Muslin iyo gaalba dadkii Sayid Maxamad Cabdille ka gees ahaa waxay ku tilmaameen inuu dawgii sharciga ka tallaabsaday oo dil iyo dhac u bareeray dad wixiisna xalaalaystay.
Haddaba isagoo ka warramaaya naftiisa iyo ujeeddadiisiiba xagga islaannimada, Ilaahaqoonta, xagga jihaadka iyo aftahannimada, deeqda iyo xagga walaalnimada ayuu Sayidku gabaygaan mariyey oo wuxuu yiri:
Nin Ilaah yaqaan oo sharciga, ku isticmaalaaya
 Ashahaado loo qoray nimaan, kala illaaweynin
 Oo aan inkirihayn xaq waa, la oggolaadaaye
Nin salaadda awqaadda, faral u addimoonaaya
 Oo dagada oofinahayoo, ugubka dhiibaaya
 Oo aan afurin soonku, waa bilaha iideedee
Adduunyadiyo xoolaha ninkii, aragti dhiibaaya
 Oo inuu ohay yiraah, ka istixyoonaaya
 Oo aan bakhaylnimo abkiis, lagu ishaareynin
Nimaan diinta aafo u galayn, aakhiruu sabanka
 Oo aan amxaarada sidii, obo u yaaceynin
 Oo gaalka ooradu ku taal, u askareynin
Nimaan abuurka Soomaaliyeed, ka anfi taageynin
 Oo aan ajuurada kufriga, ugu adeegeynin
 Oo aan ardiga beesadeed, u ashtakoonaynin
Nin jihaad ohoominahayoo, ubaxa loo saaray
 Ingiriiska eyga ah ninkii, ugu uneexaaya
 Oo libin ajri leh soo heloo, or iyo geeraar leh
Nimanyahow aqoonxumadu, waa ardaalnimo e
 Asaraar ma fiicnee, runbaa lagu arooraaye
 Ninkii aynigaa lagu yaqaan, aw islaan ma aha?
Shir aguugay waayeel abyamay, talo ashaaddowday
 Irda jiqa albaabo isku xiran, eel la bixin waayay
 Xaajadaas afraha duubatee, loo olmami waayay
Nin aqoon leh aw iyo haddii, odaya loo saaro
 Inkastoo ayaan iyo ayaan, lagu oloollaado
 Ninkii maalitaa ka arrinshaa, aaqil aw ma aha?
Wiiwiida qaylada haddii, uubatadu yeedho
 Sangootida ilwaadda leh haddii, agabka loo qaato
 Awaaraha buska leh maalintuu, Xamar abraaraayo
Maantii warmaha oofta iyo, adhaxda lays gooyo
 Maantuu aboodigu ku lalo, ubaxa loo daadshay
 Maantuu isaayuhu ka dhaco, idil dagaalkeeda
Maantii fuluu naga ordo, alaba soo rooro
 Maantii raggaan loo ilayn, naga ugaaroobo
 Maantaa ninkii aarsan sow, aarka dhacay ma aha?
Nimaan edabdarroonayn xil, waa laga ajoodaayee
 Aflagaadda aan jirin, nimaan kuula imaanaynin
 Oo kaa asluubanahayoo, kaa istixyoonaaya
Ab uu yahayba aadniga ninkii, same ekeynaaya
 Abtirsiinya kii xigay nimaam, iniq u dheereynin
 Addoomaha Ilaahay nimaan, kala irdheyneynin
Ninkii aammusoo shib ah haddii, erey xun loo geysto
 Aan kula ekeekamin intuu, urur ku soo joojo
 Aan xaajo awgeed la gubay, ubucda jeexaynin
Anfaaciga adduunyada nimaan, ku anfariiraynin
 Oo xeeryo soor lagu akhatimay, ibir ka yeelaynin
 Oo sida ardaal wax u cunee, alam ka siineynin
Intuu aqalka baanjiyoo, nimaan aradda guuguulin
 Aagaanta ciirta nimaan, aaska dhigaynin
 Oo aan qumbaha awdinoo, ilaxirkow jiidan
Aaqibadii loo galo nimaan, kala illaaweynin
 Oo kuu ixsaan fali intuu, edge adduun joogo
 Oo aan abaaldhaca aqoon sow, akhiyaar ma aha?
Ari badan lo’ iyo geel intii, mulug adduunyaada
 Ugub dhalaya qaalmaha umulee, laga unuun gooyey
 Eeraan fardood iyo gammaan, aradka duulaaya
Aqal weyn aroos bilic leh oo, ilaxir loo yeelay
 Inan quruxsan oo lagu ashbahay, uunsi iyo kheyli
 Oo qool asliya loo gashoo, jalamtu eedaami
Nasteexiyo wanaag nikii, ilindi kuu keenay
 Umuurtii aad leedahay ninkii, kuu abaynaaya
 Adduunka iyo aakhiro ninkii, kuu aslaaxinaya
Ninkii maalinta iillaan tahay, aana kugu qaata
 Oo aan abaarahakan dhacay, oodda kugu jiidin
 Itaal xumana aan kaaga tegin, sow ikhwaan ma aha?
*In kastoo aan niman kala duwan ka dhugsaday, haddana gabaygaan waxaan ka qoray Xaaji Maxamad Ileeye 1956kii, wuxuu ka mid ahaa raggii xarunta ku haray waxna ku bartay. Waxaan Xaaji Maxamad kula kulmay ceelka la yiraahdo Dhallaama-Cune oo degmada Buuhoodle ku yaal.