Bogadaawad

Niman badan oo Warsangeli ah oo Maxamuud Cali Shire madax u yahay ayaa Sayidku siiyey xoolo fara badan oo isugu jiray geel, fardo iyo ari, dabadeed is-afgaranwaa ayaa ka dhex dhacay oo waa ay kala boodeen. Dareenna waa kala galay. Dabadeed degmadii Maxamuud Cali Shire madaxa u ahaa habeen madow bay xaruntii ka guureen, waxayna tageen buuraha Calmadow oo Daraawiish waa ka ufoodeen, wax badan baa aftin iyo ergo loo diray, qaabulse lagama helin.

Daraawiish waxay guddoonsatay mar hadday ka tageen inay dadkii iyo duunyaday la tageen ka soo ceshadaan. Waxse isku gudbay oo fardihi u mari waayeen buurihii Caleed iyo togag aan laga tallaabi karin.

Daraawiishi waxay qabeen geela iyo fardaha ninna inaanu yeelan karin ee ay rag oo dhan ka dhexeeyaan, hase yeeshee xilligii gu’ga markay ahayd oo ay degmadii soo fedda-baxday ayaa Daraawiishi geeli gacanta ku dhigtay. Dabadeed ku digasho awgeed ayaa Sayidku gabaygan u mariyey, oo wuxuu yiri:

Bogadaawad waataan lahaa, bari ka soo dhiibe

Waataan bidhaan quruxsanay, soo hojooy iriye

Waataan baadi celiyoy lahaa, yeeyan baylihine

Barbar uga du’ waataan lahaa, buurta yey korine

Waataan banuu diid lahaa, yeeyan baalidine

Waataan bad kuma caymatee, soo barrooy idhiye

Boholyowga Hawd1 bay durduro, budulka raacdaye

Baliishii2 kaliileed tagataa, biliqda dayreede

Kobta ariga beeduhu degay, kor uga baadaaye

Banka waa ka carartaa sidii, gan iyo buubaale

Boqoolaa hadhkii bay sidii, badali roortaaye

Biciidkay ku darantaa sidii, bahal ugaareede

Bilcil faraq ku yaal bay tiqiin, baariga u saare

Hareeriga ka baxay foocyadey, baaca gelisaaye

Sida geriga beryaha ah bay, bucusha laacdaaye

Bilbilaha mareedh caraaley, baraqda daaqdaaye

Barqamaaga geryaha baxay, belegta gooysaaye

Caleen baacday tuurfaahistay, bulush cantuugtaaye

Bisiq hamasha buuniga dharjada, udug buuracowga

Burdad ubax leh baar iyo uneex, baqas ku fuuraaga

Buta waran barraajistay, balala qaaddaaye

Bakadaha iyo xiitoolahay, banan u raacdaaye

Burca toon leh bacad ciidle bay, bara hoyaaddaaye

Intaasay ku baayiri jirtoo, baashi ku ahayde

Baran mayso meeshaa degtaan, boqol alluu-naarye

Bog qalluudan beer godani waa, ba’iyo hoggeede

Ka soo bixiya waataan lahaa, balcaddii gubane

Jiilaal barraahsaday hadday, bila ku soo oonto

Badowlahada waataan lahaa, baara haw horine

Balxis geeya waataan lahaa, wey baduuxsamiye

Bilcataabihii iga xadaan, uga baqayaaye

Waataan baatriteedii lahaa, buurka yey tebine

Hal ma beddelo waataan lahaa, beeya-gurihiiye

Waataan ku iri hayga bixin, baarqab baa dhalaye

Ka bariiya waataan lahaa, baydda yuu jarine

Bushuma aan run lagu oron waa, lagu beloobaaye

Waataan bahdaa yey ku lumin, kuula baashiraye

Waataan bad baan kugula dhici, baane ku iriye

Bih-ina-Faatax biixida jabtaan, baani kabihayne

Awal bay badaawidu galeen, bohol Walwaaleede3

Macayeedna buufaamahay, badaha raaceene

Adigana baroor bay indhuhu, kula basaaseene

Bulxankeeda olol baa ka roon, adiyo beeggaaye

Haddaad haatan biixida wadheen, bag iyo haankiina.

*Waxaan ka soo guuriyey Soofe Durraan iyo Xaaji Maxamed Cawl Ileeye.

1. Hawd: Waa dhul dhir badan oo u dhaxeeya Ciid iyo Nugaal.

2. Ballishiil: Waa balliĀ  Hawd dhexdii ah oo Buuhoodle koonfur-galbeed kaga toosan.

3. Walwaal: Waa ceel toddobada ceel ee Doollo laysku yiraahdo bari u xiga, wuxuuna u dhexeeyaa Wardheer iyo Haraxagarrey. Waana ceelka ugu dawlis dheer dalka Soomaalida.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *