Tag: Yuusuf Xirsi Axmed

  • Kaneecada

    Kaneecadu waa cayayaan duula oo ka mid ah kuwa dadka waxyeellada u leh. Sida ay wax ku yeeshaa ama waa qaniinyo keli ah ama waa qaniinyo cudur dhaafta. Kaneecadu waa cayayaan habeenkii guda maalintiina dhuunta, sida barambarada oo kale, taasoo ay kaga duwantahay duqsiga oo maalintii duula habeenkiina dega. Kaneecadu waa dhowr cayn, laakiinse halkaan […]

  • Diqsiga

    Duqsigu waxa uu ka mid yahay cayayaanka kuwa ugu daran oo dadka cudurka u keena, wuxuuna ku dhalaa oo ku tarmaa daafadaha musqulaha, xeryaha xoolaha iyo meelaha wax qurmay yaalliin oo dhan. Cimrigiisu waa dhawr toddobaad illowse markii kumanyaal dhintaanba kumanyaal baa dhasha, tarantiisuna waxay aad u badataa markii roobku da’o, oo dhulka qoyo. Wixii […]

  • Cayayaanka

    Cayayaan waxaa la yiraahdaa xayawaanka kuwiisa yaryar, sida duqsiga, kaneecada, booddada, injirta, barambarada, shinnida, dhurdaha, balambaalista, roobladhacda iwm. Sida magacyada aan soo sheegnay laga garan karo cayayaanka waxaa ka mid ah, kuwo wax dhiba, sida: duqsiga, kaneecada, booddada, injirta iyo barambarada; kuwo wax tara, sida: shinnida iyo dhurdaha, kuwo aan dadka waxna u tarin waxna […]

  • Jeermiga

    Jeermigu wuxuu ka mid yahay uumanka badan oo cudurrada keena. Jeermigu isaguna markiisa wuxuu u qaybsamaa jaadad fara badan oo ku kala duwan xagga qaabka, xagga dhaqanka iyo xagga halistaba. Xagga qaabka bal haddaan ka eegno waxaan arkaynnaa in jeermiga qaarkii dhuudhuuban yabay, qaarna qarqaroofan yahay qaar kalena uu wareegsan yahay. Xagga halista haddii iyadana […]

  • Nadaafadda Dhulka

    Dhulku waa meesha la degganyahay oo lagu raaxaysto. Sidaas aawadeed ayay lagama maarmaan u tahay in nadaafaddiisa la dhawro oo lagu dadaalo inuu mar walba hufnaado. Dhulka ay guryuhu ku yaalliin, fagaagga ay kala leeyihiin, waddooyinka dhex mara iyo bannaannada xaafadaha kala gooya waxaa la doonayaa in aad loo hufo, qashinkana aan lagu daadin haddii […]

  • Nadaafadda Guriga

    Gurigu waa meesha uu qofku noloshiisa badankeeda ku dhammaysto, isagana ilaaliyo kulaylka, qabowga, roobka, dabaysha, dugaagga, tuugada iyo wixii naftiisa dhibaya oo dhan. Gurigu inuu hufnaado waa wax lagama maarmaan ah. Waxaa aad u habboon gurigu inuu ku yaal meel ka fog meelaha warshadaha ah oo ay ka mid yihiin meelaha wax lagu magdeeyo ama […]

  • Nadaafadda Biyaha

    Biyahu waxay ka mid yihiin waxyaalaha qofka noloshiisa lagama maarmaanka u ah. Qofka waxaa ku kallifa inuu biyo cabbo waa harraadka oo ka imanaya jirka oo biyuhu ku yaraadeen. Taas micneheedu waxaa weeye in harraadka runta ahi uusan ahayn afka iyo dhuunta qallalaya markii qofku biyo ka raago ee uu yahay jirka oo aan helin […]

  • Nadaafadda Cunnada

    Qofku si uu ku noolaado cunno ayuu u baahan yahay, hase ahaate cunnada uu cunayaa waa inay ahaataa mid habboon xagga nooca iyo xagga tiradaba, isla mar ahaantaasna nadiif ah. Tan ku saabsan haboonaanta cunnada meel kale oo buuggaan ka mid ah ayaa looga faallooday. Casharkaan danta laga leeyahay waa in wax tilmaan ah laga […]

  • Nadaafadda Gacmaha

    Hawlaheenna waxaannu ku qabsannaa gacmaheenna, intaannu hawlahaas wadnana waxaa gacmaheenna ku dhegdhega wasakh badan. Wasakhdaasi waa halis haddii aynaan iska mayrin markii aannu shaqooyinkeenna dhammaysanno. Waa in qofku ka caado yeeshaa inuu gacmihiisa biyo iyo saabbuun ku dhaqo mar walba oo ay u suurowdo, siiba mararkaan soo socda: 1. Marka uu qofku musqusha ka soo […]

  • Nadaafadda Wajiga

    Wajigu waxa uu ka koobmaa : foolka, indhaha, sanka, afka, dhegaha iyo xubno kale. Xubnaha aan kor ku soo sheegnay waa kuwo hawl weyn oogada u haya, sida: indhaha oo kale oo ka mid ah lixda lixaad. Wajigu wuxuu u baahan yahay in aad loo ilaaliyo nadaafaddiisa, taasoo ku suurtoobi karta isagoo lagu mayro biyo […]