Warka Badaha Laga Keenayo

Dagaalkii Jidbaalle ee Daraawiish lagu jabiyay markuu dhacay ka dib ayaa dadkii cadowga u ahaa ku digtay oo waxaa lagu billaabay xumo iyo waxkasheeg aan sal iyo baar lahayn. Taas waxaa keenay markii Daraawiish towsi ka muuqatay col iyo gaadde midna wax ka soo baxa laga waayey.

Usagoo Sayid Maxamad doonaya in la rogaal celiyo oo dagaalkii Jidbaalle Ingiriis laga aargoosto, ayuu olole iyo guubaabo kula dhex dhacay Daraawiish si duullaan loo humo, dagaalna loogu kiciyo Ingiriis iyo kuwa u adeega, wuxuuna Sayidku yiri:

Wararka badaha laga keenayee, beeshu ii warisay

Ee boonta Habaryoonis iyo, bogox ka soo dhoofay

Oo aniga bari iigu yimi, waan ka buubsanahay

Wax bishaara helaa waa ninkuu, beejey gacalkiise

Baar sare ninkii aan ka dhalan, baahi baa diliye

Wax baylahdaa iigu wacan, waa badeen xumo e

Daraawiish ninkii bili u falay, waw badawnimo e

Siday boqorradii uga lumeen, biin cad baa haraye

Buruud luguma oga wiilashaa, baacin laafyaha e

Bilcaan dumara baha dhowra oo, wada baraaraysan

Aqal bilic leh oo lagu bayiday, baarro iyo xeero

Barni iyo bariis iyo xalwiyo, budo la iidaamay

Bilcooshaan xariiriyo baftiyo, khayli baro weynle

Sange buuran bari dhowr casoo, bulushku laadlaado

Bilbilaha maqaanaha sitaac, shaalka laga buuxshay

Baqas ariya boqollaalka geel, baarqab iyo goolal

Baqar lo’ ah banaaxiga gugii, bayddi iyo raaxo

Barwaaqada adduunyada ah bay, barako moodeene

Baabkii Ilaah iyo sharcigii, laga baxaayowye

Burco Laaran1 buu tegi, ninkaad beri u yeedhaaye

Nin waliba sidii baadi geel, naga banjoogowye

Ballanfure kuwii aan lahaa, boowayaashaya e

Burris bay ahayd dhaar waxay, boholo jeexeene

Wixii ay billaahida mareen, beenshe taladiiye

Qaylada bayaankaa haddii, buunka lagu yeersho

Birmadkii la soo yaaci jiray, haatan laga baadye

Waxa baaqa lagu diidaya, waa baraad li’iye

Aarkuba wuxuu balacsadaa, boodda ka horowe

Bakowyada intay looshadaan, beri ma doontaane

Nimankii banaaggoodi jaray, baafin ma hayaane

Raga haatan baashaali waw, baraq nugaylkoode

Baasaha colaadeed haddii, belel ku qiiqaabo

Banaadiiqda nimankii la dhacay, beegsan ma hayaane

Sidii ari bulaad galay raggii, buuradk u jiifay

Baqalyuhu ragguu cunahayee, boobay hilibkiisa

Marna kama biriiryaabayaan, baalcaddii shalaye

Buuhabuuhadii laga tegiyo, babul-kicintiiye

Booley ahayd faan waxay, bedertamayeene

Goortii loo bareeray ciyow, balow yiraahdaane

Anigaaba baaloon hayee, baarax baa dhacaye

Waa baydad nimankii la dhigay, Buura dhinacoode

Baqahii Jidbaallaa2 ka dhigay, baali caana lehe

Nimanyahow si baas baa qalbigu, ii balbalayaaye

Sidaan bariidaad cunaa wadnuhu, way bugleeyahaye

Badankayga waxa saas u galay, boohin iyo ciile

Buska wax igu riday gaaladii, balagta dheerayde

Wuxuu beerku ii ruxan raggay, baga u laayeene

Waakaa waraabuhu ka bogan, burunjidaydiiye

Raggii aniga ii burin lahaa, waa bud aakhiro e

Eebbow baqdhoos ba haraan, biidna tarahayne

Bulge iyo waxaa ii arrimin, buqulkii3 gaabnaaye

Eebbow birtaan rabin sidii, beydaroo kale e

Eebbow berriyo saaddambaan, bixitamaayaaye

Eebbow waxaan sii biglayn, biliqda deyreede

Eebbow boqoolaannu nahay, aniyo Boodeyse4

Eebbow Burciyo5 Looyo6 waa, beled amxaaraade

Eebbow barqaan mari karaa, Beeratiyo7 Siige8

Eebbow xaqaygii bulmaan, baafinhayaaye

Eebbow ba’naan kuma jiriyo, baaddil iyo qooqe

Eebbow biddaha ii horee, baqalka Iiddoore.

*Waxaan ka qoray Darwiishka la oron jiray Cabdi-Yaar, Cali Guuleed 1955.

1. Gaal Ingiriis ah oo Burca xukumi jiray.

2. Jidbaalle: Waa goobtii shanaad ee Daraawiish iyo Ingiriis dhex martay 1904, waxayna ka dhacday dhooddida Nugaaleed bartamaheeda meel Laascaanood waqooyi ka xigta.

3. Ibraahim Buqul: Wuxuu ahaa la taliyaha Sayidka, ammaanduulaha ciidamada Daraawiishta. Waxaa lagu dilay Bixin (Garoowe) 1919, waxaana dilay ciidamadii Ingiriiska.

4. Boodeys: Waa faras ka mid ahaa fardaha Sayidka u gaarka ahaa.

5. Burco: Waagii hore waxay ahaan jirtay ceel xooluhu ka cabbaan, haddana waa magaalamadaxda gobolka Togdheer, waxaa la abuuray 1910.

6. Looyo: Waa meel u dhexeysa Burco iyo Shiikh.

7. Beerato: Waxay u dhexeysaa Oodweyne iyo Burco.

8. Siig: Waa ceel u dhexeeya Mandheera iyo Cadaadley.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *