoonka Eritrea waxa hoggaaminaayay Ibraahin Suldaan. Ingiriisku waxa uu soo jeediyay in dhulka Eritrea loo kala qaybiyo Itoobiya iyo Suudaan nidaam diin ku salaysan. Dawladaha kale ee reer Carbeedku waxa ay soo jeediyeen madaxbannaani degdeg ah oo la siiyo Eritrea. Dawladdii Midawga Soofiyeeti waxa ay soo jeedisay in Eritrea lagu celiyo gacanta Talyaaniga. Boqorkii Itoobiya waxa uu soo jeediyay in si shuruud la’aan ah Eritrea loogu celiyo gacanta Itoobiya.
Sannadkii 1950kii, Qaramada Midoobay waxa ay meelmariyeen in nidaam federaali ah ay Eritrea kaga mid noqoto dalka Itoobiya. Waxa qaraarka lagu sheegey in Eritrea ay yeelan doonto maamul hoosaadkeeda u gaarka ah sida arrimaha maamulka iyo garsoorka, calankeeda gaarka ah iyo afafkeeda u gaarka ah oo kala ah Tigrinya iyo Carabi. Sida oo kale, waxa dawladda Ingiriiska laga codsaday in ay doorasho gole baarlamaan ka qabato Eritrea, ka dibna ay kaga baxdo Eritrea ilaa September, 1952ka.
Boqor Haile Selassie waxa uu markiiba dejiyay calankii gaarka ahaa ee Eritrea, waxaanu bilaabay in uu afka Axmaariga ah ku baahiyo deegaamada Eritrea, sida oo kalena waxa uu la wareegay dhaqaalihii ka soo xaroon jiray Eritrea.
Arrimahaasi waxa ay abuureen kacdoon ay bilaabeen aqoonyahankii reer Eritrea.
Waxa hormood u ahaa Maxamed Nawd oo ku noolaa Suudaan, waxaanay aqoonyahankaasi abaabuleen dhaqdhaqaaqii xoraynta Eritrea ee ELM (Eritrean Liberation Movement), sannadkii 1957kii. Waxa sida oo kale Qaahira lagaga dhawaaqay Jabhaddii Xorraynta Eritrea ee ELF (Eritrean Liberation Front), sannadkii 1960kii oo uu hormood u ahaa Idiris Maxamed Aadan. Sida oo kale, waxa dhiniciisa dagaal jabhadayn ah ka bilaabay Xamiid Idiris oo galay buuraha Eritrea. Ugu dambayntiina, buurahaas ayay ka bilaabantay xabbadii ugu horraysay ee Itoobiya lagaga xoraynaayay Eritrea oo socotay muddo soddon sannadood ah.
Bishii November, 1962kii, waxa ay ciidamada Itoobiya kala direen baarlamaankii Eritrea, waxaana lagu dhawaaqay in Eritrea ay tahay gobolka 14aad ee dalweynaha Itoobiya. Laba sannadood ka dib ayuu dhintay Xamiid Idiris, waxaanay xooggagiisi ku biireen ELF. Sannadkii 1963kii, jabhaddii ELF waxa ay taageero kooban ka heshay dalalka Suudaan, Suuriya iyo Ciraaq. Xooggagan xornimodoonka ah ee reer Eritrea waxa ay u badnaayeen dad Muslimiin ah, taasi waxa ay keentay in Maraykanka iyo Israa’iil ay dareen xooggan ka qaadaan.
Sannadkii 1971kii ayay garab ka goostay ELF waxa ay asaaseen garabka sixitaanka ee ELF waxaana hoggaan ka noqday Abraham Tewolde iyo Asias Afwerki.
Sannadkii 1973kii ayay garabkani magac ahaan u qaateen EPLF (Eritrean Peoples’ Liberation Front), waxaana Xoghaye ka noqday Ramadaan Maxamed Nuur, Taliyaha ciidamadana waxa loo doortay Asias Afwerki. Labadii jabhaddood ee ELF iyo EPLF waxa ay ku heshiiyeen iskaashi ciidan, waxaanay sannadkii 1975kii qabsadeen 95% dhulweynaha Eritrea. Sannadkii 1977kii, EPLF waxa ay qabsatay shirweyne, waxaana Ramadaan Maxamed Nuur loo doortay Xoghayaha guud, Isias Afwerki ayaa isagana loo doortay Xoghaye-ku-xigeen.
Iyada oo jabhaduhu ay sii xoogaysanayaan, dawladda Itoobiya waxa ay taageero militari oo ballaadhan ka heshay dawladdii Midawga Soofiyeeti. Taageeradaasi waxa ay Itoobiya u sahashay in ay cagta mariso fadhiisimadii ciidamada jabhadaha, jabhaduhuna waxa ay bilaabeen dagaal dhuumaalaysi ah.
Sida oo kale, waxa ay dagaallo ka dhex bilaabmeen labadii jabhadood, ugu dambayntiina waxa cagta la sii mariyay jabhaddii ELF. Sannadkii 1981kii, jabhaddii EPLF ayaa noqotay tan kaliya ee ka dagaallanta gudaha dhulka Eritrea. Sannadkii 1982kii, duullaan ay ka qaybgaleen in ka badan 100,000 oo ciidamo Itoobiyaan ah ayaa lagu qaaday jabhaddii EPLF. Sida oo kale, hoggaamiyihii Itoobiya waxa uu xafiiskiisii Madaxtooyada u wareejiyay Asmara si uu duullaanka u korjoogteeyo. Bishii March, 1987kii ayaa Isias Afwerki loo doortay Xoghayaha jabhadda EPLF. Markiiba, EPLF waxa ay isbahaysi la samaysatay jabhaddii Tigrayga ee TPLF (Tigray Peoples’ Liberation Front) iyo tii Oromada ee OLF (Oromo Liberation Front), sida oo kale, waxa ay ciidamo iyo hub badan ku caawisay TPLF si ay gobolka Tigray uga qabsadaan ciidamada Itoobiya.
May 21, 1991kii ayaa hoggaamiyihii Itoobiya laga saaray magaalada Addis Ababa, ka dibna ciidamadii EPLF waxa ay qabsadeen magaalada Asmara, May 24, 1991kii, waxaana halkaas ku soo dhammaaday dagaal soddon sannadood qaatay oo ay dadka reer Eritrea la galeen Itoobiya. June 20, 1991kii, Isias Afwerki waxa uu ku dhawaaqay dawlad kumeelgaadh ah, taas oo sii xukumi doonta Eritrea ilaa afti dadweyne laga gaadhayo. Go’aankan waxa markiiba soo dhaweeyey jabhaddii TPLF ee qabsatay Addis Ababa, waxaana la go’aamiyay in muddo laba sannadood gudahood ah afti lagaga qaado dadka reer Eritrea. Aftidii dadweynaha waxa loo dareeray April 23, 1993kii. Ku dhawaad 99.8%, dadka reer Eritrea waxa ay u codeeyeen madaxbannaanida iyo xorriyadda dawladdeed. Ugu dambayntiina, May 24, 1993kii ayay Eritrea si rasmi ah u noqotay dawlad madaxbannaan. Afar maalmood ka dib, waxa ay ku biirtay Qaramada Midoobay oo ay noqotay dawladdii 182aad.
Ka dib go’itaanka Eritrea, waxa ay Itoobiya noqotay dawlad bad la’aan ah, tanina waxa ay ku keentay culays ballaadhan oo dhaqaale iyo mid siyaasaddeed.
Ismariwaa ka dhashay isticmaalka dekkadaha Eritrea, nidaamka cashuuraha iyo kala beddelka lacagaha ayaa muddo soo jiitamaayay. Dhawr sannadood oo xurguf siyaasaddeed ah ka dib, waxa uu dagaal dhinaca xuduudka ahi ka dhex qarxay Meles Zenawi iyo Asias Afwerki. Dagaalka rasmiga ah waxa soo dedejiyay isku dhac ciidan oo ka dhashay muranka magaalada xuduudka ku taalla ee Badme.
Dagaalkii Itoobiya iyo Eritrea ee sannadkii 1998kii waxa ku dhintay dad ka badan 100,000 oo ciidan ah. Go’aamadii dhexdhexaadinta ahaa ee ay soo saareen dhexdhexaadiyeyaashii caalamiga ahaa, waxa diiday Meles Zenawi. Taasina waxa ay keentay in colaadda labada dal ay sii riiq dheeraato.
Muddadii ay jirtay, Eritrea waxa ay dagaallo dhinaca xuduudka ah la gashay dawladaha deriskeeda ah ee Itoobiya, Suudaan, Yemen iyo Jabbuuti. Dawladda Eritrea waxa ay reer Galbeedku go’doomiyeen wakhti dheer, iyaga oo
siyaasadaheeda ku tilmaamay kuwo ‘gardarro ku dhisan’. Eritrea dhinaceeda waxa ay xidhiidh la samaysatay dalalka Shiinaha, Ruushka iyo Waqooyiga Kuuriya.
Markii xukunka laga tuuray jabhaddii EPRDF/TPLF ee dalka Itoobiya sannadkii 2018kii, Raysalwasaaraha Itoobiyana loo cumaamaday Abiy Ahmed, isbeddel muuqta ayaa ku dhacay xidhiidhka Itoobiya iyo Eritrea. Itoobiya waxa ay sheegtay in ay dhulkii lagu dagaallamay ee Badme ku wareejin doonto Eritrea, waxaana dib u soo laabtay xidhiidhkii siyaasaddeed ee Addis Ababa iyo Asmara. Labada hoggaamiye ayaa bookhashooyin kala duwan sameeyey, waxaanay sheegeen in colaaddii labada dal ay dhammaatay. Xilligan, waxa ay Abiy iyo Asias yeesheen cadaw kaliya oo ah: TPLF.
Horraantii bishii November, 2020kii ayay ciidamada Itoobiya duullaan rasmi ah ku qaadeen Gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Itoobiya. Wajigii hore ee dagaalka, waxa dhimasho, dhaawac, qaar nolosha lagu qabtay iyo qaar baxsaday u qaybsamay kaadiriyiintii TPLF. Dagaalka waxa ka qaybgalay guutooyin ka socday Ciidamada Xoogga ee dalka Eritrea iyo diyaaradaha dagaalka ee Imaaraadka Carabta. Sida oo kale, waxa duullaanka ka qayb galay malleeshiyaad Axmaaro ah oo aargoosi doon ah. Waxa hal mar gacanta la wada saaray TPLF. Waxa dagaalkan ku dhintay 500,000 oo qof oo Tigray ah, waxaana ku barakacay malaayiin kale.
Dagaal muddo laba sannadood ah socday ka dib, kulan dhexdhexaadin ah oo ka dhacay dalka Koonfur Afrika ayaa lagu heshiisiiyay Abiy Ahmed iyo TPLF, balse heshiiskan waxa laga reebay oo aan qayb ka ahayn Asias Afwerki oo ciidamadiisu ay gudaha gobolka Tigray ka dagaallamayeen, tanina waxa ay keentay in ay isku dhacaan Abiy iyo Asias. Wixii intaas ka dambeeyey, Asmara waxa ay bilawday in ay la heshiiso cadawgeedii shalay oo ahaa TPLF, kuna caawiso in ay mar kale dagaallo culus ku qaadaan taliska Addis Ababa. Sida oo kale, waxa ay gacan xooggan siisay jabhadda Axmaarada ee Fano iyo tan Oromada ee OLA. Jabhadahan ayaa dagaallo xooggan ka wada gudaha Itoobiya. Addis Ababa dhinaceeda, waxa ay bilawday sheegashada qaybo ka mid ah dalka Eritrea gaar ahaan magaalada xeebta ah ee Assab, waxaanay sheegtay in maamulka magaalada Assab mar kale lagu soo celin doono gacanta Itoobiya.
Muddooyinkii ugu dambeeyey, labada dhinac waxa ay ciidamo xooggan ku soo daabbuleen xuduudaha u dhexeeya. Ilaa hadda, abaabul ciidan, hanjabaado dhinaca warbaahinta ah iyo xulafaysi heer gobol ama ilaa heer caalami ah ayay dhinacyadu ku hawlanyihiin. Eritrea waxa ay sheegtay in duullaan kasta oo Itoobiya ay dhulkeeda ku soo qaaddo ay kala kulmi doonto jab taariikhi ah.
Warbaahinta caalamku waxa ay tabinaysaa ifafaalaha colaaddeed ee ka dhex qarxi kara taliska Addis Ababa iyo kan Asmara, iyada oo laga cabsi qabo in colaad kasta oo labadan dal ka dhex qaraxdaa ay dhinacyo kale oo bannaanka ah ku casuumi doonto in ay qayb ka noqdaan colaadda. Taas oo colaadda u beddeli karta mid caalami ah, saamayn xoogganna ay ku yeelan karto Badda Cas, Webiga Niil iyo marinka Baab al-Mandab.
Sannadkii 1897kii, Yahuuddii ku noolayd qaaradda Yurub waxa ay magaalada Basle ee dalka Iswiiska (Switzerland) kaga dhawaaqeen Ururweynaha Sahyuuniga Caalamiga ah. Sahyuuniyiintu waxa ay ahaayeen dad rumaysan in Yahuuddu ay xaq u leeyihiin in ay xukumaan dhulka Falastiin, sidaasi daraaddeedna ay waajib tahay in ay Yahuudda caalamka oo dhami ay dib ugu midoobaan dhulka Falastiin. Aragtidan waxa taageertay dawladda Ingiriiska sannadkii 1917kii.
Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska Aadar Balfoor (Arthur James Balfour) ayaa 2dii Nofembar, 1917kii waraaq aad u kooban oo ballanqaad ah u diray Sahyuunigii Woltar Rodisjayl (Walter Rothschild). Waraaqda waxa ku qornaa: Dawladda Ingiriisku waxa ay rumaysantahay in Falastiin ay tahay dhulkii hooyo ee dadka Yahuudda ah, waxaanay dawladda Ingiriisku ballanqaadaysaa in ay awooddeeda oo dhan isugu gayn doonto si ay riyadan u rumayso.1
Dhammaadkii dagaalkii koowaad kadib, dhulka Falastiin waxa uu gacanta u galay gumaysiga Ingiriiska, tanina waxa ay horseedday in kumannaan Yahuud ahi ay soo galaan dhulka Falastiin. Mudaharaaddo lagu diiddanyahay soo gelitaanka Yahuudda ee Falastiin ayaa bilaabmay. Markii uu bilaabmay dagaalkii labaad ee adduunka, xaaladdu way sii xumaatay, kadib markii hoggaamiyihii Jarmalka ee Hitlar uu gumaad u gaystay Yahuuddii halkaa ku noolayd. Xilligan waxa bilaabmay in kumannaan Yahuud ahi ay ka cararaan Hitlar, una qaxaan Falastiin. Tanina xaaladda ayay uga sii dartay. Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska ayaa waxa uu Qaramada Midoobay waydiistay in xaaladda la soo faro geliyo.
Bishii Nofembar 1947kii, Qaramada Midoobay ayaa u codeeyey in dalka Falastiin laba meelood loo qaybiyo: Yahuudda iyo Carabta. Dhismaha maamulka Yahuudda waxa magaalada Tal Abiib lagaga dhawaaqay maalinnimo Jimce ah, 14kii Meey, 1948kii. ‘Xoriyadda Yahuudda’ waxa ku dhawaaqay hoggaamiyihii Sahyuuniyiinta Deefid bin Guryon (David Ben-Gurion).
Dawladaha Masar, Suuriya, Urdun, Ciraaq iyo Lubnaan ayaa si dhakhso ah weerar ugu qaaday maamulka Yahuudda ee lagu dhawaaqay, dagaalkan oo la filaayay in dawladaha Carbeed ay ku adkaan doonaan. Taasi ma dhicin waxaana dagaalka ku adkaaday maamulkii Yahuudda oo taageero ka helaayay gumaysiga caalamiga ah. Yahuuddu waxa ay qabsadeen inta badan dhulka Falastiin. Sida oo kale, waxa ay qabsadeen magaalada dekadda ah ee Falastiin ee Aylaat iyo meelo kamid ah Badda Cas. Kumannaan kun oo Falastiiniyiin ah ayaa ka cararay gumaadka Yahuudda ee dhulkoodii xoogga ku qabsaday, waxaanay qaxoonti ku noqdeen dalalka deriska ah.
Dawladaha Ingiriiska iyo Massar waxa ay sannadkii 1936kii kala saxeexdeen heshiis u oggolaanaaya dawladda Ingiriiska in ciidamadeedu ay ilaaliyaan Marinka Suweys. Heshiiska ayaa dhammaaday sannadkii 1956kii, dawladda Masarna waxa ay diidday in ay dib ugu cusboonaysiiso dawladda Ingiriiska. Madaxweynihii Masaarida Jamaal Cabdinaasir ayaa ku baaqay in ciidamada Ingiriisku ay si degdeg ah uga baxaan Marinka Suweys, waxaanu qarameeyey Marinkaa Suweys si dhaqaalaha kasoo xarooda uu ugu dhiso biyo xidheenka Aswaan. Tani waxa ay dareen gelisay dawladaha Reer Galbeedka oo ka cabsi qabay in Jamaal Cabdinaasir uu doonaayo in Carabta oo dhan uu mideeyo, isaguna uu madax u noqdo, kadibna uu isbahaysi difaac la yeesho xulafada Reer Bariga ee Shuuciga ah. Haddii ay tani dhacdo, waxa khatar geli kara saliidda ay Reer Galbeedku ka qaataan Bariga Dhexe. Tallaabadani waxa ay keentay dagaalkii ‘Gacanka Suweys’ ee 1956kii.
Dagaalku waxa uu bilaabmay kadib markii Yahuuddu ay weerar ku qaadeen dalka Masar bishii Oktoobar, 1956kii, kadibna ay qabsadeen Siinaay. Sida oo kale, diyaaradaha dagaalka ee Ingiriiska iyo Faransiiska ayaa duqeeyey ciidamada cirka ee Masar, kadibna waxa ay kusoo degeen magaalada dekadda ah ee ‘Boor Saciid’ ee Waqooyiga Marinka Suweys ee dalka Masar. Dawladaha Maraykanka iyo Midawgii Soofiyeeti ayaa dagaalka cambaareeyey. Maraykanku waxa uu cabsi ka qabay in arrintani ay horseedi karto kacdoon ballaadhan oo Reer Galbeedka lagaga soo horjeedo. Sidaasi daraaddeed, waxa uu Ingiriiska, Faransiiska iyo Yahuudda cadaadis ku saaray in ay ka baxaan Siinaay iyo Marinka Suweys.
Dagaallada Yahuudda iyo Muslimiinta Carbeed halkoodii ayay kasii socdeen. Mar kale, waxa dhacay dagaalkii ‘Lixda Maalmood’ ee 1967kii. Waxa ay guushu raacday Yahuudda. Waxa xigay dagaalkii ‘Yom Kippur’ ee 1973kii. Dagaalkan isagana waxa ay guushu raacday Yahuudda. Dagaalladan ayaa loo yaqaannaa ‘dagaalladii Carabta iyo Yahuudda’. Haddaba, sannadkii 1979kii, waxa uu heshiiskii Kaam Deefid (Camp David) dhex maray Masar iyo Israa’iil. Heshiiska waxa lagu saxeexay magaalada Waashintoon, bishii Maarji, 1979kii.
Qodobbada muhiimka ah ee heshiiska waxa kamid ahaa:
Xaaladdii dagaal ee u dhaxaysay Masar iyo Israa’iil ilaa sannadkii 1948kii, way dhammaatay.
Israa’iil waxa ay ballanqaadday in ay ciidamadeeda kala baxayso Siinaay.
Masar waxa ay ballanqaadday in aanay dib usoo weerari doonin Israa’iil.
Maraakiibta Israa’iil way isticmaali karaan Kanaalka Suweys.
Wixii maalintaas ka dambeeyey, waxa caan noqotay odhaahda tidhaahda ‘dagaal Carbeed oo aanay Masar ku jirin, dagaal maaha’. Tani waxa ay beddeshay wajigii dagaalka. Wixii maalintaas ka dambeeyey, dagaalku waxa uu noqday mid u dhexeeya ‘Yahuudda oo helaysa taageerada Galbeedka iyo Falastiiniyiinta’.
Falastiin waa halbawlaha Muslimiinta caalamka. Waxa ay ku jirtaa gumaysi isir- sifayn ah oo siddeetan jirsaday. Xasuuqani waxa uu soo socday tan iyo markii Falastiin la galiyay gacanta Yahuudda sannadkii 1948kii. Subaxnimadii hore ee 7dii Oktoobar, 2023kii xoogagga hubaysan ee Ururka Xamaas ee Cizzuddiin Al-Qassaam waxa ay duullaan aad loo qorsheeyey ku qaadeen deegaamada ay Yahuuddu xoogga ku haystaan ee dalka Falastiin. Waxa ay xoogagga Al-Qassaam gudaha ugaleen xuduud-beenaadka ay Yahuuddu samaysteen, waxaanay halkaas ku dileen 1,200 oo qof oo Yahuud ah, sida oo kalena waxay ay soo qafaasheen boqollaal Yahuud ah. Weerarkaasi, waxa uu jahawareer ku abuuray maamulka gumaysiga ah ee Tal Abiib.
Hawlgalladan oo loo bixiyay ‘Duufaanta Al-Aqsaa’ waxa lagu tilmaamay in ay ahaayeen hawlgalladii ugu cuslaa ee ay Falastiiniyiintu qaadaan tan iyo sannadkii 1948kii. Raysalwasaaraha Yahuudda Binyamiin Natanyaahu oo warbaahinta la hadlay, waxa uu sheegey in uu dagaalku u dhexeeyo ‘axmaqnimo iyo ilbaxnimo (Barbarism and Civilization)’. Yahuuddu, waxa ay bilaabeen duqaymo ay ku qaadeen magaalada go’doonsan ee Qazza. Dhinaca kale, guud ahaan gaalada caalamku waxa ay si weyn ula safteen gumaysiga Yahuudda. Sidaa oo kale, maamullada xukuumadaha dabadhilifka ah ee ka dhisan dhulalka Islaamka waxa ay ku sifoobeen liidnimo, cabsi iyo aamusnaan ay ceebi weheliso. Xukuumadaha qaarkood, taageerada ugu badan ee ay Falastiiniyiinta gaadhsiiyaan waxa ay noqotay kafanta dadka dhintay lagu aaso. Duullaankan ayaa kusoo beegmay xilli uu gabagabo maraayay waxa loo bixiyay heshiiska diimaha ee ‘Abraham Accord’. Kani waa heshiis la sheegey in lagu walaalaynaayo diimaha oo Maraykanka, Israa’iil iyo Talisyada Carbeed qaarkood ay hormuud ka yihiin.
Aniguba hiyyiga reer Ciraaq; waw han weynahaye Taariikhahoodii horey; raaci hilinkiiye, Mar uun bay haldoorkiyo shacbigu; tuuri heeryada’e, Massar iyo dadkeedii hurdaa; hiil la soo kiciye, Mar uun bay hullaabta iska rogi; hanaddadii Shaame, Hanuunkii xaqqiyo diinta iyo; himiladii guusha, Huud iyo mar uun bay Anfaal; dib ugu hawshoone!
Duullaanka cusub ee Qazza ee soo bilaabmay 7dii Oktoobar, 2023kii waxa ku shihiiday 66,055 oo qof, waxaana ku dhaawacmay 168,346 oo qof. Tirooyinkani waa inta ay shaacisay Wazaaradda Caafimaadka ee Xamaas, balse waxa jira dad aad u badan oo aan geeridooda la diiwaangelinin. Sida oo kale, waxa duullaankan ku duntay boqolkiiba-85 magaalada Qazza, sida ay xoguhu tilmaameen. Burburka dhaqaale ee gaadhay magaalada Qazza ayaa lagu qiyaasay lacag ka badan 53 bilyan oo Doolar.2 Shir dhammaadkii bishii Febraayo, 2025ka ay madaxda Dawladaha Carbeed ku yeesheen magaalada Riyaad ee caasimadda dalka Sucuudi Carabiya, waxa ay ‘hal erey oo macno leh’ ka odhan kari waayeen hadal kasoo yeedhay Madaxweynaha Maraykanka Doonal Taraam oo nuxurkiisu ahaa: Falastiiniyiinta waa in laga raro marinka Qazza! Waxa fadeexadda sii laba jibbaaray shir kale oo ay madaxda Dawladaha Carbeed ku yeesheen magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar horraantii bishii March, 2025ka. Waxa ay sheegeen in ay qayb ahaan aqbaleen qorshaha Madaxweyne Trump in kasta oo ay afgobaadsadeen.3
Dagaalkii bilaabmay subaxnimadii 7dii Oktoobar, 2023kii waxa ku dhintay inta badan hoggaankii siyaasadda iyo hoggaankii ciidanka ee Xamaas. Intii dagaalkani socday, waxa ay diyaaradi la dhacday Madaxweynihii Iiraan. Waxa ay Israa’iil dishay hoggaamiyihii ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas, Ismaaciil Haniyah. Kadibna waxa ay Israa’iil mar kale dileen hoggaamiyihii isaga lagu beddelay, Yaxya Sinwaar. Sida oo kale, waxa ay Israa’iil dishay hoggaamiyihii ururka reer Lubnaan ee Xizbullaah, Xasan Nasrullaah iyo tobannaan kamid ah hoggaankii ugu sarreeyay ururka Xizbullaah. Dhinaca Yahuudda, waxa ka dhintay boqollaal ciidamada gumaysiga ah, waxaana ku burburay boqollaal taangiyada dagaalka ah. Dhinaca kale, Yahuudda dagaalka Qazza waxa kaga baxday lacag ka badan 67.5 bilyan oo Doolar bilawgiisii ilaa dhammaadkii sannadkii hore ee 2024kii.4 Haddii ay xogahani dhab noqdaan, burburka dhaqaale ee Yahuudda gaadhay ayaa ka badan burburka dhaqaale ee gaadhay magaalada Qazza ee ay kibirka ku burburisay.
Dhinaca kale, duullaankii ay 13kii Juun, 2025ka gudaha dalka Iiraan ku qaadday Israa’iil, waxa lagu dilay saraakiishii ugu sarreeyey hoggaanka ciidamada kala duwan ee Iiraan oo ay ugu horreeyaan Taliyihii Guud ee Ciidamada Iiraan, Taliyihii Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iiraan iyo Taliyihii Ciidamada Difaaca Dhulka Iiraan. Sida oo kale, waxa weerarkan lagu dilay wax ka badan siddeed kamid ah khubaradii farsamada Nukliyarka Iiraan, waxaana weerarkan lagu burburiyay qaar badan oo kamid ah xarumihii Nukliyarka Iiraan. Dhinaca kale, waxa la weeraray Xarumaha Ciidamada ee Iiraan. Maalintaas oo kaliya, Israa’iil waxa ay duqaymo ka gaysatay dalalka Iiraan, Suuriya, Ciraaq, Lubnaan, Falastiin iyo Yaman.
Jeneraal Wesli Klaak (Wesley Clark) oo kamid ahaa hoggaanka ugu sarreeya ee ciidamada dalka Maraykanka ayaa waraysi uu bixiyay sannadkii 2007dii waxa uu ku sheegey qorshaha dawladda Maraykanka ee lagu doonaayo in lagu burburiyo toddoba waddan oo Islaam ah. Waxa uu yidhi:
Toban maalmood kadib weerarkii 11ka Setembar, ayaan tagay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon. Waxa aan la kulmay Xoghayihii Gaashaandhigga Maraykanka iyo Kuxigeenkiisii.
Kulankaas kadib, waxa aan usoo degay dabaqa hoose si aan u salaamo qaar kamid ah saaxiibbaday. Mid kamid ah saaxiibbaday ayaa ii yeedhay. Waxa uu igu yidhi, “Waxa aanu qaadannay go’aan. Waxa aynu duullaan ku qaadaynaa Ciraaq.” Waxa aan ku idhi “Sabab?” Waxa uu yidhi, “Aniguba ma garanaayo!” Dhawr toddobaad kadib ayaan kasoo laabtay Afqaanistaan oo xilligaas duqaymo xooggani ay ka socdeen, kadibna waxa aan tagay Wasaaradda Gaashaandhigga si aan saaxiibkay mar kale u arko. Saaxiibkay waxa aan ku idhi, “Wali ma waxa aynu doonaynaa in aynu weerarno Ciraaq?” Kadibna waxa uu igu yidhi, “Xaalku intii hore wuu kasii daranyahay.
Miiskiisa ayuu kasoo qaaday waraaq taallay, kadibna waxa uu igu yidhi, “Waraaqdan waxa aan maanta kasoo qaaday xafiiska Wasiirka Gaashaandhigga. Waa warbixin qeexaysa qorshaha aynu ku doonayno in aynu ku burburinno toddoba waddan muddo shan sannadood gudahood ah. Waddamadaasi waxa ay kala yihiin Ciraaq, Suuriya, Lubnaan, Liibiya, Soomaaliya, Suudaan iyo Iiraan.
Maanta Reer Galbeedku dhammaan dawladahan way weerareen. Ciraaq waxa ay Reer Galbeedku weerar ballaadhan ku qaadeen sannadkii 2003dii. Soomaaliya waxa ay ciidamada Xabashida oo hiil ka haysta Reer Galbeedku qabsadeen sannadkii 2006dii, wixii intaa ka dambeeyeyna waxa Soomaaliya xoog ku haysta ciidamo Afrikaan ah iyo dawladaha Reer Galbeedka oo taageero ciidan, mid siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid farsamaba la garab taagan. Dalka Lubnaan waxa ay Yahuudda iyo Reer Galbeedku weerar ballaadhan ku qaadeen sannadkii 2006dii, ilaa maantana weerarkaasi hal maalin muu is taagin. Dalka Liibiya, waxa ay Reer Galbeedku weerar cirka ah ku qaadeen sannadkii 2011kii, ilaa maantana dalkaasi burbur iyo kala daadsanaan ayuu ku jiraa. Dalka Suudaan waxa ay Reer Galbeedku jabhado hubaysan kaga fureen dhinacyada oo dhan ilaa ugu dambayntii dalkaas la kala gooyay sannadkii 2011kii. Haddana, Reer Galbeedku waxa ay dalka Suudaan wali kasii wadaan burbur iyo dagaal, iyada oo maanta caasimadda Suudaan ay xabbaddu ka socoto. Dalka Suuriya waxa ay Reer Galbeedka iyo Yahuuddu weerar toos ah ku bilaabeen sannadkii 2011kii, ilaa maantana wuu socdaa. Ugu dambayntii, waxa ay Reer Galbeedka iyo Yahuuddu gaadheen xilligii ay burburin lahaayeen dalka Iiraan, waxaana bilaabmay wax u eg duullaankii tooska ahaa ee ay muddada dheer qorshaynayeen. Iiraan maanta waa awoodda kaliya ee gobolka Bariga Dhexe kula loollamaysa Israa’iil.
Israa’iil waxa ay taageero buuxda ka haysataa dawladaha Reer Galbeedka oo ay ugu horreeyaan Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska. Maraykanku waxa uu rumaysanyahay in Israa’iil ay tahay gobol kamid ah dalkiisa ‘Extension of the United States’. Dhinaca kale, Iiraan waxa ay xulafo muhiim ah ka dhigatay ururrada Xizbullaah, Xamaas iyo Xuuthiyiinta. Iiraan iyada oo ururradan taageero ciidan, mid farsamo iyo mid siyaasadeedba siinaysa, waxa ay ku guuleysatay in ay culays saarto Israa’iil. Dhinaca kale, shirkii dalalka dhaqaalaha ku horumaray ee Jii-7 (G7) ee ka dhacay dalka Kanada horraantii Juun 2025ka ayaa warmurtiyeedkii kasoo baxay lagu sheegay in Israa’iil ay xaq u leedahay in ay isdifaacdo. Sida oo kale, waxa warmurtiyeedka lagu sheegay in aanay suurtogal ahayn in marnaba ay Iiraan samaysato hub Nukliyar ah.
Tan iyo sannadkii 1945kii oo Maraykanku uu tijaabiyay qunbuladdii ugu horaysay ee nukliyar ah, guud ahaan adduunka maanta waxa jira sagaal dawladdood oo haysta hubka nukliyarka. Dawladahaasi waxa ay kala yihiin Maraykanka, Ruushka, Shiinaha, Ingiriiska, Faransiiska, Hindiya, Baakistaan, Israa’iil iyo Waqooyiga Kuuriya. Dawladda Iiraan waxa ay leedahay awoodda ugu ballaadhan ee gantaalladaha ‘missiles’ ee gobolka Bariga Dhexe. Dhinaca kale, Israa’iil waxa ay haysataa ilaa sagaashan madax oo Nukliyar ah.5
Toddobaadkii labaad, duullaanka waxa si toos ah ugasoo qayb galay dawladda Maraykanka. Diyaaradaha dagaalka Maraykanka ee Bii-2 waxa ay duqeeyeen xarumaha Nukliyarka Iiraan ee Fordow, Natanz iyo Isfahaan.6 Madaxweynaha Maraykanka Doonal Taraam oo ay hareerihiisa taaganyihiin Madaxweyne Ku-Xigeenkiisa, Xoghayihiisa Arrimaha Dibadda iyo Xoghayihiisa Gaashaandhigga ayaa ku faanay in ay ku guuleysteen in ay burburiyaan xarumaha Nukliyarka ee Iiraan.7 Raysalwasaaraha Yahuudda Binyamiin Natanyaahu ayaa si weyn u bogaadiyay kaalinta Maraykanka ee duullaanka ay ku qaadeen dalka Iiraan.8 Dawladda Iiraan waxa ay dhinaceeda gantaallo ku tuurtay saldhigga Maraykanku ku leeyahay dalka Qadar ee Al-Cudeyd oo ay ku suganyihiin wax ka badan 10,000 oo askari oo Maraykan ah.9
Diyaaradaha dagaalka ee Yahuuddu waxa ay badhtamihii Setembar, 2025ka weerar ku qaadeen xubnihii ururka reer Falastiin ee Xamaas u qaabilsanaa wadahadallada Xamaas iyo Yahuudda ee ku sugnaa magaalada Dawxa ee caasimadda Qadar. Tallaabadan ay Yahuuddu qaadday, waxa xigay shirka dawladaha dabadhilifka ah ee sheegta Islaamka oo ka dhacay magaalada Dawxa ee dalka Qadar. Dawladaha shirka isugu yimid, way ku dhiirran kari waayeen in ay wax go’aan ah oo Yahuudda ku liddi ah soo saaraan. Dhinaca kale, Raysalwasaaraha Yahuudda Binyamiin Natanyaahu ayaa ku tilmaamay shirka Dawxa ka furmay ‘shimbirayahaw heesa’. Isaga oo uu garabkiisa taaganyahay Waziirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Maarko Ruubiyo (Marco Rubio), waxa uu Raysalwazaaraha Yahuuddu sheegay in duullaan ballaadhan oo ‘tirtirid’ ah uu saacadaha soo socda ku qaadi doono Marinka Qazza. Duullaankan ayaa isla markaaba si rasmi ah u bilaabmay. Ujeeddada duullaankan cusub ayay Yahuuddu ku sheegtay ‘waa in guri aanu ka taagnaanin Qazza’. Dhinaca kale, Yahuuddu waxa ay sheegeen in ay doonayaan in ay dhisaan waxa ay u bixiyeen ‘Israa’iisha Weyn’. Daqiiqadihii uu socday shirka Doha, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Marco Rubio ayaa bartiisa Ekis ‘X’ kusoo baahiyay: Waxa aan ku suganahay caasimadda abadiga ah ee Israa’iil ee Qudus.
Dhinaca kale, Raysalwazaaraha Yahuudda Binyamiin Natanyaahu isaga oo ka hadlaayay shir jaraa’id, waxa uu wariyeyaashii goobta joogay waydiiyay, “Telefoonno ma haysataan?” Wariyeyaashii waxa ay ku jawaabeen: Haa! Kadibna waxa uu ku yidhi “Haddaba ogaada, waxa aad gacanta ku haysataan qayb yar oo ka mid ah Israa’iil.” Hadalkan ayaa loo fahmay farriin hanjabaad iyo digniin ah oo ku socota hoggaamiyeyaasha dabadhilifyada ah ee shirku uga socday Qatar.
Yahuudda adduunka ku nooli tiro ahaan waxa ay ka yartahay 15 milyan, dhul ahaanna waxa ay xoog ku haystaan oo ay degganyihiin wax ka yar tobannaan kiiloomitir oo kaliya. Tirada dadka Carbeed waxa ay ka badantahay 450 million. Dawladaha Carbeed waxa ay adduunka kaga yaallaan meeshan ugu muhiimsan. Waxa ay haystaan wax ka badan boqolkiiba-50 shidaalka caalamka. Dawladaha dabadhilifka ah ee sheegta Islaamka waxa ay tiro ahaan ka badanyihiin 58 dawladood. Tirada dadka Muslimiinta ah ee adduunka ku nooli waxa ay ka badanyihiin laba bilyan.
Shirkii Dawxa oo ay isugu yimaaddeen wax ka badan 50 dawladdood oo dabadhilif ah, dadka qaarkood waxa ay filanayeen in dawladaha xidhiidhka la leh Israa’iil ay xidhiidhka u jari doonaan, ama in hawada dawladaha Carbeed ama dawladaha Muslimka ah laga mamnuuci doono duullimaadyada Israa’iil ama in culays dhaqaale la saari karo Israa’iil, balse waxba kama soo bixin. Dawladaha Masar, Turkiga, Iiraan iyo Bakistaan oo la tuhmaayay, iyaguna jidkii gunnimada ayay ku negaadeen. Guud ahaan burjuwaasiyiintii isu yimid, waxa ay warkooda kusoo koobeen: “Yahuuddu ha dhacdo!” iyo “Maraykanka waxa aanu ugu baaqaynaa in uu Yahuudda naga maslaxo!”
Dhammaadkii Setembar 2025ka, waxa la qabtay kulankii guud ee Qaramada Midoobay oo ah sannadguuradii 80aad ee asaaska Qaramada Midoobay.
Kulankan ayaa waxa uu kusoo beegmay iyada oo dunidu ay ruxmayso, amar ku taaglaynta Maraykanka iyo Yahuudduna ay gaadhay heer aan hore loo arag.
Dhammaan dawladaha caalamka oo ay ku jiraan afar dawladdood oo leh ‘awoodda diidmada qayaxan’ oo kala ah Ingiriiska, Faransiiska, Shiinaha iyo Ruushka ayaa aqoonsaday xaqqa jiritaan ee maamul madaxbannaan oo ay Falastiiniyiintu yeeshaan, laakiin waxa go’aankan diiday Maraykanka, Yuhuudda iyo dhawr dawladdood oo yaryar. Tani waxa ay mar kale muujisay in ‘danaha Maraykanku uu xeerarka oo dhan ka sarreeyo’. Waa tallaabo kale oo daliil u ah in dunida ay wax iska beddeli doonaan.
Madaxweynaha Maraykanka Doonal Taraam oo uu dhiniciisa taaganyahay Raysalwazaaraha Yahuudda Binyamiin Natanyaahu ayaa 29kii Setembar, 2025ka ku dhawaaqay qorshe halis ah oo la doonaayo in marinka Qazza lagu hoos geeyo maamulka Yahuudda. Qorshahan oo ka kooban labaatan qodob waxa kamid ah: Hub ka dhigista Xamaas iyo in maamulka magaalada Qazza lagu wareejiyo xubno shacab ah oo reer Qazza ah oo ay Yahuuddu kor ka sii maamulaan. Sida oo kale, waxa qorshahan kamid ah in hoggaanka iyo xubnaha Xamaas ay ka baxaan marinka Qazza ama ay iyaga oo shacab ah hoos joogaan xukunka Yahuudda.
Waxa sida oo kale, qorshaha kamid ah in la dumiyo dhammaan godadka iyo qalcadaha dagaal ee ay Xamaas ku leeyihiin marinka Qazza.
Madaxweynaha Maraykanka Doonal Taraam waxa uu sheegay, haddii ay Xamaas qorshahan aqbali waayaan muddo 72 saacadood gudahood ah, in Maraykanku uu Yahuudda si buuxda ugu taageeri doono in ay xoog ku qabsadaan marinka Qazza. Dhiniciisa, Raysalwazaaraha Yahuudda Binyamiin Natanyaahu waxa uu sheegay in Yahuuddu ay mar walba Qazza la wareegi doonaan, balse kaliya ay Xamaas kala doortaan in xoog lagula wareego iyo in ay iyagu is dhiibaan oo ay furaha magaalada soo wareejiyaan. Ururka Xamaas ilaa hadda wax jawaab ah kamay soo saarin qorshahan, khubaraduna waxa ay ka digayaan halista ka dhalan karta haddii ay aqbalaan. Qorshahan waxa soo dhaweeyey dawladaha Bakistaan, Turkiga, Sacuudi Carabiya, Imaaraatka Carabta, Qadar iyo Masar.
Dadka reer Falastiin guud ahaan iyo gaar ahaan ururka Xamaas waxa aan leennahay:
Gaaladu waxay maagantiyo; diida gogoshooda, Garbaduubka iyo baanisaha; gees isaga leexsha, Garta eexo iyo liidashada; gooni ka ahaada, Gooddigu bilaash haw noqdee; ‘mayada’ gaadhsiiya, Gumaysigu in uu daallanyahay; geliya maankiinna, Gobannimada waa loo dhintaa; run ugu geeraara!
Wax ka yar afar todobaad gudahood, warbaahinta caalamka ugu afka dheer iyo xarumaha cilmibaadhista ayaa si isku mid ah uga digay burburka aan laga baaqsan karin ee xukuumadda Xamar iyo guusha aan la joojin karin ee Al Shabaab. War nuxurkiisu yahay ‘Soomaaliya waxa ay qarka u saarantahay in ay la wareegaan Al Shabaab’ ayaa dhinacyada oo dhan ka soo yeedhaaya.
Badhtamihii Julaay 2025ka, Wakaaladda Wararka Reuters ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa saadaalisay in Al Shabaab ay qarka u saaranyihiin in ay la wareegaan Soomaaliya, ka dib markii ay soo jabiyeen difaacyadii malleeshiyaadka xukuumadda Xamar.1
Dhammaadkii July, 2025ka, Wargeyska ‘The Economist’ ee laga leeyahay dalka Ingiriiska ayaa saadaaliyay in Al Shabaab ay dhawaan la wareegi doonaan Soomaaliya.2 Maalin uun ka dib, xarunta cilmibaadhista ‘The Soufan Center’ ee laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa daabacday maqaal ay ku saadaalisay in ay Al Shabaab dhawaan la wareegi doonaan dalka Soomaaliya.3
Maalmo kooban ka dibna, Telefishinka laga leeyahay dalka Qatar ee Al Jazeera ayaa baahiyay muuqaal uu ku sheegey in Muqdisho ay go’doonsan tahay, dhawaanna ay geli doonto gacanta Al Shabaab.4
Dhiniciisa, Kannaalka War Fronts ayaa isaguna baahiyay muuqaal ku saabsan isfidinta Al Shabaab. Warbixinta War Fronts waxa lagu yidhi ‘Al Shabaab lama joojin karo, waxaanay la wareegi doonaan Muqdisho’.5 Dhawr maalmood ka dib, Wargeyska laga leeyahay dalka Ingiriiska ee ‘The Telegraph’ ayaa qoray falanqayn ku saabsan saadaasha dhaw ee tilmaamaysa la wareegidda Al Shabaab ee Soomaaliya. Warbixinta ‘The Telegraph’ waxa lagu sheegey ‘Soomaaliya waxa ay haysaa jidkii Afghanistan’.6
Dhinaca kale, dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey ‘The Hill’, France 24, CTC SENTINEL, New York Times, First Post iyo tobannaan kale oo ah xarumo warbaahineed ama cilmibaadhiseed oo dunida caan ka ah ayaa saadaaliyay burburka xukuumadda Xamar.
Farriimahani waxa ay imaanayaan xilli gaaladu ay quus ka joogaan qabsashada Soomaaliya, si dhab ahna ay u kala daateen carrotuulkii ay muddada dheer dhaqaalaha ku bixinayeen, adeegeyaashuna ay ku murmayaan xaafado kooban oo ku yaalla magaalada Xamar iyo xafiisyada sooduuleyaasha ee Xalane, halka qaarkoodna ay mar horeba gabbaad ka dhigteen magaalooyinka Nayroobi, Qaahira, Dooxa iyo Istanbuul.
Xaqqiiqo ahaan, diyaaradaha Ameerikaanka iyo taangiyada Afrikaanka la’aantood, marna ma sii jiri karto xukuumadda Xamar, diyaaradaha Ameerikaanka iyo taangiyada Afrikaankuna waligood ma joogi doonaan Soomaaliya, bixitaankoodana waxa xiga Jihaadiyiinta oo daaqadaha uga daata Villa Soomaaliya, waddooyinka Muqdisho oo dabaaldegyo ka bilawdaan iyo dawladaha caalamka oo dhambaallo isdaadraacin ah kasoo dira dacallada dunida. Tani waa runta weyn ee soo socota, waana mid la wada sugaayo.
Soomaalidii naga faqdiyo; fulaygu yeelkiiye, Ninkii fahan yar iyo kii habraday; doodda haw furine, Fooraha colaaddeed nin raga; waajib baa farane, Foolaadka iyo geesigii; loo fadhiyi waaye, Mar haddii Qur’aan lagu furfuro; jiidhe furimaaye, Fannaaniinna uma baahna iyo; heeso fara weyne, Fasalkiyo daruuraha cirkaan; kuu fasirayaaye, Filashada hagaagtiyo nasrigu; foolka ina siiye, Gumaysiga farriin dhiig ku qoran; faraha loo saarye, Fahmoguurku waatuu ku dhacay; xalayto fiidkiiye, Foodsaarihii iyo ka dide; foosha dirireede, Waxaan faraska ugu taagannahay; hiilka Falastiine!
Daawadayaal, waa waraysi gaar ah oo aanu la yeelaneyno Abwaan Nageeye Cali Khaliif. Abwaanka waxaanu kala sheekeysan doonaa oo aanu ka wareysan doonaa arrimo isaga u gaar ah sidoo kale xaaladda guud ee wadanka ayaanu wax ka weydiin doonaa hadduu Allaha awoodda lihi doono.
Abwaan! Waan ku faraxsannahay la kulankaaga kusoo dhowoow Stuudiyaha Saddexaad ee Warbaahinta Islaamiga al-Furqaan
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
وعليكم السلام ورحمة الله وبركاته
aniguna runtii waa ku faraxsanahay inaan al-Furqaan iyo Stuudiyeheeda Saddexaad aan joogo waana dhowahay, waa mahadsan tahay.
Waa tahay, marka hore Abwaan Nageeye waa kuma? Dabcan tacriifkaaga Xasuusqorka Dibadwareeg ayaad ku sheegtay laakiin dad badan oo daawadayaasha kamida ayaa laga yaabaa inaysan usuuragelin marka soo dhawow waa kuma Abwaan Nageeye?
Cabdifataaxow Nageeye waa… waa ninkan ku horfadhiya weeye. anigu qoyskeygu waxay ahaayeen dadkii hadda muddo hadda qarni ku dhow dagay xaafaddii Guryasame Hargaysa. Ee aniga qof ahaan aabahay wuxuu kamid ahaa dadkii 1960kii markii labadii jamhuuriyadood ay gumeystaha uu ka kacay Muqdisha iyo Hargaysa dadkii Xamar yimid ee calankii soo qaaday Waqooyiga ayuu aniga aabbahay kamid ahaa markii dambe ee dagaalada iyo burburkiyo waxaas ay Waqooyiga ka dhaceen gaar ahaan Hargaysa iyo Burco iyo magaalooyinkaasi ay aad u burbureen dadkii dhulkaa dagganaa intooda ubadan waxay uqaxeen dhulkaan Hawd Reserve Area la yidhaahdo bay inta ugu badan ay aadeen oo degaan ahaanna ugu dhawaa dad ahaanna marka horeba ay ee aad ma aragtay xiriir deegaan iyo dadnimo uu ka dhexeeyey. Markaa anigu caruurtii yaryarayd ee intii qaxootiga iyo qaranjabkiyo dhibaatadaa lagu jiray Dulcad iyo Daroor iyo waxaas loo qaxay dadkii meelahaas ma aragtay ku dhashay baan yaan kamid ahaa uu qoyskaygu ay magaalooyinka dadkii ka baxay ay ku jireen waxaan ku dhashay dagmada hada la yidhaahdo Salaxley iyo… oo caan ah meel marka laga qabto Hawd bari ka xigta, deegaanka Loolabi Sagaala la yidhaahdana maxaa la yidhaahdaa, galbeed Hawd isagana ka xigta tuula yaroo halkaa ku taalla oo border line-ka xuduud-beenaadka dhinaca tallowga ee hadda dhulka Itoobiyaanku ay guumeystaan kamid ahoo Kaam Buraale la yidhaahdo dadkii qaxootiyada iyo ma aragtay sidaa loo kala qaxqaxay halkaasuu aniga ay hooyaday maxaa la yidhaahdaa, ay igu dhashay tuuladaa yar ee la yiraahdo Kaam Buraale. degmo hadda gumeystuhu ay haystaan oo Daroor la yiraahdo ayey kamid tahay dhulweynihii Awaare la odhan jiray weeye, dadku si fiican bay u yaqaanaan Marka halkaasaan walaal ayaan anigu ayaan ku dhashay. Waqti bay markaa iska qaadatay burburkii iyo dagaalladii iyo wixii maxaa la yidhaahdaa wixii meeshaas ka dhacay magaalooyinka markii dambe dadku haddana guryahoodii oo burburay oo dhulkii baa la iskaga soo laabtay Burco iyo Hargaysa iyo meelahaas. dugsigi hoose dhexe ee Qudhacdheer ayaan dugsiga hoose anigu ka bilaabay Hargaysa. Dugsiga dhexe waxaan ka galay dugsi la oran jirey Riis oo isaguna Hargaysa ku yaalla Dugsigi sare waxaan kaga baxay dugsi la yidhaahdo Maxamuud Axmad Cali oo isaguna caan ah oo Hargaysa ku yaalla. Waxaan kamid ahaa ardaydii machadka luqadaha ee Nuuradiin Intensive English Course ee ka faa’idaystayee ma aragtay halkaasi ka baxay. Madaarista Hargaysa ku yaala ee Qur’aanka ka faa’ideystay Marki dugsiga sare aan ka baxayna waxaan kamid ahaa arday fursad uhelay inay Itoobiya aadaan Adis Ababa oo jaamacad ay utagaan Waxaan qaatay markaa BA ama Bachelor of Arts in Political Science, ayaan sameeyay waxa weeyaan waa shahaadada 1aad oo la xidhiidha waxan ay yidhaahdaan Cilmiga Siyaasadda ayaan sameeyay. Kadibna waxaan ku xigsiiyay Masters. oo Journalism and Mass Communication ah waxa weeyaan Isgaarsiinta iyo Saxaafadda ayaan sameeyey 2016 dhammaadkiisi baan ayaan markaa jaamacad Addis Ababa University layiraahdo aan walaal ka baxay. Hargaysaan ku laabtay markii jaamacaddiyo waxaas iga dhamaadeen, jaamacada Hargaysa ku yaallaan ayaan macallin ka noqday Jaamacadda Hargaysa 2018ki markuu bilaabmaayay ama 17ki markuu dhamaanayay, late December ama early January oo ay bilaabayeen Faculty of Journalism iyo waxaasaa macalimiintii lagu bilaabay baan ayaan kamid ahaa Jaamacadda Hargaysa. Jaamacadaha kale Hargaysa ku yaallana iyagana macallin baan ayaan ka ahaa Inta badan waxaan bixin jiray koorsooyin la xidhiidha ama Political Science oo siyaasadda ah ama Journalism labadaasaan ayaan waxyaabahan ardayda courses-ka aan… waana buuxaan dee ardaydii waa joogaan marka halkaasaan ayaan macalin ka noqday sidoo kale tababarro saxaafadeed iyo waxaasaan sasameyn jiray maadaama uu field-kan saxaafadda dad ma aragtay xoogaa badan ay ku jiraan hadana dadka takhasusaatkooda ahi ay si uun u yaraayeen runtii welina ay yar yihiin. markii dambana Muqdisho Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Somali National University
[Adigaa ku watee, goormaad usoo wareegtay magaalada Muqdisho?]
Muqdisho waxaan imid Abriil 2017. Muddo 6 bilood ah ayaan joogay waagaas. Kadibna Hargaysaa ku laabtay. Saan hadda kuu sheegay Jaamacadda Hargaysa oo markaa la bilaabaaye Diseembar ayaan kamid ahaa macalimiintii lagu bilaabay. Waxaan filayaa Oktoobar ayaan ka laabtay waagaas Xamar. Kadibna waxaan ka maqnaa muddo ilaa iyo Abrishii dambe ee 2018kii Haddana Abril 2018 baan mar labaad ayaan Xamar soo dagay anigoo markaa aan muddo ka maqnaa. Waagaa hore marka 6 bilood baan joogay, waxaan joogay Abriil 2017 ilaa iyo Oktoobar. Markii dambana Oktoobar 2017 baan katagay ilaa iyo maxaa la yidhaahdaa, 2018 Abriil Abriil 2018 sidii aan markaa Xamar usoo wada dagay ayaan ugu badnaa, Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed baan ayaan macallin ka noqday Kulliyadda Saxaafadoo xilliyadaa iyadana iska curdin ahayd baan ku biiray. Markii dambana madaxa qaybta saxaafadda jaamacadda oo department-kaasaan ayaa ma aragtay ayaan madax qaybeed ka noqday. Halkaasaan ka hawlgalaayay Deegaankaygii markaa wuxuun buu ahaa Xamar ama Hargaysa Ardayda ugu badan ee aanu wax udhigi jiray Jaamacadda waxay un bay ahaayeen kuwaa saxaafadda iyo waxa jira aragti weyn oo layiraahdo formation of public opinion oo gadaal baynu laga yaabaa inaynu ka hadallo laakiin bal ra’yul-caamka sidii wax looga bedeli lahaa iyo ma aragtay waxa markaa ardaydaa saxaafaddaa ugu badnayd kuwan ayaana wax udhigi jiray laakiin haddana kulliyadaha kale Jaamacadda gaar ahaan Kuliyadda Siyaasadda oo kale iyagana mararka qaarkood class-yaan ayaan ubixin jiray Marka, kolley inahaasaan ayaan kaga bixi karaa su’aashaas.
[Abwaan, muddo qiyaastii 100 maalmood ah ayaad ka maqnayd baraha bulshada oo dadku siyaabo kala duwan ay ku hadal hayeen adigoo markaa uga tagay gabay iyo Xasuusqorkii Dibadwareeg Xageed marka jirtay? Halkeese joogtaa hadda?]
Horta dee baraha bulshadu nolol ma aha meel lagu noolaado ma ahee meel ma aragtay qofku life-kiisa uu mararka qaarkood uu marsan karo weeye Marka markii hore anigu Soomaaliya uun baan joogay meelna kale kuma noolayn, haddana wali Soomaaliyaa ku noolahay.
[Al-Shabaab ayaad laa joogtaa marka?]
Waa jiraa warkaas.
[Maxaad kasoo doontay?]
Waa su’aal wayn weeye. Horta dalkan Soomaaliya la yiraahdo anigu sidaan aaminsanahay waxaa ka socda dagaal caalami ah oo midabbo kala duwan leh ayaa dalka Soomaaliya ka socda dalkii Soomaaliya la odhan jirayna wuxuu galay xaalad balkanization ah, balkanization-ku waxa weeyaan in la qurbo, wax la qurbo waaye Su’aasha markaa ah: hadda maxaad Shabaab kasoo doontay? waxaa ka horeysa maxaad Xamar kasoo doontay? And I think that’s the basic question ay tahay in la is waydiiyo. “Maxaad Xamar utimid?” ayaa waxay ka horeysaa “Maxaad Shabaab ka doontay?” Anigu markii Soomaaliya ay gashay xaaladdaa balkanization-ka ah waxaa dhacay qoqob afkaareed waxaa dhacay qoqob dadnimo waxaa dhacay qoqob xataa qofku damiirnimadiisa ma aragtay uu… qoqob noocaas ah ayaa la galay, balkanization-ku waa in wax la qoqobo, oo ma aragtay global hegemony-gaa dhacayoo super powers-ka ayaa waxaa is-eryanaya waxay abuureen Soomaaliya inay noqoto meel ay isha si weyn ugu hayaan marka burbur noocaas ah horta walaalow, ayaa Soomaaliya ka dhacay Marka… Waxa yimid waxa weeyaan rag dantooda isku haysta rag dantooda isku haysta. Maxaad ka waddaa? Waxaan ka wadaa Soomaaliya meesha la yidhaahdo Global powers-ku dee danahooday ilaashanayaan Hadda diyaarad baa dusheeda ka guuxaysa hadda aan hadlaayo anigu Diyaaraddaa guuxaysa danteeday ilaashanaysaayee ujoogta. Anigu dan aan leeyahay ma ujoogto. Waayo anigu dan uma diranin. Saas daraadeed, nin Hadraawi la odhan jiray رحمة الله عليه ayaa maanso hadda daakiraadaydu ay qaldayso ayaa wuxuu ku daray markuu ka hadlaayey dunida iyo sida la isu riixriixayo, dadku say isu riixriixayaan dheeraad nin lahaa… walba adduunyadu intay saa usoo jirta dheeraad nin doona iyo nin ku dhaga xaqiisoo dhacsanaayey baa jirey buu yiri Hadraawi. This is the equation marka! Qolana dheeraad bay doonaysaa Aadamaha qolana xaqoodii ku dheggan yihiine, waxay doonayaan waxooda iyo xaqooda iyo xuquuqdooda inay ku dhaganaadaan, oo aan la dhicin. Soomaaliya waxay kamid noqotay markaa walaal, markaan hadalka kuusoo koobo meelaha ay rag doonayaan inay dheeraad qaataan. Ama maxaa la yiraahdaa next door ka bilow, dawladahan deriska ka bilow, global powers-ka kuwa layiraahda ku dar waxaa soo dhan, wax layaalo wixii super powers iyo hegemony-ga iyo waxaas raadinaaya meel ay isha ku hayaan oo ay doonayaan inay dantooda iyo iyagu sida ay doonaan waxooda ay ka fushadaan. Taasi markaa aniga waxay iila egtahay welina ay iila egtahay horayna ay iigula ekayd inaan anigu dantayda ahayn umaddayda dadkanna Soomaalida ah, dadka Muslimka ah dantoodu inaanay sidaasu ku jirin. Saas daradeed, baraarug baa aniga igu jirey ah xaaladaasi inay tahay xaalad in laga hortago ma aragtay mudan. Markaa Hargaysaan joogay main stream-ka afkaartu siday u taallay, iyo wixii anigu aan rabay si ay noqdaan isuma eegaa dheh. Taasaa marka hore anigu Xamar ikeentay Xamar waxay ahayd markii miyir qabka inoogu dambaysay, meesha caasimadda inoo ahayd. Markaa afkaar bal revolution in Soomaali ay baraarugi karto, oo cadowgaa kala duduwan ee magacyada kala duduwan leh laakiin hadafka isku mida leh inta badan in laga hor tago, taasaan walaalo anigu Xamar ma aragtay aan u imid. Saasaan Xamar ku joogay.
Markaan kuusoo uruuriyo warka marka: markaan warka walaalo kuusoo uruuriyo, gabay waxaa jiray la oran jirey Dibadwareeg oo ay ku jireen:
Dibadwareeg 2021ki weeye. Halkaa marka waxaa ku jira qofkii ehlul-caqli wuxuu fahmi karaa wixii anigu aan Xamar ka rabay inaan ka dhiso mar kale waxaa ii muuqatay inaan ka dhismi karin. Saasaan Shabaab… Su’aashaadii jawaabteedu inahaasaan…
[Waa yahay. 100 maalmood ka hor waa tii dadku ay aad uga hadleen oo lafalanqeeyey waayitaankaaga dabcan adiguna war qoraal ah ayaad ka tagtay dadkii kaa hadlay waxaa kamida mas’uuliyiin kamida dawladda federaalka, Wasiirka Gudaha oo kale Axmed Macalin Fiqi. Intabana way ku eedeeyeen ama way ku dhaliileen. Haddii warkaa uu kusoo gaaray maxaa ka oranaysaa?]
Horta, Cabdifataaxow, rag… mabaadi’ buu ku kala tagay. warkuna inuu caddaado waaye. Ama magacyada aad sheegtay ha noqdaan ama magacya kale ha noqdaan, horta rag ninyohow mabaadi’ buu ku kala tagay Waxaa lagu kala tagay dalkan Soomaaliya la yidhaahdo iyo ubadka yaryar ee hadda dhalanaaya iyo mustaqbalka halkee loo hogaaminayaa iyo sidee loo hogaaminaayaa baa horta walaalow ayaa lagu kala tagay. Sow garan maysid? Maadaama taa lagu kala tagay ninka maanta raali ku ah in dalkayaga la qabsado in diintayada la badalo, in dadnimadayada la dooriyo Sow walaal garan maysid? ee nin intaa diidanna magacyo ugu yeedhyeedhaaya.
Aaxaa jiray, Alley lehee, halkaa intaanan dhaafin, waxaa jiray gabay layiraahdo Ballan. gabay la yiraaho Ballan Ballan wuxuu… Intii aan meelahaan joogay waxaan gabay sheegsheegi doonaa intooda badan intaan meelahan hadda joogay 100kaa maalmoodee sheegeyso wixi aan curiyey wax kamida weeye. Ballan wuxuu ka hadlay: ninkaa anigana baadi iiyaqaanna isagoo afhayeen Itoobiyaan ah, ama afhayeen Amisom ah, ama gaalada soo duushee magacyada kala duwan leh dulucooda kujirana nin rageedi diriciisu yaqaanno, magacuu doono ha lahaado Kaa wax baan kula ballamayaa. Waxa kaloo la ballamayaa, ninka dantiisa ilaashanaaya reer-Galbeed, dawlada daris oo halkan ujooga inay… ma ogtahay laba wax baa is hirdiyaya: international law-ga waxay ula baxeen, iyo strategic national interests baa is hirdiyaaya, caamada markaa sharci iyo wax baa loo sheegaa inta badan laakiin dawladahani waxay ilaashan waxa weeye waa danahooda national interests-kooda istiraatiijiga bay ilaashanayaan Markaa dawlado iyo diyaarado iyo ciidamo iyo maxaa la yidhaahdaa dad ilaashanayo jiritaankooda nin af-Soomaali… adeegayaasha af-Soomaaliga ku hadla ee ninkaa ag jooga ee ninka meesha wax usocdaa diidanna magacyo u bixinaaya, ninkaa horta wax baan kula ballamayaa. Kow waaye Ninka diyaaraddan lehna isna wax baan kula ballamayaa. Waa laba. Ninka inuu adeege af-Soomaali ku hadla uu noqdo iska diiday misna wax baan kula ballamaayaa. Marka Alley lehee, gabaygaas aan wax kaaga sheego:
[Waa saddex ballan.]
Haa. Wuxuu yiri:
Nimanyahow dalkii baayacay ee sharaftii baabi’iye…
Magacyada aad sheegayso iyo inta ka ag dhaw weeye.
Nimanyahow dalkii baayecee sharaftii baabi’iyey nimanyahow xaqii baal maree gees isaga bayree nimanyahow waxay ina badeen laga bogsoon waayey nimanyahow adoonsiga bartee biliga loo saaray nimanyahow bahaysiga kufriga buuni ku ahaadaye
baadariga Roomaan fadhiya Xamar hasoo booqdo hadba daarihiisii burburay beesa kaga qaata madaxweyne iyo baarlamaan baadil ku heshiiya wallihii badhaysiga ahaa bacad ka meereysta
campaign-ka waxay ula baxeen waaye…
wallihii badhaysiga aha bacad ka meereysta hadba kii sinaatada baxsada boqor kasoo saara prime minister iyo kii kuxigay beela ku lahaada baqashada hoteellada qufulan been isugu sheega
buu yiri, war hadda soo garan maysid?
Prime minister iyo kii ku xigay beela ku lahaada baqashada hoteellada qufulan been isugu sheega Nin kastoo balaayada ka diga baadi ku asteeya
Nin kastoo balaayada ka diga… war ninyahow jidkaasi kii ina dhaqaayay ma aha yiraahda, magacyadii iyo shaanbadihii aa haysateen la dhaca xor baa u tihiinee.
Nin kastoo balaayada ka diga baadi ku aasteeya berri iyo wixii inaga maqan bidix ka weydaarta
Waayo iyagu beri malaha iyagu barri malaha, noloshoodu barri kuma jirto. Waa maanta weeye. Nin marka aan barri lahayn nin barri leh meel ma wada joogi karo. Markaa wuxuu yiri:
Nin kastoo balaayada ka diga baadi ku aasteeya berri iyo wixii inaga maqan bidix ka weydaarta balwadaha gumaysigu yaqaan barata raacdeeya bakhti iyo waxaan loo hammoon baarri ku ahaada gunnimada haddii baaqi haray birimo gaarsiiya
buu yiri, gunnimada haddii baaqi haray… hadduu baaqi nimanyahaw idin harsan yahay… wixi anaguna aan garanaayo, Soomaalina ay taqaanay aa kudhex jirteen, ileen waa lays garanayaa, laysu dhuuman maayee, gunnimada hadduu baaqi idin hadhay oo aad dooneysaan inaad ka qalin jabisaan waa laydiin oggol yahayee birimo gaarsiiyoo ka qalin jabiya. Horta nimankaa warkayga aniga ku aadan waa intaas. Waxaa kuusoo haray meelaha kale. Wuxuu yiri:
Ba’na waxaan u leeyahay kufriga soo baraarugee, Buush iyo Baraak, iyo hadduu Baydhan nala joogo
[Waa yahay. Laakiin Nageeyow! Xaqiiqada marka loo hadlo dawladda federaalka waxaa kamida siyaasiyiin wax soo bartay, qaarkood PhD-da aad sheegaysay wata oo aad garanayso dadkaas aqoonyahannada ah, wax lagu qanco innaba miyaad ka waysay?]
Waxna waa magacyo, waxna waa mabaadi’. Anigu magacyo sheegsheegi maayo, magac waxba aniga ma aragtay waxba macna gaara ma laha. Waxa la sheegayo mabaadi’ waaye Waxaan ku iri meeshaan laba fikir baa isku haysta. Waa feker doonaaya inaan sii jiro anigu ay identity-gayga iyo magacayga iyo diintayda iyo dadnimadeeda iyo qofnimadayda leh. Iyo fikir kale oo doonaaya dawladaha reer-Galbeedka iyo dawladaha xoogga weyn waxay qaateen aragti ah ummadaha wixii aan iyaga ahayn in la burburiyo dabadeedna khayraadkoodana la boobo, diintoodana la badalo anshaxooda la burburiyo dadnimadooda… ciddii ka hortimaaddana inay dhulka hoostiisa joogaan Go’aankaasaa la qaatay dadkana markaa aad ii sheegaysaa adeegayaal af-Soomaali ku hadlaa bay noqnaayaan Sababtu waxaa weeye, waxa ay ka shaqeynayaan ma aha waxa danta u ah ilmihiisa, ma aha ilmihiisa ma aha, labo wax baa kala jira waxaa walaalle jira… wax maanta innaga, adiga aniga inteenna nool dan u ah laakiin ubadkeenna udaran iyo wax inaga inoo daran laakiin ubadkeenna bari dan u ah. Waxaa maantan labadeenna inoo danta ah waxaa laga yaabaa inay tahay inaan contract-iyadii iyo iyo project-yadii wixii iska qaadanno ma aragtay baabuur qufulan iyo guryo AC ka daaran yahay nolol saas ah iskaga noolaanno, waxaa laga yaabaa inay taasi inoo dantahay innaga laakiin ubadkeenay udaran tahay. ubadkeenna way udaran tahay. Sidoo kale haddii maanta inagu aynu halganno oo wixii aan inoo qalmin iyo ninkaa dheeraadka doonaaya yur la yidhaahdo hadday doonto inaga haba inagu qadhaadhaatee ubadkeennu gobannimo iyo sharaf iyo cizi bay ku noolaanayaan, ubadkeenay dan utahay. Sow garan maysid? Waxaaba kasii daran kuwa hadda jooga wax ubadkooda u dan ah kama shaqeeyaan, wax iyaguna u dan ah kama shaqeeyaan. Maxaad saa uleedahay? Dee ma in Itoobiyaan afhayeen loo noqdo iyo meelihii… wixi aan sheegayay in laga shaqeeyaa qofka damiirka lehee ay ubadkiisa danta utahay waa kee? Ma jiro. Ma dhici karto.
[Abwaan, waxaad ka hadli jirtay inta badan arrimaha Soomaalida, qadiyada Soomaalida wadaniyadda ayaad xoogga saari jirtay hadda maamulka aad ku biirtay ee ash-Shabaabna waa jihaadiyiin see la isku waafajinayaa markaa jihaadkii iyo wadaniyaddii?]
Horta haddii aad uga jeeddo wadaniyad haddaad uga jeeddo Soomaalida dadka la yiraahoo Muslimiinta ah in la mideeyo tafaraaruqa iyo burburka ay ku jiraan intii suurtagal ah laga dulqaado haddaa taa uga jeedo oo Soomaaliweyn ay taad ka waddo wadaniyada taasi waa noble idea waaye waa aragti dahabiya waaye. Dadka Muslimiinta la midaynaa Soomaalidu kamid yihiin. haddaad wadaniyada taas uga jeedo waaye. Anigu dawladnimada Soomaaliyeed een raadinaayo dawladnimo waysaysatay weeye, midaan weyseysanin ma aha Dawladnimo weyseysata weeye first identity ama huwiyada ugu horreysa ee dawladnimada Soomaaliyeed ee raadinaynaa waxa weeye inay Ilaahay taqaanno. ay wayseysato qofka Soomaaliga identity-ga ugu horreeyo uu leeyahay waa Islaamnimo Islaamnimo weeye. identity-gu halkaasuu ka billaabmaa Markaa dawladdii ama gabayadii aad sheegaysay ama waxaas la raadinaayo waxay ahayd dawlad Soomaaliyeed Ilaahay taqaanna, waysaysata in Soomaaliweyntu ay noble idea ay tahay maxaa la yiraahdaa meeshii ugu dhawaydee
aanu kuwan ehelkayga aanu uruurinaynay ma aragtay, intaasu weeye markaa Islaamnimo iyo Soomaaliweyn in la raadiyaa waaba istaageerayaan ee ma is diidaayaan.
[Waa yahay. Abwaan, qofka sahan taga dadkiisa been uma sheego
Waad mahadsan tahay walaal Cabdifataaxow. Horta dee markii koowaad een imid ma aha Research-ka marka la samaynaayo dabcan waa yaqaanaan ma aragtay School of Social Science dadka ubadan si fiican bay uyaqaanaan. Anigu meeshaan horaan indhahayga ugu arkayoo waan arkay Fikir ahaan waxay u taagan yihiin Intii aniga igaga filnayd waan aqriyey. inna waaqacaa iisheegay inna taariikhda lasoo maray iyo sooyaalka ayaa sheegay marka haddii la yiraahdo “Maxaad aragtay?” Allay lehee Maxaad aragtay intaan la odhan, maxaa maqnaa horta hala yiraahdo maxaa maqan Ama anigaba idheh ama dadka kale dheh maxaa maqan? Waxaa maqan wax kasta oo ummadnimo ay lahayd ayaa maanta maqan Maxaa caddayn u ah? Balkanization-ka ka dhacay The Somali State. Halkee weeye tuula Soomaaliyeed oo maanta tuulada ku xigta dabka ka qaadata? Madaxdee weeye maanta madaxda Soomaaliyeed ee mustaqbalka berri ka fikiri kara? Tuuladee weeye tuulada Soomaaliyeed ee maanta ka madax banaan faragelin ajaanib ah ama mid ciidan ah ha ahaato ama mid warqad yar iyo diplomat yar oo lasoo diro ha ahatee halkee weeye? Ma jirto! Ma jirto. Laga billaabo Kismaayo, Iyo gobolka Gedo intiisa badan, gobolka Baay, gobolka Bakool, gobolka Hiiraan ilaa iyo Maxaas la gaadhaayo ciidamo Itoobiyaan ah baa fadhiya maamulada meesha ka dhisanina nin walba intuu ma aragtay ciidamo ajaanib ah isku dayriyee kursi ku fariistay buu yiri boqor baan ahay. Wixii Maxaas halkaa xaggaa ka xigana diblamaasi iyo ma aragtay ambassador yaroo lasoo diraba ayaa lagu maamulaa. 2017ki maxaa la yidhaahdaa bay ahayd inkastooy xiniinyuhu igubaan markaan ka hadlaaye oo deegaanadaa joogay. Markaa walaal waxaa maqan, ummadnimaa horta maqan.
Halkan marka, waxaa jira gabay la yiraahdo Gaafmeer. Gaafmeer waxa weeye nin wax eegeegaaya oo cilmi baadhe waaye Sow garan maysid? Gaafmeer marka wuxuu soo uruurinayaa, waxaan arkay kow
[Oo wuu cusub yahay isagu halkan baad…]
Gabayadan aan kuu sheegayo halkan gabayadii aan ku curiyey un weeye Taas waa kow Tan labaad waxa weeye dadka halkan jooga ee dagaalamaaya maxay raadinaayaan? Waa laba. Sow garan maysid? Labadaa ujeeddo buu, ayuu Gaafmeer ayuu soo uruurinayaa haddii markaa aan qayb kamida aan walaal kuu sheego Waxaa jirta maahmaah Soomaaliyeed oo tidhaahda habaw badan waa lagu dal bartaa. Habow badan… waa lagu dal bartaa. haddii aad istiraahdo magaaladan ka tagoo magaalada inoo xigta tag oo deedna 5 jeer wadada ka luntoo kolba dhinac usocoto maalintaa waad rafaaday laakiin dhul badan baad baratay. Dad badanoo dhalinyara ah oo sidaas ah baa jira Marka… Wuxuu yiri:
Allay lehee gabaaheer bannaan…
anigaa baa gabaygu ma aragtay qaybta hore uu iga hadlaayaa. Wuxuu yiri:
Alley lehee gabaaheer banaan gocasho waa liide gunaadkii fogaaday iyo waxaan ciil is kala gooye…
wixi ciil ikala gooye
gashi iyo markii aan xideer dhaba ugu geeraaray goobyaal markii aan waqtiga gacan kasoo waayay garbaduub markii aan xujada geed walba u joogay guubaabadeydii markii la ilagaran waayay hadba gelin dhexaadkii markaan gogosha haaraamay gucul orod wixii aan tashiga gooni socotoobay hadba waxaan u gaafmeeri jiray waa wax gudawayn ee waakaa gadoodkii shacbigu helay godkiisiiye
waakaa gadoodkii shacbigu helay godkiisiiye taariikh maguuraan ah ayaa dhaaxba gunudeene giliilyada wixii aa dhigteen laga gayuun waayey idinkaa adduunyada gilgilay labada geesoode gobanimada Soomaalidaa magac u goyseene waxaan laabta uga guuxayaa gabaygu waa hiile waa gogoldhigii maansadiyo gibil xilkaygiiye marka hore salaan gaar ah baan soo gudbinayaa Inkastoo gudoodiga habeen guuro lagu raagay inkastoo halyey geesiyo gabanno loo waayay inkastoo duruuf guun ahiyo godob loo qaatay inkastoo gadaafiyo dhib iyo guuddi hari waayey markii ay galoofooday baa gama’a diideene
Markii ay galoofooday ayaa gama’a diiddeene gar madoobayaal iyo nin raga gumaca loo dhiibye hadba guuto iyo guuto iyo gulufka xoogowye gabadannada iyo fooraha ugu gabowdeene goobaha jihaadka iyo runtaa loogu gaamuraye galladaha Ilaahay xaqii rag iskusoo gaarye galladaha Ilaahay Xaqii rag iskusoo gaarye gu’yaal iyo gu’yaal baa waqtiga gaar u tiriseene dhaaxaa guhaadiyo afxume eed ka gudubteene dhaaxaa hasheenni gunnad godol tidhaahdeene dhaaxaa xaqiiqadan gurracan giririflayseene dhaaxaa gufaaciyo col iyo geylan huriseene daldallooladii beenta iyo faanki baa go’ayee Gaaladu wixi ay dhiseen laga gol roonaaye waakaa gabaabsiye waxay xoogga geliyeene Afrikaanku way guurayaan maalmo gudahoode guddoon faraxlihiyo baa ku xigi dhaadasho iyo guule
Guddoon faraxlihiyo baa ku xigi dhaadashiyo guule gocor iyo midkii liita iyo fuluhu waa gawe gaashaanka waxa loo ogaan Geesi dirireede golcastiyo kaliilahaba waa loo gubtahanyoone gaagaabsan maynee xil baa guudka noosudhane ninkii garasha diidaba nin baa meel ku gawriciye gaagaalayaaliyo magaan waa la gees mariyee garbaduub waxaa loo xidhxidhi gaas dhagoolaha e guduc iyo cadaba waa la miri labada gooroode sooyaalka meeshuu ka galo gun iyo caadkeede asalkaba Gurguurtiyo intii gaala naga raacday gumaadkii shisheeyaha intii ugu gargaaraysay garmaqaatayaal iyo kuwii ina garaacayey umarada gumaysigu dhalaa qoorta laga goyne galab iyo habeen baa la furan quruxdii Goobweyne goobtii reer Ugaas Diini iyo guurti baad heliye gaajada waxaa kaa afurin gola Ansaareede guduudiga waxaa lagu ballami Xamar gunteediiye gurmadkii Saleebaannadiiyo garab ma weydeene geeddiga waxaa lagu nagaan buurihii Golise iyagaa garaaddadu midnimo gaadhka ka ahaaye gacmo furan waxay kuu ogaan tan iyo gumeyse gurigii Hargeysiyo Burciyo Guban intaa taalla gaashaamo waxaa kaaga iman rag iyo gaadiide Ogaadeen garduur iyo dhul bay gaysh kasoo kicine Gudabiirsi iyo Ciisayaal kuma giriifeene gobannimo waxaa loola tagi Gaarisiyo Hawde innaga Galbeed iyo xorayn gobolladeeniiye guud ahaanba Soomaalida hiil inoo geliye gacaltooyo soo raagtay baa Herer la gaadhsiine Gondhar iyo waxaa loo socdaa tan iyo Goojaame gumis iyo gambeeluhuba waysoo gadaal noqone Tawxiidka waxaa loogu geyn gobadadoodiiye gabagabo waxaa noo ahaan geeri sharafeede hadba geesigii noo kacaa raadka sii guriye gaalada intii soo hadhaa gibir la weydiine gunna iyo heshiis been ah iyo gaws wax lagu qaato ha goblamo Islaamnimo ninkii guunyo dhaafsadaye
Waxaan markaa uga jeedaa gabayga Gaafmeer waxa weeye ninyahaw annagu xagaasaan usoconnaa Sow garan maysid walaal? Maxaad aragtay? Waxaan arkay dad raba inay halkan usocdaan raggaan arkay halkanay usocdaan. Tani waa wixi aniga aawowgay raadin jiray waa wixii awowgeygii ka horreeyey raadin jiray, waa wuxuu asalkaygu abtirsiintaydu halkay mari jirtay halkan weeye aniga abtirsiintaydu Amisom iyo Yugaandha iyo Burundi iyo ma aragtay balkanization waxaas ma marto aniga abtirsiintaydu abtirsiintaydu waa tan
[Laakiin taariikhdu miyaanay badalmi karin oo madaxda qaar iyo dadka qaar waxay yiraahdaan taariikhahaas 92di iyo waayahaas ayaa udambeeyoo waa la walaaloobay oo waxbaa isbadalay Seed u aragtaa arrintaas?]
Anigu dadka is dhiibay kuma jiro. Ninka doonaayo inuu iyiraahdo wax baa isbedelay dhinicii nagasoo horjeeday waxba iskama badalin isagaa doonayo inuu anaga dhinacayaga wax ka beddelo siduu raba inuu wax u badalana waxa weeyaan si isagana dileysa anigana idileysa kuwa naga dambeeyana dilaysa Sow garan maysid? taariikhda lama qoree iyadaa isqorta, saas daraadeed ninka yiraahda waxaan dooneynaa in la beddelo waxaasi waa… ma aragtay waa siyaasadihii hore ee traditional-ka ahaayee ma aragtay umaddu waa inay integration iyo isdhexgal iyo wax wada… waxaas ninka waxaa sheegaaya wuxuu rabaa inuu milmo, wuxuu rabaa in nala liqo waad fahamtay? Haddaaba inala liqoo inyar baa nasoo jeeda, annagu marabno in nala liqo Sow garan maysid? Marka, ninkaasi ninkan mabaadi’da ku kala tagnay weeye.
[Waa yahay. Dadka sida gaarka ah uga hadla arrimaha halganka ama xaalada wadanka ka taagan gaar ahaan dadka comment-iyada kaasoo dhiibtay oo kale marka la fiiriyo waxay qaarkood leeyihiin Abwaan Nageeye dhibaatada meeshay ka jirto wadanka waxaa kamid ah Waqooyiga Halkaasi muxuu jihaadkii iyo halgankii uga gali waayey? Maxaad ka oranaysaa su’aashaas?]
Aragti gumaysi weeye. Qofka Soomaaliga ahee dadka qaarkood waxaa laga yaabaa si aan ku talagal ahayn ama aan fahmayn inay doodda noocaas ugasoo baxdo Laakiin aragtida asaliyan aragtida sidaas ahi qofka ay doontaba haka timaado waa qof ehlul-caqli ah qof ma aragtay aan faham badan haysanin qof ku talagalaaya oo dan isagu kaleh siday doonto aragtidu haku timaaddo laakiin aragtida lafteedu aragti gumeysi weeye waa aragti doonaysa inaynu labadeenna dabka kala qaadanin ee sacii madoobaa iyo sidii caddaa iyo wixii sheekooyinkii Soomaalida ay wax noqdaan taasi taas weeye, waxaa walaala ku xiga Marka la dhiganayo Introduction to Political Science waa class-ka ugu horreeya ardayda School of Political Science markay is diiwaangeliyaan chapter-ka koowaad ee loo dhigo marka political science iyo waxaas loo sharaxo sub unit-ka ugu horeeyee loo dhigaa waxa weeyaan waxa la yiraahdo elements of state waxa weeyaan tiirarka ay dawladnimadu ku istaagta weeye Sow garan maysid? Kuwa security-guna waxaas wax udhaw bay qaataan maxaa elements-ka… marka aad dooneyso inaad nidaam samayso inaad nidaam sameyso markaa doonayso, waxaa kowaad waxaad u baahan tahay dad Sow garan maysid? Inaad dad haysato. Markaa dad hesho waxa labaadeed ubaahan tahay waxa weeye waa dhul, waa territory waa meeshii fikirkan iyo aragtidan aad xambaarsan tahay aad ka hirgelin lahayd weeye marka waaqaca Soomaaliya markaa qofka maanta fahamsani wuu fahmi karaa sababta annagu halkan ujoogno dadka halkan dhulka deegaanadan Ilaahay ma aragtay uu ku beeray Ilaahay sharaf gaar ah buu horta siiyay dadka dhulkan daggan Halgan diintooda lagu badbaadinaayo, oo dadnimadooda lagu badbaadinayay, oo maxaa ladhahaa jiritaankooda dambe lagu badbaadinaayo inay dhulkooda kusoo dhaweeyaanoo Ilaahay ku bullaaliyo dadkan Ilaahay sharaftaasuu horta siiyay Ilaahay baana cidduu doono sharafta siiya taasu taas waaye, dhulka intiisa kalana waa loo socdaa. Soo garan maysid? Markaa qofka fahamsan sida state loo sameeyiyo sida maamul loo dhisa iyo sida aragti loo riixaa elements of state qofka fahamsani walaal doodda ah muxuu hebel halkaa u tagay doodaasi sidaas ma aha. Nabi Muxammad ﷺ reer Makkuu ahaa tiirarkiisii dawladnimo Makka way ku dhismi kari waayeen Sow garan maysid? tiirarkiisii dawladnimo xagee ku dhismeen? Madiinay ku dhismeen. Marka tiirarkiisii dawladnimo markuu Madiina ku dhisuu Ilaahay Madiina, maxaa la yidhaahdaa, uu ma aragtay arrintaas ku sharfay ayaa markaa Islaamku halkaas ka bullaalay uu meelaha kale iyo adduunkii uu aaday, markaasaana Makkana la tagay. Markaa waxa weeye, qofka sidaa u fikiraaya, wixii doontaba isaga haka ahaatee laakiin aragtidaasi, aragti dhalad ahoo qof Soomaali leeyahay ma aha, meeshan aan joogo waa Soomaaliya meeshaan usocdaa waa Soomaaliya, meela ka durugsan waa usoconnaa haddii Ilaahay yiraahdo Soo garan maysid? marka walaal waxa weeyaan muxuu hebal halkan utagay iyo muxuu halkan utagay? suurtagalnimo wax la yiraahdo ayaa wax lagu dhisaayaa suurtagalnimada marka qofka raba inuu wax fahmaa waa fahmi karo. waa sidaas.
[Waa tahay, aad baad umahadsan tahay. Abwaan! in badan ee ka hor wareysiga waxaan aqriyey gabayadaada qaar waan daawaday Waxaad xoogga saartaa Xabashida. Xabashida maxaa ku daba dhigay?]
Walaal, waxaan is leeyahay Xabashidu horta gobalkan Geeska Afrika layiraahdaa waa gobol aad umuhiim ah siyaasad ahaan, dhaqaale ahaan, istaraatiiji ahaan Waa ma aragtay, waa gobol ethnicity kala duwan, dad ma aragtay afafkoodii, qawmiyadahooda woxoodu kala duwan yihiin, waa very fertile land, waa dhul ma aragtay khayraad badani ka buuxo very strategic weeye Saas daraadeed, gobolkan Innaga taariikh dheer oo innaga horeysay baa jirta, inagu hadda taariikhda bilaabi mayno. Nimanka Xabashi layidhaahdo waxay calanka usidaan: kow diinta Kiristaanka. Calankeeda inuu saydareeyo dhulkan hamigoodu wakaas. Anigana hamigeygu waxa weeye hadaan Soomaali ahay calanka Muslimka ee Tawxiidka leh baan sidaa. Horta taa waa isku haysanna annagiyo Xabashi. iyo wixii la socda. Dalna waa isku haysanaa, sow garan maysid? markaa taariikh dheer oo dhan waxay noo sheegaysaa waxa la isku haysto waxa weeye waa dal iyo diin, labadaasaa laysku hayaa Iyaguna waxay rabaan dadnimadooduba in ay koreyso diintoodu koreeyo anaguna waxaan rabnaa inay diintayduna korayso dadnimadayduna ay korreyso midba wuxuu rabaa inuu kan kale liqo Soo garan maysid? Boqolkii sannadood ee ugu dambeeyey intii horaba marka la yimaado, boqolkii sannadood ee ugu dambeeyey wixii doonaaba ha sababaan, laakiin Soomaalidaa lariixaayay ayaa la riixaaayey. Waa ta maanta markaa qof Soomaali ah ka keeni karta maxaa la yidhahdaa waxyaabaha dee maqmaqlayso faraha badan ee maalin walba aad saas daraadeed walaal waxa weeye aniga wixii awowgey uu difaacanaaye aan difaacanaaya Sow garan maysid? Wixii awowgey uu difaacanaayay taariikhda dheeree aanu leenahay wixii ay noo dhigtay ayuun baa… su’aashaad iweydiisay haddaan jawaabteeda weeyaan walaal, waxaan daba socda anigu. Sow garan maysid? iyaguna way daba socdaan iyaguna way daba socdaan, woxoodey rabaan inay hirgaliyaan aniguna teydaan rabaa inaan hirgaliyo Marka taariikh baa inoo dhaxaysa, diin baan isku haynaa dal baan isku haynaa, dad baan hadda isku haynaa. Sow garan maysid? isu awood sheegasho assimilation iyaguna waxay rabaan inay annaga na milaan anaguna waxaan rabnaa inaan iyaga milno. Waa sidaas walaal.
[Waa yahay. Daawadayaal weli waxaan dhex maquuranaynaa wareysiga aanu la yeelaneyno Abwaan Nageeye Cali Khaliif. Abwaan, hadda waxaa taagan arrinta badda Soomaaliya heshiis, Xabashidu waxay leeyihiin: bad dakad, dhul ayaa naloo saxiixay Maxaad ka odhanaysaa? Sayse u aragtaa?]
Walaal waxaan u arkaa Sidii qof Soomaali ahoo miyir qaba uu u arko. ayaan u arkaa Waa arrin halis weyn leh Sow garan maysid? Waa arrin ay tahay in aanu qof Soomaali ahi yeelin. Waa arrin, dee wixii awowgey diiday in maanta anigu aan yeelo runtii wax aad u qaraara weeye. Saas daraadeed Jiilkii Soomaali ugu guunsanaa taariikhda inta la garanaayo ayaan aniga iyo adiga iyo inta maanta noole aan noqonaynaa haddii waxaas suurtagalaan. Markaa qof kasta oo Soomaali ahoo miyir qaba Wixii uu ka aaminsan yahaan ka aaminsanahay. Waa meeshii la rabay in Waqooyi lagu liqo kadibna Soomaali oo dhan lagu liqo kadibna taariikhdii hadda aan sheegayey la kala difaacanaayey een aniguna kor usocday isaguna hoos iyo xeeb usoo socday, meesha maanta dooddu ka taagan tahay waa Zaylac marka waa Ruush iyo Maraykan waa… oo ku kala murmaaya Moosko iyo Waashinton waxay lamid tahay hadda aragtidaan ninka layiraahdo Buutin oo Waashinton dul fadhiistay oo deedna nin Mareykani la weydiiyey sideed u aragtaa in Waashinton uu Ruushku yimaado? saas oo kale waaye occupation waaye Soo garan maysid? markaa saasaan walaal anigu ayaan… in la yeelana ma aha! qof Soomaali inuu arrintaas yeelo ma aha. Ma… suurtagal ma aha inuu qof Soomaali arrintaas aqbali karo Maxaa dhibaato ay leedahay? Hadafku waa in Soomaalida la liqo waaye in nala liqana ma rabno jiritaankayagi… waa identity-gayagii, identity… Maahmaah aan fiicnayn baa jirta, laakiin Soomaalidu ku maahmaahaan, waxay yiraahdaan: nin gabadhaada raba inantaydaan kusiiyee guurso kuma jooga ninyohow Sow garan maysid? Waxaa la rabaa deked wax lagalasoo dago ma aha Waa dhul iyo bad la qaato waaye. Soo walaal garan maysid? Annagu wax la qaata ma hayno Markaa Itoobiya waxay rabto waa waxaan kuu sheegaayo waaye Waxaan kuu sheegayo weeye markaa qofkii Soomaali arintaas isku daya inuu aqbalo dhimashadiisuu gacantiisa ku saxiixay.
[Markaa ma u qalantaa… Muusoo kale wuxuu yiri diyaaradda Itoobiya oo kale ayaa share nalaga siinayaa caalamka ayaan nalala garab galayaa. Arrimahaas ma u qalantaa baad isleedahay heshiiska mase loogu garaabi karaa?]
Walaal, ma aragtay frankly speaking dhul horta aqoonsi laguma badasho Markaan si rational ah aan uwada hadalno Dhul la bixiyo ama dek… ama bad la bixiyo aqoonsi laguma bedesho Meeshan, meeshi la aqoonsanayay weeye marka dad lasiiyo xagee la aqoonsanayaa? Ethiopian Airlines iyo maxaa layidhahaa share-rar xaafado iyo hebello iyo magacyo ma aragtay lagu qaato I think ma aragtay that’s a crazy idea. Waa arrin aan, aan qof Soomaali aanu maqli kari waaye aanu maqli karin.
[Madaxda dawlada federaalka marka taa laga yimaado aad bay arrintan uga hadleen weliba si kulul Waxay yiraahdeen waan ka difaacaynaa Itoobiya mana qaadan karto baddeena seed u aragtaa arintaas?]
2011kii ayaan gabay tiriyay la yidhaahdo:
Weli Lama Xoroobinee Hadaan Dhuuxin Xaajada’e Xudur buu gumaysigu wabsaday xalayte fiidkii Xabashi wuxuu soo wadaa xulafo Shaydaane waa xeebahayga waxay niman xaraasheene nin ragoo wixiisii la dhacay taa xamili waayay waa xeer inoo yaal haddaa Xamar ilawdaane xarago nama naawilo intuu xaal sidaa yahaye mar haddii xakamihii go’oo la is xiniin taabtay xarakooyinkaadi waad ogtahay maluhu xaaraan.
waxaan kawadaa waxa weeye, waxaa la isku haystaa “dilaalka yaa qaadanaaya?” Heshiis baa lagu yahay in Soomaaliya la iibiyo. Sow garan maysid walaal?
[Yaa ku ah?]
Wixii aan ka hadlaayey, waa anigu kugu dhahay dadku waa kala bexeen markay dadku walaal kala baxeen ee rag uu mabaadi’ ku kala tagay wixii adeegayaasha af-Soomaaliga ku hadla aan kuu sheegayey waxay heshiis ku yihiin in Soomaaliya ay dilaal ka qaataan oy iibiyaan heshiis bay ku yihiin waxaa la isku haystaa waxa weeyaan dilaalka yaa qaadanaaya Yaa dilaalka qaadanaaya? Markaa niman dilaal isku heysta ayaad magacyadooda Cabdifataaxow iigu celcelinaysaa mabaadi’ iyo aragti iyo dal difaac iyo dawladnimo difaac iyo ummad difaac ma aha laakiin waxa la isku haystaa ma aragtay dhadhammada meeshaas ka imanaysa iyo ma aragtay sida ay kala noqon karto.
[Waa tahay. Qadiyadan markaa dadka Soomaalida ah aad bay uhadleen dareenka ay ka bixiyeen iyo siday uga hadleen maxaa kaaga baxay?]
Dadka Soomaalida ah si guud waa bogaadinaayaa dareenka arintaas ay ka muujiyeen Waa bogaadinayaa Waxay muujiyeen sida ay uga xun yihiin iyagoo oo goob jooga in dhaxalkooda la qaybsado iyaguna ay gunnimo iyo dullaysi iyo gumaysi ay ciiddooda iminkaba wey ku jiraane wax waxaa ka daran ay ka dhacaan dadka si guud waa bogaadinaayaa Dadka reer Waqooyina si guud iyo si gaar ahba iyagana waa bogaadinayaa ee arrintaas ay gondahooda la doonaayo inay ka billaabanto Sow garan maysid? Laakiin intaas kuma filna anigu waxaan qabaa intaasi maku filna. Waxaa ii muuqata dadku weli inaaney fahmin halistu inta ay le’egtahay Halistu inta ay leegtahay inaaney weli dadku fahmin baa ii muuqata saas daraadeed waxaa jirta odhaah aad u caan baxdayoo ma aragtay ah Itobiyaanku waxay rabaan iyagoon xabad ridin inay Waqooyi qabsadaan iyagoon xabad ridin inay Waqooyi qabsadaan demographic change inuu dhaco.
2015kii ayay ahayd markii aan gabaygii Dheygag tirinaayay. Dadkuna intaaba waa ka hadlaayeen waxa socda. Saas daraadeed, khatartu inta ay le’eg tahay dadku inaaney weli wada dareeminoo miizaankaas aanu helin ayaa horta ii muuqata.
Gabay baa waxaa ku jiray la oran jiray Goobyaal 2022ki:
Adduunyada walaal marka sidan oo kale ummaduhu ay isugu gardaroodaan ee damacu halkan oo kale uu gaaro Rag baa ninyohow naftooda hura oo dhiigooda umaddooda ku badbaadiya Wixii marka la… maxaa la yiraahdaa School of Realism, the power politics, weeye waa muruq iyo cudud iyo wax inaad wax iska celin karto waaye Saas daraadeed waxaa walaala ii muuqata dadku aragtiday qaateen waa… ma aragtay waa ku bogaadinaayaa laakiin diyaar garow baa lama huraan ah in la diyaar garoobo, la diyaar garoobo, la diyaar garoobo ayaa walaal lama huraan ah.
Nimanka hogaanka ah waxaan leeyahay, ninyohow kolley cimri uma harin inaanay ceeb ka tegin oyna ummaddaa ceeb uga tagin ayaan iyagana u sheegi lahaa haddii ay maqli karaan.
[Ceeb noocee ah? Sidee ceeb uga tagaayaan ummadda?]
Walaal in Zaylac maanta la qaato anigu ceeb ka weynoo qof Soomaali ah ku dhici lahayd ma aqaano. Markaa ninkii taa hormuud ka noqda wuxuu ka tagay waxaan qofka isaga ka horeeyay ka tagin.
Walaale waxaa jiray gabay la yiraahdo Dhabannahays Dhabannahays la yaab weeye, la yaab weeye Waxaa lala yaaban yahay waxa maanta ma aragtay Soomaali dhulkeedii ka dhacaaya si guud, iyo si gaara arrinta hadda aad carabka ku dhufatay. Marka gabaygaa Dhabanahays la yiraahda baa jira.
[Muxuu si gaar ah ee diiradda u saarayaa?]
Dee nin dhabanka iyo gacanta isa saaray nin yaaban horta weeye, taas waa kow.
[Waa nin anfariirsan.]
Haa. Tan labaadna waxa weeyaan dadka arrintaas ay khuseyso ee Soomaalida ah si guud si gaara dhalinyarada oo ah dadka maanta mustaqbalkoodii uu taagan yahaye waxaasi iyaga ay khatarta ugu weyn ku… dee xooggi dalka iyo ummadda iyo dalkanna ma aragtay ah inay waxaa iska diidaan Intaasuu walaalle ku saabsan yahay. Markaa Dhabannahays wuxuu yiri:
Shareecada ninkii dhinac maray iyo dhoohan keligeede dhugmo nimaan lahayn iyo ninkii dhuuntay haw caban e dhal shisheeye iyo kii habraday lama dhagaystaane dharaariye wixii nool tashigu iga dhammaan waayey ma dhakoolo ruuxii niyada hawli dhibaysaaye dhafarka iyo soo jeedku waa dhaaxa abidkeeye hadba waxaan la sii dhololayaa dhaawacaan ahaye dhafooradu waxay ila goteen waan dhadhabayaaye waa dhabannahays xaajadaan dhuux ku leeyahaye niman baa dhudhun adag ka riday sidigtii dhaameele dhaxalkeenii bay tuuganimo dhaqayo siisteene iyadoo wixii hore u dhacay dhiidhi hari waaye saakana dhibaatadu haday tarihi soo dhaaftay xeebaha dhammaantood haddii Xabashi loo dhiibay hadba koran la dhaansaday haddii dhidir la muuneeyey
Yaah?
Hadba koran la dhaansaday haddii dhidir la muuneeyey Allay lehee dhigaal iyo war way kala dhaqaaqeene…
Macnaha hadal xilligeeda waa dhamaaday!
Dhalinyarada Soomaaliday!
Haa, wuxuu yiri:
Hadba koran la dhaansaday haddii dhidar la muuneeyey Alley lehee dhigaal iyo war way kala dhaqaaqeene dhalinyarada Soomaaliday hay dhaliilinee dibadaha kuwii dhoofayoo waa fariin dhab ahe mar haddii han lagu dhaato iyo teenii dhicisowday dhacadiidka iyo jiifka waa soo dhadhamiseene…
War ninyohow haddii ma aragtay iska fadhi iyo waxaasi hadday macne leeyihiin waa la soo dhadhamiyay.
dhacadiidka iyo jiifka waa soo dhadhamiseene ficilkiini baan dhowrayaa dhumucda waynaaye waxba yaan caleentii la dhilan aa ku dhacanteene waxba yaan dharaariyo habeen muranku dheeraane waxba yaan aduunyiyo la dhaqan dheefta xoolaha e waxba yaan dhaqaaliyo la helin dheg iyo maamuuse waxba yaan aroosiyo la dhigan dhaadashada guure waxba yaan dhabeel iyo la qabin dhudi filkeediiye dheddigiyo labood hawsha way naga dhaxaysaaye hadal dhiga dhufeysyada camira daaya dhalanteedka dhayal diida hawsha u dhakhsada socodka dheereeya dalka dhiciya dhiillada ukaca dhamac utaagnaada dhagaraha gumeysigu yaqaan dhab udaraaseeya dheelalaabada iyo sheekadii dhinac ka weydaarta dhiifooni kama maarantee dhiiri galin yeesha dhar magaala iyo xiisihii run uga dheeraada gun baa dharaga lagu seexiyaa dhuuni ka ahaada gobannimo dhib baa kaa xigtee samayn ka dhuubnaada.
Sow garan maysid?
Gun baa dharaga lagu seexiyaa, dhuuni ka ahaada gobannimo dhib baa kaa xigtee samayn ka dhuubnaada Halna waa dhambaal aan udiray dheega Xabaasheede cid kusoo dhaweysa iyo haddaa dhaanta filaneyso…
Intaa dhulkayga iska qaadato dee haddii aad is leedahay waa laguu dhaanteyn doonaa sacabkaa laguu garaaci doonaa…
Halna waa dhambaal aan udiray dheega Xabaasheede cid kusoo dhaweysiyo haddaa dhaanta filaneyso ummad dhaga nuglaatiiyo haddaad dharaq na moodayso dhawaaqiinna iyo sheegashadu nooma dhaadhicine dhasalaalaqiyo baanisuhu way iska dhalanteede…
waa muddo isu soo bax iyo bad baanu helnay wax badan baa laga soo sheegay nimankaas aynu hadda hadal hayno…
dhasalaalaqiyo baanisuhu wayska dhalanteede dhulkayagu agoon ma aha iyo dhaxalka yaallaa e guutooyinkii loo dhisaa dhooban furimaha e dhalandhoolka iyo raacdadiyo gocasha dhuubteene dhirta iyo waxay weheshadaan dhaxanta jiilaale kumanaan is wada dhaarsadoo dhiirran baa maqane naabaaladaa dhacaya iyo dhamacda baaruuddu cahdigeenu meel dhigannay iyo dhimasho weeyaane dhiig iyo waxa inoo balan ah dil iyo dheecaane
[Waa tahay. Abwaan ee waa gabay runtii aad u dhumuc weyn waxaad ku baaqday in hadalka ficil loo badalo, ayaad ku baaqday intaanan horay usii socon gabayga horta adigu halkee buu kaasoo galay? Waa tii la oran jirey:
haddaan gabayga uurkoo bukiyo arrimi kaa keenin asaan oog jacayl iyo kalgacal kugu ijbaaraynin afka un baad ka leedahee tixuhu arar ma yeeshaan.
Halkee kaasoo galay gabayga?]
Cabdifataaxoo walaal marar kalena waxaan u malaynayaa inaan sheegee horta gabaygu waa iska hibo uun weeye. Hadduu ahaan lahaa wax ninkii caroodaaba uu gabyi karo dad badan oo caraysan baa jooga waxba kasoo bixi la’ yihiin. Sow garan maysid? Hadday hi’ ma aragtay dhaxal iyo ma aragtay dadkii kaa horeeyay waalidiinta ahaayoo gabyi jiray ay tahayna waxaan isleeyahay reero gaar ahoo gabyaa un baa Soomaalida ku jiri lahaayoo dee iyagu kala dhaxdhaxla oo mid aabbihi gabya mid awowgii gabya deedna sidaa ma aragtay… Waxaa ninyohow is leeyahay waa iska hibo, waa qaybaha Ilaahay dadka wax u qayb qaybiyey qeyb kamida halkaa meel uma dhaafin karo.
[Waa tahay. Markii la rabo dee in wax la beddelo dadku waxay leeyihiin dad elite ah oo hormuud ah oo dadka hoggaamiya culimadaa kamida, aqoonyahankaa kamida maxaa farriin ah oo dhinacaasna aad udiri lahayd?]
Anigu waxaan is leeyahay horta waa la qasban yahay waa la qasban yahay Qof kastoo si rational ah u fikira wuxuu arkayaa maanta waaqaca hortiisa yaalla in la qasban yahay options-kaan haysannaa ma badnaba option-no badanoo aan kala doordooranno ma haysanno. Haddii danta guud ay burburtana mid gaar ihi ninyahow ma jirayso. suurta gal maaha inay jiri karto option-nadaan haysannoo dhanna way soo urureen illaa inta ugu badan lee ayey soo urureen.
waxaa jiray gabey intii aan hadda meelahaan joogay qayb kamida ee caawa gabaygaas makuu marin doono laakiin qayb kamidaan kuu sheegi doonaa Wuxuu ku saabsan yahay haddii waxa jira ay sidaa usii jiraan, ay ahaadaan Waxaa la yiraahdaa qof kasta jidka uu ku qasban yahay ma aragtay. Wuxuu yiri:
Inta uu Hargeysiyo kufrigu Xamar ka heesaayo hooyaalaydi gabayga iyo dhaaftay hadalkiiye hagardaama kama dhawrsatee had iyo laayaane…
meeshaan usocdaa waa halkaas. Yaah? Waa lagu qasban yahay meeshaan ku leeyahay waaye
hagardaamo kama dhawrsato iyo had iyo laayaane hoonbaro waxay soo wadaan kale horjoogaye hoosaasinta nagaga daran soo hulaabsiga…
Nin aan ogahay ninkan duulimaadka igu ah inuu la socdo ayaa wuxuu rabaa inuu iisoo hulaabtuu ii hoosaasiyo cadawga waa ragga hadda aad sheegaysay hebel baa baaq soo saaraye hebel baa, waxaas hoosaasin waaye
hoosaasintaa igaga daran soohulaabsiga e gobanimo daleel lagama helo waana la hubaaye hantatoobsi kama maarantiyo higil colaadeede markii ay hululaha gashaan huray naftaydii heeciyo magaan dawladnimo kuma halleeyeen nin wax lagu halleeyaa ninyuu jiraa heeciyo magac dawladnimo kuma halleeyane anigubaa hantaaqi dhib iyo jiidhe halistii harka galee habeeniyo dharaar waan hamiyayaaye habaqlahan is dhaafiyee warkii hugunka yeedhaaya halxidhaalihiyo sheegashada lagu haliilaayey hanjabaadda iyo baanisaha hilowga ciiddeena waxa la isku haystaaba waa sidigtii hoobaane.
Sow garan maysid?
Waxa la isku haystaaba waa sidigtii hoobaane waa lama huraan…
Yaah?
waxa la isku haystaa waa sidigtii hoobaane waa lama huraan dhiigga iyo hiilka dirireede…
Ma garatay Cabdifataaxow warkayga?
walaal waa lama huraan, option-nadu ma badna, waa lama huraan. Marka walaal waxaan uga jeedaa, gabaygu waa dheeryahaye.
[Marka waxaad leedahay dagaal baa qasab ah?]
walaal qofka… waa la qasban yahay macnaha options-ku ma badno, qofkii isagu surrender sameynaaye isdhiibaaye hoggaansanaaya ma ku jiro waxaan ka hadlaayo laakiin xal kale…
[Siyaasadda ayaa soo baratay adduunka mararka qaar siyaasadda ayaa wax lagu xalliyaa diblomaasiyaddaa wax lagu xalliyaa fursaddaas ma haysanno miyaa haddaan nahay Soomaali?]
In diplomatic relations markaa la leeyahay ma aragtay bilateral ayaa wada hadlaayoo wax isusheegayoo negotiation sameynaayo ma aragtay isu tanaazulaayo horta waa power balance inuu jiro waaye principle-ka koowaad waa kaas waaye in labadaa qolo inaanay qolo moodahayn inay qolada kale liqi karto ciddaad igu leedahay marka diblumaasiyad wax halagu xalliyo waxa weeye waa cid aaminsan inay iliqi karto, markaa qof rababa inuu iliqo sidee buu negotiations iyo ma aragtay mediations iyo ma aragtay gorgortan seen uwada gali karnaa wuxuuba rabaa inuu iliqa ee horta dee waa inaanu… horta waa inuu halkaa taga dee eeg meesha lasku haysto marta hadda Zaylac weeye Sow garan maysid? marka nin Zaylac igu haysta walaal wada hadalka iiga furan nin gurigeygii igu haysta iyo carruurtaydii iyo maxaa la yidhaahdaa ma umaleynaayo, markaa waxaan ujeedaa walaal waxa weeye waa lama huraan yaah dhiig dirireed meeshaa usocdaye ma aragtay gabayga hadda ixusuusisay halkaas ahayd marka ninyahow anigu waxaan islaayahay kow waxaa lagu qasban yahay waxaa walaal lagu qasban yahay in arrintaas ficil lagaga jawaabo horta waa lagu qasban yahay, waa kow in dadku ay diintooda iyo dadnimadooda iyo maxaa la yidhaahdaa jiritaankooda iyo maxaa la yidhaahdaa naftooda iyo damiirkooda inay difaacdaan horta ninyahaw waa lagu qasban yahay waa individual level analysis hadda waxa ay maraysaa waa qof kasta mas’uuliyad saaran waaye Sow garan maysid, walaal? individual level analysis waa yaqaanaan ardayda dhigata School of Political Science waa individual level analysis ayay maraysaa hadda taasaa u wacan.
Intaas walaal waxaa ii raaca dhalinyarada Waxay yiraahdaan, maahmaah Soomaaliyeed baa jirta, waxay yiraahdaan: hooya kastaa gorgor iyo dhowr tukee dhashaa bay yiraahdaan Gorgorka waxaan leeyahay maanta ninyahaw maalintaadi waaye Maalinti waxa socda aad diidi lahayd weeye Berri ma jirto! waad qasban tahay, taasu intaasi waaye.
Odayada… waxaan leeyahay ninyahaw Xabashi idinkaa naga yaqaanna markaan warka soo uruuriyo in bal faragalinaha kale iyo waxaas meel iska dhigee hadda meesha qadiyadaas aan ka hadleene aan ulaabto Xabashi idinkaa naga yaqaan Waxaan aan ku hadlaayana idinkaa noo sheegay Sooyaalka taariikheede idinka idin ku dhex jira ayaan ka barannay waxaan aan ku hadlayo waxaan leennahay cimrigiinna ceeb iyo godob iyo gunnimo aan deegaannadaa iyo dhulkaa iyo dadkaas aan ka zuulin ma aragtay, hawga tegina taariikh cusub oo gunnimo ah hanoo qorina.
Culimada iyaga… waxaan leeyahay waa taqaannaan Diinta maanta halka ay wax maraayaan waa taqaannaan mas’uuliyadda idin saaranna nin waliba waa garanaayaa ninkii isagu iska diida mooyaane…
Nidaamyada… dadka nidaamyada, ama askarta u ah ciidamada u ah, waxa noocaas ah waardiye… gunnimada la rabo in ubadkaaga iyo gurigaaga iyo waxaaga lagu qaato ninka ilaalinaaye waardiyaha u ah waxaan leeyahay laba jeer fikir twice ayaad ubaahan tahay inaad fikirto waxa aad difaacaysaa gunnimo adiga la rabo in lagugu gumeeyo inaad difaacataa aniga waa ila qadhaadhahay markaa walaal. Intaasaan leeyahay iyagana.
Ugu dambayntii marka raggaa dagaalamaaya iyagu dhagartaa mar horee Ilaahay ku baraarujiyay iyagana hawl weynaa u taallo hawl aad uweyn ayaa utaallo.
Waxaa jira gabay la yidhaahdo Diilalyo oo safarkeygaan meelahan ku marmaraayay [ayuu ka hadlayaa?] Ayuu ka dhashay, kama hadlaayo, laakiin socsocodkaygii meelahan aan soconaayey. Wuxuu yiri:
Danta naca dagaaladu ukaca celiya duulaanka dabka huriya duunyada la baxa dirirta xoogeeya u dib jira daleelada xamila diifta ku ahaada dalka dhiciya Diinta u halgama damaca wayneeya harka diida daaraha ka taga dumar ka dheeraada godka dumiya daafaca ugala meel fog ugu daata dadaal bixiya heensaha dugsada duurka ku cirreystay cirka dega daruuraha huwada diiradlaha booba digtoonaada fiirada ku dara daran u taagnaa.
idinkana shaqadaas ayaa idin taal.
[Daawadayaal intaa ayaan kusoo gabagabaynaynaa guud ahaan wareysigii gaarka ahaa ee aanu la yeelanay Abwaan Nageeye Cali Khaliif. Tan iyo intaanu ku kulmi doono wareysi noocan oo kale ah waxaan idinku dhaafaynaa
[Waxaanu wareysaneynaa Abwaan Nageeye Cali Khaliif. Waxaanu ka wareysaneynaa arrimo siyaasadda iyo saxaafadda la xiriira. Abwaan Nageeye ku soo dhawow Idaacadda Islaamiga al-Furqaan mar kale, inkasta oo ay jirtay xilli horoo aan wareysi kaa qaadnay.]
Aad iyo aad baad u mahadsan tahay Cabdullahi. Waa dhawahay. Aadaa u mahadsan tihiin.
[Adiguna waan kuu mahad celineynaa sida aad nooga ogolaatay wareysiga. Soomaaliya waxaa ka jirta saxaafad maqal iyo muuqaalba leh iyo mid daabacan intaba, adiguna macalin saxaafadeed ayaad ahayd. Ka waran saxaafada Soomaalida ee maanta jirta iyo qaabka ay u shaqeyso.]
Cabdullaahiyow saxaafaddu marka ay fahamsan tahay mas’uuliyadeeda, marka ay fahamsan tahay shaqada ay leedahay shaqada baadhis ahaaneed, shaqada isu dheelli tirka wararka iyo xogaha, shaqada dabagalka, saxaafadu si guud marka ay shaqadaa ay leedahay ay fahamsan tahay, waa door weyn waxay ka qaadataa horumarka bulshooyinka ay runtii ay ku leedahay xaqiiqooyinkay soo bandhigtaa, waxay daba gashaa waxa la yiraahdo political elite, political elite-ku inta badan… waxa weeye hoggaanka siyaasiga ah weeye, markaa saxaafadda waxa ay abuurto waxay abuurto waxaa la yiraahdaa isla xisaabtan isla xisaabtankaas waxa weeyaan dadka hogaanka jooga wixii ay qaldeen in tooshka lagu ifin karo bulshada lagu baraarujin karo, waxay soo bandhigtaa khaladaadka dadka madaxda hogaanka ka dhaca ayey soo bandhigtaa. Markaas saxaafaddu marka ay fahamkaa ballaaran haysato ee maxaa la yidhaahdaa in ay isu dhigto inay tahay isha isku xidha maamulka meesha ka jira iyo dadka la maamulo-haa marka isku fahamsan tahay, door wayn bay ayey runtii leedahay. Tan Soomaalida walaalo haddaan usoo laabto si guud waagii hore waxaa jiri jiray wax la yidhaahdo traditional media ama warbaahintii taqliidiga aheyd ee jaraa’iddada ka soo bilaabata magazines lahayd, filimada lahayd, markii dambe raadiyowga lahayd, Soomaalidu markaa waxay ahayd si guud adiguna runtii aad baad xog-ogaal ugu tahay, idaacadda waxay ahaan jirtay warbaahinta ugu weyn ee ay Soomaalidu leeyihiin. [Oo dadku dhagaystaan?] Ay dhageystaan. Waxyaabo badan baa laga yaabaa in ay keenaan waxyaabaha in ay idaacaddu caan noqoto Soomaalida dhexdeeda lagu sababeeyo waxaa kamida kow: Soomaalidu akhriska iyo qoraalka uu ku yaraa, oo Soomaalidu akhriskeedii iyo qoraalkeeda farteeda marka la qorayna waaba iska dambaysay, ilaa maantaynu wada hadleyno Soomaalidu si guud akhriska iyo qoraalku wuu ku yar yahay, dadka wax akhriya iyo dadka wax qora tira ahaan waa yar yihiin. Sidoo kalena dadka wax qora waxay yiraahdaan Soomaalidu intay wax akhriyaan waa oral society eraygaas runtii inoo baxay ma aragtay dunida dhexdeeda oo bulsha hadasha oo ma aragtay oratory leh weeye bay yidhaahdaan. Arrimahaas oo laysu geegeeyey ayaa waxay keeneen inay idaacaddu noqoto tan ugu weyn ee Soomaalida public opinion-keeda ama ra’yul-caamkeeda jahaysa. Isbedel warbaahineed baa dhacayoo waxa loo bixiyey hadda warbaahinta baraha bulshada ama social media ama citizen journalism ayaa soo baxay Berigii hore idaacadaha ama TV-yada ama jaraa’iddada waxay lahaayeen wax layiraahdo editorialpolicy. Editorial policy waxa weeyaan qofka reporter-ka ama weriyaha ahi inuu war keeno, qof tafaftire ahi uu ka eego wixii uu keenay, ma sugan yihiin? Anshax ahaan siday yihiin? Il-wareedyada laga soo xigtay siday yihiin? In waxaasoo dhan la fiiriyo. [Oo la kontoroolo?] La kontaroolo. Citizen journalism-ki wuxuu keenay waxay yiraahdaan waa democratization of news waxay leeyihiin waa warka in la dimuqraadiyadeeyo, macnaheedu waxa weeye in warku la dimuqraadiyadeeyo waxaa looga jeedaa waxa weeyaan warkii uu idaacadda aniguna aan weriye ahay, adiguna tafaftiraha ahayd hebelna uu dhageystaha ahaa process-kaas maraayey, process-ka in la burburiyo weeye, qof kastaa meesha uu joogo ayuu wariye ku yahay, qof kasta meeshuu joogo ayuu la dhegaystay ku yahay, qof kasta meesha uu joogo ayuu dhegeyste ku yahay, wax weriye la yidhaa ma jiro, wax la-dhageyste layiraa ma jiro, wax dhageyste la yidhaahdana ma jiro. Citizen journalism-ku macneheedu waxa weeyaan qof waliba hadduu smartphone haysto wuu warrami karaa isagaa la dhegeysan karaa. [Uu telefoon hadduu haysto oo maqal iyo muuqaal leh?] Maqal iyo muuqaal ah, internet coverage-na uu leeyahay isaga la dhageysan karaa. Taasi markaa maxay meesha ka saartay? Waxay meesha ka saartay wax la yiraahdo, inta badan aan iraahdo wixii ethics-ka saxaafadda la oran jiray. [Shuruucda saxaafadda?] Iyo anshixii, haa… Law and ethics waa sharcigii saxaafadda, iyo anshixii saxaafadda, labadiiba way burburisay sababtu waxa weeyaan, dadka hadda warbaahinta soo galayee citizen journalism-ku uu keenay waxa weeyaan waa qof aan lahayn xirfaddii loo baahnaa, tababarkii loo baahnaa ee saxaafadeed aan lahayn weeye. Kuwaasaa marka maanta dadka u warrama, kuwaasaa malaayiin ay ku xiran yihiin, macnaha dadka isticmaala maanta social media ee Instagram isticmaalaya ee Twitter isticmaalaya ee Facebook isticmaalaaya, maxaa la yiraahdaa, dee waad yaabaysaa, macnaha statistics-ka la sheegayaa intay tiro le’egtahay. Kuwaasaa marka maanta ra’yul-caamka bulshooyinka haga, Soomaaliduna kuwaasay kamid tahay. Markaa ra’yul-caamka Soomaalida maanta waxaa haga dad aan lahayn xirfad warbaahineed, laba: xirfadda warbaahinta aqoonta haddaanay lahayn, dadkii horay idaacadaha ka shaqeyn jiray eed adigu soo gaadhay ee laga yaabaa si fiican u wada garaneysaa, khibrad warbaahineed oo muddo dheera bay lahaayeen, khibraddaa warbaahineed waayo aragnimadaasaa waxay siisay inay wax kala soocsooci karaan, wax hubsan karaan verification sameyn karaan neutrality-ga ilaalin karaan, ma aragtay ay waxaas ka shaqeyn karaan. Dadkan yaryaree marka maanta warbaahinta ka shaqaynaya skill-kiina malaha, oo tababarkii saxaafadeed ee loo baahnaa ee ay ma aragtay education-ka may soo qaadan, formal education-ka may soo qaadan waxbarashadii tooska ahayd, waayo aragnimo ku filan oo ay saxaafad muddo ku soo jireenoo, ay soo practise-gareeyeenna malaha. Sidaasay marka warbaahinta Soomaalida maanta kuwaasaa ra’yul-caamka hagaaya waxaa citizen journalism-ka loo bixiyey baanay Soomaalidu maanta dhalinyaradeedii iyo warbaahinteeda ay qeyb ka tahay wax layaalo wuxuu caqabad citizen journalism-ka uu leeyahayna saaxadda Soomaalida maanta waa taallaa.
[Waayahay. Waad mahadsan tahay. Marka waxaad leedahay anshaxii saxaafadda waxa loogu yeero ama loo bixiyey lama dhowro oo waa laburburiyey.]
Ereyga waa la burburiyey ma isticmaali karee laakiin runtii dhaawac badan baa loo geystay, waxa dhaawac u geysanayana waxa weeyaan hanaankii loo mari jiray in war la sameeyo, waxa jira wax la yiraaho elements of news. Wixii maxaa la yiraahdaa… way dhaawacmayaan, sababtu waxa weeyaan adigi baa weriye adigi baa cameraman ah adigi baa editor ah, adigi baa warbaahiye ah, adigi baa dhegeyste ah, waxoo dhan adigaa isu ah, adiguna isma inta badan self-censorship qofku inuu sameeyaa way adag tahay, qofku wuxuu isagu soo gudbiyey inuu qaladkoodiyo saxooda kala arki karo inta badan way adkaataa, wuxuu ubaahan yahay cid kale oo ka waayo aragnimo badan oo editing ku samaysa wixiisii, oo ka hubisa oo wixii qalad ah ama anshax ahaan qalad ah ama waaqici ahaan qalada, marka qaarkood run aan la sheeginaa jira, do no harm wax la yidhaahaa xeerka saxaafadda kamida, hawga sii darin weeye af Soomaali, xaqiiqa aad og tahay haddaad og tahay xaqiiqadaa haddaad soo bandhigta inay wixii wax ka badan keenayso, dhibaato ka badan ay soo bandhigeyso, waxaa layiraahdaa hawga sii darin. [Marka hawga darinee ka jooji weeye?] Hawga darinee ka jooji, waxaasoo dhan hadda cidi ma taqaano.
[Marka qodobada ugu waaweyn ee aad odhan karto waa lagu tuntay ee anshaxa saxaafada maxaa kamida?]
Waxaa kamid ah kow: xeerka ugu weyn ee saxaafadda isticmaasho waxa la yiraahdo trust weeye, waa kalsooni in warbaahinta kalsooni lagu qabi karo, qofka weriyaha ahi markuu war sheego warkaa uu sheegay waa in qofka muwaadinka ah ee shacabka ee baadiyaha jooga ee dhagaysanaya warkaa uu sheegay waa inuu ku go’aan qaadan karo waaye. Haddii maanta aad ii warranto oo warkii aad ii sheegtay aan aamini waayo credibility wuu dhaawacmaa, macnaha misdaaqiyadii aan kuugu qabay ay dhaawacanto wax saxaafad ahoo kuu haray ma jiro. Marka waxaan isleeyahay saxaafadda Soomaaliya maanta waxyaabaha dhaawacmay ee caqabadda weyn runtii ah waxaa ka mid ah in kalsoonidii lagu qabay in war laga qaataa runtii aad iyo aad u dhaawacantay, ay aadiyo aad u dhaawacantay in warbaahinta Soomaalida, waliba kuwa citizen journalism-ka iyo kuwa kale taqliidiga waxaa kasii nooliba caqabadaha wixii doonaaba sababo kala ha ahaadaan oo fara badanoo jiri kara laakiin waxaa luntay oo natiijadaynu maanta haynaa waxa weeyaan in warbaahinta Soomaalidu inta ugu badan leh uu dhaawac weyni kalsoonida lagu qabay uu soo gaaray. [Waayahay. Nageeyow waxaad arkaysaa idaacad dhan oo weyn oo dad boqolaal ay ka shaqeeyaan oo caan ah amaba idaacado badan oo ama telefishanno ha ahaadaan ama raadiya ha ahaadan oo sheegaya magaalo aan la qabsan in inta lagu duulay la qabsaday dad lagu laayey wax dagaal oo ka dhacaana ma jiraan cid dib kala hadlaysana ama warkaa ku qabsaneysana lama arkayo, maxaa u sabab ah in aan wixii dhacay la isaga daba imaaneyn oo anshixii ama xeerkii saxaafada ee sida aad sheegeyso ka baxsan? Walaal way jirtaa runtii, horta Soomaaliya mushkilaatka warbaahinta haystaa waxaa ka mid ah wax afkan Ingiriisiga lagu yidhaaho media ownership. Media ownership-ku waxa weeye cidda warbaahinta leh iyo cidda siyaasadda ku jirtaa hadday mid keliya isla noqdaan runtii caqabad wayn baa ka dhalata. Haddii ninka siyaasiga ah ee political elite-ka ee xisbiga hoggaaminaaya ama doorashada uu ordaaya ama election-ka raadinaaya ama isaguba kursiga fadhiya uu noqdo ka isagu leh xarunta warbaahineed idaacadda leh TV-ga leh jaraa’idka leh, hadduu noqdo [ama gacansaar ay la leedahay?] Haa… ama ganacsatadaba dheh, ee nin ganacsadaayoo multi-millionaire ah haddii uu noqdo haddana isagu kan warbaahintii leh, warbaahinta checking ma sameyn karto, dawaduu soo dajinaayo ma hubin karto maxaa la yidhaahdaa cuntada dhacdoo dalku keenaayo ma hubin karto, iyo maxaa la yidhaahdaa caqabadda kalee amni ama dhaqaale ama siyaasadeed uu dalka ku haayo ma hubin karto oo wixiiba isagaa iska leh. Siyaasaduna waa la mid, ninka political elite-ka hadduu isagu idaacaddu leeyahay, maalintuu isagu kursiga fadhiyana siduu isagu jecelyahay bay u hadlaysaa: dawladdu shaqo wanaagsan bay qabatoo si wanaagsan baa loo shaqeeyo hannaankii uu isku aaddisan yahay, maalintii isagu kursiga waayana wax waliba haadaan bay ka sii dhacayaan. [Sidaasay tabineysaa?] Saasay tebinaysaa. Marka sawirka guud hadaad aragto idaacad borobogaandadeedu badan tahay maxaa la yidhaahdaa safka dagaalka ku jirta haddii aad aragto waxyaabaha safka dagaalka soo galay waxaa ka mid ah ninkii isagu iska lahaa baa safka dagaalka ku jira weeye.
[Waxyaabaha takhasuskaaga waxaa ka mid ah arrimaha siyaasadda, macalinna waad ku ahayd oo waad ku shaqeysay. Arrimaha siyaasadda Soomaaliyana waad u dhuundalooshaa. Siyaasiyiinta Soomaalida ama hoggaanka siyaasadda gebigoodba ma dabadhilifyaa mase wax un baad kasoo reebi lahayd?]
Waa wada dabadhilif kolley anigu horta qof ahaan ma odhan karo. Laakiin hal xaqiiqaa jirtoo runtii ay tahay inaan aad u fahamno. Nin la odhan jiray Abwaan… hadda wuu dhintee Alle ha u naxariistee Guhaad Cabdi Gahayr, 1960kii markii Soomaalida koonfureed iyo Soomaalida waqooyi xoriyadda qaadanayeen weliba tan waqooyi Juun 16 markay Ingiriiska habeenka ay ka xorroobaysay ayuu Hargeysa gabay ka tiriyey, markaa dadkoo dhan wey jibbeysnaayeen dadkoo dhan xorriyad calansaar dee Timacadde waa la xusuustaa geeraarkii caanka ahaa ee:
Aan siduu yahay eegnee kaana siib kanna saar.
Marka Timacadde saas ayuu u arkaayey, inay dowladnimo dhalatay oo Ingiriis laga hoos baxay oo la barwaaqoobi doono, isaga imagination-kaas khayaalkaas ayuu qabay. Guhaad Cabdi Gahayr gabay buu tiriyey la yiraa Good iyo abees ayaa isbedelay garanna maysaane:
Good iyo abays ayaa isbeddelay garanna maysaane Gocondhooyin baa aasan iyo mici gabaareey Kaaral kaama guurine halkaanu guud madow yahay
buu yiri. Meeshaan u socdo political philosophy-ga weyn ee runtii ninkaasi uu fahamsanaa ee ku jira waxa weeyaan ninkii Ingiriiska ahaaye Hargeysa xukumaayey ee tegay iyo ninkii Soomaaliga ahaa ee markuu Ingiriiska tagay oo Hargeysa kaga tegey magaca wey ku kala duwanaayeen waa sax, midabkana waa ku kala duwanaayeen waa sax. Waxaas oo dhan waa ku kala duwanaayeen. Laakiin hal wax baanay ku kala duwaneyn oo markii dambe waaqicu inoo sheegay inaanay ku kala duwaneyn 64 sanadood kadib waaqicu inoo sheegay inaanay kala duwaneyn hal wax weeye, waxa weeye political agenda-ha ay gudbinaayaan, waxay xanbaarsan yihiin, waxay doonayaan inay xaqiijiyaan, nooca dowladnimo ay rabaan inay hirgeliyaan, ayaa labadii nin isku mid noqotay. Ninka Soomaaliga ah ee siyaasigaa marka su’aashiisu waxa weeye ninkaa Soomaaliga ee siyaasiga ee xukunka hayaa muxuu rabaa inuu xaqiijiyo? Wuxuu rabaa inuu xaqiijiyo wax diinteennii liddi ku ah, wax dawladnimo aanu noo horseedaynoo 6 iyo 4, intaas oo 60 sannadood aynaan natiijo fiican laga gaarin, lagu burburay la isku nacay dagaalla qabiil ka dhaceen maxaa la yiraahdaa dagaalo sokeeye oo ummuladooxi ka dhaceen reer reer la isu dilay markii dambe dalkii gobol gobol loo qaybsaday markii dambe building blocks iyo federalism iyo waxaad arkeysaa ay ka dhasheen, halumma-jarra, markaa ninka siyaasiga Soomaaliga ahi maanta mashruucaasuu rabaa inuu riixo. Ninka marka mashruucaa riixaya anigu magac ubixin maayo, laakiin magacii horaa loogu bixiyay Soomaliduna waa yaqaanaan magaciisa saas daraadeed waxa muhimka ahi waxa weeye magaca ma aha, hebel hebel ma aha, waxa weeye waxa uu hebel riixaayo uu rabo inuu hirgeliyaa maxay yihiin? I think taasaa ayaa runtii muhim ah, marka hebel hadduu doonayo inuu hirgeliyo… [Wixii Ingiriiska iyo shisheeyaha kale hirgelinayeen?] Ay hirgelinayeen, magaciisa waa taqaanaa markaasna in magaciisa la isweydiiyo ma aha. Waxaa jira runtii… buug runtii cajiiba oo la yidhaahdo Merchants of Misery [Micneheedu yahay?] Waxa weeyaan Silic ku-Naaxayaal, dadka silica ka ganacsada ama silaca ku naaxay weeye Haddii… Professor Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa qoray. Markaa The Merchants of Misery haddii siyaasigii Soomaaliga ahaa maanta lagu magacaabay ama lagu tilmaamay inuu yahay qof silaca ummadda ku naaxa oo markii umaddu barakacday isagu guri dhista, oo marka labo qabiil isku rogmadaan isagu kursi helo, oo marka laba beelood is dilaan isagu wax gaara, oo marka dad qof dhinto isagu natiijo xaqiijinaayo, marka la qaxay isagu natiijo xaqiijinaaya, de waxaan umaleynaa kaas The Merchants of Misery waa good example macnaha sheegaya siyaasiga Soomaaliga oo [Waa tusaale.] Waa tusaale wanaagsan oo sheegaya ma aragtay sida siyaasiga Soomaaliga uu maanta u eg yahay.
[Waayahay ummadda Soomaaliyeed dhibaatooyin kala duwan bay soo martay welina lugahay kula jirtaa dhankee laga hayaa? Muxuu yahay cudurka haya dadka Soomaaliyeed? Maxaadse isleedahay dawadiisa way noqon kartaa?]
Inagu diin isku mida leh, oo midab isku mida leh, oo geographically dhulkeena isku mida yahay, oo af isku mida ku hadleena, oo dhulkeena lagu sheegay inuu yahay very strategic dhul runtii aada ma aragtay muhiimad juqraafiyadeed leh oo batrool leh oo gaas petroleum maxaa layiraahdaa kala duduwan leh oo natural gases leh, oo webiyo leh oo maxaa la yidhaa webiyada wax laga beeran karo, oo xoolo badan, macnaha inaga oo dhaqaale intaas le’eg heli kara, oo labo badood oo runtii very strategic ah ay dhulkeena ku yaallaan oo laga yaabo shipments-ka ama cargo-oga adduunka u kala gooshaya boqolkiiba-30 wax ku dhow in xeebaha Soomaaliya ay isticmaalayaan oo tiradeennu marka loo eego aan dad yar ahayn. In haddana la yiraahdo ceebtii Afrikaa tihiin wax baa inaga qaldan, waxa inaga qaldan muxuu yahay? Waxaan u maleynayaa waa muhim. Hal wax baa marka ay u baahan tahay inaan fahanno, waxa weeyaan ninyohow hadduu qofku xanuunsado oo ka dibna diagnosis kala duwan loo qoro, diagnosis waa dawo, hadduu intuu qofku dhakhtar utagoo layiraa madaxaa ku xanuunayo kaniini madaxa lasiiyo, oo deedna markuu 10 maalmood cuno uu dhakhtar kale utago uu kuleeyahay mayee wadnahaa lagaa hayaa oo kaniini wadnaha uqoro uu waxba uu ku bogsan waayo. Markuu muddo dawooyinkaa kala duwan qofku loo wado dawada lafteedaa cudur ku noqota, waa meeshii Soomaalidu oran jirtay nin bukta boqol baa utalisa. Soomaalida markaa diagnosis kala duduwan waxyaabo kala duduwan dawooyin kala duwan baa loo qoray oo aan ahayn xanuunka haya, dawadii lafteeday markaas Soomaalida hadda ku xanuunsatay. Dawadii loo qoraaye lafteeda ayaa hadda ah mushkilada ugu weyn ee Soomaalida haysata. Maxay tahay dawada? Waxa weeye one of the things inay horta isla fahamno root causes-ka mushkiladda ugu weyn ee ina haysata maxay tahay iney isla fahamno intaynu wada fadhiisanno. Ma faragelin shisheeyaa? Ma dhaqaale xumaa, ma silic baynu isku dilaynaa, oo maxaa la yiraa gaajaa isu keen geyneysa? Maxaa la yidhaahdaa ma competition over resources baa? Ma kheyraadkaa inagu yaroo marka tartan kheyraad baynu ku jirnaa wax baynu kala boobaynaa? Ma qabyaalad baa waxaynu isku dilaynaa? Ma nidaamka hadda ma aragtay… ma fahamdarraa ina haysa? Ma nolosha gebigeedayna fahamsanayn, ma ugaar baynu nahay? Ma dad cawaan oo ma aragtay ma dhaqankeena violent culture ah? Ma dad… maahmaahdii ahayd ninaan sharci ninaan shantaadu kaa reebin, sharci kaama reebo macnaha ma dad iska fowdaayo raba ha socoto un hala yaaca miyaynu nahay oo anarchism-ka u dhashay? Waxay u baahantay in su’aalahaas isweydiinno horta xagee ina xanuuneysa? War ninyohow isku daalnaye maxaa inoo dan ah nimanyahaw? In su’aashaasi ay timaaddo, in marka isku daalnaye maxaa inoo dana ay ka soo baxdo diagnosis-keena war ninyohow maxaa inaga qaldan? Marka su’aashaas laga jawaabo marka… waxaa jira qolo research samaysay. Dad Soomaali… [Cilmi baaris sameysay.] Haa, cilmi baaris sameeyay, Soomaali kala duduwan baa waxay weydiiyeen, oo deegaamo kala duduwan joogo qaar baadiye jooga, waxay weydiinayaan cudurka Soomaalida hayaa muxuu yahay? Dadkii badankood waxay ku jawaabeen ma taqaannaa? Waana la marginalise-gareeyay, xaqayagii baa la qaatay. Haye maxaad xal u aragtaa? Xaqayagii aan helno. Waa ummad dhan oo qof walba xaqii ka maqan yahay. [Sida ay aaminsan yihiin.] Siday aaminsan yihiin. Qofkanaa la leeyahay xaq maxaa… mushkiladda ku haysataa waa maxay? Xaqayagii baa maqan. Maxaad xal u aragtaa? Waxaan xal u arkaa inaan xaqayagii helo. deegaano kala duduwan baa ayaa ay cilmi baaris noocaas ah, su’aalo noocaasa dad la weydiiyey, reconciliation iyo qolo waxaas ka shaqeyneysa. Waxaan ka wadaa waxa weeye qof kastoo inaga mid ihi wuxuu aaminsan yahay walaalle inuu dulman yahay. Qof kasta oo inaga mid ihina wuxuu aaminsan yahay in la dulmay. Haye, yaa wax dulmay marka? Qofka wax dulmay ee laga cabanayaa waa kuma? Anigaa daalim ah oo adiga ku dulmay, adigaa kan kala sii dulmay, adigaana laba jeer idulmay, kanaa shan jeer ku dulmay. Lama gaari karo markaa ma aragtay lama gaari karo meesha la rabo in la gaaro. Marka walaal nuxurku waxa weeye Soomaalida macnaha cudurka haya haddaan soo uruuriyo hal wax baa laga yaabaa inay cudurkooda wax ugu weyn tahay, Soomaalida hal wax waliba waxaan is leeyahay weli may fahmin: Soomaalida waxaa kala duwan waxa layidhaa issue-ga iyo actors-ka af Ingiriiska, mawduuca la isku hayo iyo dadka is haya weeye af-Soomaali ahaan. Soomaalidu inta badan waxay un bay fiiriyaan yaa is haya? Horta ninyohow doodda yay u dhaxeysaa? Between whom? Yaa dooddu u dhaxaysaa? Hebel iyo hebel, anigu hebel baa la socdaa buu leeyahay. kan reerkooda waaye, Soomaalidu inta badan isma weydiiyaan war ninyohow maxaa la isku hayaa? Issue-ga lama soo hadal qaado, mawduuca topic-ga la isku hayo lama soo hadal qaado, laakiin waxaa la soo hadal qaadaa ninyohow ragga is hayaa waa ayo? Waa hebel oo reerkeyga ah iyo hebel oo reer hebel ah. Anigu hebelka reerkayaga ah baan la socdaa. Laakiin qofka Soomaaliga ahi inta badan isma waydiiyo: ninyohow hebelka reerkiinnu doodduu aaminsan yahay maxay tahay, hebelka reerka kalena doodduu aaminsan yahay maxay tahay? Mawduuc marka Soomaalida kama wada hadasho, waxaan isleeyahay ilaa mawduuca aan ka wada hadalno oynu isula nimaadno topic issues aan ka wada hadalno oo actors-ka aan iska ilowno xalka Soomaalida aniga waa ila dheer yahay.
[Adigu Abwaan baad tahay gabayo badan baa tirisay. Waxyaabaha adiga ku gubaya oo sida gaar ah kuu sameeyey marka arrimaha Soomaaliya laga hadlayo maxay yihiin? Maxaa adiga kuu gooni ah?]
Wax ii gooni ah ma jiraan Cabdullaahi laakiin waxaa iska jira wax la yidhaahdo intellectual responsibility waa mas’uuliyad ay tahay qofku in uu dareemo oo damiirkiisu ay dareensiiso. Aniga haddii lay yiraahdo maxaa ku gubaaya wax gaar ah oo aniga qof ahaan iga maqani ma jiro, laakiin hal arrin oo runtii aad u muhiim ah aniga agtayda ah baa jira. Arrinkaa muhimka waxa weeyaan Soomaalidaynu maanta ku nool nahay xaqiiqaa ina hor taalla, dalkeenii oo burbursan dawlado shisheeye oo inagu soo duulay khayraadkeenii oo la doonayo in la qaato diinteeni oo la doonayo in la beddelo dadnimadeenii oo la rabo in la dooriyo xeebaheennii oo dowlado ay duulimaad ku yihiin, xuduudihii dalkeennii oo meel walboo iska furan, ummadeennii oo dayacan. Intaasoo xaqiiqaa ina hortaal, xaqiiqda kalee ina hortaal waxa weeyaan, dawladaha kuwa deriska ah iyo kuwa kusii xiga oo doonaaya xaaladda aynu ku jirnaa inay ka sii darto mooyee inaanay ka soo rayn.
[Waa yahay. Taariikhda Soomaaliya iyo Itoobiya markaynu dib u raacno waa la ogyahay dhibaatooyinka ayaga iyo Soomaalida dhex maray. Waa taariikh colaad ku salaysan. Haddana waxaad moodaa in si kale loo dhigayo. Adigu taariikhda Itoobiya iyo Soomaaliya maxaad ku macneyn kartaa?]
Ethiopia ama Abyssinia waxa weeyaan hab ama waa maxaa la yiraahdaa nidaam muddo dheer jiray weeye. Wuxuu caan ku yahay tusaale… taariikhda boqolkii sanee ugu dambeysay haddaanu fiirinno markii Barliin uu heshiisku ka dhacaayee Afrika la rabay in lagu qaybsado 1884kii dawladda Ingiriisku dan bay ka lahayd dhulka Soomaalidu inay timaaddo, waxay dooneysay ciidamadeeda Sanca Yaman dhulkan Cadan dhulkan deggan inay hilib u hesho meeshaasna inay si nabadgalyo ah ku joogi karto, danahaa istiraatiijiga ah buu Ingiriisku Soomaaliya qayb kamida ugoostay oo udegay. Faransiisku maadaama uu tartan kula jirey Ingiriiska isaguna Jabuuti buu dagay. Waxyaabuhuu Jabuuti u degay waxaa kamid ah China Hindiya safarkiisaasi inuu u nabad galo oo si nabadgelyo ah uu route-kaasi u ahaado. Sidoo kalana maadaama Ingiriisku uu Yaman dekadaheedii uu qabsaday Cadan iyo dhulkaas, inuu Faransiiskuna Jabuuti qabsado uu dabadeedna dekedda Jabuuti ka dhigo deked la loolami karta dekedaha Yaman si uu dhaqaale uga sameeyo, oo Ingiriiska ula tartamo. Talyaanigu koonfurta Soomaaliyuu qabsaday, plantations in beera la sameeyo oo dabadeedna manpower la helo wax laga beero dan dhaqaaluu isaguna ayuu koonfurta Soomaaliya Talyaaniguna u soo degay. Dowladaha gumeysiga ee reer-Yurubkaa waxaa la socotay Ethiopia oo iyaduna shirkii Barliin ka qeyb gashay, oo kamid ahayd dawladihii dhulka Soomaalida ee la qeybinayay qeybta qaatay, iyadoo hal ujeeddo kaliya laheyd ujeeddo gumeysi weeye dhul ballaarsi. Ujeeddo gumeysi oo ah maxay dhul ballaarsi, in Soomaalida la qeyb qeybsanaayo iyaduna qeyb ay gumeysato caloosheeda soo gasho ay ka hesho. Maxay raadinaysaa? Waxay raadineysaa xeebta Banaadir, waxay raadineysaa xeebta Saylac, waxay raadineysaa xeebta Berbera. Waxay raadineysaa xeebaha Soomaaliya waxay raadineysaa xeebaha Khartuum ee Suudaan inay qaarkood hesho, Casab iyo Musawac iyo dhulka markii dambe waa tii liqday waa la ogaaba, xeebaha Jabuuti ayee raadineysaa Waxaa jira article caan ahoo uu qoray nin Soomaali ah oo la yiraahdo Professor Nuurdiin Faarax Nuuradiin, waxaa la yidhahdaa “Which Way to the Sea, Please?” “Fadlan ii Sheeg Jidka Badda Galaa” la yidhaahdaa 1978kii meelahaasaan filayaa inuu ahaa, wuxuu kaga sheekeynayaa taariikh dheer oo rabitaankii iyo damacii boqorrada Itoobiya ee kala dambeeyey ay ku doonayeen xeebaha Soomaalidaa inay ku qabsadaan, xeebaha Soomaalida oo keliya ma aha hadday Eritrea heli karaan, hadday maxaa yaridhaahdaa Khartuum iyo Suudaan iyo dhulkan heli karaan. Xeebdoon biyodoon ayey horta taariikhdaas ahayd, sidaas daraaddeed horta taariikhdaasaa meel taalla waa boqolka sanee ugu dambeeyey macnaha, kama hadlaayo loollankii ku salaysnaa Diinta, ma ka hadlaayo ee u dhaxeeyay maxaa la yidhaahdaa Soomaalida Muslimiinta ah iyo dadka Kiristanka ah ee Ethiopia hoggaaminaayey maka hadlaayo. Markaa walaal taariikhda inaga iyo Ethiopia inoo dhexeysa waxa weeye Itoobiya boqortooyada Abasiiniya oo dooneysa in dhulkan aynu degannahay iyo dhulkan aynu inagu Ilaahay innagu beeray iyo diinteena intaba inay ka takhalusto oo iyadu dhulkan ay ay hoggaan ka ahaato. Iyo dad Muslimiin ah oo Soomaali ah oo dhulkan deggan oo doonaaya damaca Itoobiya inay is hortaagaan. Markaa innaga xaaladda innaga iyo Ethiopia inoo dhexaysa mar kasta waa conflict. [Waa dagaal.] Waa… waa xiisad, xiisad baa inoo dhexaysa markasta inaga, mar kasta xabbaddu inaanay dhacayn baa laga yaabaa laakiin marna xiriirka inoo dhexeeya normalization maaha, maxaa la yidhaahdaa, xiriir saaxiibtinnimana ma aha, waa conflict, waa xiisad, waa taxaddar uu qofka kale oo mid waliba ka kale ka taxaddaraayo waaye.
[Waa yahay. Ayadoo sidaasi ay tahay haddana siyaasiyiinta Soomaalidu waxay leeyihiin Itoobiya ma aha Itoobiyadii hore, ee waa Itoobiya cusub oo oggol wax wada lahaansho deris wanaag, is xaqdhawr iyo ma aragtay ka shaqeynta isweydaarsiga waxyaabaha wanaagsan. Maxaad ka leedahay arinkaa adigu?]
Ethiopia intaan hadda anigu fahamkaygu uu yahay istiraatiijiyadeeda waxa weeyaan waxa la yiraahdo istaraatiijiyadda labada biyood hadda siyaasadooda ma aragtay arrimaha dibaddu saasay inta badan ku salaysan tahay, waxa weeyaan biyaha macaan ee Webiga Nile iyo biyaha badda gaar ahaan Badda Cas haddii la heli karo. Ethiopia marka waxay ku shaqeyneysaa siyaasad istiraatiiji ah oo ah in ay biyaha macaan ee Webiga Nile-na ay xidho oo biyo xidheen iyo dam-am u samaysato biyaha dhanaan ee gaar ahaan Badda Casna ay gaadho oo maraakiib dagaal iyo ciidamo maxaa la yidhaahdaa badeed oo navalbases ay ku yeelato oo ay degganaato. Iyada foreign policy-geedu sidaasuu ku saleysan yahay, [Siyaasaddeeda arrimaha dibadda waa sidaa?] Siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya waa sidaas inaga maxay ku salaysan tahay siyaasaddeennu? Ninka Soomaaliga ah ee siyaasiga ah ee kuwaad sheegtay ah ee leh xiriira annaga iyo Itoobiya noo dhexeeyaa wuu isbeddelay, Itoobiya siyaasaddeeda arrimaha dibadda wataas waana clear waa very clear maxay ku salaysan tahay iyaga toodu? Maxay xaqiijinayaan iyagu markay leeyihiin xiriirka anagiyo Ethiopia noo dhexeeyay wuu hagaagay, maxay rabaan inay xaqiijiyaan? Maxay rabaa inay achieve-gareeyaan dhinacooda? Anigu waxba iima muuqdaan inay achieve-gareyn karaan. Soomaaliya waa la qeybiyey Ilaa 6 – 7 maamul baa laga sameeyey welina waxaa lagu dedaalayaa in lasii qaybiyo maamul kasta oo Soomaaliya laga sameeyo intooda badan Itoobiyay daris bay la yihiin, ama dhammaantoodba aan dhaho, Itoobiya xuduud dhinaca dhulka ah bay la leeyihiin ciidamada Ethiopia siday rabaan u dhex mari doona, maxaa la yidhaahaa xeeb bay leeyihiin, maamul kastoo Soomaaliya laga sameeyey wuxuu leeyahay marin dhinaca badda oo Ethiopia badda ku xidhi kara laga soo bilaabo Kismaayo ilaa iyo meesha ugu dambeysa, Ethiopia meeshay doontay badda access-gareyn kartaa, ma fahamtay? Ciidamo Ethiopian ah baa bases ku leh inta ugu badan ee dhulka Soomaaliya ee hadda aynu sheegayno, intooda kalena intelligence-koodu iyo diblomaasiyiintooda iyo maxaa la yiraahdaa waxoodaasaa jooga iyo waraaqahooda iyo waxaas. Iima muuqato markaa balance of power uu nin diblomaasi ahoo Soomaali ahoo siyaasi uu dhihi karo way isbeddeshay aragtidii siyaasadeed annaga iyo Itoobiya noo dhaxeysay, sidaas daraadeed maxaa la yiraahdaa waanu kala faa’ideysanaynaa haddaan nahay labada dhinac, aniga qof ahaan ma ii muuqato.