Reerkayga Kama Soo Rareen

1904tii ayay Daraawiish udubka dhidbatay xeebaha Ayl, Ilig, Gabbac, Hawd-Bari iyo Nugaal xaggeeda hoose. Barwaaqo iyo baraare ayay ka heleen. Iyadoo si aan loo oolli doonin loo yaal, ayaa nimankii qusuusidda ahaa oo Daraawiish caynaanka u hayay ku taliyeen in xarunta loo wareejiyo godanta Nugaaleed (Talccx). Maxaa wacay geeli baa dhulkaa dhagaxa ah oo badda u jeeda ku xumaaday. Markii reerkii dhooddi iyo guda Nugaal lagu furay, waxaa dhacay abaar xoolihii ku xumaadeen. Nin Daraawiish ka mid ah ayaa tiriyay gabay calaacal ah oo yiri:

Aabbow ninkii ari lahaa, waa abaarsadaye
Awaaraha dhacaayay riyihii, la indho beeleene
Ilig iyo hadduu Ayl ka yimid, waa Allow sabale
Awrkayga ii keen berraan, qaban Caraadeene

Taa isagoo Sayidkuna ka calaacalaya. taladii qusuusiddana haaraamaaya wuxuu isna yiri:

Rannag dhalay lo’ wada riira iyo, raasumaal ariya
Rigta ciirta caanaha la raqi, racawadii maalka
Ragraag sixinta oo gob weyn, lagu rabbaasaayo

Rogob iyo baruur iyo caddiin, ramaqsigii goolka
Raka sare rawaaxi iyo xiriir, raarta laga buuxshay
Ribix waxaan ka helay maalintaan, rababkii Ayl iillay

Ra’yigeyga kuma hayn inaan. rug uga guuraaye
Wax rafaad i soo galay markaan, awrta soo raraye
Rabbi nimaan aqoon bayga qubay, raaxadaan qabaye

Rag baa igu cabiidshaye, Nugaal1 risaaloone
Nimanbaa riddaan igu wadaye, raalli ma ahayne
Reerkeyga kama soo rareen, rabadinkuu yiile

Sidaan raaska dhooddi ugu furay, rina ma dheefayne
Goortuu rammaaslayda yimi, ruqay adduunkiiye
Risiq lagama helin geelashii, reysinka ahaaye

Kolba haddaan ka soo ruqay kobtay, ramastu ii tiillay
Kolaan nuqur jabsado maalintay, rayadu geedowdo
Amaan raran gashado quullihii, raanta le’ekaaye

Curdunkii ruguugacay kolaan, rubuc ka soo beegto
Amaan miraha roobkii ku baxay, ragad ka soo buuxsho
Haddaan Hawd2 rabalkiisa aal, dan uma riiqdeene

Waxay ii riyaaqsheen dalkii, reebida ahaaye
Waa meel dugaag roorayoo, ruqumbiyaaye
Waa meel raqdii aad tagtaa, rux dad ey tahay

Waa meel aan raan geedo weyn, raxan ka daaqeyne
Waa meel ris iyo caws rudmo ah, laga rifayaaye
Waa meelaan raandhiis lahayn, ruus ka soo baxaye

1.Nugaal: Waa dibir ballaar iyo dhererba leh oo cayn iyo saraar ka soo rogmada oo badda Ayl gala.
2.Hawd: Waa dhul dhir badan oo u dhexeeya Ciid iyo Nugaal.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *