Cutubka 3aad: Go’aan Qaadashada

Go’aan qaadashadu waa imtixaanka asaasiga ah ee maamulka maxaa yeelay go’aan ka gaaridda arrinka ku hory- aalla iyo kartidaada dhacsiinta dadka kale inay aqbalaan go’aankaaga waa waxyaabaha saldhigga u ah ku guulaysiga hogaaminta ma suurowdo in qof kastaa hoggaamiye noqdo, maxaa yeelay jagooyinkii kale ayaa u baahan dad ka sha­qeeya, Ilaahii dadka abuuray wuxuu siiyay kartiyo kala duwan si jago kastaaba loogu helo qof munaasib u ah.

Go’aan qaadashaduna waa fanni ku dhisan cilmi una baahan dad karti iyo awood u leh.

Casharrada soo socdaana waxay kugu cawinayaan sidaad uga shaqaysiin Iahayd kartidaada go’aan gaaridda.

QAYBTA 1aad

Sidaad U Qaadan Lahayd Go’aanno Saxeexa

Waxaa jira laba nooc oo ah madax:-

Nin halyey ah oo isku kalsoon oo shaqsiyaddiisu dadka soo jiidanayso ninkaasi wuxuu gaari karaa go’aanno isagoo ku kalsoon inay shaqaalihiisu ayidi doonaan.

Nooca caynkaasa aad buu u yar yahay kitaabkanna looma qorin maxaa yeelay uma baahna.

Nooca labaad waa hoggaamiyaha aad u shaqaynaya si uu ugu qanciyo dadka kale inay aqbalaan go’aannadiisa, ninka madaxda ahna shaqadiisu waa inuu go’aanno ka gaaro arri­maha ka hor imaanaya, waa inuu go’aannadiisana u taijamo shaqo la taaban karo.

Waxaa dhacda inaan madaxda qaarkood ku dhicin inay go’aanno adag qaataan iyagoo door bidaya nabad galyada oo natiijooyinka ka dhalan kara go’aankooda Madaxda jidkaa raacdaa horumar ka gaari maayaan hoggaaminta, maxaa yeelay mushkiladdu uma taagnaanayso, hadduu xallin kari waayo waxaa u soo baxayaa rag kale marka kuwaasaa jidka ka leexinayaa oo jagada ka tuuri doona.

Hogaamiyuhu Waa Inuu Wax Qabto

Waxaad ku qaadataa mushaharka inaad fekertid, wax hoggaamisid iyo inaad wax kala goysid, waxaa laga yaabaa inaad mar mar dib u dhigtid go’aan qaadashada adigoo la .eeganaya waqtiga munaasib ah oo ku habboon wax ka qabadka arrinka ku horyaalla, dib u dhigidda go’aanku waa inaanu noqon gabasho ama ka dhuumasho dhibaatada ka imaan karta, laakin waa inuu ahaado in la sugo inta arrinku u bislaanayo wax ka qabashada.

Habka Go’aan Samaynta

Go’aanku waa xukun, waxaanu u baahan yahay xujo uu cuskado marka si go’aanku u noqdo mid saxeex ah waa in marka hore arrinka go’aanku ku saabsan yahay si dhab ah loo darso. Loona ururiyo xaqiiqooyinka la xiriira ee saamay- naaya go’aanka, marka arrinku u bislaado wax ka qabasho laga qaado go’aanka ku haboon.

Laakin markaad qaadanayso go’aannada ma dareemay- sid inaad tallabooyin ka qaaday. Sababtoo waad ka caado yeelatay inaad dhaqso go’aanno u gaadhid laakin haddaad u fiirsato waad ka heli kartaa inaad tallaabooyinkaa qaaday intaadan go’aanka soo saarin.

Marka ay tallaabooyinkaagi caado kuu noqdaan waxaad noqotay hoggaamiye fuliye ah oo bislaaday oo waayo arag ah. Waxaa la weydiiyey nin madax u ahaa shirkad weyn oo macdanta samaysa siduu u qaato go’aannada: wuxuu ku jawaabay: “u malayn maayo inuu jiro nin madax ah oo sheegi kara siduu go’aanka u qaato, aniguna sidoo kalaan ahay oo ma garan karo”.

Nin kale oo madax ihina wuxuu kaga jawaabay su’aasha: Ma jirto qaacido u dhigan go’aan qaadashada ragaasoo kale go’aan qaadashadu waxay ka mid tahay howlmalmeedkooda markaa uma baahna inay kala dhigaan arrinka hortaagan si ay go’aan u gaaraan laakin waxay awoodi karaan inay mas- kaxdoodu mushkilada ku xallilaan si dhakhso ahna go’aan uga qaataan: mana jiro dugsi ama qof ku baraaya sidaad go’aan u qaadan Iahayd ee waxaad ku tala gelaysaa aqoon­taada iyo waayahaaga si aad u qaadatid go’aanka ugu hab­boon mushkilada ku hor taalla, taasna macnaheedu waa inaad aqoon dheer u leedahay mowduuca mushkilada iyo waxaa la xiriira iyo siyaabaha wax looga qaban karo.

Waxaana waajib ah inaad isku kalsoon tahay heeganna u tahay inaad fulisid go’aanka aad gaartay waxaa la yiraahdaa culumadu waxay daaha ka qaadaan xaqiiqooyinka cilmiga ah madaxduna way fuliyaan, culumadu way soo saan’k^aan hub khatar ah laakin ninka amraya in la sameeyo ama lagu dagaal galo waa hoggaamiyaha fuliyaha ah ee ma aha aqoon yahankii soo saaray.

Dariiqada Go’aannada Loo Qaato Ee Tirada Ku Socda

Waxay faafisay mujalad Maraykan ah oo loo yaqaanno (Farsha) sannadkii 1955, in madaxda shaqo fulinta siyaasiyiinta iyo saraakiisha ciidammadu yihiin kuwa dunida ugu go’aan qaadasho badan, Laakin saraakiisha ciidammada ayaa ugu horreyey wax bilaaba tallaabooyinka shanta ah ee kala dambeeya, waxaana tilmaamay taliyihii ciidanka cirka ee maraykanka oo la dhibi jiray “HAYORTH” waxaanu yiri si loo gaaro go’aan dhab ah waa in la raaco tallaabooyinka:-

  1. Waa in la sugo muhimada
  2. Waa in la tilmaamo mowqifka ama xaalada iyo tallaab­ooyinka la qaadayo.
  3. In la xallilo tallaabooyinka ay qaadi karaan iyo kuwa ka hor jeeda.
  4. In la is barbardhigo tallaabooyinka shaqada ee. suuro galka si loo qaato tan ugu habboon.
  5. Ka dib go’aankii la qaato.

Dariiqadaan waxaa degsaday ciidammada laakin maam- > ulka madanigana waa lagu socodsiin karaa, laakin, madaxda ka caado dhigatay go’aan qaadashada ma xusuusanayaan inay dariiqadaan raaceen iyo in kale.

QAYBTA 2aad

Sidaad U Qaadan Lahayd Go’aan Waqtiyada Ciriiriga

Si loo gaaro go’aan saxiix ah waa in la helo ratyiga toosan iyo waayo aragnimo, lagumana bari karo sidaad u heli Iahayd ratyi toosan laakin waxaad kordhin kartaa garaadkaaga si awoodaada wax kala goyntu u korodho.

Noocyada Go’aannada Kaa Hor Imaan Kara

  1. Go’aannada ku lug leh habka socodsiinta shaqada.
  2. Go’aannada ku lug leh qorshaha iyo siyaasadda shaqada.
  3. Go’aanno ku lug leh xaalaadka deg degga ah iyo arrimaha qatarta ah.

Waxaa la arkaa labada nooc ee hore inay wax badan ku soo mareen oo ay caadi- kuu yihiin mana aha go’^anno deg degga ee waxaad haysataa waqtigaad kaga baaraan degtid. Nooca saddexaad baase u baahan karti iyo geesinnimo, nin- kasta oo hoggaamiye ah wuxuu la kulmaa xaalado adag oon caadi ahayn, go’aankuu ka qaatana ay ka dhalanayso natiij- ooyin iyo mas’uuliyado loo baahan yahay in la tixgeliyo.

Laakin waxaa jira hoggaamiyaha foojigan inuu ka tabaabulshaysto dhacdooyinka kadada ah, maxaa yeelay marka hore ayuu arrimaha qorsheeyaa kuna tala galaa waxy- aabaha ka imaan kara oo dhan, hadduu sidaa yeelona waxa yaraanayaa xaaladaha khatarta ah marka haddii aad go’aan adag qaadatid waxaa waajib ah inaad sharaxdid ood ku qan- cisid dadka aad madaxda u tahay wixii kugu xambaaray inaad tallaabadan qaadid, kuuna suuroobi wayday inaad la tashatid waxaa laga yaabaa inay kaa garaystaan xataa haddii aad wax yeeshay danahooda. Waxkastaba ha dhaceene ee waxaa waajib ah in la helo wada shaqayn si loo fuliyo go’aan­nada loona helo xamaasadda iyo muraalka lama huraanka u ah hirgelinta mashruuca.

Miisaanka Go’aanka Saxeexa Ah

Xaqiiqooyinka rayiga toosan: Go’aan saxeexa wakaa miisaankalagu qiyaaso. Go’aanka xaqa ah waxaase dhacda marar badan inaanay fududayn helidda xaqiiqooyinka, marka waxaa qasab ah in male iyo maskax lagu socdo, waxaa suurowda inta la sugaayo xaqiiqooyinka in arrinku faraha ka baxo ama fursaddu ku dhaafto, laakin ku tala gal in go’aanka ku dhisan malaha aanay hubnayn natiijada ka dhalan doon­taa waxaa ku jira isbiimays marka u diyaar noqo hadba wixii kula soo gudboonaada.

Ereyo Kugu Hanuuniya Go’aanka Toosan

Haddii aad wariye dhacdooyin u noqon Iahayd, wargays guddoomiyahaagu mar kasta wuxuu hubsan lahaa inaad ka jawaabtay shan su’aalood oo kala ah: Waa kuma, waa maxay, waa halkee waa goorma iyo waa sidee.

Marka aad go’aan gaarayso aad isaga hubi inaad ka jawaab­tay shantaan su’aalood, waa laga yaabaa inaad marka hore ku dhibtootid. Laakin waa nidaam caqli gal ah oo waxtar leh, waana tan liistada aad erayada uga faa’iidaysan Iahayd:

Waa Kuma?

  1. Kumaa go’aanka qaadanaya.
  2. Kumaa mas’uul ka ah natiijooyinka.
  3. Yaa ka qayb qaata talada go’aan gaaridda.
  4. Kuma ayey waajib ku tahay in lala socodsiiyo go’aanka marka la gooyo ka dib.
  5. Kumaa fulinaaya go’aanka.

Waa Maxay?

  1. Waa maxay go’aanka ay waajib kugu tahay inaad qaadatid.
  2. Waa maxay waxyaalaha kugu hanuuninaayo go’aan gaaridda.
  3. Waa maxay xaqiiqooyinka kaa maqan xaggedse ka heli kartaa.
  4. Waa maxay faa’iidooyinka ka dhalan karaa go’aanka.
  5. Waa maxay dhibaatooyinka ka dhalan kara go’aanka.
  6. Intee bay ku siman tahay awoodda go’aan gaariddu.

Xaggee?

  1. Heerkee buu ku dhammanayaa go’aanka aad qaadatay.
  2. Xaggeed ka helaysaa dadka kula talinaaya ama gacan kugu siinaya go’aanka marka loo baahdo.
  3. Xaggeed ka heleysaa xaqiiqooyinka iyo xogta aad u cuskan karto go’aan gaaridda.

Goormaa?

  1. Waa goorma waqtiga ku habboon go’aan qaadashada.
  2. Goormaa ku habboon in la faafiyo.

Sidee?

  1. Sideed u koobi kartaa dhammaan jidadka lagu xallin karo mushkilada si go’aan saxeexa loo gaaro.
  2. Sideed ugu qayb galin kartaa dhammaan dadka go’aanka ku lug leh.
  3. Sideed u fulinaysaa go’aanka.
  4. Sideed ula socotaa in go’aankii sidii loo rabay u fulay.

Haddii ay kuu suuro gasho inaad ku dhaqantid mabaad- ii’da liistadan ku qeexan waxaa koobtay asaaskii maamulka oo dhan maxaa yeelay go’aan qaadashada waxaa ku dhan asaaska hoggaamintoo dhan.

Sidaad ugu qancin Iahayd shaqaalahaaga inay aqbalaan go’aannadaada, waxaa waajib ah in go’aanka kama dam- beyska ah arrin kasta ka soo baxo ninka mas’uulka ka noqo- naaya natiijooyinka ka dhasha haddiise mar uu soo baxo go’aanku waa inay aqbalaan dhammaan shaqaalaha aad madaxda u tahay sidaa awgeed waa in laga qayb geliyo samaynta go’aanka intii suuro gal ah haddii kale lala socodsiiyo sababaha dhaliyey sida loo rabo iyo wixii la xiriira oo dhan.

Waxaa habboon inaad ku geesi gelised shaqaalaha aad madaxda u tahay siday ugu qayb qaadan lahaayeen go’aan­nada waxaa jira mabda’ dhahaaya:

Sidaad jeceshahay in lagula dhaqmo dadka ula dhaqan. Adigu waxaad jeceshahay in madaxdaadu kaa qayb galiso sameynta go’aannada tabanaaya shaqadaada ama danahaaga dadka aad madaxda u tahay iyaguna waxay kaa sugayaan waxa aad madaxdaada ka sugeysid.

Ka qayb galinta arrimada dadka ay khuseeyaan waxay fududeynaysaa in la aqbalo go’aannada waana fan ku dhisan dareenka garaadka qofka ee xariirka aadamiga.

Laakiin waa inaad ogaatid in ka qayb gelinta samaynta go’aannada dadka aad madaxda u tahay inaanay wax kaaga tarayn go’aanka, mas’uuliyaddu ma qaybsamayso ee waxaa qaadaya natiijada madaxda kali ah dadka kale waxay gacan kugu siinayaan u gudashada xilkaaga ee kula qadi maayaan.

Hoggaaminta dadku waxay u baahan tahay geesinnimo Calooladag iyo dadnimo, Shirkadda liibaansan waxaa hoggaamiya dad sifooyinkaa leh.

Sababtoo ah dad aan sifooyinka laga helayn kuma dha- caan inay go’aan adag gaaraan maxaa yeelay ma rabaan inay qofna ka caraysiiyaan, laakiin sida runta dadkii oo dhan bay ka caraysiinayaan sababtoo ah haddii aan arrimaha la kala goyn oon mashaakilka la xallin dadku kala socon maayaan.

QAYBTA 3aad

Habka Go’aanka Wada Jir Loo Qaato

Waxaad ugu qayb galinaysaa shaqaalahaaga dejinta go’aannada waa inay u aqbalaan marka sidee baad uga qayb gelin kartaa? Waxaa jira dhowr dariiqo ood uga qayb gelin kartid: Waxaa ka mid ah inaad fadhi u gunudo oo ay ka soo qab galaan madaxda waaxyaha arrinku tabanaayo waxaa jirta dariiqo kale oo ah inaad xafiisyada ugu tagto dadka aad madaxda u tahay ood kala xaajooto arrinka la rabo in go’aanka laga gaaro.

Waxaa dhici karta inaad tilifoon kula xiriirto, waxaad u diri kartaa warqado aad kula socodsiinaysid arrinka kana codsanayso inay rayigooda soo diraan ama dariiqo kasta oo lagu gaari karo go’aan loo wada jiro.

Dariiqo kastaana wanaag iyo xumaanba way leedahay mana jiro qof caddeyn kara dariiqada ugu wanaagsan maxaa yeelay taasi waxay noqonaysaa hadba xaalku siduu yahay ha noqdo xagga arrinka ama xagga dadka ama xagga waqtiga.

Marka ku dadaal si loo gaaro ula jeedada oo ah ka soo qayb gelintan dadka kula wada shaqada soo saaridda go’aanka.

Ha Noqon Siyaasi

Habkasta ood ka dooratid hababka hore lagu soo sheegay si aad u heshid go’aan loo dhan yahay, ka digtoonow inaad soo hordhigtid dadka aad madaxda u tahay arrin aad go’aan ka gaadhay, adigoo u ekaysiinayaa inay go’aanka iyagu gaareen, maxaa yeelaya taasi waa khayaano aan qar- soonayn haddii aad sidaa ku kacdid uma baahnid, dad kaa la qayb gala go’aanka ee waxaad u baahan tahay dad kuu rixiya oo ku yiraahda waana kugu waafaqsan nahay ra*yigaaga waxaana jira agaasimayaal habkaa isticmaala, markay ka hortimaado mushkilo intay go’aamiyaan waxay rabaan inay falaan ayey u yeeraan dhawr qof oo ka mid ah madaxda ay ku kalsoon yihiin markaasay la socodsiiyaan go’aankooda, mar­kay isku hubsadaan inay oggolaadeen ayey isugu yeeraan fadhigooda waxay soo dhex dhigaan arrintii sidii wax aan go’aan laga gaarin oo kale, markaa waxay soo jeedinayaan go’aankii hore loo gaaray mid ka mid ah kuwii ogoolaaday mid kalana waa ku raacayaa markay intoodii mid mid isugu raacaan ayey dadkii kale ku dayanayaan sidaasaa go’aankii loo wada oggolaanayaa.

Marka inkastoo la moodo go’aan loo wada jiro, waxaa hubaal ah inay ogaan doonaan inuu yahay arrin habeennimo la soo dhammeeyey.

Waxaa laga yaabaa in habkaasi lagu guuleysan karo, , haddii arrintu siyaaso yahay. Laakiin adigu ma tihid nin siyaasi ah, adigu waxaa tahay guddoomiye fuliye ah waxaad xaq u leedahay inaad arrinka goysid iyagoon oggolaan dadka aad madaxda u tahay, marka aad shirka ugu yeereysid waxay ulajeeddadu tahay inaad ka faa’iideysatid aqoontooda iyo xog-ogaabrtmadooda, marka waa inaad awood u siisid inay kuu soo gudbiyaan talooyin iyo fikrado wax ku ool ah, haddii aanay ulajeeddadu sidaa ahayn looma baahna inaad fadhiga ku soo lugeysid.

Waxaan kuu door roon-inaad arrinka keligaa goosatid intaad go’aan wada jir ah oo been abuur ah ku gabban Iahayd.

QAYBTA 4aad

U Wakiilashada Awoodda Qof Kale

Macnaha u wakiilashada awoodda waxaa looga jeedaa inaad u oggolaatid qof kale inuu qaato go’aan aad adigu mas’uul ka tahay oo xilkaasu ku fulo, waxaad siinaysaa qof aad madax u tahay awood uu ku fuliyo oo shaqada adigoo ku kormeeraaya.

Adigu waxaad tahay hal qof inkastoo aad dadaaleyso haddana kartidaadu way kooban tahay haddiise aad u xil- saarto dadka aad madaxda u tahay hawlaha qaarkood waxaad noqonaysaa dhowr qof. Maxaa yeelay dadkaasi waxay kor u dhigayaan wax qabadkaagii.

Laakin waa inaad ogaatid markaad shaqadaadii cid u wakiilatid adigaa ka mas’uul ah go’aannada wakiilkaaga kamana bixi kartid wixii natiijo ka dhasha shaqada u qabtay. Marka waxaa latna huraan ah inaad la socotid sida shaqadu u socoto si aad u toosisid markay qalloocataba. Taasina waxay u baahan tahay inaad u dejisid hab aad u kormeerto si joogto ah.

Waxaana waajib ah inaad u dhammaystirtid ninka aad shaqada u xilsaartid qalabkii iyo xog oggolaannimadii iyo nidaamka shaqadu si habsami uga fulayso.

Waa inaad ninka kale xilka saartid adigoo aanay gacan- taada ka bixin awooddii iyo mas*uuliyaddii xilkaasi si aad u toosin karto wixii qalloocda.

Sidaad ugu bdrbaarin Iahayd go’aan qaadashada dadka aad madaxda u tahay.

Adiga waxaad heli kartaa fursad aad ku kormeertid sha­qaalahaaga tiaad ula socotid heerarka ay kala joogaan iyo siday ugu kala horreeyaan wax barashada iyo horukaca, waa inaad u taba bartid siday u xallin lahaayeen mashaakilka ka hor imaanaya go’aan munaasib ahna uga gaari lahaayeen waanna inaad siisid awood ku filan wax ka qabashada mashaakilka. Isla markaana lagu baraarujiyo siday caado uga dhigan lahaayeen xallinta mashaakilka.

Kormeerka Macnihiisu Waa Is-Afgarad Iyo Baraarujin

Waxaa laga sheegay nin Maraykan ah oo la oran jiray ILYOT JANI oo shirkad wayn madax ka ahaa inuu yiri Xil u wakiilashada qof kale kuma baran dhib yaraan ee waxaan ku bartay si qaraar oo kulul. Waxaa loo baahan yahay markaad qofka howl u xilsaartid inaanay waxba yeelin habsami u socodkii shaqadu iyo iskaashigii shaqaalaha, is-afgaradkuna waa asaaska u wakiilashada xilka. Haddii aad qof hawl u xilsaartid waa inaad si waafi ah ugu sharraxdid awooddiisu inta ay ku siman tahay waana inaad hubisid inuu aqoon fiican u leeyahay siyaasadda Hay’adda gaar ahaan inta ku lug leh shaqadiisa waxaa kale oo kugu waajib ah inaad sheeda kala soocotid si aad u hubisid in shaqadu u fulayso sidii a&d rabtay.

Guddoomiyaha guulaysta kama baqo inuu qof kale hawsha u xilsaaro laakiin guddoomiyaha faashilka ah wuu ka baqaa inuu ku aamino hawsha qof kale, isagoo ka cabsanaya in isaga la cannaanto haddii qofkaasi shaqada halleeyo marka si aanay taasi u dhicin hawshoo dhan isagaa gacanta ku haysta mana dhici karto inuu wada fuliyo maxaa yeelay shaqada laga= rabo ayaa ka badan waqtiga uu haysto marka waxaa dha- caysa in hawlihii kala socon waayaan shaqadiina halkaa ku curyaanto isagana abaalkii laga waraabiyo:

Baro Inaad Ku Fekerto Laba Heer

Madaxdu markay dad kale u xilsaarayaan hawlaha, isku dariiqo ma raacaan, qaar waxay xoogga saaraan arrimaha hoose ee yaryar ee ay qabanayaan dadka ay madaxda u yihiin, waxaa laga yaabaa in dariiqadaasi ka shuqliso waqtigii uu wax ka qaban lahaa arrimaha waaweyn.

Madaxda qaarkeedna waxay u go’aan masaa’ilka waaweyn iyagoo u dhaafaya arrimaha hoose shaqaal- ahooda. Marka labadaa dariiqo tee fiican?

Ninka madaxda ahi waxaa looga baahan yahay inaanu labadaa dariiqo midna baylihin, ee waa inuu arrin kastaa xaqeeda mariyo. Maxaa yeelay, waxaajiramaray arrimaha hoose ahmiyad weyn leeyihiin, njarka waa inuu isku miisaamo hadba arrinka horyaal waxqabadka looga baahan yahay, waana inuu kala sdoco arrinka yar iyo kan weyn midba waxa looga baahan yahay.

La Socodka Xilkaad Qof U Wakiilatay

Markaad qof hawl u xilsaartid, waajibaadkaagu waa inaad la socotid sida hawshu u fuleyso, waxaad kula socon kartaa Telefoon, xaashi baad ugu qori kartaa hadba tallaabada laga rabo, xafiiskaad ugu yeeri kartaa iyo si kasta oo uu kuu suuroobi karta.

Nin la oran jiray Lays Ait oo ka madax ahaa urur ganacsi ah oo ah dalka Maraykanka wuxuu ka sheegay shir lagu horumarihayey maamulka qisadan: Nin agaas­ime weyn ka ahaa shirkad weyn oo sanaaci ah ayaa loo xilsaaray inuu soo diyaariyo liistada mashaharooyinka shaqaaluhu muteysteen, wuxuu amray ninkii hawshaa xisaabsanaa inuu diyaariyo liistada la rabo, markay ka soo wareegtay lix bilood ayuu goddoomiyihii shirkaddu weydiiyey agaasimihii shaqaalaha liistadii, markaa ayuu ku baraarugay uu warsaday karraanigii uu hawsha u xilsaaray, wuxuu ogaaday inaanu meeshiiba ka soo qaadin.

Marka Lays ayaa qisadii faalleeyey oo yiri: Agaas­imihii shaqaaluhu wuxuu sameeyey laba gef oo kala ah, ma uu samaysan hab uu ula socdo arrimihii uu dadka u xilsaaray, kan labaadna muu barin shaqaalihiisa waaj- ibka ka saaran la socodsiinta madaxda shaqada loo xilsaaray.

Marka taas macnaheedu waa inuu ninkii qof kale u xilsaaray hawshii, laakiin wuxuu ku fashilmay la socod- kii fulinteeda.

Adigu Waad U Baahan Tahay Fikrooyin Cusub

Maamulaha guusha keenaa waa kan ku dadaalaa markasta inuu qaado mas’uuliyad cusub iyo awood bal- laaran uu wax ku fulin karo. Marka hoggaamiyaha wax garadka ah waa kan uoggolaada shaqaalihiisa inay u soo bandhigaan fikrado cusub isagoon amarku gacantiisa ka bixin oo la socoda fikrad kasta natiijada ka dhalan karta. Isla markaana waa inaanu u oggolaan kuwa hanka weyn ee shaqaalihiisa ah inay ka tallaabsadaan, waana inuu dareensiiyo in awoodda ay ku shaqaynayaan farac ka tahay, awooddiisa marka faracu waa inuu tixgeliyo asalkiisa.

Hababka Wax La Isugu Xilsaaro

Habka aad u xilsaarayso dadka aad madaxda u tahay waxay ku xiran tahay adiga shaqsiyadaada, dad- kuna arrinka way ku kala duwan yihiin, waxaa loo tiriyaa guulihii uu gaaray Madaxweynihii Mareykanka ee la oran jirey Aysanhawer, inuu xariif ku ahaa sida dadka loogu wakiisho xilka. Intuu xilka saaro ayuu siin jirey awodda uu ku fulinaayo xilkiisa.

Marka madaxdu way ku kala duwan tahay u xil- saaridda hawlaha dadka kale, qaarkood waxay matalaan boqorka kaymaha.

Marka adigu matahay nin adag? Ma ilaalisaa dadka aad madaxda u tahay? Ma kugu kalsoon yihiin? Ma fuliyaan awaamiirtaada hadal la’aan? Haddii aad til- maamahaa leedahay ogow adigu waxaad dadka kale u xilsaartaa inay yihiin oo kali ah waxyaalaha hawl maal- meedka ah ee fudfudud, laakiin go’aannada muhiimka ah adigaa gacanta ku haysta.

Madaxda qaarkood waxay u jeediyaan su’aalo qofka ay rabaan inay xil u dhiibaan, marka su’aalahaasu uu ku fahamsiiyo sida loo rabo inuu u fuliyo arrinka loo xilsaaray.

Nin madax ka ahaa shirkad tareen oo Maftykan ah ayaa laga sheegay inuu yiri: dhibaatooyinka hortaaftgan madaxda fuliyeyaasha aha waxay u badan tahay inay iyagu qabanayaan hawlihii dadka ay madaxda u yihiin, tusaale ahaan; kaaliyihiisa u keenaya barnaamij kala dhiman markaasuu ninkii madaxda ahaa dhammeystirayaa dariiqadiisii ma barbaarinayso kaaliyihii, waxaa waajibku yahay inuu ku celiyo isagoo u tilmaamaya mee- laha ka dhiman’ iyo siduu u soo hagaajin lahaa.

Marka waa inaad ogaatid ninka aad tahay markaad qof arrin u xilsaaraysid. Ma waxaad tahay sida boqorka kaymaha, mise kan qabta hawsha shaqaalihiisa, mise nooc kale.

Habka Ugu Habboon U Xilsaaridda

Haddii aad doonayso inuu qofku go’aanka isagu qaato waxaa waajib ah inaad u dhaaftid arrinka si uu isagu mushkiladda xal ugu helo, adigoo gacankusiinaya waana dariiqada ugu weyn ee xil u wakiilashada qof kale.

Sida runta ah waxaa jirta habab badan oo qofka loogu xilsaari karo, waxaase jirta inaadan marar badan la socon karin go’aainadii uu qaatay qofkii aad arrimaha u xilsaartay.

Marka haddii uu sarkaalku karti leeyahay waxaa laga yaabaa inaad hawlo waaweyn u xil saartid. Haddaba waxaa waajib ah inaad raggaaga taqaanno intaadan xil saarin ama hubka u dhiibin.

Dhaaf Cali Ha Shaqeeyee

Waa xigmada matilaysa xil u wakiilashada aanad la . socon, haddii aad qof u xil saartid arrin sii xilka iyo awoodda lagu fulinayo ka dibna la soco sida hawshu u socoto waxaa kaa saaran waajibaadkii kormeerka mar­kaad qof shaqaalahaaga ah arrin u wakiilatid.

Hawl u xilsaaridda qofka kale waxay ka mid tahay go’aan qaadashada, waana midda ugu muhiimsan, kamana fakan kartid canaanta haddii ninkii aad arrinka u xilsaartay ku fashilmo, sidaad ula wadaagayso ammaanta hadduu ku guuleysto.

Marka ninkaad arrin u xilsaarayso waa inuu ahaado mid aad ku kalsoon tahay inuu xilkaa ka soo dhalaali doono dhan kasta oo laga cego.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *