Cali-Geri Aboodiga Ku Lalay

Markuu gembigii iyo jihaadkii galay degmooyinkii faraha badnaa ee Ciid iyo Hawd fadhiyi jirey oo tuurihii geela lagu dhaqaalayn jirey cidla iyo waaqla noqdeen, ayaa Sayidkii ka tiiraanyoodey, dabadeedna gabey buu mariyey, wuxuuna ku tilmaamay sida dhulkaasi jeer hore ahaan jirey iyo siduu maalintaa ahaa.

Afka bari ishaa bogox intii, arar Nugaaleeda1
Iliilaha bannaan iyo intii, edegga ciideeda2
Axad kagama sii harin wixii, uduba oo yiile

Caligeri aboodig ku lalay, abax ka sooryooye
Iqliil weeye madhan qayradii, oomanta ahayde
Afar iyo afqaaqlaa ku dhacay, araxya weyntiiye

Ifku kama balbalo tuurihii, oollinka ahaaye
Meeshuu aboornimo fadhiyey, laga alaab qaadye

Hawdkii ugbaadsaday, horweyn kuma ilaashaane
Uma ooho geeyaan markii, aarankii lumo e
Shisheeyaha araarimaha yaal, kuma ugaayane

Eegida horjooguhu cishaha, sooma oriyaane
Xeryo gaallo la isaga ag dhigay, uma adkeeyaane
Irridaha markii aasku dumo, kuma afuufaane

Ibdarta iyo dhowtada ratiban, ugar ma siiyaane
Ardaayada golaa kala rogrogan, uma asteeyaane
Uleexida haleelada tircayn, il uma gooyaane

Aarsaydha oonyaha gudgude, ubuc dugaag jeexa
Ilka horror abeesada qallici, halaq uraa leeb ah
Ulbistuur anaaniga dayaca, alaba jeerraanta

Eynfaadka baadida tagtow, adadac buubaalka
Abid maqan intaha raadiskay, axal ka duugoowdey
Akhbaar raadis urur naadinteed, idan ku yaahaynta

Ambaqaadka taa uma ekeyn, aniga hay saarin
Summad awdka sawraca ankari, eedda iyo dhaarta
Asaraarka eexada danbiga, shiru aguugeynta

Guudaan amnaca shiil armaca, luqun inaatowga
Inqiis naas ah iin cararjidow, gudur ufaayowga
Ubad jaalla ahaan baaqatiyo, dhicis ammuurayska

Ammaankow gandood eel ragaad, arami naafowga
Ammaanguud anaashiga dhukaan, axadh xaraarowga
Uhda dhugato roor, ababa’leyn, ol iyo geegaarka

Alleqabe kud eertaa qadhqadhi, shilin aseebaaga
Aafaa samaawiga Allow, naga ammaanayso
Aammiin ma buuraan intay, duco allifaane

Kuma aduurdhabaan baarqabbadu, abasaxeeddiiye
Shimbiruhu markuu doob onkodo, ma awanayaane
Abeerrada tifrimay goojadii, lama ammaaraane

Qorracxdoo abbaar le’eg markii, oodda laga jiido
Kolkii kuraygu eyrada hayey, kala aqoolmayso
Ulaha uma boobaan intay, tiro abyoodaane

Kobtii shalay irmaanku ugu baxay, aladii fooca
Arbaxaale3 goortay tagtoo, aayaddeed dheregto
Aamminkii la baraqmaali jirey, ma arrumaayaane

Eydaarteeda oo fool la dhici, ma antaweershaane
Goortay ummuliyaan murkaha, kama abeeyaane
Abur xoor leh kama soo lisaan, ibagaleenkiiye

Masaakiinta agaheeda tuban, ma ajareystaane
Unuun uma jaraan qaalmihii, eydinka ahaaye
Cayuuntaan ilmaha loo dhigayn, kama uneexaane

Waxay abaxa goysaba markay, ohin carraabyso
Afdhuubyaalaheedii durduro, ma ambaqaadaane
Sidii ay iblays tahay xuruun, ma umbulleeyaane

Jiilaal aleel ka cad hadday, acabtin doonayso
Markay uudka kore laasatiyo, abaqa baarkiisa
Iyadoo idiin ka cas markay, oon la soo degato

Intay yeel aslaan ceelashii, uma aroorshaane
Awaaliinka kama soo shubaan, ilaha Caymeede4
Alalaaska heestii darkii, kuma olkeeyaane

Awr qaada iyo gool ahmiya, ma aldaxaayaane
Abidkoodba kama sooryadaan, alaxa caanoode
Niman baa uquun kagala tegey, ilindiddoodiiye

Eebyaha ma soo rogan markii, ibilku tuuraye
Anaa eegiyey dhicin lahaa, idam Ilahaye
Wax arsaa’iilkood galay markay, ferenji aadeene.


 

*Waxaan ka soo guuriyay Xareed Duubi Deero.
1. Nugaal: Waa waadi dherer iyo ballaarba leh oo Cayn iyo Saraar ka soo rogmada, xeebta Aylna badda Hindiya kaga dara.
2. Ciid: Waa dhulka ciidda guduudan leh ee oomanaha u badan.
3. Arbaxaale: Waa balli xoolaha u fiican oo Buuhooddle geesta Hawd galbeed ka xiga.
4. Ilaha Caymeed: Wuxuu u jeedaa togagga ama faraha ama ilaha ceelka Caynaba dhinaca hawd ka xiga oo geelu jiilaalkii ka soo arooro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *