Majeerteen

Waxaynu horay u soo sheegnay in 1903tii Sayidku waraaq ka helay boqor Cismaan Yuusuf. Warqaddu waxay oronaysay, “Daraawiisheey bari u soo guura si aynu garab iyo gaashaan iyo isku gacan u noqonno, gaalo iyo cawaankeedana meel uga soo wada jeesanno.” Daraawiishi sidaa ayey u guurtay. Masafada soo socotana waxay tilmaameysaa geeddigaas iyo dhibkii ka soo gaaray iyo waxay talo ku dambaysay, wuxuuna Sayidku yiri:

Majeerteen markaan maqlay, maanku waa jeclaystoo
Milmil1 reerka oo yaal, dib u soo majiirroo
Muxubbo ugu soo raray, Murcanyo2 iyo Baargaal3
Matakhshoo ku soo dhaxay, Miiro4 iyo Garloogube5
Marqo ivo carruurtii, Marsin waaya loo daa
Maalintaan ka soo raray, Masaarraan6 ku soo furay
Marafkiyo cagaarkii, mareerkii ma xaalayn
Malxaabadaan ka soo raray, mutahada Dannood imid7
Makhribkii markuu dumay, minka awrta saarroo
Mugdigii habeenkii, maatatuul u soconnoo
Muruq daalis iyo rooris, barqadii la maanshoo
Maxmilkiyoo aan laga dhigin, meerihiisii laga rogay
Sengeyaal majiirraa, makaankaa ka kiciyoo
Marraagga iyo caynkii, murti loo adkeeyoo
Mashriq foolka saarroo, markab sidii u roorroo
Hawdkii muquurroo, hadba maarar dhaafnoo
Masaafada iyo nocodkiyo, mililicda u bareernoo
Geeddiga maqiiqani, lagu maalin gaalyoo
Malleelkii iyo leexadii, ayax lagu maleeyoo
Madowgiyo guduudkii, maad loogu dhimayoo
Malkadii Nugaaleed8, muddo badan u soo dhaxay
Mahlakadii jidka ahayd, macbuud naga bariiyo
Miciyo dugaaggii, mowtulfaja waa ka nabadoo
Baadi waa iska maashoo, mooraduugse nama helin
Waxmulbaday ma diiddanin, malafsi baanan sheegine
Ma’man badanna waa qabay, mahad Eebbe weeyee
Afartaa micneeyoo, mid kaleeto waayoo
Maxamuud Saleebaan, mid yar baan u leeyahay
Maahmaahadkoodii, nimankaan u maalliyay
Maankaa jeclaystaye, muuno nagama raacin
Madh9 waayadaan tegay, nimankaan u soo muray
Magannimo Allaa lehe, nimankaan muskuu galay
Aan meherba lagu dhalin, manidood ha gubatee
War maxaan marweeyoo, masalle u xajiin tiray
War maxaan mar iyo labo, manfacada u toos iri
Maxaan gool marmaarriyay, mariskiisa daajoo
Maxaan meyraq iyo kurus, darka uga milaaloo
War maxaan murkaha weyn, xumbada uga malleeyoo
Maxaan meydabtii geel, xeryo uga milaaloo
Ari daad masaalkiya, xeryaha ugu miisoo
Mood maxaan u dhiiboo, magaalo u sameeyoo
Maxaan maxawi iyo timir, masafo ugu laaboo
Maxaan shaah mureesiya, kirli uga muggeeyoo
Maxaan meyrantii dumar, maxmil ugu hagoojoo
Maxaan maqaasiinka u dhigay, gabar miigganoo culus
Kullu mosorayaashii, waa wada maraaceen
Inay maxalka jeexeen, Muumino10 ha loo tago
Afartaa micneeyaye, mid kaleeto waayoo
Raggii magaca dheeraa, maarre waxay ku toogteen
Waxay macallin qaariya, melaggiisa joogeen
Away macallimiintii, mid-midka ay u dooxeen
Bah dir baa magoolliya, mindhaa murankii beenoow!

Waxaan ka soo qoray Aw-Axmed Aaden Surgo sannadkii 1956kii. Waxaana dhammaystiray Xaaji Cabdiraxmaan Sayid Maxamad.
1.Milmil: Laag biyo leh oo u dhexeeya Dhagaxbuur iyo Awaare.
2.Murcanyo: Waa magaalo raacsan degmada Caluula oo u dhaxaysa Dhurbo iyo geesaley.
3.Baargaal: Waa magaalo ku taal xeebta koonfur Raas Gardhafuy Waxay ahaan jirtay Xaruntii Boqor Cismaan.
4.Miiro: Balli Hawd ku yaal.
5.Garloogube: Waa ceel ka mid ah kuwa Doollo.
6.Masaarre: Balli ka mid ah ballida loo yaqaan Harasan.
7.Dannood: Waa balli caan ah oo ka mid ah toddobada balli ee Haraxagarrey.
8.Nugaal: Waa waadi dherer iyo ballaarba leh oo Cayn iyo Saraar ka soo rogmada, xeebta Aylna badda Hindiya kaga dara.
9.Madha: Ceel biyo kharaar oo ku yaal dixda Dharrooreed bartamaheeda oo raacsan maamulka Boosaaso.
10.Muumina: Waxay ahayd gabar ka mid ah gabdhaha aqalkii boqor Cismaan ka adeegi jiray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *