Daraawiish markay jabtay, Sayid Maxamedna geeriyooday gumaysigu wuxuu ku dadaalay inuu raadkoodii baabbi’iyo si aan loogu dayan, taariikhdoodiina looga sheekeysan. Dabadeedna wuxuu fidiyey taariikh aan raad lahayn iyo dacaayad been ah iyo xuma-ka-sheeg si aan tii oo kale waa dambe u dhicin. Wixii kutub, buugaag, gabay ama waraaq ahaana waa gubay si aan wax raad ah Daraawiish looga arag.
Waxay duni hadba heer ahaataba, waxay talo hadba geed harsataaba, afar iyo soddon gu’ iyadoo laga soo wareegay geeridii Sayid Maxamed ayaa anigiyo naftaydu ku heshiinnay inaan taariikhdii Daraawiisheed guud ahaan baadi goobo, wixii maanso ahaana gaar ahaan u raadiyo. Abbaaraha muddo sanad ah markaan wadey ayaa waxaa iga hor yimid labo dhibaato oo culculus:
- Tan hore nimankii Daraawiish ka noolaa oo gabayadii inay hayaan lagu malaynaayey dhammaantood waxay noqdeen reer miyi saraardaaq ah oo magaalooyinka ka dheer.
- Tan labaad waxay noqdeen niman haaliyoobay oo fiig ah oo si ay kuugu gole-fariistaan adag tahay, inay wax kuu sheegaan daaye!
Dabadeed waxaa lagama maarmaan noqday laba hal:
- Inaan helo xoolo aan ku meel maro.
- Inaan barto xeerka Dariiqda Saalixiya.
a) In kastoo dhawr jeer aan ka hakaday lexajeclo daraaddeed, talo waxay iigaga ibabeeshay inaan iibiyo shan geela oo lacagtaan ka helo gabaygaas baadidoonkiisa iyo baaristiisa jicsin iyo baadifad uga dhigto. Ilaah mahaddii weeyaane, taasi waa ii meel martay.
b) Waxaan u xeraystay koox wadaadda ah oo Saalixiya ah si aan u barto xeerka iyo xeeladda Dariiqada Saalixiya, iyana waa ii meel martay.
1955kii ayaa guntiga labada law geeyay, kitaabkana gacanta midig gashaday. Nugaal labadeeda daanna gees walba u qaaday, gugii dambena Hawd iyo Ciid baan wareegayey.
1959kii ayaan taabay taariikhdii Daraawiisheed inteedi badnayd, gaar ahaan gabaygii iyo goobihii dagaalada xumi ka dhaceen iyo gurigii Dariiqo wixii ka dhacay xumaan iyo samaan mid kastaba ha ahaatee. Waxaas oo idil waxay ku qorraayeen far carabi ah. Waxaan sugayey oo maskaxda ku hayey gooray noqotaba far Soomaali inay soo bixi doonto.
1971kii ayaa la unkay guddi afka Soomaaliga ka shaqeeya. Markaasna waxaa ii muuqday inay lagama maarmaan tahay in gabayadii la habeeyo oo laysu duwo, taasuna waxay u baahatay taageero la helo, maxaa yeelay waa hawl weyn.
1972kii bishii Jannaayo 4teedii, ayaan Axmed Faarax Cali (Idaajaa) ku heshiinnay inaan u yeeriyo isna gacanta ku qoro gabayadii Ina-Cabdulle Xasan oo awal carabiga ku qornaa. Hawshaasi waxay nagu qaadatay laba sano oo gaw ah iyo afar bilood.
Gabayada buuggan ku qoran waxaa la ururshay 1954kii-1974kii, waxaana laga qoray niman Daraawiish ahaa oo marki la marinaayey Xaruntii joogay, in kastoo maanta rag yari ka nool yahay. Raggaas magacyadoodii, meeshi aan kula kulmay iyo taariikhdii aan is-aragnayba waa sida hoos ku qoran:
Magaca Meeshii Taariikhdii
- Cabdi-Yaar Cali Guuleed Buuhoodle 1955kii & 58kii
- Maxamuud Cilmi Faarax Buuhoodle 1955kii & 58kii
- Xaaji Maxamed Cawl Buuhoodle 1955kii & 58kii
- Xaaji Aaden Cawad Buuhoodle 1957kii
- Garaad Soofe Durraan Buuhoodle 1957kii
- Gallaydh Cabdi Ismaaciil Buuhoodle 1957kii
- Maxamuud Xoosh Dheere Buuhoodle 1971kii & 73kii
- Saliid Baynax Aaden Marqaan-Weyne 1955kii
- Xaaji Jaamac Ismaaciil DhoonLaascaanood 1957kii & 58kii
- Faarax Baqardhe Laascaanood 1957kii & 58kii
- Xaaji Maxamed Biixi Boos Laascaanood 1957kii & 58kii
- Aw-Cabdille Ibraahim Boocame 1956kii & 73kii
- Xaaji Axmed Aaden Surgo’ Boocame 1956kii & 73kii
- Cali Darmaan Garaase Taleex 1956kii & 73kii
- Warsame-Geeldabar Ciise Taleex 1956kii & 73kii
- Ciise-Fikad Faarax Qardho 1956kii & 73kii
- Xaaji Cabdiraxmaan S. Max’ed Muqdisho 1959kii
- Xareed Duubi Deero Muqdisho 1963kii
- Xuseen-Aabi Cilmi Xaasey Muqdisho 1964kii & 73kii
- Caasha Sheekh Cabdille Muqdisho 1972kii
- Abokor Seed Cali Muqdisho 1972kii & 73kii
- Aaden Aw-Yuusuf Dhacdhaco Muqdisho 1973kii
- Aaden Cawl Jaamac Ayl 1973kii
- Soofe Cali Buraale Muq & Hargeysa 1965kii & 73kii
- Maxamed Nuur Cali Iskushuban1964kii
Raggaas waxna waa geeriyoodeen, waxna god qarkiis ayay saaran yihiin. Badankooduna Daraawiish bay ahaayeen xaruntii bayna ku dhasheen, kuna koreen, dagaalladii goobjoog bay u ahaayeen.
Waxaad gabayada qaarkood ku arki doontaa cay foolxun, hase yeeshee murti iyo taariikh ah. Caydaa waaxid iyo wadar mid kasta ha loola jeedee, maxaa keenay? Jawaabtu waxay tahay laba arrimood:
Tan hore Sayid Maxamed wuxuu rumeysnaa Daraawiishna baray Muslinka iyo gaalada dal iyo diin, dad iyo duunyo, mid kastaba ha ahaatee wax xiriir ah oo ka dhexeyn kara inayan jirin. Sidaa darteed wuxuu Sayid Maxamed Daraawiish ugu guddoomiyey ninkii gumaysiga la dersa ama la daawa leh taageera in la caayo oo la cambaareeyo, bal inuu ceebayntaa wax ku qaato ama dadka xaggiisa ka cadhoobo.
Tan labaad rag colloobay, cay, aflagaaddo iyo hadal xun oo la isu diraa waa lama huraan. Haddaynnuse gabayadii Soomaalidii hore isu marin jirtay gaar ahaan u eegno ama ummadaha kale gabayadooda guud ahaan u eegno, waxaannu ka garanaynaa caydu inay murtida ka mid ahayd, tusaale ahaan waxaa u soo qaadan karnaa gabayada ay carabtu isu marin jirtay oo diiwaanno fara badan ka buuxa.